Surah An-Nisa Verse 176 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Nisaيَسۡتَفۡتُونَكَ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِي ٱلۡكَلَٰلَةِۚ إِنِ ٱمۡرُؤٌاْ هَلَكَ لَيۡسَ لَهُۥ وَلَدٞ وَلَهُۥٓ أُخۡتٞ فَلَهَا نِصۡفُ مَا تَرَكَۚ وَهُوَ يَرِثُهَآ إِن لَّمۡ يَكُن لَّهَا وَلَدٞۚ فَإِن كَانَتَا ٱثۡنَتَيۡنِ فَلَهُمَا ٱلثُّلُثَانِ مِمَّا تَرَكَۚ وَإِن كَانُوٓاْ إِخۡوَةٗ رِّجَالٗا وَنِسَآءٗ فَلِلذَّكَرِ مِثۡلُ حَظِّ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۗ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ أَن تَضِلُّواْۗ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمُۢ
Waxay ku weydiiyaan inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Allaah baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn aabbayaal iyo ubad midna. Haddii uu dhinto nin aan ilmo lahayn, oo leh walaaley, waxay leedahay bar waxa uu ka tago, isaguna wuu dhaxli doonaa haddii aanay lahayn ilmo. Haddiise ay yihiin labo (gabdhood oo walaalo ah), waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel waxa uu ka tago; oo hadday yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Allaah Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Oo Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay