UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Ad-Dukhan - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


حمٓ

Xaa Mim
Surah Ad-Dukhan, Verse 1


وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ

Waxaan ku dhaartay kitaabka(Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa)
Surah Ad-Dukhan, Verse 2


إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ فِي لَيۡلَةٖ مُّبَٰرَكَةٍۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ

Hubaal waxaanu soo waxyoonnay (Qur’aanka) habeen barakaysan3. Hubaal waxaanu nahay mar waliba kuwa diga
Surah Ad-Dukhan, Verse 3


فِيهَا يُفۡرَقُ كُلُّ أَمۡرٍ حَكِيمٍ

Dhexdiisa baa arrin kasta oo xukun ah la gooyaa
Surah Ad-Dukhan, Verse 4


أَمۡرٗا مِّنۡ عِندِنَآۚ إِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ

Xukun ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul)
Surah Ad-Dukhan, Verse 5


رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

Naxariis xagga Rabbigaa ah. hubaal waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
Surah Ad-Dukhan, Verse 6


رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ

Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddi aad yaqiinsaneysaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 7


لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore
Surah Ad-Dukhan, Verse 8


بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ يَلۡعَبُونَ

Bal! Waxay ka qabaan shaki, way iska dheelaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 9


فَٱرۡتَقِبۡ يَوۡمَ تَأۡتِي ٱلسَّمَآءُ بِدُخَانٖ مُّبِينٖ

Ee sug Maalinta ay samadu keeni doonto qiiq muuqda
Surah Ad-Dukhan, Verse 10


يَغۡشَى ٱلنَّاسَۖ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٞ

kaasoo dabooli doona dadka, kani waa cadaab xanuun badan
Surah Ad-Dukhan, Verse 11


رَّبَّنَا ٱكۡشِفۡ عَنَّا ٱلۡعَذَابَ إِنَّا مُؤۡمِنُونَ

Rabbigayow! Naga feyd cadaabta4, xaqiiq waanu rumyan
Surah Ad-Dukhan, Verse 12


أَنَّىٰ لَهُمُ ٱلذِّكۡرَىٰ وَقَدۡ جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مُّبِينٞ

Goorma bay waantoobi, iyagoo dhab ahaan uu halkaa ugu yimid Rasuul iska cad
Surah Ad-Dukhan, Verse 13


ثُمَّ تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَقَالُواْ مُعَلَّمٞ مَّجۡنُونٌ

Markaas bay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid ay wax soo bareen (qolo kale), waa nin waalan
Surah Ad-Dukhan, Verse 14


إِنَّا كَاشِفُواْ ٱلۡعَذَابِ قَلِيلًاۚ إِنَّكُمۡ عَآئِدُونَ

Hubaal Waxaanu idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse hubaal ku noqon doontaan (xumaha)
Surah Ad-Dukhan, Verse 15


يَوۡمَ نَبۡطِشُ ٱلۡبَطۡشَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ إِنَّا مُنتَقِمُونَ

Maalinta aan ku qaban doonno (iyaga) qabasho daran oo weyn5. Hubaal waanu aarsan doonnaa
Surah Ad-Dukhan, Verse 16


۞وَلَقَدۡ فَتَنَّا قَبۡلَهُمۡ قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَ وَجَآءَهُمۡ رَسُولٞ كَرِيمٌ

Oo xaqiiq waxaanu imtixaannay iyaga hortood qolodii Fircoon, oo waxaa halkaa u yimid Rasuul sharaf leh (Muuse)
Surah Ad-Dukhan, Verse 17


أَنۡ أَدُّوٓاْ إِلَيَّ عِبَادَ ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ

Isagoo leh: Ii dhiiba adoommaha Ilaahay6. Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah
Surah Ad-Dukhan, Verse 18


وَأَن لَّا تَعۡلُواْ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنِّيٓ ءَاتِيكُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ

Oo waa inaydaan iska sare yeelin Allaah. Hubaal waxaan idiinla imaan awood cad
Surah Ad-Dukhan, Verse 19


وَإِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُمۡ أَن تَرۡجُمُونِ

Oo hubaal waxaan ka magan galaa Rab- bigay iyo Rabbigiin inaad idhagaxyeysaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 20


وَإِن لَّمۡ تُؤۡمِنُواْ لِي فَٱعۡتَزِلُونِ

Oo hadddii aydaan i rumeysneyn, haddaba waxba ha igu darsannina
Surah Ad-Dukhan, Verse 21


فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ قَوۡمٞ مُّجۡرِمُونَ

Markaas buu u dhawaaqday Rabbigi: Kuwakanu waa qolo dambiilayaal ah
Surah Ad-Dukhan, Verse 22


فَأَسۡرِ بِعِبَادِي لَيۡلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ

Ee la Guuree addoomahayga habeennimo. Hubaal, waa la idin soo daba gali doonaa
Surah Ad-Dukhan, Verse 23


وَٱتۡرُكِ ٱلۡبَحۡرَ رَهۡوًاۖ إِنَّهُمۡ جُندٞ مُّغۡرَقُونَ

Oo dhaaf baddoo deggan8 oo qaybsan: hubaal waa ciidan la qarqin doono
Surah Ad-Dukhan, Verse 24


كَمۡ تَرَكُواْ مِن جَنَّـٰتٖ وَعُيُونٖ

Intee bay beero iyo ilo ka tageen
Surah Ad-Dukhan, Verse 25


وَزُرُوعٖ وَمَقَامٖ كَرِيمٖ

Iyo dagal iyo degaan wanaagsan
Surah Ad-Dukhan, Verse 26


وَنَعۡمَةٖ كَانُواْ فِيهَا فَٰكِهِينَ

Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen
Surah Ad-Dukhan, Verse 27


كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ

Sidaas (bay ahayd)! Oo waxaan dhaxalsiinnay qolo kale
Surah Ad-Dukhan, Verse 28


فَمَا بَكَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَا كَانُواْ مُنظَرِينَ

Marka samada iyo arladu uma ay ooyin, oo lama siin wax nafis ah
Surah Ad-Dukhan, Verse 29


وَلَقَدۡ نَجَّيۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ مِنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ

Oo xaqiiq Waxaanu ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaabta dulleysiga
Surah Ad-Dukhan, Verse 30


مِن فِرۡعَوۡنَۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَالِيٗا مِّنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ

Xagga Fircoon ah; hubaal Wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha
Surah Ad-Dukhan, Verse 31


وَلَقَدِ ٱخۡتَرۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ عِلۡمٍ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ

Oo xaqiiq waxaan ka doorannay (dadkii waqtigoodii), annagoo aqoon u leh
Surah Ad-Dukhan, Verse 32


وَءَاتَيۡنَٰهُم مِّنَ ٱلۡأٓيَٰتِ مَا فِيهِ بَلَـٰٓؤٞاْ مُّبِينٌ

Oo waxaan siinnay oo ka mid ah calaamaadaha9 wax ay ku sugnaayeen imtixaan cad
Surah Ad-Dukhan, Verse 33


إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَيَقُولُونَ

Hubaal kuwakani waxay yidhaahdaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 34


إِنۡ هِيَ إِلَّا مَوۡتَتُنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُنشَرِينَ

Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore oo ma nihin kuwo dib loo soo nooleyn
Surah Ad-Dukhan, Verse 35


فَأۡتُواْ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Ee (dib) u soo cesha Aabbayaashayadii hore, haddii aad run sheegaysaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 36


أَهُمۡ خَيۡرٌ أَمۡ قَوۡمُ تُبَّعٖ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ مُجۡرِمِينَ

Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac10 iyo kuwii iyaga ka horreeyey? Waanu hallignay, hubaal waxay ahaayeen denbiilayaal
Surah Ad-Dukhan, Verse 37


وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ

Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel
Surah Ad-Dukhan, Verse 38


مَا خَلَقۡنَٰهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

Uma aannu abuurin iyaga waxaan Xaq aheyn, laakiinse badankoodu ma oga
Surah Ad-Dukhan, Verse 39


إِنَّ يَوۡمَ ٱلۡفَصۡلِ مِيقَٰتُهُمۡ أَجۡمَعِينَ

Hubaal Maalinta kala Soocu waa ballan loo qabtay iyagoo dhan
Surah Ad-Dukhan, Verse 40


يَوۡمَ لَا يُغۡنِي مَوۡلًى عَن مَّوۡلٗى شَيۡـٔٗا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ

Maalinta uusan gacal waxba u tari doonin gacalki oo aan loo gargaari doonin
Surah Ad-Dukhan, Verse 41


إِلَّا مَن رَّحِمَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Mid uu Allaah u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan
Surah Ad-Dukhan, Verse 42


إِنَّ شَجَرَتَ ٱلزَّقُّومِ

Hubaal geedka Zaquumka
Surah Ad-Dukhan, Verse 43


طَعَامُ ٱلۡأَثِيمِ

Waa cuntada denbiilayaasha
Surah Ad-Dukhan, Verse 44


كَٱلۡمُهۡلِ يَغۡلِي فِي ٱلۡبُطُونِ

Sida Saliid laami ah buu ugu kar-kari doonaa caloolahooda
Surah Ad-Dukhan, Verse 45


كَغَلۡيِ ٱلۡحَمِيمِ

Sida kar-karka biyo aad u kulul
Surah Ad-Dukhan, Verse 46


خُذُوهُ فَٱعۡتِلُوهُ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ

Qabta isaga, markaas u jiida Naarta bartankeeda
Surah Ad-Dukhan, Verse 47


ثُمَّ صُبُّواْ فَوۡقَ رَأۡسِهِۦ مِنۡ عَذَابِ ٱلۡحَمِيمِ

Oo uga shuba madaxa korkiisa cadaabta biyaha karaya
Surah Ad-Dukhan, Verse 48


ذُقۡ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡكَرِيمُ

Dhadhami: Waxaad runtii isu heysatay inaad tahay adkaadaha, sharafta leh
Surah Ad-Dukhan, Verse 49


إِنَّ هَٰذَا مَا كُنتُم بِهِۦ تَمۡتَرُونَ

Hubaal kanu waa wixii aad ka shaki qabteen
Surah Ad-Dukhan, Verse 50


إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي مَقَامٍ أَمِينٖ

Hubaal Kuwa iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah
Surah Ad-Dukhan, Verse 51


فِي جَنَّـٰتٖ وَعُيُونٖ

Beero dhexdood iyo ilo
Surah Ad-Dukhan, Verse 52


يَلۡبَسُونَ مِن سُندُسٖ وَإِسۡتَبۡرَقٖ مُّتَقَٰبِلِينَ

Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool
Surah Ad-Dukhan, Verse 53


كَذَٰلِكَ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينٖ

Sidaas (bay ahaan doontaa), oo Waxaanu u guurin doonnaa xuurul ceyn
Surah Ad-Dukhan, Verse 54


يَدۡعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَٰكِهَةٍ ءَامِنِينَ

Waxay u yeedhan doonaan miro nooc kasta ah, iyagoo nabdoon
Surah Ad-Dukhan, Verse 55


لَا يَذُوقُونَ فِيهَا ٱلۡمَوۡتَ إِلَّا ٱلۡمَوۡتَةَ ٱلۡأُولَىٰۖ وَوَقَىٰهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ

Ma ku dhadhamin doonaan dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, oo wuxuu ka badbaadin cadaabta Naarta
Surah Ad-Dukhan, Verse 56


فَضۡلٗا مِّن رَّبِّكَۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni
Surah Ad-Dukhan, Verse 57


فَإِنَّمَا يَسَّرۡنَٰهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ

Sidaas baan uga yeelnay wax u sahlan carrabkaaga, bal inay waantoobaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 58


فَٱرۡتَقِبۡ إِنَّهُم مُّرۡتَقِبُونَ

Ee sug; hubaal iyagu way sugayaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 59


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 43
>> Surah 45

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai