Surah Al-Fath Verse 11 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Fathسَيَقُولُ لَكَ ٱلۡمُخَلَّفُونَ مِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ شَغَلَتۡنَآ أَمۡوَٰلُنَا وَأَهۡلُونَا فَٱسۡتَغۡفِرۡ لَنَاۚ يَقُولُونَ بِأَلۡسِنَتِهِم مَّا لَيۡسَ فِي قُلُوبِهِمۡۚ قُلۡ فَمَن يَمۡلِكُ لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔا إِنۡ أَرَادَ بِكُمۡ ضَرًّا أَوۡ أَرَادَ بِكُمۡ نَفۡعَۢاۚ بَلۡ كَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرَۢا
Kuwaa ka mid ah reer miyiga Carbeed ee gadaal looga soo tagay waxay kugu odhan doonaan: Maalkayaga iyo ehelkayaga baa na shuqliyey, ee noo dambi dhaaf dalab. Waxay ka yidhaahdaan carrabyadooda waxaan ku jirin quluubtooda. Dheh:Yaa haddaba leh wax awood ah (oo idinka celin kara) Allaah. Haddii uu Allaah idin la doono dhib ama idin la doono dheef? Balse Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan