Surah Al-Waqia - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
إِذَا وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ
Markay Qiyaamadu dhacdo
Surah Al-Waqia, Verse 1
لَيۡسَ لِوَقۡعَتِهَا كَاذِبَةٌ
Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan)
Surah Al-Waqia, Verse 2
خَافِضَةٞ رَّافِعَةٌ
Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah
Surah Al-Waqia, Verse 3
إِذَا رُجَّتِ ٱلۡأَرۡضُ رَجّٗا
Marka la gilgilo Dhulka gilgilid
Surah Al-Waqia, Verse 4
وَبُسَّتِ ٱلۡجِبَالُ بَسّٗا
Buurahana la riqdo
Surah Al-Waqia, Verse 5
فَكَانَتۡ هَبَآءٗ مُّنۢبَثّٗا
Oy noqoto boodh Firdhisan
Surah Al-Waqia, Verse 6
وَكُنتُمۡ أَزۡوَٰجٗا ثَلَٰثَةٗ
Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin)
Surah Al-Waqia, Verse 7
فَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ
Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari
Surah Al-Waqia, Verse 8
وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ
Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari
Surah Al-Waqia, Verse 9
وَٱلسَّـٰبِقُونَ ٱلسَّـٰبِقُونَ
Iyo kuwii aad u hormaray
Surah Al-Waqia, Verse 10
أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلۡمُقَرَّبُونَ
Waa kuwa Eebe dhaweeyay
Surah Al-Waqia, Verse 11
فِي جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ
Waxayna gali Jannooyin Nicma leh
Surah Al-Waqia, Verse 12
ثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ
Waana Koox ka mid ah kuwii hore
Surah Al-Waqia, Verse 13
وَقَلِيلٞ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ
Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay
Surah Al-Waqia, Verse 14
عَلَىٰ سُرُرٖ مَّوۡضُونَةٖ
Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan
Surah Al-Waqia, Verse 15
مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيۡهَا مُتَقَٰبِلِينَ
Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili
Surah Al-Waqia, Verse 16
يَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ وِلۡدَٰنٞ مُّخَلَّدُونَ
Waxaa la dhex wareegi wiilal waari
Surah Al-Waqia, Verse 17
بِأَكۡوَابٖ وَأَبَارِيقَ وَكَأۡسٖ مِّن مَّعِينٖ
Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda
Surah Al-Waqia, Verse 18
لَّا يُصَدَّعُونَ عَنۡهَا وَلَا يُنزِفُونَ
Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh
Surah Al-Waqia, Verse 19
وَفَٰكِهَةٖ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ
Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli
Surah Al-Waqia, Verse 20
وَلَحۡمِ طَيۡرٖ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ
Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah
Surah Al-Waqia, Verse 21
وَحُورٌ عِينٞ
Iyo Haween Janno oo Indha cadcad
Surah Al-Waqia, Verse 22
كَأَمۡثَٰلِ ٱللُّؤۡلُوِٕ ٱلۡمَكۡنُونِ
Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay
Surah Al-Waqia, Verse 23
جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa)
Surah Al-Waqia, Verse 24
لَا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوٗا وَلَا تَأۡثِيمًا
Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna
Surah Al-Waqia, Verse 25
إِلَّا قِيلٗا سَلَٰمٗا سَلَٰمٗا
Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah)
Surah Al-Waqia, Verse 26
وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ
Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta
Surah Al-Waqia, Verse 27
فِي سِدۡرٖ مَّخۡضُودٖ
Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn
Surah Al-Waqia, Verse 28
وَطَلۡحٖ مَّنضُودٖ
Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa
Surah Al-Waqia, Verse 29
وَظِلّٖ مَّمۡدُودٖ
Iyo Hoos joogta ah
Surah Al-Waqia, Verse 30
وَمَآءٖ مَّسۡكُوبٖ
Iyo Biyo socda (goor walba)
Surah Al-Waqia, Verse 31
وَفَٰكِهَةٖ كَثِيرَةٖ
Iyo Faakiha badan
Surah Al-Waqia, Verse 32
لَّا مَقۡطُوعَةٖ وَلَا مَمۡنُوعَةٖ
Oon la goynaynin lana reebaynin
Surah Al-Waqia, Verse 33
وَفُرُشٖ مَّرۡفُوعَةٍ
Iyo Gogol la koryeelay
Surah Al-Waqia, Verse 34
إِنَّآ أَنشَأۡنَٰهُنَّ إِنشَآءٗ
Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada)
Surah Al-Waqia, Verse 35
فَجَعَلۡنَٰهُنَّ أَبۡكَارًا
Kana dhigi kuwa aan la taaban
Surah Al-Waqia, Verse 36
عُرُبًا أَتۡرَابٗا
Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna
Surah Al-Waqia, Verse 37
لِّأَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ
Liwa Midigta yaa muta (arrintaas)
Surah Al-Waqia, Verse 38
ثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ
Waana Koox kuwii hore ka mid ah
Surah Al-Waqia, Verse 39
وَثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ
Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah
Surah Al-Waqia, Verse 40
وَأَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ
Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda
Surah Al-Waqia, Verse 41
فِي سَمُومٖ وَحَمِيمٖ
Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan
Surah Al-Waqia, Verse 42
وَظِلّٖ مِّن يَحۡمُومٖ
Iyo hoos madow oo wax guba
Surah Al-Waqia, Verse 43
لَّا بَارِدٖ وَلَا كَرِيمٍ
Aan qaboobayn aragna fiicnayn
Surah Al-Waqia, Verse 44
إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُتۡرَفِينَ
Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta)
Surah Al-Waqia, Verse 45
وَكَانُواْ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلۡحِنثِ ٱلۡعَظِيمِ
Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn
Surah Al-Waqia, Verse 46
وَكَانُواْ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ
Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin
Surah Al-Waqia, Verse 47
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ
Ama Aabayaalkannagii horeeyay
Surah Al-Waqia, Verse 48
قُلۡ إِنَّ ٱلۡأَوَّلِينَ وَٱلۡأٓخِرِينَ
Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba
Surah Al-Waqia, Verse 49
لَمَجۡمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَٰتِ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ
Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo)
Surah Al-Waqia, Verse 50
ثُمَّ إِنَّكُمۡ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلۡمُكَذِّبُونَ
Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah
Surah Al-Waqia, Verse 51
لَأٓكِلُونَ مِن شَجَرٖ مِّن زَقُّومٖ
Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun
Surah Al-Waqia, Verse 52
فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ
Aad kana buuxinaysaan Caloosha
Surah Al-Waqia, Verse 53
فَشَٰرِبُونَ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡحَمِيمِ
Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan
Surah Al-Waqia, Verse 54
فَشَٰرِبُونَ شُرۡبَ ٱلۡهِيمِ
Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman
Surah Al-Waqia, Verse 55
هَٰذَا نُزُلُهُمۡ يَوۡمَ ٱلدِّينِ
Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada)
Surah Al-Waqia, Verse 56
نَحۡنُ خَلَقۡنَٰكُمۡ فَلَوۡلَا تُصَدِّقُونَ
(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta)
Surah Al-Waqia, Verse 57
أَفَرَءَيۡتُم مَّا تُمۡنُونَ
Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida»
Surah Al-Waqia, Verse 58
ءَأَنتُمۡ تَخۡلُقُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡخَٰلِقُونَ
Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra
Surah Al-Waqia, Verse 59
نَحۡنُ قَدَّرۡنَا بَيۡنَكُمُ ٱلۡمَوۡتَ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ
Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro
Surah Al-Waqia, Verse 60
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمۡثَٰلَكُمۡ وَنُنشِئَكُمۡ فِي مَا لَا تَعۡلَمُونَ
Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon
Surah Al-Waqia, Verse 61
وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُولَىٰ فَلَوۡلَا تَذَكَّرُونَ
Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan
Surah Al-Waqia, Verse 62
أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَحۡرُثُونَ
Ka warrama waxaad beereysaan
Surah Al-Waqia, Verse 63
ءَأَنتُمۡ تَزۡرَعُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلزَّـٰرِعُونَ
Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna
Surah Al-Waqia, Verse 64
لَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَٰهُ حُطَٰمٗا فَظَلۡتُمۡ تَفَكَّهُونَ
Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan)
Surah Al-Waqia, Verse 65
إِنَّا لَمُغۡرَمُونَ
(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay
Surah Al-Waqia, Verse 66
بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ
Mase waa nala hoojiyay
Surah Al-Waqia, Verse 67
أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلۡمَآءَ ٱلَّذِي تَشۡرَبُونَ
Ka warrama Biyahaad cabbaysaan
Surah Al-Waqia, Verse 68
ءَأَنتُمۡ أَنزَلۡتُمُوهُ مِنَ ٱلۡمُزۡنِ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنزِلُونَ
Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay
Surah Al-Waqia, Verse 69
لَوۡ نَشَآءُ جَعَلۡنَٰهُ أُجَاجٗا فَلَوۡلَا تَشۡكُرُونَ
Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe)
Surah Al-Waqia, Verse 70
أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِي تُورُونَ
Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan
Surah Al-Waqia, Verse 71
ءَأَنتُمۡ أَنشَأۡتُمۡ شَجَرَتَهَآ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنشِـُٔونَ
Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay
Surah Al-Waqia, Verse 72
نَحۡنُ جَعَلۡنَٰهَا تَذۡكِرَةٗ وَمَتَٰعٗا لِّلۡمُقۡوِينَ
Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada)
Surah Al-Waqia, Verse 73
فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ
Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn
Surah Al-Waqia, Verse 74
۞فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ
(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan)
Surah Al-Waqia, Verse 75
وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٞ لَّوۡ تَعۡلَمُونَ عَظِيمٌ
Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine
Surah Al-Waqia, Verse 76
إِنَّهُۥ لَقُرۡءَانٞ كَرِيمٞ
Quraanku waa shay sharaf leh
Surah Al-Waqia, Verse 77
فِي كِتَٰبٖ مَّكۡنُونٖ
Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray
Surah Al-Waqia, Verse 78
لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلۡمُطَهَّرُونَ
Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn
Surah Al-Waqia, Verse 79
تَنزِيلٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka
Surah Al-Waqia, Verse 80
أَفَبِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ أَنتُم مُّدۡهِنُونَ
Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan
Surah Al-Waqia, Verse 81
وَتَجۡعَلُونَ رِزۡقَكُمۡ أَنَّكُمۡ تُكَذِّبُونَ
Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa)
Surah Al-Waqia, Verse 82
فَلَوۡلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلۡحُلۡقُومَ
Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho
Surah Al-Waqia, Verse 83
وَأَنتُمۡ حِينَئِذٖ تَنظُرُونَ
Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman)
Surah Al-Waqia, Verse 84
وَنَحۡنُ أَقۡرَبُ إِلَيۡهِ مِنكُمۡ وَلَٰكِن لَّا تُبۡصِرُونَ
Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin
Surah Al-Waqia, Verse 85
فَلَوۡلَآ إِن كُنتُمۡ غَيۡرَ مَدِينِينَ
Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin
Surah Al-Waqia, Verse 86
تَرۡجِعُونَهَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan
Surah Al-Waqia, Verse 87
فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ
Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay
Surah Al-Waqia, Verse 88
فَرَوۡحٞ وَرَيۡحَانٞ وَجَنَّتُ نَعِيمٖ
Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima
Surah Al-Waqia, Verse 89
وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ
Hadduu yahay kuwa Midigta marina
Surah Al-Waqia, Verse 90
فَسَلَٰمٞ لَّكَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ
Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag)
Surah Al-Waqia, Verse 91
وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ
Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna
Surah Al-Waqia, Verse 92
فَنُزُلٞ مِّنۡ حَمِيمٖ
Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan
Surah Al-Waqia, Verse 93
وَتَصۡلِيَةُ جَحِيمٍ
Iyo galidda Naarta Jaxiimo
Surah Al-Waqia, Verse 94
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلۡيَقِينِ
Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah
Surah Al-Waqia, Verse 95
فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ
Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn
Surah Al-Waqia, Verse 96