UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Ya-Seen - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


يسٓ

Yaasiin
Surah Ya-Seen, Verse 1


وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡحَكِيمِ

Waa igu Qur’aanka, Xikmadda Badan
Surah Ya-Seen, Verse 2


إِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Hubaal adigu (Nabi Muxammadow) waxaad ka mid tahay kuwa la soo diray
Surah Ya-Seen, Verse 3


عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan
Surah Ya-Seen, Verse 4


تَنزِيلَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ

Waxyi ka soo degay Adkaadaha, Naxariista Badan
Surah Ya-Seen, Verse 5


لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمۡ فَهُمۡ غَٰفِلُونَ

Si aad ugu digto qolo aan aabbayaashood loo diginba, marka iyagu waa war la' yihiin
Surah Ya-Seen, Verse 6


لَقَدۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَىٰٓ أَكۡثَرِهِمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

Dhab ahaan Waxaa ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeystaan (Xaqa)
Surah Ya-Seen, Verse 7


إِنَّا جَعَلۡنَا فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ أَغۡلَٰلٗا فَهِيَ إِلَى ٱلۡأَذۡقَانِ فَهُم مُّقۡمَحُونَ

Hubaal Waxaanu u surnay mareegyo bir ah luqumahooda oo iyagu gaara ilaa gararkooda, sidaa awgeed waxay u taagaan madaxyadooda dusha sare
Surah Ya-Seen, Verse 8


وَجَعَلۡنَا مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ سَدّٗا وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ سَدّٗا فَأَغۡشَيۡنَٰهُمۡ فَهُمۡ لَا يُبۡصِرُونَ

Oo Waxaanu yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, oo waan arag daboolnay marka iyagu wax ma arkaan
Surah Ya-Seen, Verse 9


وَسَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ ءَأَنذَرۡتَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تُنذِرۡهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

Oo waa isugu mid haddii aad u digto ama aad u diginba, ma ay rumeystaan
Surah Ya-Seen, Verse 10


إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكۡرَ وَخَشِيَ ٱلرَّحۡمَٰنَ بِٱلۡغَيۡبِۖ فَبَشِّرۡهُ بِمَغۡفِرَةٖ وَأَجۡرٖ كَرِيمٍ

Waxaad uun u digi kartaa kan isagu raaca Waanada oo ka baqa Raxmaanka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree dambi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh
Surah Ya-Seen, Verse 11


إِنَّا نَحۡنُ نُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَنَكۡتُبُ مَا قَدَّمُواْ وَءَاثَٰرَهُمۡۚ وَكُلَّ شَيۡءٍ أَحۡصَيۡنَٰهُ فِيٓ إِمَامٖ مُّبِينٖ

Hubaal waxaanu nolol galinnaa meytida, oo waxaan qornaa waxa ay hormarsadeen iyo raadadkoodiiba, oo wax walbaa waxaynu ku koobnay2 (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka)
Surah Ya-Seen, Verse 12


وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلًا أَصۡحَٰبَ ٱلۡقَرۡيَةِ إِذۡ جَآءَهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ

Oo waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markii Rusushii (Ciise ku soo diray Amarka Ilaahay) ay u yimaadeen
Surah Ya-Seen, Verse 13


إِذۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمُ ٱثۡنَيۡنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزۡنَا بِثَالِثٖ فَقَالُوٓاْ إِنَّآ إِلَيۡكُم مُّرۡسَلُونَ

Marka aan u soo dirnay Xaggooda labo, markaasay labadiiba beeniyeen, markaa- saan ku xoojinnay mid saddexaad, oo waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaanu nahay rusul xaggiinna loo soo diray
Surah Ya-Seen, Verse 14


قَالُواْ مَآ أَنتُمۡ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحۡمَٰنُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا تَكۡذِبُونَ

Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxba aan ahayn dad nala mid ah aan waadheyn, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan
Surah Ya-Seen, Verse 15


قَالُواْ رَبُّنَا يَعۡلَمُ إِنَّآ إِلَيۡكُمۡ لَمُرۡسَلُونَ

Waxay yidhaahdeen: Rabbigayo waa Ogsoon yahay inaan hubaal nahay rusul xaggiinna loo soo diray
Surah Ya-Seen, Verse 16


وَمَا عَلَيۡنَآ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ

Oo nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Risaalada)
Surah Ya-Seen, Verse 17


قَالُوٓاْ إِنَّا تَطَيَّرۡنَا بِكُمۡۖ لَئِن لَّمۡ تَنتَهُواْ لَنَرۡجُمَنَّكُمۡ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٞ

Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waa idin shareysannay, haddii aydaan joojin (waxa aad waddaan), hubaal waa idin dhagaxyeyn doonnaa, oo waxaa xaqiiq idinka taaban doona xaggayaga cadaab aad u xanuun badan
Surah Ya-Seen, Verse 18


قَالُواْ طَـٰٓئِرُكُم مَّعَكُمۡ أَئِن ذُكِّرۡتُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ مُّسۡرِفُونَ

Waxay yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin, ma in la idin waaniyey darteed3? Mayee, waxaadba tihiin qolo xadgudub badan
Surah Ya-Seen, Verse 19


وَجَآءَ مِنۡ أَقۡصَا ٱلۡمَدِينَةِ رَجُلٞ يَسۡعَىٰ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱتَّبِعُواْ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Oo waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin (Xabiib An-Najaar) roora- ya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha
Surah Ya-Seen, Verse 20


ٱتَّبِعُواْ مَن لَّا يَسۡـَٔلُكُمۡ أَجۡرٗا وَهُم مُّهۡتَدُونَ

Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo iyagu ah kuwo hanuunsan
Surah Ya-Seen, Verse 21


وَمَالِيَ لَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِي فَطَرَنِي وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

Oo maxaan u heystaa sabab inaan caabudin (Allaah Keliya) ee ah kan ifka i keenay? oo Xaggiisa baa la idin soo celin doonaa
Surah Ya-Seen, Verse 22


ءَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً إِن يُرِدۡنِ ٱلرَّحۡمَٰنُ بِضُرّٖ لَّا تُغۡنِ عَنِّي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا يُنقِذُونِ

Oo ma waxaan yeeshaa Isaga (Alle) sokadi ilaahyo (kale), haddii uu Raxmaanku (Allaah) ila doono dhibaato, ayan i tari doonin garab siintoodu waxba, oo aan awoodi doonin inay i badbaadiyaan
Surah Ya-Seen, Verse 23


إِنِّيٓ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ

Markaa Waxaan hubaal anigu ku suganahay habow caddaan ah
Surah Ya-Seen, Verse 24


إِنِّيٓ ءَامَنتُ بِرَبِّكُمۡ فَٱسۡمَعُونِ

Hubaal anigu waxaan rumeysanahay Rabbigiin, ee i maqla
Surah Ya-Seen, Verse 25


قِيلَ ٱدۡخُلِ ٱلۡجَنَّةَۖ قَالَ يَٰلَيۡتَ قَوۡمِي يَعۡلَمُونَ

Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan
Surah Ya-Seen, Verse 26


بِمَا غَفَرَ لِي رَبِّي وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُكۡرَمِينَ

Waxa Rabbigay iigu dambi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay
Surah Ya-Seen, Verse 27


۞وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ مِنۢ بَعۡدِهِۦ مِن جُندٖ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا كُنَّا مُنزِلِينَ

Oo uma aanu soo dirin dadkiisii isaga kadambow wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas
Surah Ya-Seen, Verse 28


إِن كَانَتۡ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَإِذَا هُمۡ خَٰمِدُونَ

Ee waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaas bay wada baseen
Surah Ya-Seen, Verse 29


يَٰحَسۡرَةً عَلَى ٱلۡعِبَادِۚ مَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ

Alla maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada balse aanay ku jeesjeesin
Surah Ya-Seen, Verse 30


أَلَمۡ يَرَوۡاْ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ أَنَّهُمۡ إِلَيۡهِمۡ لَا يَرۡجِعُونَ

Mawaysan u fiirsan intee baan facyo ka mid ah rognay hortood, waayo iyaga xaggooda umaba soo laabtaan
Surah Ya-Seen, Verse 31


وَإِن كُلّٞ لَّمَّا جَمِيعٞ لَّدَيۡنَا مُحۡضَرُونَ

Oo kulligood iyagoo dhan hubaal Hortayada la keeni doono
Surah Ya-Seen, Verse 32


وَءَايَةٞ لَّهُمُ ٱلۡأَرۡضُ ٱلۡمَيۡتَةُ أَحۡيَيۡنَٰهَا وَأَخۡرَجۡنَا مِنۡهَا حَبّٗا فَمِنۡهُ يَأۡكُلُونَ

Oo waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah, waanu nooleynaa, oo ka soo saarnaa haruur, markaasay wax ka cunaan
Surah Ya-Seen, Verse 33


وَجَعَلۡنَا فِيهَا جَنَّـٰتٖ مِّن نَّخِيلٖ وَأَعۡنَٰبٖ وَفَجَّرۡنَا فِيهَا مِنَ ٱلۡعُيُونِ

Oo Waxaanu yeellaa dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo yeelnaa ilo (biyo ah) inay ka dhex socdaan
Surah Ya-Seen, Verse 34


لِيَأۡكُلُواْ مِن ثَمَرِهِۦ وَمَا عَمِلَتۡهُ أَيۡدِيهِمۡۚ أَفَلَا يَشۡكُرُونَ

Si ay u wax uga cunaan midhahiisa, oo ma ayan sameyn gacmahoodu5. Ee Ma waysan haddaba mahad naqeyn
Surah Ya-Seen, Verse 35


سُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَزۡوَٰجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلۡأَرۡضُ وَمِنۡ أَنفُسِهِمۡ وَمِمَّا لَا يَعۡلَمُونَ

Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo nazahan Kan ka abuuray lammaane wax kasta, oo ka mid ah waxa uu dhulka soo saaro, iyo xagga nafahooda iyo xagga waxa aysan ogaynba
Surah Ya-Seen, Verse 36


وَءَايَةٞ لَّهُمُ ٱلَّيۡلُ نَسۡلَخُ مِنۡهُ ٱلنَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظۡلِمُونَ

Oo waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, Waxaan ka soo saarnaa maalinta, mise waxayba ku jiraan mugdi
Surah Ya-Seen, Verse 37


وَٱلشَّمۡسُ تَجۡرِي لِمُسۡتَقَرّٖ لَّهَاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ

Oo qorraxdu waxay u oroddaa muddo loo cayimay.(arrin)kaasi waa Qaddarka (Ilaahay) Adkaadaha aan laga adkaan, wax kasta Ogsoonaha ah
Surah Ya-Seen, Verse 38


وَٱلۡقَمَرَ قَدَّرۡنَٰهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَٱلۡعُرۡجُونِ ٱلۡقَدِيمِ

Oo (ma xagga) dayaxa, Waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday
Surah Ya-Seen, Verse 39


لَا ٱلشَّمۡسُ يَنۢبَغِي لَهَآ أَن تُدۡرِكَ ٱلۡقَمَرَ وَلَا ٱلَّيۡلُ سَابِقُ ٱلنَّهَارِۚ وَكُلّٞ فِي فَلَكٖ يَسۡبَحُونَ

Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hormi karo maalinta. Oo dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi
Surah Ya-Seen, Verse 40


وَءَايَةٞ لَّهُمۡ أَنَّا حَمَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُمۡ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ

Oo Waxaa Calaamo ugu sugan inaan ku qaadnay ubadkoodii6 Doonidii buuxday
Surah Ya-Seen, Verse 41


وَخَلَقۡنَا لَهُم مِّن مِّثۡلِهِۦ مَا يَرۡكَبُونَ

Oo Waxaan uga abuurnay wax caynkeed ah oo ka mid ah, wax ay fuulaan
Surah Ya-Seen, Verse 42


وَإِن نَّشَأۡ نُغۡرِقۡهُمۡ فَلَا صَرِيخَ لَهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنقَذُونَ

Oo haddii aan doonno, waanu qarqin karnaa, markaa ma lahaan doonaan wax u u soo gurmada, lamana badbaadin doono
Surah Ya-Seen, Verse 43


إِلَّا رَحۡمَةٗ مِّنَّا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٖ

Inay ka ahaato mooyaane Naxariis Xaggayaga iyo raaxo ilaa muddo ah
Surah Ya-Seen, Verse 44


وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّقُواْ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيكُمۡ وَمَا خَلۡفَكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ

Oo marka lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna7 si la idiinkugu naxariisto
Surah Ya-Seen, Verse 45


وَمَا تَأۡتِيهِم مِّنۡ ءَايَةٖ مِّنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِمۡ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ

Oo uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamadaha Rabbigood, bal way ka sii jeesadaan
Surah Ya-Seen, Verse 46


وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ أَنفِقُواْ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنُطۡعِمُ مَن لَّوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ أَطۡعَمَهُۥٓ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ

Oo marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Allaah idinku irsaaqay, kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeysan: Ma waxaan quudinnaa` mid haddii uu Allaah doono uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow caddaan ah
Surah Ya-Seen, Verse 47


وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Oo waxay odhanayaan: Goorma bay gooddintani fuli doontaa, haddii aad run sheegaysaan
Surah Ya-Seen, Verse 48


مَا يَنظُرُونَ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ تَأۡخُذُهُمۡ وَهُمۡ يَخِصِّمُونَ

Ma sugaan wax kale aan aheyn hal Qaylo weyn9, oo qaadi doonta iyagoo weli wada murmaya
Surah Ya-Seen, Verse 49


فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ تَوۡصِيَةٗ وَلَآ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمۡ يَرۡجِعُونَ

Markaas ma kari doonaan inay dardaarmaan, umana soo laaban donaan ehelkooda
Surah Ya-Seen, Verse 50


وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَإِذَا هُم مِّنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ يَنسِلُونَ

Oo buunka baa la aafuufi10, mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood
Surah Ya-Seen, Verse 51


قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا مَنۢ بَعَثَنَا مِن مَّرۡقَدِنَاۜۗ هَٰذَا مَا وَعَدَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَصَدَقَ ٱلۡمُرۡسَلُونَ

Waxay odhan doonaan: Hoog baa noo sugnaadaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? Kanu waa waxa uu Raxmaanku ballan qaaday, oo Rusushii la soo diray run bay sheegeen
Surah Ya-Seen, Verse 52


إِن كَانَتۡ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَإِذَا هُمۡ جَمِيعٞ لَّدَيۡنَا مُحۡضَرُونَ

Ma ahaaneysa wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dhammaan ahaan doonaan kuwo Hortayada la keeno
Surah Ya-Seen, Verse 53


فَٱلۡيَوۡمَ لَا تُظۡلَمُ نَفۡسٞ شَيۡـٔٗا وَلَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Marka Maanta nafna laguma gardarroon doono in yarba ahaatee, oo ma la idinku abaal marin doono wax kale aan ahayn waxaa aad fasheen
Surah Ya-Seen, Verse 54


إِنَّ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ ٱلۡيَوۡمَ فِي شُغُلٖ فَٰكِهُونَ

Hubaal, ehlu-Jannuhu, waxay maalin- taas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi afooyinkooda) iyagoo aad u faraxsan
Surah Ya-Seen, Verse 55


هُمۡ وَأَزۡوَٰجُهُمۡ فِي ظِلَٰلٍ عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ مُتَّكِـُٔونَ

Iyaga iyo afooyinkoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku jiqlaysan sariiro heer sare ah
Surah Ya-Seen, Verse 56


لَهُمۡ فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ

Waxay ku lahaan midho gudaheeda oo waxay lahaan waxa ay doonaanba
Surah Ya-Seen, Verse 57


سَلَٰمٞ قَوۡلٗا مِّن رَّبّٖ رَّحِيمٖ

Nabad ahaada: waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye)
Surah Ya-Seen, Verse 58


وَٱمۡتَٰزُواْ ٱلۡيَوۡمَ أَيُّهَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ

Oo dhinac u bax maanta; Dambiilayaashow
Surah Ya-Seen, Verse 59


۞أَلَمۡ أَعۡهَدۡ إِلَيۡكُمۡ يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ أَن لَّا تَعۡبُدُواْ ٱلشَّيۡطَٰنَۖ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ

Mawaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad
Surah Ya-Seen, Verse 60


وَأَنِ ٱعۡبُدُونِيۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ

Iyo inaad i caabudaan Aniga (Alle Keliya) Kani weeye Jidka Toosane
Surah Ya-Seen, Verse 61


وَلَقَدۡ أَضَلَّ مِنكُمۡ جِبِلّٗا كَثِيرًاۖ أَفَلَمۡ تَكُونُواْ تَعۡقِلُونَ

Oo dhab ahaan wuxuu (Shaydaan) habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Mawaydaan aheyn kuwo wax garta
Surah Ya-Seen, Verse 62


هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ

Tani waa Naartii la idiinku gooddinayey
Surah Ya-Seen, Verse 63


ٱصۡلَوۡهَا ٱلۡيَوۡمَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ

Ee gala oo ku gubta oo gamaara iyada maanta gaalnimadiinnii darteed
Surah Ya-Seen, Verse 64


ٱلۡيَوۡمَ نَخۡتِمُ عَلَىٰٓ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَتُكَلِّمُنَآ أَيۡدِيهِمۡ وَتَشۡهَدُ أَرۡجُلُهُم بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

Maalintaasi Waxaynu dabooli afafkoo- da, oo gacmahooda baa nala hadli doona, oo lugahooda baa ku marag furi doona waxay kasbadeen
Surah Ya-Seen, Verse 65


وَلَوۡ نَشَآءُ لَطَمَسۡنَا عَلَىٰٓ أَعۡيُنِهِمۡ فَٱسۡتَبَقُواْ ٱلصِّرَٰطَ فَأَنَّىٰ يُبۡصِرُونَ

Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal malaasaynaa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan
Surah Ya-Seen, Verse 66


وَلَوۡ نَشَآءُ لَمَسَخۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمۡ فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مُضِيّٗا وَلَا يَرۡجِعُونَ

Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal ku masakhaynaa halkooda, markaas ma karayaan inay horey u sii socdaan, mana soo noqon doonaan
Surah Ya-Seen, Verse 67


وَمَن نُّعَمِّرۡهُ نُنَكِّسۡهُ فِي ٱلۡخَلۡقِۚ أَفَلَا يَعۡقِلُونَ

Oo mid kastoo aan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee mawaysan haddaba garaadsaneyn
Surah Ya-Seen, Verse 68


وَمَا عَلَّمۡنَٰهُ ٱلشِّعۡرَ وَمَا يَنۢبَغِي لَهُۥٓۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ وَقُرۡءَانٞ مُّبِينٞ

Oo ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan caddaan ah
Surah Ya-Seen, Verse 69


لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيّٗا وَيَحِقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ

Si uu ugu digo kan nool oo Weedha xaqa ah ugu rumowdo gaalada
Surah Ya-Seen, Verse 70


أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا خَلَقۡنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتۡ أَيۡدِينَآ أَنۡعَٰمٗا فَهُمۡ لَهَا مَٰلِكُونَ

Mawaysan arag inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxa ay gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin
Surah Ya-Seen, Verse 71


وَذَلَّلۡنَٰهَا لَهُمۡ فَمِنۡهَا رَكُوبُهُمۡ وَمِنۡهَا يَأۡكُلُونَ

Oo Waan u laylinnay iyaga, sidaa awgeed qaarkood waxay u adeegsadaan rukuub ahaan, oo qaar waa ay cunaan
Surah Ya-Seen, Verse 72


وَلَهُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَمَشَارِبُۚ أَفَلَا يَشۡكُرُونَ

Oo waxay u leeyihiin manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Mawaysan haddaba mahad naqayn
Surah Ya-Seen, Verse 73


وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لَّعَلَّهُمۡ يُنصَرُونَ

Oo waxay yeesheen ilaahyo (kale) ay Allaah barbar dhigaan, si loogu gargaaro
Surah Ya-Seen, Verse 74


لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَهُمۡ وَهُمۡ لَهُمۡ جُندٞ مُّحۡضَرُونَ

(Ha yeeshee) ma kari doonaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada
Surah Ya-Seen, Verse 75


فَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّا نَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَ

Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxa ay u falaan qarsoodiga iyo waxa ay caddaystaanba
Surah Ya-Seen, Verse 76


أَوَلَمۡ يَرَ ٱلۡإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقۡنَٰهُ مِن نُّطۡفَةٖ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٞ مُّبِينٞ

Mawuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay mino-nool. Markaas mise waa col iska cad oo dood badan
Surah Ya-Seen, Verse 77


وَضَرَبَ لَنَا مَثَلٗا وَنَسِيَ خَلۡقَهُۥۖ قَالَ مَن يُحۡيِ ٱلۡعِظَٰمَ وَهِيَ رَمِيمٞ

Oo wuxuu soo qaataa tusaale uu annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamaa abuuristiisa. Wuxuu yidhaahdaa: Yaa nooleyn doona lafaha marka ay baaliyoobaan
Surah Ya-Seen, Verse 78


قُلۡ يُحۡيِيهَا ٱلَّذِيٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٖۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلۡقٍ عَلِيمٌ

Dheh: Waxaa nooleyn doona Kan ifka keenay kolkii horeba. Oo Isagu (Alle) waa u Xog ogaal uunka oo idil
Surah Ya-Seen, Verse 79


ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلشَّجَرِ ٱلۡأَخۡضَرِ نَارٗا فَإِذَآ أَنتُم مِّنۡهُ تُوقِدُونَ

Kan Isaga idiin yeelay dabka (aad ka shidataan) geedka cagaaran, si aad wax ugu hursataan
Surah Ya-Seen, Verse 80


أَوَلَيۡسَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يَخۡلُقَ مِثۡلَهُمۚ بَلَىٰ وَهُوَ ٱلۡخَلَّـٰقُ ٱلۡعَلِيمُ

Ma wuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale17? Haaheey, oo Waa Isaga Abuuraha, wax kasta Ogsoon
Surah Ya-Seen, Verse 81


إِنَّمَآ أَمۡرُهُۥٓ إِذَآ أَرَادَ شَيۡـًٔا أَن يَقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

Amarkiisu, marka uu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, marka waaba yahay
Surah Ya-Seen, Verse 82


فَسُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo nazahan Kan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Xukunka wax kasta, oo Xaggiiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa
Surah Ya-Seen, Verse 83


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 35
>> Surah 37

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai