Surah An-Nisa - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمُ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ وَخَلَقَ مِنۡهَا زَوۡجَهَا وَبَثَّ مِنۡهُمَا رِجَالٗا كَثِيرٗا وَنِسَآءٗۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِي تَسَآءَلُونَ بِهِۦ وَٱلۡأَرۡحَامَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَيۡكُمۡ رَقِيبٗا
Dadoow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Rabbigiin, Ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray isla waxaa (carrada) lammaankeeda la (nooca) ah (Xaawo), oo ka baahshay labadani rag tiro badan iyo haweenba; oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), oo (dhowra xaqa) qaraabada1. Hubaal Allaah waa idin dhugtaa dhugasho joogto ah
Surah An-Nisa, Verse 1
وَءَاتُواْ ٱلۡيَتَٰمَىٰٓ أَمۡوَٰلَهُمۡۖ وَلَا تَتَبَدَّلُواْ ٱلۡخَبِيثَ بِٱلطَّيِّبِۖ وَلَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَهُمۡ إِلَىٰٓ أَمۡوَٰلِكُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ حُوبٗا كَبِيرٗا
Oo siiya agoomaha maalkooda, oo ha kaga beddelannina (waxyaalo) aan qiimo lahayn waxooda wanaagsan; oo ha ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Tani hubaal waa dambi aad u weyn
Surah An-Nisa, Verse 2
وَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا تُقۡسِطُواْ فِي ٱلۡيَتَٰمَىٰ فَٱنكِحُواْ مَا طَابَ لَكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ مَثۡنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَۖ فَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا تَعۡدِلُواْ فَوَٰحِدَةً أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَلَّا تَعُولُواْ
Oo haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmi karin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo iyo saddex iyo afarba haddiise aad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmi doonin si caddaalad ah2 markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya3 ama waxay gacmahiinnu midig hantaan4. Tan baa u dhow, inaydaan gardarro falin
Surah An-Nisa, Verse 3
وَءَاتُواْ ٱلنِّسَآءَ صَدُقَٰتِهِنَّ نِحۡلَةٗۚ فَإِن طِبۡنَ لَكُمۡ عَن شَيۡءٖ مِّنۡهُ نَفۡسٗا فَكُلُوهُ هَنِيٓـٔٗا مَّرِيٓـٔٗا
Oo siiya haweenka meherradooda siismo ay u xor yihiin, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherkaa), markaa ku qaata si raalli ah iyo dhib la’aan
Surah An-Nisa, Verse 4
وَلَا تُؤۡتُواْ ٱلسُّفَهَآءَ أَمۡوَٰلَكُمُ ٱلَّتِي جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمۡ قِيَٰمٗا وَٱرۡزُقُوهُمۡ فِيهَا وَٱكۡسُوهُمۡ وَقُولُواْ لَهُمۡ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا
Oo ha siinnina maalkiinna uu Allaah idiinka dhigay wax aad ku dhaqan tihiin makasta5, kase quudiya (faa’idooyinka ka soo baxa) oo uga arrad tira, oo kula hadla hadal wanaagsan oo daacad ah
Surah An-Nisa, Verse 5
وَٱبۡتَلُواْ ٱلۡيَتَٰمَىٰ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغُواْ ٱلنِّكَاحَ فَإِنۡ ءَانَسۡتُم مِّنۡهُمۡ رُشۡدٗا فَٱدۡفَعُوٓاْ إِلَيۡهِمۡ أَمۡوَٰلَهُمۡۖ وَلَا تَأۡكُلُوهَآ إِسۡرَافٗا وَبِدَارًا أَن يَكۡبَرُواْۚ وَمَن كَانَ غَنِيّٗا فَلۡيَسۡتَعۡفِفۡۖ وَمَن كَانَ فَقِيرٗا فَلۡيَأۡكُلۡ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ فَإِذَا دَفَعۡتُمۡ إِلَيۡهِمۡ أَمۡوَٰلَهُمۡ فَأَشۡهِدُواْ عَلَيۡهِمۡۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا
Oo imtixaama agoomaha ilaa ay ka gaaraan guur gal; markaa haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, oo ha u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, oo qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, oo qofkii fiqiir ah, ha cuno si la garwaaqsan karo. ee markaad u dhiibeysaan maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; oo Allaah ku filan inuu ahaado xisaabiye
Surah An-Nisa, Verse 6
لِّلرِّجَالِ نَصِيبٞ مِّمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٞ مِّمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَ مِمَّا قَلَّ مِنۡهُ أَوۡ كَثُرَۚ نَصِيبٗا مَّفۡرُوضٗا
Ragga waxay qayb ku leeyihiin waxa ay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan. Oo haweenka waxay qayb ku leeyihiin waxa ay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan. ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad
Surah An-Nisa, Verse 7
وَإِذَا حَضَرَ ٱلۡقِسۡمَةَ أُوْلُواْ ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينُ فَٱرۡزُقُوهُم مِّنۡهُ وَقُولُواْ لَهُمۡ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا
Oo hadday joogaan qaybta qaraabo, iyo agoomo iyo masaakiin (aan dhaxalka wax ku lahayn) wax ka siiya6, oo kula hadla hadal san oo naxiiriis leh
Surah An-Nisa, Verse 8
وَلۡيَخۡشَ ٱلَّذِينَ لَوۡ تَرَكُواْ مِنۡ خَلۡفِهِمۡ ذُرِّيَّةٗ ضِعَٰفًا خَافُواْ عَلَيۡهِمۡ فَلۡيَتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلۡيَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدًا
Oo ha u baqaan (sida ay tooda ugu baqi lahaayeen) kuwaa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan. Ee ha dhowraan (xilka uu saaray) Allaah oo ha ku hadlaan hadal toosan oo abbaar ah
Surah An-Nisa, Verse 9
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَأۡكُلُونَ أَمۡوَٰلَ ٱلۡيَتَٰمَىٰ ظُلۡمًا إِنَّمَا يَأۡكُلُونَ فِي بُطُونِهِمۡ نَارٗاۖ وَسَيَصۡلَوۡنَ سَعِيرٗا
(Ma) kuwa ku cuna maalka agoomaha xaq darro, hubaal waxay uun ku cunayaan caloolahooda dab, oo waxay gali doonaan dab huraya
Surah An-Nisa, Verse 10
يُوصِيكُمُ ٱللَّهُ فِيٓ أَوۡلَٰدِكُمۡۖ لِلذَّكَرِ مِثۡلُ حَظِّ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۚ فَإِن كُنَّ نِسَآءٗ فَوۡقَ ٱثۡنَتَيۡنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَۖ وَإِن كَانَتۡ وَٰحِدَةٗ فَلَهَا ٱلنِّصۡفُۚ وَلِأَبَوَيۡهِ لِكُلِّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا ٱلسُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُۥ وَلَدٞۚ فَإِن لَّمۡ يَكُن لَّهُۥ وَلَدٞ وَوَرِثَهُۥٓ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ ٱلثُّلُثُۚ فَإِن كَانَ لَهُۥٓ إِخۡوَةٞ فَلِأُمِّهِ ٱلسُّدُسُۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصِي بِهَآ أَوۡ دَيۡنٍۗ ءَابَآؤُكُمۡ وَأَبۡنَآؤُكُمۡ لَا تَدۡرُونَ أَيُّهُمۡ أَقۡرَبُ لَكُمۡ نَفۡعٗاۚ فَرِيضَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا
Allaah wuxuu go’aamiyey (sama fal) xagga carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig7; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel waxa uu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; oo haddii ay tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Oo ma xagga labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanu lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadii waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa uu ka dardaaramay8 ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Tani waa faral uu dhigay Allaah9. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 11
۞وَلَكُمۡ نِصۡفُ مَا تَرَكَ أَزۡوَٰجُكُمۡ إِن لَّمۡ يَكُن لَّهُنَّ وَلَدٞۚ فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٞ فَلَكُمُ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكۡنَۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصِينَ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٖۚ وَلَهُنَّ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكۡتُمۡ إِن لَّمۡ يَكُن لَّكُمۡ وَلَدٞۚ فَإِن كَانَ لَكُمۡ وَلَدٞ فَلَهُنَّ ٱلثُّمُنُ مِمَّا تَرَكۡتُمۚ مِّنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ تُوصُونَ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٖۗ وَإِن كَانَ رَجُلٞ يُورَثُ كَلَٰلَةً أَوِ ٱمۡرَأَةٞ وَلَهُۥٓ أَخٌ أَوۡ أُخۡتٞ فَلِكُلِّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا ٱلسُّدُسُۚ فَإِن كَانُوٓاْ أَكۡثَرَ مِن ذَٰلِكَ فَهُمۡ شُرَكَآءُ فِي ٱلثُّلُثِۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصَىٰ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٍ غَيۡرَ مُضَآرّٖۚ وَصِيَّةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَلِيمٞ
Oo waxaad leedihiin kala bar oo bar waxa ay ka tagaan afooyinkiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meelood oo meel waxa ay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa ay ka dardaarmeen ama deyn. Oo iyagu (afooyinkiinna) saamigooda dhaxalka waa afar meelood oo meel waxa aad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meelood oo meel waxa aad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa aad ka dardaaranteen ama deyn. Oo hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo labada ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi doonaan saddex meelood oo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn10. Tani waa Amar ka yimid Ilaahay, oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Dul-badan
Surah An-Nisa, Verse 12
تِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۚ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدۡخِلۡهُ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
Kuwakani waa xuduudaha Ilaahay, oo qofkii adeecaa Allaah iyo Rasuulkiisa wuxuu gelin doonaa beero ay qulqulaan hoostoodu webiyo, oo ay ku dhex waarayaan; oo tan weeye liibaanta weyn
Surah An-Nisa, Verse 13
وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَتَعَدَّ حُدُودَهُۥ يُدۡخِلۡهُ نَارًا خَٰلِدٗا فِيهَا وَلَهُۥ عَذَابٞ مُّهِينٞ
Oo qofkii ku caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin doonaa Naar isagoo ku dhex waaraya; oo wuxuu mudan cadaab dulleysa
Surah An-Nisa, Verse 14
وَٱلَّـٰتِي يَأۡتِينَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مِن نِّسَآئِكُمۡ فَٱسۡتَشۡهِدُواْ عَلَيۡهِنَّ أَرۡبَعَةٗ مِّنكُمۡۖ فَإِن شَهِدُواْ فَأَمۡسِكُوهُنَّ فِي ٱلۡبُيُوتِ حَتَّىٰ يَتَوَفَّىٰهُنَّ ٱلۡمَوۡتُ أَوۡ يَجۡعَلَ ٱللَّهُ لَهُنَّ سَبِيلٗا
Oo ma xagga kuwa la yimaada anshax xumo oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, ee haddii ay marag furaan11, markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Allaah u jid yeelo
Surah An-Nisa, Verse 15
وَٱلَّذَانِ يَأۡتِيَٰنِهَا مِنكُمۡ فَـَٔاذُوهُمَاۖ فَإِن تَابَا وَأَصۡلَحَا فَأَعۡرِضُواْ عَنۡهُمَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ تَوَّابٗا رَّحِيمًا
Oo ma xagga labadii la yimaada anshax xumo13 ee idinka mid ah ciqaaba labadoodaba. Haddaba hadday toobad keenaan oo wanaagsanadaan ka jeesada xaggooda. Hubaal, Allaah waa mid u soo noqod badan(naxariista), Naxariis Badan
Surah An-Nisa, Verse 16
إِنَّمَا ٱلتَّوۡبَةُ عَلَى ٱللَّهِ لِلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ يَتُوبُونَ مِن قَرِيبٖ فَأُوْلَـٰٓئِكَ يَتُوبُ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
Allaah sideedaba wuxuu aqbalaa toobada kuwa u fala xume aqoon darri (jahli)14, ee markaa kolkiiba u soo laabta, Kuwan weeye kuwa uu Allaah ugu soo laabto (si naxariis leh) Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 17
وَلَيۡسَتِ ٱلتَّوۡبَةُ لِلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ حَتَّىٰٓ إِذَا حَضَرَ أَحَدَهُمُ ٱلۡمَوۡتُ قَالَ إِنِّي تُبۡتُ ٱلۡـَٰٔنَ وَلَا ٱلَّذِينَ يَمُوتُونَ وَهُمۡ كُفَّارٌۚ أُوْلَـٰٓئِكَ أَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا
Oo uma furna toobad kuwa isaga sii socda xume falidda ilaa marka ay geeri u timaaddo midkood uu yidhaahdo: Hadda ayaan anigu hubaal toobad keen ahay, iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwani weeye kuwa aan u diyaarinnay cadaab aad u xanuun badan
Surah An-Nisa, Verse 18
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا يَحِلُّ لَكُمۡ أَن تَرِثُواْ ٱلنِّسَآءَ كَرۡهٗاۖ وَلَا تَعۡضُلُوهُنَّ لِتَذۡهَبُواْ بِبَعۡضِ مَآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ إِلَّآ أَن يَأۡتِينَ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖۚ وَعَاشِرُوهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ فَإِن كَرِهۡتُمُوهُنَّ فَعَسَىٰٓ أَن تَكۡرَهُواْ شَيۡـٔٗا وَيَجۡعَلَ ٱللَّهُ فِيهِ خَيۡرٗا كَثِيرٗا
Mu’miniintoy! Idiin ma aha xalaal inaad u qaadataan haweenka dhaxal ahaan si khasab ah iyagoo dooneyn15, oo ha caddilana si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxa aad siiseen, inay la yimaadaan maahee anshax xumo muuqata. Oo ula dhaqma (haweenka) si fiican oo naxariis leh. Haddaba haddaad nacdaan waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu ka yeelo Allaah dhexdiisa khayr aad u badan
Surah An-Nisa, Verse 19
وَإِنۡ أَرَدتُّمُ ٱسۡتِبۡدَالَ زَوۡجٖ مَّكَانَ زَوۡجٖ وَءَاتَيۡتُمۡ إِحۡدَىٰهُنَّ قِنطَارٗا فَلَا تَأۡخُذُواْ مِنۡهُ شَيۡـًٔاۚ أَتَأۡخُذُونَهُۥ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا
Oo haddaad doontaan inaad ku beddelataan afo meesheed afo kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah
Surah An-Nisa, Verse 20
وَكَيۡفَ تَأۡخُذُونَهُۥ وَقَدۡ أَفۡضَىٰ بَعۡضُكُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٖ وَأَخَذۡنَ مِنكُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا
Oo sidee baad uga qaadaneysaan idinkoo isu tegey, oo ay idinka qaadeen axdi adag
Surah An-Nisa, Verse 21
وَلَا تَنكِحُواْ مَا نَكَحَ ءَابَآؤُكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۚ إِنَّهُۥ كَانَ فَٰحِشَةٗ وَمَقۡتٗا وَسَآءَ سَبِيلًا
Oo ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. hubaal tani waa anshax xumo iyo wax aad loo naco, oo u xun jid
Surah An-Nisa, Verse 22
حُرِّمَتۡ عَلَيۡكُمۡ أُمَّهَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُمۡ وَعَمَّـٰتُكُمۡ وَخَٰلَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُ ٱلۡأَخِ وَبَنَاتُ ٱلۡأُخۡتِ وَأُمَّهَٰتُكُمُ ٱلَّـٰتِيٓ أَرۡضَعۡنَكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُم مِّنَ ٱلرَّضَٰعَةِ وَأُمَّهَٰتُ نِسَآئِكُمۡ وَرَبَـٰٓئِبُكُمُ ٱلَّـٰتِي فِي حُجُورِكُم مِّن نِّسَآئِكُمُ ٱلَّـٰتِي دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَإِن لَّمۡ تَكُونُواْ دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ وَحَلَـٰٓئِلُ أَبۡنَآئِكُمُ ٱلَّذِينَ مِنۡ أَصۡلَٰبِكُمۡ وَأَن تَجۡمَعُواْ بَيۡنَ ٱلۡأُخۡتَيۡنِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin16 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga17 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan18, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nisa, Verse 23
۞وَٱلۡمُحۡصَنَٰتُ مِنَ ٱلنِّسَآءِ إِلَّا مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۖ كِتَٰبَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡۚ وَأُحِلَّ لَكُم مَّا وَرَآءَ ذَٰلِكُمۡ أَن تَبۡتَغُواْ بِأَمۡوَٰلِكُم مُّحۡصِنِينَ غَيۡرَ مُسَٰفِحِينَۚ فَمَا ٱسۡتَمۡتَعۡتُم بِهِۦ مِنۡهُنَّ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ فَرِيضَةٗۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِيمَا تَرَٰضَيۡتُم بِهِۦ مِنۢ بَعۡدِ ٱلۡفَرِيضَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا
Iyo dhammaan haweenka la qabo marka laga reebo waxay hantaan gacmahiinnu midig20. (Tani waa) waxa uu Allaah faral idiinka dhigay. Oo waxaa xalaal idiin ah (haween oo dhan) intaa aan ahayn21, waase inaad ku doontaan maalkiinna idinkoo ku qaadanaya guur oo aan ku dhaceyn zino. Ee ma kuwa aad guur ku raaxo gashaan, siiya meherradooda la gooyey; oo ma jiro wax eed ahi oo korkiinna ah waxa aad isaga raalli noqotaan waxa la gooyey kaddib22. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 24
وَمَن لَّمۡ يَسۡتَطِعۡ مِنكُمۡ طَوۡلًا أَن يَنكِحَ ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ فَمِن مَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُم مِّن فَتَيَٰتِكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۚ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِكُمۚ بَعۡضُكُم مِّنۢ بَعۡضٖۚ فَٱنكِحُوهُنَّ بِإِذۡنِ أَهۡلِهِنَّ وَءَاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِ مُحۡصَنَٰتٍ غَيۡرَ مُسَٰفِحَٰتٖ وَلَا مُتَّخِذَٰتِ أَخۡدَانٖۚ فَإِذَآ أُحۡصِنَّ فَإِنۡ أَتَيۡنَ بِفَٰحِشَةٖ فَعَلَيۡهِنَّ نِصۡفُ مَا عَلَى ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ مِنَ ٱلۡعَذَابِۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَشِيَ ٱلۡعَنَتَ مِنكُمۡۚ وَأَن تَصۡبِرُواْ خَيۡرٞ لَّكُمۡۗ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
Oo ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, haddaba (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah23, oo Allaah isaga baa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; oo waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; oo marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa barka ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Tani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco dambi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nisa, Verse 25
يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُبَيِّنَ لَكُمۡ وَيَهۡدِيَكُمۡ سُنَنَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَيَتُوبَ عَلَيۡكُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ
Allaah Wuxuu rabaa inuu idiin caddeeyo oo idinku hanuuniyo jidadka kuwii idin ka horreeyay, oo uu idiinku soo laabto (si naxariis leh), oo Allaah waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 26
وَٱللَّهُ يُرِيدُ أَن يَتُوبَ عَلَيۡكُمۡ وَيُرِيدُ ٱلَّذِينَ يَتَّبِعُونَ ٱلشَّهَوَٰتِ أَن تَمِيلُواْ مَيۡلًا عَظِيمٗا
Oo Allaah Wuxuu rabaa inuu idiinku soo laabto (si naxariis leh), kuwase raaca shahwadooda, waxay rabaan inaad weecataan weecasho aad u weyn
Surah An-Nisa, Verse 27
يُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمۡۚ وَخُلِقَ ٱلۡإِنسَٰنُ ضَعِيفٗا
Allaah Wuxuu rabaa inuu idinka fudeydsho culeysyadiinna, oo aadmiga waxaa la abuuray daciif ahaan
Surah An-Nisa, Verse 28
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَكُم بَيۡنَكُم بِٱلۡبَٰطِلِ إِلَّآ أَن تَكُونَ تِجَٰرَةً عَن تَرَاضٖ مِّنكُمۡۚ وَلَا تَقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُمۡ رَحِيمٗا
Mu’miniintoy! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, balse ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin. Oo ha dilina nafahiinna24 (hana is dilina). Hubaal, Allaah wuu idiin Naxariis Badan yahay
Surah An-Nisa, Verse 29
وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ عُدۡوَٰنٗا وَظُلۡمٗا فَسَوۡفَ نُصۡلِيهِ نَارٗاۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرًا
Oo qofkii u falaa tani xadgudub iyo gardarro, waxaanu durba gelin doonnaa Naar, oo tani Allaah waa ay u fududdahay
Surah An-Nisa, Verse 30
إِن تَجۡتَنِبُواْ كَبَآئِرَ مَا تُنۡهَوۡنَ عَنۡهُ نُكَفِّرۡ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَنُدۡخِلۡكُم مُّدۡخَلٗا كَرِيمٗا
Haddaad ka fogaataan dambiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi doonnaa dambiyadiinna (yar yar), oo sababi doonaan inaad gashaan meel gelitaan sharaf leh (Jannada)
Surah An-Nisa, Verse 31
وَلَا تَتَمَنَّوۡاْ مَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بِهِۦ بَعۡضَكُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٞ مِّمَّا ٱكۡتَسَبُواْۖ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٞ مِّمَّا ٱكۡتَسَبۡنَۚ وَسۡـَٔلُواْ ٱللَّهَ مِن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا
Oo ha u hanqal taagina waxa uu Allaah dheereysiiyey qaarkiinba qaarka kale. Raggu waxay leeyihiin saamiga waxa ay shaqeystaan, oo haweenku waxay leeyihiin saamiga waxa ay shaqeystaan, oo weydiista Allaah Deeqdiisa. Hubaal, Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay
Surah An-Nisa, Verse 32
وَلِكُلّٖ جَعَلۡنَا مَوَٰلِيَ مِمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَۚ وَٱلَّذِينَ عَقَدَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡ فَـَٔاتُوهُمۡ نَصِيبَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدًا
Oo mid walbaa Waxaan u yeelnay dhaxlayaal (dhaxla) waxa (hanti ah) ay waalidka iyo qaraabada dhow ka tagaan. Ma kuwase aad iskula gunti xirateen dhaarahiinna ballan (walaaltinnimo) siiya saamigooda (inaad wax u dardaarantaan gaar ah). Hubaal, Allaah wax kasta waa u marag shaahid ah
Surah An-Nisa, Verse 33
ٱلرِّجَالُ قَوَّـٰمُونَ عَلَى ٱلنِّسَآءِ بِمَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بَعۡضَهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ وَبِمَآ أَنفَقُواْ مِنۡ أَمۡوَٰلِهِمۡۚ فَٱلصَّـٰلِحَٰتُ قَٰنِتَٰتٌ حَٰفِظَٰتٞ لِّلۡغَيۡبِ بِمَا حَفِظَ ٱللَّهُۚ وَٱلَّـٰتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَٱهۡجُرُوهُنَّ فِي ٱلۡمَضَاجِعِ وَٱضۡرِبُوهُنَّۖ فَإِنۡ أَطَعۡنَكُمۡ فَلَا تَبۡغُواْ عَلَيۡهِنَّ سَبِيلًاۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيّٗا كَبِيرٗا
Raggu waa xiljoogga haweenka25, waxa u Allaah dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed, iyo masruufka maalkooda ay ka baxshaan. Ee haweenka wanaagsan waa daacad u joogooyin ilaaliya maqnaanasha ilaalinta Ilaahay darteed26. Oo (ma xagga) kuwa aad u baqdaan inay daacadda ka baxaan, waaniya, oo (hadday wax ku qaadan waayaan) ka goosta dhinac jiifka, oo (haddii ay taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) 27, haddaba hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Allaah waa Sarreeye, Weyn
Surah An-Nisa, Verse 34
وَإِنۡ خِفۡتُمۡ شِقَاقَ بَيۡنِهِمَا فَٱبۡعَثُواْ حَكَمٗا مِّنۡ أَهۡلِهِۦ وَحَكَمٗا مِّنۡ أَهۡلِهَآ إِن يُرِيدَآ إِصۡلَٰحٗا يُوَفِّقِ ٱللَّهُ بَيۡنَهُمَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا خَبِيرٗا
Oo haddaad ka baqdaan kala go’ dhex mara labadooda (ninka iyo naagtiisa), markaa xil saara garsoore ka tirsan ehelkiisa, iyo garsoore ka tirsan ehelkeeda, hadday labaduba rabaan heshiis, Allaah wuu is waafajin doonaa. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xog Ogaal ah
Surah An-Nisa, Verse 35
۞وَٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُشۡرِكُواْ بِهِۦ شَيۡـٔٗاۖ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنٗا وَبِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱلۡجَارِ ذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡجَارِ ٱلۡجُنُبِ وَٱلصَّاحِبِ بِٱلۡجَنۢبِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ مُخۡتَالٗا فَخُورًا
Oo caabuda Allaah oo ha la wadaajinina cibaadada waxba, oo wanaajiya labada waalid iyo qaraabada iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo jaarka qaraabada ah iyo jaarka shisheeyaha ah28 iyo saaxiibka ku dhinac jooga, iyo musaafirka (go’doonsan)29, iyo kuwaa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Allaah ma jecla kan isagu ah mid islaweyn, faan badan
Surah An-Nisa, Verse 36
ٱلَّذِينَ يَبۡخَلُونَ وَيَأۡمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلۡبُخۡلِ وَيَكۡتُمُونَ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦۗ وَأَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا
Kuwaa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada30, oo qariya waxa uu Allaah siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Oo Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab aad u dulleysa
Surah An-Nisa, Verse 37
وَٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ رِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَلَا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَلَا بِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۗ وَمَن يَكُنِ ٱلشَّيۡطَٰنُ لَهُۥ قَرِينٗا فَسَآءَ قَرِينٗا
Oo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, oo aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Dambeysa, oo ma xagga kan uu Sheydaan u ahaado rafiiq; muxuu rafiiq xun yeeshay
Surah An-Nisa, Verse 38
وَمَاذَا عَلَيۡهِمۡ لَوۡ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقَهُمُ ٱللَّهُۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِهِمۡ عَلِيمًا
Oo maxaa ka bi’i lahaa hadday rumeeyaan Allaah iyo Maalinta Dambeysa, oo wax ka bixiyaan waxa uu Allaah siiyey? Oo Allaah iyaga wuu yaqaannaa
Surah An-Nisa, Verse 39
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَظۡلِمُ مِثۡقَالَ ذَرَّةٖۖ وَإِن تَكُ حَسَنَةٗ يُضَٰعِفۡهَا وَيُؤۡتِ مِن لَّدُنۡهُ أَجۡرًا عَظِيمٗا
Hubaal! Allaah ma sameeyo gardarro wax saxar le’egba ha ahaatee, oo hadday wanaag tahay, wuu labo laabaa, oo wuxuu ka bixiyaa Xaggiisa Ajar aad u Weyn
Surah An-Nisa, Verse 40
فَكَيۡفَ إِذَا جِئۡنَا مِن كُلِّ أُمَّةِۭ بِشَهِيدٖ وَجِئۡنَا بِكَ عَلَىٰ هَـٰٓؤُلَآءِ شَهِيدٗا
Ee sidee (bay ahaan doontaa) marka aan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga si aad uga ahaato markhaati kuwan
Surah An-Nisa, Verse 41
يَوۡمَئِذٖ يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَعَصَوُاْ ٱلرَّسُولَ لَوۡ تُسَوَّىٰ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضُ وَلَا يَكۡتُمُونَ ٱللَّهَ حَدِيثٗا
Maalintaas waxay jeclaan doonaan kuwa (Xaqa) rumeysan diida oo caasiya Rasuulka in lala simo (liqo) dhulka, oo kama qarin doonaan Allaah ereyna
Surah An-Nisa, Verse 42
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقۡرَبُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنتُمۡ سُكَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَعۡلَمُواْ مَا تَقُولُونَ وَلَا جُنُبًا إِلَّا عَابِرِي سَبِيلٍ حَتَّىٰ تَغۡتَسِلُواْۚ وَإِن كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوۡ جَآءَ أَحَدٞ مِّنكُم مِّنَ ٱلۡغَآئِطِ أَوۡ لَٰمَسۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَلَمۡ تَجِدُواْ مَآءٗ فَتَيَمَّمُواْ صَعِيدٗا طَيِّبٗا فَٱمۡسَحُواْ بِوُجُوهِكُمۡ وَأَيۡدِيكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوًّا غَفُورًا
Mu’miniintoy! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan31 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba (qasli) qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan. Oo haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haweenka32, oo aydaan heli karin biyo, la abbaara nafahiinna carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan
Surah An-Nisa, Verse 43
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ نَصِيبٗا مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ يَشۡتَرُونَ ٱلضَّلَٰلَةَ وَيُرِيدُونَ أَن تَضِلُّواْ ٱلسَّبِيلَ
Miyaanad u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) laga siiyey qayb Kitaabka? Waxay iibsadaan habow, oo rabaan inaad ka luntaan Jidka Toosan
Surah An-Nisa, Verse 44
وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِأَعۡدَآئِكُمۡۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَلِيّٗا وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ نَصِيرٗا
Oo Allaah baa yaqaan cadowyadiinna, oo Allaah baa ku filan inuu ahaado Gacal idin xafida. Oo Allaah baa ku filan inuu ahaado Gargaare
Surah An-Nisa, Verse 45
مِّنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْ يُحَرِّفُونَ ٱلۡكَلِمَ عَن مَّوَاضِعِهِۦ وَيَقُولُونَ سَمِعۡنَا وَعَصَيۡنَا وَٱسۡمَعۡ غَيۡرَ مُسۡمَعٖ وَرَٰعِنَا لَيَّۢا بِأَلۡسِنَتِهِمۡ وَطَعۡنٗا فِي ٱلدِّينِۚ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ قَالُواْ سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَا وَٱسۡمَعۡ وَٱنظُرۡنَا لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ وَأَقۡوَمَ وَلَٰكِن لَّعَنَهُمُ ٱللَّهُ بِكُفۡرِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُونَ إِلَّا قَلِيلٗا
Qaar ka mid ah kuwaa ah Yuhuudda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Waan maqallay oo waanu caasinaynaa oo: maqal, laguma maqashiiye eh. Oo: Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay oo waanu adeecaynaa oo maqaloo oo undurnaa baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, laakiinse Allaah baa ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee
Surah An-Nisa, Verse 46
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ ءَامِنُواْ بِمَا نَزَّلۡنَا مُصَدِّقٗا لِّمَا مَعَكُم مِّن قَبۡلِ أَن نَّطۡمِسَ وُجُوهٗا فَنَرُدَّهَا عَلَىٰٓ أَدۡبَارِهَآ أَوۡ نَلۡعَنَهُمۡ كَمَا لَعَنَّآ أَصۡحَٰبَ ٱلسَّبۡتِۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولًا
Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxa aan soo waxyoonnay ee xaqiijinaya waxa aad haysataan ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidii aan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Oo Amarka Allaah waa mid fula
Surah An-Nisa, Verse 47
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱفۡتَرَىٰٓ إِثۡمًا عَظِيمًا
Hubaal Allaah ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; oo qofkii la wadaajiya wax Allaah, wuxuu xaqiiq been abuurtaa dambi aad u weyn
Surah An-Nisa, Verse 48
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُزَكُّونَ أَنفُسَهُمۚ بَلِ ٱللَّهُ يُزَكِّي مَن يَشَآءُ وَلَا يُظۡلَمُونَ فَتِيلًا
Miyaanad u fiirsan kuwaa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo (waa inay yidhaahdaan waxaannu nahay ilmahii Ilaahay iyo kuwa uu jecel yahay). Mayee Allaah baa daahiriya qofkuu doono, oo ma lagu gardarroon doono kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta
Surah An-Nisa, Verse 49
ٱنظُرۡ كَيۡفَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَۖ وَكَفَىٰ بِهِۦٓ إِثۡمٗا مُّبِينًا
Fiiri, sida ay uga been sheegaan Allaah, oo tan baa ugu filan dambi caddaan ah
Surah An-Nisa, Verse 50
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ نَصِيبٗا مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡجِبۡتِ وَٱلطَّـٰغُوتِ وَيَقُولُونَ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ هَـٰٓؤُلَآءِ أَهۡدَىٰ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ سَبِيلًا
Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeysan diida (mushrikiinta): kuwakani baa kaga hanuunsan jidka kuwa rumeysan (Muslimiinta)
Surah An-Nisa, Verse 51
أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُۖ وَمَن يَلۡعَنِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ نَصِيرًا
Kuwaas weeye kuwa uu Allaah nacladay, oo qofkii uu Allaah naclado weligii uma heli doontid gargaare
Surah An-Nisa, Verse 52
أَمۡ لَهُمۡ نَصِيبٞ مِّنَ ٱلۡمُلۡكِ فَإِذٗا لَّا يُؤۡتُونَ ٱلنَّاسَ نَقِيرًا
Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortooyada (Ilaahay)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta
Surah An-Nisa, Verse 53
أَمۡ يَحۡسُدُونَ ٱلنَّاسَ عَلَىٰ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦۖ فَقَدۡ ءَاتَيۡنَآ ءَالَ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَءَاتَيۡنَٰهُم مُّلۡكًا عَظِيمٗا
Mise waxay ku xasdaan dadka waxa uu Allaah siiyey oo ka mid ah Deeqdiisa? Waxaanse xaqiiq siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, oo waxaanu siinnay boqortooyo aad u weyn (waagii xukunkii Daawuud iyo Sulaymaan)
Surah An-Nisa, Verse 54
فَمِنۡهُم مَّنۡ ءَامَنَ بِهِۦ وَمِنۡهُم مَّن صَدَّ عَنۡهُۚ وَكَفَىٰ بِجَهَنَّمَ سَعِيرًا
Marka waxaa ka mid ah mid rumeysan (Nabi Muxammad), oo waxaa ka mid ah mid ka jeesada; oo Naar baa ku filan inay gubto
Surah An-Nisa, Verse 55
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا سَوۡفَ نُصۡلِيهِمۡ نَارٗا كُلَّمَا نَضِجَتۡ جُلُودُهُم بَدَّلۡنَٰهُمۡ جُلُودًا غَيۡرَهَا لِيَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمٗا
(Ma xagga) kuwa rumeysan waaya Aayadahayaga, waxaanu ka yeeli doonnaa inay galaan Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli doonnaa haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabta. Hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 56
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ سَنُدۡخِلُهُمۡ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ لَّهُمۡ فِيهَآ أَزۡوَٰجٞ مُّطَهَّرَةٞۖ وَنُدۡخِلُهُمۡ ظِلّٗا ظَلِيلًا
Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan ka yeeli doonnaa inay galaan Beero ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waxay ku yeelan doonaan gudaheeda Afooyin daahir ah, oo waxaan ka yeeli doonnaa inay hir galaan hoosas harac ah
Surah An-Nisa, Verse 57
۞إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُكُمۡ أَن تُؤَدُّواْ ٱلۡأَمَٰنَٰتِ إِلَىٰٓ أَهۡلِهَا وَإِذَا حَكَمۡتُم بَيۡنَ ٱلنَّاسِ أَن تَحۡكُمُواْ بِٱلۡعَدۡلِۚ إِنَّ ٱللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِۦٓۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ سَمِيعَۢا بَصِيرٗا
Hubaal, Allaah wuxuu idin amraa inaad siisaan ammaanooyinka cidda iska leh, iyo in markaad u kala garsooreysaan dadka aad ugu kala garsoortaan caddaalad. Hubaal, Waxaa aad u wanaagsan waxa uu Allaah idinku waaniyo. Hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka
Surah An-Nisa, Verse 58
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَأُوْلِي ٱلۡأَمۡرِ مِنكُمۡۖ فَإِن تَنَٰزَعۡتُمۡ فِي شَيۡءٖ فَرُدُّوهُ إِلَى ٱللَّهِ وَٱلرَّسُولِ إِن كُنتُمۡ تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ وَأَحۡسَنُ تَأۡوِيلًا
Mu’miniintoy! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), iyo kuwaa idinka mid ah ee idiin haya talada. Oo haddaad wax isku qabataan, u celiya Allaah iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo Maalinta Dambeysa. Tan baa khayr badan oo cidhib wanaagsan
Surah An-Nisa, Verse 59
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يَزۡعُمُونَ أَنَّهُمۡ ءَامَنُواْ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَ يُرِيدُونَ أَن يَتَحَاكَمُوٓاْ إِلَى ٱلطَّـٰغُوتِ وَقَدۡ أُمِرُوٓاْ أَن يَكۡفُرُواْ بِهِۦۖ وَيُرِيدُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَن يُضِلَّهُمۡ ضَلَٰلَۢا بَعِيدٗا
Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday hortaa? Waxay rabaan inay u xukuntamaan Shaydaanka iyagoo xaqiiq la amray inay diidaan, oo wuxuu rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan aad u fog
Surah An-Nisa, Verse 60
وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ إِلَىٰ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ وَإِلَى ٱلرَّسُولِ رَأَيۡتَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ يَصُدُّونَ عَنكَ صُدُودٗا
Oo marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Allaah soo waxyooday iyo xagga Rasuulka (NabiMuxammad), waxaad arki doontaa munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeedsaho muuqata
Surah An-Nisa, Verse 61
فَكَيۡفَ إِذَآ أَصَٰبَتۡهُم مُّصِيبَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ ثُمَّ جَآءُوكَ يَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ إِنۡ أَرَدۡنَآ إِلَّآ إِحۡسَٰنٗا وَتَوۡفِيقًا
Sidee se noqon marka ay ku dhacdo musiibo waxa ay gacmahoodu horey u geysteen awgii? markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Allaah: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq
Surah An-Nisa, Verse 62
أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ يَعۡلَمُ ٱللَّهُ مَا فِي قُلُوبِهِمۡ فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَعِظۡهُمۡ وَقُل لَّهُمۡ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ قَوۡلَۢا بَلِيغٗا
Kuwakani waa kuwa uu Allaah og yahay waxa ku jira quloobtooda; ee iskaga jeeso oo waani, oo kala hadal iyaga nafahooda hadal saameyn weyn leh
Surah An-Nisa, Verse 63
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا لِيُطَاعَ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ إِذ ظَّلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ جَآءُوكَ فَٱسۡتَغۡفَرُواْ ٱللَّهَ وَٱسۡتَغۡفَرَ لَهُمُ ٱلرَّسُولُ لَوَجَدُواْ ٱللَّهَ تَوَّابٗا رَّحِيمٗا
Oo uma aanu soo dirin Rasuulna waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Ilaahay. Oo haddii markii uu gef ka dhacay ay u geysteen nafahooda kuu imaan lahaayeen, oo ay weydiisan lahaayeen dambi dhaaf Ilaahay, oo Rasuulku (sidoo kale) dambi dhaaf u dalbi lahaa; waxay hubaal heli lahaayeen Allaah inuu u soo noqosho badan yahay (naxariista), aad u Naxariis Badan yahay
Surah An-Nisa, Verse 64
فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤۡمِنُونَ حَتَّىٰ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيۡنَهُمۡ ثُمَّ لَا يَجِدُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ حَرَجٗا مِّمَّا قَضَيۡتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسۡلِيمٗا
Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma aysan rumeyn (dhab ahaan) jeer ay kaaga dhigtaan garsoore waxay isku qabtaan, oo markaas ayna ka helin wax dhibsi ah nafahooda waxa aad guddoomisay, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan
Surah An-Nisa, Verse 65
وَلَوۡ أَنَّا كَتَبۡنَا عَلَيۡهِمۡ أَنِ ٱقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ أَوِ ٱخۡرُجُواْ مِن دِيَٰرِكُم مَّا فَعَلُوهُ إِلَّا قَلِيلٞ مِّنۡهُمۡۖ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ فَعَلُواْ مَا يُوعَظُونَ بِهِۦ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ وَأَشَدَّ تَثۡبِيتٗا
Oo haddaan ku faral yeeli laheyn (munaafiqintaa): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer banii Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Oo hadday fali lahaayeen waxa lagu waaniyo baa xaqiiq u roonaan laheyd, oo xoojin laheydna (iimaankooda)
Surah An-Nisa, Verse 66
وَإِذٗا لَّأٓتَيۡنَٰهُم مِّن لَّدُنَّآ أَجۡرًا عَظِيمٗا
Oo Waxaan markaas xaqiiq ka siin laheyn Xaggayaga Ajar aad u Weyn
Surah An-Nisa, Verse 67
وَلَهَدَيۡنَٰهُمۡ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا
Oo Waxaan xaqiiq ku hanuunin laheyn jidka Toosan
Surah An-Nisa, Verse 68
وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ فَأُوْلَـٰٓئِكَ مَعَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ وَٱلصِّدِّيقِينَ وَٱلشُّهَدَآءِ وَٱلصَّـٰلِحِينَۚ وَحَسُنَ أُوْلَـٰٓئِكَ رَفِيقٗا
Oo qofkii adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwan waxay ahaan doonaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Allaah, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, oo waa wanaag kuwaas oo lala noqdo rafiiq
Surah An-Nisa, Verse 69
ذَٰلِكَ ٱلۡفَضۡلُ مِنَ ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ عَلِيمٗا
Kani waa Fadli xagga Ilaahay ah, oo ku Filan Allaah inuu yahay wax kasta Oge
Surah An-Nisa, Verse 70
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ خُذُواْ حِذۡرَكُمۡ فَٱنفِرُواْ ثُبَاتٍ أَوِ ٱنفِرُواْ جَمِيعٗا
Mu’miniintoy! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira
Surah An-Nisa, Verse 71
وَإِنَّ مِنكُمۡ لَمَن لَّيُبَطِّئَنَّ فَإِنۡ أَصَٰبَتۡكُم مُّصِيبَةٞ قَالَ قَدۡ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيَّ إِذۡ لَمۡ أَكُن مَّعَهُمۡ شَهِيدٗا
Oo hubaal waxaa idinka mid ah mid isagu dhab ahaan dib idiin dhiga. Oo haddii ay idinku dhacdo musiibo yidhaahda: Runtii Allaah waa iigu nicmeeyay in aanaan goob joog la ahayn
Surah An-Nisa, Verse 72
وَلَئِنۡ أَصَٰبَكُمۡ فَضۡلٞ مِّنَ ٱللَّهِ لَيَقُولَنَّ كَأَن لَّمۡ تَكُنۢ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُۥ مَوَدَّةٞ يَٰلَيۡتَنِي كُنتُ مَعَهُمۡ فَأَفُوزَ فَوۡزًا عَظِيمٗا
Oo haddaad ka heshaan fadli xagga Ilaahay, wuxuu hubaal odhan doonaa_ sidiiyoo ayna idinka iyo isaga marnaba ka dhexeynin kalgacal: Alla aniguye! Haddaan la jiri lahaa, markaa waxaan liibaani lahaa liibaan aad u weyn
Surah An-Nisa, Verse 73
۞فَلۡيُقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ يَشۡرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا بِٱلۡأٓخِرَةِۚ وَمَن يُقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَيُقۡتَلۡ أَوۡ يَغۡلِبۡ فَسَوۡفَ نُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا
Ee ha ku dagaallamaan Jidka Ilaahay kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, oo qofkii isagu u dagaallama Jidka Ilaahay, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siin doonnaa Ajar aad u Weyn
Surah An-Nisa, Verse 74
وَمَا لَكُمۡ لَا تُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلرِّجَالِ وَٱلنِّسَآءِ وَٱلۡوِلۡدَٰنِ ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا مِنۡ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلظَّالِمِ أَهۡلُهَا وَٱجۡعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ وَلِيّٗا وَٱجۡعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ نَصِيرًا
Oo maxaad u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Ilaahay, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba, (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbiyow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin gar ma qaatayaasha oo nooga yeel Xaggaaga gacal na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare
Surah An-Nisa, Verse 75
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱلطَّـٰغُوتِ فَقَٰتِلُوٓاْ أَوۡلِيَآءَ ٱلشَّيۡطَٰنِۖ إِنَّ كَيۡدَ ٱلشَّيۡطَٰنِ كَانَ ضَعِيفًا
Kuwa (Xaqa) rumeysan waxay u dagaallamaan Jidka Ilaahay, kuwase ah xaq diidka waxay u dagaallamaan jidka Shaydaanka. ee la dagaallama xulufada shaydaanka; hubaal, dabinka shaydaanku waa daciif
Surah An-Nisa, Verse 76
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ قِيلَ لَهُمۡ كُفُّوٓاْ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ فَلَمَّا كُتِبَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقِتَالُ إِذَا فَرِيقٞ مِّنۡهُمۡ يَخۡشَوۡنَ ٱلنَّاسَ كَخَشۡيَةِ ٱللَّهِ أَوۡ أَشَدَّ خَشۡيَةٗۚ وَقَالُواْ رَبَّنَا لِمَ كَتَبۡتَ عَلَيۡنَا ٱلۡقِتَالَ لَوۡلَآ أَخَّرۡتَنَآ إِلَىٰٓ أَجَلٖ قَرِيبٖۗ قُلۡ مَتَٰعُ ٱلدُّنۡيَا قَلِيلٞ وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لِّمَنِ ٱتَّقَىٰ وَلَا تُظۡلَمُونَ فَتِيلًا
Oo miyaadan arag kuwii lagu yidhi: Ceshada gacmahiinna 34oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Sakada, markase loo qoray inay dagaal galaan, mise koox ka mid ah waxay uga baqaan dadka sida ay tahay in looga baqdo Allaah ama baqdin ka daranba. Oo waxay yidhaahdaan: Rabbiyow! Maxaad noogu faral yeeshay dagaalka? Oo haddaad noogu dib dhigi laheyd muddo yar? Dheh: Sahayda adduunkan waa wax gaaban. Oo Aakhirada baa u khayr badan kan iska ilaasha (xumaha)oo la idinkuma gardarroon doono wax xuub le’egna ha ahaatee
Surah An-Nisa, Verse 77
أَيۡنَمَا تَكُونُواْ يُدۡرِككُّمُ ٱلۡمَوۡتُ وَلَوۡ كُنتُمۡ فِي بُرُوجٖ مُّشَيَّدَةٖۗ وَإِن تُصِبۡهُمۡ حَسَنَةٞ يَقُولُواْ هَٰذِهِۦ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةٞ يَقُولُواْ هَٰذِهِۦ مِنۡ عِندِكَۚ قُلۡ كُلّٞ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِۖ فَمَالِ هَـٰٓؤُلَآءِ ٱلۡقَوۡمِ لَا يَكَادُونَ يَفۡقَهُونَ حَدِيثٗا
Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin heli doontaa, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Oo Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Ilaahay. Haddiise ay ku dhacdo ayaan darro, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Ilaahay, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka
Surah An-Nisa, Verse 78
مَّآ أَصَابَكَ مِنۡ حَسَنَةٖ فَمِنَ ٱللَّهِۖ وَمَآ أَصَابَكَ مِن سَيِّئَةٖ فَمِن نَّفۡسِكَۚ وَأَرۡسَلۡنَٰكَ لِلنَّاسِ رَسُولٗاۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدٗا
Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Ilaahay, waxase kugu dhaca oo ayaan darro ah waa xagga naftaada. Oo waxaanu kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul aad u ahaato, oo Allaah baa ku filan Markhaati uu ahaado
Surah An-Nisa, Verse 79
مَّن يُطِعِ ٱلرَّسُولَ فَقَدۡ أَطَاعَ ٱللَّهَۖ وَمَن تَوَلَّىٰ فَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ حَفِيظٗا
Qofkii adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu run ahaan Adeecayaa Allaah, oo qofkii jeesada, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye inaad ka ahaato (dadka) dushood
Surah An-Nisa, Verse 80
وَيَقُولُونَ طَاعَةٞ فَإِذَا بَرَزُواْ مِنۡ عِندِكَ بَيَّتَ طَآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ غَيۡرَ ٱلَّذِي تَقُولُۖ وَٱللَّهُ يَكۡتُبُ مَا يُبَيِّتُونَۖ فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا
Oo waxay yidhaahdaan: waan Oggolnahay. Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii wax aan aheyn oo ka duwan waxa aad tidhaahdo. Oo Allaah wuu qoraa waxa ay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo isku hallee Allaah. oo Allaah ku filan ilaaliye uu ahaado
Surah An-Nisa, Verse 81
أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلۡقُرۡءَانَۚ وَلَوۡ كَانَ مِنۡ عِندِ غَيۡرِ ٱللَّهِ لَوَجَدُواْ فِيهِ ٱخۡتِلَٰفٗا كَثِيرٗا
Miyeynan u dhug yeelaneyn Qur’aanka? Oo hadduu ka imaan lahaa cid aan aheyn Allaah, waxay hubaal ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan
Surah An-Nisa, Verse 82
وَإِذَا جَآءَهُمۡ أَمۡرٞ مِّنَ ٱلۡأَمۡنِ أَوِ ٱلۡخَوۡفِ أَذَاعُواْ بِهِۦۖ وَلَوۡ رَدُّوهُ إِلَى ٱلرَّسُولِ وَإِلَىٰٓ أُوْلِي ٱلۡأَمۡرِ مِنۡهُمۡ لَعَلِمَهُ ٱلَّذِينَ يَسۡتَنۢبِطُونَهُۥ مِنۡهُمۡۗ وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ لَٱتَّبَعۡتُمُ ٱلشَّيۡطَٰنَ إِلَّا قَلِيلٗا
Oo markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, oo hadday u celin lahaayeen Rasuulka (Nabi Muxammad) ama kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Oo haddaanu Fadliga Ilaahay korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee
Surah An-Nisa, Verse 83
فَقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ لَا تُكَلَّفُ إِلَّا نَفۡسَكَۚ وَحَرِّضِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَكُفَّ بَأۡسَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ وَٱللَّهُ أَشَدُّ بَأۡسٗا وَأَشَدُّ تَنكِيلٗا
Ee u dagaallan Jidka Ilaahay, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Allaah idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Oo Allaah baa Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato
Surah An-Nisa, Verse 84
مَّن يَشۡفَعۡ شَفَٰعَةً حَسَنَةٗ يَكُن لَّهُۥ نَصِيبٞ مِّنۡهَاۖ وَمَن يَشۡفَعۡ شَفَٰعَةٗ سَيِّئَةٗ يَكُن لَّهُۥ كِفۡلٞ مِّنۡهَاۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ مُّقِيتٗا
Qofkii ku garab siiya (qof kale) arrin wanaagsan wuxuu leeyahay qayb ka mid ah (wanaaggeeda), oo qofkii ku garab siiya (qof kale) xumaan wuxuu leeyahay qayb culeyskeeda (dambigeeda) ah. Oo Allaah baa haya maamulka wax walba
Surah An-Nisa, Verse 85
وَإِذَا حُيِّيتُم بِتَحِيَّةٖ فَحَيُّواْ بِأَحۡسَنَ مِنۡهَآ أَوۡ رُدُّوهَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَسِيبًا
Oo marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Allaah baa haya xisaabta wax kasta oo la falo
Surah An-Nisa, Verse 86
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ لَيَجۡمَعَنَّكُمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا رَيۡبَ فِيهِۗ وَمَنۡ أَصۡدَقُ مِنَ ٱللَّهِ حَدِيثٗا
Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu hubaal idin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Oo yaa ka run sheeg badan Allaah oo hadla
Surah An-Nisa, Verse 87
۞فَمَا لَكُمۡ فِي ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِئَتَيۡنِ وَٱللَّهُ أَرۡكَسَهُم بِمَا كَسَبُوٓاْۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَهۡدُواْ مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلٗا
Muxuu yahay arrinkiinnu, haddaba, oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta?35 Isagoo Allaah uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxa ay kasbadeen darteed? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Allaah lumiyey? Oo qofkii uu Allaah lumiyo, uma heli doontid marnaba jid (uu ku hanuuno)
Surah An-Nisa, Verse 88
وَدُّواْ لَوۡ تَكۡفُرُونَ كَمَا كَفَرُواْ فَتَكُونُونَ سَوَآءٗۖ فَلَا تَتَّخِذُواْ مِنۡهُمۡ أَوۡلِيَآءَ حَتَّىٰ يُهَاجِرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَخُذُوهُمۡ وَٱقۡتُلُوهُمۡ حَيۡثُ وَجَدتُّمُوهُمۡۖ وَلَا تَتَّخِذُواْ مِنۡهُمۡ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرًا
Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan sida ay u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Ilaahay darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, oo ha ka yeelannina xaggooda gacal iyo gargaare midna
Surah An-Nisa, Verse 89
إِلَّا ٱلَّذِينَ يَصِلُونَ إِلَىٰ قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٌ أَوۡ جَآءُوكُمۡ حَصِرَتۡ صُدُورُهُمۡ أَن يُقَٰتِلُوكُمۡ أَوۡ يُقَٰتِلُواْ قَوۡمَهُمۡۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَسَلَّطَهُمۡ عَلَيۡكُمۡ فَلَقَٰتَلُوكُمۡۚ فَإِنِ ٱعۡتَزَلُوكُمۡ فَلَمۡ يُقَٰتِلُوكُمۡ وَأَلۡقَوۡاْ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَمَ فَمَا جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمۡ عَلَيۡهِمۡ سَبِيلٗا
Waxaan aheyn kuwaa gaaraya qolo idinka iyo iyaga uu u dhexeeyo heshiiis (nabadeed), ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan dadkooda. Oo hadduu doono Allaah, hubaal waa uu idinka awood siin lahaa, sidaas darteed xaqiiq way idinla dagaallami lahaayeen, ee hadday idinka fogaadaan oo aanay idinla dagaallamin oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Allaah idiinma furin wax jid ah (idinka aad kula dagaallantaan)
Surah An-Nisa, Verse 90
سَتَجِدُونَ ءَاخَرِينَ يُرِيدُونَ أَن يَأۡمَنُوكُمۡ وَيَأۡمَنُواْ قَوۡمَهُمۡ كُلَّ مَا رُدُّوٓاْ إِلَى ٱلۡفِتۡنَةِ أُرۡكِسُواْ فِيهَاۚ فَإِن لَّمۡ يَعۡتَزِلُوكُمۡ وَيُلۡقُوٓاْ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَمَ وَيَكُفُّوٓاْ أَيۡدِيَهُمۡ فَخُذُوهُمۡ وَٱقۡتُلُوهُمۡ حَيۡثُ ثَقِفۡتُمُوهُمۡۚ وَأُوْلَـٰٓئِكُمۡ جَعَلۡنَا لَكُمۡ عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينٗا
Waxaad heli doontaan kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan dadkooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanayna laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwan waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad
Surah An-Nisa, Verse 91
وَمَا كَانَ لِمُؤۡمِنٍ أَن يَقۡتُلَ مُؤۡمِنًا إِلَّا خَطَـٔٗاۚ وَمَن قَتَلَ مُؤۡمِنًا خَطَـٔٗا فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖ وَدِيَةٞ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦٓ إِلَّآ أَن يَصَّدَّقُواْۚ فَإِن كَانَ مِن قَوۡمٍ عَدُوّٖ لَّكُمۡ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖۖ وَإِن كَانَ مِن قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٞ فَدِيَةٞ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ وَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖۖ فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ شَهۡرَيۡنِ مُتَتَابِعَيۡنِ تَوۡبَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
Oo kuma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, oo qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), oo hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa, iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan heli karin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah37, eed siin xag Ilaahay. Oo Allaah waa Wax walba Ogsoone,Xakiiim ah
Surah An-Nisa, Verse 92
وَمَن يَقۡتُلۡ مُؤۡمِنٗا مُّتَعَمِّدٗا فَجَزَآؤُهُۥ جَهَنَّمُ خَٰلِدٗا فِيهَا وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَلَعَنَهُۥ وَأَعَدَّ لَهُۥ عَذَابًا عَظِيمٗا
Oo qofkii u dila mu'min si kas ah, ciqaaabtiisu waa Naar, uu ku dhex waari doono weligii, oo Allaah wuu u cadhooday, oo wuu nacladay, oo wuxuu u diyaariyey cadaab aad u weyn
Surah An-Nisa, Verse 93
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا ضَرَبۡتُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَتَبَيَّنُواْ وَلَا تَقُولُواْ لِمَنۡ أَلۡقَىٰٓ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَٰمَ لَسۡتَ مُؤۡمِنٗا تَبۡتَغُونَ عَرَضَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فَعِندَ ٱللَّهِ مَغَانِمُ كَثِيرَةٞۚ كَذَٰلِكَ كُنتُم مِّن قَبۡلُ فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ فَتَبَيَّنُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
Mu’miniintoy! Marka aad u baxdaan (dagaal) Jidka Ilaahay ah, wax hubsada, oo ha ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Allaah agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaas baad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Allaah ku manneystey khayr dushiinna, ee wax hubsada. hubaal Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
Surah An-Nisa, Verse 94
لَّا يَسۡتَوِي ٱلۡقَٰعِدُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ غَيۡرُ أُوْلِي ٱلضَّرَرِ وَٱلۡمُجَٰهِدُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡۚ فَضَّلَ ٱللَّهُ ٱلۡمُجَٰهِدِينَ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ عَلَى ٱلۡقَٰعِدِينَ دَرَجَةٗۚ وَكُلّٗا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَفَضَّلَ ٱللَّهُ ٱلۡمُجَٰهِدِينَ عَلَى ٱلۡقَٰعِدِينَ أَجۡرًا عَظِيمٗا
Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwaa kula jihaad gala Jidka Ilaahay maalkooda iyo Nafahoodaba. Allaah wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Oo dhammaan wuxuu Allaah u ballan qaaday wanaag; oo wuxuu Allaah kaga faddali doonaa kuwa jihaada dushood kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar aad u Weyn
Surah An-Nisa, Verse 95
دَرَجَٰتٖ مِّنۡهُ وَمَغۡفِرَةٗ وَرَحۡمَةٗۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمًا
Derejooyin (sare) oo Xaggiisa ah, iyo asturaad iyo Naxariiis. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nisa, Verse 96
إِنَّ ٱلَّذِينَ تَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ ظَالِمِيٓ أَنفُسِهِمۡ قَالُواْ فِيمَ كُنتُمۡۖ قَالُواْ كُنَّا مُسۡتَضۡعَفِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ قَالُوٓاْ أَلَمۡ تَكُنۡ أَرۡضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةٗ فَتُهَاجِرُواْ فِيهَاۚ فَأُوْلَـٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرًا
Hubaal (ma xagga) kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo gef ku jira ay u geystaan nafahooda, waxay (ku) odhan doonaan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan doonaan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan doonaan: Oo miyaaney ahayn arlada Ilaahay mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen?39 Marka waa kuwan kuwa hoygoodu yahay Naar, oo way u xun tahay aaye iyo meel la ahaado
Surah An-Nisa, Verse 97
إِلَّا ٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلرِّجَالِ وَٱلنِّسَآءِ وَٱلۡوِلۡدَٰنِ لَا يَسۡتَطِيعُونَ حِيلَةٗ وَلَا يَهۡتَدُونَ سَبِيلٗا
Marka laga reebo kuwa daciifka ah oo leh ragga iyo dumarka iyo carruurtaba oo aan xeelad lahayn, oo aan heli karin jid (loo baxsado)
Surah An-Nisa, Verse 98
فَأُوْلَـٰٓئِكَ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَعۡفُوَ عَنۡهُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَفُوًّا غَفُورٗا
Kuwaan waa intaasoo uu Allaah iska cafin doono, oo Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan
Surah An-Nisa, Verse 99
۞وَمَن يُهَاجِرۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ يَجِدۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُرَٰغَمٗا كَثِيرٗا وَسَعَةٗۚ وَمَن يَخۡرُجۡ مِنۢ بَيۡتِهِۦ مُهَاجِرًا إِلَى ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ثُمَّ يُدۡرِكۡهُ ٱلۡمَوۡتُ فَقَدۡ وَقَعَ أَجۡرُهُۥ عَلَى ٱللَّهِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Oo qofkii u soo haajira Ilaahay Darti, wuxuu ka heli doonaa dhulka meelo badan oo magan gal leh iyo risiq waasic ah. Oo qofkii ka soo baxaa gurigiisa isagoo u ah muhaajir xagga Ilaahay iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu xaqiiq ajarkiisu saaran yahay Allaah. oo Allaah waa Dambi Dhaaf badane, Naxariis Badan
Surah An-Nisa, Verse 100
وَإِذَا ضَرَبۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَن تَقۡصُرُواْ مِنَ ٱلصَّلَوٰةِ إِنۡ خِفۡتُمۡ أَن يَفۡتِنَكُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْۚ إِنَّ ٱلۡكَٰفِرِينَ كَانُواْ لَكُمۡ عَدُوّٗا مُّبِينٗا
Oo markaad ku socdaashaan dhulka, idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda40, haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow iska cad
Surah An-Nisa, Verse 101
وَإِذَا كُنتَ فِيهِمۡ فَأَقَمۡتَ لَهُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَلۡتَقُمۡ طَآئِفَةٞ مِّنۡهُم مَّعَكَ وَلۡيَأۡخُذُوٓاْ أَسۡلِحَتَهُمۡۖ فَإِذَا سَجَدُواْ فَلۡيَكُونُواْ مِن وَرَآئِكُمۡ وَلۡتَأۡتِ طَآئِفَةٌ أُخۡرَىٰ لَمۡ يُصَلُّواْ فَلۡيُصَلُّواْ مَعَكَ وَلۡيَأۡخُذُواْ حِذۡرَهُمۡ وَأَسۡلِحَتَهُمۡۗ وَدَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ تَغۡفُلُونَ عَنۡ أَسۡلِحَتِكُمۡ وَأَمۡتِعَتِكُمۡ فَيَمِيلُونَ عَلَيۡكُم مَّيۡلَةٗ وَٰحِدَةٗۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ إِن كَانَ بِكُمۡ أَذٗى مِّن مَّطَرٍ أَوۡ كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَن تَضَعُوٓاْ أَسۡلِحَتَكُمۡۖ وَخُذُواْ حِذۡرَكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا
Oo markaad dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, oo ha qaataan hubabkooda, oo markay sujuudaan ha aadaan gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay oo ha kula tukadaan, oo ha qaataan digtoonidooda iyo hubabkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubabkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah), oo ma aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubabkiinna, oo qaata digtoonidiinna. Hubaal, Allaah wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa
Surah An-Nisa, Verse 102
فَإِذَا قَضَيۡتُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ قِيَٰمٗا وَقُعُودٗا وَعَلَىٰ جُنُوبِكُمۡۚ فَإِذَا ٱطۡمَأۡنَنتُمۡ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَۚ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ كَانَتۡ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ كِتَٰبٗا مَّوۡقُوتٗا
OO marka aad bogtaan salaadda, xusa Allaah joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, Markase aad nabad degtaan, u ooga salaadda si wanaagsan. Hubaal, salaadda waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an
Surah An-Nisa, Verse 103
وَلَا تَهِنُواْ فِي ٱبۡتِغَآءِ ٱلۡقَوۡمِۖ إِن تَكُونُواْ تَأۡلَمُونَ فَإِنَّهُمۡ يَأۡلَمُونَ كَمَا تَأۡلَمُونَۖ وَتَرۡجُونَ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا يَرۡجُونَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا
Oo ha ka qalbi dabcina dabagalka qoloda (cadowga ah); haddaad idinku dareentaan xanuun, hubaal iyaguba (sidoo kale) waxay dareemaan xanuun sidaadba u dareentaan xanuun, oo waxaad ka rajaysaan Allaah wax aanay rajaynin, oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 104
إِنَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ لِتَحۡكُمَ بَيۡنَ ٱلنَّاسِ بِمَآ أَرَىٰكَ ٱللَّهُۚ وَلَا تَكُن لِّلۡخَآئِنِينَ خَصِيمٗا
Hubaal Waxaanu kuugu soo waxyoonnay Kitaabka si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Allaah ku baray, ee ha noqon qareen u dooda khaa’iniinta
Surah An-Nisa, Verse 105
وَٱسۡتَغۡفِرِ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Oo weydiiso Dambi Dhaafka Ilaahay, Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nisa, Verse 106
وَلَا تُجَٰدِلۡ عَنِ ٱلَّذِينَ يَخۡتَانُونَ أَنفُسَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ خَوَّانًا أَثِيمٗا
Oo ha u doodin kuwa khiyaameeya nafahooda. Hubaal, Allaah ma jecla mid kastoo khaa'in ah, dambiiile
Surah An-Nisa, Verse 107
يَسۡتَخۡفُونَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَلَا يَسۡتَخۡفُونَ مِنَ ٱللَّهِ وَهُوَ مَعَهُمۡ إِذۡ يُبَيِّتُونَ مَا لَا يَرۡضَىٰ مِنَ ٱلۡقَوۡلِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطًا
Waxay ka qariyaan (niyooyinkooda iyo camalladooda xun) dadka, kamase qarin karaan Allaah, wuuna la socdaa markay ku caweeyaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, oo Allaah waa uu koobaa waxa ay falaan
Surah An-Nisa, Verse 108
هَـٰٓأَنتُمۡ هَـٰٓؤُلَآءِ جَٰدَلۡتُمۡ عَنۡهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فَمَن يُجَٰدِلُ ٱللَّهَ عَنۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَم مَّن يَكُونُ عَلَيۡهِمۡ وَكِيلٗا
Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi doona Allaah agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon doona wakiil difaaca
Surah An-Nisa, Verse 109
وَمَن يَعۡمَلۡ سُوٓءًا أَوۡ يَظۡلِمۡ نَفۡسَهُۥ ثُمَّ يَسۡتَغۡفِرِ ٱللَّهَ يَجِدِ ٱللَّهَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Oo qofkii fala xumaan ama ku jira gef uu u geysto naftiisa, markaas weydiista Dambi Dhaaf Ilaahay, wuxuu heli doonaa Allaah oo ah Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nisa, Verse 110
وَمَن يَكۡسِبۡ إِثۡمٗا فَإِنَّمَا يَكۡسِبُهُۥ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
Oo qofkii kasbada dambi, wuxuu u kasbadaa oo keliya dhibaateynta naftiisa. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 111
وَمَن يَكۡسِبۡ خَطِيٓـَٔةً أَوۡ إِثۡمٗا ثُمَّ يَرۡمِ بِهِۦ بَرِيٓـٔٗا فَقَدِ ٱحۡتَمَلَ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا
Oo qofkii kasbada gef ama dambi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan42, wuxuu xaqiiq xambaartaa been abuurasho iyo dambi iska cad
Surah An-Nisa, Verse 112
وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكَ وَرَحۡمَتُهُۥ لَهَمَّت طَّآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ أَن يُضِلُّوكَ وَمَا يُضِلُّونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمۡۖ وَمَا يَضُرُّونَكَ مِن شَيۡءٖۚ وَأَنزَلَ ٱللَّهُ عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَعَلَّمَكَ مَا لَمۡ تَكُن تَعۡلَمُۚ وَكَانَ فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكَ عَظِيمٗا
Oo hadduusan jirin Fadliga Ilaahay korkaaga iyo Naxariistiisa, waxay xaqiiq ku hammin lahayd koox ka mid ah inay ku marin habaabiyaan, mase marin habaabiyaan waxaan aheyn nafahooda, waxnana kuma yeeli karaan.. oo Wuxuu Allaah kuu soo waxyooday Kitaabka iyo Xikmadda oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Oo fadliga uu Allaah ku siiyey waa mid aad u weyn
Surah An-Nisa, Verse 113
۞لَّا خَيۡرَ فِي كَثِيرٖ مِّن نَّجۡوَىٰهُمۡ إِلَّا مَنۡ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوۡ مَعۡرُوفٍ أَوۡ إِصۡلَٰحِۭ بَيۡنَ ٱلنَّاسِۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ ٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِ ٱللَّهِ فَسَوۡفَ نُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا
Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxaad dadka, oo qofkii fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Ilaahay, Waxaanu siin doonnaa abaalgud aad u weyn
Surah An-Nisa, Verse 114
وَمَن يُشَاقِقِ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُ ٱلۡهُدَىٰ وَيَتَّبِعۡ غَيۡرَ سَبِيلِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ نُوَلِّهِۦ مَا تَوَلَّىٰ وَنُصۡلِهِۦ جَهَنَّمَۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرًا
Oo qofkii colaadiya Rasuulka kaddib inta uu u caddaaday hanuunka oo raaca waxaan aheyn jidka mu`miniinta. Waxaan u jeedin doonnaa waxaas uu isagu (naf ahaantiisa) u jeestay, oo ka yeeli doonnaa inuu galo Naar, oo waa u xun tahay meel la ahaado iyo aayo tiin ahaan
Surah An-Nisa, Verse 115
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا
Hubaal! Allaah ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo Isaga, wuxuuse u dhaafaa waxa intaa aan ahayn qofkuu doono. Oo qofkii la wadaajiya wax uun Allaah, wuxuu xaqiiq lumaa lumid fog
Surah An-Nisa, Verse 116
إِن يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦٓ إِلَّآ إِنَٰثٗا وَإِن يَدۡعُونَ إِلَّا شَيۡطَٰنٗا مَّرِيدٗا
Ma la barbar caabudaan Isaga waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, oo ma caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah
Surah An-Nisa, Verse 117
لَّعَنَهُ ٱللَّهُۘ وَقَالَ لَأَتَّخِذَنَّ مِنۡ عِبَادِكَ نَصِيبٗا مَّفۡرُوضٗا
Oo Allaah uu Nacladay. Oo (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waxaan ku yeelan doonaa addoomahaaga qayb go'an
Surah An-Nisa, Verse 118
وَلَأُضِلَّنَّهُمۡ وَلَأُمَنِّيَنَّهُمۡ وَلَأٓمُرَنَّهُمۡ فَلَيُبَتِّكُنَّ ءَاذَانَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ وَلَأٓمُرَنَّهُمۡ فَلَيُغَيِّرُنَّ خَلۡقَ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَّخِذِ ٱلشَّيۡطَٰنَ وَلِيّٗا مِّن دُونِ ٱللَّهِ فَقَدۡ خَسِرَ خُسۡرَانٗا مُّبِينٗا
oo hubaal waan habaabin doonaa, oo gelin doonaa hididdiillooyin been ah; oo amri doonaa (xumaanta) sidaas darteed waxay jeexjeexi doonaan dhegaha xoolaha43, oo hubaal waan amri doonaa sidaas darteed waxay doorin doonaan abuurka Ilaahay44. Oo qofkii ka dhigta shaydaan gacal halkii Allaah, wuxuu xaqiiq khasaari doonaa khasaare caddaan ah
Surah An-Nisa, Verse 119
يَعِدُهُمۡ وَيُمَنِّيهِمۡۖ وَمَا يَعِدُهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ إِلَّا غُرُورًا
Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, oo ma u ballan qaado shaydaan waxaan inuu khiyaano ahayn
Surah An-Nisa, Verse 120
أُوْلَـٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُ وَلَا يَجِدُونَ عَنۡهَا مَحِيصٗا
Kuwan hoygoodu wuxuu ahaan doonaa Naar, oo kama heli doonaan xaggeeda meel ay ka hirgalaan
Surah An-Nisa, Verse 121
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ سَنُدۡخِلُهُمۡ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٗاۚ وَمَنۡ أَصۡدَقُ مِنَ ٱللَّهِ قِيلٗا
Oo (ma xagga) kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan ka yeeli doonaa inay galaan Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Ilaahay oo Xaq ah, Oo yaa ka run badan Allaah Hadalkiisa
Surah An-Nisa, Verse 122
لَّيۡسَ بِأَمَانِيِّكُمۡ وَلَآ أَمَانِيِّ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِۗ مَن يَعۡمَلۡ سُوٓءٗا يُجۡزَ بِهِۦ وَلَا يَجِدۡ لَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
(Tani jannada) ma ahaan doonto mid ku xiran (helitaankeeda) hididdiillooyinkiinna45 aad iska rajeysaan iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga abaal marin doonaa, oo ma u heli doono naftiisa Allaah ka sokow gacal iyo gargaare midna
Surah An-Nisa, Verse 123
وَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ مِن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَـٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ وَلَا يُظۡلَمُونَ نَقِيرٗا
Oo qofkii fala camallo wanaaagsan lab ahaayaa ama dheddig, isagoo (ama iyadoo) mu'min ah, waxay kuwan geli doonaan Jannada, oo laguma gardarroon doono xuub laf timireed wax le’eg
Surah An-Nisa, Verse 124
وَمَنۡ أَحۡسَنُ دِينٗا مِّمَّنۡ أَسۡلَمَ وَجۡهَهُۥ لِلَّهِ وَهُوَ مُحۡسِنٞ وَٱتَّبَعَ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۗ وَٱتَّخَذَ ٱللَّهُ إِبۡرَٰهِيمَ خَلِيلٗا
Oo yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Allaah isagoo sama fale ah. Oo raaca diinta Ibraahiim, toosnihii. Oo Allaah wuxuu ka dhigtay Ibraahiim gacal u gaar ah
Surah An-Nisa, Verse 125
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٖ مُّحِيطٗا
Oo Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo Allaah waa koobaa wax walba
Surah An-Nisa, Verse 126
وَيَسۡتَفۡتُونَكَ فِي ٱلنِّسَآءِۖ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِيهِنَّ وَمَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ فِي يَتَٰمَى ٱلنِّسَآءِ ٱلَّـٰتِي لَا تُؤۡتُونَهُنَّ مَا كُتِبَ لَهُنَّ وَتَرۡغَبُونَ أَن تَنكِحُوهُنَّ وَٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلۡوِلۡدَٰنِ وَأَن تَقُومُواْ لِلۡيَتَٰمَىٰ بِٱلۡقِسۡطِۚ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِهِۦ عَلِيمٗا
Oo waxay ku weydiiyaan xukun ku saabsan haweenka, dheh: Allaah baa idiinka sheegaya Xukunkaa arrinkooda46, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey idinkoo doonaya inaad guursataan47, iyo arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta, iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Oo Wax kastoo aad fashaan oo khayr ah, hubaal Allaah wuu Ogsoon yahay
Surah An-Nisa, Verse 127
وَإِنِ ٱمۡرَأَةٌ خَافَتۡ مِنۢ بَعۡلِهَا نُشُوزًا أَوۡ إِعۡرَاضٗا فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَآ أَن يُصۡلِحَا بَيۡنَهُمَا صُلۡحٗاۚ وَٱلصُّلۡحُ خَيۡرٞۗ وَأُحۡضِرَتِ ٱلۡأَنفُسُ ٱلشُّحَّۚ وَإِن تُحۡسِنُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
Oo hadday haweeney ka cabsato dhaqan xumi48 ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, oo heshiiska baa khayr badan, oo nafaha Aadmiga waxaa lagu laray masuugnimo. Oo haddaad samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), haddaba hubaal, Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
Surah An-Nisa, Verse 128
وَلَن تَسۡتَطِيعُوٓاْ أَن تَعۡدِلُواْ بَيۡنَ ٱلنِّسَآءِ وَلَوۡ حَرَصۡتُمۡۖ فَلَا تَمِيلُواْ كُلَّ ٱلۡمَيۡلِ فَتَذَرُوهَا كَٱلۡمُعَلَّقَةِۚ وَإِن تُصۡلِحُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Oo ma kari doontaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidii yoo ay tahay mid lalmata. Oo haddaad wax wanaajisaan, oo iska ilaalisaan (xumaha), hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf, Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nisa, Verse 129
وَإِن يَتَفَرَّقَا يُغۡنِ ٱللَّهُ كُلّٗا مِّن سَعَتِهِۦۚ وَكَانَ ٱللَّهُ وَٰسِعًا حَكِيمٗا
Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Allaah ku kaafin doonaa mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Oo Allaah waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 130
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَلَقَدۡ وَصَّيۡنَا ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَإِيَّاكُمۡ أَنِ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ وَإِن تَكۡفُرُواْ فَإِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَنِيًّا حَمِيدٗا
Oo Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo xaqiiq waxaan xil saarnay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey (oo xil idin saaran ah) idinkana (sidoo kale) inaad dhowrtaan (xilalka uu idin saaray) Allaah, oo haddaad Xaqa diiddaan, haddaba hubaal waxa jira samooyinka iyo waxa jira arladaba waxaa iska leh Allaah, oo Allaah waa Hodan Deeqtoon, la Ammaano
Surah An-Nisa, Verse 131
وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا
Oo waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada waxaa iska leh Allaah. Oo ku filan Allaah inuu ahaado Ilaaliye
Surah An-Nisa, Verse 132
إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ أَيُّهَا ٱلنَّاسُ وَيَأۡتِ بِـَٔاخَرِينَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ ذَٰلِكَ قَدِيرٗا
Hadduu doono, Waa uu idin tagsiin karaa, dadow, oo keeni karaa kuwo kale. Oo Allaah waa mid Kara inuu sidaa yeelo
Surah An-Nisa, Verse 133
مَّن كَانَ يُرِيدُ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا فَعِندَ ٱللَّهِ ثَوَابُ ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعَۢا بَصِيرٗا
Qofkii raba abaalka adduunyadan, haddaba Allaah baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka
Surah An-Nisa, Verse 134
۞يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُونُواْ قَوَّـٰمِينَ بِٱلۡقِسۡطِ شُهَدَآءَ لِلَّهِ وَلَوۡ عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمۡ أَوِ ٱلۡوَٰلِدَيۡنِ وَٱلۡأَقۡرَبِينَۚ إِن يَكُنۡ غَنِيًّا أَوۡ فَقِيرٗا فَٱللَّهُ أَوۡلَىٰ بِهِمَاۖ فَلَا تَتَّبِعُواْ ٱلۡهَوَىٰٓ أَن تَعۡدِلُواْۚ وَإِن تَلۡوُۥٓاْ أَوۡ تُعۡرِضُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
Mu’miniintoy! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Ilaahay darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabada, hadduu yahay hodan ama faqiirba, Allaah baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina waxa liita ay naftu rabto si aydaan uga iilan (xaqa), oo haddaad iilataan ama jeesataan49, haddaba hubaal, Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
Surah An-Nisa, Verse 135
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ ءَامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلَّذِي نَزَّلَ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ مِن قَبۡلُۚ وَمَن يَكۡفُرۡ بِٱللَّهِ وَمَلَـٰٓئِكَتِهِۦ وَكُتُبِهِۦ وَرُسُلِهِۦ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا
Mu’miniintoy! Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu u soo waxyooday Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu hore u soo waxooday, oo qofkii rumeyn diida Allaah iyo Ma’laa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyo Maalinta Dambeysa, wuxuu xaqiiq lumaa lumid aad u fog
Surah An-Nisa, Verse 136
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ ثُمَّ ءَامَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ ثُمَّ ٱزۡدَادُواْ كُفۡرٗا لَّمۡ يَكُنِ ٱللَّهُ لِيَغۡفِرَ لَهُمۡ وَلَا لِيَهۡدِيَهُمۡ سَبِيلَۢا
Hubaal, (ma xagga) kuwa rumeeya, haddana beeniya, haddana rumeeya (mar kale), oo haddana (mar kale) beeniya, markaas sii kororsada beenin Xaqa; Allaah ma cafin doono, oo kuma hanuunin doona Jid (Toosan)
Surah An-Nisa, Verse 137
بَشِّرِ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ بِأَنَّ لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمًا
Ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan doonaan cadaab xanuun badan
Surah An-Nisa, Verse 138
ٱلَّذِينَ يَتَّخِذُونَ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ أَيَبۡتَغُونَ عِندَهُمُ ٱلۡعِزَّةَ فَإِنَّ ٱلۡعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعٗا
Kuwa ka dhigta gaalada gacallo sokeeye ah50 halkii mu’miniinta, ma waxay ka doonayaan ciso (iyo sharaf) xaggooda? Haddaba hubaal, Allaah baa iska leh Ciso oo dhan
Surah An-Nisa, Verse 139
وَقَدۡ نَزَّلَ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ أَنۡ إِذَا سَمِعۡتُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ يُكۡفَرُ بِهَا وَيُسۡتَهۡزَأُ بِهَا فَلَا تَقۡعُدُواْ مَعَهُمۡ حَتَّىٰ يَخُوضُواْ فِي حَدِيثٍ غَيۡرِهِۦٓ إِنَّكُمۡ إِذٗا مِّثۡلُهُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ جَامِعُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡكَٰفِرِينَ فِي جَهَنَّمَ جَمِيعًا
Oo xaqiiq wuxuu horay idiinkugu soo waxyooday Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Ilaahay oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale; hubaal Allaah wuxuu ku soo kulmin doonaa munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Naar gudaheed
Surah An-Nisa, Verse 140
ٱلَّذِينَ يَتَرَبَّصُونَ بِكُمۡ فَإِن كَانَ لَكُمۡ فَتۡحٞ مِّنَ ٱللَّهِ قَالُوٓاْ أَلَمۡ نَكُن مَّعَكُمۡ وَإِن كَانَ لِلۡكَٰفِرِينَ نَصِيبٞ قَالُوٓاْ أَلَمۡ نَسۡتَحۡوِذۡ عَلَيۡكُمۡ وَنَمۡنَعۡكُم مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ فَٱللَّهُ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَلَن يَجۡعَلَ ٱللَّهُ لِلۡكَٰفِرِينَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ سَبِيلًا
Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); oo markaad guul ka heshaan xagga Ilaahay, waxay yidhaahdaan: Oo miyaanaan idin la jirin? Oo hadday gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Allaah baa idin kala xukumi doona dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Oo marnaba Allaah kama siin doono gaalada jid mu'miniinta
Surah An-Nisa, Verse 141
إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَهُوَ خَٰدِعُهُمۡ وَإِذَا قَامُوٓاْ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ قَامُواْ كُسَالَىٰ يُرَآءُونَ ٱلنَّاسَ وَلَا يَذۡكُرُونَ ٱللَّهَ إِلَّا قَلِيلٗا
Hubaal, Munaafiqiintu51 waxay (u heystaan inay) dagaan Allaah, Isaga baase daga. Oo markay u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, oo ma xusaan Allaah wax yar ma’ahee
Surah An-Nisa, Verse 142
مُّذَبۡذَبِينَ بَيۡنَ ذَٰلِكَ لَآ إِلَىٰ هَـٰٓؤُلَآءِ وَلَآ إِلَىٰ هَـٰٓؤُلَآءِۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلٗا
Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna, oo qofkii uu Allaah lumiyo, uma heli doontid jid isaga
Surah An-Nisa, Verse 143
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَجۡعَلُواْ لِلَّهِ عَلَيۡكُمۡ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينًا
Mu’miniintoy! Ha ka yeelannina gaalada xulufo halkii mu’miniinta. Waa la yaabe! Ma waxaad dooneysaan inaad iskaga yeeshaan Allaah xujo cad
Surah An-Nisa, Verse 144
إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِي ٱلدَّرۡكِ ٱلۡأَسۡفَلِ مِنَ ٱلنَّارِ وَلَن تَجِدَ لَهُمۡ نَصِيرًا
Hubaal, Munaafiqiintu52 waxay ahaan doonaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; oo uma heli doontid gargaare
Surah An-Nisa, Verse 145
إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ وَأَصۡلَحُواْ وَٱعۡتَصَمُواْ بِٱللَّهِ وَأَخۡلَصُواْ دِينَهُمۡ لِلَّهِ فَأُوْلَـٰٓئِكَ مَعَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَسَوۡفَ يُؤۡتِ ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ أَجۡرًا عَظِيمٗا
Marka laga reebo kuwa toobad keena oo wanaagsanaada, oo cuskada Allaah, oo u keli yeela cibaadadooda Allaah, Kuwan waa la jirka mu’miniinta. Oo wuxuu Allaah siin doonaa mu’miniinta Ajar aad u weyn
Surah An-Nisa, Verse 146
مَّا يَفۡعَلُ ٱللَّهُ بِعَذَابِكُمۡ إِن شَكَرۡتُمۡ وَءَامَنتُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ شَاكِرًا عَلِيمٗا
Muxuu Allaah ku falayaa caddibaadiinna haddaad tihiin kuwa (u) mahad naqa oo rumeysan? Oo Allaah waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican ka bixiya, Wax kasta Ogsoon
Surah An-Nisa, Verse 147
۞لَّا يُحِبُّ ٱللَّهُ ٱلۡجَهۡرَ بِٱلسُّوٓءِ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ إِلَّا مَن ظُلِمَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعًا عَلِيمًا
Allaah ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof lagu gardarrooday. Oo Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Ogsoon
Surah An-Nisa, Verse 148
إِن تُبۡدُواْ خَيۡرًا أَوۡ تُخۡفُوهُ أَوۡ تَعۡفُواْ عَن سُوٓءٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوّٗا قَدِيرًا
Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume,….haddaba hubaal, Allaah waa cafis Badane, awood Badan
Surah An-Nisa, Verse 149
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡفُرُونَ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَيُرِيدُونَ أَن يُفَرِّقُواْ بَيۡنَ ٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَيَقُولُونَ نُؤۡمِنُ بِبَعۡضٖ وَنَكۡفُرُ بِبَعۡضٖ وَيُرِيدُونَ أَن يَتَّخِذُواْ بَيۡنَ ذَٰلِكَ سَبِيلًا
Hubaal, kuwa rumeysan diida Allaah iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Allaah iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumaysannahay qaarkood, oo rumeysan diidnaa qaar kale, oo raba inay qaadaan jid u dhexeeya (tan iyo) taasi
Surah An-Nisa, Verse 150
أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ حَقّٗاۚ وَأَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا
Kuwan weeye kuwa run ahaan ah gaalo. Oo Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa
Surah An-Nisa, Verse 151
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَلَمۡ يُفَرِّقُواْ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّنۡهُمۡ أُوْلَـٰٓئِكَ سَوۡفَ يُؤۡتِيهِمۡ أُجُورَهُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Kuwase rumeysan Allaah iyo Rusushiisa oo aan ka dhex saarin midkoodna ka mid ah, kuwaas buu Allaah siin doonaa ajarradooda, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Nisa, Verse 152
يَسۡـَٔلُكَ أَهۡلُ ٱلۡكِتَٰبِ أَن تُنَزِّلَ عَلَيۡهِمۡ كِتَٰبٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِۚ فَقَدۡ سَأَلُواْ مُوسَىٰٓ أَكۡبَرَ مِن ذَٰلِكَ فَقَالُوٓاْ أَرِنَا ٱللَّهَ جَهۡرَةٗ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّـٰعِقَةُ بِظُلۡمِهِمۡۚ ثُمَّ ٱتَّخَذُواْ ٱلۡعِجۡلَ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُ فَعَفَوۡنَا عَن ذَٰلِكَۚ وَءَاتَيۡنَا مُوسَىٰ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينٗا
Ehlul Kitaabku waxay ku weydiistaan inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse taas mid ka weyn, oo waxay yidhaahdeen: Noo tus Allaah si caddaan ah, markaas baa waxaa qabtay onkod daran gardarradoodii darteed. haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen Waanu se ka cafinnay arrinkani. Oo waxaanu siinnay Muuse Xujo Cad
Surah An-Nisa, Verse 153
وَرَفَعۡنَا فَوۡقَهُمُ ٱلطُّورَ بِمِيثَٰقِهِمۡ وَقُلۡنَا لَهُمُ ٱدۡخُلُواْ ٱلۡبَابَ سُجَّدٗا وَقُلۡنَا لَهُمۡ لَا تَعۡدُواْ فِي ٱلسَّبۡتِ وَأَخَذۡنَا مِنۡهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا
Oo Waxaan kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. oo Waxaanu ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo Waxaanu ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Oo Waxaan la sameynay Axdi adag
Surah An-Nisa, Verse 154
فَبِمَا نَقۡضِهِم مِّيثَٰقَهُمۡ وَكُفۡرِهِم بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَقَتۡلِهِمُ ٱلۡأَنۢبِيَآءَ بِغَيۡرِ حَقّٖ وَقَوۡلِهِمۡ قُلُوبُنَا غُلۡفُۢۚ بَلۡ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَيۡهَا بِكُفۡرِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُونَ إِلَّا قَلِيلٗا
Sidaas awgeed, axdigooda ay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Ilaahay iyo ku diliddooda Anbiyada gar darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Allaah baa yeelay shaabbad dushooda daahda gaalnimadooda darteed marka ma rumeysan doonaan in yar ma’ahee
Surah An-Nisa, Verse 155
وَبِكُفۡرِهِمۡ وَقَوۡلِهِمۡ عَلَىٰ مَرۡيَمَ بُهۡتَٰنًا عَظِيمٗا
Iyo rumeyn la’aantooda darteed iyo odhaahdooda ay ka sheegaan Maryam ee been abuur aad u weyn ah
Surah An-Nisa, Verse 156
وَقَوۡلِهِمۡ إِنَّا قَتَلۡنَا ٱلۡمَسِيحَ عِيسَى ٱبۡنَ مَرۡيَمَ رَسُولَ ٱللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَٰكِن شُبِّهَ لَهُمۡۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُۚ مَا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٍ إِلَّا ٱتِّبَاعَ ٱلظَّنِّۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينَۢا
Iyo odhaahdooda: hubaal waxaan innagu dilnay Masiixa Ciise ibnu Maryam, Rasuulkii Ilaahay53, _mase ay dilin54 mana ay daldalin, laakiinse waa loo arag ekeysiiyey. Oo hubaal kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa xaqiiq kaga jira shaki taa. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxa ay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Oo ma ay dilin oo la hubo
Surah An-Nisa, Verse 157
بَل رَّفَعَهُ ٱللَّهُ إِلَيۡهِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمٗا
Mayee! Allaah baa (Ciise) kor u qaaday Xaggiisa, oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 158
وَإِن مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ إِلَّا لَيُؤۡمِنَنَّ بِهِۦ قَبۡلَ مَوۡتِهِۦۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكُونُ عَلَيۡهِمۡ شَهِيدٗا
Oo ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka aan hubaal rumeyn doonin isaga, ka hor inta aanu dhiman55. Oo Maalinta Qiyaamaha wuxuu isagu ku marag furi doonaa iyaga
Surah An-Nisa, Verse 159
فَبِظُلۡمٖ مِّنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْ حَرَّمۡنَا عَلَيۡهِمۡ طَيِّبَٰتٍ أُحِلَّتۡ لَهُمۡ وَبِصَدِّهِمۡ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ كَثِيرٗا
Gefka ay geysteen kuwaa ah Yuhuudda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalaha wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaasha, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Ilaahay
Surah An-Nisa, Verse 160
وَأَخۡذِهِمُ ٱلرِّبَوٰاْ وَقَدۡ نُهُواْ عَنۡهُ وَأَكۡلِهِمۡ أَمۡوَٰلَ ٱلنَّاسِ بِٱلۡبَٰطِلِۚ وَأَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ مِنۡهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا
Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo xaqiiq laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been. Oo waxaan u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab aad u xanuun badan
Surah An-Nisa, Verse 161
لَّـٰكِنِ ٱلرَّـٰسِخُونَ فِي ٱلۡعِلۡمِ مِنۡهُمۡ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ يُؤۡمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَۚ وَٱلۡمُقِيمِينَ ٱلصَّلَوٰةَۚ وَٱلۡمُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ أُوْلَـٰٓئِكَ سَنُؤۡتِيهِمۡ أَجۡرًا عَظِيمًا
Laakiinse kuwooda ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Allaah iyo Maalinta Dambeysa, kuwan waa kuwa aan siin doonnaa Abaalgud aad u Weyn
Surah An-Nisa, Verse 162
۞إِنَّآ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ كَمَآ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ نُوحٖ وَٱلنَّبِيِّـۧنَ مِنۢ بَعۡدِهِۦۚ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطِ وَعِيسَىٰ وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَٰرُونَ وَسُلَيۡمَٰنَۚ وَءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ زَبُورٗا
Hubaal Waxaanu kuugu waxyoonnay sidii aan ugu waxyoonnayba Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; oo Waxaanu (sidoo kale) u waxyoonnay Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Al-Asbaad (Nabiyadii ahaa firka Yacquub) iyo Ciise iyo Ayyuub iyo Yuunus iyo Haaruun iyo Sulaymaan, oo Daawuud Waxaanu siinnay Zabuur
Surah An-Nisa, Verse 163
وَرُسُلٗا قَدۡ قَصَصۡنَٰهُمۡ عَلَيۡكَ مِن قَبۡلُ وَرُسُلٗا لَّمۡ نَقۡصُصۡهُمۡ عَلَيۡكَۚ وَكَلَّمَ ٱللَّهُ مُوسَىٰ تَكۡلِيمٗا
Oo (waxaan soo dirnay) Rusul aan kaaga warrannay ka hor, iyo Rusul aanaan kaaga warraminba, _oo Muuse Allaah wuxuu ula hadlay si toos ah hadlid
Surah An-Nisa, Verse 164
رُّسُلٗا مُّبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى ٱللَّهِ حُجَّةُۢ بَعۡدَ ٱلرُّسُلِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمٗا
(Waxaan soo drinay) Rusul ah bishaareeyaal iyo digayaal si aanay dadku ugu yeelan Allaah wax cudur daar ah (imaanshaha) Rususha ka dambow. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 165
لَّـٰكِنِ ٱللَّهُ يَشۡهَدُ بِمَآ أَنزَلَ إِلَيۡكَۖ أَنزَلَهُۥ بِعِلۡمِهِۦۖ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ يَشۡهَدُونَۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدًا
Laakiinse Allaah wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo waxyooday wuxuu ku soo waxyooday Cilmigiisa, malaa’igtuna57 waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Oo Allaah ku Filan Markhaati uu ahaado
Surah An-Nisa, Verse 166
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ قَدۡ ضَلُّواْ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا
Hubaal, ma xagga kuwa rumeysan diida oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, waxay xaqiiq habaabeen habow aad u fog
Surah An-Nisa, Verse 167
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَظَلَمُواْ لَمۡ يَكُنِ ٱللَّهُ لِيَغۡفِرَ لَهُمۡ وَلَا لِيَهۡدِيَهُمۡ طَرِيقًا
Hubaal, (ma xagga) kuwa rumeysan diida ee u dhaqma si caddaalad darro ah, ma aha Allaah Mid u dambi dhaafi doona oo ma aha Mid ku hanuunin doonaa jidna
Surah An-Nisa, Verse 168
إِلَّا طَرِيقَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا
Jidka Naarta mooyee, iyagoo ku dhex waaraya weligood, oo arrinkani Allaah waa u fududdahay
Surah An-Nisa, Verse 169
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَكُمُ ٱلرَّسُولُ بِٱلۡحَقِّ مِن رَّبِّكُمۡ فَـَٔامِنُواْ خَيۡرٗا لَّكُمۡۚ وَإِن تَكۡفُرُواْ فَإِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
Dadoow! Hubaal Rasuulku Wuxuu idiinla yimid xaq ka yimid Rabbigiin, ee rumeeya waa wax idiin roon idinka’e. Haddiise aad rumeysan diiddaan, haddaba hubaal Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Surah An-Nisa, Verse 170
يَـٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا تَغۡلُواْ فِي دِينِكُمۡ وَلَا تَقُولُواْ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡحَقَّۚ إِنَّمَا ٱلۡمَسِيحُ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ رَسُولُ ٱللَّهِ وَكَلِمَتُهُۥٓ أَلۡقَىٰهَآ إِلَىٰ مَرۡيَمَ وَرُوحٞ مِّنۡهُۖ فَـَٔامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦۖ وَلَا تَقُولُواْ ثَلَٰثَةٌۚ ٱنتَهُواْ خَيۡرٗا لَّكُمۡۚ إِنَّمَا ٱللَّهُ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ سُبۡحَٰنَهُۥٓ أَن يَكُونَ لَهُۥ وَلَدٞۘ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
Ehlul-Kitaaboow! Ha ku talax tagina hab dhaqankiinna, oo ha ka sheegina (been) Allaah, ee runta sheega. Masiixa Ciise ina Maryam waa oo keliya Rasuul Ilaahay soo diray iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Isaga Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. oo ha odhannina: Waa saddex (ilaah) Ka hara waa wax idiin roon’e. Allaah waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa jira samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Allaah ka taliye ahaan arrimaha uunka
Surah An-Nisa, Verse 171
لَّن يَسۡتَنكِفَ ٱلۡمَسِيحُ أَن يَكُونَ عَبۡدٗا لِّلَّهِ وَلَا ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ ٱلۡمُقَرَّبُونَۚ وَمَن يَسۡتَنكِفۡ عَنۡ عِبَادَتِهِۦ وَيَسۡتَكۡبِرۡ فَسَيَحۡشُرُهُمۡ إِلَيۡهِ جَمِيعٗا
Masiixa sinnaba isagama fogeeyo inuu ahaado addoon Ilaahay, iyo sidoo kale malaa’igta la dhoweeyey. Oo qofkii iska fogeeya Caabudiddiisa oo islaweyn, Wuxuu u soo kulmin doonaa xaggiisa dhammaantood
Surah An-Nisa, Verse 172
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ فَيُوَفِّيهِمۡ أُجُورَهُمۡ وَيَزِيدُهُم مِّن فَضۡلِهِۦۖ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱسۡتَنكَفُواْ وَٱسۡتَكۡبَرُواْ فَيُعَذِّبُهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
Ee ma xagga kuwa rumeysan oo samaha fala, wuxuu siin doonaa ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase ka fogaada Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi doonaa cadaab aad u xanuun badan. Oo ma u heli doonaan nafahooda Allaah sokadi gacal iyo gargaare midna
Surah An-Nisa, Verse 173
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَكُم بُرۡهَٰنٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ نُورٗا مُّبِينٗا
Dadow! hubaal waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin (waa Nabi Muxammad s.c.w), oo Waxaan idiin soo dirnay Nuur cad (Qur’aanka)
Surah An-Nisa, Verse 174
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَٱعۡتَصَمُواْ بِهِۦ فَسَيُدۡخِلُهُمۡ فِي رَحۡمَةٖ مِّنۡهُ وَفَضۡلٖ وَيَهۡدِيهِمۡ إِلَيۡهِ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا
Ee ma xagga kuwa rumysan Allaah oo isaga cuskada wuxuu gelin doonaa Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, oo wuxuu ku hanuunin doonaa xaggiisa Jid Toosan
Surah An-Nisa, Verse 175
يَسۡتَفۡتُونَكَ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِي ٱلۡكَلَٰلَةِۚ إِنِ ٱمۡرُؤٌاْ هَلَكَ لَيۡسَ لَهُۥ وَلَدٞ وَلَهُۥٓ أُخۡتٞ فَلَهَا نِصۡفُ مَا تَرَكَۚ وَهُوَ يَرِثُهَآ إِن لَّمۡ يَكُن لَّهَا وَلَدٞۚ فَإِن كَانَتَا ٱثۡنَتَيۡنِ فَلَهُمَا ٱلثُّلُثَانِ مِمَّا تَرَكَۚ وَإِن كَانُوٓاْ إِخۡوَةٗ رِّجَالٗا وَنِسَآءٗ فَلِلذَّكَرِ مِثۡلُ حَظِّ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۗ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ أَن تَضِلُّواْۗ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمُۢ
Waxay ku weydiiyaan inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Allaah baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn aabbayaal iyo ubad midna. Haddii uu dhinto nin aan ilmo lahayn, oo leh walaaley, waxay leedahay bar waxa uu ka tago, isaguna wuu dhaxli doonaa haddii aanay lahayn ilmo. Haddiise ay yihiin labo (gabdhood oo walaalo ah), waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel waxa uu ka tago; oo hadday yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Allaah Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Oo Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay
Surah An-Nisa, Verse 176