Surah Fussilat - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
حمٓ
Xaa Miim
Surah Fussilat, Verse 1
تَنزِيلٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Waxyi ka yimid xagga (Allaah) Naxariistaha, Naxariista Badan
Surah Fussilat, Verse 2
كِتَٰبٞ فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah qolodii wax garanaysa
Surah Fussilat, Verse 3
بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا فَأَعۡرَضَ أَكۡثَرُهُمۡ فَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ
War san side iyo dige ah, hase ahaatee badankood way ka jeesadeen, marka wax ma maqlaan
Surah Fussilat, Verse 4
وَقَالُواْ قُلُوبُنَا فِيٓ أَكِنَّةٖ مِّمَّا تَدۡعُونَآ إِلَيۡهِ وَفِيٓ ءَاذَانِنَا وَقۡرٞ وَمِنۢ بَيۡنِنَا وَبَيۡنِكَ حِجَابٞ فَٱعۡمَلۡ إِنَّنَا عَٰمِلُونَ
Oo waxay yidhaahdaan: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxa aad noogu yeedho3, oo waxaa ah culeys dhegahaya- ga, oo daah baa xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaaye
Surah Fussilat, Verse 5
قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ فَٱسۡتَقِيمُوٓاْ إِلَيۡهِ وَٱسۡتَغۡفِرُوهُۗ وَوَيۡلٞ لِّلۡمُشۡرِكِينَ
Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah aan waareyn, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay hal ilaah, sidaas darteed raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, oo weydiista dambi dhaaf Isaga, oo Hoog waxaa leh Mushrikiinta
Surah Fussilat, Verse 6
ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ كَٰفِرُونَ
Kuwa aan u iman (diinta) daahirka ah (Islaamka, ee aan tukan oo bixin Zakada) ee ah kuwo aan rumeysnayn Aakhirada
Surah Fussilat, Verse 7
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونٖ
(Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay hubaal mudan Abaal gud aan marnaba go’i doonin
Surah Fussilat, Verse 8
۞قُلۡ أَئِنَّكُمۡ لَتَكۡفُرُونَ بِٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ فِي يَوۡمَيۡنِ وَتَجۡعَلُونَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ ذَٰلِكَ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Dheh: Ma waxaad dhab ahaan rumeysan la’dihiin Kan ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeshaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uunanka
Surah Fussilat, Verse 9
وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِيَ مِن فَوۡقِهَا وَبَٰرَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَآ أَقۡوَٰتَهَا فِيٓ أَرۡبَعَةِ أَيَّامٖ سَوَآءٗ لِّلسَّآئِلِينَ
Oo wuxuu yeelay gudaheeda buuro uu kor dhigay, oo wuu barakeeyey halkaas gudaheeda oo uu ku qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood, isle’eg kuwa doonaya (inay ogaadaan)
Surah Fussilat, Verse 10
ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰٓ إِلَى ٱلسَّمَآءِ وَهِيَ دُخَانٞ فَقَالَ لَهَا وَلِلۡأَرۡضِ ٱئۡتِيَا طَوۡعًا أَوۡ كَرۡهٗا قَالَتَآ أَتَيۡنَا طَآئِعِينَ
Kaddib Wuxuu abbaaray xagga samada iyadoo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arladaba: Ku kaalaya labadiinnu- ba oggolaansho ama khasab; waxay laba- duba yidhaahdeen: Waxaan ku imaaneynaa oggolaansho
Surah Fussilat, Verse 11
فَقَضَىٰهُنَّ سَبۡعَ سَمَٰوَاتٖ فِي يَوۡمَيۡنِ وَأَوۡحَىٰ فِي كُلِّ سَمَآءٍ أَمۡرَهَاۚ وَزَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَحِفۡظٗاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ
Markaasuu wuxuu guddoonshay toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, oo wuxuu u waxyooday sama waliba arrinkeeda. Oo waxaynu ku qurxinnay samada soke xiddigo iftiimaya, isla markaana xafid4 u ah. Arrinkaasi waa Qaddarka Adkaadaha, Wax kasta Ogsoon
Surah Fussilat, Verse 12
فَإِنۡ أَعۡرَضُواْ فَقُلۡ أَنذَرۡتُكُمۡ صَٰعِقَةٗ مِّثۡلَ صَٰعِقَةِ عَادٖ وَثَمُودَ
Haddiise ay jeesadaan, markaa dheh: Waxaan idiinka digay biriq la mid ah biriqdii ku dhacday Caad iyo Thamuud
Surah Fussilat, Verse 13
إِذۡ جَآءَتۡهُمُ ٱلرُّسُلُ مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۖ قَالُواْ لَوۡ شَآءَ رَبُّنَا لَأَنزَلَ مَلَـٰٓئِكَةٗ فَإِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashoodba5 (iyagoo ku leh): Ha caabudina cidaan ahayn Allaah. Waxay yidhaahdeen: Haddii uu Rabbigayo doono6, wuxuu xaqiiq soo dejin lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray ma aanu aaminsanin
Surah Fussilat, Verse 14
فَأَمَّا عَادٞ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَقَالُواْ مَنۡ أَشَدُّ مِنَّا قُوَّةًۖ أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِي خَلَقَهُمۡ هُوَ أَشَدُّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗۖ وَكَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَجۡحَدُونَ
Marka ma Caad, iyagu waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo waxay yidhaahdeen: Yaa naga adag quwad ahaan innaga? Mawaysan arag in Allaah ee abuuray uu ka adag yahay quwad ahaan iyaga.Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga
Surah Fussilat, Verse 15
فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا صَرۡصَرٗا فِيٓ أَيَّامٖ نَّحِسَاتٖ لِّنُذِيقَهُمۡ عَذَابَ ٱلۡخِزۡيِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَخۡزَىٰۖ وَهُمۡ لَا يُنصَرُونَ
Markaas baan u dirnay dabayl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan uga yeelno inay dhadhamiyaan cadaabta dulliga nolosha adduunka gudaheeda, oo run ahaan cadaabta Aakhiro baa ka sii dulleyn badan iyagoo aan loo gargaari doonin
Surah Fussilat, Verse 16
وَأَمَّا ثَمُودُ فَهَدَيۡنَٰهُمۡ فَٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡعَمَىٰ عَلَى ٱلۡهُدَىٰ فَأَخَذَتۡهُمۡ صَٰعِقَةُ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡهُونِ بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
Oo ma xagga Thamuud, waxaan tusnay dhabbaha toosan, waxayse ka door bideen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, mar- kaasaa waxaa ku dhacay biriq cadaab wax dulleysa, waxa ay galabsadeen awgeed
Surah Fussilat, Verse 17
وَنَجَّيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ
Oo waxaanu badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha ) iska jirey
Surah Fussilat, Verse 18
وَيَوۡمَ يُحۡشَرُ أَعۡدَآءُ ٱللَّهِ إِلَى ٱلنَّارِ فَهُمۡ يُوزَعُونَ
Oo Maalinta cadowyada Ilaahay loo soo wada kulmin doono Naarta, markaas waxaa loo qaybin kooxo
Surah Fussilat, Verse 19
حَتَّىٰٓ إِذَا مَا جَآءُوهَا شَهِدَ عَلَيۡهِمۡ سَمۡعُهُمۡ وَأَبۡصَٰرُهُمۡ وَجُلُودُهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Kolka ay ku yimaadan, dhegahooda iyo indhahooda iyo hargahooda baa ku marag furi doona wixii ay fali jireen darteed
Surah Fussilat, Verse 20
وَقَالُواْ لِجُلُودِهِمۡ لِمَ شَهِدتُّمۡ عَلَيۡنَاۖ قَالُوٓاْ أَنطَقَنَا ٱللَّهُ ٱلَّذِيٓ أَنطَقَ كُلَّ شَيۡءٖۚ وَهُوَ خَلَقَكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
Oo waxay ku odhan hargahooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Allaah, ee ka hadliya wax walba baa naga hadliyey, oo Isaga baa idin abuuray kal horeba, oo Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa
Surah Fussilat, Verse 21
وَمَا كُنتُمۡ تَسۡتَتِرُونَ أَن يَشۡهَدَ عَلَيۡكُمۡ سَمۡعُكُمۡ وَلَآ أَبۡصَٰرُكُمۡ وَلَا جُلُودُكُمۡ وَلَٰكِن ظَنَنتُمۡ أَنَّ ٱللَّهَ لَا يَعۡلَمُ كَثِيرٗا مِّمَّا تَعۡمَلُونَ
Oo ma aydaan is asturin si aysan dhegahiinna7 iyo indhahiinna iyo hargahiinna idiinku markhaati furin, laakiinse waxaad mooddeen inaanu Allaah ogeyn in badan oo waxa aad fasheen ah
Surah Fussilat, Verse 22
وَذَٰلِكُمۡ ظَنُّكُمُ ٱلَّذِي ظَنَنتُم بِرَبِّكُمۡ أَرۡدَىٰكُمۡ فَأَصۡبَحۡتُم مِّنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ
Oo kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, markaas baad ka mid noqoteen kuwa khasaaray
Surah Fussilat, Verse 23
فَإِن يَصۡبِرُواْ فَٱلنَّارُ مَثۡوٗى لَّهُمۡۖ وَإِن يَسۡتَعۡتِبُواْ فَمَا هُم مِّنَ ٱلۡمُعۡتَبِينَ
Marka haddii ay u adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, oo haddii ay dalbaan in loo cudur daaro, haddaba ma ka mid aha kuwa laga aqbali doono cudur daaraasho
Surah Fussilat, Verse 24
۞وَقَيَّضۡنَا لَهُمۡ قُرَنَآءَ فَزَيَّنُواْ لَهُم مَّا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَحَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلُ فِيٓ أُمَمٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ خَٰسِرِينَ
Oo Waxaanu u yeellay saaxiibbo8 ku laran markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda9 (oo dambiyo) ah, oo waxaa ku dhaboobay Qawlka (cadaabta) sida uu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu hubaal ahaan doonaan kuwo khasaaraya
Surah Fussilat, Verse 25
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَسۡمَعُواْ لِهَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ وَٱلۡغَوۡاْ فِيهِ لَعَلَّكُمۡ تَغۡلِبُونَ
Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaah- daan: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq10 waa intaasoo aad adkaataane
Surah Fussilat, Verse 26
فَلَنُذِيقَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَذَابٗا شَدِيدٗا وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَسۡوَأَ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Sidaas darteed hubaal Waxaanu dhadhansiin kuwa xaqa diida cadaab daran, oo hubaal waxaan u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen
Surah Fussilat, Verse 27
ذَٰلِكَ جَزَآءُ أَعۡدَآءِ ٱللَّهِ ٱلنَّارُۖ لَهُمۡ فِيهَا دَارُ ٱلۡخُلۡدِ جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَجۡحَدُونَ
Kaasu waa abaalka cadawyada Ilaahay: Naar, waxay u noqon iyaga Daar lagu waaro, waa abaal marinta Aayadahayaga ay diidi jireen darteed
Surah Fussilat, Verse 28
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ رَبَّنَآ أَرِنَا ٱلَّذَيۡنِ أَضَلَّانَا مِنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ نَجۡعَلۡهُمَا تَحۡتَ أَقۡدَامِنَا لِيَكُونَا مِنَ ٱلۡأَسۡفَلِينَ
Oo kuwa xaqa diida waxay odhan: Rabbiyow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa, si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan kuwa ugu hooseeya
Surah Fussilat, Verse 29
إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُواْ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسۡتَقَٰمُواْ تَتَنَزَّلُ عَلَيۡهِمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ أَلَّا تَخَافُواْ وَلَا تَحۡزَنُواْ وَأَبۡشِرُواْ بِٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ
(Ma xagga) kuwa yidhaahda: Rabbiga- yo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadood iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, oo ku far- xa warka san ee Jannadii la idiin yaboohay
Surah Fussilat, Verse 30
نَحۡنُ أَوۡلِيَآؤُكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَكُمۡ فِيهَا مَا تَشۡتَهِيٓ أَنفُسُكُمۡ وَلَكُمۡ فِيهَا مَا تَدَّعُونَ
Annagaa baa ah gacalkiin nolosha Adduunkan iyo Aakhiradaba, oo waxaad ku heli doontaan gudaheeda waxa ay nafahiinnu doonaan, oo waxaad ku heli doontaan gudaheeda wixii aad dalabtaan
Surah Fussilat, Verse 31
نُزُلٗا مِّنۡ غَفُورٖ رَّحِيمٖ
Martiqaad xagga (Ilaahay) ah, Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
Surah Fussilat, Verse 32
وَمَنۡ أَحۡسَنُ قَوۡلٗا مِّمَّن دَعَآ إِلَى ٱللَّهِ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
Oo yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Ilaahay, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu hubaal ka mid ahay kuwaa hoggaansan (Muslimiinta)
Surah Fussilat, Verse 33
وَلَا تَسۡتَوِي ٱلۡحَسَنَةُ وَلَا ٱلسَّيِّئَةُۚ ٱدۡفَعۡ بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ فَإِذَا ٱلَّذِي بَيۡنَكَ وَبَيۡنَهُۥ عَدَٰوَةٞ كَأَنَّهُۥ وَلِيٌّ حَمِيمٞ
Oo ma sinna samaanta iyo xumaantu, ka hor gee (xumaha) waxa wax u wanaag- san, markaas eeg! kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqona- yaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin
Surah Fussilat, Verse 34
وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَمَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٖ
OO lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib aad u weyn
Surah Fussilat, Verse 35
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ نَزۡغٞ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
Oo haddii juqjuqeyn shaydaan kuugu juqjuqeyso wax xumaan ah ka magan gal Ilaahay. Hubaal waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta ogsoon
Surah Fussilat, Verse 36
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِ ٱلَّيۡلُ وَٱلنَّهَارُ وَٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُۚ لَا تَسۡجُدُواْ لِلشَّمۡسِ وَلَا لِلۡقَمَرِ وَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ ٱلَّذِي خَلَقَهُنَّ إِن كُنتُمۡ إِيَّاهُ تَعۡبُدُونَ
Oo Calaamooyinka (Ilaahay ee muujin Weynadiisa iyo Awooddiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Allaah ee abuuray iyaga, haddii uu Isagu yahay Kan aad caabuddaan
Surah Fussilat, Verse 37
فَإِنِ ٱسۡتَكۡبَرُواْ فَٱلَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ يُسَبِّحُونَ لَهُۥ بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَهُمۡ لَا يَسۡـَٔمُونَ۩
Haddiise ay yihiin kuwo isla weyn, haddaba kuwaa ah Rabbigaa agtiisa ( malaa’igta) baa xurmo weyneeya oo hufa habeen iyo maalinba oo kama daalaan
Surah Fussilat, Verse 38
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنَّكَ تَرَى ٱلۡأَرۡضَ خَٰشِعَةٗ فَإِذَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهَا ٱلۡمَآءَ ٱهۡتَزَّتۡ وَرَبَتۡۚ إِنَّ ٱلَّذِيٓ أَحۡيَاهَا لَمُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰٓۚ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
Oo Calaamooyinkiisa waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyaha uu gilgisho oo soo kor noqdo. Hubaal Kan nooleeya wuxuu xaqiiq nooleyn doonaa maytida. Hubaal wax walba waa uu Karaa
Surah Fussilat, Verse 39
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُلۡحِدُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا لَا يَخۡفَوۡنَ عَلَيۡنَآۗ أَفَمَن يُلۡقَىٰ فِي ٱلنَّارِ خَيۡرٌ أَم مَّن يَأۡتِيٓ ءَامِنٗا يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ ٱعۡمَلُواْ مَا شِئۡتُمۡ إِنَّهُۥ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ
Hubaal kuwa ka iisha dhabbaha toosan xagga arrinka Aayadahayaga13 ma aha kuwo naga qarsoon. Ma mid lagu tuuro Naarta baa khayr badan, mise mid yimaada isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan. hubaal Waa uu arkaa waxa aad fashaan
Surah Fussilat, Verse 40
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِٱلذِّكۡرِ لَمَّا جَآءَهُمۡۖ وَإِنَّهُۥ لَكِتَٰبٌ عَزِيزٞ
Hubaal kuwa qaadan diida Waanada marka ay u timaaddo14 oo hubaal waa Kitaab sharaf weyn leh
Surah Fussilat, Verse 41
لَّا يَأۡتِيهِ ٱلۡبَٰطِلُ مِنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَلَا مِنۡ خَلۡفِهِۦۖ تَنزِيلٞ مِّنۡ حَكِيمٍ حَمِيدٖ
Baadil ugama imaan doono hortiisa ama gadaashiisa16; waa waxyi ka yimid xagga Xikmad Badanaha, la ammaano
Surah Fussilat, Verse 42
مَّا يُقَالُ لَكَ إِلَّا مَا قَدۡ قِيلَ لِلرُّسُلِ مِن قَبۡلِكَۚ إِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغۡفِرَةٖ وَذُو عِقَابٍ أَلِيمٖ
Waxba lagu odhan maayo aan ka aheyn wixii lagu yidhi dhab ahaan Rusushii kaa horreysay. hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Dambi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan
Surah Fussilat, Verse 43
وَلَوۡ جَعَلۡنَٰهُ قُرۡءَانًا أَعۡجَمِيّٗا لَّقَالُواْ لَوۡلَا فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥٓۖ ءَا۬عۡجَمِيّٞ وَعَرَبِيّٞۗ قُلۡ هُوَ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ هُدٗى وَشِفَآءٞۚ وَٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ فِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٞ وَهُوَ عَلَيۡهِمۡ عَمًىۚ أُوْلَـٰٓئِكَ يُنَادَوۡنَ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
Oo haddii aan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay dhab ahaan odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. (Ma) kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda,oo waa ka indha la' yihiin, kuwa waxaa looga dhawaaqaa meel fog
Surah Fussilat, Verse 44
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ فَٱخۡتُلِفَ فِيهِۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡۚ وَإِنَّهُمۡ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُ مُرِيبٖ
Oo dhab ahaan waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, waase la isku khilaafay. Oo haddii aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa, waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse hubaal iyagu ka qabaan shaki walaac leh
Surah Fussilat, Verse 45
مَّنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ أَسَآءَ فَعَلَيۡهَاۗ وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّـٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ
Mid kastoo sama falaa naftiisay (dan) u tahay, oo mid kastoo xumaan falaa isagay u daran tahay, oo Rabbigaa ma aha mid ku gardarrooda addoommaha
Surah Fussilat, Verse 46
۞إِلَيۡهِ يُرَدُّ عِلۡمُ ٱلسَّاعَةِۚ وَمَا تَخۡرُجُ مِن ثَمَرَٰتٖ مِّنۡ أَكۡمَامِهَا وَمَا تَحۡمِلُ مِنۡ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلۡمِهِۦۚ وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ أَيۡنَ شُرَكَآءِي قَالُوٓاْ ءَاذَنَّـٰكَ مَامِنَّا مِن شَهِيدٖ
Xaggiisa baa loo celiyaa cilmiga Saacadda17, oo kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, mana jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Oo Maalinta marka uu u yeeri doono: Meeye (kuwii aad ku magacowdeen) shurakadeyda18? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiineynaa inuusan nagu jirin mid marag ka ah
Surah Fussilat, Verse 47
وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَدۡعُونَ مِن قَبۡلُۖ وَظَنُّواْ مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٖ
Oo waxay waayi doonaan waxay horey ugu dhawaaqan jireen, oo waxay yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan
Surah Fussilat, Verse 48
لَّا يَسۡـَٔمُ ٱلۡإِنسَٰنُ مِن دُعَآءِ ٱلۡخَيۡرِ وَإِن مَّسَّهُ ٱلشَّرُّ فَيَـُٔوسٞ قَنُوطٞ
Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, oo haddii uu shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah
Surah Fussilat, Verse 49
وَلَئِنۡ أَذَقۡنَٰهُ رَحۡمَةٗ مِّنَّا مِنۢ بَعۡدِ ضَرَّآءَ مَسَّتۡهُ لَيَقُولَنَّ هَٰذَا لِي وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةٗ وَلَئِن رُّجِعۡتُ إِلَىٰ رَبِّيٓ إِنَّ لِي عِندَهُۥ لَلۡحُسۡنَىٰۚ فَلَنُنَبِّئَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِمَا عَمِلُواْ وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنۡ عَذَابٍ غَلِيظٖ
Oo haddii aan ka yeelo inuu dhadhamiyo naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, xaqiiq wuxuu odhan: Kan waa xaggeyga aniga19, oo anigu ma qabo Saacaddu inay dhici doonto, oo haddii la ii celiyo xagga Rabbigay, waxaan xaqiiq ka heli agtiisa wanaag. Waxaanse hubaal Annagu u sheegi doonnaa kuwa gaaloobay waxay faleen oo waxaan hubaal ka yeeli inay wax ka dhadhamiyaan Cadaab Qallafsan
Surah Fussilat, Verse 50
وَإِذَآ أَنۡعَمۡنَا عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ أَعۡرَضَ وَنَـَٔا بِجَانِبِهِۦ وَإِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ فَذُو دُعَآءٍ عَرِيضٖ
Oo marka aan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, oo marka ay dhibaato taabato, wuxuu la yimaadaa ducooyin dheer
Surah Fussilat, Verse 51
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كَانَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ثُمَّ كَفَرۡتُم بِهِۦ مَنۡ أَضَلُّ مِمَّنۡ هُوَ فِي شِقَاقِۭ بَعِيدٖ
Dheh: Bal ii sheega haddii uu ka yimid (Qur’aanka) xagga Ilaahay, markaas aad ku gaalowdaan, _yaa ka lunsanaan badan kan ku talax taga cinaad fogaaday
Surah Fussilat, Verse 52
سَنُرِيهِمۡ ءَايَٰتِنَا فِي ٱلۡأٓفَاقِ وَفِيٓ أَنفُسِهِمۡ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمۡ أَنَّهُ ٱلۡحَقُّۗ أَوَلَمۡ يَكۡفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ
Waxaan durbaba ka tusi doonnaa Calaamooyinkayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Ma wuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay markhaati
Surah Fussilat, Verse 53
أَلَآ إِنَّهُمۡ فِي مِرۡيَةٖ مِّن لِّقَآءِ رَبِّهِمۡۗ أَلَآ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءٖ مُّحِيطُۢ
Ogaada, hubaal, Waxay ka shaki qa- baan la kulanka Rabbigood, ogaada, hu- baal, Wuxuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay
Surah Fussilat, Verse 54