UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Mujadila - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


قَدۡ سَمِعَ ٱللَّهُ قَوۡلَ ٱلَّتِي تُجَٰدِلُكَ فِي زَوۡجِهَا وَتَشۡتَكِيٓ إِلَى ٱللَّهِ وَٱللَّهُ يَسۡمَعُ تَحَاوُرَكُمَآۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعُۢ بَصِيرٌ

Allaah dhab ahaan waa uu ajiibay baryada tan kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u ashtakooneysey Allaah. Oo Allaah waa maqlayey doodda labadiinnuba. Hubaal Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka
Surah Al-Mujadila, Verse 1


ٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَآئِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَٰتِهِمۡۖ إِنۡ أُمَّهَٰتُهُمۡ إِلَّا ٱلَّـٰٓـِٔي وَلَدۡنَهُمۡۚ وَإِنَّهُمۡ لَيَقُولُونَ مُنكَرٗا مِّنَ ٱلۡقَوۡلِ وَزُورٗاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٞ

(Ma xagga) kuwa idinka mid ah ee iska fogeeya2 xaasaskooda iyagoo kala mid dhiga dhabarradooda dhabarrada hoo- yooyinkood, ma aha hooyooyinkood. hoo- yooyinkood ma aha cid kale aan ahayn kuwaa dhalay. Oo hubaal hadalkaasi ay leeyihiin waa hadal xun iyo been abuur. Oo hubaal, Allaah waa Cafiye, Dambi Dhaaf badan
Surah Al-Mujadila, Verse 2


وَٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِن نِّسَآئِهِمۡ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا قَالُواْ فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مِّن قَبۡلِ أَن يَتَمَآسَّاۚ ذَٰلِكُمۡ تُوعَظُونَ بِهِۦۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ

Oo (ma xagga) kuwa isaga fogeeya afooyinkooda iyagoo kala mid dhigaya dhabarradooda dhabarrada hooyooyinkood: markaas doonaya inay ka noqdaan waxa ay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban, (arrin)kaasi waa kan la idinku waaniyo (inaad qaadataan). Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
Surah Al-Mujadila, Verse 3


فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ شَهۡرَيۡنِ مُتَتَابِعَيۡنِ مِن قَبۡلِ أَن يَتَمَآسَّاۖ فَمَن لَّمۡ يَسۡتَطِعۡ فَإِطۡعَامُ سِتِّينَ مِسۡكِينٗاۚ ذَٰلِكَ لِتُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۚ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۗ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Kii kastoo se isagu aan helin, waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban3; ee ma xagga kan isagu aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan ugu qabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Kuwani waa Xuduudaha uu dhigay Allaah. Oo gaaladu waxay leeyihiin Cadaab aad u xanuun Badan
Surah Al-Mujadila, Verse 4


إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ كُبِتُواْ كَمَا كُبِتَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ وَقَدۡ أَنزَلۡنَآ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖۚ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٞ مُّهِينٞ

Hubaal, kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyeyba. Oo xaqiiq waxaan soo dejinnay Aayado cad cad. oo gaaladu waxay mudan Cadaab Dulleysa
Surah Al-Mujadila, Verse 5


يَوۡمَ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعٗا فَيُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓاْۚ أَحۡصَىٰهُ ٱللَّهُ وَنَسُوهُۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ

Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan, oo u sheegi doono waxay faleen oo dhan. Allaah waa uu u diiwaan gashay oo tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Oo Allaah wax walba wuu Arkaa
Surah Al-Mujadila, Verse 6


أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ مَا يَكُونُ مِن نَّجۡوَىٰ ثَلَٰثَةٍ إِلَّا هُوَ رَابِعُهُمۡ وَلَا خَمۡسَةٍ إِلَّا هُوَ سَادِسُهُمۡ وَلَآ أَدۡنَىٰ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡثَرَ إِلَّا هُوَ مَعَهُمۡ أَيۡنَ مَا كَانُواْۖ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُواْ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ

Mawaadan arag inuu Allaah Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku showrta, uusan isagu aheyn kooda4 afraad, mana jiro (showr ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi doonaa waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Allaah wax waliba wuu Ogsoon yahay
Surah Al-Mujadila, Verse 7


أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ نُهُواْ عَنِ ٱلنَّجۡوَىٰ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا نُهُواْ عَنۡهُ وَيَتَنَٰجَوۡنَ بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَمَعۡصِيَتِ ٱلرَّسُولِۖ وَإِذَا جَآءُوكَ حَيَّوۡكَ بِمَا لَمۡ يُحَيِّكَ بِهِ ٱللَّهُ وَيَقُولُونَ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ لَوۡلَا يُعَذِّبُنَا ٱللَّهُ بِمَا نَقُولُۚ حَسۡبُهُمۡ جَهَنَّمُ يَصۡلَوۡنَهَاۖ فَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ

Mawaadan arag kuwa laga reebay showrka xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku showraan dambi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, oo markay kuu yimaadaan waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin5, oo ka yidhaahdaan nafahooda: Muxuu Allaah noogu cadaabi waayey waxa aan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay ku guban. Oo u xun meel la ahaado
Surah Al-Mujadila, Verse 8


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا تَنَٰجَيۡتُمۡ فَلَا تَتَنَٰجَوۡاْ بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَمَعۡصِيَتِ ٱلرَّسُولِ وَتَنَٰجَوۡاْ بِٱلۡبِرِّ وَٱلتَّقۡوَىٰۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka aad showrtaan, ha ku showrina dambi iyo dulmi fal iyo ku caasinta Rasuulka ee ku showra samaan iyo ka joogid (dambiyada) oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin
Surah Al-Mujadila, Verse 9


إِنَّمَا ٱلنَّجۡوَىٰ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ لِيَحۡزُنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَيۡسَ بِضَآرِّهِمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

Sideedaba showriddu (xun) waa uun (camal) Shaydaan6, si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeysan, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee, wuxuu Allaah idmo maahee, oo Allaah ha isku halleeyaan mu’miniinta
Surah Al-Mujadila, Verse 10


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَكُمۡ تَفَسَّحُواْ فِي ٱلۡمَجَٰلِسِ فَٱفۡسَحُواْ يَفۡسَحِ ٱللَّهُ لَكُمۡۖ وَإِذَا قِيلَ ٱنشُزُواْ فَٱنشُزُواْ يَرۡفَعِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنكُمۡ وَٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ دَرَجَٰتٖۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka la idinku yidhaahdo isugu waasiciya fadhiga kulannadiinna gudahood, isu waasiciya fadhiga. Allaah ha idiin waasiciyee (Naxariistiisa)7. Oo marka la idinku yidhaahdo u kaca (khayr)8 u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (xaqa) rumeysan, iyo kuwaa cilmiga la siiyeyba, darajooyin aad u sarreeya, Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
Surah Al-Mujadila, Verse 11


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَٰجَيۡتُمُ ٱلرَّسُولَ فَقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيۡ نَجۡوَىٰكُمۡ صَدَقَةٗۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ لَّكُمۡ وَأَطۡهَرُۚ فَإِن لَّمۡ تَجِدُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka (aad dooneysaan) inaad la showrtaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan showrkiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo idiin daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Mujadila, Verse 12


ءَأَشۡفَقۡتُمۡ أَن تُقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيۡ نَجۡوَىٰكُمۡ صَدَقَٰتٖۚ فَإِذۡ لَمۡ تَفۡعَلُواْ وَتَابَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ

Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydeen) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la showrkiinna? Haddii aydaan sidaas falin, oo Allaah wuu idiin soo noqday (si naxariis lehe), haddaba hagaajiya salaadda oo bixiya sakada oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
Surah Al-Mujadila, Verse 13


۞أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ تَوَلَّوۡاْ قَوۡمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مَّا هُم مِّنكُمۡ وَلَا مِنۡهُمۡ وَيَحۡلِفُونَ عَلَى ٱلۡكَذِبِ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ

Mawaadan arag kuwaa iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) oo kama tirsana iyaga (gaalada), oo waxay ku dhaartaan been iyagoo ogsoon
Surah Al-Mujadila, Verse 14


أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدًاۖ إِنَّهُمۡ سَآءَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Allaah wuxuu u diyaariyey iyaga cadaab daran. Hubaal; waxa ay falaan waa wax fool xun
Surah Al-Mujadila, Verse 15


ٱتَّخَذُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُمۡ جُنَّةٗ فَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ

Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan). markaasay ka weecdaan jidka Ilaahay, sidaas awgeed waxay mudan cadaab dufeysa
Surah Al-Mujadila, Verse 16


لَّن تُغۡنِيَ عَنۡهُمۡ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۚ أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

Maalkooda ama caruurtoodu waxna ugama tari doonaan Allaah Xaggiisa, kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari doonaan waligood
Surah Al-Mujadila, Verse 17


يَوۡمَ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعٗا فَيَحۡلِفُونَ لَهُۥ كَمَا يَحۡلِفُونَ لَكُمۡ وَيَحۡسَبُونَ أَنَّهُمۡ عَلَىٰ شَيۡءٍۚ أَلَآ إِنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ

Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan, markaas waa ay u dhaaraan Isaga sida ay idiinku dhaartaan idinka9. Oo waxay moodaan inay wax heystaan. Haddaba hubaal waa iyaga beenaalayaasha
Surah Al-Mujadila, Verse 18


ٱسۡتَحۡوَذَ عَلَيۡهِمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَأَنسَىٰهُمۡ ذِكۡرَ ٱللَّهِۚ أُوْلَـٰٓئِكَ حِزۡبُ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ أَلَآ إِنَّ حِزۡبَ ٱلشَّيۡطَٰنِ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ

Shaydaan baa duufsaday oo ka qaalib noqday, Markaasuu ka yeelay inay hilmaamaan xusidda Ilaahay. kuwaasu waa xisbiga Shaydaanka. Ogaada hubaal, waa xisbiga shaydaanka kuwa ah khasaare qabayaasha
Surah Al-Mujadila, Verse 19


إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ أُوْلَـٰٓئِكَ فِي ٱلۡأَذَلِّينَ

Hubaal (ma xagga) kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa; kuwaasu waxay ka mid ahaan kuwa aad loo dulleeyey
Surah Al-Mujadila, Verse 20


كَتَبَ ٱللَّهُ لَأَغۡلِبَنَّ أَنَا۠ وَرُسُلِيٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٞ

Allaah wuxuu qoray: hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. hubaal, Allaah waa Xoog Badane, Adkaade ah
Surah Al-Mujadila, Verse 21


لَّا تَجِدُ قَوۡمٗا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ يُوَآدُّونَ مَنۡ حَآدَّ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَوۡ كَانُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ أَوۡ أَبۡنَآءَهُمۡ أَوۡ إِخۡوَٰنَهُمۡ أَوۡ عَشِيرَتَهُمۡۚ أُوْلَـٰٓئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلۡإِيمَٰنَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٖ مِّنۡهُۖ وَيُدۡخِلُهُمۡ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ رَضِيَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ وَرَضُواْ عَنۡهُۚ أُوْلَـٰٓئِكَ حِزۡبُ ٱللَّهِۚ أَلَآ إِنَّ حِزۡبَ ٱللَّهِ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Dambeysa oo gacal ka dhiganaya kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama (reero) qaraabadooda ah; kuwan weeye kuwa uu quluubtooda Isagu ku qoray Iimaan, oo uu ku xoojiyey Ruux10 Xaggiisa ah. Oo Wuxuu sababi inay galaan beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ay ku dhex waari weligood. Allaah raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Ilaahay. Ogaada, hubaal, Xisbiga Ilaahay waa iyaga liibaanayaasha
Surah Al-Mujadila, Verse 22


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 57
>> Surah 59

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai