Surah Ghafir - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
حمٓ
Xaa Miim
Surah Ghafir, Verse 1
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ
Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) wuxuu ka yimi xagga Allaah, Adkaadaha, wax kasta Ogsoon
Surah Ghafir, Verse 2
غَافِرِ ٱلذَّنۢبِ وَقَابِلِ ٱلتَّوۡبِ شَدِيدِ ٱلۡعِقَابِ ذِي ٱلطَّوۡلِۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ إِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ
Dambi dhaafaha, Toobad aqbalaha, Daran tahay Ciqaabtiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel laabadku
Surah Ghafir, Verse 3
مَا يُجَٰدِلُ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَلَا يَغۡرُرۡكَ تَقَلُّبُهُمۡ فِي ٱلۡبِلَٰدِ
Cidina kama dooddo Aayadaha Ilaahay aan ahayn kuwa xaqa diida. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka
Surah Ghafir, Verse 4
كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۖ وَهَمَّتۡ كُلُّ أُمَّةِۭ بِرَسُولِهِمۡ لِيَأۡخُذُوهُۖ وَجَٰدَلُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ لِيُدۡحِضُواْ بِهِ ٱلۡحَقَّ فَأَخَذۡتُهُمۡۖ فَكَيۡفَ كَانَ عِقَابِ
Qoladii Nuux iyo colalkii ka dambeeyay baa beeniyey (anbiyadii Ilaahay) hortood iyaga, oo ummad walbaa waxay qorsheeyeen lidka Rasuulkooda si ay u dilaan, oo waxay ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaas baan qabtay, ee sidee bay u aheyd mid daran Ciqaabtaydii
Surah Ghafir, Verse 5
وَكَذَٰلِكَ حَقَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّهُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ
Oo sidaas bay Kelmedda Rabbigaa ugu waajibtay kuwa xaqa diiday inay iyagu yihiin ehlu-Naarka
Surah Ghafir, Verse 6
ٱلَّذِينَ يَحۡمِلُونَ ٱلۡعَرۡشَ وَمَنۡ حَوۡلَهُۥ يُسَبِّحُونَ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَيُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَيَسۡتَغۡفِرُونَ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْۖ رَبَّنَا وَسِعۡتَ كُلَّ شَيۡءٖ رَّحۡمَةٗ وَعِلۡمٗا فَٱغۡفِرۡ لِلَّذِينَ تَابُواْ وَٱتَّبَعُواْ سَبِيلَكَ وَقِهِمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ
Kuwa xambaarsan Carshiga iyo kuwa hareera joogaba waxay ku tasbiixsadaan ammaanta Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, oo waxay u dambi dhaaf dalbaan kuwa (Xaqa) rumeysan (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo Ogaal ee u dambi dhaaf kuwa kuu soo laabta oo raaca Jidkaaga, oo ka dhowr Cadaabta Naarta
Surah Ghafir, Verse 7
رَبَّنَا وَأَدۡخِلۡهُمۡ جَنَّـٰتِ عَدۡنٍ ٱلَّتِي وَعَدتَّهُمۡ وَمَن صَلَحَ مِنۡ ءَابَآئِهِمۡ وَأَزۡوَٰجِهِمۡ وَذُرِّيَّـٰتِهِمۡۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
Rabbigayow! Oo gali Beeraha negaya ee aad u ballan qaadday iyaga, iyo kuwa wa- naagsan oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda. Hubaal wa- xaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah
Surah Ghafir, Verse 8
وَقِهِمُ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ وَمَن تَقِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ يَوۡمَئِذٖ فَقَدۡ رَحِمۡتَهُۥۚ وَذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
Oo ka dhowr wax xun oo dhan, oo kan aad ka dhowrto xumo oo dhan Maalintan, dhab ahaan waad u naxariistay, oo (arrin)kani weeye Liibaanta Weyn
Surah Ghafir, Verse 9
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُنَادَوۡنَ لَمَقۡتُ ٱللَّهِ أَكۡبَرُ مِن مَّقۡتِكُمۡ أَنفُسَكُمۡ إِذۡ تُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلۡإِيمَٰنِ فَتَكۡفُرُونَ
Hubaal kuwa xaqa diida waxaa loogu dhawaaqi doonaa: Dhab ahaan Naceybka Ilaahay (idiin qabay) goortii la idiinku baaqay Iimaanka, oo aad diiddeen, baa aad uga weyn naceybka aad u qabtaan hadda nafahiinna
Surah Ghafir, Verse 10
قَالُواْ رَبَّنَآ أَمَتَّنَا ٱثۡنَتَيۡنِ وَأَحۡيَيۡتَنَا ٱثۡنَتَيۡنِ فَٱعۡتَرَفۡنَا بِذُنُوبِنَا فَهَلۡ إِلَىٰ خُرُوجٖ مِّن سَبِيلٖ
Waxay odhan doonaan: Rabbigayow! labo jeer3 baad naga yeeshay meyd, oo labo jeer baad na siisay nolol. marka waanu qirsannahay dunuubtayada’e, ee ma jiraa jid looga baxo (Naarta)
Surah Ghafir, Verse 11
ذَٰلِكُم بِأَنَّهُۥٓ إِذَا دُعِيَ ٱللَّهُ وَحۡدَهُۥ كَفَرۡتُمۡ وَإِن يُشۡرَكۡ بِهِۦ تُؤۡمِنُواْۚ فَٱلۡحُكۡمُ لِلَّهِ ٱلۡعَلِيِّ ٱلۡكَبِيرِ
(Arrin)kaasi waxaa u sabab ah marka Allaah Keliya loo baryo waad diiddaan (Xaqa), markase loo shariig yeelo waad rumaysaan. Haddaba Xukunka waxaa iska leh Allaah, Sarreeyaha, aad u Weyn
Surah Ghafir, Verse 12
هُوَ ٱلَّذِي يُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ وَيُنَزِّلُ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ رِزۡقٗاۚ وَمَا يَتَذَكَّرُ إِلَّا مَن يُنِيبُ
Waa Isaga (Alle) Kan idin tusiya Calaamooyinkiisa oo idiinka soo dejiya risiq samada, oo cidi ma garowsato aan ahayn kawa u laabashada badan (Ilaahay)
Surah Ghafir, Verse 13
فَٱدۡعُواْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡكَٰفِرُونَ
Sidaa darteed barya Allaah (Keliya) idiinkoo u gaar yeelaya cibaadada, haba nacaan gaaladuye
Surah Ghafir, Verse 14
رَفِيعُ ٱلدَّرَجَٰتِ ذُو ٱلۡعَرۡشِ يُلۡقِي ٱلرُّوحَ مِنۡ أَمۡرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ لِيُنذِرَ يَوۡمَ ٱلتَّلَاقِ
Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee kaamil ahaanta, Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah kan uu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta isla kulanka
Surah Ghafir, Verse 15
يَوۡمَ هُم بَٰرِزُونَۖ لَا يَخۡفَىٰ عَلَى ٱللَّهِ مِنۡهُمۡ شَيۡءٞۚ لِّمَنِ ٱلۡمُلۡكُ ٱلۡيَوۡمَۖ لِلَّهِ ٱلۡوَٰحِدِ ٱلۡقَهَّارِ
Maalinta banka la keeni, ma jiro wax xaggooda ah oo ka qarsoon Allaah: Yaa leh Boqortooyada Maanta? Allaah, waaxidka,Qahraha (wax kasta)
Surah Ghafir, Verse 16
ٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡۚ لَا ظُلۡمَ ٱلۡيَوۡمَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ
Maalintan naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay, ma jiro gardarro (laysu geysan) maalintan4. Hubaal Allaah wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabista
Surah Ghafir, Verse 17
وَأَنذِرۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡأٓزِفَةِ إِذِ ٱلۡقُلُوبُ لَدَى ٱلۡحَنَاجِرِ كَٰظِمِينَۚ مَا لِلظَّـٰلِمِينَ مِنۡ حَمِيمٖ وَلَا شَفِيعٖ يُطَاعُ
Oo uga dig Maalinta aad u soo dhowaata, marka ay quluubtu iman dhuu- maha (cabsi darteed) iyagoo walbahaar- san. Ma lahaan doonaan gar ma qaatayaa- sha saaxiib iyo shafeece midna ee la maqlayo
Surah Ghafir, Verse 18
يَعۡلَمُ خَآئِنَةَ ٱلۡأَعۡيُنِ وَمَا تُخۡفِي ٱلصُّدُورُ
Wuu Og yahay khiyaanada isha loo dabo iyo waxa ay laabuhu qarsadaanba
Surah Ghafir, Verse 19
وَٱللَّهُ يَقۡضِي بِٱلۡحَقِّۖ وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَقۡضُونَ بِشَيۡءٍۗ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ
Oo Allaah wuxuu wax ku xukumaa Xaq, oo kuwaas ay baryaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba, Hubaal, Allaah, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka
Surah Ghafir, Verse 20
۞أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ كَانُواْ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُواْ هُمۡ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗ وَءَاثَارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمۡ وَمَا كَانَ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن وَاقٖ
Mawaysan ku socdaalin dhulka oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwa ka xoog badan iyo camiraadba arlada, wuxuuse Allaah u qabtay dambiyaday faleen. Oo uma sugnaan iyaga wax ka difaaca Ilaahay
Surah Ghafir, Verse 21
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَانَت تَّأۡتِيهِمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَكَفَرُواْ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ قَوِيّٞ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
(Arrin)kaasi waxaa ugu wacnaa waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, wayse diideen iyaga. Sidaas darteed Allaah baa qabtay. Hubaal waa Xoog Badane, Ciqaabtiisu daran tahay
Surah Ghafir, Verse 22
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
Oo dhab ahaan waxaan ula dirnay Muuse Aayadahayaga iyo awood cad
Surah Ghafir, Verse 23
إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَ وَقَٰرُونَ فَقَالُواْ سَٰحِرٞ كَذَّابٞ
Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yidhaahdeen: (waa) Saaxir beenaale ah
Surah Ghafir, Verse 24
فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلۡحَقِّ مِنۡ عِندِنَا قَالُواْ ٱقۡتُلُوٓاْ أَبۡنَآءَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ وَٱسۡتَحۡيُواْ نِسَآءَهُمۡۚ وَمَا كَيۡدُ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ
Haddaba markii uu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha ka mid ah kuwa (xaqa) rumeysan la jirki oo u daaya haweenkooda nolol; oo halganka gaaladu wuxuu ku soo gabagaboobi uun hungo
Surah Ghafir, Verse 25
وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ ذَرُونِيٓ أَقۡتُلۡ مُوسَىٰ وَلۡيَدۡعُ رَبَّهُۥٓۖ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُبَدِّلَ دِينَكُمۡ أَوۡ أَن يُظۡهِرَ فِي ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡفَسَادَ
Oo Fircoon wuxuu yidhi: I daaya aan dilee Muuse, oo ha u dhawaaqdo Rabbigiis, hubaal waxaan anigu cabsi ka qabaa inuu idin dhaqan rogo ama uu fasahaad5 ka soo if bixiyo dhulka
Surah Ghafir, Verse 26
وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُم مِّن كُلِّ مُتَكَبِّرٖ لَّا يُؤۡمِنُ بِيَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ
Oo Muuse wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiinba mid kasta oo islaweyn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta
Surah Ghafir, Verse 27
وَقَالَ رَجُلٞ مُّؤۡمِنٞ مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَكۡتُمُ إِيمَٰنَهُۥٓ أَتَقۡتُلُونَ رَجُلًا أَن يَقُولَ رَبِّيَ ٱللَّهُ وَقَدۡ جَآءَكُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ مِن رَّبِّكُمۡۖ وَإِن يَكُ كَٰذِبٗا فَعَلَيۡهِ كَذِبُهُۥۖ وَإِن يَكُ صَادِقٗا يُصِبۡكُم بَعۡضُ ٱلَّذِي يَعِدُكُمۡۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي مَنۡ هُوَ مُسۡرِفٞ كَذَّابٞ
Oo nin mu’min ah oo ka mid ah reer Fircoon (Xizqil, Fircoon ina Adeerki, khaznad hayahii dawladda) oo qarsanayey Iimaankiisa wuxuu yidhi: Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu leeyahay: Rabbigay waa Allaah, oo dhab ahaan wuxuu idiin keenay Xujooyin Cad xagga Rabbigiin? Oo haddii uu yahay beenlow, isaga bay u daran tahay oo dushiisa ahaan beentiisu; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhici doona qaar waxaa uu idinku gooddiyo. Hubaal Allaah ma hanuuniyo mid isagu ah xad gudbe, beenaale
Surah Ghafir, Verse 28
يَٰقَوۡمِ لَكُمُ ٱلۡمُلۡكُ ٱلۡيَوۡمَ ظَٰهِرِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَمَن يَنصُرُنَا مِنۢ بَأۡسِ ٱللَّهِ إِن جَآءَنَاۚ قَالَ فِرۡعَوۡنُ مَآ أُرِيكُمۡ إِلَّا مَآ أَرَىٰ وَمَآ أَهۡدِيكُمۡ إِلَّا سَبِيلَ ٱلرَّشَادِ
Tolkayow! Idinka baa leh xukunka maalintan, idinkoo madax ku ah arlada. Yaase nooga gargaari Ciqaabta Ilaahay haddii ay noo timaaddo. Fircoon wuxuu yidhi: Idin tusi maayo waxaan aheyn waxa aan anigu arko, oo idin ma qaadsiiyo waxaan aheyn jidka hanuunka
Surah Ghafir, Verse 29
وَقَالَ ٱلَّذِيٓ ءَامَنَ يَٰقَوۡمِ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُم مِّثۡلَ يَوۡمِ ٱلۡأَحۡزَابِ
Oo kii isagu rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow! Waxaan anigu idiinka cabsi qabaa wax la mid ah wixii ku dhacay axzaabta
Surah Ghafir, Verse 30
مِثۡلَ دَأۡبِ قَوۡمِ نُوحٖ وَعَادٖ وَثَمُودَ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۚ وَمَا ٱللَّهُ يُرِيدُ ظُلۡمٗا لِّلۡعِبَادِ
Wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, oo Allaah ma aha mid la doona grdarro addoomahiisa
Surah Ghafir, Verse 31
وَيَٰقَوۡمِ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ يَوۡمَ ٱلتَّنَادِ
Oo tolkaygow! Waxaan anigu idiinka cabsi qabaa Maalinta isu Yeeridda
Surah Ghafir, Verse 32
يَوۡمَ تُوَلُّونَ مُدۡبِرِينَ مَا لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ مِنۡ عَاصِمٖۗ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٖ
Maalinta aad jeedin doontaan dhabarradiinna idinkoo dib u guranaya, halkaa ma jiri doono wax idinka badbaadiya Ilaahay. Oo mid kastoo Allaah lumiyo ma uu laha wax hanuuniya
Surah Ghafir, Verse 33
وَلَقَدۡ جَآءَكُمۡ يُوسُفُ مِن قَبۡلُ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا زِلۡتُمۡ فِي شَكّٖ مِّمَّا جَآءَكُم بِهِۦۖ حَتَّىٰٓ إِذَا هَلَكَ قُلۡتُمۡ لَن يَبۡعَثَ ٱللَّهُ مِنۢ بَعۡدِهِۦ رَسُولٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَنۡ هُوَ مُسۡرِفٞ مُّرۡتَابٌ
Oo xaqiiq Yuusuf wuxuu idinla yimid mar hore Xujooyin cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen waxa uu idiin keenay, jeer marka uu dhintay aad tidhaahdeen: Allaah ma soo diri doono wax Rasuul ah isaga kadambow. Sidaas buu Allaah u lumiyaa kan isagu ah xad gudbe, shaki qabeen
Surah Ghafir, Verse 34
ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ سُلۡطَٰنٍ أَتَىٰهُمۡۖ كَبُرَ مَقۡتًا عِندَ ٱللَّهِ وَعِندَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ كَذَٰلِكَ يَطۡبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ قَلۡبِ مُتَكَبِّرٖ جَبَّارٖ
Kuwa ka dooda Aayadaha Ilaahay iyagoo aan heysan wax xujo ah uu siiyey, waa wax Allaah u aad u neceb yahay oo (sidoo kale ay neceby yihiin) kuwaa rumeysan. Sidaas buu Allaah u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islaweyne, jujuubaa
Surah Ghafir, Verse 35
وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ يَٰهَٰمَٰنُ ٱبۡنِ لِي صَرۡحٗا لَّعَلِّيٓ أَبۡلُغُ ٱلۡأَسۡبَٰبَ
Oo Fircoon wuxuu yidhi: Haamaanow! Ii dhis sar dheer si aan ugu gaaro asbaabta loo maro
Surah Ghafir, Verse 36
أَسۡبَٰبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ فَأَطَّلِعَ إِلَىٰٓ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُۥ كَٰذِبٗاۚ وَكَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِفِرۡعَوۡنَ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَصُدَّ عَنِ ٱلسَّبِيلِۚ وَمَا كَيۡدُ فِرۡعَوۡنَ إِلَّا فِي تَبَابٖ
Asbaabta loo maro cirarka, si aan u soo dhugto ilaaha Muuse; oo waxaan anigu hubaal qabaa inuu isagu yahay beenaale. Oo sidaas baa xumaanta camalkiisa loogu qurxiyey Fircoon, oo looga duway Jidka (Toosan), oo ma ahayn halgankii Fircoon waxaan ahayn (wax ku dhammaada) hoog iyo baabba’a isaga ku dhacday
Surah Ghafir, Verse 37
وَقَالَ ٱلَّذِيٓ ءَامَنَ يَٰقَوۡمِ ٱتَّبِعُونِ أَهۡدِكُمۡ سَبِيلَ ٱلرَّشَادِ
Oo kii isagu rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow i soo raaca, waxaan idinku hagi Jidka hanuunka
Surah Ghafir, Verse 38
يَٰقَوۡمِ إِنَّمَا هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا مَتَٰعٞ وَإِنَّ ٱلۡأٓخِرَةَ هِيَ دَارُ ٱلۡقَرَارِ
Tolkayow! Noloshan Adduunka waa uun raaxo (yar oo tageysa), oo hubaal Aakhirada baa ah Daarta lagu waaro
Surah Ghafir, Verse 39
مَنۡ عَمِلَ سَيِّئَةٗ فَلَا يُجۡزَىٰٓ إِلَّا مِثۡلَهَاۖ وَمَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا مِّن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَـٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ يُرۡزَقُونَ فِيهَا بِغَيۡرِ حِسَابٖ
Mid kastoo sameeyaa fal xun, laguma abaal marin doono waxaan aheyn iyadoo kale. Oo mid kastoo wanaag fala lab ama dheddig kuu doonaba ha ahaadee isagoo mu’min ah, kuwan waxay geli doonaan Jannada, iyagoo lagu arsaaqi doono xisaab la’aan
Surah Ghafir, Verse 40
۞وَيَٰقَوۡمِ مَا لِيٓ أَدۡعُوكُمۡ إِلَى ٱلنَّجَوٰةِ وَتَدۡعُونَنِيٓ إِلَى ٱلنَّارِ
Oo tolkayow! Maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho badbaadada, halka aad idinku iigu yeedhaan Naar
Surah Ghafir, Verse 41
تَدۡعُونَنِي لِأَكۡفُرَ بِٱللَّهِ وَأُشۡرِكَ بِهِۦ مَا لَيۡسَ لِي بِهِۦ عِلۡمٞ وَأَنَا۠ أَدۡعُوكُمۡ إِلَى ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡغَفَّـٰرِ
Waxaad iigu yeedhaan inaan ku gaa- loobo Allaah oo la wadaajiyo (cibaadada) wax aan u heysan wax cilmi ah, oo anigu waxaan idiinku yeeraa xagga Adkaadaha Sarreeya Danbi Dhaafka Badan
Surah Ghafir, Verse 42
لَا جَرَمَ أَنَّمَا تَدۡعُونَنِيٓ إِلَيۡهِ لَيۡسَ لَهُۥ دَعۡوَةٞ فِي ٱلدُّنۡيَا وَلَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَنَّ مَرَدَّنَآ إِلَى ٱللَّهِ وَأَنَّ ٱلۡمُسۡرِفِينَ هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ
Shaki ma leh waxaad iigu yeedhaan ma leh darajo loogu yeedho adduun iyo aakhiraba, iyo in laabashadeennuna tahay xagga Ilaahay iyo in xad gudbayaasha iyagu yihiin Ehlu-Naarka
Surah Ghafir, Verse 43
فَسَتَذۡكُرُونَ مَآ أَقُولُ لَكُمۡۚ وَأُفَوِّضُ أَمۡرِيٓ إِلَى ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بَصِيرُۢ بِٱلۡعِبَادِ
Marka waad xusuusan doontaan waxa aan idinku leeyahay, oo waxaan u xil saartay arrinkayga Allaah. Hubaal Allaah waa Arkaa addoomahiisa
Surah Ghafir, Verse 44
فَوَقَىٰهُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِ مَا مَكَرُواْۖ وَحَاقَ بِـَٔالِ فِرۡعَوۡنَ سُوٓءُ ٱلۡعَذَابِ
Markaas buu Allaah ka dhowray xumaha waxa ay qooleen, oo cadaab tan u daran waxay ku degtay reer Fircoon
Surah Ghafir, Verse 45
ٱلنَّارُ يُعۡرَضُونَ عَلَيۡهَا غُدُوّٗا وَعَشِيّٗاۚ وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ أَدۡخِلُوٓاْ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ أَشَدَّ ٱلۡعَذَابِ
Naarta, waxaa loo soo bandhigaa aroor iyo galab (kastaba)9, oo Maalinta ay Saacaddu dhici doonto: Ka yeela reer Fircoon inay galaan cadaab tan ugu daran
Surah Ghafir, Verse 46
وَإِذۡ يَتَحَآجُّونَ فِي ٱلنَّارِ فَيَقُولُ ٱلضُّعَفَـٰٓؤُاْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا كُنَّا لَكُمۡ تَبَعٗا فَهَلۡ أَنتُم مُّغۡنُونَ عَنَّا نَصِيبٗا مِّنَ ٱلنَّارِ
Oo marka ay iskula doodayaan Naarta gudaheeda, waxay kuwii taagta darraa ( raciyada ahaa) ku odhan kuwii ( madaxda ahaa) ee isla weynaa; hubaal Waxaan innagu ahayn kuwo idinka idin raacsan, ee ma naga qaadeysaan qayb ka mid ah Naarta
Surah Ghafir, Verse 47
قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا كُلّٞ فِيهَآ إِنَّ ٱللَّهَ قَدۡ حَكَمَ بَيۡنَ ٱلۡعِبَادِ
Kuwii isla weynaa waxay odhan: Hubaal waxaanu innagu dhammaan nahay kuwo ku jira; hubaal Allaah waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda
Surah Ghafir, Verse 48
وَقَالَ ٱلَّذِينَ فِي ٱلنَّارِ لِخَزَنَةِ جَهَنَّمَ ٱدۡعُواْ رَبَّكُمۡ يُخَفِّفۡ عَنَّا يَوۡمٗا مِّنَ ٱلۡعَذَابِ
Oo kuwaas ku jira Naarta waxay ku odhan furahayeennada Naarta: Noo barya Rabbigiin hanaga fudaydsho maalin qura ee cadaabta
Surah Ghafir, Verse 49
قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ تَكُ تَأۡتِيكُمۡ رُسُلُكُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ قَالُواْ بَلَىٰۚ قَالُواْ فَٱدۡعُواْۗ وَمَا دُعَـٰٓؤُاْ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٍ
Waxay odhan: Mawaysan Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Oo baryada gaaladu ma aha waxaan aheyn mid ku dhacda meel baadi ah
Surah Ghafir, Verse 50
إِنَّا لَنَنصُرُ رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَيَوۡمَ يَقُومُ ٱلۡأَشۡهَٰدُ
Waxaan hubaal Annagu xaqiiq u gargaarnaa Rusuhayada iyo kuwa rumeysan, noloshan adduunka iyo Maalinta ay markhaatiyadu istaagi doonaan
Surah Ghafir, Verse 51
يَوۡمَ لَا يَنفَعُ ٱلظَّـٰلِمِينَ مَعۡذِرَتُهُمۡۖ وَلَهُمُ ٱللَّعۡنَةُ وَلَهُمۡ سُوٓءُ ٱلدَّارِ
Maalinta aysan waxba u tari doonin gar ma qaatayaasha cudur daarashadoodu. Oo mudankoodu waa nacalad oo mudankoodu waa Daarta xun
Surah Ghafir, Verse 52
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡهُدَىٰ وَأَوۡرَثۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ ٱلۡكِتَٰبَ
Oo dhab ahaan Waxaanu siinnay Muuse hanuun, oo waxaanu ka yeelnay ilmahii Israa’iil inay dhaxlaan Kitaabka
Surah Ghafir, Verse 53
هُدٗى وَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ
Hanuun iyo waano u ah waxgaradka
Surah Ghafir, Verse 54
فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ بِٱلۡعَشِيِّ وَٱلۡإِبۡكَٰرِ
Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo ka istiqfaarso dambi- gaaga10, oo ku tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba
Surah Ghafir, Verse 55
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ سُلۡطَٰنٍ أَتَىٰهُمۡ إِن فِي صُدُورِهِمۡ إِلَّا كِبۡرٞ مَّا هُم بِبَٰلِغِيهِۚ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ
Hubaal (ma xagga) kuwa ka dooda Aayadaha Ilaahay xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) weynaan aysan weligood gaari doonin ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka
Surah Ghafir, Verse 56
لَخَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ أَكۡبَرُ مِنۡ خَلۡقِ ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
Xaqiiq abuurista samooyinka iyo arlada baa ka weyn abuurista dadka, laakiinse dadka badankiisu ma oga
Surah Ghafir, Verse 57
وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ وَلَا ٱلۡمُسِيٓءُۚ قَلِيلٗا مَّا تَتَذَكَّرُونَ
Oo ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye inta aaad waantowdaan
Surah Ghafir, Verse 58
إِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٞ لَّا رَيۡبَ فِيهَا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤۡمِنُونَ
Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, laakiinse dadka badankiisu ma ay rumaysna
Surah Ghafir, Verse 59
وَقَالَ رَبُّكُمُ ٱدۡعُونِيٓ أَسۡتَجِبۡ لَكُمۡۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِي سَيَدۡخُلُونَ جَهَنَّمَ دَاخِرِينَ
Oo Rabbigiin wuxuu leeyahay: I barya11 waan idinka aqbaliye; hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda12, waxay goor aan fogeyn geli doonaan Naar iyagoo dullaysan
Surah Ghafir, Verse 60
ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشۡكُرُونَ
Allaah waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, oo maalinta idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. hubaal Allaah xaqiiq waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankoodu ma mahad naqaan
Surah Ghafir, Verse 61
ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ
Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay
Surah Ghafir, Verse 62
كَذَٰلِكَ يُؤۡفَكُ ٱلَّذِينَ كَانُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ يَجۡحَدُونَ
Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii dafiray Aayadaha Ilaahay
Surah Ghafir, Verse 63
ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ قَرَارٗا وَٱلسَّمَآءَ بِنَآءٗ وَصَوَّرَكُمۡ فَأَحۡسَنَ صُوَرَكُمۡ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡۖ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Allaah, waa kan idiinka dhigay arlada meel degganaansho, cirkana saqaf oo idin suureeyey markaas wanaajiyey suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah Rabbigiin, ee waxaa khayr badnaaday iyo barako Allaah Rabbiga uunanka
Surah Ghafir, Verse 64
هُوَ ٱلۡحَيُّ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱدۡعُوهُ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَۗ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka
Surah Ghafir, Verse 65
۞قُلۡ إِنِّي نُهِيتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَمَّا جَآءَنِيَ ٱلۡبَيِّنَٰتُ مِن رَّبِّي وَأُمِرۡتُ أَنۡ أُسۡلِمَ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Dheh: aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi, marka ay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, oo waxaa aniga la i amray inaan isu dhiibo Rabbiga uunanka
Surah Ghafir, Verse 66
هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٖ ثُمَّ يُخۡرِجُكُمۡ طِفۡلٗا ثُمَّ لِتَبۡلُغُوٓاْ أَشُدَّكُمۡ ثُمَّ لِتَكُونُواْ شُيُوخٗاۚ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ مِن قَبۡلُۖ وَلِتَبۡلُغُوٓاْ أَجَلٗا مُّسَمّٗى وَلَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
Isaga weeye Kan idinka abuuray ciid, haddana mino nool, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u qaan gaartaan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, oo waxaa jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban13, bal inaad garowsataan
Surah Ghafir, Verse 67
هُوَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ فَإِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
Isaga (Alle) weeye Kan bixiya nolol, oo sababa geeri, oo marka uu arrin guddoo- miyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, oo waaba yahay
Surah Ghafir, Verse 68
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ أَنَّىٰ يُصۡرَفُونَ
Mawaadaan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Ilaahay: Xaggee baa loo iilay
Surah Ghafir, Verse 69
ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِٱلۡكِتَٰبِ وَبِمَآ أَرۡسَلۡنَا بِهِۦ رُسُلَنَاۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
Kuwa beeniya Kitaabka iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (goor dhow waxa ku dhaca)
Surah Ghafir, Verse 70
إِذِ ٱلۡأَغۡلَٰلُ فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ وَٱلسَّلَٰسِلُ يُسۡحَبُونَ
Marka mareegyada birta ah iyo silsiladaha ahaan luqumahooda; waxaa lagu jiidi doonaa
Surah Ghafir, Verse 71
فِي ٱلۡحَمِيمِ ثُمَّ فِي ٱلنَّارِ يُسۡجَرُونَ
Biyo kulul oo karaya dhexdood, markaas Naarta baa lagu gubi
Surah Ghafir, Verse 72
ثُمَّ قِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تُشۡرِكُونَ
Markaas baa lagu odhan, Meeye waxaad u shariik yeeli jirteen
Surah Ghafir, Verse 73
مِن دُونِ ٱللَّهِۖ قَالُواْ ضَلُّواْ عَنَّا بَل لَّمۡ نَكُن نَّدۡعُواْ مِن قَبۡلُ شَيۡـٔٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلۡكَٰفِرِينَ
Allaah ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu dhawaaqin jirin waxna kal hore. Sidaas buu Allaah u lumiyaa gaalada
Surah Ghafir, Verse 74
ذَٰلِكُم بِمَا كُنتُمۡ تَفۡرَحُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَبِمَا كُنتُمۡ تَمۡرَحُونَ
(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxaad aad ugu farax taraari jirteen dhulka xaq darro oo waxaad u dhaqmi jirteen si kibir badan
Surah Ghafir, Verse 75
ٱدۡخُلُوٓاْ أَبۡوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ فَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلۡمُتَكَبِّرِينَ
Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda, ee maxay meel baas tahay rugta isla weynayaasha
Surah Ghafir, Verse 76
فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۚ فَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيۡنَا يُرۡجَعُونَ
Ee samir yeelo, hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo haddii aan ku tusno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsannaba (intaas ka hor), waa Xaggayaga halka loo soo celin doono
Surah Ghafir, Verse 77
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلٗا مِّن قَبۡلِكَ مِنۡهُم مَّن قَصَصۡنَا عَلَيۡكَ وَمِنۡهُم مَّن لَّمۡ نَقۡصُصۡ عَلَيۡكَۗ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأۡتِيَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ فَإِذَا جَآءَ أَمۡرُ ٱللَّهِ قُضِيَ بِٱلۡحَقِّ وَخَسِرَ هُنَالِكَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ
Oo xaqiiq waxaan soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, oo waxaa jira kuwo kale aanu kaaga qisoon, oo ma aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Ilaahay ma’ahee. markase uu Amarka Ilaahay yimaado, waxaa lagu xukumi Xaq, oo halkaas kuwa ka soo qaaday wax been ah oo kale waa hoogaan
Surah Ghafir, Verse 78
ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَنۡعَٰمَ لِتَرۡكَبُواْ مِنۡهَا وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ
Allaah waa Kan idiin yeelay nicmooleyda (xoolaha), si aad u fuushaan qaar ka mid ah, oo qaar ka mid ah aad cuntaan
Surah Ghafir, Verse 79
وَلَكُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَلِتَبۡلُغُواْ عَلَيۡهَا حَاجَةٗ فِي صُدُورِكُمۡ وَعَلَيۡهَا وَعَلَى ٱلۡفُلۡكِ تُحۡمَلُونَ
Oo waxaa jira Manaafacaad (kale oo badan) oo idiinku sugan, iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna, oo dushooda iyaga iyo doonyaha baa la idinku qaadaa
Surah Ghafir, Verse 80
وَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ فَأَيَّ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُنكِرُونَ
Oo Wuxuu idin tusiyaa Calaamooyin- kiisa, ee middee baa Calaamooyinka Ilaahay beenineysaan
Surah Ghafir, Verse 81
أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُوٓاْ أَكۡثَرَ مِنۡهُمۡ وَأَشَدَّ قُوَّةٗ وَءَاثَارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
Mawaysan ku socdaalin arlada oo arag sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan kuwani, oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin waxay kasbadeen
Surah Ghafir, Verse 82
فَلَمَّا جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَرِحُواْ بِمَا عِندَهُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
Ee Markii ay Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, waxay ku farax taraareen waxay heysteen oo aqoon ah14, oo halkaas waxaa ku degay (gaalada) waxay ku jeesjeesi jireen
Surah Ghafir, Verse 83
فَلَمَّا رَأَوۡاْ بَأۡسَنَا قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَحۡدَهُۥ وَكَفَرۡنَا بِمَا كُنَّا بِهِۦ مُشۡرِكِينَ
Markiise ay arkeen Cadaabtayadii waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumaysannahay Allaah Keliya, oo diidnay (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay
Surah Ghafir, Verse 84
فَلَمۡ يَكُ يَنفَعُهُمۡ إِيمَٰنُهُمۡ لَمَّا رَأَوۡاْ بَأۡسَنَاۖ سُنَّتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي قَدۡ خَلَتۡ فِي عِبَادِهِۦۖ وَخَسِرَ هُنَالِكَ ٱلۡكَٰفِرُونَ
Rumayntooduse ma ahayn mid anfacaysa iyaga marka ay arkeen Cadaabtayada, (tani waa) xeerka Ilaahay oo horay ugu meel maray addoomahiisa. Oo halkaas gaalada waa ku hoogaan
Surah Ghafir, Verse 85