Surah An-Nisa Verse 102 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Nisaوَإِذَا كُنتَ فِيهِمۡ فَأَقَمۡتَ لَهُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَلۡتَقُمۡ طَآئِفَةٞ مِّنۡهُم مَّعَكَ وَلۡيَأۡخُذُوٓاْ أَسۡلِحَتَهُمۡۖ فَإِذَا سَجَدُواْ فَلۡيَكُونُواْ مِن وَرَآئِكُمۡ وَلۡتَأۡتِ طَآئِفَةٌ أُخۡرَىٰ لَمۡ يُصَلُّواْ فَلۡيُصَلُّواْ مَعَكَ وَلۡيَأۡخُذُواْ حِذۡرَهُمۡ وَأَسۡلِحَتَهُمۡۗ وَدَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ تَغۡفُلُونَ عَنۡ أَسۡلِحَتِكُمۡ وَأَمۡتِعَتِكُمۡ فَيَمِيلُونَ عَلَيۡكُم مَّيۡلَةٗ وَٰحِدَةٗۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ إِن كَانَ بِكُمۡ أَذٗى مِّن مَّطَرٍ أَوۡ كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَن تَضَعُوٓاْ أَسۡلِحَتَكُمۡۖ وَخُذُواْ حِذۡرَكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا
Oo markaad dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, oo ha qaataan hubabkooda, oo markay sujuudaan ha aadaan gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay oo ha kula tukadaan, oo ha qaataan digtoonidooda iyo hubabkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubabkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah), oo ma aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubabkiinna, oo qaata digtoonidiinna. Hubaal, Allaah wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa