UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Ad-Dukhan - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


حمٓ

Waannu sheegnay iyadoo kale
Surah Ad-Dukhan, Verse 1


وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ

Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka)
Surah Ad-Dukhan, Verse 2


إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ فِي لَيۡلَةٖ مُّبَٰرَكَةٍۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ

Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi
Surah Ad-Dukhan, Verse 3


فِيهَا يُفۡرَقُ كُلُّ أَمۡرٍ حَكِيمٍ

Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh
Surah Ad-Dukhan, Verse 4


أَمۡرٗا مِّنۡ عِندِنَآۚ إِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ

Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo)
Surah Ad-Dukhan, Verse 5


رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og
Surah Ad-Dukhan, Verse 6


رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ

Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 7


لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey
Surah Ad-Dukhan, Verse 8


بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ يَلۡعَبُونَ

Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari
Surah Ad-Dukhan, Verse 9


فَٱرۡتَقِبۡ يَوۡمَ تَأۡتِي ٱلسَّمَآءُ بِدُخَانٖ مُّبِينٖ

Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan)
Surah Ad-Dukhan, Verse 10


يَغۡشَى ٱلنَّاسَۖ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٞ

Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran
Surah Ad-Dukhan, Verse 11


رَّبَّنَا ٱكۡشِفۡ عَنَّا ٱلۡعَذَابَ إِنَّا مُؤۡمِنُونَ

Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine
Surah Ad-Dukhan, Verse 12


أَنَّىٰ لَهُمُ ٱلذِّكۡرَىٰ وَقَدۡ جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مُّبِينٞ

Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda»
Surah Ad-Dukhan, Verse 13


ثُمَّ تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَقَالُواْ مُعَلَّمٞ مَّجۡنُونٌ

Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan
Surah Ad-Dukhan, Verse 14


إِنَّا كَاشِفُواْ ٱلۡعَذَابِ قَلِيلًاۚ إِنَّكُمۡ عَآئِدُونَ

Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta
Surah Ad-Dukhan, Verse 15


يَوۡمَ نَبۡطِشُ ٱلۡبَطۡشَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ إِنَّا مُنتَقِمُونَ

Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan
Surah Ad-Dukhan, Verse 16


۞وَلَقَدۡ فَتَنَّا قَبۡلَهُمۡ قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَ وَجَآءَهُمۡ رَسُولٞ كَرِيمٌ

Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh
Surah Ad-Dukhan, Verse 17


أَنۡ أَدُّوٓاْ إِلَيَّ عِبَادَ ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ

Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah
Surah Ad-Dukhan, Verse 18


وَأَن لَّا تَعۡلُواْ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنِّيٓ ءَاتِيكُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ

Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade
Surah Ad-Dukhan, Verse 19


وَإِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُمۡ أَن تَرۡجُمُونِ

Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 20


وَإِن لَّمۡ تُؤۡمِنُواْ لِي فَٱعۡتَزِلُونِ

Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya)
Surah Ad-Dukhan, Verse 21


فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ قَوۡمٞ مُّجۡرِمُونَ

wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah
Surah Ad-Dukhan, Verse 22


فَأَسۡرِ بِعِبَادِي لَيۡلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ

guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye
Surah Ad-Dukhan, Verse 23


وَٱتۡرُكِ ٱلۡبَحۡرَ رَهۡوًاۖ إِنَّهُمۡ جُندٞ مُّغۡرَقُونَ

kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne
Surah Ad-Dukhan, Verse 24


كَمۡ تَرَكُواْ مِن جَنَّـٰتٖ وَعُيُونٖ

imisey ka tageen Beero iyo Ilo
Surah Ad-Dukhan, Verse 25


وَزُرُوعٖ وَمَقَامٖ كَرِيمٖ

iyo Tallaal iyo meel sharaf leh
Surah Ad-Dukhan, Verse 26


وَنَعۡمَةٖ كَانُواْ فِيهَا فَٰكِهِينَ

iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen
Surah Ad-Dukhan, Verse 27


كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ

xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale
Surah Ad-Dukhan, Verse 28


فَمَا بَكَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَا كَانُواْ مُنظَرِينَ

uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin
Surah Ad-Dukhan, Verse 29


وَلَقَدۡ نَجَّيۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ مِنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ

waana ka korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya
Surah Ad-Dukhan, Verse 30


مِن فِرۡعَوۡنَۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَالِيٗا مِّنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ

(Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah
Surah Ad-Dukhan, Verse 31


وَلَقَدِ ٱخۡتَرۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ عِلۡمٍ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ

waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og
Surah Ad-Dukhan, Verse 32


وَءَاتَيۡنَٰهُم مِّنَ ٱلۡأٓيَٰتِ مَا فِيهِ بَلَـٰٓؤٞاْ مُّبِينٌ

waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay
Surah Ad-Dukhan, Verse 33


إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَيَقُولُونَ

kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi
Surah Ad-Dukhan, Verse 34


إِنۡ هِيَ إِلَّا مَوۡتَتُنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُنشَرِينَ

arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin
Surah Ad-Dukhan, Verse 35


فَأۡتُواْ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 36


أَهُمۡ خَيۡرٌ أَمۡ قَوۡمُ تُبَّعٖ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ مُجۡرِمِينَ

maiyagaa khayr roon mise qoomkii Tubac iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal
Surah Ad-Dukhan, Verse 37


وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ

Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar
Surah Ad-Dukhan, Verse 38


مَا خَلَقۡنَٰهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga
Surah Ad-Dukhan, Verse 39


إِنَّ يَوۡمَ ٱلۡفَصۡلِ مِيقَٰتُهُمۡ أَجۡمَعِينَ

maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 40


يَوۡمَ لَا يُغۡنِي مَوۡلًى عَن مَّوۡلٗى شَيۡـٔٗا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ

waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn
Surah Ad-Dukhan, Verse 41


إِلَّا مَن رَّحِمَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waa adkaade naxariistee
Surah Ad-Dukhan, Verse 42


إِنَّ شَجَرَتَ ٱلزَّقُّومِ

Geedka Zaquumka ah
Surah Ad-Dukhan, Verse 43


طَعَامُ ٱلۡأَثِيمِ

waa cunnada dambi badanaha
Surah Ad-Dukhan, Verse 44


كَٱلۡمُهۡلِ يَغۡلِي فِي ٱلۡبُطُونِ

waana Laami oo kale kuna kari Caloosha
Surah Ad-Dukhan, Verse 45


كَغَلۡيِ ٱلۡحَمِيمِ

sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale
Surah Ad-Dukhan, Verse 46


خُذُوهُ فَٱعۡتِلُوهُ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ

(waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda
Surah Ad-Dukhan, Verse 47


ثُمَّ صُبُّواْ فَوۡقَ رَأۡسِهِۦ مِنۡ عَذَابِ ٱلۡحَمِيمِ

markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul
Surah Ad-Dukhan, Verse 48


ذُقۡ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡكَرِيمُ

(waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe
Surah Ad-Dukhan, Verse 49


إِنَّ هَٰذَا مَا كُنتُم بِهِۦ تَمۡتَرُونَ

kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka)
Surah Ad-Dukhan, Verse 50


إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي مَقَامٍ أَمِينٖ

kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah
Surah Ad-Dukhan, Verse 51


فِي جَنَّـٰتٖ وَعُيُونٖ

Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan)
Surah Ad-Dukhan, Verse 52


يَلۡبَسُونَ مِن سُندُسٖ وَإِسۡتَبۡرَقٖ مُّتَقَٰبِلِينَ

waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili
Surah Ad-Dukhan, Verse 53


كَذَٰلِكَ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينٖ

saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn
Surah Ad-Dukhan, Verse 54


يَدۡعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَٰكِهَةٍ ءَامِنِينَ

waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah
Surah Ad-Dukhan, Verse 55


لَا يَذُوقُونَ فِيهَا ٱلۡمَوۡتَ إِلَّا ٱلۡمَوۡتَةَ ٱلۡأُولَىٰۖ وَوَقَىٰهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ

mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo
Surah Ad-Dukhan, Verse 56


فَضۡلٗا مِّن رَّبِّكَۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn
Surah Ad-Dukhan, Verse 57


فَإِنَّمَا يَسَّرۡنَٰهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ

waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan
Surah Ad-Dukhan, Verse 58


فَٱرۡتَقِبۡ إِنَّهُم مُّرۡتَقِبُونَ

ee sug iyaguna way sugiye
Surah Ad-Dukhan, Verse 59


Author: Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


<< Surah 43
>> Surah 45

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai