UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Mumtahana - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمۡ أَوۡلِيَآءَ تُلۡقُونَ إِلَيۡهِم بِٱلۡمَوَدَّةِ وَقَدۡ كَفَرُواْ بِمَا جَآءَكُم مِّنَ ٱلۡحَقِّ يُخۡرِجُونَ ٱلرَّسُولَ وَإِيَّاكُمۡ أَن تُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ رَبِّكُمۡ إِن كُنتُمۡ خَرَجۡتُمۡ جِهَٰدٗا فِي سَبِيلِي وَٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِيۚ تُسِرُّونَ إِلَيۡهِم بِٱلۡمَوَدَّةِ وَأَنَا۠ أَعۡلَمُ بِمَآ أَخۡفَيۡتُمۡ وَمَآ أَعۡلَنتُمۡۚ وَمَن يَفۡعَلۡهُ مِنكُمۡ فَقَدۡ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinnaba gacallo2, ma waxaad u muujinaysaan jaceyl xaggooda, iyagoo dafira waxa idiin yimid oo Xaqa ah. u saaraya debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? haddii aad soo baxdaan idinkoo u jihaadaya Jidkeyga oo dalbaya Raallinimadeyda, ma waxaad u muujinaysaan jaceyl xaggooda? Oo anigu waan Ogsoonahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba; Oo mid kastoo idinka mid ah oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan
Surah Al-Mumtahana, Verse 1


إِن يَثۡقَفُوكُمۡ يَكُونُواْ لَكُمۡ أَعۡدَآءٗ وَيَبۡسُطُوٓاْ إِلَيۡكُمۡ أَيۡدِيَهُمۡ وَأَلۡسِنَتَهُم بِٱلسُّوٓءِ وَوَدُّواْ لَوۡ تَكۡفُرُونَ

Haddii ay idin helaan, waxay idiin ahaan cadowyo, oo idin kula soo fidin gacma- hooda iyo carrabyadoodaba xumaan, oo waxay aad u jecel yihiin oo rabaan inaad gaalowdaan
Surah Al-Mumtahana, Verse 2


لَن تَنفَعَكُمۡ أَرۡحَامُكُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُكُمۡۚ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَفۡصِلُ بَيۡنَكُمۡۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ

Qaraabadiinna waxba idiinma tari doonaan iyo waliba carruurtiiina Maalinta Qiyaamaha. Wuu idin kala xukumi. Oo Allaah wuu Arkaa waxa aad fashaan
Surah Al-Mumtahana, Verse 3


قَدۡ كَانَتۡ لَكُمۡ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ فِيٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ إِذۡ قَالُواْ لِقَوۡمِهِمۡ إِنَّا بُرَءَـٰٓؤُاْ مِنكُمۡ وَمِمَّا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ كَفَرۡنَا بِكُمۡ وَبَدَا بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمُ ٱلۡعَدَٰوَةُ وَٱلۡبَغۡضَآءُ أَبَدًا حَتَّىٰ تُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَحۡدَهُۥٓ إِلَّا قَوۡلَ إِبۡرَٰهِيمَ لِأَبِيهِ لَأَسۡتَغۡفِرَنَّ لَكَ وَمَآ أَمۡلِكُ لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖۖ رَّبَّنَا عَلَيۡكَ تَوَكَّلۡنَا وَإِلَيۡكَ أَنَبۡنَا وَإِلَيۡكَ ٱلۡمَصِيرُ

Dhab ahaan waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray3, markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Waxaan innagu bannaanka ka nahay idinka iyo wax kasta oo aad caabuddaan Allaah sokadi, waxaanu caddeyn inaan bannaanka idinka nahay, oo cadaawd iyo naceyb baa ka muudqday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Allaah keliya-- marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaaan xaqiiq kuu baryayaa dambi dhaaf Alle4, umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Allaah horti. Rabbigayow! Adigaynu isku kaa halleynaa, oo Xaggaaga u soo laaban- naa, oo waa Xaggaagaa noqodka dambe
Surah Al-Mumtahana, Verse 4


رَبَّنَا لَا تَجۡعَلۡنَا فِتۡنَةٗ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ وَٱغۡفِرۡ لَنَا رَبَّنَآۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Rabbiyow! Ha nooga dhigin fidno gaalada, oo noo dambi dhaaf, Rabbigayow! Hubaal waa Adiga Adkaadaha sare, Xakiimka ah
Surah Al-Mumtahana, Verse 5


لَقَدۡ كَانَ لَكُمۡ فِيهِمۡ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ لِّمَن كَانَ يَرۡجُواْ ٱللَّهَ وَٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَۚ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ

Xaqiiq waxaa idiinku sugan iyaga ku dayasho wanaagsan, _uu raaco mid kastoo ka cabsada Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo mid kastoo dhabarka jeediya, haddaba hubaal Allaah waa Isku Filnaha Deeqtoon, la Ammaano
Surah Al-Mumtahana, Verse 6


۞عَسَى ٱللَّهُ أَن يَجۡعَلَ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَ ٱلَّذِينَ عَادَيۡتُم مِّنۡهُم مَّوَدَّةٗۚ وَٱللَّهُ قَدِيرٞۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Waa intaasoo Allaah yeelo gacaltooyo dhexdiinna idinka iyo kuwa aad qabtaan inay yihiin cadowyadiinna ee ka midka ah. Oo Allaah wax walba waa Karaa5. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Mumtahana, Verse 7


لَّا يَنۡهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ لَمۡ يُقَٰتِلُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَلَمۡ يُخۡرِجُوكُم مِّن دِيَٰرِكُمۡ أَن تَبَرُّوهُمۡ وَتُقۡسِطُوٓاْ إِلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُقۡسِطِينَ

Allaah idinkama reebayo xagga kuwa aan idinkula diririn arrinka diinta oo aan idiinka soo saarin debedda guryihiinna inaad u muujisaan naxariis oo ula dhaqantaan si caddaalad ah. hubaal Allaah waa jecel yahay kuwa u dhaqma sida caddaalada ah eex la’aan
Surah Al-Mumtahana, Verse 8


إِنَّمَا يَنۡهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ قَٰتَلُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَأَخۡرَجُوكُم مِّن دِيَٰرِكُمۡ وَظَٰهَرُواْ عَلَىٰٓ إِخۡرَاجِكُمۡ أَن تَوَلَّوۡهُمۡۚ وَمَن يَتَوَلَّهُمۡ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ

Allaah wuxuu uun idinka reebayaa xagga kuwa idinkula diriray diinta darteed oo idinka soo saaray guryihiinna, oo ku taageeray (kuwa kale) soo saariddiinna inaad ka dhigataan saaxiibbo. Oo mid kastoo ka dhigta kuwaas saaxiibbo, waa kuwaas kuwa ah gar ma qaatayaasha
Surah Al-Mumtahana, Verse 9


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا جَآءَكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ مُهَٰجِرَٰتٖ فَٱمۡتَحِنُوهُنَّۖ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِهِنَّۖ فَإِنۡ عَلِمۡتُمُوهُنَّ مُؤۡمِنَٰتٖ فَلَا تَرۡجِعُوهُنَّ إِلَى ٱلۡكُفَّارِۖ لَا هُنَّ حِلّٞ لَّهُمۡ وَلَا هُمۡ يَحِلُّونَ لَهُنَّۖ وَءَاتُوهُم مَّآ أَنفَقُواْۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ أَن تَنكِحُوهُنَّ إِذَآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّۚ وَلَا تُمۡسِكُواْ بِعِصَمِ ٱلۡكَوَافِرِ وَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقۡتُمۡ وَلۡيَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقُواْۚ ذَٰلِكُمۡ حُكۡمُ ٱللَّهِ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡۖ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka ay haween mu’minooyin ah idiin yimaadaan iyagoo haajiroooyin ah, markaa imtixaana iyaga; Allaah baa aad u ogsoon iimaankooda; markaa haddii aad ogaataan inay yihiin mu’minooyin dhab ah, ha u celinnana gaalada, uma aha (dumarkani) xalaal iyaga, oo uma aha (nimanka gaalada ah) xalaal iyaga oo siiya meherradooda. Oo ma jiro wax eed ah oo korkiinna ah inaad guursataan marka aad siisaan meherradooda, oo ha u haysannina haweenka gaalada (mushrikiinta) ah afooyin ahaan, oo weydiista (in la idiin soo celiyo) wixii aad bixiseen (Meher ahaan) oo iyaguna (gaalada) ha weydiistaan in dib loogu soo celiyo wixii ay bixiyeen (meher ahaan). Kaasu waa xukunka Ilaahay, Isaga baa idin kala xukumi. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Surah Al-Mumtahana, Verse 10


وَإِن فَاتَكُمۡ شَيۡءٞ مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۡ إِلَى ٱلۡكُفَّارِ فَعَاقَبۡتُمۡ فَـَٔاتُواْ ٱلَّذِينَ ذَهَبَتۡ أَزۡوَٰجُهُم مِّثۡلَ مَآ أَنفَقُواْۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ أَنتُم بِهِۦ مُؤۡمِنُونَ

Oo haddii ay wax ka mid ahi afooyin- kiinna idinka aadaan xagga gaalada, markaas dowrkiinna yimaado, siiya kuwii ay afooyinkoodu tageen (oo gaalada ka aadeen) wax le’eg oo u dhigma wixii ay bixiyeen (oo meher ah6). Oo ka cabsada Allaah ee ah Kan aad rumaysan tihiin
Surah Al-Mumtahana, Verse 11


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِذَا جَآءَكَ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ يُبَايِعۡنَكَ عَلَىٰٓ أَن لَّا يُشۡرِكۡنَ بِٱللَّهِ شَيۡـٔٗا وَلَا يَسۡرِقۡنَ وَلَا يَزۡنِينَ وَلَا يَقۡتُلۡنَ أَوۡلَٰدَهُنَّ وَلَا يَأۡتِينَ بِبُهۡتَٰنٖ يَفۡتَرِينَهُۥ بَيۡنَ أَيۡدِيهِنَّ وَأَرۡجُلِهِنَّ وَلَا يَعۡصِينَكَ فِي مَعۡرُوفٖ فَبَايِعۡهُنَّ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لَهُنَّ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Nabiyoow! Marka ay dumar mu’minooyin ah kuu yimaadaan si ay kuula galaan ballan inaysan u shariiik yeeli doonin waxba la jirka Allaah, inaysan wax xadi doonin, oo zineysan doonin, oo aysan dili doonin carruurtooda, oo la iman doonin masabbid ay iyagu naf ahaantoodu ku been abuurteen gacmahooda iyo addimadooda7, oo kugu diidi doonin wixii wanaag ah aad amarto, markaa aqbal ballankooda, oo uga bari Allaah inuu u dambi dhaafo. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan
Surah Al-Mumtahana, Verse 12


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَوَلَّوۡاْ قَوۡمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ قَدۡ يَئِسُواْ مِنَ ٱلۡأٓخِرَةِ كَمَا يَئِسَ ٱلۡكُفَّارُ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡقُبُورِ

Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha ka dhigannina gacallo qolo qaba Cadho Ilaahay. Dhab ahaan waxay quus ka qabaan Aakhirada, sida ayba gaaladu uga quus qabaan kuwaa ku jira qubuuraha
Surah Al-Mumtahana, Verse 13


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 59
>> Surah 61

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai