Surah Al-Fath Verse 29 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Fathمُّحَمَّدٞ رَّسُولُ ٱللَّهِۚ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ أَشِدَّآءُ عَلَى ٱلۡكُفَّارِ رُحَمَآءُ بَيۡنَهُمۡۖ تَرَىٰهُمۡ رُكَّعٗا سُجَّدٗا يَبۡتَغُونَ فَضۡلٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضۡوَٰنٗاۖ سِيمَاهُمۡ فِي وُجُوهِهِم مِّنۡ أَثَرِ ٱلسُّجُودِۚ ذَٰلِكَ مَثَلُهُمۡ فِي ٱلتَّوۡرَىٰةِۚ وَمَثَلُهُمۡ فِي ٱلۡإِنجِيلِ كَزَرۡعٍ أَخۡرَجَ شَطۡـَٔهُۥ فَـَٔازَرَهُۥ فَٱسۡتَغۡلَظَ فَٱسۡتَوَىٰ عَلَىٰ سُوقِهِۦ يُعۡجِبُ ٱلزُّرَّاعَ لِيَغِيظَ بِهِمُ ٱلۡكُفَّارَۗ وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ مِنۡهُم مَّغۡفِرَةٗ وَأَجۡرًا عَظِيمَۢا
Muxammad waa Rasuulka Ilaahay, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda; waxaad arki doontaa iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Ilaahay (iyo) Raallinimo(diisa). Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Oo tilmaantooda ku taal Injiilka waa sida (abuur) la beeray la soo kacda madaxeeda, markaas yeelata xoog, oo noqota gahayr, oo ku istaagta iyadoo toosan salkeeda, iyadoo farax gelineysa beeroleyda_ si uu Isagu ugu ciilo gaalada. Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwooda ka mid ah ee rumeysan oo samaha fala Dambi Dhaaf iyo Abaal gud aad u Weyn