Surah At-tur - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
وَٱلطُّورِ
Waxaan ku dhaartay Buurta (Siinaay)
Surah At-tur, Verse 1
وَكِتَٰبٖ مَّسۡطُورٖ
Iyo Kitaabka qoran
Surah At-tur, Verse 2
فِي رَقّٖ مَّنشُورٖ
Ee indhalka ku fidsan
Surah At-tur, Verse 3
وَٱلۡبَيۡتِ ٱلۡمَعۡمُورِ
Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto
Surah At-tur, Verse 4
وَٱلسَّقۡفِ ٱلۡمَرۡفُوعِ
Iyo saqafka la kor yeelay (samada)
Surah At-tur, Verse 5
وَٱلۡبَحۡرِ ٱلۡمَسۡجُورِ
Iyo badda lagu huriyey (dabka ama soo fatahda)
Surah At-tur, Verse 6
إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٞ
Hubaal, Cadaabta Rabbigaa waa wax dhici doona oo sugan
Surah At-tur, Verse 7
مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٖ
Ma jiro wax celin doona
Surah At-tur, Verse 8
يَوۡمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوۡرٗا
Maalinta marka uu cirku hadba dhinac u wareegi doono
Surah At-tur, Verse 9
وَتَسِيرُ ٱلۡجِبَالُ سَيۡرٗا
Oo buuruhu socon doonaan socosho (yaab) leh
Surah At-tur, Verse 10
فَوَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ
Ee hoog waxaa leh Maalintaas kuwa (Xaqa) diida
Surah At-tur, Verse 11
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي خَوۡضٖ يَلۡعَبُونَ
Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta
Surah At-tur, Verse 12
يَوۡمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا
Maalinta loogu tuuri doono Naarta si daran oo xoog leh
Surah At-tur, Verse 13
هَٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
Tani waa Naartii aad beenin jirteen
Surah At-tur, Verse 14
أَفَسِحۡرٌ هَٰذَآ أَمۡ أَنتُمۡ لَا تُبۡصِرُونَ
Ee ma sixir baa haddaba, mise idinku ma aragtaan
Surah At-tur, Verse 15
ٱصۡلَوۡهَا فَٱصۡبِرُوٓاْ أَوۡ لَا تَصۡبِرُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡكُمۡۖ إِنَّمَا تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Gala si aad ugu gubataan, markaa ku sabra ama ha ku sabrina - waa isugu kiin wada mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen
Surah At-tur, Verse 16
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّـٰتٖ وَنَعِيمٖ
Hubaal, kuwa ka dhowrsada xumaha waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo
Surah At-tur, Verse 17
فَٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ وَوَقَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ
Iyagoo ku raaxeysan waxa uu siiyey Rabbigood, oo Rabbigood Wuxuu ka badbaadshay cadaabta Naarta ololeysa
Surah At-tur, Verse 18
كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
(Waxaa lagu odhan) Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen
Surah At-tur, Verse 19
مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٖ مَّصۡفُوفَةٖۖ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينٖ
Waxay ku jiqleysan doonaan sariiro heer sare ahoo la safay. Oo waxaanu u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan)
Surah At-tur, Verse 20
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱتَّبَعَتۡهُمۡ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَٰنٍ أَلۡحَقۡنَا بِهِمۡ ذُرِّيَّتَهُمۡ وَمَآ أَلَتۡنَٰهُم مِّنۡ عَمَلِهِم مِّن شَيۡءٖۚ كُلُّ ٱمۡرِيِٕۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٞ
Oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka,_ waxaanu isu wada keeni doonnaa durriyadooda, oo waxna kama dhimi doonno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mas’uul ka yahay waxa uu kasbado
Surah At-tur, Verse 21
وَأَمۡدَدۡنَٰهُم بِفَٰكِهَةٖ وَلَحۡمٖ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ
Oo waxaan siin khudrad iyo hilib, kay rabaan
Surah At-tur, Verse 22
يَتَنَٰزَعُونَ فِيهَا كَأۡسٗا لَّا لَغۡوٞ فِيهَا وَلَا تَأۡثِيمٞ
Waxay isu dhiib-dhiibi doonaan galaas (khamro xalaal) ah aan lahaan doonin wax ah laqwi iyo dambi midkoodna
Surah At-tur, Verse 23
۞وَيَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ غِلۡمَانٞ لَّهُمۡ كَأَنَّهُمۡ لُؤۡلُؤٞ مَّكۡنُونٞ
Oo waxaa hareera socon doona wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray
Surah At-tur, Verse 24
وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ
Oo qaarkood waxay qaabili doonaan qaar kale iyagoo is-wareysan
Surah At-tur, Verse 25
قَالُوٓاْ إِنَّا كُنَّا قَبۡلُ فِيٓ أَهۡلِنَا مُشۡفِقِينَ
Waxay odhan: Waxaan ka hor ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadho gelinta Ilaahay)
Surah At-tur, Verse 26
فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ
Allaah baase noo nicmeeyey, oo naga dhowray cadaabta hanfiga kulul
Surah At-tur, Verse 27
إِنَّا كُنَّا مِن قَبۡلُ نَدۡعُوهُۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡبَرُّ ٱلرَّحِيمُ
Hubaal Waxaan innagu awal hore baryi jirnay Isagoo (Keliya). Hubaal, waa Isaga Baarriga , Naxariista Badan
Surah At-tur, Verse 28
فَذَكِّرۡ فَمَآ أَنتَ بِنِعۡمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٖ وَلَا مَجۡنُونٍ
Ee waani (Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo ku waalan midna
Surah At-tur, Verse 29
أَمۡ يَقُولُونَ شَاعِرٞ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيۡبَ ٱلۡمَنُونِ
Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibad waqtiga la iman
Surah At-tur, Verse 30
قُلۡ تَرَبَّصُواْ فَإِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُتَرَبِّصِينَ
Dheh: Suga! Aniguna sidoo kale hubaal waxaan ka mid ahay kuwa wax suga
Surah At-tur, Verse 31
أَمۡ تَأۡمُرُهُمۡ أَحۡلَٰمُهُم بِهَٰذَآۚ أَمۡ هُمۡ قَوۡمٞ طَاغُونَ
Ma caqliyadooda baa ku amra sidan mise waa qolo qooqan
Surah At-tur, Verse 32
أَمۡ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥۚ بَل لَّا يُؤۡمِنُونَ
Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay? Mayee! Ma rumeysna
Surah At-tur, Verse 33
فَلۡيَأۡتُواْ بِحَدِيثٖ مِّثۡلِهِۦٓ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ
Ee ha keenaan war la mid ahi haddii ay yihiin run sheegayaal
Surah At-tur, Verse 34
أَمۡ خُلِقُواْ مِنۡ غَيۡرِ شَيۡءٍ أَمۡ هُمُ ٱلۡخَٰلِقُونَ
Mise ma waxaa laga abuuray cid la', mise iyagaa ah abuurayashaa
Surah At-tur, Verse 35
أَمۡ خَلَقُواْ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ
Mise ma waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana
Surah At-tur, Verse 36
أَمۡ عِندَهُمۡ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمۡ هُمُ ٱلۡمُصَۜيۡطِرُونَ
Mise ma waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan
Surah At-tur, Verse 37
أَمۡ لَهُمۡ سُلَّمٞ يَسۡتَمِعُونَ فِيهِۖ فَلۡيَأۡتِ مُسۡتَمِعُهُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
Mise ma waxay leeyihiin sallaanno ay wax ku dhegaystaan; ee ha la yimaado dhegaystahoodu xujo cad
Surah At-tur, Verse 38
أَمۡ لَهُ ٱلۡبَنَٰتُ وَلَكُمُ ٱلۡبَنُونَ
Mise ma wuxuu leeyahay gabdho halka idinku leedihiin wiilal
Surah At-tur, Verse 39
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ
Mise ma waxaad adigu weydiisataa abaalgud, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin
Surah At-tur, Verse 40
أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ
Mise ma waxay hayaan waxa qarsoon aan muuqan ee iyagu qoraan
Surah At-tur, Verse 41
أَمۡ يُرِيدُونَ كَيۡدٗاۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ هُمُ ٱلۡمَكِيدُونَ
Mise ma waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda
Surah At-tur, Verse 42
أَمۡ لَهُمۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
Mise ma waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Allaah? Xurmoo dhan waxaa iska leh Allaah oo ka nazahan waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada)
Surah At-tur, Verse 43
وَإِن يَرَوۡاْ كِسۡفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطٗا يَقُولُواْ سَحَابٞ مَّرۡكُومٞ
Oo haddii ay arki lahaayeen gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya7. waxay odhan lahaayeen: Waa daruur is dul saaran
Surah At-tur, Verse 44
فَذَرۡهُمۡ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي فِيهِ يُصۡعَقُونَ
Ee iskaga tag inta ay la kulmaan Maalintooda ee laga yeeli doono inay la suuxaan (qarracan)
Surah At-tur, Verse 45
يَوۡمَ لَا يُغۡنِي عَنۡهُمۡ كَيۡدُهُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
Maalinta uusan dabinkoodu waxba u tari doonin oo aan loo gargaari doonin
Surah At-tur, Verse 46
وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ عَذَابٗا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
Oo hubaal waxay kuwaa ah gar ma qaatayaasha la kulmi doonaan cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi8) laakiinse badankoodu ma ay ogsoona
Surah At-tur, Verse 47
وَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعۡيُنِنَاۖ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ
Ee u sug si samir leh xukunka Rabbigaa, waxaad hubaal tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa marka aad soo kacdoba
Surah At-tur, Verse 48
وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡهُ وَإِدۡبَٰرَ ٱلنُّجُومِ
Oo habeenkana huf oo xurmo weynee, iyo marka ay xiddiguhu dhacaanba
Surah At-tur, Verse 49