Surah An-Nisa Verse 94 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Nisaيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا ضَرَبۡتُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَتَبَيَّنُواْ وَلَا تَقُولُواْ لِمَنۡ أَلۡقَىٰٓ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَٰمَ لَسۡتَ مُؤۡمِنٗا تَبۡتَغُونَ عَرَضَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فَعِندَ ٱللَّهِ مَغَانِمُ كَثِيرَةٞۚ كَذَٰلِكَ كُنتُم مِّن قَبۡلُ فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ فَتَبَيَّنُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
Mu’miniintoy! Marka aad u baxdaan (dagaal) Jidka Ilaahay ah, wax hubsada, oo ha ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Allaah agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaas baad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Allaah ku manneystey khayr dushiinna, ee wax hubsada. hubaal Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan