Surah Al-Maeda Verse 116 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Maedaوَإِذۡ قَالَ ٱللَّهُ يَٰعِيسَى ٱبۡنَ مَرۡيَمَ ءَأَنتَ قُلۡتَ لِلنَّاسِ ٱتَّخِذُونِي وَأُمِّيَ إِلَٰهَيۡنِ مِن دُونِ ٱللَّهِۖ قَالَ سُبۡحَٰنَكَ مَا يَكُونُ لِيٓ أَنۡ أَقُولَ مَا لَيۡسَ لِي بِحَقٍّۚ إِن كُنتُ قُلۡتُهُۥ فَقَدۡ عَلِمۡتَهُۥۚ تَعۡلَمُ مَا فِي نَفۡسِي وَلَآ أَعۡلَمُ مَا فِي نَفۡسِكَۚ إِنَّكَ أَنتَ عَلَّـٰمُ ٱلۡغُيُوبِ
Oo marka Allaah odhan doono: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Allaah ka sokow? Wuxuu odhan doonaa: Xurmo oo dhan Adigaa leh! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, xaqiiq waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Hubaal Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan