Surah An-Nisa Verse 171 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Nisaيَـٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا تَغۡلُواْ فِي دِينِكُمۡ وَلَا تَقُولُواْ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡحَقَّۚ إِنَّمَا ٱلۡمَسِيحُ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ رَسُولُ ٱللَّهِ وَكَلِمَتُهُۥٓ أَلۡقَىٰهَآ إِلَىٰ مَرۡيَمَ وَرُوحٞ مِّنۡهُۖ فَـَٔامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦۖ وَلَا تَقُولُواْ ثَلَٰثَةٌۚ ٱنتَهُواْ خَيۡرٗا لَّكُمۡۚ إِنَّمَا ٱللَّهُ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ سُبۡحَٰنَهُۥٓ أَن يَكُونَ لَهُۥ وَلَدٞۘ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
Ehlul-Kitaaboow! Ha ku talax tagina hab dhaqankiinna, oo ha ka sheegina (been) Allaah, ee runta sheega. Masiixa Ciise ina Maryam waa oo keliya Rasuul Ilaahay soo diray iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Isaga Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. oo ha odhannina: Waa saddex (ilaah) Ka hara waa wax idiin roon’e. Allaah waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa jira samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Allaah ka taliye ahaan arrimaha uunka