Surah Al-Hujraat Verse 12 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Hujraatيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱجۡتَنِبُواْ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلظَّنِّ إِنَّ بَعۡضَ ٱلظَّنِّ إِثۡمٞۖ وَلَا تَجَسَّسُواْ وَلَا يَغۡتَب بَّعۡضُكُم بَعۡضًاۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمۡ أَن يَأۡكُلَ لَحۡمَ أَخِيهِ مَيۡتٗا فَكَرِهۡتُمُوهُۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ تَوَّابٞ رَّحِيمٞ
Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ka dheeraada malaha badanki, hubaal, malaha qaarki waa dambi. Oo ha is jaasuusina, oo qaarkiin yaanay xaman qaar kale; miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waadse neceb tihiin arrintaa. Oo dhowra xilka (uu idin saaray) Allaah, hubaal, Allaah waa mid u soo noqod badan (naxariista) Naxariis Badan