UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Ash-Shura - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


حمٓ

Xaa Miim
Surah Ash-Shura, Verse 1


عٓسٓقٓ

Cayn Siin Qaaf
Surah Ash-Shura, Verse 2


كَذَٰلِكَ يُوحِيٓ إِلَيۡكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكَ ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Sidaas buu Allaah, Adkaadaha, Xakiimka ah, kuugu waxyoodaa sidii uu ugu (waxyoo- dayba) kuwii (Nabiyadii) kaa horreeyay
Surah Ash-Shura, Verse 3


لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡعَظِيمُ

Isaga baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, oo waa Isaga (Alle) Sarreeyaha, aad u Weyn
Surah Ash-Shura, Verse 4


تَكَادُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ يَتَفَطَّرۡنَ مِن فَوۡقِهِنَّۚ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ يُسَبِّحُونَ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَيَسۡتَغۡفِرُونَ لِمَن فِي ٱلۡأَرۡضِۗ أَلَآ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Samooyinku waxay ku sigtaan inay ka kor dil-dillaacan3, oo malaa’igtu waxay ku tasbiixsadaan ammaanta Rabbigood, oo u weydiiyaan dambi dhaaf kuwaa dhulka korkiisa ah, ogaada, hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
Surah Ash-Shura, Verse 5


وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَ ٱللَّهُ حَفِيظٌ عَلَيۡهِمۡ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِوَكِيلٖ

Oo (ma xagga) kuwa yeesha gacallo kale aan ahayn Isaga, Allaah baa u jeeda oo dhowraya, oo adigu xil kaama saarna
Surah Ash-Shura, Verse 6


وَكَذَٰلِكَ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا لِّتُنذِرَ أُمَّ ٱلۡقُرَىٰ وَمَنۡ حَوۡلَهَا وَتُنذِرَ يَوۡمَ ٱلۡجَمۡعِ لَا رَيۡبَ فِيهِۚ فَرِيقٞ فِي ٱلۡجَنَّةِ وَفَرِيقٞ فِي ٱلسَّعِيرِ

Oo sidaas baan kuugu waxyoonnay Qur’aan Carabi ah si aad ugu digto magaalada xarunta ah (Makkah) iyo waxa hareeraheeda ah4, iyo inaad ka digto Maalinta wada Kulanka dadkoo dhammi ee uusan ku jirin shaki, qolo waxay gali Janna- da, oo qolo (kale)waxay geli Dabka huraya
Surah Ash-Shura, Verse 7


وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَهُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَلَٰكِن يُدۡخِلُ مَن يَشَآءُ فِي رَحۡمَتِهِۦۚ وَٱلظَّـٰلِمُونَ مَا لَهُم مِّن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٍ

Oo haddii Allaah doono, wuxuu hubaal ka yeeli lahaa ummad keliya, laakiinse wuxuu geliyaa cidduu doono Naxariistiisa5. Oo gar ma qaatayaasha weeye kuwa aan lahaan doonin gacal iyo gargaare midna
Surah Ash-Shura, Verse 8


أَمِ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَۖ فَٱللَّهُ هُوَ ٱلۡوَلِيُّ وَهُوَ يُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Mise waxay yeesheen awliyo (ama gacallo) Isaga sokadi? Allaah baase ah Waliga dhabta ah, oo Isaga baa siiya nolol maytida, oo Isaga baa wax walba Kara
Surah Ash-Shura, Verse 9


وَمَا ٱخۡتَلَفۡتُمۡ فِيهِ مِن شَيۡءٖ فَحُكۡمُهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبِّي عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُ وَإِلَيۡهِ أُنِيبُ

Oo wax kastoo aad isku khilaaftaan, go’aankiisa waa (in loo celiyaa) Allaah, Kaasi waa Allaah, Rabbigay, Isaga baan isku halleeyaa, oo Xaggiisa baan u badiyaa noqodka
Surah Ash-Shura, Verse 10


فَاطِرُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ جَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٰجٗا وَمِنَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ أَزۡوَٰجٗا يَذۡرَؤُكُمۡ فِيهِۚ لَيۡسَ كَمِثۡلِهِۦ شَيۡءٞۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ

(Waa) uumaha samooyinka iyo arlada wuxuu idiinka yeelay nafahiinna lammaano (lab iyo dheddig); xoolahana (sidoo kale) lammaano. Sidaa buu idinku tarmiyaa. Ma jiro wax la mid ah7, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Arkaha ah
Surah Ash-Shura, Verse 11


لَهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ

Isaga baa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada, wuxuu u waasici- yaa oo ku cidhiidhiyaa risiqa kii uu doono. Hubaal Waa Ogsoon yahay wax kastoo jira
Surah Ash-Shura, Verse 12


۞شَرَعَ لَكُم مِّنَ ٱلدِّينِ مَا وَصَّىٰ بِهِۦ نُوحٗا وَٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ وَمَا وَصَّيۡنَا بِهِۦٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَىٰٓۖ أَنۡ أَقِيمُواْ ٱلدِّينَ وَلَا تَتَفَرَّقُواْ فِيهِۚ كَبُرَ عَلَى ٱلۡمُشۡرِكِينَ مَا تَدۡعُوهُمۡ إِلَيۡهِۚ ٱللَّهُ يَجۡتَبِيٓ إِلَيۡهِ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِيٓ إِلَيۡهِ مَن يُنِيبُ

Wuxuu idiinku caddeeyey diinta waxa uu ku waajib yeelay Nuux, iyo waxa aan kuu waxyoonnay, iyo waxa aan ku waajib yeelnay Ibraahiim iyo Muuse iyo Ciise: Waa inaad oogtaan diinta oo ku kala qaybsa- min. Waa ku adag tahay mushrikiinta waxaa aad ugu yeedhaan. Allaah wuxuu u doortaa Xaggiiisa kii uu doono, oo wuxuu u hanuuniyaa Xaggiiisa kan u soo laabadka badiya
Surah Ash-Shura, Verse 13


وَمَا تَفَرَّقُوٓاْ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى لَّقُضِيَ بَيۡنَهُمۡۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ أُورِثُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُ مُرِيبٖ

Oo ma ay noqon kuwo kala qaybsan markuu u yimid cilmiga kaddib mahee, xasad darti dhexdooda ah. Oo haddii aysan jirteen Kelmed uga dhacday horay Rabbigaa oo muddo magacaaban ah, xaqiiq waa la kala xukumi lahaa dhexdooda. Oo kuwa la dhaxal siiyey Kitaabka iyaga kaddib hubaal shaki weyn bay ka qabaan
Surah Ash-Shura, Verse 14


فَلِذَٰلِكَ فَٱدۡعُۖ وَٱسۡتَقِمۡ كَمَآ أُمِرۡتَۖ وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَهُمۡۖ وَقُلۡ ءَامَنتُ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِن كِتَٰبٖۖ وَأُمِرۡتُ لِأَعۡدِلَ بَيۡنَكُمُۖ ٱللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمۡۖ لَنَآ أَعۡمَٰلُنَا وَلَكُمۡ أَعۡمَٰلُكُمۡۖ لَا حُجَّةَ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمُۖ ٱللَّهُ يَجۡمَعُ بَيۡنَنَاۖ وَإِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ

Ee arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amrayba8,oo ha raacin rabitaannadoo- da hooseeya oo dheh: Waxaan rumeysana- hay waxa uu Allaah soo dejiyey oo Kitaab ah, oo waxaa la i amray inaan falo caddaa- lad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaanu mudan doonnaa acmaashayada idinkuna waxaad mudan dootaan acmaashiinna9, xujo (hadda) inama dhex taallo10. Allaah baa ina soo kulmin doona innagoo dhan, oo waa Xaggiisa meel noqodka dambe
Surah Ash-Shura, Verse 15


وَٱلَّذِينَ يُحَآجُّونَ فِي ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مَا ٱسۡتُجِيبَ لَهُۥ حُجَّتُهُمۡ دَاحِضَةٌ عِندَ رَبِّهِمۡ وَعَلَيۡهِمۡ غَضَبٞ وَلَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٌ

Oo (ma xagga) kuwa ka dooda Arrinka Ilaahay inta la ajiibay kaddib, xujadoodu qiimo kuma fadhido Rabbigood agti11, oo korkooda Cadho (Ilaahay) baa ah, oo waxay leeyihiin Cadaab Daran
Surah Ash-Shura, Verse 16


ٱللَّهُ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ وَٱلۡمِيزَانَۗ وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ قَرِيبٞ

Allaah waa Kan ku soo dejiyey Kitaabka Xaq iyo Miisaanka; oo maxaa ku ogeysiiyey waa intaasoo Saacaddu Dhowdahay
Surah Ash-Shura, Verse 17


يَسۡتَعۡجِلُ بِهَا ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِهَاۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مُشۡفِقُونَ مِنۡهَا وَيَعۡلَمُونَ أَنَّهَا ٱلۡحَقُّۗ أَلَآ إِنَّ ٱلَّذِينَ يُمَارُونَ فِي ٱلسَّاعَةِ لَفِي ضَلَٰلِۭ بَعِيدٍ

Kuwaa aan rumeysneyn baa degdegsa- da, halka kuwa rumeysan ay ka cabsi qabaan12, oo waxay og yihiin inay tahay Xaq. Ogaada, hubaal kuwa uga dooda si gurracan arrinka Saacadda xaqiiq waxay ku sugan yihiin habow aad u fog
Surah Ash-Shura, Verse 18


ٱللَّهُ لَطِيفُۢ بِعِبَادِهِۦ يَرۡزُقُ مَن يَشَآءُۖ وَهُوَ ٱلۡقَوِيُّ ٱلۡعَزِيزُ

Allaah waa u Roon yahay addoomahii- sa. Wuxuu irsaaqaa ciddii uu doono, oo waa Xoog Badanaha, Adkaadaha ah
Surah Ash-Shura, Verse 19


مَن كَانَ يُرِيدُ حَرۡثَ ٱلۡأٓخِرَةِ نَزِدۡ لَهُۥ فِي حَرۡثِهِۦۖ وَمَن كَانَ يُرِيدُ حَرۡثَ ٱلدُّنۡيَا نُؤۡتِهِۦ مِنۡهَا وَمَا لَهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِن نَّصِيبٍ

Mid kastoo raba kasabka Aakhirada, Waxaan siin wax ka badan kasabkaa, oo mid kastoo raba kasabka adduunyo wax baan ka siinnaa oo Aakhirada kuma laha wax saami ah
Surah Ash-Shura, Verse 20


أَمۡ لَهُمۡ شُرَكَـٰٓؤُاْ شَرَعُواْ لَهُم مِّنَ ٱلدِّينِ مَا لَمۡ يَأۡذَنۢ بِهِ ٱللَّهُۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةُ ٱلۡفَصۡلِ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡۗ وَإِنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ

Mise waxay leeyihiin shurako u jideeyey diin uusan Allaah idmin; oo haddii ayan jirin Kelmedda kala saaridda, xaqiiq waa loo kala garsoori lahaa dhexdooda. Oo hubaal gar ma qaatayaasha waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
Surah Ash-Shura, Verse 21


تَرَى ٱلظَّـٰلِمِينَ مُشۡفِقِينَ مِمَّا كَسَبُواْ وَهُوَ وَاقِعُۢ بِهِمۡۗ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ فِي رَوۡضَاتِ ٱلۡجَنَّاتِۖ لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمۡۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡكَبِيرُ

Waxaad arki gar ma qaatayaashii oo cabsi ka buuxdo waxa ay galabsadeen darteed,oo waa inuu ku dhaco iyaga, kuwa- se (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay gali keymaha beeraha (Jannada), waxay ka heli wax kasta ay doonaan Rabbigood agtiisa. (Arrin)kaasi baa ah Fadliga Weyn
Surah Ash-Shura, Verse 22


ذَٰلِكَ ٱلَّذِي يُبَشِّرُ ٱللَّهُ عِبَادَهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِۗ قُل لَّآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ أَجۡرًا إِلَّا ٱلۡمَوَدَّةَ فِي ٱلۡقُرۡبَىٰۗ وَمَن يَقۡتَرِفۡ حَسَنَةٗ نَّزِدۡ لَهُۥ فِيهَا حُسۡنًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ شَكُورٌ

(Arrin)kaasi waa waxa uu Allaah ugu bishaareeyo addoomahiisa (Xaqa) rumey- san oo samaha fala. Dheh:Idinku weydiisan maayo wax abaalgud ah baaqakani, aan aheyn jaceyl qaraabannimo Oo mid kastoo kasbada wanaag, waxaanu siin wanaag ka badan.Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Ba- dane, camal yar ka bixiya ajar labalaab ah
Surah Ash-Shura, Verse 23


أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗاۖ فَإِن يَشَإِ ٱللَّهُ يَخۡتِمۡ عَلَىٰ قَلۡبِكَۗ وَيَمۡحُ ٱللَّهُ ٱلۡبَٰطِلَ وَيُحِقُّ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Mise waxay leeyihin: Wuxuu ka been sheegay Allaah? Haddiise uu Allaah doono, wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga13, Oo Allaah wuu tirtiri baadilka, oo ku sugi xaqa Kelmadihiisa. Hubaal Isagu wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
Surah Ash-Shura, Verse 24


وَهُوَ ٱلَّذِي يَقۡبَلُ ٱلتَّوۡبَةَ عَنۡ عِبَادِهِۦ وَيَعۡفُواْ عَنِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ وَيَعۡلَمُ مَا تَفۡعَلُونَ

Oo waa Isaga (Alle) Kan ka aqbala too- bada addoomahiisa ee cafiya dambiyada oo waa Ogsoon yahay waxa aad fashaan
Surah Ash-Shura, Verse 25


وَيَسۡتَجِيبُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ وَيَزِيدُهُم مِّن فَضۡلِهِۦۚ وَٱلۡكَٰفِرُونَ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞ

Oo Wuxuu ajiibaa kuwa (Xaqa) rumey- san oo samaha fala oo siiyaa wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Oo gaalada waxay mudan doonaan Cadaab Daran
Surah Ash-Shura, Verse 26


۞وَلَوۡ بَسَطَ ٱللَّهُ ٱلرِّزۡقَ لِعِبَادِهِۦ لَبَغَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَٰكِن يُنَزِّلُ بِقَدَرٖ مَّا يَشَآءُۚ إِنَّهُۥ بِعِبَادِهِۦ خَبِيرُۢ بَصِيرٞ

Oo haddii Allaah u fidin lahaa risiqa addoomahiisa, waxay hubaal ku qooqi lahaayeen arlada, laakiinse Wuxuu u soo dejiyaa qaddar waafaqsan sida uu rabo. Hubaal Isagu waa u Xog ogaal, Arka addoomahiisa
Surah Ash-Shura, Verse 27


وَهُوَ ٱلَّذِي يُنَزِّلُ ٱلۡغَيۡثَ مِنۢ بَعۡدِ مَا قَنَطُواْ وَيَنشُرُ رَحۡمَتَهُۥۚ وَهُوَ ٱلۡوَلِيُّ ٱلۡحَمِيدُ

Oo waa Isaga (Alle) Kan soo dejiya roobka kaddib marka ay quusteen oo faafiya Raxmaddiisa.Oo waa Isaga Ilaaliya- ha mudan ammaan idilkeed ee la mahdiyo
Surah Ash-Shura, Verse 28


وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ خَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَثَّ فِيهِمَا مِن دَآبَّةٖۚ وَهُوَ عَلَىٰ جَمۡعِهِمۡ إِذَا يَشَآءُ قَدِيرٞ

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo waxa uu ku firdhiyey labadooda dhexdooda oo (nafley) dhul socod ah. Oo marka uu doono aad buu awood ugu leeyahay inuu soo kulmiyo oo isu keeno iyagoo dhan
Surah Ash-Shura, Verse 29


وَمَآ أَصَٰبَكُم مِّن مُّصِيبَةٖ فَبِمَا كَسَبَتۡ أَيۡدِيكُمۡ وَيَعۡفُواْ عَن كَثِيرٖ

Oo wax kastoo idinku dhaca oo masiibo ah waa waxay galabsadeen gacmiihiinnu dartood, oo waliba Wuxuu idinka cafiyaa wax badan
Surah Ash-Shura, Verse 30


وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ

Oo kuma baxsan kartaan dhulka, Oo ma lihidin Allaah ka sokow gacal iyo gargaare midna
Surah Ash-Shura, Verse 31


وَمِنۡ ءَايَٰتِهِ ٱلۡجَوَارِ فِي ٱلۡبَحۡرِ كَٱلۡأَعۡلَٰمِ

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa doonyaha badda maaxa buuro oo kale ah
Surah Ash-Shura, Verse 32


إِن يَشَأۡ يُسۡكِنِ ٱلرِّيحَ فَيَظۡلَلۡنَ رَوَاكِدَ عَلَىٰ ظَهۡرِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٍ

Haddii uu doono, Wuxuu sababaa dabaysha inay joogsato, markaas bay noqdaan wax fadhiya oo aan dhaqaaq lahayn korkeeda. hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin mid kasta oo samir iyo mahad naq badan
Surah Ash-Shura, Verse 33


أَوۡ يُوبِقۡهُنَّ بِمَا كَسَبُواْ وَيَعۡفُ عَن كَثِيرٖ

Ama waa intaasoo uu u halligo14 waxa ay kasbadeen awgeed. Oo (waliba sidaas oy tahay ) Wuxuu ka cafiyaa wax badan
Surah Ash-Shura, Verse 34


وَيَعۡلَمَ ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٖ

Iyo (si ay) kuwaasi ka dooda Aayadahayaga u ogaadaan inaysan u sugnaanin meel ay magan galaan
Surah Ash-Shura, Verse 35


فَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَيۡءٖ فَمَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۚ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ

Ee wax kastoo la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay dhammaaneysa ee nolosha adduunkan, waxase Allaah agtiisa ah baa u khayr badan oo u daa’insan kuwa rumeysan ee Rabbigood isku halleeya
Surah Ash-Shura, Verse 36


وَٱلَّذِينَ يَجۡتَنِبُونَ كَبَـٰٓئِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡفَوَٰحِشَ وَإِذَا مَا غَضِبُواْ هُمۡ يَغۡفِرُونَ

Ee ah kuwaasi ka fogaada dambiyada waaweyn iyo fool xumooyinka, oo mar kas- ta ay cadhoodaan iyagu wax iska cafiya
Surah Ash-Shura, Verse 37


وَٱلَّذِينَ ٱسۡتَجَابُواْ لِرَبِّهِمۡ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَمۡرُهُمۡ شُورَىٰ بَيۡنَهُمۡ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ

Iyo kuwaasi ajiiba Rabbigood oo hagaajiya salaadda, oo xukunkoodu wada tashi yahay dhexdooda, oo wax ka bixiya waxa aanu siinnay
Surah Ash-Shura, Verse 38


وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَابَهُمُ ٱلۡبَغۡيُ هُمۡ يَنتَصِرُونَ

Ee ah kuwaasi marka loo geysto gef weyn iyagu iska difaaca
Surah Ash-Shura, Verse 39


وَجَزَـٰٓؤُاْ سَيِّئَةٖ سَيِّئَةٞ مِّثۡلُهَاۖ فَمَنۡ عَفَا وَأَصۡلَحَ فَأَجۡرُهُۥ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Oo abaalka hal xume waa hal xume oo la mid ah, mid kastoo se iska cafiya oo wax hagaajiya, wuxuu ka heli abaalgudkiisa xagga Ilaahay. Hubaal Isagu ma uu jecla gar ma qaatayaasha
Surah Ash-Shura, Verse 40


وَلَمَنِ ٱنتَصَرَ بَعۡدَ ظُلۡمِهِۦ فَأُوْلَـٰٓئِكَ مَا عَلَيۡهِم مِّن سَبِيلٍ

Oo mid kastoo is difaaca kaddib marka lagu gardarroodo, kuwan weeye kuwa aan lagu lahayn jid (lagu eedo)
Surah Ash-Shura, Verse 41


إِنَّمَا ٱلسَّبِيلُ عَلَى ٱلَّذِينَ يَظۡلِمُونَ ٱلنَّاسَ وَيَبۡغُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّۚ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ

Ee waxaa sideedaba jid lagu leeyahay (oo eed leh) kuwaa ku gardarrooda dadka, oo ku fallaagooba arlada xaq darro, kuwani waxay mudan cadaab xanuun badan
Surah Ash-Shura, Verse 42


وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمِنۡ عَزۡمِ ٱلۡأُمُورِ

Oo mid kastoo samir yeesha oo wax iska cafiya, hubaal kuwani waxay ka mid yihiin arrimaha la go'aansado
Surah Ash-Shura, Verse 43


وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن وَلِيّٖ مِّنۢ بَعۡدِهِۦۗ وَتَرَى ٱلظَّـٰلِمِينَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَ يَقُولُونَ هَلۡ إِلَىٰ مَرَدّٖ مِّن سَبِيلٖ

Oo mid kastoo Allaah lumiyo, ma uu laha gacal Isaga kaddib. Oo waxaad arki gar ma qaatayaasha marka ay arkaan cadaabka, iyagoo leh: Miyey jirtaa jid loogu laabto (adduunkii)
Surah Ash-Shura, Verse 44


وَتَرَىٰهُمۡ يُعۡرَضُونَ عَلَيۡهَا خَٰشِعِينَ مِنَ ٱلذُّلِّ يَنظُرُونَ مِن طَرۡفٍ خَفِيّٖۗ وَقَالَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ ٱلۡخَٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَأَهۡلِيهِمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ أَلَآ إِنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ فِي عَذَابٖ مُّقِيمٖ

Oo waxaad arki doontaa iyagoo la hor keenay (Naarta) la tabaaleysan dulli (oo) ku eegaya libiqsi qarsoon. Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay odhan: Hubaal Khasaara- yaasha waa kuwa khasaaray nafahooda iyo eheladooda Maalinta Qiyaamaha. Ogaada, hubaal gar ma qaatayaasha waxay ku sugnaan doonaan cadaab ma guuraan ah
Surah Ash-Shura, Verse 45


وَمَا كَانَ لَهُم مِّنۡ أَوۡلِيَآءَ يَنصُرُونَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِۗ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن سَبِيلٍ

Oo ma heli doonaan gacallo u soo gar- gaara Allaah ka sokow. oo mid kastoo uu Allaah lumiyo, uma sugna wax jid ah
Surah Ash-Shura, Verse 46


ٱسۡتَجِيبُواْ لِرَبِّكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ يَوۡمٞ لَّا مَرَدَّ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِۚ مَا لَكُم مِّن مَّلۡجَإٖ يَوۡمَئِذٖ وَمَا لَكُم مِّن نَّكِيرٖ

Ajiiba Rabbigiin ka hor inta aanay iman Maalin xagga Allaah ah aan la celin kari doonin. Ma heli doontaan meel aad magan gashaan Maalintaas, oo idiinma suurta geli doonto inaad sameysaan diiddo
Surah Ash-Shura, Verse 47


فَإِنۡ أَعۡرَضُواْ فَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ حَفِيظًاۖ إِنۡ عَلَيۡكَ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُۗ وَإِنَّآ إِذَآ أَذَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِنَّا رَحۡمَةٗ فَرِحَ بِهَاۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ فَإِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ كَفُورٞ

Haddiise ay dhinac u jeestaan, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan korkooda. Ee waxa keliya ee ku saarani waa inaad gaarsiiso (Fartiinta). Oo hubaal marka aan dhadhansiinno Aadmiga naxa- riis Xaggayaga ah, wuu ku farxaa, oo haddii ay musiibo gaadho waxa ay horay gacma- hoodu u faleen darteed ah, markaa hubaal Aadmigu waa abaal dhac badan yahay
Surah Ash-Shura, Verse 48


لِّلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ يَهَبُ لِمَن يَشَآءُ إِنَٰثٗا وَيَهَبُ لِمَن يَشَآءُ ٱلذُّكُورَ

Allaah baa iska leh Boqortooyada sa- mooyinka iyo arlada, Wuxuu abuuraa wixii uu doono; Wuxuu ugu deeqaa kii uu doono gabdho, oo ugu deeqaa kii uu doono wiilal
Surah Ash-Shura, Verse 49


أَوۡ يُزَوِّجُهُمۡ ذُكۡرَانٗا وَإِنَٰثٗاۖ وَيَجۡعَلُ مَن يَشَآءُ عَقِيمًاۚ إِنَّهُۥ عَلِيمٞ قَدِيرٞ

Ama Wuxuu isugu daraa labada noocyoodba’ lab iyo dheddig, oo wuxuu ka dhigaa kii uu doono ma dhaleys. Hubaal waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan
Surah Ash-Shura, Verse 50


۞وَمَا كَانَ لِبَشَرٍ أَن يُكَلِّمَهُ ٱللَّهُ إِلَّا وَحۡيًا أَوۡ مِن وَرَآيِٕ حِجَابٍ أَوۡ يُرۡسِلَ رَسُولٗا فَيُوحِيَ بِإِذۡنِهِۦ مَا يَشَآءُۚ إِنَّهُۥ عَلِيٌّ حَكِيمٞ

Uma suurowda in Aadmi uu Allaah toos ula hadlo, ee se wuu waxyoon, ama kala hadli daah gadaashi ama uu u soo diri Ra- suul oo Idanki wuxuu doono ugu wax- yooda. Hubaal waa Sarreeye, Xakiim ah
Surah Ash-Shura, Verse 51


وَكَذَٰلِكَ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ رُوحٗا مِّنۡ أَمۡرِنَاۚ مَا كُنتَ تَدۡرِي مَا ٱلۡكِتَٰبُ وَلَا ٱلۡإِيمَٰنُ وَلَٰكِن جَعَلۡنَٰهُ نُورٗا نَّهۡدِي بِهِۦ مَن نَّشَآءُ مِنۡ عِبَادِنَاۚ وَإِنَّكَ لَتَهۡدِيٓ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Oo sidaas baan waxaan kuugu waxyoonnaa (Kitaab)waxyi Amarkayaga ah oo ma aad ogeyn muxuu ahaa Kitaab iyo Iimaan midna? Laakiinse waxaan ka dhignay Nuur aan ku hanuuninno cidda aan doono oo ka mid ah addoomahayaga. Oo hubaal waxaad adigu dhab ahaan tusisaa jidka loo qaado Tubta Toosan
Surah Ash-Shura, Verse 52


صِرَٰطِ ٱللَّهِ ٱلَّذِي لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ أَلَآ إِلَى ٱللَّهِ تَصِيرُ ٱلۡأُمُورُ

Tubta Ilaahay, ee ah Kan iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Ogaada, hubaal xagga Allaah baa arrimaha oo idil yimaadaan
Surah Ash-Shura, Verse 53


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 41
>> Surah 43

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai