UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah As-Saaffat - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh


وَٱلصَّـٰٓفَّـٰتِ صَفّٗا

(Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan
Surah As-Saaffat, Verse 1


فَٱلزَّـٰجِرَٰتِ زَجۡرٗا

Iyo tan kaxaysa daruuraha
Surah As-Saaffat, Verse 2


فَٱلتَّـٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا

Iyo tan akhrida Quraanka
Surah As-Saaffat, Verse 3


إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٞ

Ee ilaahiin waa mid (qudha)
Surah As-Saaffat, Verse 4


رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ

Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda
Surah As-Saaffat, Verse 5


إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ

Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah
Surah As-Saaffat, Verse 6


وَحِفۡظٗا مِّن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ مَّارِدٖ

Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag
Surah As-Saaffat, Verse 7


لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰ وَيُقۡذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٖ

Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta
Surah As-Saaffat, Verse 8


دُحُورٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ وَاصِبٌ

Iyagoo la cryi oo cadaab joogta ah usugnaaday
Surah As-Saaffat, Verse 9


إِلَّا مَنۡ خَطِفَ ٱلۡخَطۡفَةَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ ثَاقِبٞ

Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi
Surah As-Saaffat, Verse 10


فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَهُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَم مَّنۡ خَلَقۡنَآۚ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّن طِينٖ لَّازِبِۭ

Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta
Surah As-Saaffat, Verse 11


بَلۡ عَجِبۡتَ وَيَسۡخَرُونَ

Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi
Surah As-Saaffat, Verse 12


وَإِذَا ذُكِّرُواْ لَا يَذۡكُرُونَ

Marka la waaniyana ma waantooban
Surah As-Saaffat, Verse 13


وَإِذَا رَأَوۡاْ ءَايَةٗ يَسۡتَسۡخِرُونَ

Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan
Surah As-Saaffat, Verse 14


وَقَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٌ

Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha
Surah As-Saaffat, Verse 15


أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ

Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin
Surah As-Saaffat, Verse 16


أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ

Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin)
Surah As-Saaffat, Verse 17


قُلۡ نَعَمۡ وَأَنتُمۡ دَٰخِرُونَ

Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan
Surah As-Saaffat, Verse 18


فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ فَإِذَا هُمۡ يَنظُرُونَ

Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi
Surah As-Saaffat, Verse 19


وَقَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا هَٰذَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ

Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta
Surah As-Saaffat, Verse 20


هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ

Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen
Surah As-Saaffat, Verse 21


۞ٱحۡشُرُواْ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَأَزۡوَٰجَهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَعۡبُدُونَ

Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen
Surah As-Saaffat, Verse 22


مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهۡدُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡجَحِيمِ

Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo
Surah As-Saaffat, Verse 23


وَقِفُوهُمۡۖ إِنَّهُم مَّسۡـُٔولُونَ

Joojiyana waxbaa la waydiine
Surah As-Saaffat, Verse 24


مَا لَكُمۡ لَا تَنَاصَرُونَ

(Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin
Surah As-Saaffat, Verse 25


بَلۡ هُمُ ٱلۡيَوۡمَ مُسۡتَسۡلِمُونَ

Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen
Surah As-Saaffat, Verse 26


وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ

Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan
Surah As-Saaffat, Verse 27


قَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَأۡتُونَنَا عَنِ ٱلۡيَمِينِ

Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga)
Surah As-Saaffat, Verse 28


قَالُواْ بَل لَّمۡ تَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ

Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn
Surah As-Saaffat, Verse 29


وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭۖ بَلۡ كُنتُمۡ قَوۡمٗا طَٰغِينَ

Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey
Surah As-Saaffat, Verse 30


فَحَقَّ عَلَيۡنَا قَوۡلُ رَبِّنَآۖ إِنَّا لَذَآئِقُونَ

Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka)
Surah As-Saaffat, Verse 31


فَأَغۡوَيۡنَٰكُمۡ إِنَّا كُنَّا غَٰوِينَ

Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn
Surah As-Saaffat, Verse 32


فَإِنَّهُمۡ يَوۡمَئِذٖ فِي ٱلۡعَذَابِ مُشۡتَرِكُونَ

Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi
Surah As-Saaffat, Verse 33


إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِينَ

Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 34


إِنَّهُمۡ كَانُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسۡتَكۡبِرُونَ

Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya
Surah As-Saaffat, Verse 35


وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓاْ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٖ مَّجۡنُونِۭ

Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan
Surah As-Saaffat, Verse 36


بَلۡ جَآءَ بِٱلۡحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray)
Surah As-Saaffat, Verse 37


إِنَّكُمۡ لَذَآئِقُواْ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَلِيمِ

Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya)
Surah As-Saaffat, Verse 38


وَمَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo
Surah As-Saaffat, Verse 39


إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan)
Surah As-Saaffat, Verse 40


أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ رِزۡقٞ مَّعۡلُومٞ

Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno)
Surah As-Saaffat, Verse 41


فَوَٰكِهُ وَهُم مُّكۡرَمُونَ

Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti
Surah As-Saaffat, Verse 42


فِي جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ

Jannooyinka Naciima
Surah As-Saaffat, Verse 43


عَلَىٰ سُرُرٖ مُّتَقَٰبِلِينَ

Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili
Surah As-Saaffat, Verse 44


يُطَافُ عَلَيۡهِم بِكَأۡسٖ مِّن مَّعِينِۭ

Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano)
Surah As-Saaffat, Verse 45


بَيۡضَآءَ لَذَّةٖ لِّلشَّـٰرِبِينَ

Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi
Surah As-Saaffat, Verse 46


لَا فِيهَا غَوۡلٞ وَلَا هُمۡ عَنۡهَا يُنزَفُونَ

Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada)
Surah As-Saaffat, Verse 47


وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ عِينٞ

Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn
Surah As-Saaffat, Verse 48


كَأَنَّهُنَّ بَيۡضٞ مَّكۡنُونٞ

Ood moodo ukun la dhowray
Surah As-Saaffat, Verse 49


فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ

Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin
Surah As-Saaffat, Verse 50


قَالَ قَآئِلٞ مِّنۡهُمۡ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٞ

Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih
Surah As-Saaffat, Verse 51


يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُصَدِّقِينَ

Dhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta)
Surah As-Saaffat, Verse 52


أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ

Ma markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin
Surah As-Saaffat, Verse 53


قَالَ هَلۡ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ

Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan
Surah As-Saaffat, Verse 54


فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِي سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ

Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda
Surah As-Saaffat, Verse 55


قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرۡدِينِ

Wuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso)
Surah As-Saaffat, Verse 56


وَلَوۡلَا نِعۡمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ

Haddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta)
Surah As-Saaffat, Verse 57


أَفَمَا نَحۡنُ بِمَيِّتِينَ

(Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin
Surah As-Saaffat, Verse 58


إِلَّا مَوۡتَتَنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ

Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayn
Surah As-Saaffat, Verse 59


إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

Taasina waa uun liibaanta wayn
Surah As-Saaffat, Verse 60


لِمِثۡلِ هَٰذَا فَلۡيَعۡمَلِ ٱلۡعَٰمِلُونَ

Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali
Surah As-Saaffat, Verse 61


أَذَٰلِكَ خَيۡرٞ نُّزُلًا أَمۡ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ

Mataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd)
Surah As-Saaffat, Verse 62


إِنَّا جَعَلۡنَٰهَا فِتۡنَةٗ لِّلظَّـٰلِمِينَ

Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta
Surah As-Saaffat, Verse 63


إِنَّهَا شَجَرَةٞ تَخۡرُجُ فِيٓ أَصۡلِ ٱلۡجَحِيمِ

Waana geed kasoobaxda gunta jaxiimo
Surah As-Saaffat, Verse 64


طَلۡعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَٰطِينِ

Midhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan
Surah As-Saaffat, Verse 65


فَإِنَّهُمۡ لَأٓكِلُونَ مِنۡهَا فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ

Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha
Surah As-Saaffat, Verse 66


ثُمَّ إِنَّ لَهُمۡ عَلَيۡهَا لَشَوۡبٗا مِّنۡ حَمِيمٖ

Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran
Surah As-Saaffat, Verse 67


ثُمَّ إِنَّ مَرۡجِعَهُمۡ لَإِلَى ٱلۡجَحِيمِ

Markaas waxay ku noqon jaxiimo
Surah As-Saaffat, Verse 68


إِنَّهُمۡ أَلۡفَوۡاْ ءَابَآءَهُمۡ ضَآلِّينَ

Waxay heleen aabayaalkood oo baadi ah
Surah As-Saaffat, Verse 69


فَهُمۡ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ يُهۡرَعُونَ

Iyaguna raadkoodii bay ku dag dagi
Surah As-Saaffat, Verse 70


وَلَقَدۡ ضَلَّ قَبۡلَهُمۡ أَكۡثَرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore
Surah As-Saaffat, Verse 71


وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ

Waxaana udiraydhexdooda udigayaal
Surah As-Saaffat, Verse 72


فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ

Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay
Surah As-Saaffat, Verse 73


إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Hasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan)
Surah As-Saaffat, Verse 74


وَلَقَدۡ نَادَىٰنَا نُوحٞ فَلَنِعۡمَ ٱلۡمُجِيبُونَ

Waxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican
Surah As-Saaffat, Verse 75


وَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ

Waxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii)
Surah As-Saaffat, Verse 76


وَجَعَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلۡبَاقِينَ

Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun
Surah As-Saaffat, Verse 77


وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah)
Surah As-Saaffat, Verse 78


سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٖ فِي ٱلۡعَٰلَمِينَ

NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato
Surah As-Saaffat, Verse 79


إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka
Surah As-Saaffat, Verse 80


إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa)
Surah As-Saaffat, Verse 81


ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ

Markaasaan maanshaynay kuwii kale
Surah As-Saaffat, Verse 82


۞وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبۡرَٰهِيمَ

Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim
Surah As-Saaffat, Verse 83


إِذۡ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلۡبٖ سَلِيمٍ

Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey)
Surah As-Saaffat, Verse 84


إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَاذَا تَعۡبُدُونَ

Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan
Surah As-Saaffat, Verse 85


أَئِفۡكًا ءَالِهَةٗ دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ

Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan
Surah As-Saaffat, Verse 86


فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka
Surah As-Saaffat, Verse 87


فَنَظَرَ نَظۡرَةٗ فِي ٱلنُّجُومِ

Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha
Surah As-Saaffat, Verse 88


فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٞ

Wuxuuna yidhi waan bukaa
Surah As-Saaffat, Verse 89


فَتَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ مُدۡبِرِينَ

Markaasay katageen kana jeedsadeen
Surah As-Saaffat, Verse 90


فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمۡ فَقَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ

Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn
Surah As-Saaffat, Verse 91


مَا لَكُمۡ لَا تَنطِقُونَ

Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin
Surah As-Saaffat, Verse 92


فَرَاغَ عَلَيۡهِمۡ ضَرۡبَۢا بِٱلۡيَمِينِ

Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay
Surah As-Saaffat, Verse 93


فَأَقۡبَلُوٓاْ إِلَيۡهِ يَزِفُّونَ

Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay)
Surah As-Saaffat, Verse 94


قَالَ أَتَعۡبُدُونَ مَا تَنۡحِتُونَ

Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen)
Surah As-Saaffat, Verse 95


وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ

Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan
Surah As-Saaffat, Verse 96


قَالُواْ ٱبۡنُواْ لَهُۥ بُنۡيَٰنٗا فَأَلۡقُوهُ فِي ٱلۡجَحِيمِ

Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka)
Surah As-Saaffat, Verse 97


فَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدٗا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَسۡفَلِينَ

Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday)
Surah As-Saaffat, Verse 98


وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهۡدِينِ

Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin
Surah As-Saaffat, Verse 99


رَبِّ هَبۡ لِي مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ

Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo)
Surah As-Saaffat, Verse 100


فَبَشَّرۡنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٖ

Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco
Surah As-Saaffat, Verse 101


فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡيَ قَالَ يَٰبُنَيَّ إِنِّيٓ أَرَىٰ فِي ٱلۡمَنَامِ أَنِّيٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰۚ قَالَ يَـٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُۖ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّـٰبِرِينَ

Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree
Surah As-Saaffat, Verse 102


فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلۡجَبِينِ

Markay hogaansameen oos u lagday wajiga
Surah As-Saaffat, Verse 103


وَنَٰدَيۡنَٰهُ أَن يَـٰٓإِبۡرَٰهِيمُ

Yaan udhawaaqnay Ibraahimow
Surah As-Saaffat, Verse 104


قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 105


إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَـٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ

Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn)
Surah As-Saaffat, Verse 106


وَفَدَيۡنَٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٖ

Waxaana ku furanay loog weyn (wan)
Surah As-Saaffat, Verse 107


وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame
Surah As-Saaffat, Verse 108


سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ

Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato
Surah As-Saaffat, Verse 109


كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha
Surah As-Saaffat, Verse 110


إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah
Surah As-Saaffat, Verse 111


وَبَشَّرۡنَٰهُ بِإِسۡحَٰقَ نَبِيّٗا مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ

Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah
Surah As-Saaffat, Verse 112


وَبَٰرَكۡنَا عَلَيۡهِ وَعَلَىٰٓ إِسۡحَٰقَۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحۡسِنٞ وَظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ مُبِينٞ

Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya
Surah As-Saaffat, Verse 113


وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ

Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo)
Surah As-Saaffat, Verse 114


وَنَجَّيۡنَٰهُمَا وَقَوۡمَهُمَا مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ

Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd
Surah As-Saaffat, Verse 115


وَنَصَرۡنَٰهُمۡ فَكَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ

Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey)
Surah As-Saaffat, Verse 116


وَءَاتَيۡنَٰهُمَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلۡمُسۡتَبِينَ

waxaana siinay Kitaabkii caddaa
Surah As-Saaffat, Verse 117


وَهَدَيۡنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ

Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan
Surah As-Saaffat, Verse 118


وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِمَا فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah)
Surah As-Saaffat, Verse 119


سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ

Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda
Surah As-Saaffat, Verse 120


إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala
Surah As-Saaffat, Verse 121


إِنَّهُمَا مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah
Surah As-Saaffat, Verse 122


وَإِنَّ إِلۡيَاسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada
Surah As-Saaffat, Verse 123


إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ

Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn)
Surah As-Saaffat, Verse 124


أَتَدۡعُونَ بَعۡلٗا وَتَذَرُونَ أَحۡسَنَ ٱلۡخَٰلِقِينَ

Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya
Surah As-Saaffat, Verse 125


ٱللَّهَ رَبَّكُمۡ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore
Surah As-Saaffat, Verse 126


فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ

Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab)
Surah As-Saaffat, Verse 127


إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr)
Surah As-Saaffat, Verse 128


وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ

Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah)
Surah As-Saaffat, Verse 129


سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلۡ يَاسِينَ

Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa
Surah As-Saaffat, Verse 130


إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala
Surah As-Saaffat, Verse 131


إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah
Surah As-Saaffat, Verse 132


وَإِنَّ لُوطٗا لَّمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray)
Surah As-Saaffat, Verse 133


إِذۡ نَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ

Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan
Surah As-Saaffat, Verse 134


إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ

marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga
Surah As-Saaffat, Verse 135


ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ

Ka dibna waxaan halaagnay intii kale
Surah As-Saaffat, Verse 136


وَإِنَّكُمۡ لَتَمُرُّونَ عَلَيۡهِم مُّصۡبِحِينَ

Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga
Surah As-Saaffat, Verse 137


وَبِٱلَّيۡلِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin
Surah As-Saaffat, Verse 138


وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray)
Surah As-Saaffat, Verse 139


إِذۡ أَبَقَ إِلَى ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ

Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday
Surah As-Saaffat, Verse 140


فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُدۡحَضِينَ

Oo uu qoriritay nodayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray)
Surah As-Saaffat, Verse 141


فَٱلۡتَقَمَهُ ٱلۡحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٞ

Kalluunna liqay isagoo ladagaalay
Surah As-Saaffat, Verse 142


فَلَوۡلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُسَبِّحِينَ

Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa)
Surah As-Saaffat, Verse 143


لَلَبِثَ فِي بَطۡنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ

Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka
Surah As-Saaffat, Verse 144


۞فَنَبَذۡنَٰهُ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٞ

Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka
Surah As-Saaffat, Verse 145


وَأَنۢبَتۡنَا عَلَيۡهِ شَجَرَةٗ مِّن يَقۡطِينٖ

Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed)
Surah As-Saaffat, Verse 146


وَأَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ مِاْئَةِ أَلۡفٍ أَوۡ يَزِيدُونَ

Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan
Surah As-Saaffat, Verse 147


فَـَٔامَنُواْ فَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ

Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo
Surah As-Saaffat, Verse 148


فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَلِرَبِّكَ ٱلۡبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلۡبَنُونَ

Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal
Surah As-Saaffat, Verse 149


أَمۡ خَلَقۡنَا ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ إِنَٰثٗا وَهُمۡ شَٰهِدُونَ

Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen
Surah As-Saaffat, Verse 150


أَلَآ إِنَّهُم مِّنۡ إِفۡكِهِمۡ لَيَقُولُونَ

Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen
Surah As-Saaffat, Verse 151


وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ

Eeba waa dhalay waana beenaalayaal
Surah As-Saaffat, Verse 152


أَصۡطَفَى ٱلۡبَنَاتِ عَلَى ٱلۡبَنِينَ

Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha
Surah As-Saaffat, Verse 153


مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ

Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan
Surah As-Saaffat, Verse 154


أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Miyeeydaan wax xusuusaneyn
Surah As-Saaffat, Verse 155


أَمۡ لَكُمۡ سُلۡطَٰنٞ مُّبِينٞ

Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad
Surah As-Saaffat, Verse 156


فَأۡتُواْ بِكِتَٰبِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin
Surah As-Saaffat, Verse 157


وَجَعَلُواْ بَيۡنَهُۥ وَبَيۡنَ ٱلۡجِنَّةِ نَسَبٗاۚ وَلَقَدۡ عَلِمَتِ ٱلۡجِنَّةُ إِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ

Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada)
Surah As-Saaffat, Verse 158


سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ

Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan
Surah As-Saaffat, Verse 159


إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan)
Surah As-Saaffat, Verse 160


فَإِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ

Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy)
Surah As-Saaffat, Verse 161


مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ بِفَٰتِنِينَ

Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe
Surah As-Saaffat, Verse 162


إِلَّا مَنۡ هُوَ صَالِ ٱلۡجَحِيمِ

Marka laga reebo kuwagali jaxiimo
Surah As-Saaffat, Verse 163


وَمَامِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٞ مَّعۡلُومٞ

Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan
Surah As-Saaffat, Verse 164


وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلصَّآفُّونَ

Waana safannahay (cibaado darteed)
Surah As-Saaffat, Verse 165


وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡمُسَبِّحُونَ

Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe)
Surah As-Saaffat, Verse 166


وَإِن كَانُواْ لَيَقُولُونَ

Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha
Surah As-Saaffat, Verse 167


لَوۡ أَنَّ عِندَنَا ذِكۡرٗا مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ

Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab)
Surah As-Saaffat, Verse 168


لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban
Surah As-Saaffat, Verse 169


فَكَفَرُواْ بِهِۦۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ

Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca)
Surah As-Saaffat, Verse 170


وَلَقَدۡ سَبَقَتۡ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii)
Surah As-Saaffat, Verse 171


إِنَّهُمۡ لَهُمُ ٱلۡمَنصُورُونَ

In iyaga uun loo gargaari
Surah As-Saaffat, Verse 172


وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ

Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan)
Surah As-Saaffat, Verse 173


فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ

Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo
Surah As-Saaffat, Verse 174


وَأَبۡصِرۡهُمۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ

Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca)
Surah As-Saaffat, Verse 175


أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ

Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan
Surah As-Saaffat, Verse 176


فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمۡ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلۡمُنذَرِينَ

Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay
Surah As-Saaffat, Verse 177


وَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ

Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo
Surah As-Saaffat, Verse 178


وَأَبۡصِرۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ

Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca)
Surah As-Saaffat, Verse 179


سُبۡحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلۡعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ

Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun)
Surah As-Saaffat, Verse 180


وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلۡمُرۡسَلِينَ

Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda
Surah As-Saaffat, Verse 181


وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah
Surah As-Saaffat, Verse 182


Author: Mahmud Muhammad Abduh


<< Surah 36
>> Surah 38

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai