Surah An-Nisa Verse 43 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Nisaيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقۡرَبُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنتُمۡ سُكَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَعۡلَمُواْ مَا تَقُولُونَ وَلَا جُنُبًا إِلَّا عَابِرِي سَبِيلٍ حَتَّىٰ تَغۡتَسِلُواْۚ وَإِن كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوۡ جَآءَ أَحَدٞ مِّنكُم مِّنَ ٱلۡغَآئِطِ أَوۡ لَٰمَسۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَلَمۡ تَجِدُواْ مَآءٗ فَتَيَمَّمُواْ صَعِيدٗا طَيِّبٗا فَٱمۡسَحُواْ بِوُجُوهِكُمۡ وَأَيۡدِيكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوًّا غَفُورًا
Mu’miniintoy! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan31 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba (qasli) qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan. Oo haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haweenka32, oo aydaan heli karin biyo, la abbaara nafahiinna carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan