UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Ar-Rahman - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


ٱلرَّحۡمَٰنُ

(Eebaha) Raxmaan ah
Surah Ar-Rahman, Verse 1


عَلَّمَ ٱلۡقُرۡءَانَ

Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka
Surah Ar-Rahman, Verse 2


خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ

Dadkana wuu abuuray
Surah Ar-Rahman, Verse 3


عَلَّمَهُ ٱلۡبَيَانَ

Wuxuuna baray dadka (Hadalka)
Surah Ar-Rahman, Verse 4


ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ بِحُسۡبَانٖ

Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab
Surah Ar-Rahman, Verse 5


وَٱلنَّجۡمُ وَٱلشَّجَرُ يَسۡجُدَانِ

Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis)
Surah Ar-Rahman, Verse 6


وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلۡمِيزَانَ

Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay
Surah Ar-Rahman, Verse 7


أَلَّا تَطۡغَوۡاْ فِي ٱلۡمِيزَانِ

Si aydaan uga gudbin Caddaaladda
Surah Ar-Rahman, Verse 8


وَأَقِيمُواْ ٱلۡوَزۡنَ بِٱلۡقِسۡطِ وَلَا تُخۡسِرُواْ ٱلۡمِيزَانَ

Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna
Surah Ar-Rahman, Verse 9


وَٱلۡأَرۡضَ وَضَعَهَا لِلۡأَنَامِ

Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga
Surah Ar-Rahman, Verse 10


فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَٱلنَّخۡلُ ذَاتُ ٱلۡأَكۡمَامِ

Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiilo leh
Surah Ar-Rahman, Verse 11


وَٱلۡحَبُّ ذُو ٱلۡعَصۡفِ وَٱلرَّيۡحَانُ

Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray
Surah Ar-Rahman, Verse 12


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow)
Surah Ar-Rahman, Verse 13


خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ كَٱلۡفَخَّارِ

Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay (dheri) oo kale ah
Surah Ar-Rahman, Verse 14


وَخَلَقَ ٱلۡجَآنَّ مِن مَّارِجٖ مِّن نَّارٖ

Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta
Surah Ar-Rahman, Verse 15


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 16


رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقَيۡنِ وَرَبُّ ٱلۡمَغۡرِبَيۡنِ

Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac
Surah Ar-Rahman, Verse 17


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 18


مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ يَلۡتَقِيَانِ

Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi
Surah Ar-Rahman, Verse 19


بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخٞ لَّا يَبۡغِيَانِ

Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan
Surah Ar-Rahman, Verse 20


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 21


يَخۡرُجُ مِنۡهُمَا ٱللُّؤۡلُؤُ وَٱلۡمَرۡجَانُ

Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar)
Surah Ar-Rahman, Verse 22


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 23


وَلَهُ ٱلۡجَوَارِ ٱلۡمُنشَـَٔاتُ فِي ٱلۡبَحۡرِ كَٱلۡأَعۡلَٰمِ

Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah
Surah Ar-Rahman, Verse 24


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 25


كُلُّ مَنۡ عَلَيۡهَا فَانٖ

Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi
Surah Ar-Rahman, Verse 26


وَيَبۡقَىٰ وَجۡهُ رَبِّكَ ذُو ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ

Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh
Surah Ar-Rahman, Verse 27


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 28


يَسۡـَٔلُهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ كُلَّ يَوۡمٍ هُوَ فِي شَأۡنٖ

Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin
Surah Ar-Rahman, Verse 29


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 30


سَنَفۡرُغُ لَكُمۡ أَيُّهَ ٱلثَّقَلَانِ

Waana idin xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow
Surah Ar-Rahman, Verse 31


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 32


يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ إِنِ ٱسۡتَطَعۡتُمۡ أَن تَنفُذُواْ مِنۡ أَقۡطَارِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ فَٱنفُذُواْۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلۡطَٰنٖ

Jinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada jihooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan
Surah Ar-Rahman, Verse 33


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 34


يُرۡسَلُ عَلَيۡكُمَا شُوَاظٞ مِّن نَّارٖ وَنُحَاسٞ فَلَا تَنتَصِرَانِ

Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 35


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 36


فَإِذَا ٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتۡ وَرۡدَةٗ كَٱلدِّهَانِ

Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin
Surah Ar-Rahman, Verse 37


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 38


فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يُسۡـَٔلُ عَن ذَنۢبِهِۦٓ إِنسٞ وَلَا جَآنّٞ

Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro
Surah Ar-Rahman, Verse 39


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 40


يُعۡرَفُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ بِسِيمَٰهُمۡ فَيُؤۡخَذُ بِٱلنَّوَٰصِي وَٱلۡأَقۡدَامِ

Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri)
Surah Ar-Rahman, Verse 41


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 42


هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِي يُكَذِّبُ بِهَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ

Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi)
Surah Ar-Rahman, Verse 43


يَطُوفُونَ بَيۡنَهَا وَبَيۡنَ حَمِيمٍ ءَانٖ

Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda
Surah Ar-Rahman, Verse 44


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 45


وَلِمَنۡ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ جَنَّتَانِ

Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno
Surah Ar-Rahman, Verse 46


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 47


ذَوَاتَآ أَفۡنَانٖ

Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo)
Surah Ar-Rahman, Verse 48


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 49


فِيهِمَا عَيۡنَانِ تَجۡرِيَانِ

Waxaa laga helaa ilo socda
Surah Ar-Rahman, Verse 50


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 51


فِيهِمَا مِن كُلِّ فَٰكِهَةٖ زَوۡجَانِ

Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah)
Surah Ar-Rahman, Verse 52


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 53


مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ فُرُشِۭ بَطَآئِنُهَا مِنۡ إِسۡتَبۡرَقٖۚ وَجَنَى ٱلۡجَنَّتَيۡنِ دَانٖ

Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin
Surah Ar-Rahman, Verse 54


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 55


فِيهِنَّ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ لَمۡ يَطۡمِثۡهُنَّ إِنسٞ قَبۡلَهُمۡ وَلَا جَآنّٞ

Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna
Surah Ar-Rahman, Verse 56


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 57


كَأَنَّهُنَّ ٱلۡيَاقُوتُ وَٱلۡمَرۡجَانُ

Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh)
Surah Ar-Rahman, Verse 58


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 59


هَلۡ جَزَآءُ ٱلۡإِحۡسَٰنِ إِلَّا ٱلۡإِحۡسَٰنُ

Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha
Surah Ar-Rahman, Verse 60


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 61


وَمِن دُونِهِمَا جَنَّتَانِ

Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale
Surah Ar-Rahman, Verse 62


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 63


مُدۡهَآمَّتَانِ

Waana Laba Jannoo madow (cagaaran)
Surah Ar-Rahman, Verse 64


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 65


فِيهِمَا عَيۡنَانِ نَضَّاخَتَانِ

Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan
Surah Ar-Rahman, Verse 66


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 67


فِيهِمَا فَٰكِهَةٞ وَنَخۡلٞ وَرُمَّانٞ

Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan
Surah Ar-Rahman, Verse 68


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 69


فِيهِنَّ خَيۡرَٰتٌ حِسَانٞ

Dhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan
Surah Ar-Rahman, Verse 70


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 71


حُورٞ مَّقۡصُورَٰتٞ فِي ٱلۡخِيَامِ

Waa Haween Indhacad oo Gurigooda jooga
Surah Ar-Rahman, Verse 72


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 73


لَمۡ يَطۡمِثۡهُنَّ إِنسٞ قَبۡلَهُمۡ وَلَا جَآنّٞ

Waa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna
Surah Ar-Rahman, Verse 74


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 75


مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ رَفۡرَفٍ خُضۡرٖ وَعَبۡقَرِيٍّ حِسَانٖ

Waxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan
Surah Ar-Rahman, Verse 76


فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan
Surah Ar-Rahman, Verse 77


تَبَٰرَكَ ٱسۡمُ رَبِّكَ ذِي ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ

Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh
Surah Ar-Rahman, Verse 78


Author: Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


<< Surah 54
>> Surah 56

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai