UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah As-Saaffat - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


وَٱلصَّـٰٓفَّـٰتِ صَفّٗا

Waxaan ku dhaartay kuwa (malaa’igta) safta safafka siman
Surah As-Saaffat, Verse 1


فَٱلزَّـٰجِرَٰتِ زَجۡرٗا

Misna kuwa soo kaxeeya kaxeynta adag
Surah As-Saaffat, Verse 2


فَٱلتَّـٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا

Misna kuwa akhriya (Dhambaalka) iyagoo baraarugsan
Surah As-Saaffat, Verse 3


إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٞ

Hubaal Ilaahiinnu (Runta ah) waa Mid keliya (Allaah)
Surah As-Saaffat, Verse 4


رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ

Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada
Surah As-Saaffat, Verse 5


إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ

Hubaal Waxaanu ku qurxinnay samada soke qurux, xiddigaha ah
Surah As-Saaffat, Verse 6


وَحِفۡظٗا مِّن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ مَّارِدٖ

Iyo ka ilaalin ahaan shaydaan walboo fallaago ah khayr daran
Surah As-Saaffat, Verse 7


لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰ وَيُقۡذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٖ

Ma dhegaysan karaan kulanka sare oo waxaa laga soo ganaa dhinac walba
Surah As-Saaffat, Verse 8


دُحُورٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ وَاصِبٌ

Iyagoo la soo eryey, oo waxay leeyihiin cadaab joogto ah
Surah As-Saaffat, Verse 9


إِلَّا مَنۡ خَطِفَ ٱلۡخَطۡفَةَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ ثَاقِبٞ

Marka laga reebo mid dafa (hadalka) dafid (mar keliya ah) markaasaa waxaa laga daba geeyaa dhinbil ololeysa oo iftiin leh
Surah As-Saaffat, Verse 10


فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَهُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَم مَّنۡ خَلَقۡنَآۚ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّن طِينٖ لَّازِبِۭ

Ee weydii ma iyaga baa abuur adag mise waxaa (kale) ee aan abuurnay?. Hubaal Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo wax ku dhagta
Surah As-Saaffat, Verse 11


بَلۡ عَجِبۡتَ وَيَسۡخَرُونَ

Bal adigu waad la yaabtaa, halka iyagu iska jees-jeesaan
Surah As-Saaffat, Verse 12


وَإِذَا ذُكِّرُواْ لَا يَذۡكُرُونَ

Oo marka la waaniyo, ma waansamaan
Surah As-Saaffat, Verse 13


وَإِذَا رَأَوۡاْ ءَايَةٗ يَسۡتَسۡخِرُونَ

Oo marka ay arkaan Calaamo waxay isku dhiirro geliyaan inay ku jees-jeesaan
Surah As-Saaffat, Verse 14


وَقَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٌ

Oo waxay yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxba aan ahayn sixir caddaaan ah
Surah As-Saaffat, Verse 15


أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ

Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa nala soo bixin doonaa
Surah As-Saaffat, Verse 16


أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ

Ama aabbayaashayadii waa’ hore jiray
Surah As-Saaffat, Verse 17


قُلۡ نَعَمۡ وَأَنتُمۡ دَٰخِرُونَ

Dheh: Haah, idinkoo markaa dulleysan
Surah As-Saaffat, Verse 18


فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ فَإِذَا هُمۡ يَنظُرُونَ

Marka waxay ahaan doontaa oo keliya hal Qeylo, mise markaa bay arki doonaan
Surah As-Saaffat, Verse 19


وَقَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا هَٰذَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ

Oo waxay odhan: Hoog baa noo sug -naadaye! Tanu waa Maliinta is abaal marinta
Surah As-Saaffat, Verse 20


هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ

Tani waa Maalinta kala baxa ee aad beenin jirteen
Surah As-Saaffat, Verse 21


۞ٱحۡشُرُواْ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَأَزۡوَٰجَهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَعۡبُدُونَ

Soo kulmiya iyagoo dhan kuwii ahaa gar ma qaatayaasha iyo4 shurakadoodii iyo waxa ay caabudi jireenba
Surah As-Saaffat, Verse 22


مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهۡدُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡجَحِيمِ

Allaah sokadi, oo u taxaaba jidka Naarta ololeysa
Surah As-Saaffat, Verse 23


وَقِفُوهُمۡۖ إِنَّهُم مَّسۡـُٔولُونَ

Oo joojiya, waayo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo
Surah As-Saaffat, Verse 24


مَا لَكُمۡ لَا تَنَاصَرُونَ

Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn
Surah As-Saaffat, Verse 25


بَلۡ هُمُ ٱلۡيَوۡمَ مُسۡتَسۡلِمُونَ

Mayee, Maalintaa way is dhiibi doonaan
Surah As-Saaffat, Verse 26


وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ

Oo waxay ku jeesan doonaan qaarkoodba qaaar iyagoo is su'aalaya
Surah As-Saaffat, Verse 27


قَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَأۡتُونَنَا عَنِ ٱلۡيَمِينِ

Waxay odhan: Hubaal waxaad nooga imaan jirteen dhanka midig
Surah As-Saaffat, Verse 28


قَالُواْ بَل لَّمۡ تَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ

Waxay odhan: Mayee, idinka naf ahaantiinu maydaan aheyn mu’miniin
Surah As-Saaffat, Verse 29


وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭۖ بَلۡ كُنتُمۡ قَوۡمٗا طَٰغِينَ

Oo kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Mayee, waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan
Surah As-Saaffat, Verse 30


فَحَقَّ عَلَيۡنَا قَوۡلُ رَبِّنَآۖ إِنَّا لَذَآئِقُونَ

Sidaas awgeed waxaa nagu waajibay Qawlka Rabbigeen, (haatan) hubaal waanu dhadhamin doonnaa (Cadaabta)
Surah As-Saaffat, Verse 31


فَأَغۡوَيۡنَٰكُمۡ إِنَّا كُنَّا غَٰوِينَ

Marka waan idin luminnay6, waayo innaga naf ahaanteenna baa lunsanayn
Surah As-Saaffat, Verse 32


فَإِنَّهُمۡ يَوۡمَئِذٖ فِي ٱلۡعَذَابِ مُشۡتَرِكُونَ

Marka Maalintaas cadaabta bay wadaagi doonaan
Surah As-Saaffat, Verse 33


إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِينَ

Hubaal sidaas baan ku fallaa Dambiilayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 34


إِنَّهُمۡ كَانُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسۡتَكۡبِرُونَ

Hubaal iyaga marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan ahayn Allaah, way iska weyneyn jireen
Surah As-Saaffat, Verse 35


وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓاْ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٖ مَّجۡنُونِۭ

Iyagoo leh: Ma waxaan isaga deynaa ilaahyadayada gabayaa waalan
Surah As-Saaffat, Verse 36


بَلۡ جَآءَ بِٱلۡحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Mayee’ wuxuu la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii ( Alle soo diray)
Surah As-Saaffat, Verse 37


إِنَّكُمۡ لَذَآئِقُواْ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَلِيمِ

Hubaal waxaad idinku dhadhamin doontaan cadaabta xanuunka badan
Surah As-Saaffat, Verse 38


وَمَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Oo la idinkama goyn doono waxaan aheyn waxa aad galabsateen
Surah As-Saaffat, Verse 39


إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada)
Surah As-Saaffat, Verse 40


أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ رِزۡقٞ مَّعۡلُومٞ

Kuwaasu waxay leeyihiin risiq la yaqaan
Surah As-Saaffat, Verse 41


فَوَٰكِهُ وَهُم مُّكۡرَمُونَ

Midho, oo waxay ahaan doonaan kuwo si heer sare ah loogu maamuuso
Surah As-Saaffat, Verse 42


فِي جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ

Beeraha barwaaqada gudaheeda
Surah As-Saaffat, Verse 43


عَلَىٰ سُرُرٖ مُّتَقَٰبِلِينَ

Sariiro sarreeya korkooda iyagoo is qaabilsan fool ka fool
Surah As-Saaffat, Verse 44


يُطَافُ عَلَيۡهِم بِكَأۡسٖ مِّن مَّعِينِۭ

Waxaa lagula wareegi doonaa koob (khamri ah) ka soo shubma ilo saafi ah
Surah As-Saaffat, Verse 45


بَيۡضَآءَ لَذَّةٖ لِّلشَّـٰرِبِينَ

Cad, oo u macaan kuwa cabba
Surah As-Saaffat, Verse 46


لَا فِيهَا غَوۡلٞ وَلَا هُمۡ عَنۡهَا يُنزَفُونَ

Ma ahaan doonto wax dhibaato ah dhexdeeda, mana ahaana doonaan kuwo ku sarkhaamo
Surah As-Saaffat, Verse 47


وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ عِينٞ

Oo waxaa la jirkood ahaan doona kuwa soo laaba araggooda, ee leh indha waasic ah oo aad u qurxoon
Surah As-Saaffat, Verse 48


كَأَنَّهُنَّ بَيۡضٞ مَّكۡنُونٞ

La moodo ukummo aad loo dhowray
Surah As-Saaffat, Verse 49


فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ

Waxay qaabili doonaan qaarkoodba qaarka kale, iyagoo wax is weydiinaya
Surah As-Saaffat, Verse 50


قَالَ قَآئِلٞ مِّنۡهُمۡ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٞ

Midkood hadlaya baa odhan doona; Waxaan hubaal anigu lahaa rafiiq
Surah As-Saaffat, Verse 51


يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُصَدِّقِينَ

Kaasoo yidhi: Ma waxaad dhabtii ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta)
Surah As-Saaffat, Verse 52


أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ

Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa (naloo soo saari doonaa) abaal marin
Surah As-Saaffat, Verse 53


قَالَ هَلۡ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ

Wuxuu odhan: Miyaad dhuganeysaan
Surah As-Saaffat, Verse 54


فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِي سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ

Markaasuu dhugtay hoos oo ku arkay Naarta bartankeeda
Surah As-Saaffat, Verse 55


قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرۡدِينِ

Wuxuu odhan: Wallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto
Surah As-Saaffat, Verse 56


وَلَوۡلَا نِعۡمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ

Oo haddii aysan jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan hubaal ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta)
Surah As-Saaffat, Verse 57


أَفَمَا نَحۡنُ بِمَيِّتِينَ

Ee ma nihin miyaa kuwo dhiman doona
Surah As-Saaffat, Verse 58


إِلَّا مَوۡتَتَنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ

Waxaan ahayn dhimashadayadii hore? mana layna cadaabi doono
Surah As-Saaffat, Verse 59


إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

Hubaal (arrin)kani ani waa Liibaanta aad u Weyn
Surah As-Saaffat, Verse 60


لِمِثۡلِ هَٰذَا فَلۡيَعۡمَلِ ٱلۡعَٰمِلُونَ

Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan camal falayaashu
Surah As-Saaffat, Verse 61


أَذَٰلِكَ خَيۡرٞ نُّزُلًا أَمۡ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ

Ma (arrin)kani (Jannada) baa martiqaad wanaagsan mise geedka Zaquumka
Surah As-Saaffat, Verse 62


إِنَّا جَعَلۡنَٰهَا فِتۡنَةٗ لِّلظَّـٰلِمِينَ

Hubaal Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) gar ma qaatayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 63


إِنَّهَا شَجَرَةٞ تَخۡرُجُ فِيٓ أَصۡلِ ٱلۡجَحِيمِ

Hubaal waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda
Surah As-Saaffat, Verse 64


طَلۡعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَٰطِينِ

Miraheeda ka soo baxa la moodo madaxyada shaydaammada
Surah As-Saaffat, Verse 65


فَإِنَّهُمۡ لَأٓكِلُونَ مِنۡهَا فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ

Hubaal waxay wax ka cuni (geedkaa), oo ka buuxin doonaan caloolahooda
Surah As-Saaffat, Verse 66


ثُمَّ إِنَّ لَهُمۡ عَلَيۡهَا لَشَوۡبٗا مِّنۡ حَمِيمٖ

Markaa waxay hubaal mudan doonaan intaa kaddib inay cabbaan isku dhaf lagu soo dheehay biyo kulul oo karaya
Surah As-Saaffat, Verse 67


ثُمَّ إِنَّ مَرۡجِعَهُمۡ لَإِلَى ٱلۡجَحِيمِ

Markaa hubaal laabashadoodu waxay ahaan doontaa xagga Naarta holaca badan
Surah As-Saaffat, Verse 68


إِنَّهُمۡ أَلۡفَوۡاْ ءَابَآءَهُمۡ ضَآلِّينَ

Hubaal Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan
Surah As-Saaffat, Verse 69


فَهُمۡ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ يُهۡرَعُونَ

Marka iyagu raad raacooda baa lagu soo dedejiyaa
Surah As-Saaffat, Verse 70


وَلَقَدۡ ضَلَّ قَبۡلَهُمۡ أَكۡثَرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Oo dhab ahaan waxaa lumay iyaga hortood badi dadkii hore
Surah As-Saaffat, Verse 71


وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ

Oo dhab ahaan Waxaan u dirnay digayaal
Surah As-Saaffat, Verse 72


فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ

Ee fiiri sida ay aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin)
Surah As-Saaffat, Verse 73


إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada)
Surah As-Saaffat, Verse 74


وَلَقَدۡ نَادَىٰنَا نُوحٞ فَلَنِعۡمَ ٱلۡمُجِيبُونَ

Oo waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, oo maxaynu nahay kuwa u wanaagsan ee ajiiba (baryada)
Surah As-Saaffat, Verse 75


وَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ

Oo waxaan ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weynd (qaraqii)
Surah As-Saaffat, Verse 76


وَجَعَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلۡبَاقِينَ

Oo waxaan ka dhignay durriyaddiisa badbaadayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 77


وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

Oo Waxaan u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood
Surah As-Saaffat, Verse 78


سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٖ فِي ٱلۡعَٰلَمِينَ

Nabad korkiisa ha u ahaato Nuux uunanka dhexdooda
Surah As-Saaffat, Verse 79


إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Sidaas baan Annagu hubaal u abaal marinnaa sama falayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 80


إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah
Surah As-Saaffat, Verse 81


ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ

Markaas Waxaan hafinnay intii kale
Surah As-Saaffat, Verse 82


۞وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبۡرَٰهِيمَ

Oo hubaal wuxuu Ibraahiim7 xaqiiq raacay jidkiisa
Surah As-Saaffat, Verse 83


إِذۡ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلۡبٖ سَلِيمٍ

Marka uu ula yimid Rabbigi qalbi fayow
Surah As-Saaffat, Verse 84


إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَاذَا تَعۡبُدُونَ

Marka uu ku yidhi aabbihi iyo qoladiisii: Waa maxay waxaa aad caabuddaan
Surah As-Saaffat, Verse 85


أَئِفۡكًا ءَالِهَةٗ دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ

been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku
Surah As-Saaffat, Verse 86


فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Muxuu haddaba yahay fikradda aad ka qabtaan Rabbiga uunanka
Surah As-Saaffat, Verse 87


فَنَظَرَ نَظۡرَةٗ فِي ٱلنُّجُومِ

Markaas wuxuu fiirshay xagga xiddigaha, isagoo kor eegaya fiiro keliya
Surah As-Saaffat, Verse 88


فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٞ

Markaasuu wuxuu yidhi: Anigu hubaal waa bukaa
Surah As-Saaffat, Verse 89


فَتَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ مُدۡبِرِينَ

Markaasay ka jeesteen xaggiisa, iyagoo dib u noqonaya
Surah As-Saaffat, Verse 90


فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمۡ فَقَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ

Markaasuu u daba maray si dhuumaaleysi ah ilaahyadoodii, oo yidhi: Mawaydaan (wax) cuneyn
Surah As-Saaffat, Verse 91


مَا لَكُمۡ لَا تَنطِقُونَ

Maxaad leedihiin oo aydaan la hadlin
Surah As-Saaffat, Verse 92


فَرَاغَ عَلَيۡهِمۡ ضَرۡبَۢا بِٱلۡيَمِينِ

Markaasuu ku jeestay si dhuumaaleysi ah isagoo ku garaacaya gacanta midig
Surah As-Saaffat, Verse 93


فَأَقۡبَلُوٓاْ إِلَيۡهِ يَزِفُّونَ

Markaasay waxay soo aadeen (dadkii) xaggiisa, iyagoo soo degdegaya
Surah As-Saaffat, Verse 94


قَالَ أَتَعۡبُدُونَ مَا تَنۡحِتُونَ

(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabuddaan waxaad qor-qor jaftaan
Surah As-Saaffat, Verse 95


وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ

Isaga oo Allaah abuuray idinka iyo waxa aad samaysaanba
Surah As-Saaffat, Verse 96


قَالُواْ ٱبۡنُواْ لَهُۥ بُنۡيَٰنٗا فَأَلۡقُوهُ فِي ٱلۡجَحِيمِ

Waxay yidhaahdeen: U dhisa foorno (dab lagu shido) markaa ku tuura dabkaa ololaya
Surah As-Saaffat, Verse 97


فَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدٗا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَسۡفَلِينَ

Oo waxay dooneen dagaal ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hoos maray
Surah As-Saaffat, Verse 98


وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهۡدِينِ

Oo wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin doonaa
Surah As-Saaffat, Verse 99


رَبِّ هَبۡ لِي مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ

Rabbiyow! I sii (ubad) ka mid ah wanaagsanayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 100


فَبَشَّرۡنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٖ

Markaas baan Waxaan ugu bishaaraynay wiil dul badan
Surah As-Saaffat, Verse 101


فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡيَ قَالَ يَٰبُنَيَّ إِنِّيٓ أَرَىٰ فِي ٱلۡمَنَامِ أَنِّيٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰۚ قَالَ يَـٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُۖ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّـٰبِرِينَ

Oo, markii uu gaaray inuu la shaqeeyo10, wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Hubaal waxaan ku arkay riyo anigoo ku gawracaya (qurbaan ahaan), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, haddii Alle idmo, waxaad i heli doontaa mid ka mid ah kuwa samir yeesha
Surah As-Saaffat, Verse 102


فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلۡجَبِينِ

Markay labaduba hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka ( si uu u gowraco)
Surah As-Saaffat, Verse 103


وَنَٰدَيۡنَٰهُ أَن يَـٰٓإِبۡرَٰهِيمُ

Baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow
Surah As-Saaffat, Verse 104


قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Waxaad xaqiiq ka run sheegtay oo fulisay riyadii. Hubaal sidaas baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 105


إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَـٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ

Hubaal, (arrin)kani wuxuu xaqiiq ahaa imtixaan cad ( oo weyn)
Surah As-Saaffat, Verse 106


وَفَدَيۡنَٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٖ

Oo waxaan (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran)
Surah As-Saaffat, Verse 107


وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

Oo Waxaan u dhaafnay ( Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood
Surah As-Saaffat, Verse 108


سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ

Nabad korkiisa ha ahaato Ibraahiim
Surah As-Saaffat, Verse 109


كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Sidaaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 110


إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah
Surah As-Saaffat, Verse 111


وَبَشَّرۡنَٰهُ بِإِسۡحَٰقَ نَبِيّٗا مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ

Oo Waxaan ugu bishaareynay Isxaaq11_Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan
Surah As-Saaffat, Verse 112


وَبَٰرَكۡنَا عَلَيۡهِ وَعَلَىٰٓ إِسۡحَٰقَۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحۡسِنٞ وَظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ مُبِينٞ

Oo Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah (qaar) fala samaan iyo (sidoo kale) qaar ugu gar darrooda nafahooda si caddaan ah
Surah As-Saaffat, Verse 113


وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ

Oo dhab ahaan Waxaanu ku mannaysannay gallad Muuse iyo Haaruun
Surah As-Saaffat, Verse 114


وَنَجَّيۡنَٰهُمَا وَقَوۡمَهُمَا مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ

Oo Waxaanu ka badbaadinnay labadoodaba iyo dadkoodii kurbaddii weynayd
Surah As-Saaffat, Verse 115


وَنَصَرۡنَٰهُمۡ فَكَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ

Oo waan u gargaarnay, Sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday
Surah As-Saaffat, Verse 116


وَءَاتَيۡنَٰهُمَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلۡمُسۡتَبِينَ

Oo Waxaanu siinnay labadooduba Kitaab ka yeelay (arrimaha) caddaan
Surah As-Saaffat, Verse 117


وَهَدَيۡنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ

Oo Waxaanu ku hanuuninnay labadooduba Jidka Toosan
Surah As-Saaffat, Verse 118


وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِمَا فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

Oo Waxaanu u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood
Surah As-Saaffat, Verse 119


سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ

Nabad korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun
Surah As-Saaffat, Verse 120


إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 121


إِنَّهُمَا مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Hubaal Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah
Surah As-Saaffat, Verse 122


وَإِنَّ إِلۡيَاسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Oo hubaal, Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha
Surah As-Saaffat, Verse 123


إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ

Marka uu ku yidhi tolkiisii, Ma waydaan ka dhowrsanayn (xumaha)
Surah As-Saaffat, Verse 124


أَتَدۡعُونَ بَعۡلٗا وَتَذَرُونَ أَحۡسَنَ ٱلۡخَٰلِقِينَ

Ma waxaad u dhawaaqataan (oo baridaan) Bacal13 oo ka tagtaan (Allaah ee ah) Kan u wanaagsan abuurayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 125


ٱللَّهَ رَبَّكُمۡ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Allaah, waa Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore
Surah As-Saaffat, Verse 126


فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ

Wayse beeniyeen, sidaas darteed hubaal waxay ahaan doonaan kuwo la keeno
Surah As-Saaffat, Verse 127


إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Addoomaha Ilaahay ee daacadda ah maahee u keli yeela cibaadada
Surah As-Saaffat, Verse 128


وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

Oo Waxaan u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood
Surah As-Saaffat, Verse 129


سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلۡ يَاسِينَ

Nabad korkiisa ha ahaato Ilyaasiin
Surah As-Saaffat, Verse 130


إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 131


إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah
Surah As-Saaffat, Verse 132


وَإِنَّ لُوطٗا لَّمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Oo Luud wuxuu hubaal ka mid ahaa Rususha
Surah As-Saaffat, Verse 133


إِذۡ نَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ

Waa tii aanu badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan
Surah As-Saaffat, Verse 134


إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ

Marka laga reebo habar duq ah (xaas- kiisa oo ka mid ahayd) kuwaa nagaaday
Surah As-Saaffat, Verse 135


ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ

Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale (ee hartay)
Surah As-Saaffat, Verse 136


وَإِنَّكُمۡ لَتَمُرُّونَ عَلَيۡهِم مُّصۡبِحِينَ

Oo waxaad hubaal ag martaan waaberiga
Surah As-Saaffat, Verse 137


وَبِٱلَّيۡلِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

Iyo habeenkaba, ee mawaydaan haddaba garowsaneyn
Surah As-Saaffat, Verse 138


وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Oo Yuunus wuxuu hubaal ka mid ahaa Rusushii (la soo diray)
Surah As-Saaffat, Verse 139


إِذۡ أَبَقَ إِلَى ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ

Waa tii uu u cararay doonidii buuxday
Surah As-Saaffat, Verse 140


فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُدۡحَضِينَ

Marka wuu la qori tuurtay, wuxuuse ahaa mid ka mid ah kuwaa la reebay
Surah As-Saaffat, Verse 141


فَٱلۡتَقَمَهُ ٱلۡحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٞ

Markaas buu nibirigu liqay isagoo falay waxaa uu naftiisa ku canaantay
Surah As-Saaffat, Verse 142


فَلَوۡلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُسَبِّحِينَ

Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwaa na xurmo weyneeya oo na hufa
Surah As-Saaffat, Verse 143


لَلَبِثَ فِي بَطۡنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ

Wuxuu hubaal ku negaan lahaa calooshiisa tan iyo Maalinta Qiyaamaha
Surah As-Saaffat, Verse 144


۞فَنَبَذۡنَٰهُ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٞ

Markaas baan Waxaan ku soo tuur- nay (xeebta) bannaanka ah isagoo buka
Surah As-Saaffat, Verse 145


وَأَنۢبَتۡنَا عَلَيۡهِ شَجَرَةٗ مِّن يَقۡطِينٖ

Oo Waxaan u soo bixinnay geed Aredube ah
Surah As-Saaffat, Verse 146


وَأَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ مِاْئَةِ أَلۡفٍ أَوۡ يَزِيدُونَ

Oo Waxaan u dirnay Boqol kun ama ka badanba
Surah As-Saaffat, Verse 147


فَـَٔامَنُواْ فَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ

Oo waa ay rumeeyeen; markaas baan waxaanu siinnay sahay ilaa muddo ah
Surah As-Saaffat, Verse 148


فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَلِرَبِّكَ ٱلۡبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلۡبَنُونَ

Ee weydii iyaga haddii Rabbigaa leeyahay gabdho, iyaguna leeyihiin wiilal
Surah As-Saaffat, Verse 149


أَمۡ خَلَقۡنَا ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ إِنَٰثٗا وَهُمۡ شَٰهِدُونَ

Mise waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, oo iyagaa ka ahaa goob joog
Surah As-Saaffat, Verse 150


أَلَآ إِنَّهُم مِّنۡ إِفۡكِهِمۡ لَيَقُولُونَ

Haddaba hubaal waa been abuurkooda inay yidhaahdaan
Surah As-Saaffat, Verse 151


وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ

Waa dhal Ilaahay, oo hubaal iyagu waa beenaalayaal
Surah As-Saaffat, Verse 152


أَصۡطَفَى ٱلۡبَنَاتِ عَلَى ٱلۡبَنِينَ

Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal
Surah As-Saaffat, Verse 153


مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ

Maxaa si idin ka ah, waa sidee sida aad wax u xukuntaan
Surah As-Saaffat, Verse 154


أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Ee mawaydaan haddaba garaadsanayn
Surah As-Saaffat, Verse 155


أَمۡ لَكُمۡ سُلۡطَٰنٞ مُّبِينٞ

Mise waxaad heysataan Xujo Cad
Surah As-Saaffat, Verse 156


فَأۡتُواْ بِكِتَٰبِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Haddaba keena Kitaabkiinna haddii aad tihiin run sheegayaal
Surah As-Saaffat, Verse 157


وَجَعَلُواْ بَيۡنَهُۥ وَبَيۡنَ ٱلۡجِنَّةِ نَسَبٗاۚ وَلَقَدۡ عَلِمَتِ ٱلۡجِنَّةُ إِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ

Oo Waxay yeelaan xigaalo Isaga (Allaah) iyo jinka dhexdooda, oo dhabtii waxay jinku og yihiin in hubaal loo keeni doono (xisaab xil ma leh)
Surah As-Saaffat, Verse 158


سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ

Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka nazahan yahay waxa ay tilmaamaan
Surah As-Saaffat, Verse 159


إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Addoomaha Ilaahay maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada
Surah As-Saaffat, Verse 160


فَإِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ

Marka hubaal idinka iyo waxa aad caabuddaanba (Alle sokadi)
Surah As-Saaffat, Verse 161


مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ بِفَٰتِنِينَ

Cidna kama fidnayn kartaan Xaggiisa
Surah As-Saaffat, Verse 162


إِلَّا مَنۡ هُوَ صَالِ ٱلۡجَحِيمِ

Mid maahee Naarta geli doona
Surah As-Saaffat, Verse 163


وَمَامِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٞ مَّعۡلُومٞ

Oo ma jiro mid naga mid ah aan lahayn meel lagu og yahay
Surah As-Saaffat, Verse 164


وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلصَّآفُّونَ

Oo hubaal waa innaga (malaa’igta) kuwa u safta safafka siman
Surah As-Saaffat, Verse 165


وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡمُسَبِّحُونَ

Oo hubaal waa innaga kuwa xurmo weyneeya oo nazaha (Allaah)
Surah As-Saaffat, Verse 166


وَإِن كَانُواْ لَيَقُولُونَ

Oo hubaal waxay odhan jireen
Surah As-Saaffat, Verse 167


لَوۡ أَنَّ عِندَنَا ذِكۡرٗا مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ

Haddii aan ka heysan laheyn waano kuwii hore
Surah As-Saaffat, Verse 168


لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Waxaan hubaal ahaan laheyn addoo- maha Ilaahay ee daacadda ah u keli yeela cibaadada
Surah As-Saaffat, Verse 169


فَكَفَرُواْ بِهِۦۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ

Wayse ku gaaloobaan (haatan)23, marka way ogaan doonaan
Surah As-Saaffat, Verse 170


وَلَقَدۡ سَبَقَتۡ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Oo dhab ahaan Kelmaddayadu horay bay u hirgashay xagga addoomahayaga, Rususha
Surah As-Saaffat, Verse 171


إِنَّهُمۡ لَهُمُ ٱلۡمَنصُورُونَ

In hubaal iyagu yihiin kuwa loo gargaari doono
Surah As-Saaffat, Verse 172


وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ

Iyo in hubaal ciidammayadu ay iyaga yihiin kuwa adkaan doona
Surah As-Saaffat, Verse 173


فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ

Ee isaga jeeso iyaga tan iyo muddo
Surah As-Saaffat, Verse 174


وَأَبۡصِرۡهُمۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ

Oo (markaa) arag iyaga, iyaguna sidoo kale way arki doonaan
Surah As-Saaffat, Verse 175


أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ

War ma Cadaabtayada bay degdegsanayaan
Surah As-Saaffat, Verse 176


فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمۡ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلۡمُنذَرِينَ

Markase uu ku soo dego ardaagoooda, wax xun buu haddaba ahaan doonaa waa bariga kuwa loo digay
Surah As-Saaffat, Verse 177


وَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ

Oo isaga jeeso iyaga tan iyo muddo
Surah As-Saaffat, Verse 178


وَأَبۡصِرۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ

Oo (markaa) arag, iyaguna sidoo kale waa ay arki doonaan
Surah As-Saaffat, Verse 179


سُبۡحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلۡعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ

Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo hufan Rabbigaa, Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxa ay tilmaamaan
Surah As-Saaffat, Verse 180


وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Oo nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Ilaahay)
Surah As-Saaffat, Verse 181


وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Oo Ammaan oo dhan iyo mahadba waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka
Surah As-Saaffat, Verse 182


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 36
>> Surah 38

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai