Surah Al-Anaam Verse 151 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Anaam۞قُلۡ تَعَالَوۡاْ أَتۡلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمۡ عَلَيۡكُمۡۖ أَلَّا تُشۡرِكُواْ بِهِۦ شَيۡـٔٗاۖ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنٗاۖ وَلَا تَقۡتُلُوٓاْ أَوۡلَٰدَكُم مِّنۡ إِمۡلَٰقٖ نَّحۡنُ نَرۡزُقُكُمۡ وَإِيَّاهُمۡۖ وَلَا تَقۡرَبُواْ ٱلۡفَوَٰحِشَ مَا ظَهَرَ مِنۡهَا وَمَا بَطَنَۖ وَلَا تَقۡتُلُواْ ٱلنَّفۡسَ ٱلَّتِي حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Allaah) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada) la wadaajin waxba; oo u muujiya wanaag waalidiintiin, oo ha u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed_ Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina wixii anshax xumo ah oo dhan kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, oo ha ku dilina nafta uu Allaah xaaraameeyey arrin xaq ah11 maahee, Sidaa buu idinku farad yeelay, bal inaad fahantaan