UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Muhammad - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ أَضَلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ

(Ma xagga) Kuwa xaqa diida oo ka weecda Jidka Ilaahay. Wuxuu ka dhigi acmaashooda waxaan raad lahayn
Surah Muhammad, Verse 1


وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ وَءَامَنُواْ بِمَا نُزِّلَ عَلَىٰ مُحَمَّدٖ وَهُوَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّهِمۡ كَفَّرَ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَأَصۡلَحَ بَالَهُمۡ

Oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo fala samaha, oo rumeysan waxa lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuu ka tiritiri xumahay faleen, oo hagaajin xaalkooda
Surah Muhammad, Verse 2


ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱتَّبَعُواْ ٱلۡبَٰطِلَ وَأَنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّبَعُواْ ٱلۡحَقَّ مِن رَّبِّهِمۡۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ أَمۡثَٰلَهُمۡ

Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa xaqa diida waxay raacaan been aan jirin, halka kuwa rumeysan ay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaas buu Allaah ugu soo tusaale qaadaa dadka
Surah Muhammad, Verse 3


فَإِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَضَرۡبَ ٱلرِّقَابِ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَثۡخَنتُمُوهُمۡ فَشُدُّواْ ٱلۡوَثَاقَ فَإِمَّا مَنَّۢا بَعۡدُ وَإِمَّا فِدَآءً حَتَّىٰ تَضَعَ ٱلۡحَرۡبُ أَوۡزَارَهَاۚ ذَٰلِكَۖ وَلَوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَٱنتَصَرَ مِنۡهُمۡ وَلَٰكِن لِّيَبۡلُوَاْ بَعۡضَكُم بِبَعۡضٖۗ وَٱلَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَن يُضِلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ

Ee marka aad kula kulantaan dagaal kuwaa gaalada (ee duullaanka) ah ka garaaca luqumaha; jeer markaa aad ka adkaataan, markaa (qabta oo) ku adkeeya xarigga maxaabiis ahaan, oo intaa kaddib iska sii daaya axsaan fala5 ahaan ama ha is furtaan jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabadda la doorto). Waa sidaase, oo haddii Allaah doono, Isaga Naf ahantiisa baa hubaal ka cad goosan lahaa, laakiinse waa si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale6 Oo (ma xagga) kuwa lagu dilaa Jidka Ilaahay Marnaba ma lumin doono camalladooda
Surah Muhammad, Verse 4


سَيَهۡدِيهِمۡ وَيُصۡلِحُ بَالَهُمۡ

Waa uu hanuunin doonaa oo hagaajin xaalkooda
Surah Muhammad, Verse 5


وَيُدۡخِلُهُمُ ٱلۡجَنَّةَ عَرَّفَهَا لَهُمۡ

Oo ka yeeli inay galaan janno uu uga yeelay wax ay yaqaanaan
Surah Muhammad, Verse 6


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تَنصُرُواْ ٱللَّهَ يَنصُرۡكُمۡ وَيُثَبِّتۡ أَقۡدَامَكُمۡ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Haddii aad u gargaartaan (arrinka) Ilaahay, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna
Surah Muhammad, Verse 7


وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَتَعۡسٗا لَّهُمۡ وَأَضَلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ

Oo (ma xagga) kuwa xaqa diida, mudankood waa balo iyo baabba’a, oo Wuxuu ka yeeli camalladooda wax ba’ay
Surah Muhammad, Verse 8


ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَرِهُواْ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأَحۡبَطَ أَعۡمَٰلَهُمۡ

Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Allaah soo dejiyey, markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin
Surah Muhammad, Verse 9


۞أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ دَمَّرَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡۖ وَلِلۡكَٰفِرِينَ أَمۡثَٰلُهَا

Ma waysan ku socdaalin arlada oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Allaah baa ku keenay baabba7’ dhan oo gaaladu waxay la kulmi doonaan isla aayahaas oo kale
Surah Muhammad, Verse 10


ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ مَوۡلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَأَنَّ ٱلۡكَٰفِرِينَ لَا مَوۡلَىٰ لَهُمۡ

Sidaas waxaa ku wacan Allaah waa gargaaraha kuwa rumeysan, oo maxaa yeelay gaaladu uma sugnaan wax gargaare ah
Surah Muhammad, Verse 11


إِنَّ ٱللَّهَ يُدۡخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَتَمَتَّعُونَ وَيَأۡكُلُونَ كَمَا تَأۡكُلُ ٱلۡأَنۡعَٰمُ وَٱلنَّارُ مَثۡوٗى لَّهُمۡ

Hubaal Allaah wuxuu ka yeeli kuwa rumeysan oo fala samaha inay galaan beero ay hoos qul-qulaan wabiyo, oo kuwa gaalada ahi way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xoolahu wax u cunaan, oo Naartu waa hoygooda
Surah Muhammad, Verse 12


وَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ هِيَ أَشَدُّ قُوَّةٗ مِّن قَرۡيَتِكَ ٱلَّتِيٓ أَخۡرَجَتۡكَ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡ فَلَا نَاصِرَ لَهُمۡ

Oo badanaa inta magaalo ka xoog ba- dan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara
Surah Muhammad, Verse 13


أَفَمَن كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّهِۦ كَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُم

Ma mid xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah ku camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda
Surah Muhammad, Verse 14


مَّثَلُ ٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۖ فِيهَآ أَنۡهَٰرٞ مِّن مَّآءٍ غَيۡرِ ءَاسِنٖ وَأَنۡهَٰرٞ مِّن لَّبَنٖ لَّمۡ يَتَغَيَّرۡ طَعۡمُهُۥ وَأَنۡهَٰرٞ مِّنۡ خَمۡرٖ لَّذَّةٖ لِّلشَّـٰرِبِينَ وَأَنۡهَٰرٞ مِّنۡ عَسَلٖ مُّصَفّٗىۖ وَلَهُمۡ فِيهَا مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ وَمَغۡفِرَةٞ مِّن رَّبِّهِمۡۖ كَمَنۡ هُوَ خَٰلِدٞ فِي ٱلنَّارِ وَسُقُواْ مَآءً حَمِيمٗا فَقَطَّعَ أَمۡعَآءَهُمۡ

Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin8, iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; oo waxay ku leeyihiin gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, oo laga waraabin biyo karaya markaas googaysa xiidmahooda
Surah Muhammad, Verse 15


وَمِنۡهُم مَّن يَسۡتَمِعُ إِلَيۡكَ حَتَّىٰٓ إِذَا خَرَجُواْ مِنۡ عِندِكَ قَالُواْ لِلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ مَاذَا قَالَ ءَانِفًاۚ أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡ

Oo waxaa jira kuwaa ka midka ah iyaga ee ku dhegaysta, jeer marka ay ka baxaan agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga9: Maxay ahayd waxa uu sheegayey goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Allaah daboolay quluubtooda, oo waxay raacaan waxa liita ay nafahoodu rabaan
Surah Muhammad, Verse 16


وَٱلَّذِينَ ٱهۡتَدَوۡاْ زَادَهُمۡ هُدٗى وَءَاتَىٰهُمۡ تَقۡوَىٰهُمۡ

Oo (ma xagga) Kuwa hanuunsan, wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo
Surah Muhammad, Verse 17


فَهَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّا ٱلسَّاعَةَ أَن تَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗۖ فَقَدۡ جَآءَ أَشۡرَاطُهَاۚ فَأَنَّىٰ لَهُمۡ إِذَا جَآءَتۡهُمۡ ذِكۡرَىٰهُمۡ

Ee ma waxay haddaba sugaan waxaan ahayn Saacadda inay ugu timaaddo kedo? Haatan dhab ahaan calaamooyinkeedii baa durbaba yimid, ee sidee bayse u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo
Surah Muhammad, Verse 18


فَٱعۡلَمۡ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مُتَقَلَّبَكُمۡ وَمَثۡوَىٰكُمۡ

Ee aqoon san u lahow inuusan jirin Ilaah aan aheyn Allaah, oo u weydiiso astur damigaaga iyo (dambiga) mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Oo Allaah wuu Ogsoon yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba
Surah Muhammad, Verse 19


وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَوۡلَا نُزِّلَتۡ سُورَةٞۖ فَإِذَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ مُّحۡكَمَةٞ وَذُكِرَ فِيهَا ٱلۡقِتَالُ رَأَيۡتَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ نَظَرَ ٱلۡمَغۡشِيِّ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡمَوۡتِۖ فَأَوۡلَىٰ لَهُمۡ

Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay yidhaahdaan: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso10, waxaad aragtaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiiriya fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Ee belo ha ku dhacdo haddaba
Surah Muhammad, Verse 20


طَاعَةٞ وَقَوۡلٞ مَّعۡرُوفٞۚ فَإِذَا عَزَمَ ٱلۡأَمۡرُ فَلَوۡ صَدَقُواْ ٱللَّهَ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ

Daacadnimo iyo horaarsan (baa la gudbooneyd). Markase arrinka la go’aamiyo markaa haddii ay ku sugnaadaan u run sheegidda Allaah baa hubaal u khayr roonaan lahayd
Surah Muhammad, Verse 21


فَهَلۡ عَسَيۡتُمۡ إِن تَوَلَّيۡتُمۡ أَن تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَتُقَطِّعُوٓاْ أَرۡحَامَكُمۡ

Mase haddii aad qabataan11 xil, malaha waxaad fasahaadin lahaydeen arlada, oo aad goyn lahaydeen xidhiidhka qaraabadiinna
Surah Muhammad, Verse 22


أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فَأَصَمَّهُمۡ وَأَعۡمَىٰٓ أَبۡصَٰرَهُمۡ

Kuwaasi weeye kuwa uu Allaah nacladay, markaasuu ka yeelay dhego la’aan oo cameeyey indhahooda
Surah Muhammad, Verse 23


أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلۡقُرۡءَانَ أَمۡ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقۡفَالُهَآ

Ee mawaysan haddaba u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda
Surah Muhammad, Verse 24


إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱرۡتَدُّواْ عَلَىٰٓ أَدۡبَٰرِهِم مِّنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡهُدَى ٱلشَّيۡطَٰنُ سَوَّلَ لَهُمۡ وَأَمۡلَىٰ لَهُمۡ

Hubaal, (ma xagga) kuwa jeediya dhabarradooda kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa uga yeela arrin sahlan , oo rajo geliya
Surah Muhammad, Verse 25


ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لِلَّذِينَ كَرِهُواْ مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ سَنُطِيعُكُمۡ فِي بَعۡضِ ٱلۡأَمۡرِۖ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ إِسۡرَارَهُمۡ

Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdaan kuwa naca waxa Allaah soo waxyooday12: Waxaynu idinku adeeci doonnaa qaar ka mid ah arrinka; Oo Allaah wuu Ogsoon yahay sirahooda
Surah Muhammad, Verse 26


فَكَيۡفَ إِذَا تَوَفَّتۡهُمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ يَضۡرِبُونَ وُجُوهَهُمۡ وَأَدۡبَٰرَهُمۡ

Sidee bayse ahaan, marka ay malaa’ig- tu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda
Surah Muhammad, Verse 27


ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱتَّبَعُواْ مَآ أَسۡخَطَ ٱللَّهَ وَكَرِهُواْ رِضۡوَٰنَهُۥ فَأَحۡبَطَ أَعۡمَٰلَهُمۡ

Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raacaan waxa Allaah ka cadheysiiya, oo nacaan waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda
Surah Muhammad, Verse 28


أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ أَن لَّن يُخۡرِجَ ٱللَّهُ أَضۡغَٰنَهُمۡ

Mise ma waxay kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur moodaan inuusan Allaah soo saari doonin xumaanta laabaha kaga jira
Surah Muhammad, Verse 29


وَلَوۡ نَشَآءُ لَأَرَيۡنَٰكَهُمۡ فَلَعَرَفۡتَهُم بِسِيمَٰهُمۡۚ وَلَتَعۡرِفَنَّهُمۡ فِي لَحۡنِ ٱلۡقَوۡلِۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ أَعۡمَٰلَكُمۡ

Oo haddii aan doonno, waan ku tusi laheyn iyaga, oo waxaad hubaal ku garan lahayd astaamahooda; oo hubaal waxaad ku garan kartaa hadalkooda leexsan. Oo Allaah wuu Og yahay camalladiinna
Surah Muhammad, Verse 30


وَلَنَبۡلُوَنَّكُمۡ حَتَّىٰ نَعۡلَمَ ٱلۡمُجَٰهِدِينَ مِنكُمۡ وَٱلصَّـٰبِرِينَ وَنَبۡلُوَاْ أَخۡبَارَكُمۡ

Oo hubaal waanu idin imtixaani jeer aan muujinno kuwa idinka mid ah ee aad ugu dadaala(Arrinka Ilaahay) iyo samrayaa- sha, oo waanu muujin arrimahiinna
Surah Muhammad, Verse 31


إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَشَآقُّواْ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡهُدَىٰ لَن يَضُرُّواْ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗا وَسَيُحۡبِطُ أَعۡمَٰلَهُمۡ

Hubaal kuwa gaalooba oo ka weecda jidka Ilaahay oo khilaafa Rasuulka, kaddib marka uu u caddaaday hanuunka, waxna ma yeeli karaan Allaah, wuuna burin doonaa acmaashooda
Surah Muhammad, Verse 32


۞يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَلَا تُبۡطِلُوٓاْ أَعۡمَٰلَكُمۡ

Kuwiinna idinku rumeysanow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka oo ha burinnina acmaashiinna
Surah Muhammad, Verse 33


إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ثُمَّ مَاتُواْ وَهُمۡ كُفَّارٞ فَلَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَهُمۡ

Hubaal kuwa gaalooba oo ka weecda Jidka Ilaahay kaddibna dhinta iyagoo gaalo ah, Allaah sinnaba uguma dambi dhaafo
Surah Muhammad, Verse 34


فَلَا تَهِنُواْ وَتَدۡعُوٓاْ إِلَى ٱلسَّلۡمِ وَأَنتُمُ ٱلۡأَعۡلَوۡنَ وَٱللَّهُ مَعَكُمۡ وَلَن يَتِرَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ

Ee ha tabar darraanina, si aad markaas heshiis u dalabtaan, oo idinkaa iska leh gacanta sare, oo Allaah baa idin la jira, oo marnabana ma nusqaamin doono acmaashiinna
Surah Muhammad, Verse 35


إِنَّمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا لَعِبٞ وَلَهۡوٞۚ وَإِن تُؤۡمِنُواْ وَتَتَّقُواْ يُؤۡتِكُمۡ أُجُورَكُمۡ وَلَا يَسۡـَٔلۡكُمۡ أَمۡوَٰلَكُمۡ

Nolosha adduunkan wax kale ma’ahee waa ciyaar iyo madaddaalo, oo haddii aad (Xaqa) rumeysaan, oo aad iska jirtaan (xumaha), Wuxuu idin siin abaalkiinna, oo idinma weydiisan doono maalkiinna
Surah Muhammad, Verse 36


إِن يَسۡـَٔلۡكُمُوهَا فَيُحۡفِكُمۡ تَبۡخَلُواْ وَيُخۡرِجۡ أَضۡغَٰنَكُمۡ

Haddii uu idin weydiisan lahaa oo idinku adkeeyo waa bakhayli laheydeen lexejecli darteed, oo wuxuu debedda u soo saari lahaa xumahiinna
Surah Muhammad, Verse 37


هَـٰٓأَنتُمۡ هَـٰٓؤُلَآءِ تُدۡعَوۡنَ لِتُنفِقُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَمِنكُم مَّن يَبۡخَلُۖ وَمَن يَبۡخَلۡ فَإِنَّمَا يَبۡخَلُ عَن نَّفۡسِهِۦۚ وَٱللَّهُ ٱلۡغَنِيُّ وَأَنتُمُ ٱلۡفُقَرَآءُۚ وَإِن تَتَوَلَّوۡاْ يَسۡتَبۡدِلۡ قَوۡمًا غَيۡرَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُونُوٓاْ أَمۡثَٰلَكُم

Eega! Waa idinka kuwa loogu yeedho inaad wax ku bixisaan Arrinka Ilaahay, waxaase idinku jira kuwo ah bakhayllo, oo mid kastoo bakhayl ah wuxuu uun ka bakhaylayaa naftiisa. Oo Allaah waa Iskufilan Deeqtoon, oo idinkaa ah sabool u baahan (Isaga). Oo haddii aad jeesataan Wuxuu keeni halkiinna qolo kale, markaas ma noqon doonaan kuwo idinkoo kale ah
Surah Muhammad, Verse 38


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 46
>> Surah 48

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai