Surah Sad - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
صٓۚ وَٱلۡقُرۡءَانِ ذِي ٱلذِّكۡرِ
Saad1, Waxaan ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan
Surah Sad, Verse 1
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي عِزَّةٖ وَشِقَاقٖ
Balse kuwa xaqa diida waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo cinaad
Surah Sad, Verse 2
كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّن قَرۡنٖ فَنَادَواْ وَّلَاتَ حِينَ مَنَاصٖ
Intee baan rognay hortood facyo, markaasay baroorteen goor waqtigii fakashadu tagtay
Surah Sad, Verse 3
وَعَجِبُوٓاْ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٞ مِّنۡهُمۡۖ وَقَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا سَٰحِرٞ كَذَّابٌ
Oo waxay la yaabaan inuu u yimaado dige ka mid ah. Oo waxay gaaladu yidhaahdaan: Kanu waa saaxir, beenaale
Surah Sad, Verse 4
أَجَعَلَ ٱلۡأٓلِهَةَ إِلَٰهٗا وَٰحِدًاۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيۡءٌ عُجَابٞ
Ma wuxuu ka soo qaaday isagu ilaahyada Mid (Allaah) Keliya? Waa wax la yaab leh waxakani xaqiiq ahaan
Surah Sad, Verse 5
وَٱنطَلَقَ ٱلۡمَلَأُ مِنۡهُمۡ أَنِ ٱمۡشُواْ وَٱصۡبِرُواْ عَلَىٰٓ ءَالِهَتِكُمۡۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيۡءٞ يُرَادُ
Oo odayaashii ka mid ahaa way soo dhaqaaqeen ( iyagoo leh ): Socda, oo ku sabra oo sugnaada ilaahyadiinna. hubaal, (arrin)kanu waa wax laynala doonayo
Surah Sad, Verse 6
مَا سَمِعۡنَا بِهَٰذَا فِي ٱلۡمِلَّةِ ٱلۡأٓخِرَةِ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا ٱخۡتِلَٰقٌ
Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii hore3. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur
Surah Sad, Verse 7
أَءُنزِلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ مِنۢ بَيۡنِنَاۚ بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ مِّن ذِكۡرِيۚ بَل لَّمَّا يَذُوقُواْ عَذَابِ
Ma waxaa lagu soo dejiyey Waanada isaga (keliya) dhexdeenna? Bal! Waxay ka shaki qabaan Waanadeyda. Bal wali ma aysan dhadhamin Cadaabtayda
Surah Sad, Verse 8
أَمۡ عِندَهُمۡ خَزَآئِنُ رَحۡمَةِ رَبِّكَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡوَهَّابِ
Mise ma waxaa weeye inay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha, Deeqsiga ah aad wax u bixiya
Surah Sad, Verse 9
أَمۡ لَهُم مُّلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَاۖ فَلۡيَرۡتَقُواْ فِي ٱلۡأَسۡبَٰبِ
Mise ma waxaa weeye inay iyagu leeyihiin Boqortooyada cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Haddaba ha u koreen salaanno xagga (samada haddii ay karaan)
Surah Sad, Verse 10
جُندٞ مَّا هُنَالِكَ مَهۡزُومٞ مِّنَ ٱلۡأَحۡزَابِ
Ciidanka halkaas jooga ee ka mid ah xisbiyada5 waa la jabin oo ay carari
Surah Sad, Verse 11
كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَعَادٞ وَفِرۡعَوۡنُ ذُو ٱلۡأَوۡتَادِ
Qoladii Nuux iyo Caad iyo Fircoon ee lahaa tiirar xoog leh6 baa beeniyey (Rususha) iyaga hortood
Surah Sad, Verse 12
وَثَمُودُ وَقَوۡمُ لُوطٖ وَأَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِۚ أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلۡأَحۡزَابُ
Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii, kuwan bay ahaayeen xisbiyada
Surah Sad, Verse 13
إِن كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ
Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaas bay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo
Surah Sad, Verse 14
وَمَا يَنظُرُ هَـٰٓؤُلَآءِ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ مَّا لَهَا مِن فَوَاقٖ
Oo kuwaani ma sugayaan iyaguna waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac
Surah Sad, Verse 15
وَقَالُواْ رَبَّنَا عَجِّل لَّنَا قِطَّنَا قَبۡلَ يَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ
Oo waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabta ) ka hor Maalinta Xisaabta
Surah Sad, Verse 16
ٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱذۡكُرۡ عَبۡدَنَا دَاوُۥدَ ذَا ٱلۡأَيۡدِۖ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ
U samir waxa ay leeyihiin, oo xusuuso addoonkayaga Daawuud, ee awoodda lahaa. Hubaal wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo laabasho badan
Surah Sad, Verse 17
إِنَّا سَخَّرۡنَا ٱلۡجِبَالَ مَعَهُۥ يُسَبِّحۡنَ بِٱلۡعَشِيِّ وَٱلۡإِشۡرَاقِ
Hubaal Waxaanu Annagu ka yeelnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alla) ammaan iyo mahdin iyo hufid galab dhaca iyo qorrax soo baxaba
Surah Sad, Verse 18
وَٱلطَّيۡرَ مَحۡشُورَةٗۖ كُلّٞ لَّهُۥٓ أَوَّابٞ
Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan(Alla)ammaanka
Surah Sad, Verse 19
وَشَدَدۡنَا مُلۡكَهُۥ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡحِكۡمَةَ وَفَصۡلَ ٱلۡخِطَابِ
Oo Waxaanu adkaynay mullkigiisa, oo Waxaanu siinnay xikmad iyo hadal cad oo lagu kala baxo garsoor wanaagsan ah
Surah Sad, Verse 20
۞وَهَلۡ أَتَىٰكَ نَبَؤُاْ ٱلۡخَصۡمِ إِذۡ تَسَوَّرُواْ ٱلۡمِحۡرَابَ
Oo ma ku soo gaaray warka dood qabayaashii, marka ay ugu soo dhaceen Mixraabka iyagoo soo tafaya derbiyada
Surah Sad, Verse 21
إِذۡ دَخَلُواْ عَلَىٰ دَاوُۥدَ فَفَزِعَ مِنۡهُمۡۖ قَالُواْ لَا تَخَفۡۖ خَصۡمَانِ بَغَىٰ بَعۡضُنَا عَلَىٰ بَعۡضٖ فَٱحۡكُم بَيۡنَنَا بِٱلۡحَقِّ وَلَا تُشۡطِطۡ وَٱهۡدِنَآ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلصِّرَٰطِ
Marka ay u soo galeen Daawuud, markaasuu ka baqay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, oo iska jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan
Surah Sad, Verse 22
إِنَّ هَٰذَآ أَخِي لَهُۥ تِسۡعٞ وَتِسۡعُونَ نَعۡجَةٗ وَلِيَ نَعۡجَةٞ وَٰحِدَةٞ فَقَالَ أَكۡفِلۡنِيهَا وَعَزَّنِي فِي ٱلۡخِطَابِ
Hubaal kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan sabeenood, halka aan anigu leeyahay sabeen keliya. Wuxuuse yidhi: ii xil saar iyadana, oo waa iga dood adkaaday
Surah Sad, Verse 23
قَالَ لَقَدۡ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعۡجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِۦۖ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلۡخُلَطَآءِ لَيَبۡغِي بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍ إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ وَقَلِيلٞ مَّا هُمۡۗ وَظَنَّ دَاوُۥدُ أَنَّمَا فَتَنَّـٰهُ فَٱسۡتَغۡفَرَ رَبَّهُۥ وَخَرَّۤ رَاكِعٗاۤ وَأَنَابَ۩
Wuxuu yidhi: Hubaal waa uu kugu gefay ku weydiisigiisa sabeentaada si uu ugu darsado sabeenihiisa. Oo hubaal in badan oo kuwa wax isku darsada ahi xaqiiq way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, marka laga reebo kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo aad bay u yar yihiin kuwaasu. Oo Daawuud wuxuu gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Dambi Dhaaf Rabbigi oo wuxuu la dhacay rukuuc, oo badiyey u noqdashada(Xagga Ilaahay)
Surah Sad, Verse 24
فَغَفَرۡنَا لَهُۥ ذَٰلِكَۖ وَإِنَّ لَهُۥ عِندَنَا لَزُلۡفَىٰ وَحُسۡنَ مَـَٔابٖ
Markaas baan u dambi dhaafnay (arrin)kani, oo hubaal wuxuu Agtayada xaqiiq ku leeyahay dhowaansho iyo meeqaan aad u wanaagsan
Surah Sad, Verse 25
يَٰدَاوُۥدُ إِنَّا جَعَلۡنَٰكَ خَلِيفَةٗ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱحۡكُم بَيۡنَ ٱلنَّاسِ بِٱلۡحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ ٱلۡهَوَىٰ فَيُضِلَّكَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَضِلُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدُۢ بِمَا نَسُواْ يَوۡمَ ٱلۡحِسَابِ
Daawuudow! Hubaal waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si caddaalad ah, oo ha raacin waxa (xun) ay naftu doonto _si ayan kaaga lumin Jidka Ilaahay, (ma xagga) kuwa ka luma Jidka Ilaahay waxay hubaal mudan doonaan cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta darteed
Surah Sad, Verse 26
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا بَٰطِلٗاۚ ذَٰلِكَ ظَنُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنَ ٱلنَّارِ
Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ujeeddo la’aan. Sidaasu waa malaha kuwa xaqa diida. Ee hoog waxaa leh kuwa xaqa diida xagga Naarta ah
Surah Sad, Verse 27
أَمۡ نَجۡعَلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ كَٱلۡمُفۡسِدِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ نَجۡعَلُ ٱلۡمُتَّقِينَ كَٱلۡفُجَّارِ
Ma waxaanu la mid dhignaa kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala sida kuwa ku fala fasahaad arlada? mise ma waxaanu ka dhignaa kuwa iska jira xumaha sida faajiriinta
Surah Sad, Verse 28
كِتَٰبٌ أَنزَلۡنَٰهُ إِلَيۡكَ مُبَٰرَكٞ لِّيَدَّبَّرُوٓاْ ءَايَٰتِهِۦ وَلِيَتَذَكَّرَ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ
(Kani) waa Kitaab aan kuu soo waxyoonnay barako badan si ay uga fiirsadaan Aayadihiisa iyo si ay wax garadku ugu waantoobaan
Surah Sad, Verse 29
وَوَهَبۡنَا لِدَاوُۥدَ سُلَيۡمَٰنَۚ نِعۡمَ ٱلۡعَبۡدُ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ
Oo Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. hubaal, wuxuu ahaa mid noo soo laabasho badan
Surah Sad, Verse 30
إِذۡ عُرِضَ عَلَيۡهِ بِٱلۡعَشِيِّ ٱلصَّـٰفِنَٰتُ ٱلۡجِيَادُ
Waa tii loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan marka ay taagan yihiin oo aad u dheereeya marka ay ordayaan
Surah Sad, Verse 31
فَقَالَ إِنِّيٓ أَحۡبَبۡتُ حُبَّ ٱلۡخَيۡرِ عَن ذِكۡرِ رَبِّي حَتَّىٰ تَوَارَتۡ بِٱلۡحِجَابِ
Markaasuu wuxuu yidhi: Hubaal waxaan ka door biday waxyaalaha wanaagsan xuska Rabbigay ilaa ay dhacday qorraxdii
Surah Sad, Verse 32
رُدُّوهَا عَلَيَّۖ فَطَفِقَ مَسۡحَۢا بِٱلسُّوقِ وَٱلۡأَعۡنَاقِ
Dib iyaga iigu keena, markaasuu wuxuu billaabay inuu masaxo addimmada iyo luquma(hooda)
Surah Sad, Verse 33
وَلَقَدۡ فَتَنَّا سُلَيۡمَٰنَ وَأَلۡقَيۡنَا عَلَىٰ كُرۡسِيِّهِۦ جَسَدٗا ثُمَّ أَنَابَ
Oo xaqiiq Waxaanu imtixaannay Sulaymaan, oo aan saarnay kursigii boqortooyadiisii oogo, markaasuu u soo laabtay (Allaah oo toobad keenay)
Surah Sad, Verse 34
قَالَ رَبِّ ٱغۡفِرۡ لِي وَهَبۡ لِي مُلۡكٗا لَّا يَنۢبَغِي لِأَحَدٖ مِّنۢ بَعۡدِيٓۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡوَهَّابُ
Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe
Surah Sad, Verse 35
فَسَخَّرۡنَا لَهُ ٱلرِّيحَ تَجۡرِي بِأَمۡرِهِۦ رُخَآءً حَيۡثُ أَصَابَ
Markaas baan waxaan u sakhirnay dabaysha, oo ku soconeysey amarkiisa iyadoo nugul meeshuu doonaba
Surah Sad, Verse 36
وَٱلشَّيَٰطِينَ كُلَّ بَنَّآءٖ وَغَوَّاصٖ
Iyo shaydaammada, mid walboo wax dhisa , iyo mid walboo quusa
Surah Sad, Verse 37
وَءَاخَرِينَ مُقَرَّنِينَ فِي ٱلۡأَصۡفَادِ
Iyo kuwo kaloo ku xirxiran silsilado
Surah Sad, Verse 38
هَٰذَا عَطَآؤُنَا فَٱمۡنُنۡ أَوۡ أَمۡسِكۡ بِغَيۡرِ حِسَابٖ
Kani waa Deeqdayada ee bixi waxaad doonto ama hayso xisaab la’aan
Surah Sad, Verse 39
وَإِنَّ لَهُۥ عِندَنَا لَزُلۡفَىٰ وَحُسۡنَ مَـَٔابٖ
Oo hubaal wuxuu Agtayada ku leeyahay xaqiiq dhowaansho iyo meeqaan sare
Surah Sad, Verse 40
وَٱذۡكُرۡ عَبۡدَنَآ أَيُّوبَ إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَسَّنِيَ ٱلشَّيۡطَٰنُ بِنُصۡبٖ وَعَذَابٍ
Oo xus addoonkayaga Ayyuub, marka uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh): Wuxuu Shaydaan igu taabtay silic iyo saxariir
Surah Sad, Verse 41
ٱرۡكُضۡ بِرِجۡلِكَۖ هَٰذَا مُغۡتَسَلُۢ بَارِدٞ وَشَرَابٞ
Ku garaac (dhulka) cagtaada; kani (waa il leh) meyrasho qabow iyo cabbitaan
Surah Sad, Verse 42
وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ أَهۡلَهُۥ وَمِثۡلَهُم مَّعَهُمۡ رَحۡمَةٗ مِّنَّا وَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ
Oo Waxaanu siinnay ehelkiisii, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah,oo waano u ah wax garadka
Surah Sad, Verse 43
وَخُذۡ بِيَدِكَ ضِغۡثٗا فَٱضۡرِب بِّهِۦ وَلَا تَحۡنَثۡۗ إِنَّا وَجَدۡنَٰهُ صَابِرٗاۚ نِّعۡمَ ٱلۡعَبۡدُ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٞ
Oo ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar ah oo ku dhufo oo ha jabin dhaartaada12; hubaal waxaanu hellay inuu yahay samir yeeshe dul badan. Wacanaa addoonku, hubaal wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u laabasho badan
Surah Sad, Verse 44
وَٱذۡكُرۡ عِبَٰدَنَآ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ أُوْلِي ٱلۡأَيۡدِي وَٱلۡأَبۡصَٰرِ
Oo xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, rag awood leh oo in dheer garad ah
Surah Sad, Verse 45
إِنَّآ أَخۡلَصۡنَٰهُم بِخَالِصَةٖ ذِكۡرَى ٱلدَّارِ
Hubaal waxaanu u xulannay tilmaan wanaagsan oo gaar ah: xusuusnaanta Daarta (Aakhiro)
Surah Sad, Verse 46
وَإِنَّهُمۡ عِندَنَا لَمِنَ ٱلۡمُصۡطَفَيۡنَ ٱلۡأَخۡيَارِ
Oo hubaal waxay iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah
Surah Sad, Verse 47
وَٱذۡكُرۡ إِسۡمَٰعِيلَ وَٱلۡيَسَعَ وَذَا ٱلۡكِفۡلِۖ وَكُلّٞ مِّنَ ٱلۡأَخۡيَارِ
Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, oo dhammaantood waxay ka mid yihiin akhyaarta
Surah Sad, Verse 48
هَٰذَا ذِكۡرٞۚ وَإِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ لَحُسۡنَ مَـَٔابٖ
Kani waa waano, oo hubaal, waxay mudan doonaan meeqaan wanaagsan kuwaa iska jira xumaha
Surah Sad, Verse 49
جَنَّـٰتِ عَدۡنٖ مُّفَتَّحَةٗ لَّهُمُ ٱلۡأَبۡوَٰبُ
Beero negaya loo furay Albaabadoodu
Surah Sad, Verse 50
مُتَّكِـِٔينَ فِيهَا يَدۡعُونَ فِيهَا بِفَٰكِهَةٖ كَثِيرَةٖ وَشَرَابٖ
Oo ay dhex jiqlaysan yihiin iyagoo ugu yeeranaya midho tiro badan iyo cabbitaan
Surah Sad, Verse 51
۞وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ أَتۡرَابٌ
Oo waxaa la jirkood ahaan kuwo soo laabba aragga, oo isku fil ah
Surah Sad, Verse 52
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِيَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ
Kani waa waxa la idiin ballan qaaday Maalinta Xisaabta
Surah Sad, Verse 53
إِنَّ هَٰذَا لَرِزۡقُنَا مَا لَهُۥ مِن نَّفَادٍ
Hubaal kani waa risiqayaga aan dhammaaneyn weligii
Surah Sad, Verse 54
هَٰذَاۚ وَإِنَّ لِلطَّـٰغِينَ لَشَرَّ مَـَٔابٖ
Waa sidaase! Oo hubaal xadgudbayaasha waxaa sugaya rug laabasho xun
Surah Sad, Verse 55
جَهَنَّمَ يَصۡلَوۡنَهَا فَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ
Naar; way geli doonaan, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo
Surah Sad, Verse 56
هَٰذَا فَلۡيَذُوقُوهُ حَمِيمٞ وَغَسَّاقٞ
Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyaan, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun
Surah Sad, Verse 57
وَءَاخَرُ مِن شَكۡلِهِۦٓ أَزۡوَٰجٌ
Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah
Surah Sad, Verse 58
هَٰذَا فَوۡجٞ مُّقۡتَحِمٞ مَّعَكُمۡ لَا مَرۡحَبَۢا بِهِمۡۚ إِنَّهُمۡ صَالُواْ ٱلنَّارِ
Kuwakani waa guuto lagu soo tuurayo qiimo la’aan la jirkiin, Ma leh soo dhoweyn! Hubaal waxay geli doonaan Naar
Surah Sad, Verse 59
قَالُواْ بَلۡ أَنتُمۡ لَا مَرۡحَبَۢا بِكُمۡۖ أَنتُمۡ قَدَّمۡتُمُوهُ لَنَاۖ فَبِئۡسَ ٱلۡقَرَارُ
Waxay odhan: Mayee idinkaan soo dhoweyn lahayn! Idinkaa noo horseeday iyada, ee xumaa fariisan guntii la degaa
Surah Sad, Verse 60
قَالُواْ رَبَّنَا مَن قَدَّمَ لَنَا هَٰذَا فَزِدۡهُ عَذَابٗا ضِعۡفٗا فِي ٱلنَّارِ
Waxay odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani ugu dar cadaab labo jibbaar ah Naarta gudaheeda
Surah Sad, Verse 61
وَقَالُواْ مَا لَنَا لَا نَرَىٰ رِجَالٗا كُنَّا نَعُدُّهُم مِّنَ ٱلۡأَشۡرَارِ
Oo Waxay odhan: Maxaanu u arki la'nahay, niman aanu ku tirin jirnay ehlu sharka
Surah Sad, Verse 62
أَتَّخَذۡنَٰهُمۡ سِخۡرِيًّا أَمۡ زَاغَتۡ عَنۡهُمُ ٱلۡأَبۡصَٰرُ
Oo miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey
Surah Sad, Verse 63
إِنَّ ذَٰلِكَ لَحَقّٞ تَخَاصُمُ أَهۡلِ ٱلنَّارِ
Hubaal (arrin)kani waa xaq aan shaki lahayn_ waa doodda ehlu-Naarka
Surah Sad, Verse 64
قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ مُنذِرٞۖ وَمَا مِنۡ إِلَٰهٍ إِلَّا ٱللَّهُ ٱلۡوَٰحِدُ ٱلۡقَهَّارُ
Dheh anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, oo ma jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Awoodda sare leh
Surah Sad, Verse 65
رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفَّـٰرُ
Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan
Surah Sad, Verse 66
قُلۡ هُوَ نَبَؤٌاْ عَظِيمٌ
Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh
Surah Sad, Verse 67
أَنتُمۡ عَنۡهُ مُعۡرِضُونَ
(Oo) aad idinku ka jeedsataan
Surah Sad, Verse 68
مَا كَانَ لِيَ مِنۡ عِلۡمِۭ بِٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰٓ إِذۡ يَخۡتَصِمُونَ
Oo uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare (malaa’igta) markay doodeen
Surah Sad, Verse 69
إِن يُوحَىٰٓ إِلَيَّ إِلَّآ أَنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٌ
Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad
Surah Sad, Verse 70
إِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَـٰٓئِكَةِ إِنِّي خَٰلِقُۢ بَشَرٗا مِّن طِينٖ
Waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Hubaal Waxaan ka abuuri aadmi dhoobo
Surah Sad, Verse 71
فَإِذَا سَوَّيۡتُهُۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُواْ لَهُۥ سَٰجِدِينَ
Ee marka aan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxayaga, markaas ula dhaca sujuud (salaan ahaan)
Surah Sad, Verse 72
فَسَجَدَ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ كُلُّهُمۡ أَجۡمَعُونَ
Oo malaa’igtii way sujoodeen (salaan qaateen) dhammaantood oo idil
Surah Sad, Verse 73
إِلَّآ إِبۡلِيسَ ٱسۡتَكۡبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo ka mid ahaaday abaal laawayaasha
Surah Sad, Verse 74
قَالَ يَـٰٓإِبۡلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَن تَسۡجُدَ لِمَا خَلَقۡتُ بِيَدَيَّۖ أَسۡتَكۡبَرۡتَ أَمۡ كُنتَ مِنَ ٱلۡعَالِينَ
(Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad salaan qaadasho ahaan ugu sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise waxaad ka mid tahay kuwa isla sarreeya
Surah Sad, Verse 75
قَالَ أَنَا۠ خَيۡرٞ مِّنۡهُ خَلَقۡتَنِي مِن نَّارٖ وَخَلَقۡتَهُۥ مِن طِينٖ
(Ibliis) wuxuu yidhi: Aniga baa ka khayr badan isaga, waxaad iga abuurtay dab, oo isaga waxaad ka abuurtay dhoobo
Surah Sad, Verse 76
قَالَ فَٱخۡرُجۡ مِنۡهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٞ
(Alle) wuxuu yidhi: Haddaba ka bax halkan, hubaal waxaad tahay dayro dufeysane
Surah Sad, Verse 77
وَإِنَّ عَلَيۡكَ لَعۡنَتِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلدِّينِ
Oo hubaal Nacaladdayda baa korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta
Surah Sad, Verse 78
قَالَ رَبِّ فَأَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
(Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha)
Surah Sad, Verse 79
قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ
(Alle) wuxuu yidhi: Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo
Surah Sad, Verse 80
إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡوَقۡتِ ٱلۡمَعۡلُومِ
Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh
Surah Sad, Verse 81
قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغۡوِيَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ
(Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, hubaal waxaan ka yeeli inay noolaadaan nolol baas oo xun dham- maantood oo waa dhumin geddigood
Surah Sad, Verse 82
إِلَّا عِبَادَكَ مِنۡهُمُ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada
Surah Sad, Verse 83
قَالَ فَٱلۡحَقُّ وَٱلۡحَقَّ أَقُولُ
(Alle) wuxuu yidhi: Runtu haddaba waxaa weeye, runtaana ku hadlaaye
Surah Sad, Verse 84
لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكَ وَمِمَّن تَبِعَكَ مِنۡهُمۡ أَجۡمَعِينَ
Inaan hubaal ka buuxin Naar adiga iyo kuwooda ka mid ah oo ku raaca oo dhan
Surah Sad, Verse 85
قُلۡ مَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٖ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُتَكَلِّفِينَ
Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah, mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin)
Surah Sad, Verse 86
إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ
Oo ma aha (Qur’aanka) waxaan ahayn Waano ku socota uunanka oo dhan
Surah Sad, Verse 87
وَلَتَعۡلَمُنَّ نَبَأَهُۥ بَعۡدَ حِينِۭ
Oo hubaal waad ogaan doontaan warkiisa muddo yar kaddib
Surah Sad, Verse 88