UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Waqia - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


إِذَا وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ

Marka ay dhacdada weyni dhacdo
Surah Al-Waqia, Verse 1


لَيۡسَ لِوَقۡعَتِهَا كَاذِبَةٌ

Ma jiro wax beeninayaa dhiciddeeda
Surah Al-Waqia, Verse 2


خَافِضَةٞ رَّافِعَةٌ

Hoos u dhigeysaa (qolo) kor u qaadeysaa (qolo kale)
Surah Al-Waqia, Verse 3


إِذَا رُجَّتِ ٱلۡأَرۡضُ رَجّٗا

Marka dhulka la gilgilo gilgilid daran
Surah Al-Waqia, Verse 4


وَبُسَّتِ ٱلۡجِبَالُ بَسّٗا

Oo buuraha la ridqo ridqin daran
Surah Al-Waqia, Verse 5


فَكَانَتۡ هَبَآءٗ مُّنۢبَثّٗا

Markaas waxay ahaan sida boor firdhisan
Surah Al-Waqia, Verse 6


وَكُنتُمۡ أَزۡوَٰجٗا ثَلَٰثَةٗ

Oo waxaad ahaan saddex nooc
Surah Al-Waqia, Verse 7


فَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ

Ma kuwa ah Gacanta Midig, maxay farxad u ahaatay kuwa ah Gacanta Midig
Surah Al-Waqia, Verse 8


وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ

Kuwase ah Gacanta Bidix, xumaa kuwa ah Gacanta Bidix
Surah Al-Waqia, Verse 9


وَٱلسَّـٰبِقُونَ ٱلسَّـٰبِقُونَ

oo kuwa hor maray iyagaa horreyn
Surah Al-Waqia, Verse 10


أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلۡمُقَرَّبُونَ

Kuwakan weeye kuwa loo soo dhoweyn Ilaahay
Surah Al-Waqia, Verse 11


فِي جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ

Beero barwaaqo ah gudahood
Surah Al-Waqia, Verse 12


ثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ

Waa rac ka mid ah kuwii hore
Surah Al-Waqia, Verse 13


وَقَلِيلٞ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ

Iyo in yar oo ka mid ah kuwii dambe
Surah Al-Waqia, Verse 14


عَلَىٰ سُرُرٖ مَّوۡضُونَةٖ

Sariiro korkooda dahab lagu qurxiyey
Surah Al-Waqia, Verse 15


مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيۡهَا مُتَقَٰبِلِينَ

Iyagoo ku jiqleysan korkeeda, oo fool ka fool is qaabilaya
Surah Al-Waqia, Verse 16


يَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ وِلۡدَٰنٞ مُّخَلَّدُونَ

Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doono
Surah Al-Waqia, Verse 17


بِأَكۡوَابٖ وَأَبَارِيقَ وَكَأۡسٖ مِّن مَّعِينٖ

Koobab iyo kirliyo iyo galaas sharaab macaan oo daahir ah
Surah Al-Waqia, Verse 18


لَّا يُصَدَّعُونَ عَنۡهَا وَلَا يُنزِفُونَ

Oo aanu marnaba madaxu ku wareerin oo aanay ku maan guurin
Surah Al-Waqia, Verse 19


وَفَٰكِهَةٖ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ

Iyo midho; waxay doortaan ah
Surah Al-Waqia, Verse 20


وَلَحۡمِ طَيۡرٖ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ

Iyo hilib shimbiro kay rabaanba
Surah Al-Waqia, Verse 21


وَحُورٌ عِينٞ

Oo (u wehelin doonaan) xuurul cayn
Surah Al-Waqia, Verse 22


كَأَمۡثَٰلِ ٱللُّؤۡلُوِٕ ٱلۡمَكۡنُونِ

La moodo luul la dhowray
Surah Al-Waqia, Verse 23


جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen
Surah Al-Waqia, Verse 24


لَا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوٗا وَلَا تَأۡثِيمًا

Kuma maqli doonaan halkaa hadal macno darro ah iyo dambaabid midna
Surah Al-Waqia, Verse 25


إِلَّا قِيلٗا سَلَٰمٗا سَلَٰمٗا

Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad
Surah Al-Waqia, Verse 26


وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ

Kuwa ah Gacanta Midig, maxay farxad u ahaatay kuwa ah Gacanta Midig
Surah Al-Waqia, Verse 27


فِي سِدۡرٖ مَّخۡضُودٖ

(Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn
Surah Al-Waqia, Verse 28


وَطَلۡحٖ مَّنضُودٖ

Iyo geedo Muus ah miro karooran
Surah Al-Waqia, Verse 29


وَظِلّٖ مَّمۡدُودٖ

Iyo har fidsan
Surah Al-Waqia, Verse 30


وَمَآءٖ مَّسۡكُوبٖ

Iyo biyo u socda joogto
Surah Al-Waqia, Verse 31


وَفَٰكِهَةٖ كَثِيرَةٖ

Iyo midho tiro badan
Surah Al-Waqia, Verse 32


لَّا مَقۡطُوعَةٖ وَلَا مَمۡنُوعَةٖ

Marnaba aan go’eyn, mamnuucna ahayn
Surah Al-Waqia, Verse 33


وَفُرُشٖ مَّرۡفُوعَةٍ

Iyo sariiro (boqoreed) la kor yeelay
Surah Al-Waqia, Verse 34


إِنَّآ أَنشَأۡنَٰهُنَّ إِنشَآءٗ

Waxaan Annagu ka yeelay inay soo baxaan iyaga (haweenkii adduunka ee Jannada galay) soo bixid gaar ah
Surah Al-Waqia, Verse 35


فَجَعَلۡنَٰهُنَّ أَبۡكَارًا

Markaasaan waxaan ka dhignay bikrooyin ugub ah
Surah Al-Waqia, Verse 36


عُرُبًا أَتۡرَابٗا

Gacalooyin, isku wada da’ ah
Surah Al-Waqia, Verse 37


لِّأَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ

Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig
Surah Al-Waqia, Verse 38


ثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ

Kuwo badan oo ka mid ah waa horraankii kal hore (soo galay Islaamka)
Surah Al-Waqia, Verse 39


وَثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ

Kuwo badan oo ka mid ahna kuwii kal dambe (soo galay Islaamka)
Surah Al-Waqia, Verse 40


وَأَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ

Kuwa ah Gacanta Bidix _xumaa kuwaa ah Gacanta Bidix
Surah Al-Waqia, Verse 41


فِي سَمُومٖ وَحَمِيمٖ

Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya
Surah Al-Waqia, Verse 42


وَظِلّٖ مِّن يَحۡمُومٖ

Iyo hoos qiiq badan
Surah Al-Waqia, Verse 43


لَّا بَارِدٖ وَلَا كَرِيمٍ

Aan laheyn qabow iyo daryeel midna
Surah Al-Waqia, Verse 44


إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُتۡرَفِينَ

Hubaal waxay ahaayeen taa horteed, kuwo loo raaxeeyey
Surah Al-Waqia, Verse 45


وَكَانُواْ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلۡحِنثِ ٱلۡعَظِيمِ

Oo waxay ku adkeysan jireen Dambiga aad iyo aadka u weyn (shirkiga)
Surah Al-Waqia, Verse 46


وَكَانُواْ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ

Oo waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno ciid iyo lafo, miyaa xaqiiq nala soo nooleyn doonaa
Surah Al-Waqia, Verse 47


أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ

Oo sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)
Surah Al-Waqia, Verse 48


قُلۡ إِنَّ ٱلۡأَوَّلِينَ وَٱلۡأٓخِرِينَ

Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba
Surah Al-Waqia, Verse 49


لَمَجۡمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَٰتِ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ

Waxaa hubaal loo soo kulmin doonaa wada jir waqti Maalin la yaqaan
Surah Al-Waqia, Verse 50


ثُمَّ إِنَّكُمۡ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلۡمُكَذِّبُونَ

Markaas idinka kuwiinan habowsanayaasha ahow, ee beeniyow
Surah Al-Waqia, Verse 51


لَأٓكِلُونَ مِن شَجَرٖ مِّن زَقُّومٖ

Waxaad hubaal wax ka cuni doontaan geed xun oo Zaqquum ah
Surah Al-Waqia, Verse 52


فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ

Oo ka buuxin doontaan caloolihiinna
Surah Al-Waqia, Verse 53


فَشَٰرِبُونَ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡحَمِيمِ

Markaas ku cabbi doontaan biyo kulul oo karkaraya
Surah Al-Waqia, Verse 54


فَشَٰرِبُونَ شُرۡبَ ٱلۡهِيمِ

Oo u cabbi doontaan sida cabbidda geel asqoobay
Surah Al-Waqia, Verse 55


هَٰذَا نُزُلُهُمۡ يَوۡمَ ٱلدِّينِ

Kani waa waxa lagu soori doona iyaga Maalinta Abaal marinta
Surah Al-Waqia, Verse 56


نَحۡنُ خَلَقۡنَٰكُمۡ فَلَوۡلَا تُصَدِّقُونَ

Annagaa idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen
Surah Al-Waqia, Verse 57


أَفَرَءَيۡتُم مَّا تُمۡنُونَ

Ma u fiirsateen minada idinka timaada
Surah Al-Waqia, Verse 58


ءَأَنتُمۡ تَخۡلُقُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡخَٰلِقُونَ

Ma idinkaa abuuray mise waa Annaga Abuurayaasha
Surah Al-Waqia, Verse 59


نَحۡنُ قَدَّرۡنَا بَيۡنَكُمُ ٱلۡمَوۡتَ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ

Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, oo ma nihin kuwo laga baxsan karo
Surah Al-Waqia, Verse 60


عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمۡثَٰلَكُمۡ وَنُنشِئَكُمۡ فِي مَا لَا تَعۡلَمُونَ

Si aan u keenno halkiinna kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo bixinno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn
Surah Al-Waqia, Verse 61


وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُولَىٰ فَلَوۡلَا تَذَكَّرُونَ

Oo waxaad dhab ahaan og tihiin soo bixitaankii hore, ee maxaad haddaba u garowsan weydeen
Surah Al-Waqia, Verse 62


أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَحۡرُثُونَ

Ma u fiirsateen waxa aad beertaan
Surah Al-Waqia, Verse 63


ءَأَنتُمۡ تَزۡرَعُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلزَّـٰرِعُونَ

Ma idinkaa sababa inay soo baxaan, mise waa Annaga Kuwa soo Bixiya
Surah Al-Waqia, Verse 64


لَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَٰهُ حُطَٰمٗا فَظَلۡتُمۡ تَفَكَّهُونَ

Haddii aan Doonno, waxaan ka dhigi karnaa xaabo engagan, oo waxaad noqoneysaan kuwo murugo iyo ciil qaba
Surah Al-Waqia, Verse 65


إِنَّا لَمُغۡرَمُونَ

(idinkoo leh): dhab ahaan Waxaynu nahay kuwo la culaabeysan deyn
Surah Al-Waqia, Verse 66


بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ

Mayee, waxaynu nahay kuwa la seejiyey (midhahii)
Surah Al-Waqia, Verse 67


أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلۡمَآءَ ٱلَّذِي تَشۡرَبُونَ

Ma u fiirsateen biyaha aad cabtaan
Surah Al-Waqia, Verse 68


ءَأَنتُمۡ أَنزَلۡتُمُوهُ مِنَ ٱلۡمُزۡنِ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنزِلُونَ

Ma idinkaa kuwa ka soo dajiya daruuraha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya
Surah Al-Waqia, Verse 69


لَوۡ نَشَآءُ جَعَلۡنَٰهُ أُجَاجٗا فَلَوۡلَا تَشۡكُرُونَ

Haddii aan doonno, Waxaan ka dhigi lahayn jaan dhanaan oo milix ah, ee maxaad haddaba u shurki naqi weydeen
Surah Al-Waqia, Verse 70


أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِي تُورُونَ

Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan
Surah Al-Waqia, Verse 71


ءَأَنتُمۡ أَنشَأۡتُمۡ شَجَرَتَهَآ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنشِـُٔونَ

Ma idinka baa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga weeye soo saarayaasha
Surah Al-Waqia, Verse 72


نَحۡنُ جَعَلۡنَٰهَا تَذۡكِرَةٗ وَمَتَٰعٗا لِّلۡمُقۡوِينَ

Innaga baa waxaynu ka dhignay waano; iyo wax ay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha (iyo qeyrkoodba)
Surah Al-Waqia, Verse 73


فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ

Ee xurmee Magaca Rabbigaa, Weynaha
Surah Al-Waqia, Verse 74


۞فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ

Mayee Waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan
Surah Al-Waqia, Verse 75


وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٞ لَّوۡ تَعۡلَمُونَ عَظِيمٌ

Oo xaqiiq, waa dhaar dhabtii and u weyn, haddii aad ogaan lahaydeen
Surah Al-Waqia, Verse 76


إِنَّهُۥ لَقُرۡءَانٞ كَرِيمٞ

Hubaal waa Qur'aan Sharaf Badan
Surah Al-Waqia, Verse 77


فِي كِتَٰبٖ مَّكۡنُونٖ

Ku yaal Kitaab aad la dhowray
Surah Al-Waqia, Verse 78


لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلۡمُطَهَّرُونَ

Cidina taaban kuwa la daahiriyey mooyee
Surah Al-Waqia, Verse 79


تَنزِيلٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Ah soo waxyoodka Rabbiga uunanka
Surah Al-Waqia, Verse 80


أَفَبِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ أَنتُم مُّدۡهِنُونَ

Ee ma warkan baad haddaba u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn
Surah Al-Waqia, Verse 81


وَتَجۡعَلُونَ رِزۡقَكُمۡ أَنَّكُمۡ تُكَذِّبُونَ

oo ka yeeshaan risiqiinna inaad ka been sheegtaan
Surah Al-Waqia, Verse 82


فَلَوۡلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلۡحُلۡقُومَ

Ee maxaydaan haddaba marka ay (naftu) dhuunta soo gaadho
Surah Al-Waqia, Verse 83


وَأَنتُمۡ حِينَئِذٖ تَنظُرُونَ

Oo idinku markaas aad eegaysaan
Surah Al-Waqia, Verse 84


وَنَحۡنُ أَقۡرَبُ إِلَيۡهِ مِنكُمۡ وَلَٰكِن لَّا تُبۡصِرُونَ

Oo Annagu aan idiinka dhow nahay, laakiinse aydaan arkaynin
Surah Al-Waqia, Verse 85


فَلَوۡلَآ إِن كُنتُمۡ غَيۡرَ مَدِينِينَ

Ee Maxaydaan haddaba haddii aad tihiin kuwo aan xil qabanayn
Surah Al-Waqia, Verse 86


تَرۡجِعُونَهَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddii aad run sheegeysaan
Surah Al-Waqia, Verse 87


فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ

Haddaba haddii uu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah)
Surah Al-Waqia, Verse 88


فَرَوۡحٞ وَرَيۡحَانٞ وَجَنَّتُ نَعِيمٖ

Markaas waa farax, iyo risiq, iyo Beer barwaaqo ah
Surah Al-Waqia, Verse 89


وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ

Oo haddii uu ka mid yahay kuwa ah gacanta midig
Surah Al-Waqia, Verse 90


فَسَلَٰمٞ لَّكَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ

Nabad baa kaaga sugnaatay xagga kuwa ah gacanta midig
Surah Al-Waqia, Verse 91


وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ

Haddiise uu ka mid yahay kuwa (Xaqa) diida , habowsanaaysaha ah
Surah Al-Waqia, Verse 92


فَنُزُلٞ مِّنۡ حَمِيمٖ

Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya
Surah Al-Waqia, Verse 93


وَتَصۡلِيَةُ جَحِيمٍ

Iyo ku gubasho Dabka
Surah Al-Waqia, Verse 94


إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلۡيَقِينِ

Hubaal, arrinkani waa run la hubo
Surah Al-Waqia, Verse 95


فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ

Ee xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha
Surah Al-Waqia, Verse 96


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 55
>> Surah 57

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai