UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Hashr - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa xurma weyneeya oo hufa Allaah. Oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah
Surah Al-Hashr, Verse 1


هُوَ ٱلَّذِيٓ أَخۡرَجَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ مِن دِيَٰرِهِمۡ لِأَوَّلِ ٱلۡحَشۡرِۚ مَا ظَنَنتُمۡ أَن يَخۡرُجُواْۖ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُم مَّانِعَتُهُمۡ حُصُونُهُم مِّنَ ٱللَّهِ فَأَتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِنۡ حَيۡثُ لَمۡ يَحۡتَسِبُواْۖ وَقَذَفَ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلرُّعۡبَۚ يُخۡرِبُونَ بُيُوتَهُم بِأَيۡدِيهِمۡ وَأَيۡدِي ٱلۡمُؤۡمِنِينَ فَٱعۡتَبِرُواْ يَـٰٓأُوْلِي ٱلۡأَبۡصَٰرِ

Isaga weeye (Alle) Kan ka saaray kuwaa gaaloobay ee ka mid ahaa Ehlu Kitaabka2(Yuhuuddii Banii Nadiir) guryahooda kulmintii hore. Ma aydaan moodeyn inay baxayaan, halka iyagu isku hubeyn inay qalcadahooda ka celinayaan Allaah. Wuxuuse Allaah uga yimid meel aysan marnaba filayn, oo ku tuuray argagax quluubtooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahooda gacmahooda iyo gacmaha mu'miniinta, ee ku cibrad qaata kuwiinaan idinku indhaha lahow
Surah Al-Hashr, Verse 2


وَلَوۡلَآ أَن كَتَبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمُ ٱلۡجَلَآءَ لَعَذَّبَهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابُ ٱلنَّارِ

Oo haddii aysan ahaan laheyn in Allaah uu u qoray guuritaanka, Wuxuu hubaal ku cadaabi lahaa adduunkan, oo aakhirada waxay leeyihiin cadaabta Naarta
Surah Al-Hashr, Verse 3


ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ شَآقُّواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۖ وَمَن يُشَآقِّ ٱللَّهَ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ

Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa, oo mid kastoo colaadiya Allaah, haddaba hubaal Allaah way daran tahay ciqaabtiisu
Surah Al-Hashr, Verse 4


مَا قَطَعۡتُم مِّن لِّينَةٍ أَوۡ تَرَكۡتُمُوهَا قَآئِمَةً عَلَىٰٓ أُصُولِهَا فَبِإِذۡنِ ٱللَّهِ وَلِيُخۡزِيَ ٱلۡفَٰسِقِينَ

Geed timreed kastoo aad goysaan ama aad ka tagtaan iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Ilaahay, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha
Surah Al-Hashr, Verse 5


وَمَآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ مِنۡهُمۡ فَمَآ أَوۡجَفۡتُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ خَيۡلٖ وَلَا رِكَابٖ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يُسَلِّطُ رُسُلَهُۥ عَلَىٰ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Oo wax kastoo Allaah uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo aama rakuub midna3, laakiinse Allaah wuxuu ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Oo Allaah wuxuu ku leeyahay wax walba dushood awood buuxda
Surah Al-Hashr, Verse 6


مَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡقُرَىٰ فَلِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ كَيۡ لَا يَكُونَ دُولَةَۢ بَيۡنَ ٱلۡأَغۡنِيَآءِ مِنكُمۡۚ وَمَآ ءَاتَىٰكُمُ ٱلرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَىٰكُمۡ عَنۡهُ فَٱنتَهُواْۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ

Wax kastoo uu Allaah uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka4, waxaa leh Allaah, iyo waxaa iska leh Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka)5, iyo agoomaha, iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan) si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Oo wax kastoo uu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, oo wuxuu idinka ka reebo haddaba ka jooga, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal, Allaah way Daran tahay Ciqaabtiisu
Surah Al-Hashr, Verse 7


لِلۡفُقَرَآءِ ٱلۡمُهَٰجِرِينَ ٱلَّذِينَ أُخۡرِجُواْ مِن دِيَٰرِهِمۡ وَأَمۡوَٰلِهِمۡ يَبۡتَغُونَ فَضۡلٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضۡوَٰنٗا وَيَنصُرُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓۚ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلصَّـٰدِقُونَ

(Waxaa iska leh) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xagga Ilaahay ah iyo raallinimo(diisa)6. Oo u gargaaraya Allaah iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha
Surah Al-Hashr, Verse 8


وَٱلَّذِينَ تَبَوَّءُو ٱلدَّارَ وَٱلۡإِيمَٰنَ مِن قَبۡلِهِمۡ يُحِبُّونَ مَنۡ هَاجَرَ إِلَيۡهِمۡ وَلَا يَجِدُونَ فِي صُدُورِهِمۡ حَاجَةٗ مِّمَّآ أُوتُواْ وَيُؤۡثِرُونَ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ وَلَوۡ كَانَ بِهِمۡ خَصَاصَةٞۚ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفۡسِهِۦ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

Oo (sidoo kale waxaa saami ku leh) kuwii degaankoodaa ahaa daarta (Al-Madiina) oo (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwa u soo haajiray xaggooda, oo uguma hayaan laabahooda wax baahi ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) iyaga nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Oo mid kastoo laga dhowro bakhaylnimada naftiisa, kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha
Surah Al-Hashr, Verse 9


وَٱلَّذِينَ جَآءُو مِنۢ بَعۡدِهِمۡ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱغۡفِرۡ لَنَا وَلِإِخۡوَٰنِنَا ٱلَّذِينَ سَبَقُونَا بِٱلۡإِيمَٰنِ وَلَا تَجۡعَلۡ فِي قُلُوبِنَا غِلّٗا لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ رَبَّنَآ إِنَّكَ رَءُوفٞ رَّحِيمٌ

Oo kuwaa yimaada gadaashood, waxay yidhaahdaan: Rabbigayow, Noo dambi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, oo ha u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeysan. Rabbigayow! Waxaad tahay Adigu Turid Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Hashr, Verse 10


۞أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ نَافَقُواْ يَقُولُونَ لِإِخۡوَٰنِهِمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ لَئِنۡ أُخۡرِجۡتُمۡ لَنَخۡرُجَنَّ مَعَكُمۡ وَلَا نُطِيعُ فِيكُمۡ أَحَدًا أَبَدٗا وَإِن قُوتِلۡتُمۡ لَنَنصُرَنَّكُمۡ وَٱللَّهُ يَشۡهَدُ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ

Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah? waxay ku yidhaahdaan kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, innaguna (sidoo kale) hubaal waa idin la bixi, oo ma jirto cidna aan idiin maqli doonno weligeed, oo haddii la idinla dagaalo, hubaal waan idiin soo hiillin;. Oo Allaah baa ka Marag ah inay yihiin beenalayaal
Surah Al-Hashr, Verse 11


لَئِنۡ أُخۡرِجُواْ لَا يَخۡرُجُونَ مَعَهُمۡ وَلَئِن قُوتِلُواْ لَا يَنصُرُونَهُمۡ وَلَئِن نَّصَرُوهُمۡ لَيُوَلُّنَّ ٱلۡأَدۡبَٰرَ ثُمَّ لَا يُنصَرُونَ

Hubaal, haddii kuwan la saaro, marnaba lama bixi doonaan, oo haddii lala daggaalamo, marnaba uma soo hiillin doonaan, oo haddii ay u soo hiilliyaan, waxay hubaal jeedin doonaan dhabarradooda, markaas looma gargaari doono
Surah Al-Hashr, Verse 12


لَأَنتُمۡ أَشَدُّ رَهۡبَةٗ فِي صُدُورِهِم مِّنَ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَفۡقَهُونَ

Idinka hubaal cabsida ay idiinku hayaan laabahooda baa ka daran tay ugu hayaan Allaah. Sidaas waxaa ugu wacan waa qolo aan wax garad ahayn
Surah Al-Hashr, Verse 13


لَا يُقَٰتِلُونَكُمۡ جَمِيعًا إِلَّا فِي قُرٗى مُّحَصَّنَةٍ أَوۡ مِن وَرَآءِ جُدُرِۭۚ بَأۡسُهُم بَيۡنَهُمۡ شَدِيدٞۚ تَحۡسَبُهُمۡ جَمِيعٗا وَقُلُوبُهُمۡ شَتَّىٰۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَعۡقِلُونَ

Idiinlama diriri doonaan qof ahaan, inay ku jiraan maahee magaalooyin dhufeysyo adag leh gudahood ama darbiyo gadaashood. Dagaalka dhexdooda ah baa daran. Waxaad moodeysaa inay yihiin kuwo wada jira, oo quluubtoodu waa qaybsan yihiin, arrinkaasi waxaa ugu wacan waa qolo aan kasmo lahayn
Surah Al-Hashr, Verse 14


كَمَثَلِ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ قَرِيبٗاۖ ذَاقُواْ وَبَالَ أَمۡرِهِمۡ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ

Sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyey7 (Yuhuuddii reer Qaynuqaac). Waxay dha- dhamiyeen cidhib xumadii dhaqankooda, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan
Surah Al-Hashr, Verse 15


كَمَثَلِ ٱلشَّيۡطَٰنِ إِذۡ قَالَ لِلۡإِنسَٰنِ ٱكۡفُرۡ فَلَمَّا كَفَرَ قَالَ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّنكَ إِنِّيٓ أَخَافُ ٱللَّهَ رَبَّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Waa sida Shaydaanka, marka uu ku yi- dhaahdo aadmiga: Gaalow. Markase uu gaaloobo, wuxuu yidhaahdaa: Anigu hubaal bannaanka baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsadaa Alle, Rabbiga uunanka
Surah Al-Hashr, Verse 16


فَكَانَ عَٰقِبَتَهُمَآ أَنَّهُمَا فِي ٱلنَّارِ خَٰلِدَيۡنِ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ جَزَـٰٓؤُاْ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Sidaa awgeed cidhibta labaduba waa inay labduba ahaan Naarta gudaheed, iyagoo ku dhex waaraya.Waa sidaas abaal marinta gar ma qaatayaasha
Surah Al-Hashr, Verse 17


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلۡتَنظُرۡ نَفۡسٞ مَّا قَدَّمَتۡ لِغَدٖۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo naf walbaa ha eegto waxa ay u hormarsatay berritoole, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa u xog ogaal waxa aad fashaan
Surah Al-Hashr, Verse 18


وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ نَسُواْ ٱللَّهَ فَأَنسَىٰهُمۡ أَنفُسَهُمۡۚ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ

Oo ha ahaannina sida kuwa hilmaamay Allaah, isna markaas uu hilmaansiiyey nafahooda: kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha
Surah Al-Hashr, Verse 19


لَا يَسۡتَوِيٓ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۚ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِ هُمُ ٱلۡفَآئِزُونَ

Ma sinna Ehlu-Naarka iyo Ehlu- Jannaha. Ehlu-Jannaha iyaga weeye kuwa ah liibaanayaasha
Surah Al-Hashr, Verse 20


لَوۡ أَنزَلۡنَا هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ عَلَىٰ جَبَلٖ لَّرَأَيۡتَهُۥ خَٰشِعٗا مُّتَصَدِّعٗا مِّنۡ خَشۡيَةِ ٱللَّهِۚ وَتِلۡكَ ٱلۡأَمۡثَٰلُ نَضۡرِبُهَا لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَتَفَكَّرُونَ

Haddii aan ku soo dejin laheyn Qur’aankan buur, waxaad hubaal arki lahayd isagoo soo dhacaya la dillaacaya cabsida Ilaahay darteed. Oo waxaan u soo qaadannaa mataalladan dadka bal inay fekeraan
Surah Al-Hashr, Verse 21


هُوَ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِۖ هُوَ ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلرَّحِيمُ

Waa Allaah, oo uusan jirin ilaah kale (xaq lagu caabudo) Isaga maahee, Ogsoo-naha waxa aan muuqan iyo waxa muuq- daba. Waa Naxariistaha, Naxarisita Badan
Surah Al-Hashr, Verse 22


هُوَ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡقُدُّوسُ ٱلسَّلَٰمُ ٱلۡمُؤۡمِنُ ٱلۡمُهَيۡمِنُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡجَبَّارُ ٱلۡمُتَكَبِّرُۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

Waa Allaah, oo uusan jirin Ilaah kale (Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka8; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha9, Kor ka Ilaashaha uunankiisa, Adkaadaha, Kabaha (jababka, sandullee- yaha qooqanayaasha), Kan iska leh Wey- naan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Allaah wuu ka Sarreeya waxa ay dhig u yeelaan ee wax la wadaajiyaan
Surah Al-Hashr, Verse 23


هُوَ ٱللَّهُ ٱلۡخَٰلِقُ ٱلۡبَارِئُ ٱلۡمُصَوِّرُۖ لَهُ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ يُسَبِّحُ لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Waa Allaah, Abuuraha, uumaha wax waliba, sawiraha qaabsiiyaha ah. Isaga baa leh Magacyada aad u wanaagga ee quruxda badan. Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada baa Xurmo weyneeya oo Hufa, oo waa Adkaadaha sare, Xakiimka ah
Surah Al-Hashr, Verse 24


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 58
>> Surah 60

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai