UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Az-Zumar - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ

Soo Waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) wuxuu ka yimid xagga Allaah, Adkaadaha, Xakiimka ah
Surah Az-Zumar, Verse 1


إِنَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ فَٱعۡبُدِ ٱللَّهَ مُخۡلِصٗا لَّهُ ٱلدِّينَ

Hubaal Waxaanu Annagu kuugu soo waxyoonnay Kitaabka si Xaq ah. Ee caabud Allaah Keliya, adigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada
Surah Az-Zumar, Verse 2


أَلَا لِلَّهِ ٱلدِّينُ ٱلۡخَالِصُۚ وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَ مَا نَعۡبُدُهُمۡ إِلَّا لِيُقَرِّبُونَآ إِلَى ٱللَّهِ زُلۡفَىٰٓ إِنَّ ٱللَّهَ يَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡ فِي مَا هُمۡ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي مَنۡ هُوَ كَٰذِبٞ كَفَّارٞ

Ogaada, hubaal cibaado oo dhan barax tiran1 aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Allaah (Keliya). Oo (ma xagga) kuwa yeesha awliyo ay la barbar caabudaan Isaga, (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Allaah dhowaansho aad ah. Hubaal Allaah baa ku kala xukumi doona dhexdooda waxa ay isku khilaafaan. Hubaal Allaah ma hanuuniyo kan isagu ah beenaale, abaal laawe
Surah Az-Zumar, Verse 3


لَّوۡ أَرَادَ ٱللَّهُ أَن يَتَّخِذَ وَلَدٗا لَّٱصۡطَفَىٰ مِمَّا يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ سُبۡحَٰنَهُۥۖ هُوَ ٱللَّهُ ٱلۡوَٰحِدُ ٱلۡقَهَّارُ

Haddii uu Allaah doonayo inuu yeesho wiil wuxuu hubaal ka dooran lahaa waxa uu abuuray waxa uu doono. Xurmo oo dhan Isaga baa leh oo nazahan. Waa Allaah, Waaxidka, Awoodda Sare leh
Surah Az-Zumar, Verse 4


خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۖ يُكَوِّرُ ٱلَّيۡلَ عَلَى ٱلنَّهَارِ وَيُكَوِّرُ ٱلنَّهَارَ عَلَى ٱلَّيۡلِۖ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِي لِأَجَلٖ مُّسَمًّىۗ أَلَا هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفَّـٰرُ

Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Wuxuu ka yeelaa habeenka inuu daboolo maalinta, oo ka yeelaa maalinta inay gasho halka habeenka. Oo wuxuu layliyay qorraxda iyo dayaxa. Mid walbaa wuxuu ku socdaa muddo magacaaban. Ogaada hubaal waa Isaga Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan
Surah Az-Zumar, Verse 5


خَلَقَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ ثُمَّ جَعَلَ مِنۡهَا زَوۡجَهَا وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ ثَمَٰنِيَةَ أَزۡوَٰجٖۚ يَخۡلُقُكُمۡ فِي بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمۡ خَلۡقٗا مِّنۢ بَعۡدِ خَلۡقٖ فِي ظُلُمَٰتٖ ثَلَٰثٖۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ لَهُ ٱلۡمُلۡكُۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُصۡرَفُونَ

Wuxuu idinka abuuray naf keliya (Aadam); oo ka yeelay lammaankiisa (Xawwaa) isku nooc. Oo wuxuu idiin yeelay sideed ka mid ah xoolaha oo lammaan ah. Wuxuu idinku abuuraa uurarka hooyooyinkiin abuuris ka dambeysa abuuris saddex mugdi2 dhexdood, kaas baa ah Allaah _Rabbigiin. Isagaa leh Boqortooyada. Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Ee xagee baaa haddaba la idiinka iilay
Surah Az-Zumar, Verse 6


إِن تَكۡفُرُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ عَنكُمۡۖ وَلَا يَرۡضَىٰ لِعِبَادِهِ ٱلۡكُفۡرَۖ وَإِن تَشۡكُرُواْ يَرۡضَهُ لَكُمۡۗ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُم مَّرۡجِعُكُمۡ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Haddii aad gaalowdaan, haddaba hubaal Allaah waa isku filan yahay oo idinka deeqtoon yahay, lamase jecla abaal dhac iyo gaaloobid addoomahiisa. Haddiise aad tihiin kuwo mahad naqa, wuu idiinka raalli yahay. Oo qof culaabi saaran tahay ma qaado culaabta qof kale. Oo waa xagga Rabbigiin laabashadiinna, markaasuu idiin sheegi waxaad fali jirteen. hubaal wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
Surah Az-Zumar, Verse 7


۞وَإِذَا مَسَّ ٱلۡإِنسَٰنَ ضُرّٞ دَعَا رَبَّهُۥ مُنِيبًا إِلَيۡهِ ثُمَّ إِذَا خَوَّلَهُۥ نِعۡمَةٗ مِّنۡهُ نَسِيَ مَا كَانَ يَدۡعُوٓاْ إِلَيۡهِ مِن قَبۡلُ وَجَعَلَ لِلَّهِ أَندَادٗا لِّيُضِلَّ عَن سَبِيلِهِۦۚ قُلۡ تَمَتَّعۡ بِكُفۡرِكَ قَلِيلًا إِنَّكَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلنَّارِ

Oo marka ay dhibi taabato aadmiga wuxuu u dhawaaqdaa Rabbigiis (Allaah Keliya) isagoo badiya u noqodka Xaggiisa, markase uu siiyo nicmo Xaggiisa ah3, waa halmaamaa waxa uu ugu dhawaaqday kal hore, oo wuxuu u yeelaa dhigyo Allaah, si uu (u lumo oo aadmigana) uga lumiyo Jidkiisa. Dheh: Ku raaxeyso abaal dhiciddaada wax yar, hubaal waxaad ka mid tahay ehlu Naarka
Surah Az-Zumar, Verse 8


أَمَّنۡ هُوَ قَٰنِتٌ ءَانَآءَ ٱلَّيۡلِ سَاجِدٗا وَقَآئِمٗا يَحۡذَرُ ٱلۡأٓخِرَةَ وَيَرۡجُواْ رَحۡمَةَ رَبِّهِۦۗ قُلۡ هَلۡ يَسۡتَوِي ٱلَّذِينَ يَعۡلَمُونَ وَٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ

Ma mid daacad ah saacado habeenka ah gudahood, isagoo sujuudaya oo istaagan, u digtoon oo dadaala Aakhirada oo rajeeya Naxariista Rabbigiis (miyaa la mid ah mid aan sidaasi ahayn)!? Dheh: Miyey kuwa wax og iyo kuwa aan aan waxba ogeyn siman yihiin? Waxaa sideedaba waantooba keliya kuwa wax garadka ah
Surah Az-Zumar, Verse 9


قُلۡ يَٰعِبَادِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمۡۚ لِلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٞۗ وَأَرۡضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةٌۗ إِنَّمَا يُوَفَّى ٱلصَّـٰبِرُونَ أَجۡرَهُم بِغَيۡرِ حِسَابٖ

Dheh: Addoommahayga (Xaqa) rumeysanow, Dhowra (xilka uu idin saaray) Rabbigiin, kuwa sama fala adduunyadan, (abaalkooda) waa samaan, oo dhulka Ilaahay waa waasic. Oo keliya kuwa samir yeesha baa loogu oofin doonaa Abaalkooda si dhan xisaab la’aan
Surah Az-Zumar, Verse 10


قُلۡ إِنِّيٓ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱللَّهَ مُخۡلِصٗا لَّهُ ٱلدِّينَ

Dheh: Waxaa Aniga la i amray inaan caabudo Allaah Keliya anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajineyn cibaadada
Surah Az-Zumar, Verse 11


وَأُمِرۡتُ لِأَنۡ أَكُونَ أَوَّلَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

Oo waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya kuwa isu dhiiba (Ilaahay) Muslimiin ahaan
Surah Az-Zumar, Verse 12


قُلۡ إِنِّيٓ أَخَافُ إِنۡ عَصَيۡتُ رَبِّي عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ

Dheh: Waxaan ka cabsi qabaa haddii aan caasiyo (Alle) Rabbigey Cadaabta Maalin aad u murugo Weyn
Surah Az-Zumar, Verse 13


قُلِ ٱللَّهَ أَعۡبُدُ مُخۡلِصٗا لَّهُۥ دِينِي

Dheh: Allaah (weeye kan) aan caabudo anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada
Surah Az-Zumar, Verse 14


فَٱعۡبُدُواْ مَا شِئۡتُم مِّن دُونِهِۦۗ قُلۡ إِنَّ ٱلۡخَٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَأَهۡلِيهِمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ أَلَا ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡخُسۡرَانُ ٱلۡمُبِينُ

Ee caabuda idinku waxa aad doontaan oo barbar dhiga. Dheh: Khasaare qabaayaasha hubaal waa kuwa khaasari nafahooda iyo ehelkoodaba Maalinta Qiyaamaha; ogaada hubaal, kaasi weeye khasaaraha caddaanka ah
Surah Az-Zumar, Verse 15


لَهُم مِّن فَوۡقِهِمۡ ظُلَلٞ مِّنَ ٱلنَّارِ وَمِن تَحۡتِهِمۡ ظُلَلٞۚ ذَٰلِكَ يُخَوِّفُ ٱللَّهُ بِهِۦ عِبَادَهُۥۚ يَٰعِبَادِ فَٱتَّقُونِ

Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo hoostooda, (Arrin)kaasi waa waxa uu Allaah ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow dhowra (xilka aan anigu idin saaray)
Surah Az-Zumar, Verse 16


وَٱلَّذِينَ ٱجۡتَنَبُواْ ٱلطَّـٰغُوتَ أَن يَعۡبُدُوهَا وَأَنَابُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ لَهُمُ ٱلۡبُشۡرَىٰۚ فَبَشِّرۡ عِبَادِ

Oo (ma xagga) kuwa ka fogaada inay caabudaan Shaydaan (iyo wax kastoo la caabudo Alle sokadi) oo u laabta Allaah4, waxay heli doonaan war san ay ku farxaan; ee sii war san ee farxad leh addoomahayga
Surah Az-Zumar, Verse 17


ٱلَّذِينَ يَسۡتَمِعُونَ ٱلۡقَوۡلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحۡسَنَهُۥٓۚ أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ هَدَىٰهُمُ ٱللَّهُۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمۡ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ

Kuwa dhegaysta hadalka oo raaca kiisa u fiican5, kuwaas weeye (kuwa) uu Allaah hanuunshay, oo kuwaas weeye kuwa wax garadka ah
Surah Az-Zumar, Verse 18


أَفَمَنۡ حَقَّ عَلَيۡهِ كَلِمَةُ ٱلۡعَذَابِ أَفَأَنتَ تُنقِذُ مَن فِي ٱلنَّارِ

Ma mid ay isagu u waajibtay kelmedda cadaabka. Ma adigaa badbaadin kara mid isagu ku sugan Naarta
Surah Az-Zumar, Verse 19


لَٰكِنِ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ رَبَّهُمۡ لَهُمۡ غُرَفٞ مِّن فَوۡقِهَا غُرَفٞ مَّبۡنِيَّةٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ لَا يُخۡلِفُ ٱللَّهُ ٱلۡمِيعَادَ

Laakiinse (ma xagga) kuwa dhowra (xilka uu saaray) Rabbigood waxay mudan doonaan dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Ilaahay, Allaah kama baxo Ballankiisa
Surah Az-Zumar, Verse 20


أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَسَلَكَهُۥ يَنَٰبِيعَ فِي ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ يُخۡرِجُ بِهِۦ زَرۡعٗا مُّخۡتَلِفًا أَلۡوَٰنُهُۥ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَىٰهُ مُصۡفَرّٗا ثُمَّ يَجۡعَلُهُۥ حُطَٰمًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ

Mawaadan arag inuu Allaah ka soo dejiyo biyo daruurta, haddana ka yeelo inay ku socdaan dhulka iyagoo ilo ah, markaas uu ku soo bixiyo dhir kala midab ah, haddana qallalaan sidaas darteed waxaad aragtaa isagoo caddaaday oo cawlan, haddana Wuxuu ka dhigaa wax baabba’ay oo u burburay gaballo? Hubaal, (arrin)kani waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah
Surah Az-Zumar, Verse 21


أَفَمَن شَرَحَ ٱللَّهُ صَدۡرَهُۥ لِلۡإِسۡلَٰمِ فَهُوَ عَلَىٰ نُورٖ مِّن رَّبِّهِۦۚ فَوَيۡلٞ لِّلۡقَٰسِيَةِ قُلُوبُهُم مِّن ذِكۡرِ ٱللَّهِۚ أُوْلَـٰٓئِكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ

Ma mid uu qalbigiisa Allaah u furay islaamka sidaas darteed ku sugan Nuur xagga Rabbigi ah (baa la mid ah mid qalbi adag)?, ee waxaa hoog leh kuwa ay qalbiyadoodu ay yihiin adeyg xagga Xusidda Ilaahay. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin habow caddaan ah
Surah Az-Zumar, Verse 22


ٱللَّهُ نَزَّلَ أَحۡسَنَ ٱلۡحَدِيثِ كِتَٰبٗا مُّتَشَٰبِهٗا مَّثَانِيَ تَقۡشَعِرُّ مِنۡهُ جُلُودُ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُمۡ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمۡ وَقُلُوبُهُمۡ إِلَىٰ ذِكۡرِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُدَى ٱللَّهِ يَهۡدِي بِهِۦ مَن يَشَآءُۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٍ

Allaah wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda6, ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Ilaahay. Kani waa hanuunka Ilaahay. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, oo (ma xagga) kan Allaah lumiyo ma leh cid hanuunisa
Surah Az-Zumar, Verse 23


أَفَمَن يَتَّقِي بِوَجۡهِهِۦ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَقِيلَ لِلظَّـٰلِمِينَ ذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ

Ma mid haddaba kaga dhowrsada wejigiisa7 cadaabka xun Maalinta Qiyaa- maha(baa la mid ah mid aan sidaas ahayn) oo waxaa lagu odhan gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya waxa aad kasbateen
Surah Az-Zumar, Verse 24


كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَأَتَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَشۡعُرُونَ

Kuwii ka horreeyey baa beeniyey (anbiyo), sidaas darteed wuxuu uga yimid cadaabku meelo aysan dreemeyn
Surah Az-Zumar, Verse 25


فَأَذَاقَهُمُ ٱللَّهُ ٱلۡخِزۡيَ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ

Markaasuu Allaah ka yeelay inay ku dhadhamiyaan dulli noloshan adduunka, oo dhab ahaan cadaabta Aakhiro baa ka sii weyn; waase haddii ay ogaan lahaayen
Surah Az-Zumar, Verse 26


وَلَقَدۡ ضَرَبۡنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٖ لَّعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ

Oo dhab ahaan waxaan ugu soo qaadannay dadka Qur' aankan dhexdi tusaale nooc kasta leh bal inay garowsadaan
Surah Az-Zumar, Verse 27


قُرۡءَانًا عَرَبِيًّا غَيۡرَ ذِي عِوَجٖ لَّعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ

Qur’aan af Carabi ah, aan wax qallooc ah lahayn8, bal inay (xumaha ka) dhowrsadaan
Surah Az-Zumar, Verse 28


ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا رَّجُلٗا فِيهِ شُرَكَآءُ مُتَشَٰكِسُونَ وَرَجُلٗا سَلَمٗا لِّرَجُلٍ هَلۡ يَسۡتَوِيَانِ مَثَلًاۚ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

Allaah wuxuu dhigaa tusaale: waa addoon ay wadaagaan niman badan oo is khilaaafsan, iyo addoon kale oo gebigiba uu wada leeyahay hal nin. Miyey labadaasu isku mid yihiin xaal ahaan? Ammaan oo dhan iyo mahadba waxaa mudan Allaah, balse badankoodu ma oga
Surah Az-Zumar, Verse 29


إِنَّكَ مَيِّتٞ وَإِنَّهُم مَّيِّتُونَ

Hubaal waad dhiman doontaa, iyaguna (sidoo kale) waa dhiman doonaan
Surah Az-Zumar, Verse 30


ثُمَّ إِنَّكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ عِندَ رَبِّكُمۡ تَخۡتَصِمُونَ

Oo hubaal idinku Maalinta Qiyaamaha waxaad iskula doodi doontaan Rabbigiin horti
Surah Az-Zumar, Verse 31


۞فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَذَبَ عَلَى ٱللَّهِ وَكَذَّبَ بِٱلصِّدۡقِ إِذۡ جَآءَهُۥٓۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡكَٰفِرِينَ

Yaa haddaba ka gef weyn oo ka gardarro badan kan ka been sheega Alle, iyo (kan isagu) beeniya Runta marka ay u timaaddo, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada
Surah Az-Zumar, Verse 32


وَٱلَّذِي جَآءَ بِٱلصِّدۡقِ وَصَدَّقَ بِهِۦٓ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُتَّقُونَ

Oo kan la yimaada Runta iyo (kan isagu) u aqbala run ahaanta, kuwani weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada
Surah Az-Zumar, Verse 33


لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمۡۚ ذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Waxay ka heli doonaan waxa ay doonaan Rabbigood agtiisa; kaasi waa abaalgudka sama falayaasha
Surah Az-Zumar, Verse 34


لِيُكَفِّرَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ أَسۡوَأَ ٱلَّذِي عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَهُمۡ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Sidaa awgeed Allaah wuxuu ka tirtiri waxa ugu xun ay faleen, oo u siin doonaa ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaag- san ay falaan
Surah Az-Zumar, Verse 35


أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِكَافٍ عَبۡدَهُۥۖ وَيُخَوِّفُونَكَ بِٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٖ

Mawuusan Allaah ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Oo waxay doonaan inay kugu cabsi geliyaan kuwa ay barbar dhigaan. Oo mid kastoo uu Allaah lumiyo, ma uu laha wax hanuuniya
Surah Az-Zumar, Verse 36


وَمَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّضِلٍّۗ أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِعَزِيزٖ ذِي ٱنتِقَامٖ

Oo mid uu Allaah hanuuniyo ma uu laha wax lumiya. Ma wuusan ahayn Allaah Adkaade, Aargudasho leh
Surah Az-Zumar, Verse 37


وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلۡ أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ إِنۡ أَرَادَنِيَ ٱللَّهُ بِضُرٍّ هَلۡ هُنَّ كَٰشِفَٰتُ ضُرِّهِۦٓ أَوۡ أَرَادَنِي بِرَحۡمَةٍ هَلۡ هُنَّ مُمۡسِكَٰتُ رَحۡمَتِهِۦۚ قُلۡ حَسۡبِيَ ٱللَّهُۖ عَلَيۡهِ يَتَوَكَّلُ ٱلۡمُتَوَكِّلُونَ

Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay hubaal odhanayaan: Allaah. Dheh: Haddaba ma u fiirsateen waxa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi,_ haddii Allaah ila maago lur, miyey yihiin kuwa fayda lurkiisa? ama haddii uu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celiya Naxariistiisa? Dheh: Allaah baa igu Filan, Isaga bay isku halleeyaan inta wax isku halleysa
Surah Az-Zumar, Verse 38


قُلۡ يَٰقَوۡمِ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنِّي عَٰمِلٞۖ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ

Dheh: Dadkaygiiyow! Ka camal fasha halkiinna, anigana hubaal waxaan ahay mid camal fasha, waadse ogaan doontaan
Surah Az-Zumar, Verse 39


مَن يَأۡتِيهِ عَذَابٞ يُخۡزِيهِ وَيَحِلُّ عَلَيۡهِ عَذَابٞ مُّقِيمٌ

Waa kee kan ay u iman doonto cadaab dulleysa iyo kan ay ku dhici doonto cadaab ma guuraan ah
Surah Az-Zumar, Verse 40


إِنَّآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ لِلنَّاسِ بِٱلۡحَقِّۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيۡهَاۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِوَكِيلٍ

Hubaal Waxaan Annagu kuugu soo waxyoonnay Kitaabka dadka darti si Xaq ah. Ee mid kastoo raacaa dhabbaha toosan waxay dan u tahay naftiisa, oo mid kastoo lumaa waxay uun ka go’an tahay korkiisa, oo adigu ma tihid mid xil kaa saaran yahay
Surah Az-Zumar, Verse 41


ٱللَّهُ يَتَوَفَّى ٱلۡأَنفُسَ حِينَ مَوۡتِهَا وَٱلَّتِي لَمۡ تَمُتۡ فِي مَنَامِهَاۖ فَيُمۡسِكُ ٱلَّتِي قَضَىٰ عَلَيۡهَا ٱلۡمَوۡتَ وَيُرۡسِلُ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمًّىۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ

Allaah baa oofsada nafaha waqtiga dhimashadooda, iyo kuwaas aan dhiman inta ay ku jiraan hurdadooda. Markaasuu wuxuu hayaa oo ceshadaa kuwa uu ku xukumay dhimashada, oo wuxuu soo diraa kuwa kale ilaa iyo muddo magacaaban. hubaal waxaa (arrin)kaasi ugu sugan calaamooyin qolo fekerta
Surah Az-Zumar, Verse 42


أَمِ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُفَعَآءَۚ قُلۡ أَوَلَوۡ كَانُواْ لَا يَمۡلِكُونَ شَيۡـٔٗا وَلَا يَعۡقِلُونَ

Mise waxay yeesheen shafeecayaal ay Allaah bar bar dhigaan? Dheh: Ma xitaa walow ayan marnaba hanan waxba oo ayan waxna garaneyn
Surah Az-Zumar, Verse 43


قُل لِّلَّهِ ٱلشَّفَٰعَةُ جَمِيعٗاۖ لَّهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ ثُمَّ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

Dheh: Allaah baa iska leh shafeeco oo dhan; Isaga baa leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa
Surah Az-Zumar, Verse 44


وَإِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَحۡدَهُ ٱشۡمَأَزَّتۡ قُلُوبُ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِۖ وَإِذَا ذُكِرَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦٓ إِذَا هُمۡ يَسۡتَبۡشِرُونَ

Oo marka Allaah Keliya la xuso, quluubta kuwa aan rumeysneyn Aakhirada way qaloodaan, oo marka kuwaa ay barbar dhigaan la xuso, markaas bay farxaan
Surah Az-Zumar, Verse 45


قُلِ ٱللَّهُمَّ فَاطِرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ عَٰلِمَ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ أَنتَ تَحۡكُمُ بَيۡنَ عِبَادِكَ فِي مَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ

Dheh: Allahayow, uumaha cirarka iyo dhulkow, Ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdow. Adiga (Keliyaa) u kala garsoori doona addoomahaaga waxa ay isku khilaafaan
Surah Az-Zumar, Verse 46


وَلَوۡ أَنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا وَمِثۡلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفۡتَدَوۡاْ بِهِۦ مِن سُوٓءِ ٱلۡعَذَابِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَبَدَا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مَا لَمۡ يَكُونُواْ يَحۡتَسِبُونَ

Oo haddii kuwaa ah gar ma qaatayaasha ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan iyo wax le’eg oo wehliya waxay dhab ahaan u bixin lahaayeen isfurasho ahaan (si looga badbaadiyo) xumaanta cadaabta Maalinta Qiyaamaha; oo waxaa uga muuqan doona xagga Ilaahay wax aysan marnaba malaysan
Surah Az-Zumar, Verse 47


وَبَدَا لَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ

Oo (midhaha) xumaanta waxa ay kasbadeen baa u muuqan doona, oo waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah) baa ku degi doona
Surah Az-Zumar, Verse 48


فَإِذَا مَسَّ ٱلۡإِنسَٰنَ ضُرّٞ دَعَانَا ثُمَّ إِذَا خَوَّلۡنَٰهُ نِعۡمَةٗ مِّنَّا قَالَ إِنَّمَآ أُوتِيتُهُۥ عَلَىٰ عِلۡمِۭۚ بَلۡ هِيَ فِتۡنَةٞ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

Ee marka ay dhibaato taabato Aadmiga, waa uu noo dhawaaqdaa, haddana marka aan ku galladeysanno nicmo Xaggayaga ah wuxuu yidhaahdaa: Wax kale ma’ahee’ waxaa uun laygu siiyey aqoonta (aan u leeyahay jidadka lagu helo), mayee’ waa imtixaan, laakiinse badan- koodu ma ogsoona
Surah Az-Zumar, Verse 49


قَدۡ قَالَهَا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

Kuwii ka horreeyey baa sidaas yidhi dhab ahaan, waxbase uma tarin waxay kasbadeen
Surah Az-Zumar, Verse 50


فَأَصَابَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْۚ وَٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡ هَـٰٓؤُلَآءِ سَيُصِيبُهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْ وَمَا هُم بِمُعۡجِزِينَ

Markaas baa waxaa ku dhacay xumaanta (midhaha) waxay kasbadeen; oo kuwaa ah gar ma qaatayaasha ee ka mid ah kuwani waxaa iyagana ku dhici doona xumaanta (midhaha) waxay kasbadaan, oo ma baxsan doonaan
Surah Az-Zumar, Verse 51


أَوَلَمۡ يَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ

Mawaysan ogeyn inuu Allaah u fidiyo risiqa ciddii uu doono, oo ku cidhiidhiyo (ciddii uu doono), hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo rumeysan
Surah Az-Zumar, Verse 52


۞قُلۡ يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ أَسۡرَفُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ لَا تَقۡنَطُواْ مِن رَّحۡمَةِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Dheh: Addoomahaygow! kuwa ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina marnaba Naxariista Ilaahay; hubaal Allaah waa uu dhaafaa dambiyada oo dhan11. Hubaal waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
Surah Az-Zumar, Verse 53


وَأَنِيبُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ وَأَسۡلِمُواْ لَهُۥ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلۡعَذَابُ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ

Oo u noqda xagga Rabbigiin goor iyo ayaanba, oo isu dhiiba ka hor inta aanay idin imaan cadaabtu, markaasoo aan la idiin gargaari doonin
Surah Az-Zumar, Verse 54


وَٱتَّبِعُوٓاْ أَحۡسَنَ مَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلۡعَذَابُ بَغۡتَةٗ وَأَنتُمۡ لَا تَشۡعُرُونَ

Oo Raaca kan wanaagga badan ee la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin, ka hor inta aanay kedis idiinku imaan cadaabtu, idinkoo aan waliba dareensaneyn
Surah Az-Zumar, Verse 55


أَن تَقُولَ نَفۡسٞ يَٰحَسۡرَتَىٰ عَلَىٰ مَا فَرَّطتُ فِي جَنۢبِ ٱللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ ٱلسَّـٰخِرِينَ

Si ayan nafi u odhan12: Hoog baa ii sugnaaday waxa aan ku gabood galay xilka Ilaahay i saaray darteed, oo hubaal waxaan ka mid ahaa kuw qosol jees-jeesa
Surah Az-Zumar, Verse 56


أَوۡ تَقُولَ لَوۡ أَنَّ ٱللَّهَ هَدَىٰنِي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُتَّقِينَ

Ama aysan odhan: Haddii Allaah i hanuunin lahaa, waxaan dhab ahaan ka mid ahaan lahaa kuwa (xumaha) ka dhowrsada
Surah Az-Zumar, Verse 57


أَوۡ تَقُولَ حِينَ تَرَى ٱلۡعَذَابَ لَوۡ أَنَّ لِي كَرَّةٗ فَأَكُونَ مِنَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Ama aysan odhan marka ay aragto cadaabta: Haddii aan heli lahaa hal noqosho oo keliya13 waxaan dhab ahaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha
Surah Az-Zumar, Verse 58


بَلَىٰ قَدۡ جَآءَتۡكَ ءَايَٰتِي فَكَذَّبۡتَ بِهَا وَٱسۡتَكۡبَرۡتَ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Haayoo, waxaa dhab ahaan kuu yimid Aayadahayga waadse beenisay, oo aheyd mid isla weyn, oo waxaad ka mid ahayd gaalada
Surah Az-Zumar, Verse 59


وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تَرَى ٱلَّذِينَ كَذَبُواْ عَلَى ٱللَّهِ وُجُوهُهُم مُّسۡوَدَّةٌۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡمُتَكَبِّرِينَ

Oo Maalinta Qiyaamaha waxaad arki doontaa kuwii ka been sheegay Allaah, wejiyadoodu oo ahaan kuwo la madoobeeyey. Miyaanay ugu sugnaan Naarta hoy islaweynayaasha
Surah Az-Zumar, Verse 60


وَيُنَجِّي ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ بِمَفَازَتِهِمۡ لَا يَمَسُّهُمُ ٱلسُّوٓءُ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ

Oo Allaah wuxuu badbaadin doonaa Kuwa (xumaha) iska jira iyagoo wata guushooda ay gaareen14, xumi ma taaban doonto, mana murugoon doonaan
Surah Az-Zumar, Verse 61


ٱللَّهُ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ وَكِيلٞ

Allaah waa abuuraha wax walba, oo Isaga baa haya xilka wax walba
Surah Az-Zumar, Verse 62


لَّهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ

Isagaa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada. Oo (ma xagga) kuwa rumeysan diida Aayadaha Ilaahay, kuwani weeye kuwa ah khasaara qabayaasha
Surah Az-Zumar, Verse 63


قُلۡ أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ تَأۡمُرُوٓنِّيٓ أَعۡبُدُ أَيُّهَا ٱلۡجَٰهِلُونَ

Dheh: Ma waxaan ahayn Allaah baad haddaba i amartaan inaan caabudo, nimanyahow jaahiliinta ah
Surah Az-Zumar, Verse 64


وَلَقَدۡ أُوحِيَ إِلَيۡكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكَ لَئِنۡ أَشۡرَكۡتَ لَيَحۡبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ

Oo dhab ahaan waxaa laguu waxyooday adiga iyo kuwii kaa horreeyeyba: hubaal haddii aad wax la wadaajiso Ilaahay cibaadada, waxaa dhab ahaan buraya camalkaaga, oo waxaad dhab ahaan ka mid noqoneysaa khasaare qabayaasha
Surah Az-Zumar, Verse 65


بَلِ ٱللَّهَ فَٱعۡبُدۡ وَكُن مِّنَ ٱلشَّـٰكِرِينَ

Balse Caabud Allaah Keliya, oo ka mid ahow kuwa mahad naqa
Surah Az-Zumar, Verse 66


وَمَا قَدَرُواْ ٱللَّهَ حَقَّ قَدۡرِهِۦ وَٱلۡأَرۡضُ جَمِيعٗا قَبۡضَتُهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَٱلسَّمَٰوَٰتُ مَطۡوِيَّـٰتُۢ بِيَمِينِهِۦۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

Oo ma ayan qaddarin Allaah qaddarinta uu mudan yahay15, isagoo dhulka oo dhammi ahaan doono Qabashadiisa Maalinta Qiyaamaha, oo samooyinka ku duuban yihiin Gacantiisa Midig16. Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo waa ka sarreeyaa waxaa ay la wadaajiyaan
Surah Az-Zumar, Verse 67


وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَصَعِقَ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُۖ ثُمَّ نُفِخَ فِيهِ أُخۡرَىٰ فَإِذَا هُمۡ قِيَامٞ يَنظُرُونَ

Oo Buunka baa la afuufi, markaas bay dhammaan waxa jooga samooyinka iyo dhammaan waxa jooga arlada wada suuxi doonaan kan uu dooni Allaah maahee. Misna la afuufi mar kale, mise dadkii wayba taagan yihiin oo sugayaan (Xukunka Ilaahay)
Surah Az-Zumar, Verse 68


وَأَشۡرَقَتِ ٱلۡأَرۡضُ بِنُورِ رَبِّهَا وَوُضِعَ ٱلۡكِتَٰبُ وَجِاْيٓءَ بِٱلنَّبِيِّـۧنَ وَٱلشُّهَدَآءِ وَقُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡحَقِّ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ

Oo arlada waxay la ifi Nuurka Rabbigeed, oo Kitaabka baa la soo dhigi, oo Nabiyada iyo markhaatiyada baa la keeni, oo waa loo kala garsoori dhexdooda si Xaq ah, iyagoo aan lagu gardarrooneyn
Surah Az-Zumar, Verse 69


وَوُفِّيَتۡ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا عَمِلَتۡ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِمَا يَفۡعَلُونَ

Oo naf walba waxaa loogu oofin si dhan waxa ay fashay; oo Isaga baa aad u Ogsoon waxa ay camal falaan
Surah Az-Zumar, Verse 70


وَسِيقَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِلَىٰ جَهَنَّمَ زُمَرًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوهَا فُتِحَتۡ أَبۡوَٰبُهَا وَقَالَ لَهُمۡ خَزَنَتُهَآ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ رُسُلٞ مِّنكُمۡ يَتۡلُونَ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِ رَبِّكُمۡ وَيُنذِرُونَكُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَاۚ قَالُواْ بَلَىٰ وَلَٰكِنۡ حَقَّتۡ كَلِمَةُ ٱلۡعَذَابِ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ

Oo kuwa xaqa diida waxaa loo kaxeyn Naarta iyagoo rac-rac (wada jira) ah, jeer marka ay ku yimaadaan waxaa loo furi Albaabbadeeda. Oo Furahayeennadeedu waxay ku odhan: Mawaysan idiin iman Rusul idinka mid ah oo idiin akhirayaya Aayaadka Rabbigiin, oo idiinka digaya la kulanka Maalintiinnaan? Waxay odhan: Haah, laakiinse waxaa ku rumowday Kelmedda cadaabka gaalada dushooda
Surah Az-Zumar, Verse 71


قِيلَ ٱدۡخُلُوٓاْ أَبۡوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ فَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلۡمُتَكَبِّرِينَ

Waxaa la odhan: Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda, maxay ahaatay meel xun oo baas hoyga islaweynayaashaa
Surah Az-Zumar, Verse 72


وَسِيقَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ رَبَّهُمۡ إِلَى ٱلۡجَنَّةِ زُمَرًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوهَا وَفُتِحَتۡ أَبۡوَٰبُهَا وَقَالَ لَهُمۡ خَزَنَتُهَا سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمۡ طِبۡتُمۡ فَٱدۡخُلُوهَا خَٰلِدِينَ

Oo kuwa dhowra (xilka uu saaray) Rabbigood waxaa loo kaxeyn xagga Jannada, iyagoo rac-rac (wada jira) ah, marka ay ku yimaadaan waxay la kulmi iyadoo la furay albaabbadeeda18, oo furahayeennadeedu waxay ku odhan: Nabadi korkiinna ha ahaato, farxad iyo wanaag baa idiin ahaatay, ee gala iyada idinkoo ku waari doona dhexdeeda
Surah Az-Zumar, Verse 73


وَقَالُواْ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي صَدَقَنَا وَعۡدَهُۥ وَأَوۡرَثَنَا ٱلۡأَرۡضَ نَتَبَوَّأُ مِنَ ٱلۡجَنَّةِ حَيۡثُ نَشَآءُۖ فَنِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ

Oo waxay odhan: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa mudan Allaah, ee nooga dhabeeyey Ballan qaadkiisa, oo na dhaxal siiyey dhulka. Waxaan ku negaan karnaa Jannada gudaheeda meesha aan doonno, ee fiicanaa abaalgudka kuwa camal fasha
Surah Az-Zumar, Verse 74


وَتَرَى ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ حَآفِّينَ مِنۡ حَوۡلِ ٱلۡعَرۡشِ يُسَبِّحُونَ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡۚ وَقُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡحَقِّۚ وَقِيلَ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Oo waxaad arki doontaa malaa’igta oo ku meersan Carshiga hareerihiisa, iyagoo ku tasbiixsanaya ammaanaha Rabbigood; oo waa loo kala garsoori doonaa (dadka iyo jinkaba) dhexdooda si xaq ah, oo waxaa la odhan doonaa: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka
Surah Az-Zumar, Verse 75


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 38
>> Surah 40

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai