Surah As-Saff - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa Xurmo weyneeya oo Hufa Allaah. Oo waa Isaga Adkaadaha sare, Xakiimka ah
Surah As-Saff, Verse 1
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفۡعَلُونَ
Kuwiinaan idinku rumeysanow! Maxaad ugu hadashaan wax aydaan faleyn
Surah As-Saff, Verse 2
كَبُرَ مَقۡتًا عِندَ ٱللَّهِ أَن تَقُولُواْ مَا لَا تَفۡعَلُونَ
Waa wax uu aad u neceb yahay Allaah inaad ku hadashaan wax aydaan faleyn
Surah As-Saff, Verse 3
إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلَّذِينَ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِهِۦ صَفّٗا كَأَنَّهُم بُنۡيَٰنٞ مَّرۡصُوصٞ
Hubaal Allaah wuxuu jecel yahay kuwa ku dirira Jidkiisa iyagoo safaf ah aad mooddo dhismo laysku dhajiyey
Surah As-Saff, Verse 4
وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ لِمَ تُؤۡذُونَنِي وَقَد تَّعۡلَمُونَ أَنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُمۡۖ فَلَمَّا زَاغُوٓاْ أَزَاغَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمۡۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ
Oo waa tii Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkayoow! Maxaad ii dhibtaan? Oo waad2 og tihiin dhab ahaan inaan ahay Rasuulkii Ilaahay xaggiinna loo soo diray? Markayse dhinac u jeesadeen, Allaah wuxuu ka yeelay quluubtooda inay dhinac u jeestaan. Oo Allaah ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah
Surah As-Saff, Verse 5
وَإِذۡ قَالَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ يَٰبَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ إِنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُم مُّصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيَّ مِنَ ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَمُبَشِّرَۢا بِرَسُولٖ يَأۡتِي مِنۢ بَعۡدِي ٱسۡمُهُۥٓ أَحۡمَدُۖ فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٞ
Oo waa tii uu Ciise, wiilkii Maryam, yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Waxaan anigu ahay Rasuulkii Ilaahay xaggiinna loo soo diray, xaqiijinaya Towraadda (la soo dejiyey) hortay, idiinkuna bishaaraynaya Rasuul imaan doona gadaashay oo magaciisu yahay Axmad3. Markiise uu ula yimid Xuoojin cad cad, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir iska cad
Surah As-Saff, Verse 6
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ وَهُوَ يُدۡعَىٰٓ إِلَى ٱلۡإِسۡلَٰمِۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Oo yaa ka gef weyn mid ka been sheega Allaah halka isaga loogu baaqo Islaamka? Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah
Surah As-Saff, Verse 7
يُرِيدُونَ لِيُطۡفِـُٔواْ نُورَ ٱللَّهِ بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَٱللَّهُ مُتِمُّ نُورِهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡكَٰفِرُونَ
Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Ilaahay afafkooda. Allaah se waa taam yeeli Nuurkiisa haba nacaan gaaladuye
Surah As-Saff, Verse 8
هُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلۡهُدَىٰ وَدِينِ ٱلۡحَقِّ لِيُظۡهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُشۡرِكُونَ
Isaga Weeye (Alle) Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo diinta Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha (kale) oo dhan, haba necbeystaan mushrikiintuye
Surah As-Saff, Verse 9
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ تِجَٰرَةٖ تُنجِيكُم مِّنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ
Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ma idiin tusaa ganac idinka badbaadineysa cadaab xanuun badan
Surah As-Saff, Verse 10
تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُجَٰهِدُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمۡوَٰلِكُمۡ وَأَنفُسِكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
(Waa) inaad rumeysaan Allaah, iyo Rasuulkiisa (Muxammad), oo u jihaaddaan Jidka Ilaahay idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinnaba, sidaas baa idiin khayr badan haddii aad og tihiiin
Surah As-Saff, Verse 11
يَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡ وَيُدۡخِلۡكُمۡ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ وَمَسَٰكِنَ طَيِّبَةٗ فِي جَنَّـٰتِ عَدۡنٖۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
Wuxuu idiin dhaafi dambiyadiinna, oo sababi inaad gashaan Beero ay webiyo hoos qul-qulaan iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaal Beeraha negaya, kaas baa ah Liibaanta Weyn
Surah As-Saff, Verse 12
وَأُخۡرَىٰ تُحِبُّونَهَاۖ نَصۡرٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَتۡحٞ قَرِيبٞۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Iyo waliba mid kale (oo wanaagsan) aad jeceshihiin, gargaar xagga Ilaahay ah iyo guul aad u dhow. Oo sii war san ay ku farxaan mu’miniinta
Surah As-Saff, Verse 13
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُونُوٓاْ أَنصَارَ ٱللَّهِ كَمَا قَالَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ لِلۡحَوَارِيِّـۧنَ مَنۡ أَنصَارِيٓ إِلَى ٱللَّهِۖ قَالَ ٱلۡحَوَارِيُّونَ نَحۡنُ أَنصَارُ ٱللَّهِۖ فَـَٔامَنَت طَّآئِفَةٞ مِّنۢ بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ وَكَفَرَت طَّآئِفَةٞۖ فَأَيَّدۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ عَلَىٰ عَدُوِّهِمۡ فَأَصۡبَحُواْ ظَٰهِرِينَ
Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ahaada kuwa u gargaara (diinta ) Ilaahay, sidii uu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (arrinka) Ilaahay? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (arrinka) Ilaahay, Markaas bay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Markaas Waxaan taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey ( oo ka adkaadeen) cadowgoodii, oo waxay noqdeen kuwa gacan sarreeya
Surah As-Saff, Verse 14