UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah An-Najm - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


وَٱلنَّجۡمِ إِذَا هَوَىٰ

Waxaan ku dhaartay xiddiga marka uu hoos u soo dhaco
Surah An-Najm, Verse 1


مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمۡ وَمَا غَوَىٰ

Saaxibkiin ma uu gefo, mana habaabo
Surah An-Najm, Verse 2


وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ

Oo ma ku hadlo hawadiisa
Surah An-Najm, Verse 3


إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٞ يُوحَىٰ

Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyoodo
Surah An-Najm, Verse 4


عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلۡقُوَىٰ

Waxaa baray (oo xagga Allaah ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn
Surah An-Najm, Verse 5


ذُو مِرَّةٖ فَٱسۡتَوَىٰ

Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuraddiisuna dhan tahay (Jabriil)
Surah An-Najm, Verse 6


وَهُوَ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡأَعۡلَىٰ

Isagoo ah halka ugu sarreysa jihada sare
Surah An-Najm, Verse 7


ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ

Markaasuu soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday
Surah An-Najm, Verse 8


فَكَانَ قَابَ قَوۡسَيۡنِ أَوۡ أَدۡنَىٰ

In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka sii dhowba
Surah An-Najm, Verse 9


فَأَوۡحَىٰٓ إِلَىٰ عَبۡدِهِۦ مَآ أَوۡحَىٰ

Markaasuu (Allaah) u Waxyooday addoonkiisa4 waxa uu u waxyooday
Surah An-Najm, Verse 10


مَا كَذَبَ ٱلۡفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ

Kama been sheegin Qalbigu wuxuu arkay
Surah An-Najm, Verse 11


أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ

Ma waxaad haddaba kula murantaan waxa uu arkay
Surah An-Najm, Verse 12


وَلَقَدۡ رَءَاهُ نَزۡلَةً أُخۡرَىٰ

Oo xaqiiq wuxuu ku arkay (Jabriil) soo degid kale
Surah An-Najm, Verse 13


عِندَ سِدۡرَةِ ٱلۡمُنتَهَىٰ

Dhammaadka xadka geedka gobka
Surah An-Najm, Verse 14


عِندَهَا جَنَّةُ ٱلۡمَأۡوَىٰٓ

Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada
Surah An-Najm, Verse 15


إِذۡ يَغۡشَى ٱلسِّدۡرَةَ مَا يَغۡشَىٰ

Marka uu daboolay gobka waxa daboolay
Surah An-Najm, Verse 16


مَا زَاغَ ٱلۡبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ

Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay
Surah An-Najm, Verse 17


لَقَدۡ رَأَىٰ مِنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ

Xaqiiq wuxuu wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn
Surah An-Najm, Verse 18


أَفَرَءَيۡتُمُ ٱللَّـٰتَ وَٱلۡعُزَّىٰ

Ee ma u fiirsateen haddaba Al-Laat iyo Al-Cuzza
Surah An-Najm, Verse 19


وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ

Iyo Manaat, midka seddexaad ee kale
Surah An-Najm, Verse 20


أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلۡأُنثَىٰ

Ma idinka baase leh labka oo Isagu leeyahay dheddigga
Surah An-Najm, Verse 21


تِلۡكَ إِذٗا قِسۡمَةٞ ضِيزَىٰٓ

Tanu dhab ahaan waa qayb dulun ah
Surah An-Najm, Verse 22


إِنۡ هِيَ إِلَّآ أَسۡمَآءٞ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٍۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهۡوَى ٱلۡأَنفُسُۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلۡهُدَىٰٓ

Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen,_ idinka iyo aabbayaashiin,_ oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah. Oo ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, oo xaqiiq waxaa uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan
Surah An-Najm, Verse 23


أَمۡ لِلۡإِنسَٰنِ مَا تَمَنَّىٰ

Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleysto
Surah An-Najm, Verse 24


فَلِلَّهِ ٱلۡأٓخِرَةُ وَٱلۡأُولَىٰ

Mayee Allaah baa iska leh tan dambe (Aakhirada)iyo(nolosha)horeba(Adduunka)
Surah An-Najm, Verse 25


۞وَكَم مِّن مَّلَكٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ لَا تُغۡنِي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ أَن يَأۡذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرۡضَىٰٓ

Oo badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Allaah u idmo maahee ciddii uu doono oo ka Raalli yahay
Surah An-Najm, Verse 26


إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ تَسۡمِيَةَ ٱلۡأُنثَىٰ

Hubaal, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah
Surah An-Najm, Verse 27


وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّۖ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغۡنِي مِنَ ٱلۡحَقِّ شَيۡـٔٗا

Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, oo hubaal, maluhu waxba kama taro Xaqa
Surah An-Najm, Verse 28


فَأَعۡرِضۡ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكۡرِنَا وَلَمۡ يُرِدۡ إِلَّا ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا

Ee iskaga jeeso kan ka jeesta Xuskayaga oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka
Surah An-Najm, Verse 29


ذَٰلِكَ مَبۡلَغُهُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱهۡتَدَىٰ

Kaasi waa inta uu gaaray garaadkooda aqooneed. hubaal, Rabbigaa aad buu u Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, oo wuxuu aad u Ogsoon yahay kan hanuunsan
Surah An-Najm, Verse 30


وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَسَـٰٓـُٔواْ بِمَا عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ بِٱلۡحُسۡنَى

Oo Allaah baa iska leh waxaa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxa ay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta waxa wax u wanaagsan
Surah An-Najm, Verse 31


ٱلَّذِينَ يَجۡتَنِبُونَ كَبَـٰٓئِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَۚ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلۡمَغۡفِرَةِۚ هُوَ أَعۡلَمُ بِكُمۡ إِذۡ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ وَإِذۡ أَنتُمۡ أَجِنَّةٞ فِي بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمۡۖ فَلَا تُزَكُّوٓاْ أَنفُسَكُمۡۖ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ

Kuwa ka fogaada dambiyada waaweyn iyo foolxumooyinka, waxaan ahayn waxa ku soo dhaca maanankooda, _hubaal, Rabbigaa waa mid leh dambi dhaaf ballaaran. Wuxuu idiin yaqaan si fiican, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku tihiin jiif uurarka hooyooyinkiin, ee ha ku ammaanina daahirnimo nafahiinna, wuxuu u Og yahay si fiican kan ka dhowrsada (xumaha)
Surah An-Najm, Verse 32


أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي تَوَلَّىٰ

Ee ma aragtay haddaba kan isagu jeediya dhabarkiisa
Surah An-Najm, Verse 33


وَأَعۡطَىٰ قَلِيلٗا وَأَكۡدَىٰٓ

Oo bixiya wax yar7, oo misna ma suuga
Surah An-Najm, Verse 34


أَعِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلۡغَيۡبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ

Ma wuxuu hayaa cilmiga waxa aan muuqan, oo isagu arkaa
Surah An-Najm, Verse 35


أَمۡ لَمۡ يُنَبَّأۡ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ

Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse
Surah An-Najm, Verse 36


وَإِبۡرَٰهِيمَ ٱلَّذِي وَفَّىٰٓ

Iyo Ibraahiim ee oofiyey (amarradii Ilaahay)
Surah An-Najm, Verse 37


أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰ

Inuusan qof culaab xambaarsan (denbi) uu qaadi doonin culaabta (denbiga) qof kale
Surah An-Najm, Verse 38


وَأَن لَّيۡسَ لِلۡإِنسَٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ

Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn waxa uu ku dadaalo
Surah An-Najm, Verse 39


وَأَنَّ سَعۡيَهُۥ سَوۡفَ يُرَىٰ

Iyo in dadaalkiisa durba la arki doono
Surah An-Najm, Verse 40


ثُمَّ يُجۡزَىٰهُ ٱلۡجَزَآءَ ٱلۡأَوۡفَىٰ

Markaas looga abaal marin doono si dhan abaalmarin kaamil ah
Surah An-Najm, Verse 41


وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلۡمُنتَهَىٰ

Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay halka arrin kasta loo celiyo
Surah An-Najm, Verse 42


وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضۡحَكَ وَأَبۡكَىٰ

Iyo inuu Isagu yahay Kan ka qosliya (dadka) oo ka oohiya
Surah An-Najm, Verse 43


وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحۡيَا

Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan sababa dhimashada oo bixiya nolol
Surah An-Najm, Verse 44


وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰ

Iyo inuu Isagu abuuray lammaanka, labka iyo dheddigga
Surah An-Najm, Verse 45


مِن نُّطۡفَةٍ إِذَا تُمۡنَىٰ

Ka abuuray mino nool marka la shubo
Surah An-Najm, Verse 46


وَأَنَّ عَلَيۡهِ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰ

Iyo inay Isaga (Alle) saaran tahay soo celinta kale
Surah An-Najm, Verse 47


وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغۡنَىٰ وَأَقۡنَىٰ

Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan hodmiya (qofka) ama Ka dhiga sabool
Surah An-Najm, Verse 48


وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعۡرَىٰ

Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Rabbiga xiddiga Shicra
Surah An-Najm, Verse 49


وَأَنَّهُۥٓ أَهۡلَكَ عَادًا ٱلۡأُولَىٰ

Iyo inuu rogay (reer) Caadkii hore
Surah An-Najm, Verse 50


وَثَمُودَاْ فَمَآ أَبۡقَىٰ

Iyo Thamuudba, waxna kama reebin
Surah An-Najm, Verse 51


وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ هُمۡ أَظۡلَمَ وَأَطۡغَىٰ

Iyo qolodii Nuux awal hore; hubaal waxay ahaayeen kuwo gardarro iyo qooq badan
Surah An-Najm, Verse 52


وَٱلۡمُؤۡتَفِكَةَ أَهۡوَىٰ

Iyo magaalooyinkii la dabageddiyey uu soo riday
Surah An-Najm, Verse 53


فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ

Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay
Surah An-Najm, Verse 54


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ

Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodi doontaan oo ka shaki qabtaan
Surah An-Najm, Verse 55


هَٰذَا نَذِيرٞ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلۡأُولَىٰٓ

Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore
Surah An-Najm, Verse 56


أَزِفَتِ ٱلۡأٓزِفَةُ

Dhacdada dhow (Qiyaamaha) intaas way soo dhowaataa
Surah An-Najm, Verse 57


لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ

Ma jiri doono Allaah ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda)
Surah An-Najm, Verse 58


أَفَمِنۡ هَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ تَعۡجَبُونَ

Ee ma waxaad haddaba la yaabban tihiin warkani
Surah An-Najm, Verse 59


وَتَضۡحَكُونَ وَلَا تَبۡكُونَ

Oo ku qosli oo aydaan ooyeyn
Surah An-Najm, Verse 60


وَأَنتُمۡ سَٰمِدُونَ

Idinkoo iska haasaawaya
Surah An-Najm, Verse 61


فَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ وَٱعۡبُدُواْ۩

Ee u sujuuda Allaah, oo caabuda
Surah An-Najm, Verse 62


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 52
>> Surah 54

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai