Surah An-Nisa Verse 127 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Nisaوَيَسۡتَفۡتُونَكَ فِي ٱلنِّسَآءِۖ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِيهِنَّ وَمَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ فِي يَتَٰمَى ٱلنِّسَآءِ ٱلَّـٰتِي لَا تُؤۡتُونَهُنَّ مَا كُتِبَ لَهُنَّ وَتَرۡغَبُونَ أَن تَنكِحُوهُنَّ وَٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلۡوِلۡدَٰنِ وَأَن تَقُومُواْ لِلۡيَتَٰمَىٰ بِٱلۡقِسۡطِۚ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِهِۦ عَلِيمٗا
Oo waxay ku weydiiyaan xukun ku saabsan haweenka, dheh: Allaah baa idiinka sheegaya Xukunkaa arrinkooda46, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey idinkoo doonaya inaad guursataan47, iyo arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta, iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Oo Wax kastoo aad fashaan oo khayr ah, hubaal Allaah wuu Ogsoon yahay