UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Mumtahana - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمۡ أَوۡلِيَآءَ تُلۡقُونَ إِلَيۡهِم بِٱلۡمَوَدَّةِ وَقَدۡ كَفَرُواْ بِمَا جَآءَكُم مِّنَ ٱلۡحَقِّ يُخۡرِجُونَ ٱلرَّسُولَ وَإِيَّاكُمۡ أَن تُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ رَبِّكُمۡ إِن كُنتُمۡ خَرَجۡتُمۡ جِهَٰدٗا فِي سَبِيلِي وَٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِيۚ تُسِرُّونَ إِلَيۡهِم بِٱلۡمَوَدَّةِ وَأَنَا۠ أَعۡلَمُ بِمَآ أَخۡفَيۡتُمۡ وَمَآ أَعۡلَنتُمۡۚ وَمَن يَفۡعَلۡهُ مِنكُمۡ فَقَدۡ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ

Kuwa xaqa rumeeyow ha ka dhiganina colka Eebe iyo Colkiina (Gaalada) sokeeye aad jacayl u gudbinaysaan, iyagoo ka gaaloobay xaqa idiin yimid, oo haddana bixiya Rasuulka iyo Muuminiinta inaad Eebe rumeeyseen darteed Jidka Ilaahayna ku dagaallanteen raalli ahaanshaha Eebe idinkoo rabo, kuwaas ood u qarisaan jacayl, Ilaahayna waa ogyahay waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaanba, Ruuxii saas yeelana Jidka xaqa ah wuu ka dhumay
Surah Al-Mumtahana, Verse 1


إِن يَثۡقَفُوكُمۡ يَكُونُواْ لَكُمۡ أَعۡدَآءٗ وَيَبۡسُطُوٓاْ إِلَيۡكُمۡ أَيۡدِيَهُمۡ وَأَلۡسِنَتَهُم بِٱلسُّوٓءِ وَوَدُّواْ لَوۡ تَكۡفُرُونَ

hadday idin helaan (Gaaladu) waxay idiin noqon Col gacmaha iyo Carabkana xumaanbay idiinku taagi waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan
Surah Al-Mumtahana, Verse 2


لَن تَنفَعَكُمۡ أَرۡحَامُكُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُكُمۡۚ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَفۡصِلُ بَيۡنَكُمۡۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ

Qaraabada iyo Caruurtu waxba idiin ma taraan Maalinta qiyaame waana laydin kala kaxayn, Ilaahayna waa arkaa waxaad Camal falaysaan
Surah Al-Mumtahana, Verse 3


قَدۡ كَانَتۡ لَكُمۡ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ فِيٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ إِذۡ قَالُواْ لِقَوۡمِهِمۡ إِنَّا بُرَءَـٰٓؤُاْ مِنكُمۡ وَمِمَّا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ كَفَرۡنَا بِكُمۡ وَبَدَا بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمُ ٱلۡعَدَٰوَةُ وَٱلۡبَغۡضَآءُ أَبَدًا حَتَّىٰ تُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَحۡدَهُۥٓ إِلَّا قَوۡلَ إِبۡرَٰهِيمَ لِأَبِيهِ لَأَسۡتَغۡفِرَنَّ لَكَ وَمَآ أَمۡلِكُ لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖۖ رَّبَّنَا عَلَيۡكَ تَوَكَّلۡنَا وَإِلَيۡكَ أَنَبۡنَا وَإِلَيۡكَ ٱلۡمَصِيرُ

Kuwa xaqa rumeeyey waa inay ku daydaan Nabi Ibraahim iyo kuwii la jiray waa kuwii iska bari yeelay Gaaladii Qoonkoodii ahayd (ay isla noolayeen) iyo waxay Caabudayeen ee Eebe ka soo hadhay oy Colnimo u muujiyeen ilaa ay Eebe kaliya ka rumeeyaan, laakiin Nabi Ibraahim wuxuu u dambi dhaaf weydiiyey Aabihiis, isagoon waxba u hanankarin (intaan laga reebin Arrintaas). Eebe yeynnu talo saaran, isagaan u toobad keenaynaa, isagaana loo noqon (Aakhiro)
Surah Al-Mumtahana, Verse 4


رَبَّنَا لَا تَجۡعَلۡنَا فِتۡنَةٗ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ وَٱغۡفِرۡ لَنَا رَبَّنَآۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Eebow hannagu fidnaynin kuwa Gaaloobay, noona dambi dhaaf illeen waxaad tahay adkaade (Casiis) Falsan
Surah Al-Mumtahana, Verse 5


لَقَدۡ كَانَ لَكُمۡ فِيهِمۡ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ لِّمَن كَانَ يَرۡجُواْ ٱللَّهَ وَٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَۚ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ

Haku daydo dadkaas dayasho wanaagsan ruuxii dooni Ilaahay Maalinta Aakhiro, ciddiise ka jeedsata xaqa Eebe waa ka kaaftoon yahay waana ammaananyahay
Surah Al-Mumtahana, Verse 6


۞عَسَى ٱللَّهُ أَن يَجۡعَلَ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَ ٱلَّذِينَ عَادَيۡتُم مِّنۡهُم مَّوَدَّةٗۚ وَٱللَّهُ قَدِيرٞۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Wuxuu Eebe u dhawyahay inuu yeelo jacayl Mu'miniinta iyo kuway la colloobeen ee Gaalada Qureesheed ah dhexdooda, maxaa yeelay Eebe wax walba waa karaa waana dambi dhaaf badane naxariis badane ah
Surah Al-Mumtahana, Verse 7


لَّا يَنۡهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ لَمۡ يُقَٰتِلُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَلَمۡ يُخۡرِجُوكُم مِّن دِيَٰرِكُمۡ أَن تَبَرُّوهُمۡ وَتُقۡسِطُوٓاْ إِلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُقۡسِطِينَ

Eebe kama reebayo kuwa xaqa rumeeyey inay u samo iyo Caddaalad falaan kuwa aan Diinta kula dagaallamin Guryahoodana ka bixinin, maxaa yeelay Eebe waa jecel yahay kuwa Caadiliinta ah (Garsoor)
Surah Al-Mumtahana, Verse 8


إِنَّمَا يَنۡهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ قَٰتَلُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَأَخۡرَجُوكُم مِّن دِيَٰرِكُمۡ وَظَٰهَرُواْ عَلَىٰٓ إِخۡرَاجِكُمۡ أَن تَوَلَّوۡهُمۡۚ وَمَن يَتَوَلَّهُمۡ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ

Eebe wuxuu ka reebi kuwa xaqa rumeeyey inay ka sokeeye yeeshaan oo xidhiidhiyaan kuwa Diinta kula dagaallamay ee Guryahoodii ka bixiyey gacanna ku siiyey in guryaha laga bixiyo, dadkii kuwaas cokeeye ka dhigtaa wa kuwa daalimiin ah
Surah Al-Mumtahana, Verse 9


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا جَآءَكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ مُهَٰجِرَٰتٖ فَٱمۡتَحِنُوهُنَّۖ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِهِنَّۖ فَإِنۡ عَلِمۡتُمُوهُنَّ مُؤۡمِنَٰتٖ فَلَا تَرۡجِعُوهُنَّ إِلَى ٱلۡكُفَّارِۖ لَا هُنَّ حِلّٞ لَّهُمۡ وَلَا هُمۡ يَحِلُّونَ لَهُنَّۖ وَءَاتُوهُم مَّآ أَنفَقُواْۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ أَن تَنكِحُوهُنَّ إِذَآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّۚ وَلَا تُمۡسِكُواْ بِعِصَمِ ٱلۡكَوَافِرِ وَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقۡتُمۡ وَلۡيَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقُواْۚ ذَٰلِكُمۡ حُكۡمُ ٱللَّهِ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡۖ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ

Kuwa xaqa rumeeyow hadday idiin yimaaddaan Haween Mu'miniin ah oo Gaalada ka soo Hijrooday (ka soo tegay) Imtixaana (inay ka dhabtahay iyo in kale) Eebaa og Iimaankooda, haddaad ogaataan inay xaqa (dhabnimo) u rumeeyeen waa inaydaan Gaalada u celinin, maxaa yeelay Xalaal isuma aha Meherkiina ha u celiyeen Gaalada, inaad isguursataanna waxba kuma jiro haddaad Meher siinaysaan, Haweenka Gaalooba Nikaax isuguma kiin xirna ee ha haysanina, weydiista waxaad Meher u bixiseen Gaaladuna ha weydiisato waxay Meher u bixiyeen, xaaladaasina waa xukunka Eebe uu dhexdiina xukumay, Ilaahayna waa ogyahay (waxa la Camal falo) waana Falsame
Surah Al-Mumtahana, Verse 10


وَإِن فَاتَكُمۡ شَيۡءٞ مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۡ إِلَى ٱلۡكُفَّارِ فَعَاقَبۡتُمۡ فَـَٔاتُواْ ٱلَّذِينَ ذَهَبَتۡ أَزۡوَٰجُهُم مِّثۡلَ مَآ أَنفَقُواْۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ أَنتُم بِهِۦ مُؤۡمِنُونَ

Hadday u tagaan kuwa Haweenkiina ka mid ah Gaalada (Gaaloobaan) markaas ka dib la qaniimaysto hala siiyo kuwii Haweenkoodu tageen waxay ku masruufeen oo kale, Ilaaha aad rumaysantihiinna ka dhawrsada
Surah Al-Mumtahana, Verse 11


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِذَا جَآءَكَ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ يُبَايِعۡنَكَ عَلَىٰٓ أَن لَّا يُشۡرِكۡنَ بِٱللَّهِ شَيۡـٔٗا وَلَا يَسۡرِقۡنَ وَلَا يَزۡنِينَ وَلَا يَقۡتُلۡنَ أَوۡلَٰدَهُنَّ وَلَا يَأۡتِينَ بِبُهۡتَٰنٖ يَفۡتَرِينَهُۥ بَيۡنَ أَيۡدِيهِنَّ وَأَرۡجُلِهِنَّ وَلَا يَعۡصِينَكَ فِي مَعۡرُوفٖ فَبَايِعۡهُنَّ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لَهُنَّ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Nabiyow hadday kuu yimaaddaan haween xaqa rumeeyey si ay kuugula ballantamaan inay Eebe kaliya caabudaan, waxna xadin, sinaysanna, Caruurtoodana dilin, been abuurna ayan la imaan, wax wanaag ah oo la farayna ayan Nabiga ku caasiyin la ballantan una dambi dhaaf weydii Eebe waa dambi dhaafe naxariiste ahe
Surah Al-Mumtahana, Verse 12


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَوَلَّوۡاْ قَوۡمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ قَدۡ يَئِسُواْ مِنَ ٱلۡأٓخِرَةِ كَمَا يَئِسَ ٱلۡكُفَّارُ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡقُبُورِ

Kuwa xaqa rumeeyow haka sokeeye dhiganina kuwa Eebe u carooday oo aakhirana ka quustay (waa Gaaloodhane) sida Gaaladu uga quusatay kuwii dhintay
Surah Al-Mumtahana, Verse 13


Author: Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


<< Surah 59
>> Surah 61

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai