UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Mujadila - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh


قَدۡ سَمِعَ ٱللَّهُ قَوۡلَ ٱلَّتِي تُجَٰدِلُكَ فِي زَوۡجِهَا وَتَشۡتَكِيٓ إِلَى ٱللَّهِ وَٱللَّهُ يَسۡمَعُ تَحَاوُرَكُمَآۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعُۢ بَصِيرٌ

Eebe wuxuu maqlay Haweenaydii hadalkeeda Nabiga kula doodaysay xaalkii ninkeeda, oo Eebe u sheeganaysay «dhibaatadeeda», Eebana wuu maqlayey doodooda, maxaayeelay Ilaahay waa ka wax walba maqle arka
Surah Al-Mujadila, Verse 1


ٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَآئِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَٰتِهِمۡۖ إِنۡ أُمَّهَٰتُهُمۡ إِلَّا ٱلَّـٰٓـِٔي وَلَدۡنَهُمۡۚ وَإِنَّهُمۡ لَيَقُولُونَ مُنكَرٗا مِّنَ ٱلۡقَوۡلِ وَزُورٗاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٞ

Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood, hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been Ilaahayna hadal xun iyo been Ilaahayna waa Saamax badane Dhaafid badane
Surah Al-Mujadila, Verse 2


وَٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِن نِّسَآئِهِمۡ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا قَالُواْ فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مِّن قَبۡلِ أَن يَتَمَآسَّاۚ ذَٰلِكُمۡ تُوعَظُونَ بِهِۦۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ

Kuwa haweenkooda kala mid dhigi hooyadood haddana ku noqon «haweenkii» waxaa ku waajib ah qoor xoraynteed intayan istaaban, Arrintaasi waa waano, Ilaahayna waxa dadku camal fali waa ogyahay
Surah Al-Mujadila, Verse 3


فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ شَهۡرَيۡنِ مُتَتَابِعَيۡنِ مِن قَبۡلِ أَن يَتَمَآسَّاۖ فَمَن لَّمۡ يَسۡتَطِعۡ فَإِطۡعَامُ سِتِّينَ مِسۡكِينٗاۚ ذَٰلِكَ لِتُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۚ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۗ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomi Laba Bilood oo israacsan intayan istaaban, ciddiise aan karin soonka wuxuu quudin Lixdan miskiin, arrintu waa saas si aad Eebe u rumeysaan iyo Rasuulkiisa, taasina waa xuduuddii Ilaahay Gaalase waxaa u sugnaaday Cadaab kulul
Surah Al-Mujadila, Verse 4


إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ كُبِتُواْ كَمَا كُبِتَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ وَقَدۡ أَنزَلۡنَآ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖۚ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٞ مُّهِينٞ

Kuwa Eebe iyo Rasuulkiisa hilaafaya waxay mudan yihiin halaag sidii loo halaagay kuwii ka horreeyey, Eebana wuxuu soo dajiyey Aayado cad cad Gaalana waxaa u sugnaaday cadaab wax ihaaneeya
Surah Al-Mujadila, Verse 5


يَوۡمَ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعٗا فَيُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓاْۚ أَحۡصَىٰهُ ٱللَّهُ وَنَسُوهُۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ

Maalinbuuna ihaanayn Ilaahay uu soo bixin dhammaantood, ugana warrami waxay camal faleen, Eebana waa koobay iyana waa hilmaameen Ilaahayna wax kasta wuu daalacan (arkaa)
Surah Al-Mujadila, Verse 6


أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ مَا يَكُونُ مِن نَّجۡوَىٰ ثَلَٰثَةٍ إِلَّا هُوَ رَابِعُهُمۡ وَلَا خَمۡسَةٍ إِلَّا هُوَ سَادِسُهُمۡ وَلَآ أَدۡنَىٰ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡثَرَ إِلَّا هُوَ مَعَهُمۡ أَيۡنَ مَا كَانُواْۖ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُواْ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ

Ma ogtahay in Ilaahay ogyahay Cirka iyo Dhulka waxa ku jira, Seddexdii faqiba Ilaahay baa afreeya, Shantana Ilaahay baa Lixeeya; waxa ka yar iyo waxa ka badanba Ilaaahaybaa la jooga meeshay ahaadaanba, wuxuuna uga qarrami waxay camal faleen Maalinta Qiyaamo Ilaahayna wax walba waa ogyahay
Surah Al-Mujadila, Verse 7


أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ نُهُواْ عَنِ ٱلنَّجۡوَىٰ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا نُهُواْ عَنۡهُ وَيَتَنَٰجَوۡنَ بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَمَعۡصِيَتِ ٱلرَّسُولِۖ وَإِذَا جَآءُوكَ حَيَّوۡكَ بِمَا لَمۡ يُحَيِّكَ بِهِ ٱللَّهُ وَيَقُولُونَ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ لَوۡلَا يُعَذِّبُنَا ٱللَّهُ بِمَا نَقُولُۚ حَسۡبُهُمۡ جَهَنَّمُ يَصۡلَوۡنَهَاۖ فَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ

Miyaadan ogayn kuwa laga reebay faqa xun oo haddana ku noqon waxa laga reebay, kuna faqi dambi iyo cadawnimo iyo caasinnimada Rasuulka, markay Nabiga u yimaadaanna ku salaamaya waxaan Eebe ku salaamin oo hoos u dhihi maa Eebe nagu cadaabo waxaan ku hadlayno waxaa ku filan Jahaannamo oo ay galayaan waana Guri xun
Surah Al-Mujadila, Verse 8


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا تَنَٰجَيۡتُمۡ فَلَا تَتَنَٰجَوۡاْ بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَمَعۡصِيَتِ ٱلرَّسُولِ وَتَنَٰجَوۡاْ بِٱلۡبِرِّ وَٱلتَّقۡوَىٰۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ

Kuwa rumeeyayow markaad faqaysaan ha ku faqina dambi, colnimo iyo caasinnimada Rasuulka ee ku faqa wanaag dhawrsani, Eebana ka yaaba isagaa la isu soo kulmine
Surah Al-Mujadila, Verse 9


إِنَّمَا ٱلنَّجۡوَىٰ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ لِيَحۡزُنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَيۡسَ بِضَآرِّهِمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

Faqa xun Shaydaan buu kayimaaddaa suu u walbahaar geliyo kuwa xaqa rumeeyay, waxbase kama dhibo idan Ilaahay Mooyee, Ilaahay uun ha tala saarteen kuwa xaqa rumeeyey
Surah Al-Mujadila, Verse 10


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَكُمۡ تَفَسَّحُواْ فِي ٱلۡمَجَٰلِسِ فَٱفۡسَحُواْ يَفۡسَحِ ٱللَّهُ لَكُمۡۖ وَإِذَا قِيلَ ٱنشُزُواْ فَٱنشُزُواْ يَرۡفَعِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنكُمۡ وَٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ دَرَجَٰتٖۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ

Kuwa xaqa rumeeyayow haddii la idin dhaho isu waasiciya fadhiga; isuwaasiciya Ilaahay wanaagga ha idiin waasiciyee, marka la idin yiraahdo Jihaadka iyo Khayrka u degdegana; u degdega Ilaahay wuu koryeelayaa kuwa xaqa rumeeya kuwa cilmiga lehna daragooyin yuu koryeelayaa Eebana waxa la camal fali waa ogyahay
Surah Al-Mujadila, Verse 11


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَٰجَيۡتُمُ ٱلرَّسُولَ فَقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيۡ نَجۡوَىٰكُمۡ صَدَقَةٗۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ لَّكُمۡ وَأَطۡهَرُۚ فَإِن لَّمۡ تَجِدُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ

Kuwa xaqa rumeeyayow markaad Nabiga qaabilaysaan hormariya Sadaqo, saasaa idiin khayr badan idiina nadiifsan, haddaydaan helaynin Eebe waa dambi dhaaf badane Naxariis badane
Surah Al-Mujadila, Verse 12


ءَأَشۡفَقۡتُمۡ أَن تُقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيۡ نَجۡوَىٰكُمۡ صَدَقَٰتٖۚ فَإِذۡ لَمۡ تَفۡعَلُواْ وَتَابَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ

Ma waxaad ka cabsateen inaad hormarsataan Sadaqooyin markaad Nabiga la kulmaysaan; haddaydaan saas falin Eebe waa idin ka toobada aqbalaye ee Salaadda ooga Sakadana bixiya Ilaahaay iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebana waa ogyahay waxaad camal falaysaan
Surah Al-Mujadila, Verse 13


۞أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ تَوَلَّوۡاْ قَوۡمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مَّا هُم مِّنكُمۡ وَلَا مِنۡهُمۡ وَيَحۡلِفُونَ عَلَى ٱلۡكَذِبِ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ

Ma ogtahay kuwii ka sokeeye dhigtay kuwa Eebe u cadhooday kuwaasi idin ka mid ma aha iyagana ka mid ma aha (waa munaafiqiinta) waxayna ku dhaaran been iyagoo og
Surah Al-Mujadila, Verse 14


أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدًاۖ إِنَّهُمۡ سَآءَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Eebe wuxuu u darbay kuwaas cadaab daran maxaa yeelay wax xun bay falayeen
Surah Al-Mujadila, Verse 15


ٱتَّخَذُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُمۡ جُنَّةٗ فَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ

Dhaartoodii bay gaashaan ka dhigteen dadkana xaqiibay ka leexiyeen waxayna mudan yihiin cadaab wax ihaaneeya
Surah Al-Mujadila, Verse 16


لَّن تُغۡنِيَ عَنۡهُمۡ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۚ أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

Xoolahooda iyo Caruurtoodu wax ugama taraan Eebe xaggiisa, waana kuwa ehelu Naar ah wayna ku waari
Surah Al-Mujadila, Verse 17


يَوۡمَ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعٗا فَيَحۡلِفُونَ لَهُۥ كَمَا يَحۡلِفُونَ لَكُمۡ وَيَحۡسَبُونَ أَنَّهُمۡ عَلَىٰ شَيۡءٍۚ أَلَآ إِنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ

Maalinta Eebe soo bixiyo dhamaantood way u dhaaran Eebe siday idinka idiinku dhaartaan iyagoo u malayn inay wax (xuja ah) haystaan waase kuwo beenaalayaal ah
Surah Al-Mujadila, Verse 18


ٱسۡتَحۡوَذَ عَلَيۡهِمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَأَنسَىٰهُمۡ ذِكۡرَ ٱللَّهِۚ أُوْلَـٰٓئِكَ حِزۡبُ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ أَلَآ إِنَّ حِزۡبَ ٱلشَّيۡطَٰنِ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ

Waxaa ka qaalib noqday Shaydaan oo hilaamsiiyey xusidda Eebe, kuwaasi waa Xisbiga shaydaanka, Xisbiga shaydaankuna waa kuwa khasaaray
Surah Al-Mujadila, Verse 19


إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ أُوْلَـٰٓئِكَ فِي ٱلۡأَذَلِّينَ

Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya waxay ka mid noqon kuwa dullooba
Surah Al-Mujadila, Verse 20


كَتَبَ ٱللَّهُ لَأَغۡلِبَنَّ أَنَا۠ وَرُسُلِيٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٞ

Eebe wuxuu xugmiyey inuu adkaado isaga iyo Rasuulkiisa, maxaa yeelay waa xoog badane adkaade ah
Surah Al-Mujadila, Verse 21


لَّا تَجِدُ قَوۡمٗا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ يُوَآدُّونَ مَنۡ حَآدَّ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَوۡ كَانُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ أَوۡ أَبۡنَآءَهُمۡ أَوۡ إِخۡوَٰنَهُمۡ أَوۡ عَشِيرَتَهُمۡۚ أُوْلَـٰٓئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلۡإِيمَٰنَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٖ مِّنۡهُۖ وَيُدۡخِلُهُمۡ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ رَضِيَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ وَرَضُواْ عَنۡهُۚ أُوْلَـٰٓئِكَ حِزۡبُ ٱللَّهِۚ أَلَآ إِنَّ حِزۡبَ ٱللَّهِ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

Ma helaysid dad Ilaahay rumeeyey iyo Maalintii dambeeysay oo haddana jecel ruux Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya haba ahaadeen Aabayowgood, Caruurtooda, Walaahood ama Qaraabadooda, kuwaas (aan jeelaanin) waa kuwo qalbigooda iimaanka lagu dhigay Eebena ku xoojiyey gargaarkiisa, wuxuuna gelin Jannooyin Wabiyaal dhex socdaan ay kuna waari, kuwaas Ilaahay baa ka raalli noqday iyana way ka raallii noqdeen waana Xisbiga Ilaahay; Xisbiga Ilaahayna waa kuwa Liibaanay
Surah Al-Mujadila, Verse 22


Author: Mahmud Muhammad Abduh


<< Surah 57
>> Surah 59

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai