Surah An-Nisa Verse 23 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Nisaحُرِّمَتۡ عَلَيۡكُمۡ أُمَّهَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُمۡ وَعَمَّـٰتُكُمۡ وَخَٰلَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُ ٱلۡأَخِ وَبَنَاتُ ٱلۡأُخۡتِ وَأُمَّهَٰتُكُمُ ٱلَّـٰتِيٓ أَرۡضَعۡنَكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُم مِّنَ ٱلرَّضَٰعَةِ وَأُمَّهَٰتُ نِسَآئِكُمۡ وَرَبَـٰٓئِبُكُمُ ٱلَّـٰتِي فِي حُجُورِكُم مِّن نِّسَآئِكُمُ ٱلَّـٰتِي دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَإِن لَّمۡ تَكُونُواْ دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ وَحَلَـٰٓئِلُ أَبۡنَآئِكُمُ ٱلَّذِينَ مِنۡ أَصۡلَٰبِكُمۡ وَأَن تَجۡمَعُواْ بَيۡنَ ٱلۡأُخۡتَيۡنِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin16 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga17 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan18, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan