UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Aal-e-Imran - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


الٓمٓ

Alif – Laam - Miim
Surah Aal-e-Imran, Verse 1


ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡحَيُّ ٱلۡقَيُّومُ

Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa weligii Noolaha, iski u jira, walax kastaana ku jirto oo ku ahaato Amarkiisa
Surah Aal-e-Imran, Verse 2


نَزَّلَ عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَأَنزَلَ ٱلتَّوۡرَىٰةَ وَٱلۡإِنجِيلَ

Wuxuu kuugu soo waxyooday Kitaabka si xaq ah, isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), oo Wuxuu soo waxyooday Towraadda iyo Injiilka…
Surah Aal-e-Imran, Verse 3


مِن قَبۡلُ هُدٗى لِّلنَّاسِ وَأَنزَلَ ٱلۡفُرۡقَانَۗ إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٞ ذُو ٱنتِقَامٍ

Kal hore, hanuun ahaan dadka, oo wuxuu soo waxyooday Furqaanka (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeysnayn Aayaadaha Ilaahay, waxay mudan doonaan cadaab daran; oo Allaah waa Adkaade, Aargoosi leh
Surah Aal-e-Imran, Verse 4


إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَخۡفَىٰ عَلَيۡهِ شَيۡءٞ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِ

Allaah-- hubaal waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada
Surah Aal-e-Imran, Verse 5


هُوَ ٱلَّذِي يُصَوِّرُكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡحَامِ كَيۡفَ يَشَآءُۚ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Isaga weeye Kan idiinku sawira ilma galeennada sida uu doono. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 6


هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ مِنۡهُ ءَايَٰتٞ مُّحۡكَمَٰتٌ هُنَّ أُمُّ ٱلۡكِتَٰبِ وَأُخَرُ مُتَشَٰبِهَٰتٞۖ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمۡ زَيۡغٞ فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَٰبَهَ مِنۡهُ ٱبۡتِغَآءَ ٱلۡفِتۡنَةِ وَٱبۡتِغَآءَ تَأۡوِيلِهِۦۖ وَمَا يَعۡلَمُ تَأۡوِيلَهُۥٓ إِلَّا ٱللَّهُۗ وَٱلرَّـٰسِخُونَ فِي ٱلۡعِلۡمِ يَقُولُونَ ءَامَنَّا بِهِۦ كُلّٞ مِّنۡ عِندِ رَبِّنَاۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّآ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ

Isaga weeye Kan kuu soo waxyooday Kitaabka, qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg. Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir (iskood ah)1, umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Allaah. Oo kuwa ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga Rabbigayo. Oo ma garowsadaan cid aan aheyn wax garadka
Surah Aal-e-Imran, Verse 7


رَبَّنَا لَا تُزِغۡ قُلُوبَنَا بَعۡدَ إِذۡ هَدَيۡتَنَا وَهَبۡ لَنَا مِن لَّدُنكَ رَحۡمَةًۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡوَهَّابُ

Rabbiyow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay2, oo nooga hibee xaggaaga Naxariis. Hubaal waxaad Adigu tahay kan Deeqda baxsha
Surah Aal-e-Imran, Verse 8


رَبَّنَآ إِنَّكَ جَامِعُ ٱلنَّاسِ لِيَوۡمٖ لَّا رَيۡبَ فِيهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخۡلِفُ ٱلۡمِيعَادَ

Rabbiyow! Adigaa isu soo ururin doonaa dadka Maalin aan shaki lahayn; hubaal Allaah ma ka baxo Ballankiisa
Surah Aal-e-Imran, Verse 9


إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَن تُغۡنِيَ عَنۡهُمۡ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـٔٗاۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمۡ وَقُودُ ٱلنَّارِ

(Ma) kuwa gaalada ah hubaal waxba ugama tari doonaan maalkoodu iyo ilmahooda Allaah agtiisa; oo kuwan weeyaan kuwa ah shidaalka Naarta
Surah Aal-e-Imran, Verse 10


كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمۡۗ وَٱللَّهُ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ

Waa shaqadii reer Fircoon oo kale iyo kuwii ka horreeyay; waxay beeniyeen Aayadahayagii, markaasuu Allaah u halligay duntuubtoodii darteed. Oo Allaah Ciqaabtiisu way daran tahay
Surah Aal-e-Imran, Verse 11


قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ سَتُغۡلَبُونَ وَتُحۡشَرُونَ إِلَىٰ جَهَنَّمَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ

Ku dheh gaalada: Waa la idinka adkaan, oo la idinku soo ururin wada jir Naar, oo ah tan ugu xun gogol la dhinac dhigo
Surah Aal-e-Imran, Verse 12


قَدۡ كَانَ لَكُمۡ ءَايَةٞ فِي فِئَتَيۡنِ ٱلۡتَقَتَاۖ فِئَةٞ تُقَٰتِلُ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَأُخۡرَىٰ كَافِرَةٞ يَرَوۡنَهُم مِّثۡلَيۡهِمۡ رَأۡيَ ٱلۡعَيۡنِۚ وَٱللَّهُ يُؤَيِّدُ بِنَصۡرِهِۦ مَن يَشَآءُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبۡرَةٗ لِّأُوْلِي ٱلۡأَبۡصَٰرِ

Xaqiiq waxaa idiinku jirtay calaamo labadii ciidammood ee ku kulantay (dagaalkii Badar): Koox u dagaallameysay Jidka Ilaahay dartii, iyo tan kaloo gaal ahayd waxay u arkeen labo jibbaarkood tiro ahaan xagga aragtida isha (inkastoo ay ahaayeen seddex jibbaarkood). Oo Allaah wuxuu ku xoojiyaa taageeradiisa qofkuu doono. hubaal tani waxaa ugu jirta cibrad kuwa aragtida dheer leh
Surah Aal-e-Imran, Verse 13


زُيِّنَ لِلنَّاسِ حُبُّ ٱلشَّهَوَٰتِ مِنَ ٱلنِّسَآءِ وَٱلۡبَنِينَ وَٱلۡقَنَٰطِيرِ ٱلۡمُقَنطَرَةِ مِنَ ٱلذَّهَبِ وَٱلۡفِضَّةِ وَٱلۡخَيۡلِ ٱلۡمُسَوَّمَةِ وَٱلۡأَنۡعَٰمِ وَٱلۡحَرۡثِۗ ذَٰلِكَ مَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَٱللَّهُ عِندَهُۥ حُسۡنُ ٱلۡمَـَٔابِ

Jaceylka waxyaalaha naftu rabto, oo leh haween, wiilal, iyo kayd badan oo dahab iyo qalin ah iyo fardo laylan oo qurxoon iyo xoolo iyo dhul si fiican u beeran baa loo qurxiyey dadka. tani waa sahayda nolosha adduunkan; oo Allaah agtiisa baa noqosho wanaagsan leh
Surah Aal-e-Imran, Verse 14


۞قُلۡ أَؤُنَبِّئُكُم بِخَيۡرٖ مِّن ذَٰلِكُمۡۖ لِلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّـٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَأَزۡوَٰجٞ مُّطَهَّرَةٞ وَرِضۡوَٰنٞ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِٱلۡعِبَادِ

Dheh: Ma idiin sheegaa waxa ka fiican waxyaalahani? Waxay leeyhiin kuwaa iska jira (xumaha) _ beero Rabbigood agtiis ah ay hoostoodu qulqulaan wabiyo, iyagoo ku dhex waaraya, iyo afooyin daahir ah iyo raalli ahaansho xag Ilaahay ah. Oo Allaah wuu Arkaa Addoomihiisa
Surah Aal-e-Imran, Verse 15


ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ إِنَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَا وَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ

Kuwaa yidhaahda: Rabbiyow! Hubaal innagu waanu rumeysannahay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, oo naga dhowr cadaabta Naarta
Surah Aal-e-Imran, Verse 16


ٱلصَّـٰبِرِينَ وَٱلصَّـٰدِقِينَ وَٱلۡقَٰنِتِينَ وَٱلۡمُنفِقِينَ وَٱلۡمُسۡتَغۡفِرِينَ بِٱلۡأَسۡحَارِ

Sabrayaasha iyo run sheegga, iyo daacadda iyo kuwa si fiican (oo deeqsinnimo leh) wax u bixiya, iyo kuwa weydiista dambi dhaaf waqtiyada aroorta hore ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 17


شَهِدَ ٱللَّهُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ وَأُوْلُواْ ٱلۡعِلۡمِ قَآئِمَۢا بِٱلۡقِسۡطِۚ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Allaah wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, oo malaa’igtu (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga lehba; Wuxuu ku dhaqaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Fal iyo odhaah samaha ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 18


إِنَّ ٱلدِّينَ عِندَ ٱللَّهِ ٱلۡإِسۡلَٰمُۗ وَمَا ٱخۡتَلَفَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۗ وَمَن يَكۡفُرۡ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ

Hubaal, Diinta Xaqa ahi Allaah agtiisa waa Islaamka. Oo kuwii la siiyey Kitaabka isma ay khilaafin waxaan ahayn intii uu u yimid cilmiga xasad dhexdooda ah darti. Oo qofkii rumeysan waaya Aayadaha Ilaahay, haddaba hubaal Allaah way dhaqsi badan tahay xisaabtiisu
Surah Aal-e-Imran, Verse 19


فَإِنۡ حَآجُّوكَ فَقُلۡ أَسۡلَمۡتُ وَجۡهِيَ لِلَّهِ وَمَنِ ٱتَّبَعَنِۗ وَقُل لِّلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡأُمِّيِّـۧنَ ءَأَسۡلَمۡتُمۡۚ فَإِنۡ أَسۡلَمُواْ فَقَدِ ٱهۡتَدَواْۖ وَّإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا عَلَيۡكَ ٱلۡبَلَٰغُۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِٱلۡعِبَادِ

Haddiise ay kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan Allaah, waana sidaas qofkii I raaca. Oo ku dheh kuwa la siiyey Kitaabka iyo kuwa aan wax baran: Miyaad isdhiibeysaan?3 Haddaba hadday is dhiibaan, markaa runtii waa hanuunsan yihiin; haddiise ay dhabarka jeediyaan, haddaba waxaa ku saaran uun gaarsiinta Risaalada; oo Allaah wuu arkaa addoomahiisa
Surah Aal-e-Imran, Verse 20


إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَيَقۡتُلُونَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ بِغَيۡرِ حَقّٖ وَيَقۡتُلُونَ ٱلَّذِينَ يَأۡمُرُونَ بِٱلۡقِسۡطِ مِنَ ٱلنَّاسِ فَبَشِّرۡهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

Hubaal (ma) kuwa rumeysan waaya Aayadaha Ilaahay, oo ku dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah4. Ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan
Surah Aal-e-Imran, Verse 21


أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَمَا لَهُم مِّن نَّـٰصِرِينَ

Kuwaas weeye kuwa ay acmaashoodu ku noqon doonaan baabba’a adduunkan iyo Aakhiradaba, oo ma heli doonaan wax u soo gargaara
Surah Aal-e-Imran, Verse 22


أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ نَصِيبٗا مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ يُدۡعَوۡنَ إِلَىٰ كِتَٰبِ ٱللَّهِ لِيَحۡكُمَ بَيۡنَهُمۡ ثُمَّ يَتَوَلَّىٰ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۡ وَهُم مُّعۡرِضُونَ

Miyaadan u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka? waxaa loogu baaqaa Kitaabka Ilaahay si uu u kala xukumo dhexdooda, markaas bay qaar ka mid ah dhabarka jeediyaan, oo siibtaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 23


ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لَن تَمَسَّنَا ٱلنَّارُ إِلَّآ أَيَّامٗا مَّعۡدُودَٰتٖۖ وَغَرَّهُمۡ فِي دِينِهِم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ

Waxaa tani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naarta nama taaban doonto waxaan aheyn maalmo tirsan. Oo waxaa ku hoda diintooda waxay been abuurteen
Surah Aal-e-Imran, Verse 24


فَكَيۡفَ إِذَا جَمَعۡنَٰهُمۡ لِيَوۡمٖ لَّا رَيۡبَ فِيهِ وَوُفِّيَتۡ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ

Ee sidee bay ahaan doontaa marka aan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin, oo naf walba loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin
Surah Aal-e-Imran, Verse 25


قُلِ ٱللَّهُمَّ مَٰلِكَ ٱلۡمُلۡكِ تُؤۡتِي ٱلۡمُلۡكَ مَن تَشَآءُ وَتَنزِعُ ٱلۡمُلۡكَ مِمَّن تَشَآءُ وَتُعِزُّ مَن تَشَآءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَآءُۖ بِيَدِكَ ٱلۡخَيۡرُۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada kan aad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada kan aad doonto, oo waxaad kor yeeshaa kan aad doonto, oo hoos yeeshaa kan aad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayrku. Hubaal Adiga baa wax kasta Kara oo awood ku dul leh
Surah Aal-e-Imran, Verse 26


تُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَتُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِۖ وَتُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَتُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَيِّۖ وَتَرۡزُقُ مَن تَشَآءُ بِغَيۡرِ حِسَابٖ

Waxaad ka yeeshaa habeenka inuu dhex galo maalinta, oo ka yeeshaa maalinta inay dhex gasho habeenka, oo ka soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool5. Oo Waxaad arzaaqdaa kan aad doonto xisaab la’aan
Surah Aal-e-Imran, Verse 27


لَّا يَتَّخِذِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ فَلَيۡسَ مِنَ ٱللَّهِ فِي شَيۡءٍ إِلَّآ أَن تَتَّقُواْ مِنۡهُمۡ تُقَىٰةٗۗ وَيُحَذِّرُكُمُ ٱللَّهُ نَفۡسَهُۥۗ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلۡمَصِيرُ

Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada gacallo halkii mu’miniinta, oo qofkii sidani fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Ilaahay, waase inaad iska ilaalisaan xaggooda iska ilaalin dhan6. Oo Allaah wuxuu idiinka digaa Naftiisa7, oo waa xagga Allaah meel noqodka dambe
Surah Aal-e-Imran, Verse 28


قُلۡ إِن تُخۡفُواْ مَا فِي صُدُورِكُمۡ أَوۡ تُبۡدُوهُ يَعۡلَمۡهُ ٱللَّهُۗ وَيَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Allaah wuu ogsoon yahay, oo wuxuu ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo Allaah wax walba wuu Karaa
Surah Aal-e-Imran, Verse 29


يَوۡمَ تَجِدُ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا عَمِلَتۡ مِنۡ خَيۡرٖ مُّحۡضَرٗا وَمَا عَمِلَتۡ مِن سُوٓءٖ تَوَدُّ لَوۡ أَنَّ بَيۡنَهَا وَبَيۡنَهُۥٓ أَمَدَۢا بَعِيدٗاۗ وَيُحَذِّرُكُمُ ٱللَّهُ نَفۡسَهُۥۗ وَٱللَّهُ رَءُوفُۢ بِٱلۡعِبَادِ

Maalinta naf waliba heli doonto waxa khayr ay fashay oo la hor keeno iyo waxa xume ay fashay, waxay jeclaan doontaa in dhexdooda iyada iyo xumahaa ay ahaan lahayd geeddi aad iyo aad u fog. Oo Allaah wuxuu idiinka digaa Naftiisa (Ciqaabkiisa). Oo Allaah waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay addoomahiisa
Surah Aal-e-Imran, Verse 30


قُلۡ إِن كُنتُمۡ تُحِبُّونَ ٱللَّهَ فَٱتَّبِعُونِي يُحۡبِبۡكُمُ ٱللَّهُ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

(Nabi Muxammadow) dheh: Haddaad Allaah jeceshihiin, haddaba i soo raaca, Allaah baa idin jeclaan oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Aal-e-Imran, Verse 31


قُلۡ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَۖ فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Dheh: Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Muxammad). Haddiise ay dhabarka jeediyaan, hubaal Allaah ma jecla gaalada
Surah Aal-e-Imran, Verse 32


۞إِنَّ ٱللَّهَ ٱصۡطَفَىٰٓ ءَادَمَ وَنُوحٗا وَءَالَ إِبۡرَٰهِيمَ وَءَالَ عِمۡرَٰنَ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ

Hubaal Allaah wuxuu ka doortay Aadam iyo Nuux iyo reer Ibraahiim iyo reer Cimraanba ummadaha dhan dushood
Surah Aal-e-Imran, Verse 33


ذُرِّيَّةَۢ بَعۡضُهَا مِنۢ بَعۡضٖۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ

Durriyad qaarkoodba ka yimid qaar, oo Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Og
Surah Aal-e-Imran, Verse 34


إِذۡ قَالَتِ ٱمۡرَأَتُ عِمۡرَٰنَ رَبِّ إِنِّي نَذَرۡتُ لَكَ مَا فِي بَطۡنِي مُحَرَّرٗا فَتَقَبَّلۡ مِنِّيٓۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

Waa tii ay marwadii Cimraan tidhi: Rabbiyow! Waxaan anigu hubaal kuu nadar galay in waxa ku jira uurkayga uu u madax bannaanaado (cibaadadaada) ee iga aqbal. Hubaal waxaad Adigu tahay wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
Surah Aal-e-Imran, Verse 35


فَلَمَّا وَضَعَتۡهَا قَالَتۡ رَبِّ إِنِّي وَضَعۡتُهَآ أُنثَىٰ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا وَضَعَتۡ وَلَيۡسَ ٱلذَّكَرُ كَٱلۡأُنثَىٰۖ وَإِنِّي سَمَّيۡتُهَا مَرۡيَمَ وَإِنِّيٓ أُعِيذُهَا بِكَ وَذُرِّيَّتَهَا مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ ٱلرَّجِيمِ

Markiise ay dhashay waxay tidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan dhalay ilmo dheddig ah, oo Allaah wuu ka ogaa (cid kale oo dhan) waxa ay dhashay – oo labku ma aha la mid dheddiga, oo waxaan u bixiyey Maryam8, oo waxaan kaa magan gelinayaa iyada iyo durriyaddeedaba Shaydaanka la fogeeyay
Surah Aal-e-Imran, Verse 36


فَتَقَبَّلَهَا رَبُّهَا بِقَبُولٍ حَسَنٖ وَأَنۢبَتَهَا نَبَاتًا حَسَنٗا وَكَفَّلَهَا زَكَرِيَّاۖ كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيۡهَا زَكَرِيَّا ٱلۡمِحۡرَابَ وَجَدَ عِندَهَا رِزۡقٗاۖ قَالَ يَٰمَرۡيَمُ أَنَّىٰ لَكِ هَٰذَاۖ قَالَتۡ هُوَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۖ إِنَّ ٱللَّهَ يَرۡزُقُ مَن يَشَآءُ بِغَيۡرِ حِسَابٍ

Markaasuu Rabbigeed ka aqbalay aqbal wanaagsan, oo ka yeelay inay korto koritaan wanaagsan, oo u dhiibay xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kasta oo uu Zakariya ugu soo galo Mixraabka (si uu u arko) wuxuu ka helaa agteeda riziq. Wuxuu yidhi: Maryameey: Xaggee bay waxakani kaaga yimaadaan? Waxay tidhi: Waa xag Ilaahay. Hubaal Allaah wuxuu u arsaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan
Surah Aal-e-Imran, Verse 37


هُنَالِكَ دَعَا زَكَرِيَّا رَبَّهُۥۖ قَالَ رَبِّ هَبۡ لِي مِن لَّدُنكَ ذُرِّيَّةٗ طَيِّبَةًۖ إِنَّكَ سَمِيعُ ٱلدُّعَآءِ

Halkaas buu Zakariya ku baryey Rabbigii, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga sii Xaggaaga ubad wanaagsan. Hubaal Waxaad tahay Maqlaha baryada
Surah Aal-e-Imran, Verse 38


فَنَادَتۡهُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ وَهُوَ قَآئِمٞ يُصَلِّي فِي ٱلۡمِحۡرَابِ أَنَّ ٱللَّهَ يُبَشِّرُكَ بِيَحۡيَىٰ مُصَدِّقَۢا بِكَلِمَةٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَسَيِّدٗا وَحَصُورٗا وَنَبِيّٗا مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ

Markaas bay malaa’igtu u dhawaaqday isagoo taagan oo ku tukanaya Mixraabka: in Allaah uu kuugu bishaaraynayo Yaxyaa oo rumeynaya Eray xagga Ilaahay ah oo sharaf leh oo dhowrsoon oo Nabi ah ka mid ah kuwa wanaagsan
Surah Aal-e-Imran, Verse 39


قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَٰمٞ وَقَدۡ بَلَغَنِيَ ٱلۡكِبَرُ وَٱمۡرَأَتِي عَاقِرٞۖ قَالَ كَذَٰلِكَ ٱللَّهُ يَفۡعَلُ مَا يَشَآءُ

Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan doonaa wiil ( ii dhasha) , anigoo da' noqday, oo haweentaydu waa ma dhaleys? Wuxuu yidhi: Sidaas buu Allaah u falaa wuxuu doono
Surah Aal-e-Imran, Verse 40


قَالَ رَبِّ ٱجۡعَل لِّيٓ ءَايَةٗۖ قَالَ ءَايَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَٰثَةَ أَيَّامٍ إِلَّا رَمۡزٗاۗ وَٱذۡكُر رَّبَّكَ كَثِيرٗا وَسَبِّحۡ بِٱلۡعَشِيِّ وَٱلۡإِبۡكَٰرِ

Wuxuu yidhi: Rabbbiyow! Ii yeel calaamo. Wuxuu yidhi: Calaamaddaadu waa inaadan la hadlin dadka saddex maalmood tilmaamo ma’ahee. Oo xus Rabbigaa wax badan oo xurmo weynee oo huf galab iyo subaxba
Surah Aal-e-Imran, Verse 41


وَإِذۡ قَالَتِ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ يَٰمَرۡيَمُ إِنَّ ٱللَّهَ ٱصۡطَفَىٰكِ وَطَهَّرَكِ وَٱصۡطَفَىٰكِ عَلَىٰ نِسَآءِ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Oo waa tii malaa’igtu tidhi: Maryameey! Hubaal Allaah wuu ku doortay oo ku daahiriyey, oo kaa doortay dumarka caalamka
Surah Aal-e-Imran, Verse 42


يَٰمَرۡيَمُ ٱقۡنُتِي لِرَبِّكِ وَٱسۡجُدِي وَٱرۡكَعِي مَعَ ٱلرَّـٰكِعِينَ

Maryameey! U joogtee daacadda Rabbigaa, oo sujuud, oo la rukuuc kuwa rakuuca
Surah Aal-e-Imran, Verse 43


ذَٰلِكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡغَيۡبِ نُوحِيهِ إِلَيۡكَۚ وَمَا كُنتَ لَدَيۡهِمۡ إِذۡ يُلۡقُونَ أَقۡلَٰمَهُمۡ أَيُّهُمۡ يَكۡفُلُ مَرۡيَمَ وَمَا كُنتَ لَدَيۡهِمۡ إِذۡ يَخۡتَصِمُونَ

Kani waa wax ka mid ah wararka waxa aan muuqan ee Ghaybka ah ee aanu kuu waxyoonno, oo lama aadan joogin markay qallamadooda tuuranayeen (si ay go’aan uga gaaraan) kooda kafaala qaadaya Maryam; oo adigu lama aadan joogin markay isla doodayeen
Surah Aal-e-Imran, Verse 44


إِذۡ قَالَتِ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ يَٰمَرۡيَمُ إِنَّ ٱللَّهَ يُبَشِّرُكِ بِكَلِمَةٖ مِّنۡهُ ٱسۡمُهُ ٱلۡمَسِيحُ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ وَجِيهٗا فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَمِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ

Waa tii malaa’igtu tidhi: Maryameey! Allaah wuxuu kuugu bishaaraynayaa Erey ka yimid Xaggiisa, oo magaciisu yahay Al-Masiix Ciisaa, ibnu Maryam, oo ku leh sharaf adduunkan iyo aakhiradaba, oo ka mid ah kuwaa la soo dhoweeyo
Surah Aal-e-Imran, Verse 45


وَيُكَلِّمُ ٱلنَّاسَ فِي ٱلۡمَهۡدِ وَكَهۡلٗا وَمِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ

Oo wuxuu la hadli doonaa dadka isagoo ilmo dhashay ah oo dhabta saaran iyo isagoo gar madoobe ah, oo (ahaan doonaa) mid ka mid ah kuwa wanaagsan
Surah Aal-e-Imran, Verse 46


قَالَتۡ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي وَلَدٞ وَلَمۡ يَمۡسَسۡنِي بَشَرٞۖ قَالَ كَذَٰلِكِ ٱللَّهُ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ إِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan doonaa wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? Wuxuu yidhi: Sidaas oy tahay, Allaah wuxuu abuuraa wuxuu doono. Marka uu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, markaa waaba yahay
Surah Aal-e-Imran, Verse 47


وَيُعَلِّمُهُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَٱلتَّوۡرَىٰةَ وَٱلۡإِنجِيلَ

Oo Wuxuu bari doonaa qoraalka iyo Xikmadda iyo Towraadda iyo Injiilka
Surah Aal-e-Imran, Verse 48


وَرَسُولًا إِلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ أَنِّي قَدۡ جِئۡتُكُم بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ أَنِّيٓ أَخۡلُقُ لَكُم مِّنَ ٱلطِّينِ كَهَيۡـَٔةِ ٱلطَّيۡرِ فَأَنفُخُ فِيهِ فَيَكُونُ طَيۡرَۢا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۖ وَأُبۡرِئُ ٱلۡأَكۡمَهَ وَٱلۡأَبۡرَصَ وَأُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۖ وَأُنَبِّئُكُم بِمَا تَأۡكُلُونَ وَمَا تَدَّخِرُونَ فِي بُيُوتِكُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لَّكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ

Oo (ka dhigi doonaa) Rasuul loo diro ilmaha Israa’iil: Inaan idiin la imid Calaamo xagga Rabbigiin ah, inaan idiinka gooyo dhoobada wax sida muuqaal shimbir leh, markaasaan afuufaa oo wuxuu noqdaa shimibir Idanka Ilaahay. Oo waxaan bogsiiyaa indhoolaha iyo baraslaha, oo soo nooleeyaa meytida Idanka Ilaahay, oo waxaan wax idiinka sheegaa waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan guryihiinna. Hubaal tani waxaa idiinku sugan xaqiiq calaamo, haddaad tihiin mu'miniin
Surah Aal-e-Imran, Verse 49


وَمُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيَّ مِنَ ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَلِأُحِلَّ لَكُم بَعۡضَ ٱلَّذِي حُرِّمَ عَلَيۡكُمۡۚ وَجِئۡتُكُم بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

Iyo xaqiijiye ahaan waxa hortyada ah ee Towraadda, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey, oo waxaan idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo i Adeeca
Surah Aal-e-Imran, Verse 50


إِنَّ ٱللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ

Hubaal Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, ee caabuda Isagoo Keliya, waa kane Jidka Toosan
Surah Aal-e-Imran, Verse 51


۞فَلَمَّآ أَحَسَّ عِيسَىٰ مِنۡهُمُ ٱلۡكُفۡرَ قَالَ مَنۡ أَنصَارِيٓ إِلَى ٱللَّهِۖ قَالَ ٱلۡحَوَارِيُّونَ نَحۡنُ أَنصَارُ ٱللَّهِ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَٱشۡهَدۡ بِأَنَّا مُسۡلِمُونَ

Markiise uu Ciise ka dareemay gaalnimo xaggooda, wuxuu yidhi: Yaa iigu gargaari xagga (Jidka) Ilaahay? Xertii waxay yidhaahdeen: Annagaa ah gargaarayaasha (Jidka) Ilaahay; waxaanu rumeysannahay Allaah, oo marag ka ahow inaanu nahay Muslimiin
Surah Aal-e-Imran, Verse 52


رَبَّنَآ ءَامَنَّا بِمَآ أَنزَلۡتَ وَٱتَّبَعۡنَا ٱلرَّسُولَ فَٱكۡتُبۡنَا مَعَ ٱلشَّـٰهِدِينَ

Rabbiyow! Waxaanu rumeysannahay waxa aad soo waxyootay, oo raacnaa Rasuulka, ee nagu qor la jirka markhaatiyada
Surah Aal-e-Imran, Verse 53


وَمَكَرُواْ وَمَكَرَ ٱللَّهُۖ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلۡمَٰكِرِينَ

Oo tab ayey dhigeen, oo Allaah (sidoo kale) tab ayuu dhigay. Oo Allaah baa ah Kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa
Surah Aal-e-Imran, Verse 54


إِذۡ قَالَ ٱللَّهُ يَٰعِيسَىٰٓ إِنِّي مُتَوَفِّيكَ وَرَافِعُكَ إِلَيَّ وَمُطَهِّرُكَ مِنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَجَاعِلُ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوكَ فَوۡقَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِۖ ثُمَّ إِلَيَّ مَرۡجِعُكُمۡ فَأَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡ فِيمَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ

Oo waa tii Allaah yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga, oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, oo waan idiin kala garsoori doonaa dhexdiinna waxaad isku khilaafteen
Surah Aal-e-Imran, Verse 55


فَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَأُعَذِّبُهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدٗا فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَمَا لَهُم مِّن نَّـٰصِرِينَ

Markaa ma kuwa gaalada ah, waxaan cadaabi doonaa cadaab daran adduunkan iyo Aakhiradaba, oo ma heli doonaan wax u soo gargaara
Surah Aal-e-Imran, Verse 56


وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ فَيُوَفِّيهِمۡ أُجُورَهُمۡۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Ma kuwase (Xaqa) rumeysan ee samaha fala, wuxuu u oofin doonaa abaalgudyadooda oo dhan.Oo Allaah ma jecla gar ma qaatayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 57


ذَٰلِكَ نَتۡلُوهُ عَلَيۡكَ مِنَ ٱلۡأٓيَٰتِ وَٱلذِّكۡرِ ٱلۡحَكِيمِ

Kan baan kuu akhrinnaa ee ka mid ah Aayadaha iyo waanada xikmadda ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 58


إِنَّ مَثَلَ عِيسَىٰ عِندَ ٱللَّهِ كَمَثَلِ ءَادَمَۖ خَلَقَهُۥ مِن تُرَابٖ ثُمَّ قَالَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

Hubaal mataalka Ciise xagga Ilaahay waa sida mataalka Aadam. Wuxuu ka abuuray ciid, markaasuu ku yidhi: Ahow, oo wuu ahaaday
Surah Aal-e-Imran, Verse 59


ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ

(Kani) waa Xaq ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid noqon shaki qabeenka
Surah Aal-e-Imran, Verse 60


فَمَنۡ حَآجَّكَ فِيهِ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَكَ مِنَ ٱلۡعِلۡمِ فَقُلۡ تَعَالَوۡاْ نَدۡعُ أَبۡنَآءَنَا وَأَبۡنَآءَكُمۡ وَنِسَآءَنَا وَنِسَآءَكُمۡ وَأَنفُسَنَا وَأَنفُسَكُمۡ ثُمَّ نَبۡتَهِلۡ فَنَجۡعَل لَّعۡنَتَ ٱللَّهِ عَلَى ٱلۡكَٰذِبِينَ

Qofkii se kaala dooda arrinkan kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Ilaahay ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 61


إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡقَصَصُ ٱلۡحَقُّۚ وَمَا مِنۡ إِلَٰهٍ إِلَّا ٱللَّهُۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Hubaal kani dhabtii waa faallada runta ah, oo ma jiro ilaah aan ahayn Allaah. Oo Allaah waa Adkaadaha, Xakiimka ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 62


فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِٱلۡمُفۡسِدِينَ

Haddiise ay dhabarka jeediyaan, haddaba hubaal Allaah wuu ogsoon yahay kuwa wax fasahaadiya
Surah Aal-e-Imran, Verse 63


قُلۡ يَـٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ تَعَالَوۡاْ إِلَىٰ كَلِمَةٖ سَوَآءِۭ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمۡ أَلَّا نَعۡبُدَ إِلَّا ٱللَّهَ وَلَا نُشۡرِكَ بِهِۦ شَيۡـٔٗا وَلَا يَتَّخِذَ بَعۡضُنَا بَعۡضًا أَرۡبَابٗا مِّن دُونِ ٱللَّهِۚ فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقُولُواْ ٱشۡهَدُواْ بِأَنَّا مُسۡلِمُونَ

Dheh: ehlul Kitaabow! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin axadna Allaah maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Allaah. Haddiise ay dhabarka jeediyaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin
Surah Aal-e-Imran, Verse 64


يَـٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تُحَآجُّونَ فِيٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَمَآ أُنزِلَتِ ٱلتَّوۡرَىٰةُ وَٱلۡإِنجِيلُ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِهِۦٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

Ehlul Kitaabow! Maxaad uga doodeysaan arrinka Ibraahiim, oo lamaba soo dejin Towraadda iyo Injiilka isaga kaddib maahee? Ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn
Surah Aal-e-Imran, Verse 65


هَـٰٓأَنتُمۡ هَـٰٓؤُلَآءِ حَٰجَجۡتُمۡ فِيمَا لَكُم بِهِۦ عِلۡمٞ فَلِمَ تُحَآجُّونَ فِيمَا لَيۡسَ لَكُم بِهِۦ عِلۡمٞۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ

Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxa aad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad haddaba uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Oo Allaah baa ogsoon, idinkuse ma ogidin
Surah Aal-e-Imran, Verse 66


مَا كَانَ إِبۡرَٰهِيمُ يَهُودِيّٗا وَلَا نَصۡرَانِيّٗا وَلَٰكِن كَانَ حَنِيفٗا مُّسۡلِمٗا وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

Ma uu ahayn Ibraahiim Yuhuudi ama Nasraani midkoodna9, laakiinse wuxuu ahaa toosane, Muslim ah, oo kama uu mid aheyn mushrikiinta
Surah Aal-e-Imran, Verse 67


إِنَّ أَوۡلَى ٱلنَّاسِ بِإِبۡرَٰهِيمَ لَلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ وَهَٰذَا ٱلنَّبِيُّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۗ وَٱللَّهُ وَلِيُّ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Hubaal kuwa u xiga Ibraahiim dadka waa kuwaa raacay, iyo Nabigaan iyo kuwa rumeysan. Oo Allaah waa Gargaaraha mu’miniinta
Surah Aal-e-Imran, Verse 68


وَدَّت طَّآئِفَةٞ مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ لَوۡ يُضِلُّونَكُمۡ وَمَا يُضِلُّونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمۡ وَمَا يَشۡعُرُونَ

Qayb ka mid ah Ehlul Kitaabka waxay jecel yihiin inay idin lumiyaan. Mase lumiyaan waxaan aheyn nafahooda, oo ma dareensana
Surah Aal-e-Imran, Verse 69


يَـٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَأَنتُمۡ تَشۡهَدُونَ

Ehlul Kitaabow! Maxaad u diideysaan Aayadaha Ilaahay idinkoo markhaati ka ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 70


يَـٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تَلۡبِسُونَ ٱلۡحَقَّ بِٱلۡبَٰطِلِ وَتَكۡتُمُونَ ٱلۡحَقَّ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

Ehlul-Kitaabow! Maxaad ugu dheeheysaan xaqa baadilka, oo u qarisaan xaqa idinkoo ogsoon
Surah Aal-e-Imran, Verse 71


وَقَالَت طَّآئِفَةٞ مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ ءَامِنُواْ بِٱلَّذِيٓ أُنزِلَ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَجۡهَ ٱلنَّهَارِ وَٱكۡفُرُوٓاْ ءَاخِرَهُۥ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ

Oo koox ka mid ah ehlul- Kitaabka waxay yidhaahdaan: Rumeeya waxa loo soo waxyooday kuwaa rumeysan gelinka hore ee maalinta, oo diida aakhirkeeda, bal in ay ka soo noqdaan (diintooda)
Surah Aal-e-Imran, Verse 72


وَلَا تُؤۡمِنُوٓاْ إِلَّا لِمَن تَبِعَ دِينَكُمۡ قُلۡ إِنَّ ٱلۡهُدَىٰ هُدَى ٱللَّهِ أَن يُؤۡتَىٰٓ أَحَدٞ مِّثۡلَ مَآ أُوتِيتُمۡ أَوۡ يُحَآجُّوكُمۡ عِندَ رَبِّكُمۡۗ قُلۡ إِنَّ ٱلۡفَضۡلَ بِيَدِ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ وَٰسِعٌ عَلِيمٞ

Oo ha aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna. Dheh: Hubaal hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Ilaahay, (oo ma xasdeysan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Hubaal fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Ilaahay;Wuxuu siiyaa kuu doono. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon
Surah Aal-e-Imran, Verse 73


يَخۡتَصُّ بِرَحۡمَتِهِۦ مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ

Wuxuu u doortaa Naxariistiisa kuu doono. Oo Allaah waa Rabbiga Fadliga Weyn
Surah Aal-e-Imran, Verse 74


۞وَمِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ مَنۡ إِن تَأۡمَنۡهُ بِقِنطَارٖ يُؤَدِّهِۦٓ إِلَيۡكَ وَمِنۡهُم مَّنۡ إِن تَأۡمَنۡهُ بِدِينَارٖ لَّا يُؤَدِّهِۦٓ إِلَيۡكَ إِلَّا مَا دُمۡتَ عَلَيۡهِ قَآئِمٗاۗ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لَيۡسَ عَلَيۡنَا فِي ٱلۡأُمِّيِّـۧنَ سَبِيلٞ وَيَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ

Oo waxaa ka mid ah ehlul- Kitaabka mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin doona isagii oo dhan; oo waxaa ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudi doonin inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa tan ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah (nalagu eedeeyo)11; oo waxay Allaah ka sheegaan been iyagoo ogsoon
Surah Aal-e-Imran, Verse 75


بَلَىٰۚ مَنۡ أَوۡفَىٰ بِعَهۡدِهِۦ وَٱتَّقَىٰ فَإِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُتَّقِينَ

Haayoo, qofkii oofiya ballankiisa oo iska jira (xumaha) haddaba hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa iska jira xumaha
Surah Aal-e-Imran, Verse 76


إِنَّ ٱلَّذِينَ يَشۡتَرُونَ بِعَهۡدِ ٱللَّهِ وَأَيۡمَٰنِهِمۡ ثَمَنٗا قَلِيلًا أُوْلَـٰٓئِكَ لَا خَلَٰقَ لَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ وَلَا يُكَلِّمُهُمُ ٱللَّهُ وَلَا يَنظُرُ إِلَيۡهِمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَلَا يُزَكِّيهِمۡ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ

Hubaal kuwa ku iibsada Axdiga Ilaahay12 iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma lahaan doonaan wax saami ah Aakhirada. Oo Allaah lama hadli doono, mana eegi doono Maalinta Qiyaamaha, mana daahirin doono, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
Surah Aal-e-Imran, Verse 77


وَإِنَّ مِنۡهُمۡ لَفَرِيقٗا يَلۡوُۥنَ أَلۡسِنَتَهُم بِٱلۡكِتَٰبِ لِتَحۡسَبُوهُ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَمَا هُوَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَيَقُولُونَ هُوَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ وَمَا هُوَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۖ وَيَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ

Oo hubaal waxaa ka mid ah qaar ku weecsha carrabyadooda Kitaabka si aad u mooddaan inuu ka mid yahay Kitaabka, isagoon ka mid ahayn Kitaabka, oo waxay yidhaahdaan: wuxuu ka yimid Xagga Ilaahay; isagoo aan ka iman xagga Ilaahay, oo waxay ka sheegaan Allaah been iyagoo ogsoon
Surah Aal-e-Imran, Verse 78


مَا كَانَ لِبَشَرٍ أَن يُؤۡتِيَهُ ٱللَّهُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحُكۡمَ وَٱلنُّبُوَّةَ ثُمَّ يَقُولَ لِلنَّاسِ كُونُواْ عِبَادٗا لِّي مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِن كُونُواْ رَبَّـٰنِيِّـۧنَ بِمَا كُنتُمۡ تُعَلِّمُونَ ٱلۡكِتَٰبَ وَبِمَا كُنتُمۡ تَدۡرُسُونَ

Kuma habboona qof inuu Allaah siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabinnimo, markaas uu ku yidhaahda dadka: Ii noqda addoommo halkii Allaah; Laakiinse (halkii taa wuxuu yidhaahdaa): Ahaada caabudayaal Rabbi, Kitaabka aad bareysaan dartiis, iyo waxaad akhrinaysaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 79


وَلَا يَأۡمُرَكُمۡ أَن تَتَّخِذُواْ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ وَٱلنَّبِيِّـۧنَ أَرۡبَابًاۚ أَيَأۡمُرُكُم بِٱلۡكُفۡرِ بَعۡدَ إِذۡ أَنتُم مُّسۡلِمُونَ

Oo idinma amrayo inaad ka dhigataan malaa’igta iyo Nabiyada rabbiyo, ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo intaad Muslimiin noqoteen kaddib
Surah Aal-e-Imran, Verse 80


وَإِذۡ أَخَذَ ٱللَّهُ مِيثَٰقَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ لَمَآ ءَاتَيۡتُكُم مِّن كِتَٰبٖ وَحِكۡمَةٖ ثُمَّ جَآءَكُمۡ رَسُولٞ مُّصَدِّقٞ لِّمَا مَعَكُمۡ لَتُؤۡمِنُنَّ بِهِۦ وَلَتَنصُرُنَّهُۥۚ قَالَ ءَأَقۡرَرۡتُمۡ وَأَخَذۡتُمۡ عَلَىٰ ذَٰلِكُمۡ إِصۡرِيۖ قَالُوٓاْ أَقۡرَرۡنَاۚ قَالَ فَٱشۡهَدُواْ وَأَنَا۠ مَعَكُم مِّنَ ٱلشَّـٰهِدِينَ

Oo waa tii uu Allaah ka qaaday Nabiyada ballan adag13: waxaan idin siiyoba ee Kitaab iyo Xikmad ah, oo markaas idiin yimaado Rasuul xaqiijinaya waxaad haysataan, waa inaad rumeysaan oo waa inaad u gargaartaan; Wuxuu yidhi: Ma qireysaan oo ma qaadaneysaan wacadkay (arrinkan)? Waxay yidhaahdeen: Waanu qirsannahay. Wuxuu yidhi: Haddaba markhaati ka ahaada; Aniguna (sidoo kale) waxaan ahay la jirkiin mid ka mid ah markhaatiyada
Surah Aal-e-Imran, Verse 81


فَمَن تَوَلَّىٰ بَعۡدَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ

Ee qofkii dhabarka jeediya tani kaddib,kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 82


أَفَغَيۡرَ دِينِ ٱللَّهِ يَبۡغُونَ وَلَهُۥٓ أَسۡلَمَ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ طَوۡعٗا وَكَرۡهٗا وَإِلَيۡهِ يُرۡجَعُونَ

Oo haddaba ma waxaan ahayn diinta Ilaahay bay rabaan (inay raacaan), Isagoo ay u hoggaansan yihiin waxa jira oo dhan samooyinka iyo arlada, oggolaan ama sandulleba, oo Xaggiisa baa loo soo celin doonaa
Surah Aal-e-Imran, Verse 83


قُلۡ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا وَمَآ أُنزِلَ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطِ وَمَآ أُوتِيَ مُوسَىٰ وَعِيسَىٰ وَٱلنَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمۡ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّنۡهُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ

Dheh: Waxaanu rumeysansannahay Allaah, iyo waxa naloo soo waxyooday, iyo waxa loo soo waxyooday Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Oo innaguna Isaga ayaan isu dhiibnaa
Surah Aal-e-Imran, Verse 84


وَمَن يَبۡتَغِ غَيۡرَ ٱلۡإِسۡلَٰمِ دِينٗا فَلَن يُقۡبَلَ مِنۡهُ وَهُوَ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ

Oo qofkii doona waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbali doono, oo wuxuu Aakhirada ka mid ahaan doonaa kuwa ku sugan khasaarada
Surah Aal-e-Imran, Verse 85


كَيۡفَ يَهۡدِي ٱللَّهُ قَوۡمٗا كَفَرُواْ بَعۡدَ إِيمَٰنِهِمۡ وَشَهِدُوٓاْ أَنَّ ٱلرَّسُولَ حَقّٞ وَجَآءَهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Sidee baa Allaah u hanuunin doonaa qolo diidday (Xaqa) rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 86


أُوْلَـٰٓئِكَ جَزَآؤُهُمۡ أَنَّ عَلَيۡهِمۡ لَعۡنَةَ ٱللَّهِ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ

(Ma xagga) kuwani, abaalkoodu waa inay korkooda ku dhacdo Nacladda Ilaahay, iyo malaa`igta iyo dadka oo dhan
Surah Aal-e-Imran, Verse 87


خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابُ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ

Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabta lagama khafiifin doono, oo lama siin doono nafis
Surah Aal-e-Imran, Verse 88


إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ وَأَصۡلَحُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ

Marka laga reebo kuwa toobad keena taasi (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada. haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Aal-e-Imran, Verse 89


إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بَعۡدَ إِيمَٰنِهِمۡ ثُمَّ ٱزۡدَادُواْ كُفۡرٗا لَّن تُقۡبَلَ تَوۡبَتُهُمۡ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلضَّآلُّونَ

Hubaal, kuwa Xaqa diida rumayntoodii kaddib, haddana kororsada iimaan darro, lagama aqbali doono toobadooda (ay sheegtaan), oo waa kuwan kuwa lunsan
Surah Aal-e-Imran, Verse 90


إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَمَاتُواْ وَهُمۡ كُفَّارٞ فَلَن يُقۡبَلَ مِنۡ أَحَدِهِم مِّلۡءُ ٱلۡأَرۡضِ ذَهَبٗا وَلَوِ ٱفۡتَدَىٰ بِهِۦٓۗ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ وَمَا لَهُم مِّن نَّـٰصِرِينَ

Hubaal, kuwa (xaqa) diida oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbali doono midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwan weeye kuwa mudan doona cadaab aad u xanuun badan, oo ma heli doonaan wax u gargaara
Surah Aal-e-Imran, Verse 91


لَن تَنَالُواْ ٱلۡبِرَّ حَتَّىٰ تُنفِقُواْ مِمَّا تُحِبُّونَۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِن شَيۡءٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِهِۦ عَلِيمٞ

Marnaba ma haleeli doontaan ajarka wanaagsan (ee Jannada) jeer aad bixisaan wax ka mid ah waxaad jeceshihiin; oo wax kastoo aad bixisaan, hubaal Allaah waa uu Ogsoon yahay
Surah Aal-e-Imran, Verse 92


۞كُلُّ ٱلطَّعَامِ كَانَ حِلّٗا لِّبَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ إِلَّا مَا حَرَّمَ إِسۡرَـٰٓءِيلُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ مِن قَبۡلِ أَن تُنَزَّلَ ٱلتَّوۡرَىٰةُۚ قُلۡ فَأۡتُواْ بِٱلتَّوۡرَىٰةِ فَٱتۡلُوهَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intii aan la soo waxyoon Towraadda14. Dheh: Keena haddaba Tawraadda oo Akhriya, haddaad tihiin run sheegayaal
Surah Aal-e-Imran, Verse 93


فَمَنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ

Haddaba qofkii ka been sheega Allaah tani kaddib, kuwan weeye kuwa ah gar ma qaatayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 94


قُلۡ صَدَقَ ٱللَّهُۗ فَٱتَّبِعُواْ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

Dheh: Run buu sheegay Allaah; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, oo kama mid aheyn mushrikiinta
Surah Aal-e-Imran, Verse 95


إِنَّ أَوَّلَ بَيۡتٖ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِي بِبَكَّةَ مُبَارَكٗا وَهُدٗى لِّلۡعَٰلَمِينَ

Hubaal gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) xaqiiq waa midka ku yaal Bakka15, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha
Surah Aal-e-Imran, Verse 96


فِيهِ ءَايَٰتُۢ بَيِّنَٰتٞ مَّقَامُ إِبۡرَٰهِيمَۖ وَمَن دَخَلَهُۥ كَانَ ءَامِنٗاۗ وَلِلَّهِ عَلَى ٱلنَّاسِ حِجُّ ٱلۡبَيۡتِ مَنِ ٱسۡتَطَاعَ إِلَيۡهِ سَبِيلٗاۚ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Waxaa ku dhex yaaal calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; oo qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. Oo u xajinta beydka waa xil saaran dadka dar Ilaahay, (waa xil saaran) qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggeeda17, oo qofkii beeniya, haddaba hubaal Allaah wuu ka kaaftoon yahay uunanka
Surah Aal-e-Imran, Verse 97


قُلۡ يَـٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَٱللَّهُ شَهِيدٌ عَلَىٰ مَا تَعۡمَلُونَ

Dheh: ehlul Kitaabow! Maxaad u diideysaan Aayadaha Ilaahay? Oo Allaah wuu u jeedaa waxa aad fashaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 98


قُلۡ يَـٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ مَنۡ ءَامَنَ تَبۡغُونَهَا عِوَجٗا وَأَنتُمۡ شُهَدَآءُۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ

Dheh: Ehlul- Kitaabow! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Ilaahay kan rumeysan? Waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 99


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تُطِيعُواْ فَرِيقٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ يَرُدُّوكُم بَعۡدَ إِيمَٰنِكُمۡ كَٰفِرِينَ

Mu’miniintoy! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (waa Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin doonaan gaalo ahaan iimankiinna kaddib
Surah Aal-e-Imran, Verse 100


وَكَيۡفَ تَكۡفُرُونَ وَأَنتُمۡ تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ وَفِيكُمۡ رَسُولُهُۥۗ وَمَن يَعۡتَصِم بِٱللَّهِ فَقَدۡ هُدِيَ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Ilaahay, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Oo qofkii si sugan u qabsada Allaah, waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jidka Toosan
Surah Aal-e-Imran, Verse 101


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ حَقَّ تُقَاتِهِۦ وَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنتُم مُّسۡلِمُونَ

Mu’miniintoy! Dhowra ( xilka uu idin saaray) Allaah, ka dhowrsiga uu mudan yahay, oo ha dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (kuwo u hoggaansan Allaah)
Surah Aal-e-Imran, Verse 102


وَٱعۡتَصِمُواْ بِحَبۡلِ ٱللَّهِ جَمِيعٗا وَلَا تَفَرَّقُواْۚ وَٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ كُنتُمۡ أَعۡدَآءٗ فَأَلَّفَ بَيۡنَ قُلُوبِكُمۡ فَأَصۡبَحۡتُم بِنِعۡمَتِهِۦٓ إِخۡوَٰنٗا وَكُنتُمۡ عَلَىٰ شَفَا حُفۡرَةٖ مِّنَ ٱلنَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنۡهَاۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ

Oo si sugan u qabsada Axdiga Ilaahay dhammaantiin, oo ha qaybsamina, oo xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); oo waxaad qarka u saarnaydeen bohol Naar ah, markaasuu idinka badbaadshay. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, bal inaad hanuuntaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 103


وَلۡتَكُن مِّنكُمۡ أُمَّةٞ يَدۡعُونَ إِلَى ٱلۡخَيۡرِ وَيَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِۚ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

Oo ha idinka mid ahaato koox ku baaqda khayrka, oo amarta samaha oo reebta xumaha. Oo kuwan weeye kuwa liibaani doona
Surah Aal-e-Imran, Verse 104


وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ تَفَرَّقُواْ وَٱخۡتَلَفُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُۚ وَأُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ

Oo ha noqonnina sida kuwa kala qaybsamay oo iskhilaafay kaddib marka xujooyinka cad ay u yimaadeen. Oo kuwan weeye kuwa mudan cadaab aad u daran
Surah Aal-e-Imran, Verse 105


يَوۡمَ تَبۡيَضُّ وُجُوهٞ وَتَسۡوَدُّ وُجُوهٞۚ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱسۡوَدَّتۡ وُجُوهُهُمۡ أَكَفَرۡتُم بَعۡدَ إِيمَٰنِكُمۡ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ

Maalinta marka wajiyo (qaar) ay caddaan, oo wejiyo (qaarna) ay madoobaan; marka ma kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan: Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Ee dha- dhamiya cadaabta gaalnimadiinnii darteed
Surah Aal-e-Imran, Verse 106


وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱبۡيَضَّتۡ وُجُوهُهُمۡ فَفِي رَحۡمَةِ ٱللَّهِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

Kuwase ay wajiyadoodu caddaadaan, waxay dhex ahaan doonaan Naxariista Ilaahay (Jannada), iyagoo ku dhex waari
Surah Aal-e-Imran, Verse 107


تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتۡلُوهَا عَلَيۡكَ بِٱلۡحَقِّۗ وَمَا ٱللَّهُ يُرِيدُ ظُلۡمٗا لِّلۡعَٰلَمِينَ

Kuwani waa Aayadaha Ilaahay ee aan kuugu akhrinno xaq, oo Allaah lama doono wax gardarro ah uunanka
Surah Aal-e-Imran, Verse 108


وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ

Oo Allaah baa leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo xagga Allaah bay umuurahoo dhan u noqdaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 109


كُنتُمۡ خَيۡرَ أُمَّةٍ أُخۡرِجَتۡ لِلنَّاسِ تَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَتَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَتُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِۗ وَلَوۡ ءَامَنَ أَهۡلُ ٱلۡكِتَٰبِ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۚ مِّنۡهُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَأَكۡثَرُهُمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ

Waxaad tihiin tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, oo aad reebtaan xumaha, oo rumeysan tihiin Allaah. oo hadday ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen, waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah, oo badankoodu waa caasiyaal
Surah Aal-e-Imran, Verse 110


لَن يَضُرُّوكُمۡ إِلَّآ أَذٗىۖ وَإِن يُقَٰتِلُوكُمۡ يُوَلُّوكُمُ ٱلۡأَدۡبَارَ ثُمَّ لَا يُنصَرُونَ

Idiinma geysan doonaan sinnaba wax waxyeello ah, dhib yar maahee; oo hadday idin la dagaallamaan dhabarkay idiin jeedin doonaan, markaas looma gargaari doono
Surah Aal-e-Imran, Verse 111


ضُرِبَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلذِّلَّةُ أَيۡنَ مَا ثُقِفُوٓاْ إِلَّا بِحَبۡلٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَحَبۡلٖ مِّنَ ٱلنَّاسِ وَبَآءُو بِغَضَبٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَضُرِبَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلۡمَسۡكَنَةُۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَانُواْ يَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَيَقۡتُلُونَ ٱلۡأَنۢبِيَآءَ بِغَيۡرِ حَقّٖۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَواْ وَّكَانُواْ يَعۡتَدُونَ

Dulli baa la raacshay dushooda meel kastoo laga helo, waxaan aheyn marka ay ku hoos jiraan axdi xagga Ilaahay ah, ama axdi xagga dadka ah; oo waxay noqdeen kuwo mudan Cadho xag Ilaahay ah, oo dar xumo baa la saaraay korkooda. Arrinkani waxaa ugu wacan inay diideen Aayadaha Ilaahay oo ku dileen Nabiyadii xaq darro. Arrinkani waxaa ugu wacan inay caasiyeen oo xadgudbeen
Surah Aal-e-Imran, Verse 112


۞لَيۡسُواْ سَوَآءٗۗ مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ أُمَّةٞ قَآئِمَةٞ يَتۡلُونَ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ ءَانَآءَ ٱلَّيۡلِ وَهُمۡ يَسۡجُدُونَ

Ma aha isku wada mid; waxaa ka mid ah ehlul Kitaabka koox toosan18; waxay akhriyaan Aayadaha Ilaahay waqtiyada habeenka, oo way u sujuudaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 113


يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَيَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَيُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ

Waxay rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta Dambeysa; oo waxay amraan samaha oo reebaan xumaha19; oo waxay iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, oo kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan
Surah Aal-e-Imran, Verse 114


وَمَا يَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَلَن يُكۡفَرُوهُۗ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلۡمُتَّقِينَ

Oo wax waliba oo khayr ah ay falaan lagama dayrin doono abaalkooda; oo Allaah wuu Og yahay kuwa iska jira (xumaha)
Surah Aal-e-Imran, Verse 115


إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَن تُغۡنِيَ عَنۡهُمۡ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـٔٗاۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

(Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan diida, hubaal wax ugama tari doonaan maalkooda iyo awlaaddoodu midna xagga Ilaahay. Oo waa kuwan ehlu Naarka, iyagoo ay ku dhex waari doonaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 116


مَثَلُ مَا يُنفِقُونَ فِي هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا كَمَثَلِ رِيحٖ فِيهَا صِرٌّ أَصَابَتۡ حَرۡثَ قَوۡمٖ ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَأَهۡلَكَتۡهُۚ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَٰكِنۡ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ

Mataalka waxa ay ku bixiyaan nolosha adduunkan waa sida dabayl aad u qabow oo ku dhacda abuurka beer qolo gef u geystay nafahooda, oo baabbi’isa. Oo Allaah ma uusan ku gardarroon, laakiinse iyagaa nafahooda u gefey
Surah Aal-e-Imran, Verse 117


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ بِطَانَةٗ مِّن دُونِكُمۡ لَا يَأۡلُونَكُمۡ خَبَالٗا وَدُّواْ مَا عَنِتُّمۡ قَدۡ بَدَتِ ٱلۡبَغۡضَآءُ مِنۡ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَمَا تُخۡفِي صُدُورُهُمۡ أَكۡبَرُۚ قَدۡ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡقِلُونَ

Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn, oo aan ka gaabsanayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, oo waxay laabahoodu qarsadaan baa weliba ka sii weyn. Xaqiiq waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad garowsan doontaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 118


هَـٰٓأَنتُمۡ أُوْلَآءِ تُحِبُّونَهُمۡ وَلَا يُحِبُّونَكُمۡ وَتُؤۡمِنُونَ بِٱلۡكِتَٰبِ كُلِّهِۦ وَإِذَا لَقُوكُمۡ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَوۡاْ عَضُّواْ عَلَيۡكُمُ ٱلۡأَنَامِلَ مِنَ ٱلۡغَيۡظِۚ قُلۡ مُوتُواْ بِغَيۡظِكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Eeg! Idinka baa jeclaada iyaga (Yuhuudda iyo Nasaarada), halka ay iyagu idin jecleyn, oo waxaad rumeysan tihiin Kitaabka (waxa ku yaal) oo dhan. Oo markay idinla kulmaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay. Markase ay yihiin keligood, waxay qaniinaan foodaha farahooda ciil ay idiin qabaan awgii. Dheh: U dhinta ciilkiinna. Hubaal, Allaah waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
Surah Aal-e-Imran, Verse 119


إِن تَمۡسَسۡكُمۡ حَسَنَةٞ تَسُؤۡهُمۡ وَإِن تُصِبۡكُمۡ سَيِّئَةٞ يَفۡرَحُواْ بِهَاۖ وَإِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ لَا يَضُرُّكُمۡ كَيۡدُهُمۡ شَيۡـًٔاۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ

Hadday idin haleesho wanaag, waa ay murugo gelisaa, oo hadday idinku dhacdo xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Allaah wuu koobaa waxay falaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 120


وَإِذۡ غَدَوۡتَ مِنۡ أَهۡلِكَ تُبَوِّئُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ مَقَٰعِدَ لِلۡقِتَالِۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ

Oo waa tii aad ka jarmaadday goor aroor hore ah ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan20 Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon
Surah Aal-e-Imran, Verse 121


إِذۡ هَمَّت طَّآئِفَتَانِ مِنكُمۡ أَن تَفۡشَلَا وَٱللَّهُ وَلِيُّهُمَاۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan21, oo Allaah baa ahaa Gargaaraha labadoodaba.oo waa inay Allaah ku kasloonaadaan mu’miniintu
Surah Aal-e-Imran, Verse 122


وَلَقَدۡ نَصَرَكُمُ ٱللَّهُ بِبَدۡرٖ وَأَنتُمۡ أَذِلَّةٞۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ

Oo wuxuu xaqiiq Allaah idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, si aad u mahad naqdaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 123


إِذۡ تَقُولُ لِلۡمُؤۡمِنِينَ أَلَن يَكۡفِيَكُمۡ أَن يُمِدَّكُمۡ رَبُّكُم بِثَلَٰثَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةِ مُنزَلِينَ

Waa tii aad ku lahayd mu’miniinta: Oo miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo la soo diray
Surah Aal-e-Imran, Verse 124


بَلَىٰٓۚ إِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ وَيَأۡتُوكُم مِّن فَوۡرِهِمۡ هَٰذَا يُمۡدِدۡكُمۡ رَبُّكُم بِخَمۡسَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةِ مُسَوِّمِينَ

Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri doonaa shan kun oo malaa’ig ah, oo calaamadeysan
Surah Aal-e-Imran, Verse 125


وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشۡرَىٰ لَكُمۡ وَلِتَطۡمَئِنَّ قُلُوبُكُم بِهِۦۗ وَمَا ٱلنَّصۡرُ إِلَّا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ

Oo Allaah kama uu dhigin (arrintaas) waxaan ahayn war san oo la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Oo guushu kama timaaddo waxaan aheyn xagga Ilaahay Adkaadaha, Xakiimka ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 126


لِيَقۡطَعَ طَرَفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَوۡ يَكۡبِتَهُمۡ فَيَنقَلِبُواْ خَآئِبِينَ

Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 127


لَيۡسَ لَكَ مِنَ ٱلۡأَمۡرِ شَيۡءٌ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡ أَوۡ يُعَذِّبَهُمۡ فَإِنَّهُمۡ ظَٰلِمُونَ

Waxba kaama gelin arrinka23, hadduu ugu soo noqonayo (si naxariis leh) ama ci- qaabayo, hubaal iyagu waa gar ma qaatayaal
Surah Aal-e-Imran, Verse 128


وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Oo Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Wuxuu u dambi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Aal-e-Imran, Verse 129


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَأۡكُلُواْ ٱلرِّبَوٰٓاْ أَضۡعَٰفٗا مُّضَٰعَفَةٗۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ

Mu’miniintoy! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii laab laabay, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah aad liibaantaane
Surah Aal-e-Imran, Verse 130


وَٱتَّقُواْ ٱلنَّارَ ٱلَّتِيٓ أُعِدَّتۡ لِلۡكَٰفِرِينَ

Oo iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada
Surah Aal-e-Imran, Verse 131


وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ

Oo adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), si la idiinku naxariisto
Surah Aal-e-Imran, Verse 132


۞وَسَارِعُوٓاْ إِلَىٰ مَغۡفِرَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ وَجَنَّةٍ عَرۡضُهَا ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ أُعِدَّتۡ لِلۡمُتَّقِينَ

Oo u degdega dambi dhaaf xagga Rabbigiin ah, iyo Beer, ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, waxaa loo diyaariyey kuwa iska ilaasha (xumaha)
Surah Aal-e-Imran, Verse 133


ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ فِي ٱلسَّرَّآءِ وَٱلضَّرَّآءِ وَٱلۡكَٰظِمِينَ ٱلۡغَيۡظَ وَٱلۡعَافِينَ عَنِ ٱلنَّاسِۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Kuwa wax u bixiya (si wanaagsan) waqtiga ladnaanta iyo lurnaantaba, iyo kuwa liqa cadha(dooda) oo iska cafiya dadka. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 134


وَٱلَّذِينَ إِذَا فَعَلُواْ فَٰحِشَةً أَوۡ ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ ذَكَرُواْ ٱللَّهَ فَٱسۡتَغۡفَرُواْ لِذُنُوبِهِمۡ وَمَن يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ إِلَّا ٱللَّهُ وَلَمۡ يُصِرُّواْ عَلَىٰ مَا فَعَلُواْ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ

Iyo kuwa markay falaan anshax xumo ama u gefaan nafahooda24, xusuusta Ilaahay, oo weydiista in laga dhaafo dambiyadooda; oo yaa dhaafa dambiyada aan aheyn Allaah, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxa ay faleen
Surah Aal-e-Imran, Verse 135


أُوْلَـٰٓئِكَ جَزَآؤُهُم مَّغۡفِرَةٞ مِّن رَّبِّهِمۡ وَجَنَّـٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَنِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ

(Ma xagga) kuwan- abaalgudkoodu waa dambi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero ay hoostoodu qulqulaan wabiyo, oo ay ku dhex waarayaan, oo wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 136


قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِكُمۡ سُنَنٞ فَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ

Xaqiiq waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee ku socdaala dhulka oo fiirsha sida ay ku dambeysey cidhibta beeniyayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 137


هَٰذَا بَيَانٞ لِّلنَّاسِ وَهُدٗى وَمَوۡعِظَةٞ لِّلۡمُتَّقِينَ

Kanu waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano ku socota kuwa iska ilaasha xumaha
Surah Aal-e-Imran, Verse 138


وَلَا تَهِنُواْ وَلَا تَحۡزَنُواْ وَأَنتُمُ ٱلۡأَعۡلَوۡنَ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ

Oo ha ahaannina kuwo aan sugnaan, oo ha murugoonnina, oo idinkaa sarreyn doono haddaad tihiin mu’miniin
Surah Aal-e-Imran, Verse 139


إِن يَمۡسَسۡكُمۡ قَرۡحٞ فَقَدۡ مَسَّ ٱلۡقَوۡمَ قَرۡحٞ مِّثۡلُهُۥۚ وَتِلۡكَ ٱلۡأَيَّامُ نُدَاوِلُهَا بَيۡنَ ٱلنَّاسِ وَلِيَعۡلَمَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَيَتَّخِذَ مِنكُمۡ شُهَدَآءَۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa xaqiiq soo gaaray dhaawac la mid ah dadkaa (gaalada) ah; oo waxaan ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, oo waa si uu Allaah u muujiyo kuwa rumeysan, oo idiinka sameysto shuhado. Oo Allaah ma jecla gar ma qaatayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 140


وَلِيُمَحِّصَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَيَمۡحَقَ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Oo waa si uu u daahiriyo kuwa rumeysan oo u beelaan gaalada barakooyinka
Surah Aal-e-Imran, Verse 141


أَمۡ حَسِبۡتُمۡ أَن تَدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ وَلَمَّا يَعۡلَمِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ جَٰهَدُواْ مِنكُمۡ وَيَعۡلَمَ ٱلصَّـٰبِرِينَ

Ma waxaad mooddaan inaad gali doontaan jannada isagoon Allaah aan weli muujin kuwiinna aad u jihaada25 oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin kuwa samrayaasha ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 142


وَلَقَدۡ كُنتُمۡ تَمَنَّوۡنَ ٱلۡمَوۡتَ مِن قَبۡلِ أَن تَلۡقَوۡهُ فَقَدۡ رَأَيۡتُمُوهُ وَأَنتُمۡ تَنظُرُونَ

Oo xaqiiq waxaad rabteen dhimashada ka hor intaydaan la kulmin. Oo xaqiiq waad aragteen idinkoo eegaya
Surah Aal-e-Imran, Verse 143


وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٞ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِ ٱلرُّسُلُۚ أَفَإِيْن مَّاتَ أَوۡ قُتِلَ ٱنقَلَبۡتُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡۚ وَمَن يَنقَلِبۡ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِ فَلَن يَضُرَّ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۚ وَسَيَجۡزِي ٱللَّهُ ٱلشَّـٰكِرِينَ

Oo Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul, Waxaa xaqiiq tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto26 ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Oo qofkii dib ugu gaddoomaa cirbihiisa, waxba uma dhimi doono Allaah, Oo Allaah waa u abaal gudi doonaa mahad naqayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 144


وَمَا كَانَ لِنَفۡسٍ أَن تَمُوتَ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِ كِتَٰبٗا مُّؤَجَّلٗاۗ وَمَن يُرِدۡ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا نُؤۡتِهِۦ مِنۡهَا وَمَن يُرِدۡ ثَوَابَ ٱلۡأٓخِرَةِ نُؤۡتِهِۦ مِنۡهَاۚ وَسَنَجۡزِي ٱلشَّـٰكِرِينَ

Oo nafi ma dhiman doonto Idanka Ilaahay ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Oo qofkii raba abaalka adduunyadan, Waxbaan ka siin doonnaa, oo qofkii raba abaalka Aakhirada, waxbaan ka siin doonnaa. Oo Waanu u abaal gudi doonnaa mahad naqayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 145


وَكَأَيِّن مِّن نَّبِيّٖ قَٰتَلَ مَعَهُۥ رِبِّيُّونَ كَثِيرٞ فَمَا وَهَنُواْ لِمَآ أَصَابَهُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَمَا ضَعُفُواْ وَمَا ٱسۡتَكَانُواْۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلصَّـٰبِرِينَ

Oo badanaa inta Nabi ee ay la dagaal galeen Rabbi yaqaanno tiro badan. Ee marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Ilaahay, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Oo Allaah wuu jecel yahay kuwa samir yeesha
Surah Aal-e-Imran, Verse 146


وَمَا كَانَ قَوۡلَهُمۡ إِلَّآ أَن قَالُواْ رَبَّنَا ٱغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَا وَإِسۡرَافَنَا فِيٓ أَمۡرِنَا وَثَبِّتۡ أَقۡدَامَنَا وَٱنصُرۡنَا عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Oo ma ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbiyow! Noo dhaaf dambiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, oo noo sug cagahayaga, oo nooga gargaar dadkaa gaalada ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 147


فَـَٔاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا وَحُسۡنَ ثَوَابِ ٱلۡأٓخِرَةِۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Markaasuu Allaah siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 148


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تُطِيعُواْ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَرُدُّوكُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡ فَتَنقَلِبُواْ خَٰسِرِينَ

Mu’miniintoy! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin doonaan cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi doontaan idinkoo khasaaro ku sugan
Surah Aal-e-Imran, Verse 149


بَلِ ٱللَّهُ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلنَّـٰصِرِينَ

Mayee! Allaah baa ah Gargaarihiin, Isaga baana u wanaagsan gargaarayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 150


سَنُلۡقِي فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلرُّعۡبَ بِمَآ أَشۡرَكُواْ بِٱللَّهِ مَا لَمۡ يُنَزِّلۡ بِهِۦ سُلۡطَٰنٗاۖ وَمَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُۖ وَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلظَّـٰلِمِينَ

Waxaan ku tuuri doonnaa argagax quluubta kuwa rumeysan diida, sababta la wadaajintooda Allaah waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; oo hoygood waa Naarta. Oo wax xun oo baas waa hoyga gar ma qaatayaasha
Surah Aal-e-Imran, Verse 151


وَلَقَدۡ صَدَقَكُمُ ٱللَّهُ وَعۡدَهُۥٓ إِذۡ تَحُسُّونَهُم بِإِذۡنِهِۦۖ حَتَّىٰٓ إِذَا فَشِلۡتُمۡ وَتَنَٰزَعۡتُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِ وَعَصَيۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ مَآ أَرَىٰكُم مَّا تُحِبُّونَۚ مِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلدُّنۡيَا وَمِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۚ ثُمَّ صَرَفَكُمۡ عَنۡهُمۡ لِيَبۡتَلِيَكُمۡۖ وَلَقَدۡ عَفَا عَنكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Oo xaqiiq Allaah wuxuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen28 kaddib markuu idin tusiyey waxa aad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, oo waxaa idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaas buu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Oo xaqiiq wuu idiin cafiyey. Oo Allaah wuu u Roon yahay mu`miniinta
Surah Aal-e-Imran, Verse 152


۞إِذۡ تُصۡعِدُونَ وَلَا تَلۡوُۥنَ عَلَىٰٓ أَحَدٖ وَٱلرَّسُولُ يَدۡعُوكُمۡ فِيٓ أُخۡرَىٰكُمۡ فَأَثَٰبَكُمۡ غَمَّۢا بِغَمّٖ لِّكَيۡلَا تَحۡزَنُواْ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمۡ وَلَا مَآ أَصَٰبَكُمۡۗ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ

Waa tii aad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, oo Rasuulku uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna29, markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna30, si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 153


ثُمَّ أَنزَلَ عَلَيۡكُم مِّنۢ بَعۡدِ ٱلۡغَمِّ أَمَنَةٗ نُّعَاسٗا يَغۡشَىٰ طَآئِفَةٗ مِّنكُمۡۖ وَطَآئِفَةٞ قَدۡ أَهَمَّتۡهُمۡ أَنفُسُهُمۡ يَظُنُّونَ بِٱللَّهِ غَيۡرَ ٱلۡحَقِّ ظَنَّ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِۖ يَقُولُونَ هَل لَّنَا مِنَ ٱلۡأَمۡرِ مِن شَيۡءٖۗ قُلۡ إِنَّ ٱلۡأَمۡرَ كُلَّهُۥ لِلَّهِۗ يُخۡفُونَ فِيٓ أَنفُسِهِم مَّا لَا يُبۡدُونَ لَكَۖ يَقُولُونَ لَوۡ كَانَ لَنَا مِنَ ٱلۡأَمۡرِ شَيۡءٞ مَّا قُتِلۡنَا هَٰهُنَاۗ قُل لَّوۡ كُنتُمۡ فِي بُيُوتِكُمۡ لَبَرَزَ ٱلَّذِينَ كُتِبَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَتۡلُ إِلَىٰ مَضَاجِعِهِمۡۖ وَلِيَبۡتَلِيَ ٱللَّهُ مَا فِي صُدُورِكُمۡ وَلِيُمَحِّصَ مَا فِي قُلُوبِكُمۡۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Markaas hammi kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, xasiloonni u imaneysa koox idinka mid ah31, halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen32, oo waxay ku maleeyeen Allaah male xun aan xaq ahayn oo malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Hubaal arrinka oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Ilaahay. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn33, iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan34. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, oo waa si uu Allaah u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna, oo Allaah wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
Surah Aal-e-Imran, Verse 154


إِنَّ ٱلَّذِينَ تَوَلَّوۡاْ مِنكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِ إِنَّمَا ٱسۡتَزَلَّهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ بِبَعۡضِ مَا كَسَبُواْۖ وَلَقَدۡ عَفَا ٱللَّهُ عَنۡهُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ حَلِيمٞ

(Ma) kuwii idinka midka ahaa ee dhabarka jeediyey maalintii labada col is-heleen (dagaalkii Uxud), Shaydaan uun baa doonay inuu sababo inay simbiriirixdaan waxoogay (eed) ah oo ay kasbadeen awgeed. Oo xaqiiq Allaah wuu iska cafiyey. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan
Surah Aal-e-Imran, Verse 155


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَقَالُواْ لِإِخۡوَٰنِهِمۡ إِذَا ضَرَبُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ أَوۡ كَانُواْ غُزّٗى لَّوۡ كَانُواْ عِندَنَا مَا مَاتُواْ وَمَا قُتِلُواْ لِيَجۡعَلَ ٱللَّهُ ذَٰلِكَ حَسۡرَةٗ فِي قُلُوبِهِمۡۗ وَٱللَّهُ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ

Mu’miniintoy! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood marka ay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Allaah uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Oo Allaah baa bixiya nolol oo sababa dhimasho. Oo Allaah wuu arkaa waxa aad fashaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 156


وَلَئِن قُتِلۡتُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أَوۡ مُتُّمۡ لَمَغۡفِرَةٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَحۡمَةٌ خَيۡرٞ مِّمَّا يَجۡمَعُونَ

Oo haddii la idinku dilo Jidka Ilaahay ama aad dhimataan, xaqiiq Dambi dhaaf xagga Ilaahay ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxa ay urursadaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 157


وَلَئِن مُّتُّمۡ أَوۡ قُتِلۡتُمۡ لَإِلَى ٱللَّهِ تُحۡشَرُونَ

Oo haddaad dhimataan ama la idin dilo, hubaal Ilaahay Xaggiisa baa la idinku soo kulmin doonaa idinkoo dhan
Surah Aal-e-Imran, Verse 158


فَبِمَا رَحۡمَةٖ مِّنَ ٱللَّهِ لِنتَ لَهُمۡۖ وَلَوۡ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ ٱلۡقَلۡبِ لَٱنفَضُّواْ مِنۡ حَوۡلِكَۖ فَٱعۡفُ عَنۡهُمۡ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ وَشَاوِرۡهُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِۖ فَإِذَا عَزَمۡتَ فَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُتَوَكِّلِينَ

Sidaas waa Naxariista Ilaahay darteed inaad ula dhaqanto si nugul, oo haddaad ahaan laheyd mid qallafsan, qalbi adag, waxay xaqiiq ka kala yaaci lahaayeen hareerahaaga; ee iska cafi oo u dambi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, ee marka aad goosato arrin isku hallee Allaah, hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa isku halleeya
Surah Aal-e-Imran, Verse 159


إِن يَنصُرۡكُمُ ٱللَّهُ فَلَا غَالِبَ لَكُمۡۖ وَإِن يَخۡذُلۡكُمۡ فَمَن ذَا ٱلَّذِي يَنصُرُكُم مِّنۢ بَعۡدِهِۦۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

Hadduu Allaah idiin gargaaro, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; oo hadduu idinka goosto, waa kuma haddaba kan idiin gargaari kara Isaga ka dambow? Oo Allaah (Keliya) ha isku halleeyaan mu’miniintu
Surah Aal-e-Imran, Verse 160


وَمَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَغُلَّۚ وَمَن يَغۡلُلۡ يَأۡتِ بِمَا غَلَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ ثُمَّ تُوَفَّىٰ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ

Oo ma aha wax ka suurooba Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), oo qofkii wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama booli qaran) wuxuu keeni doonaa waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha35. Markaas baa naf walba waxaa loogu oofin doonaa si dhan waxa ay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin
Surah Aal-e-Imran, Verse 161


أَفَمَنِ ٱتَّبَعَ رِضۡوَٰنَ ٱللَّهِ كَمَنۢ بَآءَ بِسَخَطٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأۡوَىٰهُ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ

Ee ma mid raaca Raalli gelinta Ilaahay baa la mid ah kan isagu mutaysta Cadhada Ilaahay, oo hoygiisu yahay Naar, oo waa meel baas oo aayo xun
Surah Aal-e-Imran, Verse 162


هُمۡ دَرَجَٰتٌ عِندَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ

Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Allaah agti, Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 163


لَقَدۡ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ إِذۡ بَعَثَ فِيهِمۡ رَسُولٗا مِّنۡ أَنفُسِهِمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِهِۦ وَيُزَكِّيهِمۡ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَإِن كَانُواْ مِن قَبۡلُ لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ

Xaqiiq Allaah Wuxuu ku galladeystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul nafahooda ka mid ah, u akhriyaya Aayadihiisa, oo daahirinaya, oo baraya Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor hubaal ay ku sugnaayeen habow caddaan ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 164


أَوَلَمَّآ أَصَٰبَتۡكُم مُّصِيبَةٞ قَدۡ أَصَبۡتُم مِّثۡلَيۡهَا قُلۡتُمۡ أَنَّىٰ هَٰذَاۖ قُلۡ هُوَ مِنۡ عِندِ أَنفُسِكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Waa la yaabe! Ma markii ay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba xaqiiq aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee bay nooga timid tani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Allaah wax walba wuxuu ku dul leeyahay awood buuxda
Surah Aal-e-Imran, Verse 165


وَمَآ أَصَٰبَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِ فَبِإِذۡنِ ٱللَّهِ وَلِيَعۡلَمَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Oo wixii idinku dhacay maalintii markay labada col isku heleen (Uxud), waxay ku dhacday Idanka Ilaahay, oo waa si uu u muujiyo mu’miniinta
Surah Aal-e-Imran, Verse 166


وَلِيَعۡلَمَ ٱلَّذِينَ نَافَقُواْۚ وَقِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ قَٰتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أَوِ ٱدۡفَعُواْۖ قَالُواْ لَوۡ نَعۡلَمُ قِتَالٗا لَّٱتَّبَعۡنَٰكُمۡۗ هُمۡ لِلۡكُفۡرِ يَوۡمَئِذٍ أَقۡرَبُ مِنۡهُمۡ لِلۡإِيمَٰنِۚ يَقُولُونَ بِأَفۡوَٰهِهِم مَّا لَيۡسَ فِي قُلُوبِهِمۡۚ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يَكۡتُمُونَ

Iyo si uu u muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Ilaahay ama difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu ognahay dagaal, xaqiiq waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Oo Allaah wuu Og yahay waxa ay qarsadaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 167


ٱلَّذِينَ قَالُواْ لِإِخۡوَٰنِهِمۡ وَقَعَدُواْ لَوۡ أَطَاعُونَا مَا قُتِلُواْۗ قُلۡ فَٱدۡرَءُواْ عَنۡ أَنفُسِكُمُ ٱلۡمَوۡتَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Kuwaa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Haddaba ka caabbiya nafahiinna dhimashada, haddaad tihiin run sheegayaal
Surah Aal-e-Imran, Verse 168


وَلَا تَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أَمۡوَٰتَۢاۚ بَلۡ أَحۡيَآءٌ عِندَ رَبِّهِمۡ يُرۡزَقُونَ

Oo ha moodina kuwa lagu dilay Arrinka Ilaahay meyti, Mayee, way nool yihiin,(oo) Rabbigood agtiis lagu arzaaqaa
Surah Aal-e-Imran, Verse 169


فَرِحِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ وَيَسۡتَبۡشِرُونَ بِٱلَّذِينَ لَمۡ يَلۡحَقُواْ بِهِم مِّنۡ خَلۡفِهِمۡ أَلَّا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ

Iyagoo ku faraxsan waxa uu Allaah ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwaa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin36, inaanay cabsi qabi doonin oo aanay murugoon doonin
Surah Aal-e-Imran, Verse 170


۞يَسۡتَبۡشِرُونَ بِنِعۡمَةٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَضۡلٖ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad ka timid Allaah iyo Fadli(giisa) darteed, iyo inaanu Allaah dayaci doonin ajarka mu’miniinta
Surah Aal-e-Imran, Verse 171


ٱلَّذِينَ ٱسۡتَجَابُواْ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِ مِنۢ بَعۡدِ مَآ أَصَابَهُمُ ٱلۡقَرۡحُۚ لِلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ مِنۡهُمۡ وَٱتَّقَوۡاْ أَجۡرٌ عَظِيمٌ

(Ma xagga) kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Allaah iyo Rasuulka kaddib inta uu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay mudan doonaan ajar aad u weyn
Surah Aal-e-Imran, Verse 172


ٱلَّذِينَ قَالَ لَهُمُ ٱلنَّاسُ إِنَّ ٱلنَّاسَ قَدۡ جَمَعُواْ لَكُمۡ فَٱخۡشَوۡهُمۡ فَزَادَهُمۡ إِيمَٰنٗا وَقَالُواْ حَسۡبُنَا ٱللَّهُ وَنِعۡمَ ٱلۡوَكِيلُ

Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse tani kordhisay Iimaankooda, oo waxay yidhaahdeen: Allaah baa nagu filan, oo Isagaa u fiican cid wax xafidda
Surah Aal-e-Imran, Verse 173


فَٱنقَلَبُواْ بِنِعۡمَةٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَضۡلٖ لَّمۡ يَمۡسَسۡهُمۡ سُوٓءٞ وَٱتَّبَعُواْ رِضۡوَٰنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ ذُو فَضۡلٍ عَظِيمٍ

Markaas bay la noqdeen Nicmo uga timid Allaah iyo Fadli(giisa), oo ma aanay taaban xumaato oo waxay raaceen Raalli gelinta Ilaahay. Oo Allaah waa Rabbiga Fadli weyn
Surah Aal-e-Imran, Verse 174


إِنَّمَا ذَٰلِكُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ يُخَوِّفُ أَوۡلِيَآءَهُۥ فَلَا تَخَافُوهُمۡ وَخَافُونِ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ

Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin
Surah Aal-e-Imran, Verse 175


وَلَا يَحۡزُنكَ ٱلَّذِينَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡكُفۡرِۚ إِنَّهُمۡ لَن يَضُرُّواْ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۚ يُرِيدُ ٱللَّهُ أَلَّا يَجۡعَلَ لَهُمۡ حَظّٗا فِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٌ

Oo yey ku murugo gelin kuwa uga dhaca gaalnimada si degdeg ah37; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Allaah marnaba. Allaah Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax qayb ah Aakhirada, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u weyn
Surah Aal-e-Imran, Verse 176


إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱشۡتَرَوُاْ ٱلۡكُفۡرَ بِٱلۡإِيمَٰنِ لَن يَضُرُّواْ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ

Hubaal, Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimi doonaan Allaah marnaba, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
Surah Aal-e-Imran, Verse 177


وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّمَا نُمۡلِي لَهُمۡ خَيۡرٞ لِّأَنفُسِهِمۡۚ إِنَّمَا نُمۡلِي لَهُمۡ لِيَزۡدَادُوٓاْ إِثۡمٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ

Oo yey gaalada moodin in u dib dhigiddeydu ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan dambiyo, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u dulleysa
Surah Aal-e-Imran, Verse 178


مَّا كَانَ ٱللَّهُ لِيَذَرَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ عَلَىٰ مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ حَتَّىٰ يَمِيزَ ٱلۡخَبِيثَ مِنَ ٱلطَّيِّبِۗ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُطۡلِعَكُمۡ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَجۡتَبِي مِن رُّسُلِهِۦ مَن يَشَآءُۖ فَـَٔامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦۚ وَإِن تُؤۡمِنُواْ وَتَتَّقُواْ فَلَكُمۡ أَجۡرٌ عَظِيمٞ

Sinnaba Allaah uguma tagi doona mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Oo ma aha Allaah mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, laakiinse Allaah wuxuu ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. Oo haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad mudan doontaan abaalgud aad u weyn
Surah Aal-e-Imran, Verse 179


وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ يَبۡخَلُونَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ هُوَ خَيۡرٗا لَّهُمۖ بَلۡ هُوَ شَرّٞ لَّهُمۡۖ سَيُطَوَّقُونَ مَا بَخِلُواْ بِهِۦ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ

Oo yey moodin, kuwa ku bakhayla bixinta waxa uu siiyey Allaah oo Deeqdiisa ka mid ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri doonaa waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha38. Oo Allaah baa iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
Surah Aal-e-Imran, Verse 180


لَّقَدۡ سَمِعَ ٱللَّهُ قَوۡلَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ فَقِيرٞ وَنَحۡنُ أَغۡنِيَآءُۘ سَنَكۡتُبُ مَا قَالُواْ وَقَتۡلَهُمُ ٱلۡأَنۢبِيَآءَ بِغَيۡرِ حَقّٖ وَنَقُولُ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡحَرِيقِ

Allaah xaqiiq wuu maqlay odhaahda kuwii (Yuhuuddii) yidhi: Hubaal Allaah waa faqiir oo innagaa hodan ah. Waanu qori doonnaa waxay yidhaahdeen iyo ku dilkooda anbiyada gar darro, oo waxaanu odhan doonnaa: Dhadhamiya Cadaabta Gubashada
Surah Aal-e-Imran, Verse 181


ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيۡسَ بِظَلَّامٖ لِّلۡعَبِيدِ

Waxakani waa waxa ay gacmihiinnu horay u geysteen iyo sababta inaanu Allaah ahayn mid ku gardarrooda addoomaha
Surah Aal-e-Imran, Verse 182


ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ عَهِدَ إِلَيۡنَآ أَلَّا نُؤۡمِنَ لِرَسُولٍ حَتَّىٰ يَأۡتِيَنَا بِقُرۡبَانٖ تَأۡكُلُهُ ٱلنَّارُۗ قُلۡ قَدۡ جَآءَكُمۡ رُسُلٞ مِّن قَبۡلِي بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَبِٱلَّذِي قُلۡتُمۡ فَلِمَ قَتَلۡتُمُوهُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

(Kuwaas weeye) kuwii yidhi, hubaal Allaah wuxuu na xilsaaray inaanaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo keeno qurbaan uu dab (cirka ka yimaado) cuno. Dheh: Xaqiiq waxay idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyey xujooyin cad iyo waxaa aad dalabteen, ee maxaad u disheen haddaad tihiin run sheegayaal
Surah Aal-e-Imran, Verse 183


فَإِن كَذَّبُوكَ فَقَدۡ كُذِّبَ رُسُلٞ مِّن قَبۡلِكَ جَآءُو بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلزُّبُرِ وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُنِيرِ

Haddiise ay ku beeniyaan sidaa oo kale baa xaqiiq loo beeniyey Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cad, Qoraallo iyo kitaab iftiimaya
Surah Aal-e-Imran, Verse 184


كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوۡنَ أُجُورَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۖ فَمَن زُحۡزِحَ عَنِ ٱلنَّارِ وَأُدۡخِلَ ٱلۡجَنَّةَ فَقَدۡ فَازَۗ وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا مَتَٰعُ ٱلۡغُرُورِ

Naf walba way dhadhamin doontaa dhimasho, oo waxaa uun la idiinku oofin doonaa si dhan ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada baa xaqiiq liibaanaya. Oo ma aha nolosha adduunka waxaan ahayn sahay lagu dagan yahay
Surah Aal-e-Imran, Verse 185


۞لَتُبۡلَوُنَّ فِيٓ أَمۡوَٰلِكُمۡ وَأَنفُسِكُمۡ وَلَتَسۡمَعُنَّ مِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَمِنَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُوٓاْ أَذٗى كَثِيرٗاۚ وَإِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ذَٰلِكَ مِنۡ عَزۡمِ ٱلۡأُمُورِ

Waxaa xaqiiq la idinku imtixaami doonaa xagga maalkiinna iyo nafahiinnaba, oo waxaad xaqiiq ka maqli doontaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo xagga kuwaa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, oo haddaad samir yeelataan oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrin-kaas waa ka mid umuuraha la go’aansado
Surah Aal-e-Imran, Verse 186


وَإِذۡ أَخَذَ ٱللَّهُ مِيثَٰقَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ لَتُبَيِّنُنَّهُۥ لِلنَّاسِ وَلَا تَكۡتُمُونَهُۥ فَنَبَذُوهُ وَرَآءَ ظُهُورِهِمۡ وَٱشۡتَرَوۡاْ بِهِۦ ثَمَنٗا قَلِيلٗاۖ فَبِئۡسَ مَا يَشۡتَرُونَ

Oo waa tii Allaah la galay axdi kuwii la siiyey Kitaabka, waa inaad run ahaan u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin39, waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxaa ay gataan
Surah Aal-e-Imran, Verse 187


لَا تَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ يَفۡرَحُونَ بِمَآ أَتَواْ وَّيُحِبُّونَ أَن يُحۡمَدُواْ بِمَا لَمۡ يَفۡعَلُواْ فَلَا تَحۡسَبَنَّهُم بِمَفَازَةٖ مِّنَ ٱلۡعَذَابِۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ

Ha moodina in kuwa ku farxa waxa ay faleen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin, _ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabta, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
Surah Aal-e-Imran, Verse 188


وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba, Oo Allaah wax walba wuu Karaa
Surah Aal-e-Imran, Verse 189


إِنَّ فِي خَلۡقِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ لَأٓيَٰتٖ لِّأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ

Hubaal abuurista samooyinka iyo arlada iyo isbeddelka habeenka iyo maalinta, waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin wax garadka
Surah Aal-e-Imran, Verse 190


ٱلَّذِينَ يَذۡكُرُونَ ٱللَّهَ قِيَٰمٗا وَقُعُودٗا وَعَلَىٰ جُنُوبِهِمۡ وَيَتَفَكَّرُونَ فِي خَلۡقِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ رَبَّنَا مَا خَلَقۡتَ هَٰذَا بَٰطِلٗا سُبۡحَٰنَكَ فَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ

Kuwa xusa Allaah joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, oo ka fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbiyow! Uma aadan abuurin kani baadil, Adigaa nazahan oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabta Naarta
Surah Aal-e-Imran, Verse 191


رَبَّنَآ إِنَّكَ مَن تُدۡخِلِ ٱلنَّارَ فَقَدۡ أَخۡزَيۡتَهُۥۖ وَمَا لِلظَّـٰلِمِينَ مِنۡ أَنصَارٖ

Rabbiyow! Hubaal qofkii aad geliso Naarta, xaqiiq waa dulleysay, oo gar ma qaatayaasha ma yeelan doonaan gargaarayaal
Surah Aal-e-Imran, Verse 192


رَّبَّنَآ إِنَّنَا سَمِعۡنَا مُنَادِيٗا يُنَادِي لِلۡإِيمَٰنِ أَنۡ ءَامِنُواْ بِرَبِّكُمۡ فَـَٔامَنَّاۚ رَبَّنَا فَٱغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَا وَكَفِّرۡ عَنَّا سَيِّـَٔاتِنَا وَتَوَفَّنَا مَعَ ٱلۡأَبۡرَارِ

Rabbiyow! Hubaal waxaanu innagu maqallay baaqe ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbiyow! Ee noo dhaaf dunuubtayada, oo noo astur xumayaalkeenna, oo na oofso la jirka baarriyiinta
Surah Aal-e-Imran, Verse 193


رَبَّنَا وَءَاتِنَا مَا وَعَدتَّنَا عَلَىٰ رُسُلِكَ وَلَا تُخۡزِنَا يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۖ إِنَّكَ لَا تُخۡلِفُ ٱلۡمِيعَادَ

Rabbiyow! Oo na sii waxa aad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide
Surah Aal-e-Imran, Verse 194


فَٱسۡتَجَابَ لَهُمۡ رَبُّهُمۡ أَنِّي لَآ أُضِيعُ عَمَلَ عَٰمِلٖ مِّنكُم مِّن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰۖ بَعۡضُكُم مِّنۢ بَعۡضٖۖ فَٱلَّذِينَ هَاجَرُواْ وَأُخۡرِجُواْ مِن دِيَٰرِهِمۡ وَأُوذُواْ فِي سَبِيلِي وَقَٰتَلُواْ وَقُتِلُواْ لَأُكَفِّرَنَّ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَلَأُدۡخِلَنَّهُمۡ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ ثَوَابٗا مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ عِندَهُۥ حُسۡنُ ٱلثَّوَابِ

Markaasuu Rabbigood ka aqbalay (ducadoodii): Inaan Anigu dayaci doonin camalka uu mid idinka mid ah falo, ha ahaado lab ama dheddig, midkiin walbaa uu ka ahaaday midka kale, ee kuwa iyagu soo haajiray, ee looga soo saaray guryahooda debedda, ee loogu dhib geystey Arrinkayaga, ee dagaallmay ee loo dilay Dartay, Waxaan xaqiiq asturi doonaa xumayaalkooda oo waxaan xaqiiq gelin doonaa beero ay qul-qulaan hoostoodu webiyo; Abaalgud xagga Ilaahay, oo Allaah baa haya oo weliba baxsha abaalgud aad u wanaagsan
Surah Aal-e-Imran, Verse 195


لَا يَغُرَّنَّكَ تَقَلُّبُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي ٱلۡبِلَٰدِ

Yaanay ku dagin galoo baxa kuwaa gaalada ah magaalooyinka cabsi la’aan
Surah Aal-e-Imran, Verse 196


مَتَٰعٞ قَلِيلٞ ثُمَّ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ

Waa raaxo yar; kaddibna hoygoodu waa Naar; oo ugu xun gogol la yeesho
Surah Aal-e-Imran, Verse 197


لَٰكِنِ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ رَبَّهُمۡ لَهُمۡ جَنَّـٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا نُزُلٗا مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِۗ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيۡرٞ لِّلۡأَبۡرَارِ

Laakiinse, kuwa dhowra (xilka uu saaray) Rabbigood, waxay mudan doonaan beero ay qul-qulaan hoostooda webiyo, oo ay ku dhex waarayaan, marti qaad uu u fidiyey Allaah; oo Allaah wuxuu hayaa u khayr badan kuwa baarriga ah
Surah Aal-e-Imran, Verse 198


وَإِنَّ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ لَمَن يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُمۡ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِمۡ خَٰشِعِينَ لِلَّهِ لَا يَشۡتَرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ ثَمَنٗا قَلِيلًاۚ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ

Oo hubaal ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Allaah, iyo waxa la idiin soo waxyooday, iyo waxa iyaga loo soo waxyooday, oo u khushuuca Allaah, oo aan ku iibsan Aayadaha Ilaahay qiimo yar. Kuwan weeye kuwa ku leh ajarkooda Rabbigood agtii; hubaal Allaah wuu ku Dhaqso Badan yahay xisaabinta
Surah Aal-e-Imran, Verse 199


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱصۡبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ

Mu’miniintoy! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan40, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah aad liibaantaane
Surah Aal-e-Imran, Verse 200


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 2
>> Surah 4

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai