UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Hujraat - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيِ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Allaah iyo Rasuulkiisa2, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal! Allaah waa wax kasta Maqle, Wax kasta Ogsoon
Surah Al-Hujraat, Verse 1


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَرۡفَعُوٓاْ أَصۡوَٰتَكُمۡ فَوۡقَ صَوۡتِ ٱلنَّبِيِّ وَلَا تَجۡهَرُواْ لَهُۥ بِٱلۡقَوۡلِ كَجَهۡرِ بَعۡضِكُمۡ لِبَعۡضٍ أَن تَحۡبَطَ أَعۡمَٰلُكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تَشۡعُرُونَ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga oo ha kula tannaagoogina hadalka sida uu ugula tannaagooda qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dareensaneyn
Surah Al-Hujraat, Verse 2


إِنَّ ٱلَّذِينَ يَغُضُّونَ أَصۡوَٰتَهُمۡ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱمۡتَحَنَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمۡ لِلتَّقۡوَىٰۚ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٌ عَظِيمٌ

Hubaal, kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Ilaahay, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Allaah imtixaanay dhowrsashadooda darteed, waxay leeyihiin Dambi Dhaaf iyo abaalgud aad u Weyn
Surah Al-Hujraat, Verse 3


إِنَّ ٱلَّذِينَ يُنَادُونَكَ مِن وَرَآءِ ٱلۡحُجُرَٰتِ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ

(Ma xagga) kuwase kaaga dhawaaqa qololka gadaashood, badankoodu ma aha wax garad
Surah Al-Hujraat, Verse 4


وَلَوۡ أَنَّهُمۡ صَبَرُواْ حَتَّىٰ تَخۡرُجَ إِلَيۡهِمۡ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Oo haddii ay sugaan si samir leh inta aad uga soo baxdo, baa hubaal u khayr badnaan laheyd, Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Hujraat, Verse 5


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن جَآءَكُمۡ فَاسِقُۢ بِنَبَإٖ فَتَبَيَّنُوٓاْ أَن تُصِيبُواْ قَوۡمَۢا بِجَهَٰلَةٖ فَتُصۡبِحُواْ عَلَىٰ مَا فَعَلۡتُمۡ نَٰدِمِينَ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Haddii uu mid caasi ah idiinla yimaado war, iska hubiya, si aydaan wax ugu yeelin dad ogaansho la’aan, markaas aad ka shallaydaan waxa aad fasheen
Surah Al-Hujraat, Verse 6


وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ فِيكُمۡ رَسُولَ ٱللَّهِۚ لَوۡ يُطِيعُكُمۡ فِي كَثِيرٖ مِّنَ ٱلۡأَمۡرِ لَعَنِتُّمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ حَبَّبَ إِلَيۡكُمُ ٱلۡإِيمَٰنَ وَزَيَّنَهُۥ فِي قُلُوبِكُمۡ وَكَرَّهَ إِلَيۡكُمُ ٱلۡكُفۡرَ وَٱلۡفُسُوقَ وَٱلۡعِصۡيَانَۚ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلرَّـٰشِدُونَ

Oo ogaada inuu idinku dhex jiro Rasuullka Ilaahay, haddii uu idinka yeeli lahaa in badan oo Arrinka ka mid ah, hubaal waa dhibtoon laheydeen, laakiinse Allaah baa idin jeclaysiiyey Iimaanka oo ku qurxiyey quluubtiinna, oo ka yeelay wax aad neceb tihiin gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo. Oo kuwan weeye kuwa iyagu hanuunsan
Surah Al-Hujraat, Verse 7


فَضۡلٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَنِعۡمَةٗۚ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ

Waa Fadli xag Ilaahay ah iyo Nicmad, Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah
Surah Al-Hujraat, Verse 8


وَإِن طَآئِفَتَانِ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱقۡتَتَلُواْ فَأَصۡلِحُواْ بَيۡنَهُمَاۖ فَإِنۢ بَغَتۡ إِحۡدَىٰهُمَا عَلَى ٱلۡأُخۡرَىٰ فَقَٰتِلُواْ ٱلَّتِي تَبۡغِي حَتَّىٰ تَفِيٓءَ إِلَىٰٓ أَمۡرِ ٱللَّهِۚ فَإِن فَآءَتۡ فَأَصۡلِحُواْ بَيۡنَهُمَا بِٱلۡعَدۡلِ وَأَقۡسِطُوٓاْۖ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُقۡسِطِينَ

Oo haddii ay labo kooxood oo mu’miniinta ka mid ahi diriraan, markaa ka sameeya heshiis dhexdooda, haddiise middood ku gardarroota tan kale markaa la dirira tan gar daran jeer ay u soo noqoto Amarka Ilaahay, haddii ay soo laabato, markaa ka sameeya heshiis dhexdooda si caddaalad ah oo xaqa dhowra. Hubaal Allaah waa jecel yahay kuwa caadilka ah
Surah Al-Hujraat, Verse 9


إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ إِخۡوَةٞ فَأَصۡلِحُواْ بَيۡنَ أَخَوَيۡكُمۡۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ

Mu’miniintu waa uun walaalo3. ee ka sameeya heshiis walaalihiin dhexdood, oo dhwora (xilka uu idin saaray) Allaah, waa intaasoo la idiin naxariisto'e
Surah Al-Hujraat, Verse 10


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا يَسۡخَرۡ قَوۡمٞ مِّن قَوۡمٍ عَسَىٰٓ أَن يَكُونُواْ خَيۡرٗا مِّنۡهُمۡ وَلَا نِسَآءٞ مِّن نِّسَآءٍ عَسَىٰٓ أَن يَكُنَّ خَيۡرٗا مِّنۡهُنَّۖ وَلَا تَلۡمِزُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ وَلَا تَنَابَزُواْ بِٱلۡأَلۡقَٰبِۖ بِئۡسَ ٱلِٱسۡمُ ٱلۡفُسُوقُ بَعۡدَ ٱلۡإِيمَٰنِۚ وَمَن لَّمۡ يَتُبۡ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ

Kuwiinan idinku rumeysanow! Qolona yey yasin qolo kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin iyaga, oo yey dumarna yasin dumar kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin iyaga; oo ha ceebeynina dadkiinna, oo ha isugu yeedhina naaneysyo xun. Xumaa magac xumo kaddib Iimaanka. Oo mid kastoo aan (Xaqa u) soo laaban, kuwan weeye kuwan kuwa ah gar ma qaatayaasha
Surah Al-Hujraat, Verse 11


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱجۡتَنِبُواْ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلظَّنِّ إِنَّ بَعۡضَ ٱلظَّنِّ إِثۡمٞۖ وَلَا تَجَسَّسُواْ وَلَا يَغۡتَب بَّعۡضُكُم بَعۡضًاۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمۡ أَن يَأۡكُلَ لَحۡمَ أَخِيهِ مَيۡتٗا فَكَرِهۡتُمُوهُۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ تَوَّابٞ رَّحِيمٞ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ka dheeraada malaha badanki, hubaal, malaha qaarki waa dambi. Oo ha is jaasuusina, oo qaarkiin yaanay xaman qaar kale; miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waadse neceb tihiin arrintaa. Oo dhowra xilka (uu idin saaray) Allaah, hubaal, Allaah waa mid u soo noqod badan (naxariista) Naxariis Badan
Surah Al-Hujraat, Verse 12


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّا خَلَقۡنَٰكُم مِّن ذَكَرٖ وَأُنثَىٰ وَجَعَلۡنَٰكُمۡ شُعُوبٗا وَقَبَآئِلَ لِتَعَارَفُوٓاْۚ إِنَّ أَكۡرَمَكُمۡ عِندَ ٱللَّهِ أَتۡقَىٰكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٞ

Dadoow! Hubaal Waxaanu idinka abuurnay lab iyo dhedddig, oo idinka dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan Allaah agti waa kan idiinku dhowris badan (xilka uu idin saaray). hubaal, Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xog ogaal ah
Surah Al-Hujraat, Verse 13


۞قَالَتِ ٱلۡأَعۡرَابُ ءَامَنَّاۖ قُل لَّمۡ تُؤۡمِنُواْ وَلَٰكِن قُولُوٓاْ أَسۡلَمۡنَا وَلَمَّا يَدۡخُلِ ٱلۡإِيمَٰنُ فِي قُلُوبِكُمۡۖ وَإِن تُطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ لَا يَلِتۡكُم مِّنۡ أَعۡمَٰلِكُمۡ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ

Reer miyigii Carbeed waxay yidhaahdeen: Waanu rumeysannay. Dheh: Ma rumeysanidin laakiinse dhaha, waanu is dhiibnay; oo Iimaanku weli ma gelin quluubtiinna. Oo haddii aad adeecdaan Allaah iyo Rasuulkiisa, waxba idinkama uu dhimi doono ka mid ah acmaashiinna, hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Hujraat, Verse 14


إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ثُمَّ لَمۡ يَرۡتَابُواْ وَجَٰهَدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلصَّـٰدِقُونَ

Mu’miniintu waa uun kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa. markaas aan shakiyin, oo u hura maalkooda iyo nafahooda Jidka Ilaahay. Waa kuwan kuwa runlowyada ah
Surah Al-Hujraat, Verse 15


قُلۡ أَتُعَلِّمُونَ ٱللَّهَ بِدِينِكُمۡ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ

Dheh: Ma waxaad u sheegeysaan Allaah diintiinna? Isagoo Allaah ogsoon yahay waxaa jira samooyinka iyo waxaa jira arlada, Oo Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay
Surah Al-Hujraat, Verse 16


يَمُنُّونَ عَلَيۡكَ أَنۡ أَسۡلَمُواْۖ قُل لَّا تَمُنُّواْ عَلَيَّ إِسۡلَٰمَكُمۖ بَلِ ٱللَّهُ يَمُنُّ عَلَيۡكُمۡ أَنۡ هَدَىٰكُمۡ لِلۡإِيمَٰنِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Waxay moodaan inay kugu leeyihiin abaal ay tahay inaad u guddo qaadashadooda islaamka darteed. Dheh: ha iigu abaal sheegannina islaamiddiinna. Bal Allaah baa idiinku abaal sheeganaya idinku hanuunintiinna Iimaanka darteed, haddii aad run sheegeysaan
Surah Al-Hujraat, Verse 17


إِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ غَيۡبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ

Hubaal, Allaah baa ogsoon waxa aan muuqan ee ah samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa Arkaa waxa aad fashaan
Surah Al-Hujraat, Verse 18


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 48
>> Surah 50

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai