Surah Al-Ahzab - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا
Nabiyow ka dhawrso (ka yaab) Eebe hana adeecin Gaalada iyo Munaafiqiinta, Eebana waa oge falsan
Surah Al-Ahzab, Verse 1
وَٱتَّبِعۡ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
Raacna waxa lagaaga waxyoon xagga Eebahaa, Eebana waxaad camal falaysaan waa ogyahay
Surah Al-Ahzab, Verse 2
وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
Talana Saaro Eebe, Eebaana kufilan wakiile
Surah Al-Ahzab, Verse 3
مَّا جَعَلَ ٱللَّهُ لِرَجُلٖ مِّن قَلۡبَيۡنِ فِي جَوۡفِهِۦۚ وَمَا جَعَلَ أَزۡوَٰجَكُمُ ٱلَّـٰٓـِٔي تُظَٰهِرُونَ مِنۡهُنَّ أُمَّهَٰتِكُمۡۚ وَمَا جَعَلَ أَدۡعِيَآءَكُمۡ أَبۡنَآءَكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ قَوۡلُكُم بِأَفۡوَٰهِكُمۡۖ وَٱللَّهُ يَقُولُ ٱلۡحَقَّ وَهُوَ يَهۡدِي ٱلسَّبِيلَ
Mayeelin Eebe Laba qalbi Ruux Laabtiis, mana yeelin Haweenkiina aad dihaaraysaanna (ku dhaaranaysaana) Hooyooyinkiin oo kale, mana yeelin kuwaad sheegateenna Caruurtiinna oo kale, taasi waa hadalka afkiinna uun Eebana wuxuu sheegi xaqa, isagaana ku hanuuniya Jidka (toosan)
Surah Al-Ahzab, Verse 4
ٱدۡعُوهُمۡ لِأٓبَآئِهِمۡ هُوَ أَقۡسَطُ عِندَ ٱللَّهِۚ فَإِن لَّمۡ تَعۡلَمُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ فَإِخۡوَٰنُكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَمَوَٰلِيكُمۡۚ وَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٞ فِيمَآ أَخۡطَأۡتُم بِهِۦ وَلَٰكِن مَّا تَعَمَّدَتۡ قُلُوبُكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمًا
Ugu yeedha kuwaas Aabayaalkood saasaa ku cadaalo badan Eebe agtiise, hadaydaan aqoonin aabayaalkoodna waa walaalihiinna Diinta iyo Sokeeyihiinna, Korkiinana dhib ma saara waxaad ku gaftaan, hasayeeshee waxay u kasto Qulubtiinu (yaa laydin waydiin) Eebana waa dambi dhaafe Naxariista
Surah Al-Ahzab, Verse 5
ٱلنَّبِيُّ أَوۡلَىٰ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡ أَنفُسِهِمۡۖ وَأَزۡوَٰجُهُۥٓ أُمَّهَٰتُهُمۡۗ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ إِلَّآ أَن تَفۡعَلُوٓاْ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِكُم مَّعۡرُوفٗاۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَسۡطُورٗا
Nabigaa uga Roon (Turid badan) Mu'miniinta Naftooda, haweenkiisuna waa Hooyooyinkood, Qaraabaduna iyagaa qarkood qaarka kale kaga Mudan Kitaabka Eebe, Mu'miniinta (kale) iyo Muhaajiriinta, inaad wanaag u fashaan gargaarayaashiina mooyee, Xukunkaasna wuxuu ku Qoran yahay Kitaabka
Surah Al-Ahzab, Verse 6
وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِيثَٰقَهُمۡ وَمِنكَ وَمِن نُّوحٖ وَإِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَۖ وَأَخَذۡنَا مِنۡهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا
«Xusuuso» markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo adiga iyo Nuux, Ibraahim, Muuse iyo Ciise Ibnu Maryam, oo ka qaadnay Ballan adag
Surah Al-Ahzab, Verse 7
لِّيَسۡـَٔلَ ٱلصَّـٰدِقِينَ عَن صِدۡقِهِمۡۚ وَأَعَدَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابًا أَلِيمٗا
si Eebe u warsado kuwa Runlayaasha ah Runtooda, Gaaladana wuxuu u darbay Cadaab daran
Surah Al-Ahzab, Verse 8
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ جَآءَتۡكُمۡ جُنُودٞ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا وَجُنُودٗا لَّمۡ تَرَوۡهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرًا
Kuwa (xaqa) rumeeyow xusuusta Eebe siduu idiinku Nicmeeyey, markay Junuud (Askar) idiin timid markaas oon ku diray Dabayl iyadoy aydaan arkayn, Eebana waxaad Camal falaysaan waa arkaa
Surah Al-Ahzab, Verse 9
إِذۡ جَآءُوكُم مِّن فَوۡقِكُمۡ وَمِنۡ أَسۡفَلَ مِنكُمۡ وَإِذۡ زَاغَتِ ٱلۡأَبۡصَٰرُ وَبَلَغَتِ ٱلۡقُلُوبُ ٱلۡحَنَاجِرَ وَتَظُنُّونَ بِٱللَّهِ ٱلظُّنُونَا۠
xusuusta markay idinkaga yimaadeen Kor iyo hoosba, Indhuhuna lisheen Quluubtuna dhuunta gaadhay Eebana aad u maleyseen malooyin
Surah Al-Ahzab, Verse 10
هُنَالِكَ ٱبۡتُلِيَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَزُلۡزِلُواْ زِلۡزَالٗا شَدِيدٗا
Halkaasaa lagu imtixaamay Mu'miniinta Gilgilid daranna lagu gil gilay
Surah Al-Ahzab, Verse 11
وَإِذۡ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ مَّا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ إِلَّا غُرُورٗا
Markey Munaafiqiintu lahaayeen iyo kuwa Quluubta ka buka Eebe iyo Rasuulkiisu waxaan dhagar ahayn nooma yaboohin
Surah Al-Ahzab, Verse 12
وَإِذۡ قَالَت طَّآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ يَـٰٓأَهۡلَ يَثۡرِبَ لَا مُقَامَ لَكُمۡ فَٱرۡجِعُواْۚ وَيَسۡتَـٔۡذِنُ فَرِيقٞ مِّنۡهُمُ ٱلنَّبِيَّ يَقُولُونَ إِنَّ بُيُوتَنَا عَوۡرَةٞ وَمَا هِيَ بِعَوۡرَةٍۖ إِن يُرِيدُونَ إِلَّا فِرَارٗا
markay qayb ka mid ah lahayd ree Madiinow meel aad kunagaataan (goobta) dagaalka ma jirto, ee noqda (xagga Madiino) koox iyaga ka mid ahna waxay idan warsan nabiga iyagoo dhihi Guryihiibaa naga dayacnaa, mana dayacna ee waxaan carar ahayn ma rabaan
Surah Al-Ahzab, Verse 13
وَلَوۡ دُخِلَتۡ عَلَيۡهِم مِّنۡ أَقۡطَارِهَا ثُمَّ سُئِلُواْ ٱلۡفِتۡنَةَ لَأٓتَوۡهَا وَمَا تَلَبَّثُواْ بِهَآ إِلَّا يَسِيرٗا
Haddii loogu soo galo Magaalada dhan kasto, markaas la warsado Gaalnimo way la imaan lahaayeen, waxaan wax yar ahaynse kuma dhexnagaadeen
Surah Al-Ahzab, Verse 14
وَلَقَدۡ كَانُواْ عَٰهَدُواْ ٱللَّهَ مِن قَبۡلُ لَا يُوَلُّونَ ٱلۡأَدۡبَٰرَۚ وَكَانَ عَهۡدُ ٱللَّهِ مَسۡـُٔولٗا
Horay waxay ugu ballantameen inayan cararin, Ballanka Eebana waa lays warsan
Surah Al-Ahzab, Verse 15
قُل لَّن يَنفَعَكُمُ ٱلۡفِرَارُ إِن فَرَرۡتُم مِّنَ ٱلۡمَوۡتِ أَوِ ٱلۡقَتۡلِ وَإِذٗا لَّا تُمَتَّعُونَ إِلَّا قَلِيلٗا
waxaad dhahdaa carar aad geeri ka carartaan ama dil wax idiinma taro wax yar waxaan ahayna laydiin ku raaxeyn maaayo (adduunka)
Surah Al-Ahzab, Verse 16
قُلۡ مَن ذَا ٱلَّذِي يَعۡصِمُكُم مِّنَ ٱللَّهِ إِنۡ أَرَادَ بِكُمۡ سُوٓءًا أَوۡ أَرَادَ بِكُمۡ رَحۡمَةٗۚ وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
dheh yaa idinka ilaalin Eebe hadduu dhib idiin la doono, ama naxariis, wax Eebe ka soo hadhay oo sokeeya ama gargaare ahna heli meysaan
Surah Al-Ahzab, Verse 17
۞قَدۡ يَعۡلَمُ ٱللَّهُ ٱلۡمُعَوِّقِينَ مِنكُمۡ وَٱلۡقَآئِلِينَ لِإِخۡوَٰنِهِمۡ هَلُمَّ إِلَيۡنَاۖ وَلَا يَأۡتُونَ ٱلۡبَأۡسَ إِلَّا قَلِيلًا
Dhab ahaan yaa Eebe u ogyahay kuwa reebayaalka ah (ku cabsiinta dagaalka) oo idinka mid ah iyo kuwa ku dhaha Walaalahooda (munaafiqiinta ah) noo imaadda Dagaalkana ma tagaan wax yar mooyee
Surah Al-Ahzab, Verse 18
أَشِحَّةً عَلَيۡكُمۡۖ فَإِذَا جَآءَ ٱلۡخَوۡفُ رَأَيۡتَهُمۡ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ تَدُورُ أَعۡيُنُهُمۡ كَٱلَّذِي يُغۡشَىٰ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡمَوۡتِۖ فَإِذَا ذَهَبَ ٱلۡخَوۡفُ سَلَقُوكُم بِأَلۡسِنَةٍ حِدَادٍ أَشِحَّةً عَلَى ٱلۡخَيۡرِۚ أُوْلَـٰٓئِكَ لَمۡ يُؤۡمِنُواْ فَأَحۡبَطَ ٱللَّهُ أَعۡمَٰلَهُمۡۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا
way idinkala bakhayli (wanaaga) marka cabsi timaadna waxaad arki iyagoo ku soo eegi indhahooduna wareegi sida mid Geeri hayso, marka cabsidu tagtana waxay idiinkugu Dhibaan Carrabo afbadan, isagoo idinkala bakhayli khayrka, kuwaasi ma rumeynin (xaqa) waana Hoobiyey Eebe camalkooda arrintaasuna waa u fududahay Eebe
Surah Al-Ahzab, Verse 19
يَحۡسَبُونَ ٱلۡأَحۡزَابَ لَمۡ يَذۡهَبُواْۖ وَإِن يَأۡتِ ٱلۡأَحۡزَابُ يَوَدُّواْ لَوۡ أَنَّهُم بَادُونَ فِي ٱلۡأَعۡرَابِ يَسۡـَٔلُونَ عَنۡ أَنۢبَآئِكُمۡۖ وَلَوۡ كَانُواْ فِيكُم مَّا قَٰتَلُوٓاْ إِلَّا قَلِيلٗا
waxay malayn inayan tagayn Xisbiyadu (colalka) waxayna Jecelyihiin in marka Cololku yimaadaan ay baadiyaha jiraan ay warkiina warsadaan, hadday idiin joogaana ma dagalameen wax yar mooyee
Surah Al-Ahzab, Verse 20
لَّقَدۡ كَانَ لَكُمۡ فِي رَسُولِ ٱللَّهِ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ لِّمَن كَانَ يَرۡجُواْ ٱللَّهَ وَٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَذَكَرَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا
waxaa idinku sugan Rasuulka Eebe Kudayasho wanaagsan, ruuxii rajayn Eebe iyo Maalinta Aakhiro, Eebana xusa in Badan
Surah Al-Ahzab, Verse 21
وَلَمَّا رَءَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلۡأَحۡزَابَ قَالُواْ هَٰذَا مَا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَصَدَقَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥۚ وَمَا زَادَهُمۡ إِلَّآ إِيمَٰنٗا وَتَسۡلِيمٗا
markay Mu'miniintu arkeen Xisbiyadii (colkii) waxay dhaheen kan waa wixii Eebe iyo Rasuulkiisu noogu yabooheen, runbuu sheegay Eebe iyo Rasuulkiisu, waxaan Iimaan iyo Hogaansan ahayna uma siyaadinin
Surah Al-Ahzab, Verse 22
مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ رِجَالٞ صَدَقُواْ مَا عَٰهَدُواْ ٱللَّهَ عَلَيۡهِۖ فَمِنۡهُم مَّن قَضَىٰ نَحۡبَهُۥ وَمِنۡهُم مَّن يَنتَظِرُۖ وَمَا بَدَّلُواْ تَبۡدِيلٗا
Mu;miniinta waxaa ka mid ah Rag ka rumeeyey waxay Eebe kula ballantameen, waxaana ka mid ah mid Gutay Ballankii (Ajashiisii) waxaana ka mid ah mid sugi mana ayna badalin
Surah Al-Ahzab, Verse 23
لِّيَجۡزِيَ ٱللَّهُ ٱلصَّـٰدِقِينَ بِصِدۡقِهِمۡ وَيُعَذِّبَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ إِن شَآءَ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
in Eebe ka abaalmariyo Runlowyaasha Runtooda, oo cadaabana Munaafiqiinta, hadduu doono, ama ka toobad aqbalo, Eebana waa dambidhaaf badane Naxariista
Surah Al-Ahzab, Verse 24
وَرَدَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِغَيۡظِهِمۡ لَمۡ يَنَالُواْ خَيۡرٗاۚ وَكَفَى ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلۡقِتَالَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ قَوِيًّا عَزِيزٗا
Eebe wuxuu ku celiyey kuwii Gaaloobay cadhadoodii, wax khayr ahna mayna gaadhin, Eebaana ka kaafiyey Mu'miniinta Dagaal, Eebana waa xoogbadane adkaada
Surah Al-Ahzab, Verse 25
وَأَنزَلَ ٱلَّذِينَ ظَٰهَرُوهُم مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ مِن صَيَاصِيهِمۡ وَقَذَفَ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلرُّعۡبَ فَرِيقٗا تَقۡتُلُونَ وَتَأۡسِرُونَ فَرِيقٗا
kuwii u kaalmeeyey ehlu Kitaabka ahaana wuxuu ka soo dajiyey (ka soo saaray) Dhufaysyadoodii, wuxuuna ku tuuray Quluubtooda argagax, koox ka mid ah waad dilaysaan, Kooxna waa Qafaalanaysaan
Surah Al-Ahzab, Verse 26
وَأَوۡرَثَكُمۡ أَرۡضَهُمۡ وَدِيَٰرَهُمۡ وَأَمۡوَٰلَهُمۡ وَأَرۡضٗا لَّمۡ تَطَـُٔوهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٗا
wuxuuna idin dhaxalsiiyey Dhulkoodii Guryahoodii iyo xoolahoodii, iyo Dhul aydaan hadda ka hor ku joogsan, Eebana wax kasta (oo uu doono) wuu karaa
Surah Al-Ahzab, Verse 27
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّأَزۡوَٰجِكَ إِن كُنتُنَّ تُرِدۡنَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا وَزِينَتَهَا فَتَعَالَيۡنَ أُمَتِّعۡكُنَّ وَأُسَرِّحۡكُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا
Nabiyow ku dheh Haweenkaaga haddaad tihiin kuwo dooni Nolosha adduunyo iyo Quruxdeeda kaalaya waan idin gacan marin si quruxsanna idiinsiideyne
Surah Al-Ahzab, Verse 28
وَإِن كُنتُنَّ تُرِدۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَ فَإِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلۡمُحۡسِنَٰتِ مِنكُنَّ أَجۡرًا عَظِيمٗا
Haddaadse tihiin kuwo dooni Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Dartii Aakhiro Eebe wuxuu u darbay Haweenka wanaagga fala oo idinka mid ah ajir wayn
Surah Al-Ahzab, Verse 29
يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِيِّ مَن يَأۡتِ مِنكُنَّ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖ يُضَٰعَفۡ لَهَا ٱلۡعَذَابُ ضِعۡفَيۡنِۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا
Haweenka Nabigow tiinii la timaadda xumaan cad waxaa loo laalaabi cadaabka arrintaasna waa u fududahay Eebe
Surah Al-Ahzab, Verse 30
۞وَمَن يَقۡنُتۡ مِنكُنَّ لِلَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا نُّؤۡتِهَآ أَجۡرَهَا مَرَّتَيۡنِ وَأَعۡتَدۡنَا لَهَا رِزۡقٗا كَرِيمٗا
Tiise adeecda Eebe iyo Rasuulkiisa oo camal fiican fasha waxaan siinaynaa Labo ajir, waxaana u darbaynaa Rizqi wanaagsan
Surah Al-Ahzab, Verse 31
يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِيِّ لَسۡتُنَّ كَأَحَدٖ مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِنِ ٱتَّقَيۡتُنَّۚ فَلَا تَخۡضَعۡنَ بِٱلۡقَوۡلِ فَيَطۡمَعَ ٱلَّذِي فِي قَلۡبِهِۦ مَرَضٞ وَقُلۡنَ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا
Haweenka Nabigow ma tihidiin sida Haweenka kale haddaadse dhowrsataan hadalka ha nuglaynina oo uu damco midka qalbiga ka buka, hadal wanaagsanna ku hadla
Surah Al-Ahzab, Verse 32
وَقَرۡنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلَا تَبَرَّجۡنَ تَبَرُّجَ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ ٱلۡأُولَىٰۖ وَأَقِمۡنَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتِينَ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِعۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُذۡهِبَ عَنكُمُ ٱلرِّجۡسَ أَهۡلَ ٱلۡبَيۡتِ وَيُطَهِّرَكُمۡ تَطۡهِيرٗا
kuna sugnaada Guryihiinna, hana u wareegaysanina (idinko isfaydi) sidii jaahiliyadii horraysay, Salaadana ooga, Sakadana biya, Eebe iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebe wuxuu uun dooni inuu xumaanta idinkatagsiiyo (fogeeyo) dambiga, Ehelubaytkow idinna daahiryeelo
Surah Al-Ahzab, Verse 33
وَٱذۡكُرۡنَ مَا يُتۡلَىٰ فِي بُيُوتِكُنَّ مِنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ وَٱلۡحِكۡمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ لَطِيفًا خَبِيرًا
xusuustana waxa lagu akhrin Guryihiin oo aayaadka Eebe ah iyo Sunada (Nabiga), Eebana waa wax walba oge Xeeldheer
Surah Al-Ahzab, Verse 34
إِنَّ ٱلۡمُسۡلِمِينَ وَٱلۡمُسۡلِمَٰتِ وَٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ وَٱلۡقَٰنِتِينَ وَٱلۡقَٰنِتَٰتِ وَٱلصَّـٰدِقِينَ وَٱلصَّـٰدِقَٰتِ وَٱلصَّـٰبِرِينَ وَٱلصَّـٰبِرَٰتِ وَٱلۡخَٰشِعِينَ وَٱلۡخَٰشِعَٰتِ وَٱلۡمُتَصَدِّقِينَ وَٱلۡمُتَصَدِّقَٰتِ وَٱلصَّـٰٓئِمِينَ وَٱلصَّـٰٓئِمَٰتِ وَٱلۡحَٰفِظِينَ فُرُوجَهُمۡ وَٱلۡحَٰفِظَٰتِ وَٱلذَّـٰكِرِينَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا وَٱلذَّـٰكِرَٰتِ أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُم مَّغۡفِرَةٗ وَأَجۡرًا عَظِيمٗا
Raga Muslimiinta ah iyo Haweenka Muslimaadka ah, Ragga Mu'miniinta ah iyo Haweenka Mu'minaadka ah, Ragga Eebe adeeca iyo Haweenka adeeca, Ragga Runlowga ah iyo Haweenka Runlowga ah, Ragga Samra iyo Haweenka Samra, Ragga u khushuuca Eebe iyo Haweenka u kushuuca, Ragga Sadaqaysta iyo Haweenka Sadaqaysta, Ragga Sooma iyo Haweenka Sooma, Ragga isdhawra iyo Haweenka isdhawra, iyo Ragga imbadan Eebe xusa iyo Haweenka inbadan xusa, wuxuu Eebe u darbay Dambi dhaaf iyo ajir weyn
Surah Al-Ahzab, Verse 35
وَمَا كَانَ لِمُؤۡمِنٖ وَلَا مُؤۡمِنَةٍ إِذَا قَضَى ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ أَمۡرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ ٱلۡخِيَرَةُ مِنۡ أَمۡرِهِمۡۗ وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلٗا مُّبِينٗا
kuma haboona (umana banaana) nin Mu'min ah iyo Haweenay Mu'minad ah Marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid Cad
Surah Al-Ahzab, Verse 36
وَإِذۡ تَقُولُ لِلَّذِيٓ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَأَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِ أَمۡسِكۡ عَلَيۡكَ زَوۡجَكَ وَٱتَّقِ ٱللَّهَ وَتُخۡفِي فِي نَفۡسِكَ مَا ٱللَّهُ مُبۡدِيهِ وَتَخۡشَى ٱلنَّاسَ وَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخۡشَىٰهُۖ فَلَمَّا قَضَىٰ زَيۡدٞ مِّنۡهَا وَطَرٗا زَوَّجۡنَٰكَهَا لِكَيۡ لَا يَكُونَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ حَرَجٞ فِيٓ أَزۡوَٰجِ أَدۡعِيَآئِهِمۡ إِذَا قَضَوۡاْ مِنۡهُنَّ وَطَرٗاۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولٗا
(xuxuuso) markaad ku lahayd kuu Eebe u Nicmeeyey, adna aad u nicmaysay (Zayd BinuXaarithah) hayso Haweenaydaada Eebana ka yaab, Naftaadana aad ku Qarinaysay wax Eebe Muujin, ood kana cabsanaysid Dadka (xishoonaysid) Eebaana u muta in laga cabsado (lagana xishoodo) markuu Zayd dantiisii ka dhamaaystayna (isfureenna) aan kuu guurinay si ayan wax dhib ah u ahaanin Mu'miniinta (hadday guursadaan) Haweenka ay fureen kuway Wiilal ka dhigteen (iyagoo dhalin) amarka Eebana waa kii la Fuliyo
Surah Al-Ahzab, Verse 37
مَّا كَانَ عَلَى ٱلنَّبِيِّ مِنۡ حَرَجٖ فِيمَا فَرَضَ ٱللَّهُ لَهُۥۖ سُنَّةَ ٱللَّهِ فِي ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلُۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ قَدَرٗا مَّقۡدُورًا
Nabiga korkiisa dhib ma aha waxa Eebe u Banneeyey, waana Jidkii Eebe ee Dadkii tagay ee hore amarka Eebana waa qadar Xukuman
Surah Al-Ahzab, Verse 38
ٱلَّذِينَ يُبَلِّغُونَ رِسَٰلَٰتِ ٱللَّهِ وَيَخۡشَوۡنَهُۥ وَلَا يَخۡشَوۡنَ أَحَدًا إِلَّا ٱللَّهَۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا
(waxaa amaan mudan) kuwa gaadhsiiya (Dadka) Fariimaha Eebe kana cabsada Eebe, oon kana cabsan Axad ka soo hadhay, Eebaana ku filan, Xisaabiye (Kaalmayn)
Surah Al-Ahzab, Verse 39
مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَآ أَحَدٖ مِّن رِّجَالِكُمۡ وَلَٰكِن رَّسُولَ ٱللَّهِ وَخَاتَمَ ٱلنَّبِيِّـۧنَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا
ma aha (Nabiga) Muxamad ah aabaha Ruux ragiina ka mid ah, laakiin waa Rasuulkii Eebe iyo Khatimidii Nabiyada, Eebana wax walba waa ogyahay
Surah Al-Ahzab, Verse 40
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ ذِكۡرٗا كَثِيرٗا
kuwa xaqa rumeeyow xusa Eebe wax badan
Surah Al-Ahzab, Verse 41
وَسَبِّحُوهُ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلًا
weyneeyana Aroortii iyo Galabtii
Surah Al-Ahzab, Verse 42
هُوَ ٱلَّذِي يُصَلِّي عَلَيۡكُمۡ وَمَلَـٰٓئِكَتُهُۥ لِيُخۡرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَكَانَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ رَحِيمٗا
Eebana waa kan idiin naxariista Malaa'igtiisuna idiin ducayso, si uu idiin ka bixiyo Nuurka, waana kan u Naxariista Mu'miniinta
Surah Al-Ahzab, Verse 43
تَحِيَّتُهُمۡ يَوۡمَ يَلۡقَوۡنَهُۥ سَلَٰمٞۚ وَأَعَدَّ لَهُمۡ أَجۡرٗا كَرِيمٗا
Bariidadoodu Maalintay Eebe la kulmi waa Salaan wuxuuna u darbay ajir weyn
Surah Al-Ahzab, Verse 44
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا
Nabiyow waxaanu ku dirray adoo marag ah, oo bishaarayn oo digi
Surah Al-Ahzab, Verse 45
وَدَاعِيًا إِلَى ٱللَّهِ بِإِذۡنِهِۦ وَسِرَاجٗا مُّنِيرٗا
oo Dadka Eebe ugu yeedhi Idankiisa, oo siraad ifi ah
Surah Al-Ahzab, Verse 46
وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ بِأَنَّ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ فَضۡلٗا كَبِيرٗا
ee u bishaaree Mu'miniinta inay xaga Eebe ku leeyihiin fadli (dheeraad) weyn
Surah Al-Ahzab, Verse 47
وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَدَعۡ أَذَىٰهُمۡ وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
hana, adeecin Gaalada iyo Munaafiqiinta, dhibkooda iska gudub (hana u aabayeelin) Eebana talo Saaro isagaa ku filan wakiile
Surah Al-Ahzab, Verse 48
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَكَحۡتُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ طَلَّقۡتُمُوهُنَّ مِن قَبۡلِ أَن تَمَسُّوهُنَّ فَمَا لَكُمۡ عَلَيۡهِنَّ مِنۡ عِدَّةٖ تَعۡتَدُّونَهَاۖ فَمَتِّعُوهُنَّ وَسَرِّحُوهُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا
Kuwa (xaqa) rumeeyow hadaad guursataan Haween Mu'minaad ah markaas aad furtaan taabasho horteed, wax cidda ah kuma lihidin korkooda oy tirsan, ee gacan mariya una siidaaya si quruxsan
Surah Al-Ahzab, Verse 49
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَحۡلَلۡنَا لَكَ أَزۡوَٰجَكَ ٱلَّـٰتِيٓ ءَاتَيۡتَ أُجُورَهُنَّ وَمَا مَلَكَتۡ يَمِينُكَ مِمَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَيۡكَ وَبَنَاتِ عَمِّكَ وَبَنَاتِ عَمَّـٰتِكَ وَبَنَاتِ خَالِكَ وَبَنَاتِ خَٰلَٰتِكَ ٱلَّـٰتِي هَاجَرۡنَ مَعَكَ وَٱمۡرَأَةٗ مُّؤۡمِنَةً إِن وَهَبَتۡ نَفۡسَهَا لِلنَّبِيِّ إِنۡ أَرَادَ ٱلنَّبِيُّ أَن يَسۡتَنكِحَهَا خَالِصَةٗ لَّكَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۗ قَدۡ عَلِمۡنَا مَا فَرَضۡنَا عَلَيۡهِمۡ فِيٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ وَمَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ لِكَيۡلَا يَكُونَ عَلَيۡكَ حَرَجٞۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Nabiyow waxaan kuu banaynay Haweenkaaga aad siisay meherkoodii iyo waxaad hanatay (Xagga gaalada) oo Eebe kugu soo celiyey, iyo Gabdhaha Adeerkaa, Gabdhaha Eedadaa, Gabdhaha Abtiyadaa, Gabdhaha Habaryarahaa oo kula soo hijrooday, iyo Haweenay Mu'minaad ah hadday Nafteeda Nabi u hibayso, hadduu doono inuu guursado Nabigu, iyadoo gaar kuga tahay Mu'miniinta ka sokow, waan ognahay waxaan ku faralyeelay Mu'miniinta xagga Haweenkooda, iyo waxa gacantoodu hanato, sii aan korkaaga dhib u ahaan, Eebana waa dambi dhaafe Naxariista
Surah Al-Ahzab, Verse 50
۞تُرۡجِي مَن تَشَآءُ مِنۡهُنَّ وَتُـٔۡوِيٓ إِلَيۡكَ مَن تَشَآءُۖ وَمَنِ ٱبۡتَغَيۡتَ مِمَّنۡ عَزَلۡتَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكَۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن تَقَرَّ أَعۡيُنُهُنَّ وَلَا يَحۡزَنَّ وَيَرۡضَيۡنَ بِمَآ ءَاتَيۡتَهُنَّ كُلُّهُنَّۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا فِي قُلُوبِكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَلِيمٗا
Waad dib dhigi taad doonto, waadna soo dhaweyn taad doonto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay dhibna korkaaga ma aha. saasaana u dhaw inay indhahoodu qabowsadaan ooyan murugoon oy raali ku noqdaan waxaad siisay dhamaantood, Eebana waa ogyahay waxa Quluubtiina kuy sugan, Eebana waa oge Dulqaad leh
Surah Al-Ahzab, Verse 51
لَّا يَحِلُّ لَكَ ٱلنِّسَآءُ مِنۢ بَعۡدُ وَلَآ أَن تَبَدَّلَ بِهِنَّ مِنۡ أَزۡوَٰجٖ وَلَوۡ أَعۡجَبَكَ حُسۡنُهُنَّ إِلَّا مَا مَلَكَتۡ يَمِينُكَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ رَّقِيبٗا
kuuma banaana Nabiyow Haweenka (kale) mar dambe iyo inaad Haween kale ku badasho si kasta ood ula yaabto Quruxdooda waxaad hanato mooyee (oo Gaalo laga helo) Eebana wax walba waa ilaaliye
Surah Al-Ahzab, Verse 52
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَدۡخُلُواْ بُيُوتَ ٱلنَّبِيِّ إِلَّآ أَن يُؤۡذَنَ لَكُمۡ إِلَىٰ طَعَامٍ غَيۡرَ نَٰظِرِينَ إِنَىٰهُ وَلَٰكِنۡ إِذَا دُعِيتُمۡ فَٱدۡخُلُواْ فَإِذَا طَعِمۡتُمۡ فَٱنتَشِرُواْ وَلَا مُسۡتَـٔۡنِسِينَ لِحَدِيثٍۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ يُؤۡذِي ٱلنَّبِيَّ فَيَسۡتَحۡيِۦ مِنكُمۡۖ وَٱللَّهُ لَا يَسۡتَحۡيِۦ مِنَ ٱلۡحَقِّۚ وَإِذَا سَأَلۡتُمُوهُنَّ مَتَٰعٗا فَسۡـَٔلُوهُنَّ مِن وَرَآءِ حِجَابٖۚ ذَٰلِكُمۡ أَطۡهَرُ لِقُلُوبِكُمۡ وَقُلُوبِهِنَّۚ وَمَا كَانَ لَكُمۡ أَن تُؤۡذُواْ رَسُولَ ٱللَّهِ وَلَآ أَن تَنكِحُوٓاْ أَزۡوَٰجَهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦٓ أَبَدًاۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمًا
kuwa (xaqa) rumeeyow ha galina Guryaha Nabiga in cunno leydiinku Idmo (yeedho) mooyee idinkoon sugayn Bislaadkiisa, hasayeeshee marka laydiin yeedho gala, markaad cuntaanaa socda hanasugina sheeko, Illeen taasi waxay dhibi Nabigee wuuna idinka xishoone Eebese xaqa kama xishoodo, haddaad wax warsataan Haweenka (Nabigana) ka warsada Xijaab gadaashiis. saasaa u daahirnimo badan (ufiican) Quluubtiina iyo Quluubtoodaba, xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Eebe ama aad Guursataan Haweenkiisa Gadaashiis waligeed, arrintaasuna way ku wayn tahay Eebe agtiisa
Surah Al-Ahzab, Verse 53
إِن تُبۡدُواْ شَيۡـًٔا أَوۡ تُخۡفُوهُ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا
Haddaad muujisaan wax ama qarisaan Eebe waa wax kaste oge
Surah Al-Ahzab, Verse 54
لَّا جُنَاحَ عَلَيۡهِنَّ فِيٓ ءَابَآئِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآئِهِنَّ وَلَآ إِخۡوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآءِ إِخۡوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآءِ أَخَوَٰتِهِنَّ وَلَا نِسَآئِهِنَّ وَلَا مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُنَّۗ وَٱتَّقِينَ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدًا
Korkooda (Haweenka) dhib kama Saarra Aabayaalkood, Wiilashooda, Walaalahood, Wiilasha Walaalahood, Wiilasha Walaashood, Haweenkooda (Mu'miniinta ah) iyo waxay hanatay Gacmahoodu, kana dhawrasada Eebe, Eebe wax kaste wuxuu u yahay Marage
Surah Al-Ahzab, Verse 55
إِنَّ ٱللَّهَ وَمَلَـٰٓئِكَتَهُۥ يُصَلُّونَ عَلَى ٱلنَّبِيِّۚ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ صَلُّواْ عَلَيۡهِ وَسَلِّمُواْ تَسۡلِيمًا
Eebe iyo Malaa'igtiisu waxay ku sallin (amaani) Nabiga, ee kuwa (xaqa) rumeeyow ku Salliya korkiisa oo salaama Salaan
Surah Al-Ahzab, Verse 56
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمۡ عَذَابٗا مُّهِينٗا
kuwa dhiba Eebe iyo Rasuulkiisa wuu lacnaday Eebe Adduun iyo Aakhiroba, wuxuuna u darbay cadaab wax dulleeya
Surah Al-Ahzab, Verse 57
وَٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ بِغَيۡرِ مَا ٱكۡتَسَبُواْ فَقَدِ ٱحۡتَمَلُواْ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا
Kuwa ku dhiba Mu'miniita Rag iyo Haweenba waxayan kasbanin waxay xambaarteen Been abuurasho iyo Dambi cad
Surah Al-Ahzab, Verse 58
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّأَزۡوَٰجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَآءِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ يُدۡنِينَ عَلَيۡهِنَّ مِن جَلَٰبِيبِهِنَّۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن يُعۡرَفۡنَ فَلَا يُؤۡذَيۡنَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Nabiyow ku dheh Haweenkaaga iyo Gabdhahaada iyo Haweenka Mu'miniinta isku dada Shukadiinna, taasaa idiinku dhaw in laydin aqoonsado oon laydin dhibine, Eebana waa dambi dhaafe Naxariista ah
Surah Al-Ahzab, Verse 59
۞لَّئِن لَّمۡ يَنتَهِ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ وَٱلۡمُرۡجِفُونَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ لَنُغۡرِيَنَّكَ بِهِمۡ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَآ إِلَّا قَلِيلٗا
haddayna ka joogin Munaafiqiintu iyo kuwa qalbiga ka buka iyo kuwa Gilgili (Beenta ku faafin) madiino waanu kugu diri kulamana Darsayaan wax yar mooyee
Surah Al-Ahzab, Verse 60
مَّلۡعُونِينَۖ أَيۡنَمَا ثُقِفُوٓاْ أُخِذُواْ وَقُتِّلُواْ تَقۡتِيلٗا
Waana la lacnaday meelkastooy joogaanba hana la qabto oo la diloDilmo
Surah Al-Ahzab, Verse 61
سُنَّةَ ٱللَّهِ فِي ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلُۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗا
waana sunadii Eebe dadkii horee tagay wax badalina uma heshid Sunada Eebe
Surah Al-Ahzab, Verse 62
يَسۡـَٔلُكَ ٱلنَّاسُ عَنِ ٱلسَّاعَةِۖ قُلۡ إِنَّمَا عِلۡمُهَا عِندَ ٱللَّهِۚ وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ تَكُونُ قَرِيبًا
Dadku waxay warsan Nabiyow Saacadda (Qiyaame) waxaad dhahdaa Cilmigeedu wuxuu jiraa Eebe agtiis, miyaadse ogtahay inay suuroowdo inay Saacaddu dhawdahay
Surah Al-Ahzab, Verse 63
إِنَّ ٱللَّهَ لَعَنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَأَعَدَّ لَهُمۡ سَعِيرًا
Eebe wuxuu Lacnaday Gaalada wuxuuna u darbay (Naarta) Saciiro
Surah Al-Ahzab, Verse 64
خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ لَّا يَجِدُونَ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
Iyagoo ku waari dhexdeeda waligood oon helaynna Sokeeye iyo gargaare midna
Surah Al-Ahzab, Verse 65
يَوۡمَ تُقَلَّبُ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ يَقُولُونَ يَٰلَيۡتَنَآ أَطَعۡنَا ٱللَّهَ وَأَطَعۡنَا ٱلرَّسُولَا۠
Maalinta lagu gagadin Wajigooda Naarta waxay dhihi waan halaagsanaye haddaan Adeecno Eebe oon Adeecno Rasuulkii
Surah Al-Ahzab, Verse 66
وَقَالُواْ رَبَّنَآ إِنَّآ أَطَعۡنَا سَادَتَنَا وَكُبَرَآءَنَا فَأَضَلُّونَا ٱلسَّبِيلَا۠
Waxayna dhihi Eebow waxaan Adeecnay Madaxdannadii iyo kuwii noowaaweynaa waxayna naga dhumiyeen Jidkii
Surah Al-Ahzab, Verse 67
رَبَّنَآ ءَاتِهِمۡ ضِعۡفَيۡنِ مِنَ ٱلۡعَذَابِ وَٱلۡعَنۡهُمۡ لَعۡنٗا كَبِيرٗا
Ee Eebow Sii kuwaas Laban laab Cadaab Lacanadwayna Lacnad
Surah Al-Ahzab, Verse 68
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ ءَاذَوۡاْ مُوسَىٰ فَبَرَّأَهُ ٱللَّهُ مِمَّا قَالُواْۚ وَكَانَ عِندَ ٱللَّهِ وَجِيهٗا
Kuwa (xaqa) rumeeyow hanoqonina sidii kuwii dhibay (Nabi) Muuse oo Eebe ka bariyeelay waxay (ku) sheegan, Eebe agtiisana wuxuu ku leeyahay Waji (Sharaf)
Surah Al-Ahzab, Verse 69
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدٗا
kuwa (xaqa) rumeeyoow ka dhawrsada Eebe hadal toosanna ku hadla
Surah Al-Ahzab, Verse 70
يُصۡلِحۡ لَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ فَازَ فَوۡزًا عَظِيمًا
Haydiin wanaajiyo Camalkiinna hana idiin dhaafo Dambigiinee, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu u liibaanay dhab ahaan Liibaan weyn
Surah Al-Ahzab, Verse 71
إِنَّا عَرَضۡنَا ٱلۡأَمَانَةَ عَلَى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱلۡجِبَالِ فَأَبَيۡنَ أَن يَحۡمِلۡنَهَا وَأَشۡفَقۡنَ مِنۡهَا وَحَمَلَهَا ٱلۡإِنسَٰنُۖ إِنَّهُۥ كَانَ ظَلُومٗا جَهُولٗا
Annagaa u bandhignay Amaanadda (Cibaadada) Samooyinka, Dhulka iyo Buuraha wayna diideen inay Xambaaraan wayna ka Cabsadeen xaggeeda, waxaase xambaaray Dadka wuxuuna noqday Dulmi badane Jahli badan
Surah Al-Ahzab, Verse 72
لِّيُعَذِّبَ ٱللَّهُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ وَيَتُوبَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمَۢا
Si Eebe u cadaabo Munaafiqiinta Rag iyo Haweenba iyo Mushrikiinta (Gaalada) Rag iyo Haweenba, uu kana toobad aqbalo Mu'miniita Rag iyo Haweenba, Eebana waa dambidhaafe Naxariista
Surah Al-Ahzab, Verse 73