Surah As-Saff Verse 14 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah As-Saffيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُونُوٓاْ أَنصَارَ ٱللَّهِ كَمَا قَالَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ لِلۡحَوَارِيِّـۧنَ مَنۡ أَنصَارِيٓ إِلَى ٱللَّهِۖ قَالَ ٱلۡحَوَارِيُّونَ نَحۡنُ أَنصَارُ ٱللَّهِۖ فَـَٔامَنَت طَّآئِفَةٞ مِّنۢ بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ وَكَفَرَت طَّآئِفَةٞۖ فَأَيَّدۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ عَلَىٰ عَدُوِّهِمۡ فَأَصۡبَحُواْ ظَٰهِرِينَ
Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ahaada kuwa u gargaara (diinta ) Ilaahay, sidii uu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (arrinka) Ilaahay? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (arrinka) Ilaahay, Markaas bay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Markaas Waxaan taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey ( oo ka adkaadeen) cadowgoodii, oo waxay noqdeen kuwa gacan sarreeya