Surah An-Nisa Verse 25 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Nisaوَمَن لَّمۡ يَسۡتَطِعۡ مِنكُمۡ طَوۡلًا أَن يَنكِحَ ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ فَمِن مَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُم مِّن فَتَيَٰتِكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۚ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِكُمۚ بَعۡضُكُم مِّنۢ بَعۡضٖۚ فَٱنكِحُوهُنَّ بِإِذۡنِ أَهۡلِهِنَّ وَءَاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِ مُحۡصَنَٰتٍ غَيۡرَ مُسَٰفِحَٰتٖ وَلَا مُتَّخِذَٰتِ أَخۡدَانٖۚ فَإِذَآ أُحۡصِنَّ فَإِنۡ أَتَيۡنَ بِفَٰحِشَةٖ فَعَلَيۡهِنَّ نِصۡفُ مَا عَلَى ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ مِنَ ٱلۡعَذَابِۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَشِيَ ٱلۡعَنَتَ مِنكُمۡۚ وَأَن تَصۡبِرُواْ خَيۡرٞ لَّكُمۡۗ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
Oo ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, haddaba (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah23, oo Allaah isaga baa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; oo waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; oo marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa barka ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Tani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco dambi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan