UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Qamar - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


ٱقۡتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلۡقَمَرُ

Saacaddu way soo dhowaatay, oo dayaxii u kala dhanbalmay labo gabal
Surah Al-Qamar, Verse 1


وَإِن يَرَوۡاْ ءَايَةٗ يُعۡرِضُواْ وَيَقُولُواْ سِحۡرٞ مُّسۡتَمِرّٞ

Oo haddii ay arkaan mucjiso, waxay u jeestaan dhinac, oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan
Surah Al-Qamar, Verse 2


وَكَذَّبُواْ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡۚ وَكُلُّ أَمۡرٖ مُّسۡتَقِرّٞ

Oo way beeniyaan oo raacaan waxa xun ay nafahoodu rabaan. Oo arrin kasta wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado
Surah Al-Qamar, Verse 3


وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّنَ ٱلۡأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزۡدَجَرٌ

Oo dhab ahaan waxaa u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino)
Surah Al-Qamar, Verse 4


حِكۡمَةُۢ بَٰلِغَةٞۖ فَمَا تُغۡنِ ٱلنُّذُرُ

Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid)
Surah Al-Qamar, Verse 5


فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡۘ يَوۡمَ يَدۡعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَيۡءٖ نُّكُرٍ

Ee iskaga jeeso; Maalinta uu baaquhu ugu baaqi doono wax daran oo baas
Surah Al-Qamar, Verse 6


خُشَّعًا أَبۡصَٰرُهُمۡ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ كَأَنَّهُمۡ جَرَادٞ مُّنتَشِرٞ

Iyagoo arag dulleysan, ka soo baxaya qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay
Surah Al-Qamar, Verse 7


مُّهۡطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِۖ يَقُولُ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا يَوۡمٌ عَسِرٞ

U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan:Tani waa Maalin daran
Surah Al-Qamar, Verse 8


۞كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ فَكَذَّبُواْ عَبۡدَنَا وَقَالُواْ مَجۡنُونٞ وَٱزۡدُجِرَ

Iyaga hortood Qolodii Nuux baa beeniyey, markaasay beeniyeen addoonkayagii oo yidhaahdeen: waa nin waalan, oo la handaday
Surah Al-Qamar, Verse 9


فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَغۡلُوبٞ فَٱنتَصِرۡ

Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli
Surah Al-Qamar, Verse 10


فَفَتَحۡنَآ أَبۡوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٖ مُّنۡهَمِرٖ

Markaas baan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan
Surah Al-Qamar, Verse 11


وَفَجَّرۡنَا ٱلۡأَرۡضَ عُيُونٗا فَٱلۡتَقَى ٱلۡمَآءُ عَلَىٰٓ أَمۡرٖ قَدۡ قُدِرَ

Oo ka soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah). markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray
Surah Al-Qamar, Verse 12


وَحَمَلۡنَٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلۡوَٰحٖ وَدُسُرٖ

Oo waxaan (Nuux) ku qaadnay taasi (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir
Surah Al-Qamar, Verse 13


تَجۡرِي بِأَعۡيُنِنَا جَزَآءٗ لِّمَن كَانَ كُفِرَ

Ku socota indhahayaga hortood, oo abaalgud u ah kan isagu la diiday
Surah Al-Qamar, Verse 14


وَلَقَد تَّرَكۡنَٰهَآ ءَايَةٗ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ

Oo dhab ahaan Waxaan uga tagnay si ay u ahaato Calaamad, ee ma jiraa mid ku waantoobi
Surah Al-Qamar, Verse 15


فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ

Ee Sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii
Surah Al-Qamar, Verse 16


وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ

Oo dhab ahaan waxaan ka yeelnay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi
Surah Al-Qamar, Verse 17


كَذَّبَتۡ عَادٞ فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ

Caad waxay beenisay (Xaqa), ee sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii
Surah Al-Qamar, Verse 18


إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا صَرۡصَرٗا فِي يَوۡمِ نَحۡسٖ مُّسۡتَمِرّٖ

Hubaal Waxaan ku soo dirnay dushood dabeylo duufaan ah maalin naxsgieed is daba joogo
Surah Al-Qamar, Verse 19


تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٖ مُّنقَعِرٖ

Iyadoo u majaxaabineysa dadka4 sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey
Surah Al-Qamar, Verse 20


فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ

Ee sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii
Surah Al-Qamar, Verse 21


وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ

Oo dhab ahaan Waxaan ka yeelnay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi
Surah Al-Qamar, Verse 22


كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ

Thamuud waxay beenisay digniinihii
Surah Al-Qamar, Verse 23


فَقَالُوٓاْ أَبَشَرٗا مِّنَّا وَٰحِدٗا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٍ

Markaasay waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya ah ee naga mid ah! miyaan raacnaa? Hubaal waxaanu markaas xaqiiq ku sugnaan habow iyo dhibaato
Surah Al-Qamar, Verse 24


أَءُلۡقِيَ ٱلذِّكۡرُ عَلَيۡهِ مِنۢ بَيۡنِنَا بَلۡ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٞ

Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn
Surah Al-Qamar, Verse 25


سَيَعۡلَمُونَ غَدٗا مَّنِ ٱلۡكَذَّابُ ٱلۡأَشِرُ

Berri bay ogaan doonaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah
Surah Al-Qamar, Verse 26


إِنَّا مُرۡسِلُواْ ٱلنَّاقَةِ فِتۡنَةٗ لَّهُمۡ فَٱرۡتَقِبۡهُمۡ وَٱصۡطَبِرۡ

Hubaal Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee dhugo iyaga oo samir yeelo
Surah Al-Qamar, Verse 27


وَنَبِّئۡهُمۡ أَنَّ ٱلۡمَآءَ قِسۡمَةُۢ بَيۡنَهُمۡۖ كُلُّ شِرۡبٖ مُّحۡتَضَرٞ

Oo u sheeg in biyuhu yihiin qayb dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah
Surah Al-Qamar, Verse 28


فَنَادَوۡاْ صَاحِبَهُمۡ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ

Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood, oo soo qaatay (seef) oo (Hashii) dilay
Surah Al-Qamar, Verse 29


فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ

Ee Sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii
Surah Al-Qamar, Verse 30


إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَكَانُواْ كَهَشِيمِ ٱلۡمُحۡتَظِرِ

Hubaal Waxaan ku ridnay dushood Qeylo keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo
Surah Al-Qamar, Verse 31


وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ

Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi
Surah Al-Qamar, Verse 32


كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطِۭ بِٱلنُّذُرِ

Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii
Surah Al-Qamar, Verse 33


إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٖۖ نَّجَّيۡنَٰهُم بِسَحَرٖ

Hubaal Waxaan ku ridnay duufaan dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waa aan badbaadinnay waaberiga hortiis
Surah Al-Qamar, Verse 34


نِّعۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَن شَكَرَ

Nicmo Xaggayaga ah, sidaas oo kale baan u abaal marinnaa kan isagu shukriya
Surah Al-Qamar, Verse 35


وَلَقَدۡ أَنذَرَهُم بَطۡشَتَنَا فَتَمَارَوۡاْ بِٱلنُّذُرِ

Oo dhab ahaan wuxuu uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, waxayse ka murmeen digniinihii
Surah Al-Qamar, Verse 36


وَلَقَدۡ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيۡفِهِۦ فَطَمَسۡنَآ أَعۡيُنَهُمۡ فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ

Oo dhab ahaan Waxay ku dadaaleen inay ka jeediyaan martidiisii, waxaanse cameynay indhahooda, ee dhadhamiya cadaabteyda iyo digniinaheyga
Surah Al-Qamar, Verse 37


وَلَقَدۡ صَبَّحَهُم بُكۡرَةً عَذَابٞ مُّسۡتَقِرّٞ

Oo dhab ahaan cadaab sugnaansho leh baa qabtay isla waabernimadiiba
Surah Al-Qamar, Verse 38


فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ

Ee dhadhamiya Cadaabteyda iyo Digniinaheyga
Surah Al-Qamar, Verse 39


وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ

Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi
Surah Al-Qamar, Verse 40


وَلَقَدۡ جَآءَ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ ٱلنُّذُرُ

Oo dhab ahaan Digniinihu waxay u yimaadeen qoladii Fircoon
Surah Al-Qamar, Verse 41


كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذۡنَٰهُمۡ أَخۡذَ عَزِيزٖ مُّقۡتَدِرٍ

(Way) beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaas baan qabannay Qabasho Awood Badane. Karaan Badan
Surah Al-Qamar, Verse 42


أَكُفَّارُكُمۡ خَيۡرٞ مِّنۡ أُوْلَـٰٓئِكُمۡ أَمۡ لَكُم بَرَآءَةٞ فِي ٱلزُّبُرِ

Ma gaaladiinna baa ka fiican kuwakani mise waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabaha(yaga)
Surah Al-Qamar, Verse 43


أَمۡ يَقُولُونَ نَحۡنُ جَمِيعٞ مُّنتَصِرٞ

Mise waxay leeyihiin: Waxaanu innagu nahay ciidan dhan oo is taageeri
Surah Al-Qamar, Verse 44


سَيُهۡزَمُ ٱلۡجَمۡعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ

Durba ciidankooda waa la jabin oo dabaday jeedin doonaan
Surah Al-Qamar, Verse 45


بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوۡعِدُهُمۡ وَٱلسَّاعَةُ أَدۡهَىٰ وَأَمَرُّ

Balse, Saacadda waa waqtiga loo qabtay, oo Saacaddu waxay ahaan mid aad u daran oo qaraar
Surah Al-Qamar, Verse 46


إِنَّ ٱلۡمُجۡرِمِينَ فِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٖ

Hubaal, denbiilayaasha waxay ku sugan yihiin habow iyo dhibaato
Surah Al-Qamar, Verse 47


يَوۡمَ يُسۡحَبُونَ فِي ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ ذُوقُواْ مَسَّ سَقَرَ

Maalintaa marka wejiyadooda lagu dhex jiidi doono Naarta: Dhadhamiya taabashada Naarta
Surah Al-Qamar, Verse 48


إِنَّا كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَٰهُ بِقَدَرٖ

Hubaal Waxaan wax kasta ku abuurnay Qaddar
Surah Al-Qamar, Verse 49


وَمَآ أَمۡرُنَآ إِلَّا وَٰحِدَةٞ كَلَمۡحِۭ بِٱلۡبَصَرِ

Oo Amarkayagu ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi
Surah Al-Qamar, Verse 50


وَلَقَدۡ أَهۡلَكۡنَآ أَشۡيَاعَكُمۡ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ

Oo dhab ahaan Waxaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun isagu ku waantoobi
Surah Al-Qamar, Verse 51


وَكُلُّ شَيۡءٖ فَعَلُوهُ فِي ٱلزُّبُرِ

Oo wax kastoo ay faleen waxay ku yaalliin kutubta (qoran)
Surah Al-Qamar, Verse 52


وَكُلُّ صَغِيرٖ وَكَبِيرٖ مُّسۡتَطَرٌ

Oo wax waliba yar iyo weynba way qoran yihiin
Surah Al-Qamar, Verse 53


إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّـٰتٖ وَنَهَرٖ

Hubaal, kuwa iska jira (xumaha), waxay ku sugnaan Beero iyo webiyo
Surah Al-Qamar, Verse 54


فِي مَقۡعَدِ صِدۡقٍ عِندَ مَلِيكٖ مُّقۡتَدِرِۭ

Fadhi sharfeed run ah oo u dhow Boqorka Awooda wax walba
Surah Al-Qamar, Verse 55


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 53
>> Surah 55

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai