Surah Al-Hashr Verse 7 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Hashrمَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡقُرَىٰ فَلِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ كَيۡ لَا يَكُونَ دُولَةَۢ بَيۡنَ ٱلۡأَغۡنِيَآءِ مِنكُمۡۚ وَمَآ ءَاتَىٰكُمُ ٱلرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَىٰكُمۡ عَنۡهُ فَٱنتَهُواْۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
Wax kastoo uu Allaah uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka4, waxaa leh Allaah, iyo waxaa iska leh Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka)5, iyo agoomaha, iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan) si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Oo wax kastoo uu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, oo wuxuu idinka ka reebo haddaba ka jooga, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal, Allaah way Daran tahay Ciqaabtiisu