Surah Al-Jathiya - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
حمٓ
Xaa Miim
Surah Al-Jathiya, Verse 1
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ
Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Allaah, Adkaadaha, Xakiimka
Surah Al-Jathiya, Verse 2
إِنَّ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
Hubaal Waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan xaqiiq calaamooyin mu’miniinta
Surah Al-Jathiya, Verse 3
وَفِي خَلۡقِكُمۡ وَمَا يَبُثُّ مِن دَآبَّةٍ ءَايَٰتٞ لِّقَوۡمٖ يُوقِنُونَ
Iyo abuuristiinnaba iyo waxa uu ku firdhiyo (dhulka) oo nafley socota ah waxaa ugu sugan calaamooyin qolodii wax yaqiinsanaysa
Surah Al-Jathiya, Verse 4
وَٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن رِّزۡقٖ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَا وَتَصۡرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ ءَايَٰتٞ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Allaah ka soo dejiyo daruurta oo risiq ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo isbeddelka dabaylaha waxaa ugu sugan calaamooyin qolo wax fahanta
Surah Al-Jathiya, Verse 5
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتۡلُوهَا عَلَيۡكَ بِٱلۡحَقِّۖ فَبِأَيِّ حَدِيثِۭ بَعۡدَ ٱللَّهِ وَءَايَٰتِهِۦ يُؤۡمِنُونَ
Kuwakani waa Aayadaha Ilaahay oo aan kuugu akhrinno si xaq ah, marka warkee bay bay rumaysanayaan kaddib Allaah iyo Aayadihiisa
Surah Al-Jathiya, Verse 6
وَيۡلٞ لِّكُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٖ
Hoog waxaa leh beenaale kastoo danbiile ah
Surah Al-Jathiya, Verse 7
يَسۡمَعُ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ثُمَّ يُصِرُّ مُسۡتَكۡبِرٗا كَأَن لَّمۡ يَسۡمَعۡهَاۖ فَبَشِّرۡهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٖ
Ee maqla Aayadaha Ilaahay oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan
Surah Al-Jathiya, Verse 8
وَإِذَا عَلِمَ مِنۡ ءَايَٰتِنَا شَيۡـًٔا ٱتَّخَذَهَا هُزُوًاۚ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ
Oo marka uu wax ka ogaado Aayadaha- yaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwan weeye kuwa mudan cadaab dulleysa
Surah Al-Jathiya, Verse 9
مِّن وَرَآئِهِمۡ جَهَنَّمُۖ وَلَا يُغۡنِي عَنۡهُم مَّا كَسَبُواْ شَيۡـٔٗا وَلَا مَا ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡلِيَآءَۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٌ
Waxaa ka dambeysa Naar, oo halkaa wax uma tari doonaan waxna ka mid ah waxa ay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen gacallo Allaah ka sokow, oo waxay mudan cadaab aad u murugo weyn
Surah Al-Jathiya, Verse 10
هَٰذَا هُدٗىۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ لَهُمۡ عَذَابٞ مِّن رِّجۡزٍ أَلِيمٌ
Kani waa hanuun. Oo (ma xagga) kuwa rumeysan diida Aayadaha Rabbigood, wa- xay mudan cadaab xille oo xanuun badan
Surah Al-Jathiya, Verse 11
۞ٱللَّهُ ٱلَّذِي سَخَّرَ لَكُمُ ٱلۡبَحۡرَ لِتَجۡرِيَ ٱلۡفُلۡكُ فِيهِ بِأَمۡرِهِۦ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
Allaah waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, bal inaad mahad naqdaan
Surah Al-Jathiya, Verse 12
وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا مِّنۡهُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
Oo Wuxuu idiin sakhiray wax kastoo ku sugan samooyinka iyo wax kastoo ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal Waxaa kani ugu sugan calaamooyin qolo fekerta
Surah Al-Jathiya, Verse 13
قُل لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ يَغۡفِرُواْ لِلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ أَيَّامَ ٱللَّهِ لِيَجۡزِيَ قَوۡمَۢا بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeysan inay iska3 dhaafaan kuwa aan ka cabsi qabin Ayaamaha Ilaahay4, si uu ugu abaal mariyo qolo waxa ay kasbadeen
Surah Al-Jathiya, Verse 14
مَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ أَسَآءَ فَعَلَيۡهَاۖ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ تُرۡجَعُونَ
Mid kastoo sama fala, naftiisay dan u tahay, oo mid kastoo xumaato fala, iyaday u daran tahay. Markaas waxaa dib la idiinku soo celin doonaa xagga Rabbigiin
Surah Al-Jathiya, Verse 15
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحُكۡمَ وَٱلنُّبُوَّةَ وَرَزَقۡنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَفَضَّلۡنَٰهُمۡ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
Oo xaqiiq Waxaanu siinnay ilmahii Israa’iil Kitaabka iyo Xukunka5 iyo Nabinnimada, oo waxaanu siinnay wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, oo waxaan ka kor marinnay dadkii waqtigoodii
Surah Al-Jathiya, Verse 16
وَءَاتَيۡنَٰهُم بَيِّنَٰتٖ مِّنَ ٱلۡأَمۡرِۖ فَمَا ٱخۡتَلَفُوٓاْ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
Oo Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismase khilaafin kaddib inta uu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Hubaal Rabbigaa waa u kala garsoori doonaa dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafeen
Surah Al-Jathiya, Verse 17
ثُمَّ جَعَلۡنَٰكَ عَلَىٰ شَرِيعَةٖ مِّنَ ٱلۡأَمۡرِ فَٱتَّبِعۡهَا وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ
Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac adigu, oo ha raacin waxa liita ay rabaan kuwa aan wax ogeyn
Surah Al-Jathiya, Verse 18
إِنَّهُمۡ لَن يُغۡنُواْ عَنكَ مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـٔٗاۚ وَإِنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۖ وَٱللَّهُ وَلِيُّ ٱلۡمُتَّقِينَ
Hubaal iyagu waxba kaagama tari doonaan xagga Ilaahay; oo hubaal gar ma qaatayaasha waa isu saaxiibbo qaarba qaarka kale Oo Allaah waa Gargaaraha iyo gacalka kuwa iska jira (xumaha)
Surah Al-Jathiya, Verse 19
هَٰذَا بَصَـٰٓئِرُ لِلنَّاسِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّقَوۡمٖ يُوقِنُونَ
Kuwakani waa u xujooyin cad dadka, oo u ah hanuun iyo naxariis qolo yaqiinsan
Surah Al-Jathiya, Verse 20
أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ ٱجۡتَرَحُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن نَّجۡعَلَهُمۡ كَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ سَوَآءٗ مَّحۡيَاهُمۡ وَمَمَاتُهُمۡۚ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
Mise ma waxay kuwa kasbaday xumaha moodaan inaan la mid dhigi doonno kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo noloshooda6 iyo geeridooda sinnaan doonaan? Xumaa sida ay u wax u xukumaan
Surah Al-Jathiya, Verse 21
وَخَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّ وَلِتُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
Oo Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxa ay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin
Surah Al-Jathiya, Verse 22
أَفَرَءَيۡتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ وَأَضَلَّهُ ٱللَّهُ عَلَىٰ عِلۡمٖ وَخَتَمَ عَلَىٰ سَمۡعِهِۦ وَقَلۡبِهِۦ وَجَعَلَ عَلَىٰ بَصَرِهِۦ غِشَٰوَةٗ فَمَن يَهۡدِيهِ مِنۢ بَعۡدِ ٱللَّهِۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Ee ma u fiirsatay midka ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Allaah u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, oo yeelay caad araggiisa. Yaa haddaba hanuunin kara Allaah kaddib? Ee Mawaydaan waansameyn
Surah Al-Jathiya, Verse 23
وَقَالُواْ مَا هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنۡيَا نَمُوتُ وَنَحۡيَا وَمَا يُهۡلِكُنَآ إِلَّا ٱلدَّهۡرُۚ وَمَا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِنۡ هُمۡ إِلَّا يَظُنُّونَ
Oo waxay yidhaahdaan: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa7 oo dhimannaa oo nama halaagaan waxaan aheyn waayaha. umase laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali
Surah Al-Jathiya, Verse 24
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ مَّا كَانَ حُجَّتَهُمۡ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱئۡتُواْ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddii aad run sheegaysaan
Surah Al-Jathiya, Verse 25
قُلِ ٱللَّهُ يُحۡيِيكُمۡ ثُمَّ يُمِيتُكُمۡ ثُمَّ يَجۡمَعُكُمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا رَيۡبَ فِيهِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
Dheh: Allaah baa idin siiya nolol, haddana sababa inaad dhimataan, haddana wuxuu idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha aan shakiga ku jirin, laakiinse dadka badankiisu ma oga
Surah Al-Jathiya, Verse 26
وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوۡمَئِذٖ يَخۡسَرُ ٱلۡمُبۡطِلُونَ
Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Oo Maalinta ay Saacaddu dhici doonto, Maalintaas bay khasaari doonaan kuwa sheega waxyaalo aan jirin oo been ah
Surah Al-Jathiya, Verse 27
وَتَرَىٰ كُلَّ أُمَّةٖ جَاثِيَةٗۚ كُلُّ أُمَّةٖ تُدۡعَىٰٓ إِلَىٰ كِتَٰبِهَا ٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Oo waxaad arki doontaa ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkeeda; Maanta waxaa la idinku abaal marin waxa aad fasheen
Surah Al-Jathiya, Verse 28
هَٰذَا كِتَٰبُنَا يَنطِقُ عَلَيۡكُم بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّا كُنَّا نَسۡتَنسِخُ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, hubaal Waxaanu qornay waxaad fasheen
Surah Al-Jathiya, Verse 29
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ فَيُدۡخِلُهُمۡ رَبُّهُمۡ فِي رَحۡمَتِهِۦۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡمُبِينُ
Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu ka yeeli doonaa inay galaan Naxariistiisa, arrinkaasi weeye Liibaanta Wayn
Surah Al-Jathiya, Verse 30
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَفَلَمۡ تَكُنۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَٱسۡتَكۡبَرۡتُمۡ وَكُنتُمۡ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ
Ma kuwase gaaloobay: Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo waxaad aheydeen qolo dambiilayaal ah
Surah Al-Jathiya, Verse 31
وَإِذَا قِيلَ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَٱلسَّاعَةُ لَا رَيۡبَ فِيهَا قُلۡتُم مَّا نَدۡرِي مَا ٱلسَّاعَةُ إِن نَّظُنُّ إِلَّا ظَنّٗا وَمَا نَحۡنُ بِمُسۡتَيۡقِنِينَ
Oo marka la yidhaahdo: Hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo xagga Saacadda, shaki kuma jiro waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, oo ma fileyno (inay dhaceyso) inkastoo aan uun maleyno malo (aan xag jirin), oo ma nihin innagu kuwo huba
Surah Al-Jathiya, Verse 32
وَبَدَا لَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
Oo xume wixii ay faleen baa u muuqan doona, oo wixii ay ku jees-jeesi jireen baa koobi doona
Surah Al-Jathiya, Verse 33
وَقِيلَ ٱلۡيَوۡمَ نَنسَىٰكُمۡ كَمَا نَسِيتُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَا وَمَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّـٰصِرِينَ
Oo waxaa la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan, Oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma jirto cid idiin soo gargaari
Surah Al-Jathiya, Verse 34
ذَٰلِكُم بِأَنَّكُمُ ٱتَّخَذۡتُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ هُزُوٗا وَغَرَّتۡكُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَاۚ فَٱلۡيَوۡمَ لَا يُخۡرَجُونَ مِنۡهَا وَلَا هُمۡ يُسۡتَعۡتَبُونَ
(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, oo noloshii adduunka baa idin hodday. marka Maanta lagama soo saari doono halkaa, oo lagama yeeli doono cudur daarasho
Surah Al-Jathiya, Verse 35
فَلِلَّهِ ٱلۡحَمۡدُ رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَرَبِّ ٱلۡأَرۡضِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Ee Allaah baa mudan ammaan idilkeed iyo mahadba, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uunanka
Surah Al-Jathiya, Verse 36
وَلَهُ ٱلۡكِبۡرِيَآءُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
Oo Isagaa iska leh Weynaanta samooyinka iyo arlada gudahooda, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah
Surah Al-Jathiya, Verse 37