Surah An-Nisa Verse 97 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Nisaإِنَّ ٱلَّذِينَ تَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ ظَالِمِيٓ أَنفُسِهِمۡ قَالُواْ فِيمَ كُنتُمۡۖ قَالُواْ كُنَّا مُسۡتَضۡعَفِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ قَالُوٓاْ أَلَمۡ تَكُنۡ أَرۡضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةٗ فَتُهَاجِرُواْ فِيهَاۚ فَأُوْلَـٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرًا
Hubaal (ma xagga) kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo gef ku jira ay u geystaan nafahooda, waxay (ku) odhan doonaan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan doonaan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan doonaan: Oo miyaaney ahayn arlada Ilaahay mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen?39 Marka waa kuwan kuwa hoygoodu yahay Naar, oo way u xun tahay aaye iyo meel la ahaado