Surah Az-Zukhruf - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
حمٓ
Xaa Miim
Surah Az-Zukhruf, Verse 1
وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ka yeela waxyaalaha caddaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 2
إِنَّا جَعَلۡنَٰهُ قُرۡءَٰنًا عَرَبِيّٗا لَّعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
Hubaal Waxaan Annagu ka dhignay kani Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 3
وَإِنَّهُۥ فِيٓ أُمِّ ٱلۡكِتَٰبِ لَدَيۡنَا لَعَلِيٌّ حَكِيمٌ
Oo hubaal wuxuu ku yaal asalka Kitaabka3 (Looxa Maxfuudka) nala yaal, ee la kor yeelay ay ka buuxdo Xikmad
Surah Az-Zukhruf, Verse 4
أَفَنَضۡرِبُ عَنكُمُ ٱلذِّكۡرَ صَفۡحًا أَن كُنتُمۡ قَوۡمٗا مُّسۡرِفِينَ
Miyaan haddaba idinka deysannaa waanada gebigeediba inaad noqoteen qolo xad gudub badan awgeed
Surah Az-Zukhruf, Verse 5
وَكَمۡ أَرۡسَلۡنَا مِن نَّبِيّٖ فِي ٱلۡأَوَّلِينَ
Oo intee baan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood
Surah Az-Zukhruf, Verse 6
وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن نَّبِيٍّ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
Oo ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin
Surah Az-Zukhruf, Verse 7
فَأَهۡلَكۡنَآ أَشَدَّ مِنۡهُم بَطۡشٗا وَمَضَىٰ مَثَلُ ٱلۡأَوَّلِينَ
Markaas waxaanu hallignay kuwo iyaga4 ka xoog badnaa,_oo waxaa hore u tagay mataalka kuwii hore
Surah Az-Zukhruf, Verse 8
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ
Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay hubaal odhanayaan: Waxaa abuuray (Allaah) Adkaadaha, Wax kasta Ogsoonaha ah
Surah Az-Zukhruf, Verse 9
ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مَهۡدٗا وَجَعَلَ لَكُمۡ فِيهَا سُبُلٗا لَّعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ
Kan Isagu idiinka dhigay dhulka gogol, ee idiinku yeelay dhexdiisa waddooyin, si aad ugu hagaagtaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 10
وَٱلَّذِي نَزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءَۢ بِقَدَرٖ فَأَنشَرۡنَا بِهِۦ بَلۡدَةٗ مَّيۡتٗاۚ كَذَٰلِكَ تُخۡرَجُونَ
Oo Isagu ah Kan ka soo dejiya biyo daruurta si qiyaasan. Markaas waxaan ku nooleynaa magaalo dhimatay, sidaas oo kale baa weliba la idiin soo bixin doonaa
Surah Az-Zukhruf, Verse 11
وَٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَزۡوَٰجَ كُلَّهَا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلۡفُلۡكِ وَٱلۡأَنۡعَٰمِ مَا تَرۡكَبُونَ
Oo Isagu ah Kan abuuray lammaanayaasha wax waliba oo idiin yee- lay doonyo (diyaarado, tareenno, gawaari) iyo xoolo (geel, lo',fardo, iwm) aad fuushan
Surah Az-Zukhruf, Verse 12
لِتَسۡتَوُۥاْ عَلَىٰ ظُهُورِهِۦ ثُمَّ تَذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ رَبِّكُمۡ إِذَا ٱسۡتَوَيۡتُمۡ عَلَيۡهِ وَتَقُولُواْ سُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي سَخَّرَ لَنَا هَٰذَا وَمَا كُنَّا لَهُۥ مُقۡرِنِينَ
Si aad ugu fariisataan si sugan dhabarradooda, markaas aad xusuusataan Nicmadda Rabbigiin marka aad dul fariisataan, oo tidhaahdaan: Xurmoo dhan waxaa iska leh Kan noo sakhiray waxakan, oo ma aheyn kuwo kara inaanu sameyno
Surah Az-Zukhruf, Verse 13
وَإِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا لَمُنقَلِبُونَ
Oo xaqiiq xagga Rabbigayo waa inaan u laabanno
Surah Az-Zukhruf, Verse 14
وَجَعَلُواْ لَهُۥ مِنۡ عِبَادِهِۦ جُزۡءًاۚ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَكَفُورٞ مُّبِينٌ
Oo waxay u cayimaan Isaga qayb ka mid ah addoomihiisa5; Hubaal Aadmigu waa abaal darane caddaysatay
Surah Az-Zukhruf, Verse 15
أَمِ ٱتَّخَذَ مِمَّا يَخۡلُقُ بَنَاتٖ وَأَصۡفَىٰكُم بِٱلۡبَنِينَ
Ma wuxuu u dooray Naftiisa gabdho ka mid ah waxa uu Isagu abuuro, oo idiin dooray idinka wiilal
Surah Az-Zukhruf, Verse 16
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِمَا ضَرَبَ لِلرَّحۡمَٰنِ مَثَلٗا ظَلَّ وَجۡهُهُۥ مُسۡوَدّٗا وَهُوَ كَظِيمٌ
Oo marka loogu bishaareeyo midkood warka waxa uu uga yeelay Raxmaanka mataal, wejigiisu wuxuu noqdaa madow isagoo walbahaarsan
Surah Az-Zukhruf, Verse 17
أَوَمَن يُنَشَّؤُاْ فِي ٱلۡحِلۡيَةِ وَهُوَ فِي ٱلۡخِصَامِ غَيۡرُ مُبِينٖ
Ma kuwaa lagu abuuray isqurxinta oo xagga doodda aan caddeyn karin hadalka
Surah Az-Zukhruf, Verse 18
وَجَعَلُواْ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ ٱلَّذِينَ هُمۡ عِبَٰدُ ٱلرَّحۡمَٰنِ إِنَٰثًاۚ أَشَهِدُواْ خَلۡقَهُمۡۚ سَتُكۡتَبُ شَهَٰدَتُهُمۡ وَيُسۡـَٔلُونَ
Oo waxay ka yeelaan malaa’igta oo iyagu ah addoomaha Raxmaanka, (ilaahyo) dheddig ah6, ma waxay goob joogeen ka ahaayeen abuuristooda? Maraggooda waa la qori doonaa oo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo
Surah Az-Zukhruf, Verse 19
وَقَالُواْ لَوۡ شَآءَ ٱلرَّحۡمَٰنُ مَا عَبَدۡنَٰهُمۗ مَّا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِنۡ هُمۡ إِلَّا يَخۡرُصُونَ
Oo waxay yidhaahdaan: Haddii uu doono Raxmaanku, marnaba ma aanu caabudneen (iyaga). Uma ay laha wax cilmi ah (arrin)kani, been uun bay sheegayaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 20
أَمۡ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ كِتَٰبٗا مِّن قَبۡلِهِۦ فَهُم بِهِۦ مُسۡتَمۡسِكُونَ
Mise waxaan siinnay Kitaab ka horreeyey, oo ay iyagu heystaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 21
بَلۡ قَالُوٓاْ إِنَّا وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا عَلَىٰٓ أُمَّةٖ وَإِنَّا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم مُّهۡتَدُونَ
Bal! Waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo ku sugan dariiqo, oo hubaal innagu iyaga raadadkooda baan ku hanuunsannahay
Surah Az-Zukhruf, Verse 22
وَكَذَٰلِكَ مَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي قَرۡيَةٖ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتۡرَفُوهَآ إِنَّا وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا عَلَىٰٓ أُمَّةٖ وَإِنَّا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم مُّقۡتَدُونَ
Oo sidaas oo kale, Uma aanu soo dirin hortaa wax dige ah magaalana oo aysan kuwooda ladnaa ee ku jiray odhan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo ku sugan dariiqo, oo hubaal waxaan annagu raacnaa raadadkooda
Surah Az-Zukhruf, Verse 23
۞قَٰلَ أَوَلَوۡ جِئۡتُكُم بِأَهۡدَىٰ مِمَّا وَجَدتُّمۡ عَلَيۡهِ ءَابَآءَكُمۡۖ قَالُوٓاْ إِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
(Digihii) wuxuu yidhi: Ma xitaa haddii aan idiin keeno hanuun ka fiican waxa aad ka hesheen aabbayaashiin? Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu ma aanu aaminsanin waxa la idin la soo diray
Surah Az-Zukhruf, Verse 24
فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
Markaas baan ka aarsannay ee bal fiiri sida ay aheyd cidhibta xaq diidayaasha
Surah Az-Zukhruf, Verse 25
وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِيمُ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦٓ إِنَّنِي بَرَآءٞ مِّمَّا تَعۡبُدُونَ
Oo waa tii uu Ibraahiim ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Hubaal waxaan anigu ka eed tirnahay waxa aad caabuddaan oo dhan
Surah Az-Zukhruf, Verse 26
إِلَّا ٱلَّذِي فَطَرَنِي فَإِنَّهُۥ سَيَهۡدِينِ
Waxaan ka ahayn Kan i abuuray, oo hubaal Isaga baa i hanuunin doona
Surah Az-Zukhruf, Verse 27
وَجَعَلَهَا كَلِمَةَۢ بَاقِيَةٗ فِي عَقِبِهِۦ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
Oo wuxuu ka yeelay Kelmed7 ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda8, bal inay soo noqdaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 28
بَلۡ مَتَّعۡتُ هَـٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ وَرَسُولٞ مُّبِينٞ
Bal’ Waxaan u raaxeeyey kuwaas iyo aabbayaashoodba ilaa uu u yimid Xaqu iyo Rasuul ka yeela (Xaqa) caddaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 29
وَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ وَإِنَّا بِهِۦ كَٰفِرُونَ
Oo markuu u yimid Xaqa waxay yidhaahdeen: Kani (Qur’aanku) waa sixir, oo innagu maba aaminsanin
Surah Az-Zukhruf, Verse 30
وَقَالُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانُ عَلَىٰ رَجُلٖ مِّنَ ٱلۡقَرۡيَتَيۡنِ عَظِيمٍ
Oo waxay yidhaahdeen: Maxaa se Qur’aankan loogu soo dejin waayey nin darajo weyn oo ka tirsan labada magaalo
Surah Az-Zukhruf, Verse 31
أَهُمۡ يَقۡسِمُونَ رَحۡمَتَ رَبِّكَۚ نَحۡنُ قَسَمۡنَا بَيۡنَهُم مَّعِيشَتَهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۚ وَرَفَعۡنَا بَعۡضَهُمۡ فَوۡقَ بَعۡضٖ دَرَجَٰتٖ لِّيَتَّخِذَ بَعۡضُهُم بَعۡضٗا سُخۡرِيّٗاۗ وَرَحۡمَتُ رَبِّكَ خَيۡرٞ مِّمَّا يَجۡمَعُونَ
Ma iyaga baa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annaga baa ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Oo Naxariista Rabbigaa baa ka khayr badan waxa ay urursadaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 32
وَلَوۡلَآ أَن يَكُونَ ٱلنَّاسُ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ لَّجَعَلۡنَا لِمَن يَكۡفُرُ بِٱلرَّحۡمَٰنِ لِبُيُوتِهِمۡ سُقُفٗا مِّن فِضَّةٖ وَمَعَارِجَ عَلَيۡهَا يَظۡهَرُونَ
Oo haddii uusan dadku noqonayn ummad keliya (isku jid) waxaan xaqiiq ka yeeli laheyn kuwaa ku gaalooba Raxmaanka guryahooda saqafyo fiddo ah iyo salaanno (fiddo ah) ay ku koraan
Surah Az-Zukhruf, Verse 33
وَلِبُيُوتِهِمۡ أَبۡوَٰبٗا وَسُرُرًا عَلَيۡهَا يَتَّكِـُٔونَ
Guryahoodana albaabbo (fiddo ah) iyo sariiro (sare) ay korkooda ku jiqlaystaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 34
وَزُخۡرُفٗاۚ وَإِن كُلُّ ذَٰلِكَ لَمَّا مَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۚ وَٱلۡأٓخِرَةُ عِندَ رَبِّكَ لِلۡمُتَّقِينَ
Iyo qurxinno (kale) dahab ah. oo waxa- kani oo dhammi ma aha waxaan aheyn sahayda nolosha adduunkan(ee dhammaa- neysa). Oo Aakhirada Rabbigaa agti ah waxaa leh oo keliya kuwa iska jira xumaha
Surah Az-Zukhruf, Verse 35
وَمَن يَعۡشُ عَن ذِكۡرِ ٱلرَّحۡمَٰنِ نُقَيِّضۡ لَهُۥ شَيۡطَٰنٗا فَهُوَ لَهُۥ قَرِينٞ
Oo mid kastoo ka jeesada waanada Raxmaanka waxaanu u xil saarnaa Shay- daan markaasuu noqdaa lammaanahiis
Surah Az-Zukhruf, Verse 36
وَإِنَّهُمۡ لَيَصُدُّونَهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَيَحۡسَبُونَ أَنَّهُم مُّهۡتَدُونَ
Oo hubaal waxay iyagu ka duwaan Jidka, oo waxay moodaan inay hanuunsan yihiin
Surah Az-Zukhruf, Verse 37
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَنَا قَالَ يَٰلَيۡتَ بَيۡنِي وَبَيۡنَكَ بُعۡدَ ٱلۡمَشۡرِقَيۡنِ فَبِئۡسَ ٱلۡقَرِينُ
Jeer marka uu noo yimaado wuxuu yidhaahdaa: wayee, haddii inta aniga iyo adiga u dhexeysa u kala fogaan lahayd inta ay isu jiraan bariga iyo galbeedka; oo xumaa lammaanahaa oo kale
Surah Az-Zukhruf, Verse 38
وَلَن يَنفَعَكُمُ ٱلۡيَوۡمَ إِذ ظَّلَمۡتُمۡ أَنَّكُمۡ فِي ٱلۡعَذَابِ مُشۡتَرِكُونَ
Oo maadaama aad caddaalad darro fasheen waxba idin ma tari doonto Maanta inaad cadaab (musiibada) wadaagtaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 39
أَفَأَنتَ تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ أَوۡ تَهۡدِي ٱلۡعُمۡيَ وَمَن كَانَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
Ee miyaad haddaba ka yeeli kartaa dhegoolaha inuu wax maqlo, mise hanuunin kartaa indhoolaha iyo mid isagu ku jira habow caddaan ah
Surah Az-Zukhruf, Verse 40
فَإِمَّا نَذۡهَبَنَّ بِكَ فَإِنَّا مِنۡهُم مُّنتَقِمُونَ
Haddiise aan ku oofsanno, Annaga uun baa weli ka aarsan doonno iyaga
Surah Az-Zukhruf, Verse 41
أَوۡ نُرِيَنَّكَ ٱلَّذِي وَعَدۡنَٰهُمۡ فَإِنَّا عَلَيۡهِم مُّقۡتَدِرُونَ
Ama haddii kale waxaan ku tusi doonnaa waxa aan u yaboohnay, oo hubaal waxaanu ku leennahay awood dhan dushooda
Surah Az-Zukhruf, Verse 42
فَٱسۡتَمۡسِكۡ بِٱلَّذِيٓ أُوحِيَ إِلَيۡكَۖ إِنَّكَ عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
Ee qabso waxaa laguu waxyoodo, hubaal waxaad ku sugan tahay jid toosan
Surah Az-Zukhruf, Verse 43
وَإِنَّهُۥ لَذِكۡرٞ لَّكَ وَلِقَوۡمِكَۖ وَسَوۡفَ تُسۡـَٔلُونَ
Oo hubaal waa kuu waano adiga iyo dadkaaba, oo waxaad ahaan doontaan kuwo la su’aalo
Surah Az-Zukhruf, Verse 44
وَسۡـَٔلۡ مَنۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ مِن رُّسُلِنَآ أَجَعَلۡنَا مِن دُونِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ءَالِهَةٗ يُعۡبَدُونَ
Oo weydii kuwaa ka midka ah Rusushayada aan soo dirnay adiga hortaa: Ma waxaan marnaba yeellay ilaahyo la caabudo Raxmaanka (Allaah) ka sokow
Surah Az-Zukhruf, Verse 45
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَقَالَ إِنِّي رَسُولُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Oo xaqiiq waxaan Muuse la soo dirnay Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, markaasuu wuxuu yidhi: Hubaal waxaan anigu ahay Rasuulka (Alle) Rabbiga uunanka
Surah Az-Zukhruf, Verse 46
فَلَمَّا جَآءَهُم بِـَٔايَٰتِنَآ إِذَا هُم مِّنۡهَا يَضۡحَكُونَ
Markiise uu ula yimid Calaamooyinka- yaga mise! Waaba ay ku qosleen
Surah Az-Zukhruf, Verse 47
وَمَا نُرِيهِم مِّنۡ ءَايَةٍ إِلَّا هِيَ أَكۡبَرُ مِنۡ أُخۡتِهَاۖ وَأَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡعَذَابِ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
Oo ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed, oo waxaan ku qabannay cadaab12 bal inay soo laabtaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 48
وَقَالُواْ يَـٰٓأَيُّهَ ٱلسَّاحِرُ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَ إِنَّنَا لَمُهۡتَدُونَ
Oo waxay yidhaahdeen: Saaxiryahow! Noo bari Rabbigaa maadaama uu kula galay ballan. Waxaan Hubaal ahaan doonnaa kuwo raaca dhabbaha toosan
Surah Az-Zukhruf, Verse 49
فَلَمَّا كَشَفۡنَا عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابَ إِذَا هُمۡ يَنكُثُونَ
Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii
Surah Az-Zukhruf, Verse 50
وَنَادَىٰ فِرۡعَوۡنُ فِي قَوۡمِهِۦ قَالَ يَٰقَوۡمِ أَلَيۡسَ لِي مُلۡكُ مِصۡرَ وَهَٰذِهِ ٱلۡأَنۡهَٰرُ تَجۡرِي مِن تَحۡتِيٓۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ
Oo wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Ma waanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar, iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan haddaba arkeyn
Surah Az-Zukhruf, Verse 51
أَمۡ أَنَا۠ خَيۡرٞ مِّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي هُوَ مَهِينٞ وَلَا يَكَادُ يُبِينُ
Bal aniga baa ka fiican midkani, ee ah mid liita ee uu dhibka ku yahay inuu u hadlo si cad oo wanaagsan
Surah Az-Zukhruf, Verse 52
فَلَوۡلَآ أُلۡقِيَ عَلَيۡهِ أَسۡوِرَةٞ مِّن ذَهَبٍ أَوۡ جَآءَ مَعَهُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ مُقۡتَرِنِينَ
Maxaase loogu soo gelin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo rafiiq u ah
Surah Az-Zukhruf, Verse 53
فَٱسۡتَخَفَّ قَوۡمَهُۥ فَأَطَاعُوهُۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ
Markaasuu ku kiciyey dadkiisii hadallo doqon ma garato ah, markaasay adeeceen: hubaal waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah
Surah Az-Zukhruf, Verse 54
فَلَمَّآ ءَاسَفُونَا ٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ فَأَغۡرَقۡنَٰهُمۡ أَجۡمَعِينَ
Haddaba markii ay naga cadheysiiyeen, waan ka aargoosannay, markaas baan qarqinnay iyagii oo dhan
Surah Az-Zukhruf, Verse 55
فَجَعَلۡنَٰهُمۡ سَلَفٗا وَمَثَلٗا لِّلۡأٓخِرِينَ
Oo Waxaanu ka yeelnay wax tegay iyo tusaale ku socda facyada dambe
Surah Az-Zukhruf, Verse 56
۞وَلَمَّا ضُرِبَ ٱبۡنُ مَرۡيَمَ مَثَلًا إِذَا قَوۡمُكَ مِنۡهُ يَصِدُّونَ
Oo marka loo soo qaato ina Maryam (Ciise) mataal14, mise qolodaada waa ka jeesadaan (mataalkaa)
Surah Az-Zukhruf, Verse 57
وَقَالُوٓاْ ءَأَٰلِهَتُنَا خَيۡرٌ أَمۡ هُوَۚ مَا ضَرَبُوهُ لَكَ إِلَّا جَدَلَۢاۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٌ خَصِمُونَ
Oo waxay yidhaahdaan: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan mataalka waxaan aheyn muran. Balse waa qolo dood badan
Surah Az-Zukhruf, Verse 58
إِنۡ هُوَ إِلَّا عَبۡدٌ أَنۡعَمۡنَا عَلَيۡهِ وَجَعَلۡنَٰهُ مَثَلٗا لِّبَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ
Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan u nicmaynay, oo waxaan uga yeelnay tusaale ilmahii Israa’iil
Surah Az-Zukhruf, Verse 59
وَلَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَا مِنكُم مَّلَـٰٓئِكَةٗ فِي ٱلۡأَرۡضِ يَخۡلُفُونَ
Oo Haddii aan doonno, waxaan yeeli lahayn dhexdiinna malaa'ig dhulka u hara
Surah Az-Zukhruf, Verse 60
وَإِنَّهُۥ لَعِلۡمٞ لِّلسَّاعَةِ فَلَا تَمۡتَرُنَّ بِهَا وَٱتَّبِعُونِۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
Oo hubaal wuxuu isagu (Ciise) u yahay calaamad la yaqaan (soo dhowaanshaha) Saacadda, Sidaa awgeed ha ka shakiyina arrinkeeda oo i soo raaca17: Kan baa ah Jidka Toosan
Surah Az-Zukhruf, Verse 61
وَلَا يَصُدَّنَّكُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُۖ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ
Oo yuusan Shaydaan idin hor joogsan, hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad
Surah Az-Zukhruf, Verse 62
وَلَمَّا جَآءَ عِيسَىٰ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ قَالَ قَدۡ جِئۡتُكُم بِٱلۡحِكۡمَةِ وَلِأُبَيِّنَ لَكُم بَعۡضَ ٱلَّذِي تَخۡتَلِفُونَ فِيهِۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Oo markuu Ciise la yimid xujooyin cad, wuxuu yidhi: Waxaan xaqiiq idiin la imid Xikmad iyo inaan idiin caddeeyo qaar ka mid ah waxa aad isku khilaafsan tihiin, ee dhowra xilkuu idin saaray Alle oo i adeeca
Surah Az-Zukhruf, Verse 63
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ رَبِّي وَرَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
Hubaal Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, Ee caabuda Isaga (Keliya). Kan baa ah Jidka Toosan
Surah Az-Zukhruf, Verse 64
فَٱخۡتَلَفَ ٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَيۡنِهِمۡۖ فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡ عَذَابِ يَوۡمٍ أَلِيمٍ
Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdooda. Ee hoog waxaa leh gar ma qaatayaasha xagga cadaab Maalin xanuun badan darteed
Surah Az-Zukhruf, Verse 65
هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّا ٱلسَّاعَةَ أَن تَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
Ma waxay sugaan waxaan ahayn Saacadda_taasoo ugu iman kedis, iyagoo aan dareensaneyn
Surah Az-Zukhruf, Verse 66
ٱلۡأَخِلَّآءُ يَوۡمَئِذِۭ بَعۡضُهُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوٌّ إِلَّا ٱلۡمُتَّقِينَ
Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale marka laga reebo kuwa iska jira (xumaha)
Surah Az-Zukhruf, Verse 67
يَٰعِبَادِ لَا خَوۡفٌ عَلَيۡكُمُ ٱلۡيَوۡمَ وَلَآ أَنتُمۡ تَحۡزَنُونَ
Addoomahaygiiyoow! Cabsi ma ahaan doonto maanta korkiinna mana murugoon doontaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 68
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَكَانُواْ مُسۡلِمِينَ
Kuwaasi rumeeyey Aayadahayaga ee ahaa Muslimiinta
Surah Az-Zukhruf, Verse 69
ٱدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ أَنتُمۡ وَأَزۡوَٰجُكُمۡ تُحۡبَرُونَ
Gala Jannada, idinka iyo afooyinkiinnaba18; waa laydinka farxine
Surah Az-Zukhruf, Verse 70
يُطَافُ عَلَيۡهِم بِصِحَافٖ مِّن ذَهَبٖ وَأَكۡوَابٖۖ وَفِيهَا مَا تَشۡتَهِيهِ ٱلۡأَنفُسُ وَتَلَذُّ ٱلۡأَعۡيُنُۖ وَأَنتُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Waxaa lagula wareegi halkaa xeerooyin dahab ah iyo koobab cabbitaan, oo gudaheeda waxaa ahaan waxay nafahooda jecleystaan, oo indhuhu ku raaxaysan, oo waad ku waari dhexdeeda
Surah Az-Zukhruf, Verse 71
وَتِلۡكَ ٱلۡجَنَّةُ ٱلَّتِيٓ أُورِثۡتُمُوهَا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Oo taasi waa Jannadii aad ku dhaxasheen wixii aad camalsan fasheen
Surah Az-Zukhruf, Verse 72
لَكُمۡ فِيهَا فَٰكِهَةٞ كَثِيرَةٞ مِّنۡهَا تَأۡكُلُونَ
Waxaad ku leedihiin gudaheeda midho tiro badan, xaggeeda wax ka cuni doontaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 73
إِنَّ ٱلۡمُجۡرِمِينَ فِي عَذَابِ جَهَنَّمَ خَٰلِدُونَ
Hubaal dambiilayaashu waxay ku waari doonaan cadaabta Naarta
Surah Az-Zukhruf, Verse 74
لَا يُفَتَّرُ عَنۡهُمۡ وَهُمۡ فِيهِ مُبۡلِسُونَ
Lagama dabcin doono, iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan doona
Surah Az-Zukhruf, Verse 75
وَمَا ظَلَمۡنَٰهُمۡ وَلَٰكِن كَانُواْ هُمُ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Oo ma aanu ku gardarroon iyaga, laakiinse iyaga baa ahaa gar ma qaatayaal
Surah Az-Zukhruf, Verse 76
وَنَادَوۡاْ يَٰمَٰلِكُ لِيَقۡضِ عَلَيۡنَا رَبُّكَۖ قَالَ إِنَّكُم مَّـٰكِثُونَ
Oo waxay u yeeri doonaan: Maaligow! Rabbigaa ha noo sameeyo dhammaad. Wuxuu odhan: hubaal Idinku waad ku waari doontaan (Naarta gudaheeda)
Surah Az-Zukhruf, Verse 77
لَقَدۡ جِئۡنَٰكُم بِٱلۡحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَكُمۡ لِلۡحَقِّ كَٰرِهُونَ
Xaqiiq Waxaan idiin la nimid Xaq laakiinse badankiinnu Xaqa baad nacdaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 78
أَمۡ أَبۡرَمُوٓاْ أَمۡرٗا فَإِنَّا مُبۡرِمُونَ
Mise ma waxay goosteen arrin? Hubaal waa Annaga kuwa wax gooya
Surah Az-Zukhruf, Verse 79
أَمۡ يَحۡسَبُونَ أَنَّا لَا نَسۡمَعُ سِرَّهُمۡ وَنَجۡوَىٰهُمۚ بَلَىٰ وَرُسُلُنَا لَدَيۡهِمۡ يَكۡتُبُونَ
Mise ma waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada baa ag joogta oo qoreysa
Surah Az-Zukhruf, Verse 80
قُلۡ إِن كَانَ لِلرَّحۡمَٰنِ وَلَدٞ فَأَنَا۠ أَوَّلُ ٱلۡعَٰبِدِينَ
Dheh: Haddii Raxmaanku aad leedihiin dhal (buu yeeshay), waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka nazaha inuu leeyahay ilmo ama xaas ama dhig ama cid kaloo wax la wadaagta)
Surah Az-Zukhruf, Verse 81
سُبۡحَٰنَ رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ رَبِّ ٱلۡعَرۡشِ عَمَّا يَصِفُونَ
Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshigu oo ka nazahan waxa ay tilmaamaan
Surah Az-Zukhruf, Verse 82
فَذَرۡهُمۡ يَخُوضُواْ وَيَلۡعَبُواْ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ
Ee iska daa ha dhunbadaan ( baadilkaas) oo ha iska cayaaraane inta ay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay
Surah Az-Zukhruf, Verse 83
وَهُوَ ٱلَّذِي فِي ٱلسَّمَآءِ إِلَٰهٞ وَفِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَٰهٞۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡعَلِيمُ
Oo waa Isaga Kan ku ah Ilaah somooyinka gudahood iyo Ilaah arlada gudaheed; oo waa Isaga (Alle) Xakiimka, wax kasta Ogsoon
Surah Az-Zukhruf, Verse 84
وَتَبَارَكَ ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَعِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلسَّاعَةِ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
Oo waxaa khayr iyo barako badan Kan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, oo ay agti tahay cilmiga Saacadda, oo Xaggiisa dib la idiinku soo celin doono
Surah Az-Zukhruf, Verse 85
وَلَا يَمۡلِكُ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِهِ ٱلشَّفَٰعَةَ إِلَّا مَن شَهِدَ بِٱلۡحَقِّ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ
Oo kuwa ay baryaan Isaga ka sokow, uma leh awood shafeeco marka laga reebo midka qira xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh
Surah Az-Zukhruf, Verse 86
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَهُمۡ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
Oo haddii aad su’aasho yaa iyaga abuuray, waxay hubaal odhanayaan: Allaah. Ee xaggee baa haddaba loo iilay
Surah Az-Zukhruf, Verse 87
وَقِيلِهِۦ يَٰرَبِّ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ قَوۡمٞ لَّا يُؤۡمِنُونَ
Tixgeli dhawaaqiisa: Rabbiyow! Hubaal kuwaanu waa qolo aan (xaqa) rumaysneyn
Surah Az-Zukhruf, Verse 88
فَٱصۡفَحۡ عَنۡهُمۡ وَقُلۡ سَلَٰمٞۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
Ee Isaga jeeso oo dheh: Nabadeey, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca)
Surah Az-Zukhruf, Verse 89