Surah Al-Hadid - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
Wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo arlada waxay xurmo weyneeyaan oo nazahaan Allaah, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah
Surah Al-Hadid, Verse 1
لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
Isagaa iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wuxuu bixiyaa nolol oo sababaa geeri; oo Isaga baa wax waliba Kara
Surah Al-Hadid, Verse 2
هُوَ ٱلۡأَوَّلُ وَٱلۡأٓخِرُ وَٱلظَّـٰهِرُ وَٱلۡبَاطِنُۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ
Waa Isaga Kan hore iyo Kan dambe, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada) iyo Kan Dhowaanshaha Badan. Oo Ogsoon wax waliba
Surah Al-Hadid, Verse 3
هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ يَعۡلَمُ مَا يَلِجُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا يَخۡرُجُ مِنۡهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعۡرُجُ فِيهَاۖ وَهُوَ مَعَكُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
Isaga Weeye Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Oo wuxuu idinla jiraa meel aad joogtaanba3. Oo Allaah Wuu Arkaa waxa aad fashaan
Surah Al-Hadid, Verse 4
لَّهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ
Isagaa leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Oo xagga Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan
Surah Al-Hadid, Verse 5
يُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِۚ وَهُوَ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
Wuxuu sababaa Habeenka inuu dhex galo maalinta, oo sababaa maalinta inay dhex gasho habeenka, oo waa Ogsoon yahay wax kasta oo ku jira laabaha
Surah Al-Hadid, Verse 6
ءَامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَأَنفِقُواْ مِمَّا جَعَلَكُم مُّسۡتَخۡلَفِينَ فِيهِۖ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنكُمۡ وَأَنفَقُواْ لَهُمۡ أَجۡرٞ كَبِيرٞ
Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa oo wax ka bixiya waxaa uu idiinka dhigay kuwa u hara4; waayo kuwaa idinka mid ah ee rumeeya oo wax bixiya waxay mudan doonaan Abaalgud aad u Weyn
Surah Al-Hadid, Verse 7
وَمَا لَكُمۡ لَا تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلرَّسُولُ يَدۡعُوكُمۡ لِتُؤۡمِنُواْ بِرَبِّكُمۡ وَقَدۡ أَخَذَ مِيثَٰقَكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
Oo maxaad sabab u heysataan idinku oo aad la rumeyn weydeen Allaah, isagoo Rasuulku idiinku yeedho inaad rumeysaan Rabbigiin, oo dhab ahaan wuxuu idinla galay ballan, haddii aad tihiin mu’miniin
Surah Al-Hadid, Verse 8
هُوَ ٱلَّذِي يُنَزِّلُ عَلَىٰ عَبۡدِهِۦٓ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖ لِّيُخۡرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ بِكُمۡ لَرَءُوفٞ رَّحِيمٞ
Isaga Weeye Kan ku soo dejiya Aayado cad addoonkiisa (Nabi Muxammad) si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. Oo hubaal, Allaah waa idiin Turid iyo Naxariis Badan yahay
Surah Al-Hadid, Verse 9
وَمَا لَكُمۡ أَلَّا تُنفِقُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ لَا يَسۡتَوِي مِنكُم مَّنۡ أَنفَقَ مِن قَبۡلِ ٱلۡفَتۡحِ وَقَٰتَلَۚ أُوْلَـٰٓئِكَ أَعۡظَمُ دَرَجَةٗ مِّنَ ٱلَّذِينَ أَنفَقُواْ مِنۢ بَعۡدُ وَقَٰتَلُواْۚ وَكُلّٗا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ
Oo maxaad sabab u heysataan idinku oo wax ugu bixin weydeen Jidka Ilaahay? Oo Allaah baa leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Lama sinna kuwiinna idinka midka ah ee wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray, (kuwiinna idinka mid ahee sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray markaa kaddib. oo Allaah wuxuu u yaboohay (abaalgud kan) u wanaagsan intaba. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
Surah Al-Hadid, Verse 10
مَّن ذَا ٱلَّذِي يُقۡرِضُ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗا فَيُضَٰعِفَهُۥ لَهُۥ وَلَهُۥٓ أَجۡرٞ كَرِيمٞ
Waa kuma kan amaahinaya Allaah amaah wanaagsan, markaas uu u labolaabo, oo wuxuu siin abaalgud aad u wanaagsan
Surah Al-Hadid, Verse 11
يَوۡمَ تَرَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ يَسۡعَىٰ نُورُهُم بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَبِأَيۡمَٰنِهِمۖ بُشۡرَىٰكُمُ ٱلۡيَوۡمَ جَنَّـٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
Maalinta aad arki doontaan mu’mi- niinta iyo mu’minooyinka-- nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtoodaba: ku bishaareysta Maanta Beero ay webiyadu hoos qul-qulaan, iyagoo ku waaraya dhexdeeda. taasi waa Liibaanta Weyn
Surah Al-Hadid, Verse 12
يَوۡمَ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتُ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱنظُرُونَا نَقۡتَبِسۡ مِن نُّورِكُمۡ قِيلَ ٱرۡجِعُواْ وَرَآءَكُمۡ فَٱلۡتَمِسُواْ نُورٗاۖ فَضُرِبَ بَيۡنَهُم بِسُورٖ لَّهُۥ بَابُۢ بَاطِنُهُۥ فِيهِ ٱلرَّحۡمَةُ وَظَٰهِرُهُۥ مِن قِبَلِهِ ٱلۡعَذَابُ
Maalinta ay munaafiqiinta iyo munaa- fiqooyinka_ ku odhan doonaan mu’miniinta: Na suga! Oo noo oggolaada inaan wax ka qaadanno nuurkiinna. Waxaa la odhan: Dib ugu noqda gadaashiinna5. Markaas dalba nuur. Markaas baa xannib la yeeli doonaa dhexdooda, derbi leh albaab. Gudahiisa yahay naxariis, oo debedkiisa horti yahay cadaab
Surah Al-Hadid, Verse 13
يُنَادُونَهُمۡ أَلَمۡ نَكُن مَّعَكُمۡۖ قَالُواْ بَلَىٰ وَلَٰكِنَّكُمۡ فَتَنتُمۡ أَنفُسَكُمۡ وَتَرَبَّصۡتُمۡ وَٱرۡتَبۡتُمۡ وَغَرَّتۡكُمُ ٱلۡأَمَانِيُّ حَتَّىٰ جَآءَ أَمۡرُ ٱللَّهِ وَغَرَّكُم بِٱللَّهِ ٱلۡغَرُورُ
Way u dhawaaqi doonaan: Sow ma aanan aheyn la jirkiinna idinka? Waxay odhan: Haayoo, Laakiinse waxaad balayseen nafahiinna6, oo sugteen oo shakideen oo waxaa idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Allaah idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Allaah
Surah Al-Hadid, Verse 14
فَٱلۡيَوۡمَ لَا يُؤۡخَذُ مِنكُمۡ فِدۡيَةٞ وَلَا مِنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ مَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُۖ هِيَ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
Marka Maanta furasho la idinkama qaadan doono idinka (munaafiqiinta ah) iyo kuwaa gaaloobay midna. Hoygiinnu waa Naarta, iyada baa ah mudankiinna, oo halka ugu xun ah meel la ahaado
Surah Al-Hadid, Verse 15
۞أَلَمۡ يَأۡنِ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَن تَخۡشَعَ قُلُوبُهُمۡ لِذِكۡرِ ٱللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ ٱلۡحَقِّ وَلَا يَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلُ فَطَالَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَمَدُ فَقَسَتۡ قُلُوبُهُمۡۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ
Ma wuusan waqtiga weli u iman kuwa (Xaqa) rumeysan inay quluubtoodu u khushuucaan Xuska Ilaahay iyo waxa loo soo dejiyey oo Xaqa ah? oo waa inay ahaanin sida kuwaa la siiyey Kitaabka awal hore, waqtigase ku dheeraaday oo sidaa darteed quluubtoodu qallaleen? Oo in badan oo ka mid ah waa caasiyaal
Surah Al-Hadid, Verse 16
ٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يُحۡيِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ قَدۡ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
Ogaada inuu Allaah siiyo nolol arlada dhimashadeeda kaddib7. Dhab ahaan Waxaan idiin ka yeelnay wax cad Aayadaha bal inaad garataan
Surah Al-Hadid, Verse 17
إِنَّ ٱلۡمُصَّدِّقِينَ وَٱلۡمُصَّدِّقَٰتِ وَأَقۡرَضُواْ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗا يُضَٰعَفُ لَهُمۡ وَلَهُمۡ أَجۡرٞ كَرِيمٞ
Hubaal (ma xagga) ragga wax sadaqaysta iyo haweenka wax sadaqaysta, iyo (kuwaa) amaahiya Allaah amaah wanaagsan, waa loo labo-laabi doonaa, oo waxay heli doonaan Abaal gud Wanaagsan
Surah Al-Hadid, Verse 18
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦٓ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلصِّدِّيقُونَۖ وَٱلشُّهَدَآءُ عِندَ رَبِّهِمۡ لَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ وَنُورُهُمۡۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآ أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَحِيمِ
Oo (ma xagga) kuwa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa, Kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha8, oo shuhadada Rabbigood xaggiis, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda iyo nuurkooda. Kuwase rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, kuwani weeye ehlu Naarka
Surah Al-Hadid, Verse 19
ٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا لَعِبٞ وَلَهۡوٞ وَزِينَةٞ وَتَفَاخُرُۢ بَيۡنَكُمۡ وَتَكَاثُرٞ فِي ٱلۡأَمۡوَٰلِ وَٱلۡأَوۡلَٰدِۖ كَمَثَلِ غَيۡثٍ أَعۡجَبَ ٱلۡكُفَّارَ نَبَاتُهُۥ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَىٰهُ مُصۡفَرّٗا ثُمَّ يَكُونُ حُطَٰمٗاۖ وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٞ شَدِيدٞ وَمَغۡفِرَةٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضۡوَٰنٞۚ وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا مَتَٰعُ ٱلۡغُرُورِ
Ogaada inay nolosha adduunkan tahay oo keliya cayaar iyo dheeldheel iyo isqurxin iyo isu faan dhexdiinna ah iyo ku tartan badsiga maal iyo carruur, sida roobka soo saara naqa, oo bixiddiisu tahay mid farax gelisa tallaalayaasha beeraha; markaas qallasha oo aad aragto iyada oo isu beddeleysa huruud, markaas noqota xaabo burbur ah. oo Aakhirada (waxaa jira) cadaab daran iyo (sidoo kale) dambi dhaaf xagga Allaah ah iyo Raallinnima(diisa), oo Noloshan adduunku ma aha waxaan ahayn oo keliya sahay lagu dagmo
Surah Al-Hadid, Verse 20
سَابِقُوٓاْ إِلَىٰ مَغۡفِرَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ وَجَنَّةٍ عَرۡضُهَا كَعَرۡضِ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ أُعِدَّتۡ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦۚ ذَٰلِكَ فَضۡلُ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ
U degdega dambi dhaaf ah xagga Rabbigiin iyo beer ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka, waxaa loo diyaariyey kuwa reumysan Allaah iyo Rusushiisa. Kaasi waa Galladda Ilaahay uu siiyo cidduu doono, Oo Allaah waa Rabbiga leh Galladda Weyn
Surah Al-Hadid, Verse 21
مَآ أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِيٓ أَنفُسِكُمۡ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مِّن قَبۡلِ أَن نَّبۡرَأَهَآۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ
Ma jirto masiibo ku dhacda dhulka ama nafahiinna oo aan ku qornayn Kitaab9, ka hor inta aanu keenin ifka. hubaal, arrinkaasi waa wax u fudud Allaah
Surah Al-Hadid, Verse 22
لِّكَيۡلَا تَأۡسَوۡاْ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمۡ وَلَا تَفۡرَحُواْ بِمَآ ءَاتَىٰكُمۡۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخۡتَالٖ فَخُورٍ
Si aydaan uga murugoon wixii arrin ah oo idin dhaafa, uguna aydaan farax taraarin wuxuu idin siiyo. Oo Allaah ma jecla mid kastoo isla weyn faan badan
Surah Al-Hadid, Verse 23
ٱلَّذِينَ يَبۡخَلُونَ وَيَأۡمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلۡبُخۡلِۗ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ
Kuwaa ah bakhayllada_ oo amra bakhaylnimo dadka. Oo mid kastoo dhabarka jeediya, haddaba hubaal Allaah waa Isaga isku Filnaha Deeqtoon, la Ammaano
Surah Al-Hadid, Verse 24
لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلَنَا بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَأَنزَلۡنَا مَعَهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡمِيزَانَ لِيَقُومَ ٱلنَّاسُ بِٱلۡقِسۡطِۖ وَأَنزَلۡنَا ٱلۡحَدِيدَ فِيهِ بَأۡسٞ شَدِيدٞ وَمَنَٰفِعُ لِلنَّاسِ وَلِيَعۡلَمَ ٱللَّهُ مَن يَنصُرُهُۥ وَرُسُلَهُۥ بِٱلۡغَيۡبِۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٞ
Dhab ahaan Waxaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, oo la soo dejinnay iyaga Kitaabka iyo Miisaanka, si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Oo waxaan soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka10, iyo in uu Allaah muujiyo kan u gargaara Isaga iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal, Allaah waa Xoog Badane, Adkaada
Surah Al-Hadid, Verse 25
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحٗا وَإِبۡرَٰهِيمَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِمَا ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَۖ فَمِنۡهُم مُّهۡتَدٖۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ
Oo xaqiiq Waxaanu soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, oo waxaan ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, marka waxaa ka mid ah kuwo hanuunsan, intooda badanse waa caasiyaal
Surah Al-Hadid, Verse 26
ثُمَّ قَفَّيۡنَا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم بِرُسُلِنَا وَقَفَّيۡنَا بِعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡإِنجِيلَۖ وَجَعَلۡنَا فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ رَأۡفَةٗ وَرَحۡمَةٗۚ وَرَهۡبَانِيَّةً ٱبۡتَدَعُوهَا مَا كَتَبۡنَٰهَا عَلَيۡهِمۡ إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ رِضۡوَٰنِ ٱللَّهِ فَمَا رَعَوۡهَا حَقَّ رِعَايَتِهَاۖ فَـَٔاتَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنۡهُمۡ أَجۡرَهُمۡۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ فَٰسِقُونَ
Markaas baan waxaan ka yeellay Rusushayada inay qaadaan raadadkooda, oo Waxaan soo dirnay Ciise_wiilkii Maryam, oo waxaan siinnay Injiilka. Oo waxaan yeellay quluubta kuwii raacay isaga nuglaan iyo naxariis. Oo ( ma xagga) suufinnimada (adduun ka jeedsiga)11, iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin iyaga, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha IIaahay darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal
Surah Al-Hadid, Verse 27
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَءَامِنُواْ بِرَسُولِهِۦ يُؤۡتِكُمۡ كِفۡلَيۡنِ مِن رَّحۡمَتِهِۦ وَيَجۡعَل لَّكُمۡ نُورٗا تَمۡشُونَ بِهِۦ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. oo rumeeya Rasuulkiisa, Wuxuu idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, oo idin yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin dambi dhaafi. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Hadid, Verse 28
لِّئَلَّا يَعۡلَمَ أَهۡلُ ٱلۡكِتَٰبِ أَلَّا يَقۡدِرُونَ عَلَىٰ شَيۡءٖ مِّن فَضۡلِ ٱللَّهِ وَأَنَّ ٱلۡفَضۡلَ بِيَدِ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ
Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan iyagu hayn waxna ka mid ah Galladda Ilaahay, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Ilaahay12, wuxuu siiyaa cidduu doono. Oo Allaah waa Rabbiga leh Galladda Weyn
Surah Al-Hadid, Verse 29