Surah Al-Fath - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
إِنَّا فَتَحۡنَا لَكَ فَتۡحٗا مُّبِينٗا
Hubaal Waxaanu ku siinnay (Muxammadow) furasho caddaan ah
Surah Al-Fath, Verse 1
لِّيَغۡفِرَ لَكَ ٱللَّهُ مَا تَقَدَّمَ مِن ذَنۢبِكَ وَمَا تَأَخَّرَ وَيُتِمَّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكَ وَيَهۡدِيَكَ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا
Si uu Allaah kaaga dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo dambi ah, iyo waxa dib kaaga dhici kara, oo kuugu dhammaystiro Nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo Tub Toosan
Surah Al-Fath, Verse 2
وَيَنصُرَكَ ٱللَّهُ نَصۡرًا عَزِيزًا
Iyo inuu Allaah kugu taageero guul aad u weyn
Surah Al-Fath, Verse 3
هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لِيَزۡدَادُوٓاْ إِيمَٰنٗا مَّعَ إِيمَٰنِهِمۡۗ وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا
Isaga weeye Kan ku soo dejiyey xasillooni quluubta mu’miniinta, si ay iimaan ugu siyaadsadaan iimaankooda; Oo Allaah baa iska leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Surah Al-Fath, Verse 4
لِّيُدۡخِلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَيُكَفِّرَ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عِندَ ٱللَّهِ فَوۡزًا عَظِيمٗا
Si uu u geliyo mu’miniinta iyo mu’minoo- yinka beero ay webiyo hoos qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda, oo uga tirtiro xume falkooda, oo (arrin)kaasi Allaah agtiis waa Liibaan aad u Weyn
Surah Al-Fath, Verse 5
وَيُعَذِّبَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ ٱلظَّآنِّينَ بِٱللَّهِ ظَنَّ ٱلسَّوۡءِۚ عَلَيۡهِمۡ دَآئِرَةُ ٱلسَّوۡءِۖ وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ وَلَعَنَهُمۡ وَأَعَدَّ لَهُمۡ جَهَنَّمَۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرٗا
Iyo si uu u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka ee ku maleeya malaha xun Allaah, korkooda waxaa ah xumaanta wareegta, oo Cadho Allay qabaan, oo waa uu nacladay, wuxuuna u diyaariyey Naar iyaga,_oo iyadaa u xun aayotiin ahaan
Surah Al-Fath, Verse 6
وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا
Oo Allaah baa leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Surah Al-Fath, Verse 7
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا
Hubaal Waxaanu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, iyo bishaareeye iyo digeba
Surah Al-Fath, Verse 8
لِّتُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُعَزِّرُوهُ وَتُوَقِّرُوهُۚ وَتُسَبِّحُوهُ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلًا
Si aad idinku u rumeysaan Allaah iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmo weyneysaan oo nazahdaan (Alle) subax iyo galabba
Surah Al-Fath, Verse 9
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُبَايِعُونَكَ إِنَّمَا يُبَايِعُونَ ٱللَّهَ يَدُ ٱللَّهِ فَوۡقَ أَيۡدِيهِمۡۚ فَمَن نَّكَثَ فَإِنَّمَا يَنكُثُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ أَوۡفَىٰ بِمَا عَٰهَدَ عَلَيۡهُ ٱللَّهَ فَسَيُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا
Hubaal kuwa kugula gala wacad hiilka Waxay uun Wacad la sameyn Allaah. Gacanta Ilaahay baa ka kor ah gacmahooda2. Ee mid kastoo ka baxaa wacadkiisa. wuxuu uun uga baxayaa oo ay u daran tahay naftiisa, oo mid kastoo oofiya waxa uu kula galay Allaah ballanka, Wuxuu siin doonaa Ajar aad u Weyn
Surah Al-Fath, Verse 10
سَيَقُولُ لَكَ ٱلۡمُخَلَّفُونَ مِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ شَغَلَتۡنَآ أَمۡوَٰلُنَا وَأَهۡلُونَا فَٱسۡتَغۡفِرۡ لَنَاۚ يَقُولُونَ بِأَلۡسِنَتِهِم مَّا لَيۡسَ فِي قُلُوبِهِمۡۚ قُلۡ فَمَن يَمۡلِكُ لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔا إِنۡ أَرَادَ بِكُمۡ ضَرًّا أَوۡ أَرَادَ بِكُمۡ نَفۡعَۢاۚ بَلۡ كَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرَۢا
Kuwaa ka mid ah reer miyiga Carbeed ee gadaal looga soo tagay waxay kugu odhan doonaan: Maalkayaga iyo ehelkayaga baa na shuqliyey, ee noo dambi dhaaf dalab. Waxay ka yidhaahdaan carrabyadooda waxaan ku jirin quluubtooda. Dheh:Yaa haddaba leh wax awood ah (oo idinka celin kara) Allaah. Haddii uu Allaah idin la doono dhib ama idin la doono dheef? Balse Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
Surah Al-Fath, Verse 11
بَلۡ ظَنَنتُمۡ أَن لَّن يَنقَلِبَ ٱلرَّسُولُ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ إِلَىٰٓ أَهۡلِيهِمۡ أَبَدٗا وَزُيِّنَ ذَٰلِكَ فِي قُلُوبِكُمۡ وَظَنَنتُمۡ ظَنَّ ٱلسَّوۡءِ وَكُنتُمۡ قَوۡمَۢا بُورٗا
Mayee’ bal waxaad u maleyseen in Rasuulka iyo mu’miniintu aysan u soo noqoneyn ehelkooda weligood, oo sidaas baa loo qurxiyey quluubtiinna, oo waxaad maleyseen male xun, oo waxaad aheydeen qolo loo qoray halaag
Surah Al-Fath, Verse 12
وَمَن لَّمۡ يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ فَإِنَّآ أَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ سَعِيرٗا
Oo mid kastoo aan rumeyn Allaah iyo Rasuulkiisa, haddaba hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada dab huraya
Surah Al-Fath, Verse 13
وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba, wuxuu u dambi dhaafaa kii uu doono, oo ciqaabaa kii uu doono, Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Fath, Verse 14
سَيَقُولُ ٱلۡمُخَلَّفُونَ إِذَا ٱنطَلَقۡتُمۡ إِلَىٰ مَغَانِمَ لِتَأۡخُذُوهَا ذَرُونَا نَتَّبِعۡكُمۡۖ يُرِيدُونَ أَن يُبَدِّلُواْ كَلَٰمَ ٱللَّهِۚ قُل لَّن تَتَّبِعُونَا كَذَٰلِكُمۡ قَالَ ٱللَّهُ مِن قَبۡلُۖ فَسَيَقُولُونَ بَلۡ تَحۡسُدُونَنَاۚ بَلۡ كَانُواْ لَا يَفۡقَهُونَ إِلَّا قَلِيلٗا
Kuwaa dib looga soo tagay waxay odhan doonaan marka aad u baxeysaan si aad u soo qaadataan qaniimooyinka: Noo oggolaada inaan idin raacno. Waxay doonayaan inay beddelaan Hadalka Ilaahay. Dheh: Marnaba nama raaci doontaan. Sidaas buu Allaah horay u yidhi. Markaa waxay odhan doonaan: Mayee’ xaasid baad nagu tihiin. Maahee, ma fahmaan waxaan in yar ahayn
Surah Al-Fath, Verse 15
قُل لِّلۡمُخَلَّفِينَ مِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ سَتُدۡعَوۡنَ إِلَىٰ قَوۡمٍ أُوْلِي بَأۡسٖ شَدِيدٖ تُقَٰتِلُونَهُمۡ أَوۡ يُسۡلِمُونَۖ فَإِن تُطِيعُواْ يُؤۡتِكُمُ ٱللَّهُ أَجۡرًا حَسَنٗاۖ وَإِن تَتَوَلَّوۡاْ كَمَا تَوَلَّيۡتُم مِّن قَبۡلُ يُعَذِّبۡكُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا
Ku dheh kuwa reer miyiga Carbeed ah ee dib looga soo tagay: Waxaa dhowaan la idiinku yeedhi doonaa qolo dagaal aqoon daran leh, waa inaad la dirirtaan intay iska dhiibaan4, ee haddii aad adeecdaan Allaah Wuxuu idin siin doonaa abaalgud fiican, haddiise aad dhabarka jeedisaan sidii aad horeyba ugu jeediseen dhabarka, Wuxuu idinku ciqaabi doonaa cadaab xanuun badan
Surah Al-Fath, Verse 16
لَّيۡسَ عَلَى ٱلۡأَعۡمَىٰ حَرَجٞ وَلَا عَلَى ٱلۡأَعۡرَجِ حَرَجٞ وَلَا عَلَى ٱلۡمَرِيضِ حَرَجٞۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدۡخِلۡهُ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَمَن يَتَوَلَّ يُعَذِّبۡهُ عَذَابًا أَلِيمٗا
Ma saarna eed indhoolaha, mana saarna wax eed ahi naafada, oo ma saarna eed bukaanka (haddii aanay u bixin Jihaadka Jidka ilaahay). Oo mid kastoo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa Wuxuu gelin doonaa beero ay webiyo hoos qul-qulaan, oo mid kastoo jeediya dhabarka. Wuxuu cadaabi doonaa cadaab xanuun badan
Surah Al-Fath, Verse 17
۞لَّقَدۡ رَضِيَ ٱللَّهُ عَنِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ إِذۡ يُبَايِعُونَكَ تَحۡتَ ٱلشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِي قُلُوبِهِمۡ فَأَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ عَلَيۡهِمۡ وَأَثَٰبَهُمۡ فَتۡحٗا قَرِيبٗا
Dhab ahaan Allaah wuxuu ahaa mid ka raalli ah mu’miniinta markay wacad hiillin ay kugula galeen geedka hoostiisa, oo wuxuu ogaa waxa ku jiray quluubtooda, markaasuu ku soo dejiyey xasilloooni korkooda, oo ku abaal mariyey guul dhow
Surah Al-Fath, Verse 18
وَمَغَانِمَ كَثِيرَةٗ يَأۡخُذُونَهَاۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمٗا
Iyo qaniimooyin badan oo ay qaadan, Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Surah Al-Fath, Verse 19
وَعَدَكُمُ ٱللَّهُ مَغَانِمَ كَثِيرَةٗ تَأۡخُذُونَهَا فَعَجَّلَ لَكُمۡ هَٰذِهِۦ وَكَفَّ أَيۡدِيَ ٱلنَّاسِ عَنكُمۡ وَلِتَكُونَ ءَايَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ وَيَهۡدِيَكُمۡ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا
Allaah wuxuu idiin ballan qaaday qaniimooyin badan aad qaadan doontaan, markaasuu wuxuu idiin soo dedejiyey middatan (qaniimada Khaybar), oo idinka celiyey gacmihii dadka, iyo inay u ahaato calaamo mu’miniinta, oo idinku hanuuniyo Tub Toosan
Surah Al-Fath, Verse 20
وَأُخۡرَىٰ لَمۡ تَقۡدِرُواْ عَلَيۡهَا قَدۡ أَحَاطَ ٱللَّهُ بِهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٗا
Iyo (guulo) kale oo aydaan weli awood u yeelan inaad gaadhaan6, Allaah baa dhab ahaan koobay. Oo Allaah wax walba wuu Karaa
Surah Al-Fath, Verse 21
وَلَوۡ قَٰتَلَكُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوَلَّوُاْ ٱلۡأَدۡبَٰرَ ثُمَّ لَا يَجِدُونَ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
Oo haddii ay kuwa aan (xaqa) rumeysnayn idinla diriraan, waxay hubaal jeedin lahaayeen dhabarra(dooda) markaas ma ay heli lahayn wax gacal ah iyo gargaare midna
Surah Al-Fath, Verse 22
سُنَّةَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلُۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗا
Sidaas bay soo ahaan jirey Hannaanka Ilaahay ee dhab ahaan uga dhex jirey kuwii horay u tegay. Oo kama heli doontid wax isbeddel ah Hannaanka Ilaahay
Surah Al-Fath, Verse 23
وَهُوَ ٱلَّذِي كَفَّ أَيۡدِيَهُمۡ عَنكُمۡ وَأَيۡدِيَكُمۡ عَنۡهُم بِبَطۡنِ مَكَّةَ مِنۢ بَعۡدِ أَنۡ أَظۡفَرَكُمۡ عَلَيۡهِمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرًا
Oo Isaga weeye Kan idinka celiyey gac- mahooda, iyo gacmahiinna iyaga togga Makka agti, kaddib markuu idin siiyey guusha oo aad ka adkaateen (kuwii idiin galay cimilka markaad u socoteen Makkah ). Oo Alle waa Arkaha waxa aad fashaan
Surah Al-Fath, Verse 24
هُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّوكُمۡ عَنِ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ وَٱلۡهَدۡيَ مَعۡكُوفًا أَن يَبۡلُغَ مَحِلَّهُۥۚ وَلَوۡلَا رِجَالٞ مُّؤۡمِنُونَ وَنِسَآءٞ مُّؤۡمِنَٰتٞ لَّمۡ تَعۡلَمُوهُمۡ أَن تَطَـُٔوهُمۡ فَتُصِيبَكُم مِّنۡهُم مَّعَرَّةُۢ بِغَيۡرِ عِلۡمٖۖ لِّيُدۡخِلَ ٱللَّهُ فِي رَحۡمَتِهِۦ مَن يَشَآءُۚ لَوۡ تَزَيَّلُواْ لَعَذَّبۡنَا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡهُمۡ عَذَابًا أَلِيمًا
Waa iyaga (mushrikiinta Quraysh) kuwa gaaloobay oo idinka celiyey Al-Masjid Al-Xaraam oo (ka xayiray) hadyiga inuu gaaro meeshiisa gawraca7. Oo haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minooyin ah oo aydaan ogaan, oo laga yaabo in aad wax yeeshaan, taasoo dambi idinka soo gaarayo iyo mashaqo ogaal la’aan darteed (Allaah waa uu idiin fasaxi lahaa); waa si uu Allaah u sababo inuu geliyo Naxariistiisa cidduu doono_, haddii iyagu (mu’miniinta iyo gaalada) kala soocmi lahaayeen, waxaan hubaal cadaabi laheyn kuwooda ka mid ah ee gaaloobay cadaab xanuun badan
Surah Al-Fath, Verse 25
إِذۡ جَعَلَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلۡحَمِيَّةَ حَمِيَّةَ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ فَأَنزَلَ ٱللَّهُ سَكِينَتَهُۥ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ وَعَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَأَلۡزَمَهُمۡ كَلِمَةَ ٱلتَّقۡوَىٰ وَكَانُوٓاْ أَحَقَّ بِهَا وَأَهۡلَهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا
Waa tii uu Allaah ku dhigay kuwa gaaloobay quluubtooda ficilo_ ficiladii waqtigii jaahiliyada,_ Wuxuuse Allaah ku soo dejiyey xasilloonidiisa Rasuulkiisa iyo mu’miniinta, oo ka yeelay kuwo ku sugnaada Ereyga dhowrsashada8, oo waxay ahaayeen kuwo mudan oo ehelkeed ah. Oo Allaah wax walba waa Og yahay
Surah Al-Fath, Verse 26
لَّقَدۡ صَدَقَ ٱللَّهُ رَسُولَهُ ٱلرُّءۡيَا بِٱلۡحَقِّۖ لَتَدۡخُلُنَّ ٱلۡمَسۡجِدَ ٱلۡحَرَامَ إِن شَآءَ ٱللَّهُ ءَامِنِينَ مُحَلِّقِينَ رُءُوسَكُمۡ وَمُقَصِّرِينَ لَا تَخَافُونَۖ فَعَلِمَ مَا لَمۡ تَعۡلَمُواْ فَجَعَلَ مِن دُونِ ذَٰلِكَ فَتۡحٗا قَرِيبًا
Dhab ahaan Allaah wuxuu ku tusay Rasuulkiisa riyada xaq, waxaad hubaal gali doontaan Masjidka Xaramka haddii Allaah idmo idinkoo aamin ah9, (qaar) timaha ay xiidhan, oo (qaar kale) ay gaabsan idinkoo aan cabsi qabin, Wuxuuse Og yahay wax aydaan idinku ogeyn, markaasuu (gelitaanka Makka) ka sokow keenay furasho dhow (Heshiikii Xudaybyah)
Surah Al-Fath, Verse 27
هُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلۡهُدَىٰ وَدِينِ ٱلۡحَقِّ لِيُظۡهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدٗا
Isaga weeye Kan la soo diray Rasuulkiisa Hanuun iyo Diin Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha oo dhan. Oo Allaah ku filan Markhaati uu ahaado
Surah Al-Fath, Verse 28
مُّحَمَّدٞ رَّسُولُ ٱللَّهِۚ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ أَشِدَّآءُ عَلَى ٱلۡكُفَّارِ رُحَمَآءُ بَيۡنَهُمۡۖ تَرَىٰهُمۡ رُكَّعٗا سُجَّدٗا يَبۡتَغُونَ فَضۡلٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضۡوَٰنٗاۖ سِيمَاهُمۡ فِي وُجُوهِهِم مِّنۡ أَثَرِ ٱلسُّجُودِۚ ذَٰلِكَ مَثَلُهُمۡ فِي ٱلتَّوۡرَىٰةِۚ وَمَثَلُهُمۡ فِي ٱلۡإِنجِيلِ كَزَرۡعٍ أَخۡرَجَ شَطۡـَٔهُۥ فَـَٔازَرَهُۥ فَٱسۡتَغۡلَظَ فَٱسۡتَوَىٰ عَلَىٰ سُوقِهِۦ يُعۡجِبُ ٱلزُّرَّاعَ لِيَغِيظَ بِهِمُ ٱلۡكُفَّارَۗ وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ مِنۡهُم مَّغۡفِرَةٗ وَأَجۡرًا عَظِيمَۢا
Muxammad waa Rasuulka Ilaahay, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda; waxaad arki doontaa iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Ilaahay (iyo) Raallinimo(diisa). Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Oo tilmaantooda ku taal Injiilka waa sida (abuur) la beeray la soo kacda madaxeeda, markaas yeelata xoog, oo noqota gahayr, oo ku istaagta iyadoo toosan salkeeda, iyadoo farax gelineysa beeroleyda_ si uu Isagu ugu ciilo gaalada. Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwooda ka mid ah ee rumeysan oo samaha fala Dambi Dhaaf iyo Abaal gud aad u Weyn
Surah Al-Fath, Verse 29