Surah Al-Qamar - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
ٱقۡتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلۡقَمَرُ
Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay
Surah Al-Qamar, Verse 1
وَإِن يَرَوۡاْ ءَايَةٗ يُعۡرِضُواْ وَيَقُولُواْ سِحۡرٞ مُّسۡتَمِرّٞ
Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran
Surah Al-Qamar, Verse 2
وَكَذَّبُواْ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡۚ وَكُلُّ أَمۡرٖ مُّسۡتَقِرّٞ
Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado
Surah Al-Qamar, Verse 3
وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّنَ ٱلۡأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزۡدَجَرٌ
Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano
Surah Al-Qamar, Verse 4
حِكۡمَةُۢ بَٰلِغَةٞۖ فَمَا تُغۡنِ ٱلنُّذُرُ
Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi
Surah Al-Qamar, Verse 5
فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡۘ يَوۡمَ يَدۡعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَيۡءٖ نُّكُرٍ
Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran
Surah Al-Qamar, Verse 6
خُشَّعًا أَبۡصَٰرُهُمۡ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ كَأَنَّهُمۡ جَرَادٞ مُّنتَشِرٞ
Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay
Surah Al-Qamar, Verse 7
مُّهۡطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِۖ يَقُولُ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا يَوۡمٌ عَسِرٞ
Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran
Surah Al-Qamar, Verse 8
۞كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ فَكَذَّبُواْ عَبۡدَنَا وَقَالُواْ مَجۡنُونٞ وَٱزۡدُجِرَ
Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay»
Surah Al-Qamar, Verse 9
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَغۡلُوبٞ فَٱنتَصِرۡ
Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro
Surah Al-Qamar, Verse 10
فَفَتَحۡنَآ أَبۡوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٖ مُّنۡهَمِرٖ
Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay
Surah Al-Qamar, Verse 11
وَفَجَّرۡنَا ٱلۡأَرۡضَ عُيُونٗا فَٱلۡتَقَى ٱلۡمَآءُ عَلَىٰٓ أَمۡرٖ قَدۡ قُدِرَ
Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis
Surah Al-Qamar, Verse 12
وَحَمَلۡنَٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلۡوَٰحٖ وَدُسُرٖ
Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh
Surah Al-Qamar, Verse 13
تَجۡرِي بِأَعۡيُنِنَا جَزَآءٗ لِّمَن كَانَ كُفِرَ
Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday
Surah Al-Qamar, Verse 14
وَلَقَد تَّرَكۡنَٰهَآ ءَايَةٗ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan)
Surah Al-Qamar, Verse 15
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu
Surah Al-Qamar, Verse 16
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi
Surah Al-Qamar, Verse 17
كَذَّبَتۡ عَادٞ فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii
Surah Al-Qamar, Verse 18
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا صَرۡصَرٗا فِي يَوۡمِ نَحۡسٖ مُّسۡتَمِرّٖ
Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah
Surah Al-Qamar, Verse 19
تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٖ مُّنقَعِرٖ
Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay
Surah Al-Qamar, Verse 20
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii
Surah Al-Qamar, Verse 21
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi
Surah Al-Qamar, Verse 22
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ
Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud
Surah Al-Qamar, Verse 23
فَقَالُوٓاْ أَبَشَرٗا مِّنَّا وَٰحِدٗا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٍ
Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato
Surah Al-Qamar, Verse 24
أَءُلۡقِيَ ٱلذِّكۡرُ عَلَيۡهِ مِنۢ بَيۡنِنَا بَلۡ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٞ
Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah
Surah Al-Qamar, Verse 25
سَيَعۡلَمُونَ غَدٗا مَّنِ ٱلۡكَذَّابُ ٱلۡأَشِرُ
Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah
Surah Al-Qamar, Verse 26
إِنَّا مُرۡسِلُواْ ٱلنَّاقَةِ فِتۡنَةٗ لَّهُمۡ فَٱرۡتَقِبۡهُمۡ وَٱصۡطَبِرۡ
Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir
Surah Al-Qamar, Verse 27
وَنَبِّئۡهُمۡ أَنَّ ٱلۡمَآءَ قِسۡمَةُۢ بَيۡنَهُمۡۖ كُلُّ شِرۡبٖ مُّحۡتَضَرٞ
Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay
Surah Al-Qamar, Verse 28
فَنَادَوۡاْ صَاحِبَهُمۡ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ
Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay
Surah Al-Qamar, Verse 29
فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ
Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii
Surah Al-Qamar, Verse 30
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَكَانُواْ كَهَشِيمِ ٱلۡمُحۡتَظِرِ
Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay
Surah Al-Qamar, Verse 31
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi
Surah Al-Qamar, Verse 32
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطِۭ بِٱلنُّذُرِ
Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii
Surah Al-Qamar, Verse 33
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٖۖ نَّجَّيۡنَٰهُم بِسَحَرٖ
Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah
Surah Al-Qamar, Verse 34
نِّعۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَن شَكَرَ
Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe)
Surah Al-Qamar, Verse 35
وَلَقَدۡ أَنذَرَهُم بَطۡشَتَنَا فَتَمَارَوۡاْ بِٱلنُّذُرِ
Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas
Surah Al-Qamar, Verse 36
وَلَقَدۡ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيۡفِهِۦ فَطَمَسۡنَآ أَعۡيُنَهُمۡ فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ
Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa
Surah Al-Qamar, Verse 37
وَلَقَدۡ صَبَّحَهُم بُكۡرَةً عَذَابٞ مُّسۡتَقِرّٞ
Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan
Surah Al-Qamar, Verse 38
فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ
Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa
Surah Al-Qamar, Verse 39
وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi
Surah Al-Qamar, Verse 40
وَلَقَدۡ جَآءَ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ ٱلنُّذُرُ
Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid
Surah Al-Qamar, Verse 41
كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذۡنَٰهُمۡ أَخۡذَ عَزِيزٖ مُّقۡتَدِرٍ
Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh
Surah Al-Qamar, Verse 42
أَكُفَّارُكُمۡ خَيۡرٞ مِّنۡ أُوْلَـٰٓئِكُمۡ أَمۡ لَكُم بَرَآءَةٞ فِي ٱلزُّبُرِ
Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta
Surah Al-Qamar, Verse 43
أَمۡ يَقُولُونَ نَحۡنُ جَمِيعٞ مُّنتَصِرٞ
Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay
Surah Al-Qamar, Verse 44
سَيُهۡزَمُ ٱلۡجَمۡعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ
Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin
Surah Al-Qamar, Verse 45
بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوۡعِدُهُمۡ وَٱلسَّاعَةُ أَدۡهَىٰ وَأَمَرُّ
Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh
Surah Al-Qamar, Verse 46
إِنَّ ٱلۡمُجۡرِمِينَ فِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٖ
Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin
Surah Al-Qamar, Verse 47
يَوۡمَ يُسۡحَبُونَ فِي ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ ذُوقُواْ مَسَّ سَقَرَ
(Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara
Surah Al-Qamar, Verse 48
إِنَّا كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَٰهُ بِقَدَرٖ
Wax kasta waxaan ku abuurray qadar
Surah Al-Qamar, Verse 49
وَمَآ أَمۡرُنَآ إِلَّا وَٰحِدَةٞ كَلَمۡحِۭ بِٱلۡبَصَرِ
Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi
Surah Al-Qamar, Verse 50
وَلَقَدۡ أَهۡلَكۡنَآ أَشۡيَاعَكُمۡ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ
Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa
Surah Al-Qamar, Verse 51
وَكُلُّ شَيۡءٖ فَعَلُوهُ فِي ٱلزُّبُرِ
Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta
Surah Al-Qamar, Verse 52
وَكُلُّ صَغِيرٖ وَكَبِيرٖ مُّسۡتَطَرٌ
Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay
Surah Al-Qamar, Verse 53
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّـٰتٖ وَنَهَرٖ
Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal
Surah Al-Qamar, Verse 54
فِي مَقۡعَدِ صِدۡقٍ عِندَ مَلِيكٖ مُّقۡتَدِرِۭ
Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay)
Surah Al-Qamar, Verse 55