UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah As-Saff - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh


سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Waxaa Ilaahay nasaha (weyneeya) waxa Cirka iyo Dhulka ku sugan, Eebana waa adkaade falsan
Surah As-Saff, Verse 1


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفۡعَلُونَ

dadka xaqa rumeeyayow maxaad u sheegaysaan wax aydaan falaynin
Surah As-Saff, Verse 2


كَبُرَ مَقۡتًا عِندَ ٱللَّهِ أَن تَقُولُواْ مَا لَا تَفۡعَلُونَ

Waxaa Cadho weyn Eebe agtiisa ku ah inaad sheegtaan wax aydaan falaynin
Surah As-Saff, Verse 3


إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلَّذِينَ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِهِۦ صَفّٗا كَأَنَّهُم بُنۡيَٰنٞ مَّرۡصُوصٞ

Eebe wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama Jidkiisa (Jihaadka) iyagoo af ah oo aad mooddo dhismo laysku dhejiyey (midnimadooda)
Surah As-Saff, Verse 4


وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ لِمَ تُؤۡذُونَنِي وَقَد تَّعۡلَمُونَ أَنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُمۡۖ فَلَمَّا زَاغُوٓاْ أَزَاغَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمۡۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ

Xusuusta markii (Nabi) Muuse ku yidhi dadkiisii maxaad ii dhibaysaan idinkoo og inaan Rasuul Eebe idiin ahay, markay xaqii ka iisheen yaa Eebana sii iilay qalbigooda, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwa faasiqiinta ah
Surah As-Saff, Verse 5


وَإِذۡ قَالَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ يَٰبَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ إِنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُم مُّصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيَّ مِنَ ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَمُبَشِّرَۢا بِرَسُولٖ يَأۡتِي مِنۢ بَعۡدِي ٱسۡمُهُۥٓ أَحۡمَدُۖ فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٞ

xusuusta marka (nabi) Ciise ibnu Maryama ku yidhi Banii Israa'iil waxaan ahay Rasuul Eebe idiin soo diray oo rumayn Kitaabkii Tawraad ee horreeyey, kuna bishaarayn Rasuul gadaashayda imaan oo Magaciisuna yahay «Axmed», markuu xuja cad ula yimidna waxay dheheen kani waa sixir cad
Surah As-Saff, Verse 6


وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ وَهُوَ يُدۡعَىٰٓ إِلَى ٱلۡإِسۡلَٰمِۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ

yaa ka dulmi badan ruux ku been abuurtay Ilaahay isagoo loogu yeedhi Islaamka, Eebe ma hanuuniyo dadka daalimiinta ah
Surah As-Saff, Verse 7


يُرِيدُونَ لِيُطۡفِـُٔواْ نُورَ ٱللَّهِ بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَٱللَّهُ مُتِمُّ نُورِهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡكَٰفِرُونَ

Waxay doonayaan (Gaaladu) inay Nuurka (xaqa) Eebe ku bakhtiiyaan Afkooda Eebena wuu taam yeeli nuurkiisa haba naceen Gaaladuye
Surah As-Saff, Verse 8


هُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلۡهُدَىٰ وَدِينِ ٱلۡحَقِّ لِيُظۡهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُشۡرِكُونَ

Eebe waa kan diray Rasuulkiisa isagoo hanuun wada iyo Diin xaq ah si uu (Eebe) Diimaha oo dhan uga sare mariyo haba naceen Mushrikiintuye (Gaaladu)
Surah As-Saff, Verse 9


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ تِجَٰرَةٖ تُنجِيكُم مِّنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ

Kuwa xaqa rumeeyow ma idin tusiyaa ganacsi idinka koriya Cadaab daran
Surah As-Saff, Verse 10


تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُجَٰهِدُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمۡوَٰلِكُمۡ وَأَنفُسِكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

Waxaad rumaynaysaa Ilaahay iyo Rasuulkiisa waxaadna ku dagaalamaysaan Jidkiisa xaqa ah Xoolihiina iyo Naftiina idinkoo u huri, saasaana idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og
Surah As-Saff, Verse 11


يَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡ وَيُدۡخِلۡكُمۡ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ وَمَسَٰكِنَ طَيِّبَةٗ فِي جَنَّـٰتِ عَدۡنٖۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

Markaas Eebe dambigiinuu dhaafi wuxuuna idin gelin Jannooyin ay dhex socdaan Webiyaal iyo Guryo wanaagsan oo ku dhexyaalla Jannada Cadnin (nagaanshaha), taasina waa liibaan weyn
Surah As-Saff, Verse 12


وَأُخۡرَىٰ تُحِبُّونَهَاۖ نَصۡرٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَتۡحٞ قَرِيبٞۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Arrin kale ood jeceshihiinna (wuu idiin siin) waa gargaarka Eebe iyo fatxi (guul) dhaw, kuwa xaqa rumeeyeyna u bishaaree
Surah As-Saff, Verse 13


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُونُوٓاْ أَنصَارَ ٱللَّهِ كَمَا قَالَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ لِلۡحَوَارِيِّـۧنَ مَنۡ أَنصَارِيٓ إِلَى ٱللَّهِۖ قَالَ ٱلۡحَوَارِيُّونَ نَحۡنُ أَنصَارُ ٱللَّهِۖ فَـَٔامَنَت طَّآئِفَةٞ مِّنۢ بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ وَكَفَرَت طَّآئِفَةٞۖ فَأَيَّدۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ عَلَىٰ عَدُوِّهِمۡ فَأَصۡبَحُواْ ظَٰهِرِينَ

dadka xaqa rumeeyow noqda gargaarayaasha Eebe sidii kuwii Nabi Ciise ibnu Maryama Saaxiibadiis ahaa (Xawaariyintii) ee uu ku yidhi yaa Eebe iila gargaara, markaas ay dheheen annagaa ah gargaarayaashii Eebe, ka dib ay xaqa rumaysay koox Banii Israa'iil ka mid ah, kooxna ay ka gaalawday; Eebena ayiday (xoojiyey) kuwii xaqa rumeeyey (kana adkaadeen Cadawgoodii) oo iyagu ka muuqdeen (ka taliyeen) dhulkii
Surah As-Saff, Verse 14


Author: Mahmud Muhammad Abduh


<< Surah 60
>> Surah 62

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai