Surah Al-Anaam - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَجَعَلَ ٱلظُّلُمَٰتِ وَٱلنُّورَۖ ثُمَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ يَعۡدِلُونَ
Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa Xaqa diida waxay u yeelaan dhig Rabbigood
Surah Al-Anaam, Verse 1
هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن طِينٖ ثُمَّ قَضَىٰٓ أَجَلٗاۖ وَأَجَلٞ مُّسَمًّى عِندَهُۥۖ ثُمَّ أَنتُمۡ تَمۡتَرُونَ
Isaga weeye (Alle) Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), oo waxaa jira muddo (kale oo) magaacaban uu Isagu Og yahay (Saacadda Qiyaamaha), waliba idinku waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan
Surah Al-Anaam, Verse 2
وَهُوَ ٱللَّهُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَفِي ٱلۡأَرۡضِ يَعۡلَمُ سِرَّكُمۡ وَجَهۡرَكُمۡ وَيَعۡلَمُ مَا تَكۡسِبُونَ
Oo waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah) samooyinka gudahooda iyo arlada gudaheedaba, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, oo wuxuu ogsoon yahay waxa aad kasbataan
Surah Al-Anaam, Verse 3
وَمَا تَأۡتِيهِم مِّنۡ ءَايَةٖ مِّنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِمۡ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ
Oo uma timaaddo calaamo ka mid ah calaamoyinka Rabbigood, bal waa ka sii jeesadaan
Surah Al-Anaam, Verse 4
فَقَدۡ كَذَّبُواْ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ فَسَوۡفَ يَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَـٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
Oo waxay xaqiiq beeniyeen xaqa markuu u yimid, ee waxaa u imaan doona xaqiiqda waxa ay ku jees jeesi jireen
Surah Al-Anaam, Verse 5
أَلَمۡ يَرَوۡاْ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّن قَرۡنٖ مَّكَّنَّـٰهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَا لَمۡ نُمَكِّن لَّكُمۡ وَأَرۡسَلۡنَا ٱلسَّمَآءَ عَلَيۡهِم مِّدۡرَارٗا وَجَعَلۡنَا ٱلۡأَنۡهَٰرَ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمۡ فَأَهۡلَكۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡ وَأَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قَرۡنًا ءَاخَرِينَ
Miyaanay u fiirsan inta aan hallignay hortood facyo, aan ku awood siinnay dhulka si aanaan idiinku awood siin? Oo waxaanu uga soo shubnay daruuraha (roob) mahiigaan ah, oo waxaan u yeelnay webiyo socda hoostooda, waanse hallignay dambiyadoodii dartood, oo aan soo bixinnay iyaga kaddib fac kale
Surah Al-Anaam, Verse 6
وَلَوۡ نَزَّلۡنَا عَلَيۡكَ كِتَٰبٗا فِي قِرۡطَاسٖ فَلَمَسُوهُ بِأَيۡدِيهِمۡ لَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ
Oo haddaan kugu soo dejinno qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, hubaal gaalada waxay odhan lahaayeen: kanu ma aha waxaan aheyn sixir iska cad
Surah Al-Anaam, Verse 7
وَقَالُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ مَلَكٞۖ وَلَوۡ أَنزَلۡنَا مَلَكٗا لَّقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ ثُمَّ لَا يُنظَرُونَ
Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa malag loola soo diri waayey? Oo haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, oo markaas lama siiyeen nafis
Surah Al-Anaam, Verse 8
وَلَوۡ جَعَلۡنَٰهُ مَلَكٗا لَّجَعَلۡنَٰهُ رَجُلٗا وَلَلَبَسۡنَا عَلَيۡهِم مَّا يَلۡبِسُونَ
Oo haddiiba aan ka dhigno malag, waxaan hubaal ka dhigi laheyn nin, oo waxaan hubaal iskaga dari lahayn arrinka sida ay iyaguba isaga dari jireen
Surah Al-Anaam, Verse 9
وَلَقَدِ ٱسۡتُهۡزِئَ بِرُسُلٖ مِّن قَبۡلِكَ فَحَاقَ بِٱلَّذِينَ سَخِرُواْ مِنۡهُم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
Oo xaqiiq Rusul kaa horreysey baa lagu jees jeesay, waxaa se ay ku jeesjeeseen baa koobay ku digtayaashii ka midka ahaa
Surah Al-Anaam, Verse 10
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ ٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ
Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya sida ay aheyd ciribta beeniyayaasha
Surah Al-Anaam, Verse 11
قُل لِّمَن مَّا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ قُل لِّلَّهِۚ كَتَبَ عَلَىٰ نَفۡسِهِ ٱلرَّحۡمَةَۚ لَيَجۡمَعَنَّكُمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا رَيۡبَ فِيهِۚ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
Dheh: Kumaa leh waxa jira samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis; hubaal wuxuu xaqiiq idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. (Ma xagga) kuwa khasaariyey nafahooda, ma rumeyn doonaan
Surah Al-Anaam, Verse 12
۞وَلَهُۥ مَا سَكَنَ فِي ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
Oo Isaga baa iska leh wax kastoo ku xasila habeenka iyo maalintaba, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Og
Surah Al-Anaam, Verse 13
قُلۡ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَتَّخِذُ وَلِيّٗا فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَهُوَ يُطۡعِمُ وَلَا يُطۡعَمُۗ قُلۡ إِنِّيٓ أُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ أَوَّلَ مَنۡ أَسۡلَمَۖ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
Dheh: Ma waxaan yeeshaa xafide aan aheyn Allaah, abuuraha samooyinka iyo arlada? Ee wax quudiya ee aan Isaga la quudin. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). oo waa inaydaan ka mid noqon mushrikiinta
Surah Al-Anaam, Verse 14
قُلۡ إِنِّيٓ أَخَافُ إِنۡ عَصَيۡتُ رَبِّي عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
Dheh: Hubaal waxaan ka cabsi qabaa, haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin aad u murugo Weyn
Surah Al-Anaam, Verse 15
مَّن يُصۡرَفۡ عَنۡهُ يَوۡمَئِذٖ فَقَدۡ رَحِمَهُۥۚ وَذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡمُبِينُ
Kan laga duwo Maalintaas (Cadaabta). Xaqiiq Allaah wuu u Naxariisatay, oo tani weeye Liibaanta Cad
Surah Al-Anaam, Verse 16
وَإِن يَمۡسَسۡكَ ٱللَّهُ بِضُرّٖ فَلَا كَاشِفَ لَهُۥٓ إِلَّا هُوَۖ وَإِن يَمۡسَسۡكَ بِخَيۡرٖ فَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
Oo hadduu Allaah ku taabsiiyo waxyeello, ma jiro wax kaa kor qaadi karaa oo aan Isaga ahayn, oo hadduu ku taabsiiyo khayr, isaga baa wax walba Kara
Surah Al-Anaam, Verse 17
وَهُوَ ٱلۡقَاهِرُ فَوۡقَ عِبَادِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ
Oo waa Isaga Sarreeyaha Awoodda Badan ka korreeya addoomahiisa, oo waa Isaga Xakiimka, Xog Ogaalka ah
Surah Al-Anaam, Verse 18
قُلۡ أَيُّ شَيۡءٍ أَكۡبَرُ شَهَٰدَةٗۖ قُلِ ٱللَّهُۖ شَهِيدُۢ بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡۚ وَأُوحِيَ إِلَيَّ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانُ لِأُنذِرَكُم بِهِۦ وَمَنۢ بَلَغَۚ أَئِنَّكُمۡ لَتَشۡهَدُونَ أَنَّ مَعَ ٱللَّهِ ءَالِهَةً أُخۡرَىٰۚ قُل لَّآ أَشۡهَدُۚ قُلۡ إِنَّمَا هُوَ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ وَإِنَّنِي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُشۡرِكُونَ
Dheh: Maxaa u weyn markhaati? Dheh: Allaah baa markhaati ah dhexdeenna aniga iyo idinkaba; oo waxaa la ii waxyooday Qur'aankan inaan idiinku digo idinka iyo cid kastaba uu gaaro. Ee idinku ma waxaad ka marag kacdaan inay Allaah la jiraan ilaahyo kale? Dheh: Anigu kama marag kaco. Dheh: Waa uun Ilaah Keliya, oo hubaal anigu waxaan barii ka ahay waxa aad la wadaajisaan (cibaadada)
Surah Al-Anaam, Verse 19
ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَعۡرِفُونَهُۥ كَمَا يَعۡرِفُونَ أَبۡنَآءَهُمُۘ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) sida ay u gartaan carruurtooda. (Ma xagga) kuwa khasaari doona nafahooda (Aakhirada), ma rumeysan doonaan
Surah Al-Anaam, Verse 20
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلظَّـٰلِمُونَ
Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadihiisa? Hubaal gar ma qaatayaasha ma guuleystaan
Surah Al-Anaam, Verse 21
وَيَوۡمَ نَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشۡرَكُوٓاْ أَيۡنَ شُرَكَآؤُكُمُ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تَزۡعُمُونَ
Oo Maalinta aan soo wada kulmin doonno iyagoo dhan, markaas baan ku odhan doonnaa kuwii la wadaajiyey (Allaah) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay wehliyaan Isaga)
Surah Al-Anaam, Verse 22
ثُمَّ لَمۡ تَكُن فِتۡنَتُهُمۡ إِلَّآ أَن قَالُواْ وَٱللَّهِ رَبِّنَا مَا كُنَّا مُشۡرِكِينَ
Markaas ma ahaan doono cudurdaarkoodu waxaan ahayn inay odhanayaan: Wallaahi, Rabbiyow, ma aanu aheyn mushrikiin
Surah Al-Anaam, Verse 23
ٱنظُرۡ كَيۡفَ كَذَبُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡۚ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
Eeg Sida ay uga been sheegi nafa-hooda oo waxay been abuurteen way ka kala tageen
Surah Al-Anaam, Verse 24
وَمِنۡهُم مَّن يَسۡتَمِعُ إِلَيۡكَۖ وَجَعَلۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ أَكِنَّةً أَن يَفۡقَهُوهُ وَفِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٗاۚ وَإِن يَرَوۡاْ كُلَّ ءَايَةٖ لَّا يُؤۡمِنُواْ بِهَاۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوكَ يُجَٰدِلُونَكَ يَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
Oo waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, oo waxaan yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin, iyo culeys dhegahooda; oo xitaa hadday arkaan calaamo kasta ma rumayn doonaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa rumeysan diida yidhaahdaan: Kani ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore
Surah Al-Anaam, Verse 25
وَهُمۡ يَنۡهَوۡنَ عَنۡهُ وَيَنۡـَٔوۡنَ عَنۡهُۖ وَإِن يُهۡلِكُونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمۡ وَمَا يَشۡعُرُونَ
Oo waxay ka reebaan dadka (kale) iyaguna ka sii fogaadaan (Qur’aanka), oo ma halligaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana
Surah Al-Anaam, Verse 26
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ وُقِفُواْ عَلَى ٱلنَّارِ فَقَالُواْ يَٰلَيۡتَنَا نُرَدُّ وَلَا نُكَذِّبَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّنَا وَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Oo haddaad arki lahayd iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan doonaan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka) , oo ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, oo waxaan ka mid noqon laheyn mu’miniinta
Surah Al-Anaam, Verse 27
بَلۡ بَدَا لَهُم مَّا كَانُواْ يُخۡفُونَ مِن قَبۡلُۖ وَلَوۡ رُدُّواْ لَعَادُواْ لِمَا نُهُواْ عَنۡهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
Bal, waxay hore u qarsadeen baa u muuqan doono, oo haddii dib loo celin lahaa, waxay hubaal ku noqon lahaayeen wixii laga reebay. Oo hubaal waa beenalayaal xaqiiqdii
Surah Al-Anaam, Verse 28
وَقَالُوٓاْ إِنۡ هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنۡيَا وَمَا نَحۡنُ بِمَبۡعُوثِينَ
Oo waxay yidhaahdaan: Ma jirto (nolol kale) aan aheyn noloshayada (tan) adduunkan, oo nalama soo saari doono
Surah Al-Anaam, Verse 29
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ وُقِفُواْ عَلَىٰ رَبِّهِمۡۚ قَالَ أَلَيۡسَ هَٰذَا بِٱلۡحَقِّۚ قَالُواْ بَلَىٰ وَرَبِّنَاۚ قَالَ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ
Oo haddaad arki lahayd marka la hor joojiyo Rabbigood. Wuxuu odhan doonaa: Soo ma aha kani Xaq? Waxay odhan doonaan: Haah, Rabbiyow. Wuxuu odhan doonaa: Haddaba dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinnii darteed
Surah Al-Anaam, Verse 30
قَدۡ خَسِرَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱللَّهِۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَتۡهُمُ ٱلسَّاعَةُ بَغۡتَةٗ قَالُواْ يَٰحَسۡرَتَنَا عَلَىٰ مَا فَرَّطۡنَا فِيهَا وَهُمۡ يَحۡمِلُونَ أَوۡزَارَهُمۡ عَلَىٰ ظُهُورِهِمۡۚ أَلَا سَآءَ مَا يَزِرُونَ
Waa khasaare u joog xaqiiq kuwa beeniya la kulanka Ilaahay, jeer markay Saacaddu ugu timaado si kedis ah, waxay odhan doonaan: Shallaytadannow ku gaboodfalkayaga darteed waxakani oo waxay ku xambaari culeysyadooda (dambiyadooda) dhabarradooda, haddaba hubaal waxaa xumaan badan waxa ay xambaari doonaan
Surah Al-Anaam, Verse 31
وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا لَعِبٞ وَلَهۡوٞۖ وَلَلدَّارُ ٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ يَتَّقُونَۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
Oo ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Oo xaqiiq Daarta Aakhiro baa u khayr badan kuwa iska jira (xumaha), ee miyaydan haddaba garowsaneyn
Surah Al-Anaam, Verse 32
قَدۡ نَعۡلَمُ إِنَّهُۥ لَيَحۡزُنُكَ ٱلَّذِي يَقُولُونَۖ فَإِنَّهُمۡ لَا يُكَذِّبُونَكَ وَلَٰكِنَّ ٱلظَّـٰلِمِينَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ يَجۡحَدُونَ
Waxaan ognahay xaqiiq inay waxa ay sheegaan runtii ku murugo geliso: Mase aha hubaal adiga waxa ay beeninayaan, laakiinse gar ma qaatayaashu waa Aayadaha Ilaahay waxay dafirayaan
Surah Al-Anaam, Verse 33
وَلَقَدۡ كُذِّبَتۡ رُسُلٞ مِّن قَبۡلِكَ فَصَبَرُواْ عَلَىٰ مَا كُذِّبُواْ وَأُوذُواْ حَتَّىٰٓ أَتَىٰهُمۡ نَصۡرُنَاۚ وَلَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِ ٱللَّهِۚ وَلَقَدۡ جَآءَكَ مِن نَّبَإِيْ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Oo xaqiiq Rusul kaa horreeyey adiga baa la beeniyey, wayse ku samreen beenintaa iyo dhibkii loo geysanayey ilaa uu u yimid Gargaarkayaga, oo ma jiraan wax beddeli kara kelmedaha Ilaahay. Oo xaqiiq waxaa haatan ku soo gaaray in ka mid ah xaaladdii Rususha
Surah Al-Anaam, Verse 34
وَإِن كَانَ كَبُرَ عَلَيۡكَ إِعۡرَاضُهُمۡ فَإِنِ ٱسۡتَطَعۡتَ أَن تَبۡتَغِيَ نَفَقٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ أَوۡ سُلَّمٗا فِي ٱلسَّمَآءِ فَتَأۡتِيَهُم بِـَٔايَةٖۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَمَعَهُمۡ عَلَى ٱلۡهُدَىٰۚ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡجَٰهِلِينَ
Oo hadday kugu cuslaatay jeedsigoodu, haddaba haddaad dalbi karto dalool aad hoos ugu baxdo arlada gudaheeda, ama sallaan (aad ku fuusho) samada si aad ugu keento calaamo (haddaba sidaa yeel). Oo hadduu Allaah dooni lahaa wuxuu hubaal isugu soo kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha ka mid noqon jaahiliinta
Surah Al-Anaam, Verse 35
۞إِنَّمَا يَسۡتَجِيبُ ٱلَّذِينَ يَسۡمَعُونَۘ وَٱلۡمَوۡتَىٰ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ ثُمَّ إِلَيۡهِ يُرۡجَعُونَ
Kuwaas wax maqla uun baa ajiiba (baaqa), oo (ma xagga) meytida, Allaah baa soo bixin doona, markaas Xaggiisa baa loo soo celin doonaa
Surah Al-Anaam, Verse 36
وَقَالُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّ ٱللَّهَ قَادِرٌ عَلَىٰٓ أَن يُنَزِّلَ ءَايَةٗ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
Oo waxay yidhaahdaan: Oo maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Dheh: Hubaal Allaah wuu Karaa inuu soo dejiyo calaamo, laakiinse intooda badan wax ma oga
Surah Al-Anaam, Verse 37
وَمَا مِن دَآبَّةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا طَـٰٓئِرٖ يَطِيرُ بِجَنَاحَيۡهِ إِلَّآ أُمَمٌ أَمۡثَالُكُمۚ مَّا فَرَّطۡنَا فِي ٱلۡكِتَٰبِ مِن شَيۡءٖۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ يُحۡشَرُونَ
Oo ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duusha labadeeda baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka1, markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin doonaa
Surah Al-Anaam, Verse 38
وَٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا صُمّٞ وَبُكۡمٞ فِي ٱلظُّلُمَٰتِۗ مَن يَشَإِ ٱللَّهُ يُضۡلِلۡهُ وَمَن يَشَأۡ يَجۡعَلۡهُ عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
Oo kuwa beeniya Aayadahayaga waa kuwo dhega la’ oo af la’ oo ku jira mugdiyo daran. Qofkuu doono Allaah waa habaabiyaa, oo qofkuu doono wuxuu yeelaa Jidka Toosan
Surah Al-Anaam, Verse 39
قُلۡ أَرَءَيۡتَكُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُ ٱللَّهِ أَوۡ أَتَتۡكُمُ ٱلسَّاعَةُ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ تَدۡعُونَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
Dheh: Bal ii sheega haddii Cadaabta Ilaahay ay idiin timaaddo ama Saacaddu idiin timaaddo, ma cid kale aan Allaah ahayn ayaad baryi doontaan haddaad tihiin run sheegayaal
Surah Al-Anaam, Verse 40
بَلۡ إِيَّاهُ تَدۡعُونَ فَيَكۡشِفُ مَا تَدۡعُونَ إِلَيۡهِ إِن شَآءَ وَتَنسَوۡنَ مَا تُشۡرِكُونَ
Mayee’ Isaga Keligii ayaad baridaan, oo idinka dul qaada (dhibta) aad uga gargaar weydiisataan hadduu doono, oo waxaad illowdaan waqtigaa waxaad la wadaajineyseen cibaadada
Surah Al-Anaam, Verse 41
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٖ مِّن قَبۡلِكَ فَأَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡبَأۡسَآءِ وَٱلضَّرَّآءِ لَعَلَّهُمۡ يَتَضَرَّعُونَ
Oo xaqiiq Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen). Markaas baan ku qabannay faqri ba'an iyo cudurro baas bal inay soo dabcaan
Surah Al-Anaam, Verse 42
فَلَوۡلَآ إِذۡ جَآءَهُم بَأۡسُنَا تَضَرَّعُواْ وَلَٰكِن قَسَتۡ قُلُوبُهُمۡ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Oo maxay markay u timid Ciqaabtayada, u soo hogan waayeen? Laakiinse quluubtoodaa qallashay, oo Shaydaan wuxuu u qurxiyey waxay falayeen
Surah Al-Anaam, Verse 43
فَلَمَّا نَسُواْ مَا ذُكِّرُواْ بِهِۦ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِمۡ أَبۡوَٰبَ كُلِّ شَيۡءٍ حَتَّىٰٓ إِذَا فَرِحُواْ بِمَآ أُوتُوٓاْ أَخَذۡنَٰهُم بَغۡتَةٗ فَإِذَا هُم مُّبۡلِسُونَ
Markiise ay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxayba ku sugan yihiin quus daran
Surah Al-Anaam, Verse 44
فَقُطِعَ دَابِرُ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْۚ وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Markaasaa dadkii geystey gefafka la cidhibtiray. Oo ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga uunanka
Surah Al-Anaam, Verse 45
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَخَذَ ٱللَّهُ سَمۡعَكُمۡ وَأَبۡصَٰرَكُمۡ وَخَتَمَ عَلَىٰ قُلُوبِكُم مَّنۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَأۡتِيكُم بِهِۗ ٱنظُرۡ كَيۡفَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ ثُمَّ هُمۡ يَصۡدِفُونَ
Dheh: Miyaad u fiirsateen in hadduu Allaah qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo yeelo shaabbad quluubtiinna daahda; waa kuma ilaaha aan aheyn Allaah oo idiin keeni kara? Eeg sida Aan ugu celcelinno Aayadaha, markaas ay uga sii jeestaan
Surah Al-Anaam, Verse 46
قُلۡ أَرَءَيۡتَكُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُ ٱللَّهِ بَغۡتَةً أَوۡ جَهۡرَةً هَلۡ يُهۡلَكُ إِلَّا ٱلۡقَوۡمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ
Dheh: Miyaad u fiirsateen, hadday idiinku timaaddo cadaabta Ilaahay kedo ama caddaan; Miyaa la halligaa waxaan aheyn dadka gar ma qaatayaasha ah
Surah Al-Anaam, Verse 47
وَمَا نُرۡسِلُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَۖ فَمَنۡ ءَامَنَ وَأَصۡلَحَ فَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
Oo uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas ma qabi doonaan cabsi, mana murugoon doonaan
Surah Al-Anaam, Verse 48
وَٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَمَسُّهُمُ ٱلۡعَذَابُ بِمَا كَانُواْ يَفۡسُقُونَ
Kuwase beeniya Aayadahayaga, cadaab baa taaban doonta caasintooda darteed
Surah Al-Anaam, Verse 49
قُل لَّآ أَقُولُ لَكُمۡ عِندِي خَزَآئِنُ ٱللَّهِ وَلَآ أَعۡلَمُ ٱلۡغَيۡبَ وَلَآ أَقُولُ لَكُمۡ إِنِّي مَلَكٌۖ إِنۡ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّۚ قُلۡ هَلۡ يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُۚ أَفَلَا تَتَفَكَّرُونَ
Dheh: Idinkuma dhaho waxaan hayaa khasnadaha Ilaahay, mana ogi waxa aan muuqan ee qarsoon oo idinkuma dhaho waxaan anigu ahay malag. Ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo. Dheh: Kan idhaha la’ iyo kan wax arka miyey siman yihiin? Miyeydaan haddaba fakarayn
Surah Al-Anaam, Verse 50
وَأَنذِرۡ بِهِ ٱلَّذِينَ يَخَافُونَ أَن يُحۡشَرُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ لَيۡسَ لَهُم مِّن دُونِهِۦ وَلِيّٞ وَلَا شَفِيعٞ لَّعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ
Oo ugu dig kuwa cabsada in loo soo kulmin doono xagga Rabbigood—ma laha gargaare iyo shaafeece midna Isaga sokadiis, bal inay iska jiraan (xumaha)
Surah Al-Anaam, Verse 51
وَلَا تَطۡرُدِ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ رَبَّهُم بِٱلۡغَدَوٰةِ وَٱلۡعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجۡهَهُۥۖ مَا عَلَيۡكَ مِنۡ حِسَابِهِم مِّن شَيۡءٖ وَمَا مِنۡ حِسَابِكَ عَلَيۡهِم مِّن شَيۡءٖ فَتَطۡرُدَهُمۡ فَتَكُونَ مِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Oo ha ceyrin kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, waxay rabaan oo keliya Wajigiisa. Waxba kaama saarna2 Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad ceyriso, oo sidaas uga mid ahaato geflowyada
Surah Al-Anaam, Verse 52
وَكَذَٰلِكَ فَتَنَّا بَعۡضَهُم بِبَعۡضٖ لِّيَقُولُوٓاْ أَهَـٰٓؤُلَآءِ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مِّنۢ بَيۡنِنَآۗ أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَعۡلَمَ بِٱلشَّـٰكِرِينَ
Sidaas baan isugu jarribnaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Allaah uu ku mannaystay (fadliga) dhexdeenna? Miyaanu Allaah ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa
Surah Al-Anaam, Verse 53
وَإِذَا جَآءَكَ ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِـَٔايَٰتِنَا فَقُلۡ سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمۡۖ كَتَبَ رَبُّكُمۡ عَلَىٰ نَفۡسِهِ ٱلرَّحۡمَةَ أَنَّهُۥ مَنۡ عَمِلَ مِنكُمۡ سُوٓءَۢا بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ تَابَ مِنۢ بَعۡدِهِۦ وَأَصۡلَحَ فَأَنَّهُۥ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
Oo markay kuwaa rumeysan Aayadahayaga kuu yimaadaan, dheh: Nabadi korkiinna ha ahaato, Rabbigiin wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis, sidaa awgeed, hadduu midkiin u falaa xumaan jahli darti, markaas kaddibna soo laabto oo wanaagsanaado, hubaaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Anaam, Verse 54
وَكَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ وَلِتَسۡتَبِينَ سَبِيلُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
Oo sidaas baan u kala dhigdhignaa Aayadaha si ay u caddaato waddada Dambiilayaasha
Surah Al-Anaam, Verse 55
قُلۡ إِنِّي نُهِيتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِۚ قُل لَّآ أَتَّبِعُ أَهۡوَآءَكُمۡ قَدۡ ضَلَلۡتُ إِذٗا وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُهۡتَدِينَ
Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan Allaah sokadi. Dheh: Ma raaco rabitaannadiinna liita, waayo (haddii aan sidaas yeelo), xaqiiq waan lumi lahaa markaas, oo kama mid ahaadeen kuwa hanuunsan
Surah Al-Anaam, Verse 56
قُلۡ إِنِّي عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَكَذَّبۡتُم بِهِۦۚ مَا عِندِي مَا تَسۡتَعۡجِلُونَ بِهِۦٓۚ إِنِ ٱلۡحُكۡمُ إِلَّا لِلَّهِۖ يَقُصُّ ٱلۡحَقَّۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡفَٰصِلِينَ
Dheh: Hubaal Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beenisaan, ma hayo waxa aad degdegsaneysaan. Go’aanka waxaa iska leh Allaah, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, oo waa Isaga Kan u wanagsan inta wax kala xukunta
Surah Al-Anaam, Verse 57
قُل لَّوۡ أَنَّ عِندِي مَا تَسۡتَعۡجِلُونَ بِهِۦ لَقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡۗ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِٱلظَّـٰلِمِينَ
Dheh: Haddaan hayn lahaa waxa aad dooneysaan in la soo dedejiyo, arrinka wuxuu hubaal ahaan lahaa mid la gooyey aniga iyo idinka dhexdeenna, Oo Allaah aad buu u ogsoon yahay geflowyada
Surah Al-Anaam, Verse 58
۞وَعِندَهُۥ مَفَاتِحُ ٱلۡغَيۡبِ لَا يَعۡلَمُهَآ إِلَّا هُوَۚ وَيَعۡلَمُ مَا فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِۚ وَمَا تَسۡقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعۡلَمُهَا وَلَا حَبَّةٖ فِي ظُلُمَٰتِ ٱلۡأَرۡضِ وَلَا رَطۡبٖ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ
Oo Wuxuu hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro axad ogsoon aan Isaga ahayn. oo Wuxuu ogsoon yahay wax kasta oo jira barriga iyo baddaba; oo ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; oo ma jirto iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka)
Surah Al-Anaam, Verse 59
وَهُوَ ٱلَّذِي يَتَوَفَّىٰكُم بِٱلَّيۡلِ وَيَعۡلَمُ مَا جَرَحۡتُم بِٱلنَّهَارِ ثُمَّ يَبۡعَثُكُمۡ فِيهِ لِيُقۡضَىٰٓ أَجَلٞ مُّسَمّٗىۖ ثُمَّ إِلَيۡهِ مَرۡجِعُكُمۡ ثُمَّ يُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Oo Isaga weeye (Alle) Kan oofsada nafahiinna habeenka (hurdada gudaheeda), oo wuxuu ogsoon yahay waxa aad kasabtaan maalinnimada, haddana idinka soo kiciya mar kale si loo oofiiyo muddo magacaaban, markaas Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa, markaasuu idiin sheegi doonaa wixii aad fasheen (oo dhan)
Surah Al-Anaam, Verse 60
وَهُوَ ٱلۡقَاهِرُ فَوۡقَ عِبَادِهِۦۖ وَيُرۡسِلُ عَلَيۡكُمۡ حَفَظَةً حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَحَدَكُمُ ٱلۡمَوۡتُ تَوَفَّتۡهُ رُسُلُنَا وَهُمۡ لَا يُفَرِّطُونَ
Oo Waa Isaga Sarreeyaha awoodda badan, ka korreeya addoomahiisa, oo wuxuu idiin soo diraa ilaalo (malaa'ig) korkiinna ah, jeer markay geeri u timaaddo midkiin, waxaa oofsada Rusushayada (Malaa’igta ah), oo iyagu ma aha kuwa gabood fala
Surah Al-Anaam, Verse 61
ثُمَّ رُدُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ مَوۡلَىٰهُمُ ٱلۡحَقِّۚ أَلَا لَهُ ٱلۡحُكۡمُ وَهُوَ أَسۡرَعُ ٱلۡحَٰسِبِينَ
Markaas baa waxaa dib loogu celiyaa Allaah, Mudanahooda Xaqa ah. Haddaba hubaal Isaga ayaa leh go’aanka, oo waa Kan u dhaqso badan inta wax xisaabisa
Surah Al-Anaam, Verse 62
قُلۡ مَن يُنَجِّيكُم مِّن ظُلُمَٰتِ ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ تَدۡعُونَهُۥ تَضَرُّعٗا وَخُفۡيَةٗ لَّئِنۡ أَنجَىٰنَا مِنۡ هَٰذِهِۦ لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّـٰكِرِينَ
Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) idinkoo u hoganaya iyo qarsoodiba (oo leh): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa mahad naqa
Surah Al-Anaam, Verse 63
قُلِ ٱللَّهُ يُنَجِّيكُم مِّنۡهَا وَمِن كُلِّ كَرۡبٖ ثُمَّ أَنتُمۡ تُشۡرِكُونَ
Dheh: Allaah baa idinka badbaadiya iyada iyo kurba kastaba, markaas ayaad haddana u shariig yeeshaan
Surah Al-Anaam, Verse 64
قُلۡ هُوَ ٱلۡقَادِرُ عَلَىٰٓ أَن يَبۡعَثَ عَلَيۡكُمۡ عَذَابٗا مِّن فَوۡقِكُمۡ أَوۡ مِن تَحۡتِ أَرۡجُلِكُمۡ أَوۡ يَلۡبِسَكُمۡ شِيَعٗا وَيُذِيقَ بَعۡضَكُم بَأۡسَ بَعۡضٍۗ ٱنظُرۡ كَيۡفَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَفۡقَهُونَ
Dheh: Wuxuu Karaa inuu idiinka soo diro cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda3 ama idin geliyo jahawareer (isagoo idinka dhigaya) kooxo kala duwan, oo ka yeelo qaarkiin inay dhadhamiyaan dhibka qaarka kale. Eeg sida aan ugu soo celcelinno Aayadaha,bal inay fahmaan
Surah Al-Anaam, Verse 65
وَكَذَّبَ بِهِۦ قَوۡمُكَ وَهُوَ ٱلۡحَقُّۚ قُل لَّسۡتُ عَلَيۡكُم بِوَكِيلٖ
Oo dadkaagu way beeniyaan isagoo Xaq ah. Dheh: Anigu dusha idinkama saarni ilaaliye ahaan
Surah Al-Anaam, Verse 66
لِّكُلِّ نَبَإٖ مُّسۡتَقَرّٞۚ وَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
War walbaa wuxuu leeyahay muddo, oo waad ogaan doontaan
Surah Al-Anaam, Verse 67
وَإِذَا رَأَيۡتَ ٱلَّذِينَ يَخُوضُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ يَخُوضُواْ فِي حَدِيثٍ غَيۡرِهِۦۚ وَإِمَّا يُنسِيَنَّكَ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَلَا تَقۡعُدۡ بَعۡدَ ٱلذِّكۡرَىٰ مَعَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Oo markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay u galaan war kale. Oo hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo, haddaba ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadkaa geflowyada ah
Surah Al-Anaam, Verse 68
وَمَا عَلَى ٱلَّذِينَ يَتَّقُونَ مِنۡ حِسَابِهِم مِّن شَيۡءٖ وَلَٰكِن ذِكۡرَىٰ لَعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ
Oo kuwa dhowrsoon xisaabtooda (gaalada iyo cusaadda) waxba kama saarna, laakiinse waxay ku leeyihiin waano, waa intaasoo ay iska jiraan (xumaha'e)
Surah Al-Anaam, Verse 69
وَذَرِ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ دِينَهُمۡ لَعِبٗا وَلَهۡوٗا وَغَرَّتۡهُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَاۚ وَذَكِّرۡ بِهِۦٓ أَن تُبۡسَلَ نَفۡسُۢ بِمَا كَسَبَتۡ لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٞ وَلَا شَفِيعٞ وَإِن تَعۡدِلۡ كُلَّ عَدۡلٖ لَّا يُؤۡخَذۡ مِنۡهَآۗ أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ أُبۡسِلُواْ بِمَا كَسَبُواْۖ لَهُمۡ شَرَابٞ مِّنۡ حَمِيمٖ وَعَذَابٌ أَلِيمُۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ
Oo iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, oo ku waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay, ma lahaan doonto Allaah sokadi wax sokeeye ah iyo shafeeco midna, oo hadday isku furato madax furasho kasta aan laga aqbali doonin. Waa kuwan kuwa loo halaagi doono waxa ay kasbadeen awgeed, waxaa lagu abaal marin doonaa sharaab biyo kulul oo karaya iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed
Surah Al-Anaam, Verse 70
قُلۡ أَنَدۡعُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُنَا وَلَا يَضُرُّنَا وَنُرَدُّ عَلَىٰٓ أَعۡقَابِنَا بَعۡدَ إِذۡ هَدَىٰنَا ٱللَّهُ كَٱلَّذِي ٱسۡتَهۡوَتۡهُ ٱلشَّيَٰطِينُ فِي ٱلۡأَرۡضِ حَيۡرَانَ لَهُۥٓ أَصۡحَٰبٞ يَدۡعُونَهُۥٓ إِلَى ٱلۡهُدَى ٱئۡتِنَاۗ قُلۡ إِنَّ هُدَى ٱللَّهِ هُوَ ٱلۡهُدَىٰۖ وَأُمِرۡنَا لِنُسۡلِمَ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Dheh: Oo ma waxaan barinnaa Allaah sokadi wax aan noo hanan karin dhib iyo dheef midna, oo ma waxaa dib naloogu celin doonaa cirbahayaga kaddib markuu Allaah na hanuuniyey? _(markaas waxaan ahaaneynaa) sida kan ay ka yeeleen shaydaammadu inuu ku luufluufo dhulka dhexdiisa isagoo jaha wareersan? (halka) uu leeyahay saaxiibbo ugu yeedha hanuunka (oo ku dhahaya): Noo kaalay. Dheh: Hubaal, Hanuunka Ilaahay baa ah oo keliya hanuunka toosan, oo waxaa nala amray inaan isu dhiibno Rabbiga uunanka
Surah Al-Anaam, Verse 71
وَأَنۡ أَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَٱتَّقُوهُۚ وَهُوَ ٱلَّذِيٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
Oo hagaajiya salaadda, oo dhowra (xilka uu idin saaray), oo Isaga weeye (Alle) Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin doono
Surah Al-Anaam, Verse 72
وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۖ وَيَوۡمَ يَقُولُ كُن فَيَكُونُۚ قَوۡلُهُ ٱلۡحَقُّۚ وَلَهُ ٱلۡمُلۡكُ يَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِۚ عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ
Oo Isaga weeye Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada xaq, oo maalinta uu yidhaahdo: Ahow, way ahaan. Qawlkiisu waa Xaq. Oo Isagaa leh Boqortooyada (runta ah) Maalinta marka la afuufi doono Buunka. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba Oo waa Isaga (Alle) Xakiimka, Xog Ogaalka ah
Surah Al-Anaam, Verse 73
۞وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِيمُ لِأَبِيهِ ءَازَرَ أَتَتَّخِذُ أَصۡنَامًا ءَالِهَةً إِنِّيٓ أَرَىٰكَ وَقَوۡمَكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
Oo waa tii uu Ibraahiim ku yidhi aabbihii Aazar4: Ma waxaad ka dhigataa asnaam ilaahyo? Hubaal waxaan anigu kugu arkaa adiga iyo dadkaagaba habow caddaan ah
Surah Al-Anaam, Verse 74
وَكَذَٰلِكَ نُرِيٓ إِبۡرَٰهِيمَ مَلَكُوتَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلِيَكُونَ مِنَ ٱلۡمُوقِنِينَ
Sidaas baan u tusinnay Ibraahiim Boqortooyada samooyinka iyo arlada si uu uga mid ahaado kuwa Xaqa yaqiinsan
Surah Al-Anaam, Verse 75
فَلَمَّا جَنَّ عَلَيۡهِ ٱلَّيۡلُ رَءَا كَوۡكَبٗاۖ قَالَ هَٰذَا رَبِّيۖ فَلَمَّآ أَفَلَ قَالَ لَآ أُحِبُّ ٱلۡأٓفِلِينَ
Markaasuu kolkii uu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig, Wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markiise uu dhacay, wuxuu yidhi: Ma jecli waxa dhaca
Surah Al-Anaam, Verse 76
فَلَمَّا رَءَا ٱلۡقَمَرَ بَازِغٗا قَالَ هَٰذَا رَبِّيۖ فَلَمَّآ أَفَلَ قَالَ لَئِن لَّمۡ يَهۡدِنِي رَبِّي لَأَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلضَّآلِّينَ
Oo markuu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markiise uu dhacay, wuxuu yidhi: Haddii uusan I hanuunin Rabbigay, waxaan hubaal ka mid noqon doonaa dadka lunsan
Surah Al-Anaam, Verse 77
فَلَمَّا رَءَا ٱلشَّمۡسَ بَازِغَةٗ قَالَ هَٰذَا رَبِّي هَٰذَآ أَكۡبَرُۖ فَلَمَّآ أَفَلَتۡ قَالَ يَٰقَوۡمِ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُشۡرِكُونَ
Oo markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markiise ay dhacday, wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Anigu waxaan barii ka ahay waxa aad Allaah u shariig yeeshaan
Surah Al-Anaam, Verse 78
إِنِّي وَجَّهۡتُ وَجۡهِيَ لِلَّذِي فَطَرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ حَنِيفٗاۖ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
Hubaal waxaan anigu u jeediyey wejigayga anigoo toosan xagga (Allaah, ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta
Surah Al-Anaam, Verse 79
وَحَآجَّهُۥ قَوۡمُهُۥۚ قَالَ أَتُحَـٰٓجُّوٓنِّي فِي ٱللَّهِ وَقَدۡ هَدَىٰنِۚ وَلَآ أَخَافُ مَا تُشۡرِكُونَ بِهِۦٓ إِلَّآ أَن يَشَآءَ رَبِّي شَيۡـٔٗاۚ وَسِعَ رَبِّي كُلَّ شَيۡءٍ عِلۡمًاۚ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ
Oo dadkiisii baa la dooday; oo wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Ilaahay? isagoo xaqiiq I hanuuniyey; oo anigu ma ka cabsi qabo sinnaba waxa aad la wadaajisaan cibaadada Isaga (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuuxu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmigiisa. Ma waydaan haddaba waansamayn
Surah Al-Anaam, Verse 80
وَكَيۡفَ أَخَافُ مَآ أَشۡرَكۡتُمۡ وَلَا تَخَافُونَ أَنَّكُمۡ أَشۡرَكۡتُم بِٱللَّهِ مَا لَمۡ يُنَزِّلۡ بِهِۦ عَلَيۡكُمۡ سُلۡطَٰنٗاۚ فَأَيُّ ٱلۡفَرِيقَيۡنِ أَحَقُّ بِٱلۡأَمۡنِۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
Oo sidee baan uga cabsadaa waxa aad la wadaajisan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku cabsi ka qabin inaad la wadaajiseen Allaah cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa haddaba labada qolo isku huba inay ku sugnaan amni, haddii aad ogtihiin
Surah Al-Anaam, Verse 81
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يَلۡبِسُوٓاْ إِيمَٰنَهُم بِظُلۡمٍ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلۡأَمۡنُ وَهُم مُّهۡتَدُونَ
Kuwa (Xaqa) rumeysan oo aan ku labin Iimaankooda gef, waa kuwaas kuwa uu u sugnaan doono amnigu, oo waa iyaga kuwa hanuunsan
Surah Al-Anaam, Verse 82
وَتِلۡكَ حُجَّتُنَآ ءَاتَيۡنَٰهَآ إِبۡرَٰهِيمَ عَلَىٰ قَوۡمِهِۦۚ نَرۡفَعُ دَرَجَٰتٖ مَّن نَّشَآءُۗ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٞ
Oo tani waxay aheyd xujadayada aan ka siinnay Ibraahiim dadkiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddaan doonno. Hubaal, Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon
Surah Al-Anaam, Verse 83
وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَۚ كُلًّا هَدَيۡنَاۚ وَنُوحًا هَدَيۡنَا مِن قَبۡلُۖ وَمِن ذُرِّيَّتِهِۦ دَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ وَأَيُّوبَ وَيُوسُفَ وَمُوسَىٰ وَهَٰرُونَۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
Oo Waxaan ku galladeysannay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waanu hanuuninnay, oo Nuux waanu hanuuninnay kal hore, oo waxaa ka mid ah ubadkiisa; Daawuud iyo Sulaymaan iyo Ayyuub iyo Yuusuf iyo Muuse iyo Haaruun. Oo sidaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha
Surah Al-Anaam, Verse 84
وَزَكَرِيَّا وَيَحۡيَىٰ وَعِيسَىٰ وَإِلۡيَاسَۖ كُلّٞ مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
Iyo Zakariya iyo Yaxyaa iyo Ciise iyo Ilyaas, mid walbaa wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan
Surah Al-Anaam, Verse 85
وَإِسۡمَٰعِيلَ وَٱلۡيَسَعَ وَيُونُسَ وَلُوطٗاۚ وَكُلّٗا فَضَّلۡنَا عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
Iyo Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Yuunus iyo Luud, mid walbaa oo ka mid ahi waan ka kor marinnay uunanka (waqtigoodii)
Surah Al-Anaam, Verse 86
وَمِنۡ ءَابَآئِهِمۡ وَذُرِّيَّـٰتِهِمۡ وَإِخۡوَٰنِهِمۡۖ وَٱجۡتَبَيۡنَٰهُمۡ وَهَدَيۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
Iyo sidoo kale qaar ka mid ah aabbayaashood iyo ubadkooda iyo walaalahood, oo waan doorannay iyaga, oo ku hanuuninnay Jidka Toosan
Surah Al-Anaam, Verse 87
ذَٰلِكَ هُدَى ٱللَّهِ يَهۡدِي بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۚ وَلَوۡ أَشۡرَكُواْ لَحَبِطَ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Kani waa hanuunka Ilaahay uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Oo hadday la wadaajin lahaayeen cibaadada cid kale,waxaa hubaal ka buri lahaa wixii ay camal san faleen
Surah Al-Anaam, Verse 88
أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحُكۡمَ وَٱلنُّبُوَّةَۚ فَإِن يَكۡفُرۡ بِهَا هَـٰٓؤُلَآءِ فَقَدۡ وَكَّلۡنَا بِهَا قَوۡمٗا لَّيۡسُواْ بِهَا بِكَٰفِرِينَ
Kuwaanu waa kuwa aan siinnay Kitaabka, iyo Xikmadda iyo Nabinnimada. Marka hadday kuwani rumeysan waayaan, waxaan xaqiiq u xil saarnay dad aan Xaqa diidin
Surah Al-Anaam, Verse 89
أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ هَدَى ٱللَّهُۖ فَبِهُدَىٰهُمُ ٱقۡتَدِهۡۗ قُل لَّآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ أَجۡرًاۖ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرَىٰ لِلۡعَٰلَمِينَ
Kuwani weeye kuwa uu Allaah hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa waano ku socota uunanka
Surah Al-Anaam, Verse 90
وَمَا قَدَرُواْ ٱللَّهَ حَقَّ قَدۡرِهِۦٓ إِذۡ قَالُواْ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ عَلَىٰ بَشَرٖ مِّن شَيۡءٖۗ قُلۡ مَنۡ أَنزَلَ ٱلۡكِتَٰبَ ٱلَّذِي جَآءَ بِهِۦ مُوسَىٰ نُورٗا وَهُدٗى لِّلنَّاسِۖ تَجۡعَلُونَهُۥ قَرَاطِيسَ تُبۡدُونَهَا وَتُخۡفُونَ كَثِيرٗاۖ وَعُلِّمۡتُم مَّا لَمۡ تَعۡلَمُوٓاْ أَنتُمۡ وَلَآ ءَابَآؤُكُمۡۖ قُلِ ٱللَّهُۖ ثُمَّ ذَرۡهُمۡ فِي خَوۡضِهِمۡ يَلۡعَبُونَ
Oo ma ay ku tilmaamin Allaah tilmaamaha uu mudan yahay marka ay leeyihiin: Waxba Allaah uma soo waxyoon qof Aadmi ah oo dhimanaya. Dheh: Yaa soo waxyooday Kitaabkii uu la yimid Muuse, oo u ahaa Nuur iyo Hanuun dadka, oo aad idinku (Yuhuudda ah) ka dhigteen qoraallo (kala gaar ah) aad muujisaan (qaar ka mid ah) oo qarisaan wax badan? Oo waxaa la idin baray wax aydaan aqoon jirin idinka iyo aabbayaashiin midna. Dheh: Allaah (baa soo waxyooday). Markaas iskaga tag iyagoo baadilkooda ku madadaalan
Surah Al-Anaam, Verse 91
وَهَٰذَا كِتَٰبٌ أَنزَلۡنَٰهُ مُبَارَكٞ مُّصَدِّقُ ٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَلِتُنذِرَ أُمَّ ٱلۡقُرَىٰ وَمَنۡ حَوۡلَهَاۚ وَٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ يُؤۡمِنُونَ بِهِۦۖ وَهُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ يُحَافِظُونَ
Oo kanu waa Kitaab aan soo waxyoonnay oo barakaysan oo xaqiijinaya (kutubtii) ka horreeyey, si aad ugu digto hooyada magaalooyinka (Makkah) iyo waxa hareeraheeda ah. Oo kuwa rumeysan aakhirada baa rumeysan, oo waxay u dhowraan salaadahooda si joogto ah
Surah Al-Anaam, Verse 92
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ قَالَ أُوحِيَ إِلَيَّ وَلَمۡ يُوحَ إِلَيۡهِ شَيۡءٞ وَمَن قَالَ سَأُنزِلُ مِثۡلَ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُۗ وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلظَّـٰلِمُونَ فِي غَمَرَٰتِ ٱلۡمَوۡتِ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ بَاسِطُوٓاْ أَيۡدِيهِمۡ أَخۡرِجُوٓاْ أَنفُسَكُمُۖ ٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَوۡنَ عَذَابَ ٱلۡهُونِ بِمَا كُنتُمۡ تَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ غَيۡرَ ٱلۡحَقِّ وَكُنتُمۡ عَنۡ ءَايَٰتِهِۦ تَسۡتَكۡبِرُونَ
Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo waxyoon karaa wax la mid ah waxa uu Allaah soo waxyooday? Oo haddaad arki lahayd marka ay gar ma qaatayaasha ku sugan yihiin sakaraadka mowdka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin doonaa cadaabta dulleynta wixii aad Allaah ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Oo waxaad aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya
Surah Al-Anaam, Verse 93
وَلَقَدۡ جِئۡتُمُونَا فُرَٰدَىٰ كَمَا خَلَقۡنَٰكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةٖ وَتَرَكۡتُم مَّا خَوَّلۡنَٰكُمۡ وَرَآءَ ظُهُورِكُمۡۖ وَمَا نَرَىٰ مَعَكُمۡ شُفَعَآءَكُمُ ٱلَّذِينَ زَعَمۡتُمۡ أَنَّهُمۡ فِيكُمۡ شُرَكَـٰٓؤُاْۚ لَقَد تَّقَطَّعَ بَيۡنَكُمۡ وَضَلَّ عَنكُم مَّا كُنتُمۡ تَزۡعُمُونَ
Oo xaqiiq waxaad noogu timaaddeen idinkoo keli ah sidii aan idiin abuurnay awal horeba. Oo waxaad uga timaaddeen dhabarradiinna gadaashood waxaan idinku galladeysannay. Oo ma aragno la jirkiin shafeecayaashiinnii aad ku sheegi jirteen inay xaggiinna shuruko Allaah la yihiin. Xaqiiq dhammaan xiriirkii dhexdiinna ahaa haatan waa kala go’an yihiin, oo waxaad sheegeyseen waad weydeen
Surah Al-Anaam, Verse 94
۞إِنَّ ٱللَّهَ فَالِقُ ٱلۡحَبِّ وَٱلنَّوَىٰۖ يُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَمُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتِ مِنَ ٱلۡحَيِّۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ
Hubaal Waa Allaah Kan biqliya iniinta iyo lafta. Wuxuu ka soo saaraa noole wax meyd ah, oo ka soo saaraa wax meyd ah wax nool. Kaas ayaa ah Allaah, ee sidee baa haddaba la idiinka jeediyey
Surah Al-Anaam, Verse 95
فَالِقُ ٱلۡإِصۡبَاحِ وَجَعَلَ ٱلَّيۡلَ سَكَنٗا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ حُسۡبَانٗاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ
Waa Kan waaga bariya, oo ka dhigay habeenka nasasho, iyo in qorraxda iyo dayaxa wax lagu xisaabsado, arrinkani waa abaabulka Adkaadaha, wax kasta Ogsoonaha ah (Allaah)
Surah Al-Anaam, Verse 96
وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلنُّجُومَ لِتَهۡتَدُواْ بِهَا فِي ظُلُمَٰتِ ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِۗ قَدۡ فَصَّلۡنَا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
oo waa Isaga (Allaah) Kan idiin yeelay xiddigaha, si aad ugu toostaan dhabbaha marka uu jira gudcurka barriga iyo badda. Xaqiiq Waxaan u faahfaahinnay Aayadaha dad aqoon leh
Surah Al-Anaam, Verse 97
وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ فَمُسۡتَقَرّٞ وَمُسۡتَوۡدَعٞۗ قَدۡ فَصَّلۡنَا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَفۡقَهُونَ
Oo Isaga weeye Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam), oo idin yeelay rug aad degtaan iyo rug kaydin ah5, xaqiiq waxaan u faahfaahinnay Aayadaha dad faham leh
Surah Al-Anaam, Verse 98
وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦ نَبَاتَ كُلِّ شَيۡءٖ فَأَخۡرَجۡنَا مِنۡهُ خَضِرٗا نُّخۡرِجُ مِنۡهُ حَبّٗا مُّتَرَاكِبٗا وَمِنَ ٱلنَّخۡلِ مِن طَلۡعِهَا قِنۡوَانٞ دَانِيَةٞ وَجَنَّـٰتٖ مِّنۡ أَعۡنَابٖ وَٱلزَّيۡتُونَ وَٱلرُّمَّانَ مُشۡتَبِهٗا وَغَيۡرَ مُتَشَٰبِهٍۗ ٱنظُرُوٓاْ إِلَىٰ ثَمَرِهِۦٓ إِذَآ أَثۡمَرَ وَيَنۡعِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكُمۡ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
Oo Isaga weeye Kan ka soo shuba biyo daruurta, oo aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Oo waxaan ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhowna oo aan fogeyn iyo beero ah canab, iyo saytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada mirihiisa markuu miro dhalo iyo bisaylkiisa. Hubaal waxaa arrinkani ugu jira xaqiiq calaamooyin dad iimaan leh
Surah Al-Anaam, Verse 99
وَجَعَلُواْ لِلَّهِ شُرَكَآءَ ٱلۡجِنَّ وَخَلَقَهُمۡۖ وَخَرَقُواْ لَهُۥ بَنِينَ وَبَنَٰتِۭ بِغَيۡرِ عِلۡمٖۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يَصِفُونَ
Oo waxay ka yeelaan jinka shariigyo ay la wadaajiyaan Allaah cibaadada, Isagoo abuuray iyaga, oo waxay baadil ugu nasbeeyaan wiilal iyo gabdho cilmi la’aantooda awgii. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu (ka nazahan yahay) oo ka sarreeyaa waxay ku tilmaamaan
Surah Al-Anaam, Verse 100
بَدِيعُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ أَنَّىٰ يَكُونُ لَهُۥ وَلَدٞ وَلَمۡ تَكُن لَّهُۥ صَٰحِبَةٞۖ وَخَلَقَ كُلَّ شَيۡءٖۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
Waa Askumaha cirarka iyo dhulka. Sidee buu u yeelan wiil Isaga oo aan lahayn afo? Oo Isagu yahay Kan abuuray wax kasta, oo Isaga baa wax walba Og
Surah Al-Anaam, Verse 101
ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ فَٱعۡبُدُوهُۚ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ وَكِيلٞ
Kaas waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, oo Isaga baa wax kasta xilkood haya
Surah Al-Anaam, Verse 102
لَّا تُدۡرِكُهُ ٱلۡأَبۡصَٰرُ وَهُوَ يُدۡرِكُ ٱلۡأَبۡصَٰرَۖ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلۡخَبِيرُ
Ma koobi karaan Aragga indhuhu, Isaguse wuu koobaa arag walba oo jira. Oo waa Isaga Roonaan Badanaha, Xog ogaalka ah
Surah Al-Anaam, Verse 103
قَدۡ جَآءَكُم بَصَآئِرُ مِن رَّبِّكُمۡۖ فَمَنۡ أَبۡصَرَ فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ عَمِيَ فَعَلَيۡهَاۚ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيۡكُم بِحَفِيظٖ
Xaqiiq waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa, naftiisay dan u tahay, oo qofkii ka indho la'aada isagay u daran tahay, oo anigu ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah
Surah Al-Anaam, Verse 104
وَكَذَٰلِكَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ وَلِيَقُولُواْ دَرَسۡتَ وَلِنُبَيِّنَهُۥ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
Oo sidaas baan ugu celcelinnaa Aayadaha iyo si ay u yidhaahdaan: Waad soo baratay, iyo si aan ugu caddeyno arrinka dad garasho leh
Surah Al-Anaam, Verse 105
ٱتَّبِعۡ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
Raac waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa, ma jiro ilaah aan Isaga ahayn, oo iskaga jeeso mushrikiinta
Surah Al-Anaam, Verse 106
وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَآ أَشۡرَكُواْۗ وَمَا جَعَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ حَفِيظٗاۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِوَكِيلٖ
Oo hadduu doono Allaah, uma ay shariig yeeleen cidna oo kaaga ma aanaan dhigin korkooda ilaaliye, oo kama tihid adigu wakiil
Surah Al-Anaam, Verse 107
وَلَا تَسُبُّواْ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَسُبُّواْ ٱللَّهَ عَدۡوَۢا بِغَيۡرِ عِلۡمٖۗ كَذَٰلِكَ زَيَّنَّا لِكُلِّ أُمَّةٍ عَمَلَهُمۡ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِم مَّرۡجِعُهُمۡ فَيُنَبِّئُهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Oo ha caayina kuwaa ay u dhawaaqdaan Allaah sokadi, si aysan iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Allaah jahli darti. Sidaas baan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, markaas wuxuu u sheegi doonaa waxa ay fali jireen
Surah Al-Anaam, Verse 108
وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَئِن جَآءَتۡهُمۡ ءَايَةٞ لَّيُؤۡمِنُنَّ بِهَاۚ قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡأٓيَٰتُ عِندَ ٱللَّهِۖ وَمَا يُشۡعِرُكُمۡ أَنَّهَآ إِذَا جَآءَتۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
Oo waxay ku dhaartaan Allaah tan ugu culus dhaarahooda, in hadday u timaaddo calaamo ay hubaal rumaynayaan6. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Allaah, oo maxaa idin ogeysiinaya markay (calaamo) u timaaddo inayan rumayn doonin
Surah Al-Anaam, Verse 109
وَنُقَلِّبُ أَفۡـِٔدَتَهُمۡ وَأَبۡصَٰرَهُمۡ كَمَا لَمۡ يُؤۡمِنُواْ بِهِۦٓ أَوَّلَ مَرَّةٖ وَنَذَرُهُمۡ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
Oo waxaanu rogi doonnaa quluubtooda iyo aragyadooda, sida ay iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, oo waxaanu ugu tegi doonnaa xad gudub- kooda, ay ku jaha wareersanaan indha la’aan
Surah Al-Anaam, Verse 110
۞وَلَوۡ أَنَّنَا نَزَّلۡنَآ إِلَيۡهِمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ وَكَلَّمَهُمُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَحَشَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ كُلَّ شَيۡءٖ قُبُلٗا مَّا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُوٓاْ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ يَجۡهَلُونَ
Oo waliba haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda dhambaalkan), oo meytidu ay (ka)la hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn, in maahee Allaah doono, laakiinse badankoodu waa ka jaahiliin
Surah Al-Anaam, Verse 111
وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوّٗا شَيَٰطِينَ ٱلۡإِنسِ وَٱلۡجِنِّ يُوحِي بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٖ زُخۡرُفَ ٱلۡقَوۡلِ غُرُورٗاۚ وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُۖ فَذَرۡهُمۡ وَمَا يَفۡتَرُونَ
Oo sidaas baan waxaan ugu yeelnay Nabi walbaa cadow_shayaadiinta ku jira dadka iyo jinkaba, oo qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay (ku) hodaan. Oo Rabbigaa hadduu doono, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxa ay been abuuranba
Surah Al-Anaam, Verse 112
وَلِتَصۡغَىٰٓ إِلَيۡهِ أَفۡـِٔدَةُ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ وَلِيَرۡضَوۡهُ وَلِيَقۡتَرِفُواْ مَا هُم مُّقۡتَرِفُونَ
Oo waa si ay laabaha kuwa aan rumeysanayn Aakhirada ugu iilato oo ugu raalli noqdaan, iyo si ay u kasbadaan waxa ay kasban doonaan (oo dembiyo ah)
Surah Al-Anaam, Verse 113
أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَبۡتَغِي حَكَمٗا وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ إِلَيۡكُمُ ٱلۡكِتَٰبَ مُفَصَّلٗاۚ وَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَعۡلَمُونَ أَنَّهُۥ مُنَزَّلٞ مِّن رَّبِّكَ بِٱلۡحَقِّۖ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ
Ma waxaan haddaba ka doonaa garsoor cidaan ahayn Allaah, isagoo ah Kan idiin soo waxyooday Kitaabka ee la caddeeyey. Oo kuwa aan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in looga soo waxyooday xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya
Surah Al-Anaam, Verse 114
وَتَمَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ صِدۡقٗا وَعَدۡلٗاۚ لَّا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِهِۦۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
Oo Kelmadda Rabbigaa waxay ku taam noqotay run iyo caddaalad. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa. Oo Waa Maqlaha (wax kasta), wax kasta ogsoonaha
Surah Al-Anaam, Verse 115
وَإِن تُطِعۡ أَكۡثَرَ مَن فِي ٱلۡأَرۡضِ يُضِلُّوكَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَخۡرُصُونَ
Oo haddaad adeecdo intooda badan waxa dhulka jooga, waxay kaa lumin Jidka Ilaahay. Ma raacaan waxaan ahayn male, oo been uun bay sheegaan
Surah Al-Anaam, Verse 116
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ مَن يَضِلُّ عَن سَبِيلِهِۦۖ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ
Hubaal, Rabbigaa baa dhab u Ogsoon midka ka luma Jidkiisa, oo Wuxuu dhab u Ogsoon yahay kuwa hanuunsan
Surah Al-Anaam, Verse 117
فَكُلُواْ مِمَّا ذُكِرَ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ إِن كُنتُم بِـَٔايَٰتِهِۦ مُؤۡمِنِينَ
Ee cuna waxaa (hilibka) lagu xusay Magaca Ilaahay (markii la gowracayey), haddaad tihiin kuwa Aayadihiisa rumeysan
Surah Al-Anaam, Verse 118
وَمَا لَكُمۡ أَلَّا تَأۡكُلُواْ مِمَّا ذُكِرَ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ وَقَدۡ فَصَّلَ لَكُم مَّا حَرَّمَ عَلَيۡكُمۡ إِلَّا مَا ٱضۡطُرِرۡتُمۡ إِلَيۡهِۗ وَإِنَّ كَثِيرٗا لَّيُضِلُّونَ بِأَهۡوَآئِهِم بِغَيۡرِ عِلۡمٍۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُعۡتَدِينَ
Oo maxaad la cuni weydeen waxaa (hilibka) lagu xusay Magaca Ilaahay (markii la gowracayey neefka), oo wuxuu horay idiinku caddeeyey waxa uu idinka xaaraanshay - waxa ay dani idinku qabato ma'ahee. Oo hubaal kuwo badan baa xaqiiq ku lumiya (dadka) rabitaannadooda liita darteed aqoon la’aan darteed. Hubaal, Rabbigaa wuxuu aad u Ogsoon yahay kuwa xad- gudba
Surah Al-Anaam, Verse 119
وَذَرُواْ ظَٰهِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَبَاطِنَهُۥٓۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡسِبُونَ ٱلۡإِثۡمَ سَيُجۡزَوۡنَ بِمَا كَانُواْ يَقۡتَرِفُونَ
Ee ka taga dambiga muuqda iyo kan qarsoonba. hubaal, kuwa kasbada dambiga waxaa laga goyn doonaa waxay kasbadeen
Surah Al-Anaam, Verse 120
وَلَا تَأۡكُلُواْ مِمَّا لَمۡ يُذۡكَرِ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ وَإِنَّهُۥ لَفِسۡقٞۗ وَإِنَّ ٱلشَّيَٰطِينَ لَيُوحُونَ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِهِمۡ لِيُجَٰدِلُوكُمۡۖ وَإِنۡ أَطَعۡتُمُوهُمۡ إِنَّكُمۡ لَمُشۡرِكُونَ
Oo ha cunina waxaa (hilibka) aan lagu xusin Magaca Ilaahay (markii la gowraca- yey neefka), oo taasi hubaal waa caasiyoobid. Oo hubaal shaydaammadu waxay xaqiiq u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan7, oo haddaad adeecdaan, markaa hubaal waxaad xaqiiq idinkuna tihiin mushrikiin
Surah Al-Anaam, Verse 121
أَوَمَن كَانَ مَيۡتٗا فَأَحۡيَيۡنَٰهُ وَجَعَلۡنَا لَهُۥ نُورٗا يَمۡشِي بِهِۦ فِي ٱلنَّاسِ كَمَن مَّثَلُهُۥ فِي ٱلظُّلُمَٰتِ لَيۡسَ بِخَارِجٖ مِّنۡهَاۚ كَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِلۡكَٰفِرِينَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur oo uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo bixi karin? Sidaas baa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan
Surah Al-Anaam, Verse 122
وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا فِي كُلِّ قَرۡيَةٍ أَكَٰبِرَ مُجۡرِمِيهَا لِيَمۡكُرُواْ فِيهَاۖ وَمَا يَمۡكُرُونَ إِلَّا بِأَنفُسِهِمۡ وَمَا يَشۡعُرُونَ
Oo sidaas baan u yeelnay magaalo walba gudaheed kuwooda waaweyn (madaxda iyo maalqabeennadeeda) inay ahaadaan dambiilayaasheeda si ay ugu dhex maleegaan qorshe (xun), umase maleegaan qorshe (xun) waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana
Surah Al-Anaam, Verse 123
وَإِذَا جَآءَتۡهُمۡ ءَايَةٞ قَالُواْ لَن نُّؤۡمِنَ حَتَّىٰ نُؤۡتَىٰ مِثۡلَ مَآ أُوتِيَ رُسُلُ ٱللَّهِۘ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ حَيۡثُ يَجۡعَلُ رِسَالَتَهُۥۗ سَيُصِيبُ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْ صَغَارٌ عِندَ ٱللَّهِ وَعَذَابٞ شَدِيدُۢ بِمَا كَانُواْ يَمۡكُرُونَ
Oo markay calaamo u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Ma rumeysan doonno jeer nala siiyo wax la mid ah waxa la siiyey Rususha Ilaahay. Allaah baa dhab u ogsoon meesha uu dhigayo Dhambaal-kiisa. Waxaa ku dhici doona dambiilayaa- sha dulli xag Ilaahay ah iyo cadaab daran waxay qorshe xun maleegi jireen awgeed
Surah Al-Anaam, Verse 124
فَمَن يُرِدِ ٱللَّهُ أَن يَهۡدِيَهُۥ يَشۡرَحۡ صَدۡرَهُۥ لِلۡإِسۡلَٰمِۖ وَمَن يُرِدۡ أَن يُضِلَّهُۥ يَجۡعَلۡ صَدۡرَهُۥ ضَيِّقًا حَرَجٗا كَأَنَّمَا يَصَّعَّدُ فِي ٱلسَّمَآءِۚ كَذَٰلِكَ يَجۡعَلُ ٱللَّهُ ٱلرِّجۡسَ عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ
Ee qofkii uu Allaah rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, oo (ma) qofkii uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka dhigaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaas buu Allaah dusha uga saaraa fadarada kuwa aan rumaysneyn
Surah Al-Anaam, Verse 125
وَهَٰذَا صِرَٰطُ رَبِّكَ مُسۡتَقِيمٗاۗ قَدۡ فَصَّلۡنَا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَذَّكَّرُونَ
Oo kani waa Jidka Rabbigaa ee toosan. Xaqiiq Waxaan uga yeelnay Aayadaha caddaan dad maan leh
Surah Al-Anaam, Verse 126
۞لَهُمۡ دَارُ ٱلسَّلَٰمِ عِندَ رَبِّهِمۡۖ وَهُوَ وَلِيُّهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Waxay mudan Daarta Nabadda (Jannada) oo Rabbigood agtiis ah oo Isagaa ah Gacalkood waxay camal faleen darteed
Surah Al-Anaam, Verse 127
وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ قَدِ ٱسۡتَكۡثَرۡتُم مِّنَ ٱلۡإِنسِۖ وَقَالَ أَوۡلِيَآؤُهُم مِّنَ ٱلۡإِنسِ رَبَّنَا ٱسۡتَمۡتَعَ بَعۡضُنَا بِبَعۡضٖ وَبَلَغۡنَآ أَجَلَنَا ٱلَّذِيٓ أَجَّلۡتَ لَنَاۚ قَالَ ٱلنَّارُ مَثۡوَىٰكُمۡ خَٰلِدِينَ فِيهَآ إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٞ
Oo Maalinta uu soo kulmin doono (dhammaantood) iyagoo wada jira (oo odhan): Kulanka jinkow! Waxaad badsateen (luminta) in badan oo dadka ah. Oo saaxiibbadoodii ka mid ahaa dadka waxay odhan doonaan: Rabbiyow! Wuxuu ku dan gaaray qaarkayoba qaarka kale, oo waxaan gaarnay muddadayada aad noo goysay. Wuxuu odhan doonaa: Naarta ayaa hoygiinna ah oo aad ku dhex waaraysaan, wuxuu Allaah doono mooyee. Xaqiiq, Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon
Surah Al-Anaam, Verse 128
وَكَذَٰلِكَ نُوَلِّي بَعۡضَ ٱلظَّـٰلِمِينَ بَعۡضَۢا بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
Oo sidaas baan uga saaxiib dhignaa gar ma qaatayaasha qaarkoodba qaarka kale, waxa ay kasbadeen awgeed
Surah Al-Anaam, Verse 129
يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ رُسُلٞ مِّنكُمۡ يَقُصُّونَ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِي وَيُنذِرُونَكُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَاۚ قَالُواْ شَهِدۡنَا عَلَىٰٓ أَنفُسِنَاۖ وَغَرَّتۡهُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَشَهِدُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ أَنَّهُمۡ كَانُواْ كَٰفِرِينَ
Kulanka jinka iyo dadkow! Miyaanay idiin imaan Rusul idinka mid ah, oo idiin soo tebinaya Aayadahayga oo idiinka digaya la kulanka maalintiinnaan tani? Waxay odhan doonaan: Waxaan ku marag furaynaa nafahayaga. Oo waxaa hodday noloshan adduunka. Oo waxay ku marag furi doonaan nafahooda inay iimaan la’aan ahaayeen
Surah Al-Anaam, Verse 130
ذَٰلِكَ أَن لَّمۡ يَكُن رَّبُّكَ مُهۡلِكَ ٱلۡقُرَىٰ بِظُلۡمٖ وَأَهۡلُهَا غَٰفِلُونَ
Sidaasi waa inaan Rabbigaa ku halligeyn magaalooyinka gar darro iyagoo dadkooda war la’ yihiin (aan loo digin)
Surah Al-Anaam, Verse 131
وَلِكُلّٖ دَرَجَٰتٞ مِّمَّا عَمِلُواْۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا يَعۡمَلُونَ
Oo dhammaan waxay leeyihiin derejooyin (heerar) waafaqsan waxay camal falaan. Oo Rabbigaa ma mooga waxay camal falaan
Surah Al-Anaam, Verse 132
وَرَبُّكَ ٱلۡغَنِيُّ ذُو ٱلرَّحۡمَةِۚ إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ وَيَسۡتَخۡلِفۡ مِنۢ بَعۡدِكُم مَّا يَشَآءُ كَمَآ أَنشَأَكُم مِّن ذُرِّيَّةِ قَوۡمٍ ءَاخَرِينَ
Oo Rabbigaa waa Hodan (ka deeqtoon wax waliba) Naxariis leh, hadduu doono waa idin qaadi karaa, oo idinku beddeli karaa idinka kaddib cidduu doono. Sidii uu awalba idiinka soo saaray firka dad kale
Surah Al-Anaam, Verse 133
إِنَّ مَا تُوعَدُونَ لَأٓتٖۖ وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ
Hubaal, waxa la idiinka gooddiyo waa imaanayaan, oo kama fakan kartaan
Surah Al-Anaam, Verse 134
قُلۡ يَٰقَوۡمِ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنِّي عَامِلٞۖ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ مَن تَكُونُ لَهُۥ عَٰقِبَةُ ٱلدَّارِۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلظَّـٰلِمُونَ
Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal falanayaa, waadse ogaan doontaan dhowaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal gar ma qaatayaasha ma guulyesan doonaan
Surah Al-Anaam, Verse 135
وَجَعَلُواْ لِلَّهِ مِمَّا ذَرَأَ مِنَ ٱلۡحَرۡثِ وَٱلۡأَنۡعَٰمِ نَصِيبٗا فَقَالُواْ هَٰذَا لِلَّهِ بِزَعۡمِهِمۡ وَهَٰذَا لِشُرَكَآئِنَاۖ فَمَا كَانَ لِشُرَكَآئِهِمۡ فَلَا يَصِلُ إِلَى ٱللَّهِۖ وَمَا كَانَ لِلَّهِ فَهُوَ يَصِلُ إِلَىٰ شُرَكَآئِهِمۡۗ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
Oo waxay qayb u dhigaan Allaah8, ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Allaah - sidaas bay ku andacoodaan-, oo kan waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxa ay leeyihiin sanaymayadooda ma gaaraan Allaah, waxase (qayb ahaan loo dhigay) Allaah wuxuu gaaraa sanaymyadooda! Alla Xumaa waxa ay xukumaan
Surah Al-Anaam, Verse 136
وَكَذَٰلِكَ زَيَّنَ لِكَثِيرٖ مِّنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ قَتۡلَ أَوۡلَٰدِهِمۡ شُرَكَآؤُهُمۡ لِيُرۡدُوهُمۡ وَلِيَلۡبِسُواْ عَلَيۡهِمۡ دِينَهُمۡۖ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا فَعَلُوهُۖ فَذَرۡهُمۡ وَمَا يَفۡتَرُونَ
Oo sidaas bay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (ilaahay) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan diintooda. Oo hadduu Allaah doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxa ay been abuuraanba
Surah Al-Anaam, Verse 137
وَقَالُواْ هَٰذِهِۦٓ أَنۡعَٰمٞ وَحَرۡثٌ حِجۡرٞ لَّا يَطۡعَمُهَآ إِلَّا مَن نَّشَآءُ بِزَعۡمِهِمۡ وَأَنۡعَٰمٌ حُرِّمَتۡ ظُهُورُهَا وَأَنۡعَٰمٞ لَّا يَذۡكُرُونَ ٱسۡمَ ٱللَّهِ عَلَيۡهَا ٱفۡتِرَآءً عَلَيۡهِۚ سَيَجۡزِيهِم بِمَا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
Oo waxay yidhaahdaan: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuni doonin ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Ilaahay - iyagoo ku been abuuranaya. Waa uu ka abaal marin doonaa waxa ay been abuurteen darteed
Surah Al-Anaam, Verse 138
وَقَالُواْ مَا فِي بُطُونِ هَٰذِهِ ٱلۡأَنۡعَٰمِ خَالِصَةٞ لِّذُكُورِنَا وَمُحَرَّمٌ عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِنَاۖ وَإِن يَكُن مَّيۡتَةٗ فَهُمۡ فِيهِ شُرَكَآءُۚ سَيَجۡزِيهِمۡ وَصۡفَهُمۡۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٞ
Oo waxay yiraahdaan: Waxa ku jira uurarka xoolahan (caano ama ilmo) waxaa gaar u leh labkayaga keliya, oo waa ka xaaraan xaasaskayaga, oo hadduu baqti yahay, markaa way wadaagaan dhammaantood. Wuxuu ka goyn doonaa waxay been u nisbeeyeen (Allaah). Xaqiiq, Waa Xakiim, wax kasta Ogsoon
Surah Al-Anaam, Verse 139
قَدۡ خَسِرَ ٱلَّذِينَ قَتَلُوٓاْ أَوۡلَٰدَهُمۡ سَفَهَۢا بِغَيۡرِ عِلۡمٖ وَحَرَّمُواْ مَا رَزَقَهُمُ ٱللَّهُ ٱفۡتِرَآءً عَلَى ٱللَّهِۚ قَدۡ ضَلُّواْ وَمَا كَانُواْ مُهۡتَدِينَ
Waxaa khasaara dhab ah ku sugan run ahaan kuwa u dila carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan9, oo xaaraameeya waxa Allaah uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Allaah. Xaqiiq way lumeen, oo ma aha kuwo hanuunsan
Surah Al-Anaam, Verse 140
۞وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَ جَنَّـٰتٖ مَّعۡرُوشَٰتٖ وَغَيۡرَ مَعۡرُوشَٰتٖ وَٱلنَّخۡلَ وَٱلزَّرۡعَ مُخۡتَلِفًا أُكُلُهُۥ وَٱلزَّيۡتُونَ وَٱلرُّمَّانَ مُتَشَٰبِهٗا وَغَيۡرَ مُتَشَٰبِهٖۚ كُلُواْ مِن ثَمَرِهِۦٓ إِذَآ أَثۡمَرَ وَءَاتُواْ حَقَّهُۥ يَوۡمَ حَصَادِهِۦۖ وَلَا تُسۡرِفُوٓاْۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
Oo Isaga weeye Kan soo saara beero (canab ah) dhis leh iyo kuwo aan dhis lahaynba, iyo geedo timir, iyo sarac leh miro muuqaal iyo dhadhan kala duwan, iyo saytuun, iyo rummaan, isu eg (nooc ahaan) kuna kala duwan (dhadhan ahaan), Wax ka cuna mirahiisa markay soo saaraan miro, oo bixiya xaqa lagu leeyahay maalinta goyntiisa. Oo ha xad dhaafina, xaqiiq Isagu ma jecla kuwa xad dhaafa
Surah Al-Anaam, Verse 141
وَمِنَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ حَمُولَةٗ وَفَرۡشٗاۚ كُلُواْ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ وَلَا تَتَّبِعُواْ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ
Oo waxaa ka mid ah xoolaha (uu abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Allaah idin siiyey, oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu isagu idiin yahay cadow iska cad
Surah Al-Anaam, Verse 142
ثَمَٰنِيَةَ أَزۡوَٰجٖۖ مِّنَ ٱلضَّأۡنِ ٱثۡنَيۡنِ وَمِنَ ٱلۡمَعۡزِ ٱثۡنَيۡنِۗ قُلۡ ءَآلذَّكَرَيۡنِ حَرَّمَ أَمِ ٱلۡأُنثَيَيۡنِ أَمَّا ٱشۡتَمَلَتۡ عَلَيۡهِ أَرۡحَامُ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۖ نَبِّـُٔونِي بِعِلۡمٍ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
Siddeed lammaane ah; labo ido ah iyo labo riyo ah. Dheh: Ma labada labka ah buu xaaraameeyey mise labada dheddig, mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Ii sheega si cilmi ah haddaad tihiin run sheegayaal
Surah Al-Anaam, Verse 143
وَمِنَ ٱلۡإِبِلِ ٱثۡنَيۡنِ وَمِنَ ٱلۡبَقَرِ ٱثۡنَيۡنِۗ قُلۡ ءَآلذَّكَرَيۡنِ حَرَّمَ أَمِ ٱلۡأُنثَيَيۡنِ أَمَّا ٱشۡتَمَلَتۡ عَلَيۡهِ أَرۡحَامُ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۖ أَمۡ كُنتُمۡ شُهَدَآءَ إِذۡ وَصَّىٰكُمُ ٱللَّهُ بِهَٰذَاۚ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا لِّيُضِلَّ ٱلنَّاسَ بِغَيۡرِ عِلۡمٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Iyo labo geel ah iyo labo lo’ ah. Dheh: Ma wuxuu xaaraameeyey labada labka ah mise labada dheddig; mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Mise goob joog baad ahaydeen marka uu Allaah idin amray arrinkani? Ee yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, si uu dadka u lumiyo cilmi la’aan? Hubaal Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah
Surah Al-Anaam, Verse 144
قُل لَّآ أَجِدُ فِي مَآ أُوحِيَ إِلَيَّ مُحَرَّمًا عَلَىٰ طَاعِمٖ يَطۡعَمُهُۥٓ إِلَّآ أَن يَكُونَ مَيۡتَةً أَوۡ دَمٗا مَّسۡفُوحًا أَوۡ لَحۡمَ خِنزِيرٖ فَإِنَّهُۥ رِجۡسٌ أَوۡ فِسۡقًا أُهِلَّ لِغَيۡرِ ٱللَّهِ بِهِۦۚ فَمَنِ ٱضۡطُرَّ غَيۡرَ بَاغٖ وَلَا عَادٖ فَإِنَّ رَبَّكَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
Dheh: Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee neef iski u dhintay (gowrac la’aan) ama dhiig horay u soo butaacay (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar waayo taasi xaqiiq waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid, wax kale aan aheyn (Magaca) Allaah lagu xusay dusheeda, qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, oo aan xad gudbeyn, haddaba hubaal, Rabbigaa waa Dambi Dhaafid Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Anaam, Verse 145
وَعَلَى ٱلَّذِينَ هَادُواْ حَرَّمۡنَا كُلَّ ذِي ظُفُرٖۖ وَمِنَ ٱلۡبَقَرِ وَٱلۡغَنَمِ حَرَّمۡنَا عَلَيۡهِمۡ شُحُومَهُمَآ إِلَّا مَا حَمَلَتۡ ظُهُورُهُمَآ أَوِ ٱلۡحَوَايَآ أَوۡ مَا ٱخۡتَلَطَ بِعَظۡمٖۚ ذَٰلِكَ جَزَيۡنَٰهُم بِبَغۡيِهِمۡۖ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
Oo kuwaa heysta diinta Yuhuudi- yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh10, xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay gefkoodii dartiis, oo Waxaan hubaal nahay run sheegayaal
Surah Al-Anaam, Verse 146
فَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل رَّبُّكُمۡ ذُو رَحۡمَةٖ وَٰسِعَةٖ وَلَا يُرَدُّ بَأۡسُهُۥ عَنِ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
Haddiise ay ku beeniyaan markaa dheh: Rabbigiin waa Rabbiga Naxariista Ballaadhan, oo Ciqaabkiisa lagama celiyo dadka dambiilayaasha ah
Surah Al-Anaam, Verse 147
سَيَقُولُ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ لَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَآ أَشۡرَكۡنَا وَلَآ ءَابَآؤُنَا وَلَا حَرَّمۡنَا مِن شَيۡءٖۚ كَذَٰلِكَ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ حَتَّىٰ ذَاقُواْ بَأۡسَنَاۗ قُلۡ هَلۡ عِندَكُم مِّنۡ عِلۡمٖ فَتُخۡرِجُوهُ لَنَآۖ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا تَخۡرُصُونَ
Kuwaa ah mushrikiinta waxay odhan doonaan: Hadduu Allaah doono, ma aanu u shariig yeelneyn (waxba Isaga) innaga iyo aabbayaasheenba, oo ma aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Allaah banneeyey). Sidaas oo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabtayada. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah oo aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, oo waxaad uun sheegtaan beeno
Surah Al-Anaam, Verse 148
قُلۡ فَلِلَّهِ ٱلۡحُجَّةُ ٱلۡبَٰلِغَةُۖ فَلَوۡ شَآءَ لَهَدَىٰكُمۡ أَجۡمَعِينَ
Dheh: Allaah baa iska leh Xujada Xeesha Dheer. Oo hadduu doono. Hubaal Wuu idin hanuunin lahaa dhammaantiin
Surah Al-Anaam, Verse 149
قُلۡ هَلُمَّ شُهَدَآءَكُمُ ٱلَّذِينَ يَشۡهَدُونَ أَنَّ ٱللَّهَ حَرَّمَ هَٰذَاۖ فَإِن شَهِدُواْ فَلَا تَشۡهَدۡ مَعَهُمۡۚ وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ وَهُم بِرَبِّهِمۡ يَعۡدِلُونَ
Dheh: Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Allaah xaaraameeyey kani. Ee hadday ka marag kacaan, ha la marag kicin. Oo ha raacin rabitaannada liita kuwaa beeniya Aayadahayaga, iyo kuwaa aan rumeysaneyn Aakhirada, oo iyagu Rabbigood wax la sima oo dhig u yeela
Surah Al-Anaam, Verse 150
۞قُلۡ تَعَالَوۡاْ أَتۡلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمۡ عَلَيۡكُمۡۖ أَلَّا تُشۡرِكُواْ بِهِۦ شَيۡـٔٗاۖ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنٗاۖ وَلَا تَقۡتُلُوٓاْ أَوۡلَٰدَكُم مِّنۡ إِمۡلَٰقٖ نَّحۡنُ نَرۡزُقُكُمۡ وَإِيَّاهُمۡۖ وَلَا تَقۡرَبُواْ ٱلۡفَوَٰحِشَ مَا ظَهَرَ مِنۡهَا وَمَا بَطَنَۖ وَلَا تَقۡتُلُواْ ٱلنَّفۡسَ ٱلَّتِي حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Allaah) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada) la wadaajin waxba; oo u muujiya wanaag waalidiintiin, oo ha u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed_ Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina wixii anshax xumo ah oo dhan kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, oo ha ku dilina nafta uu Allaah xaaraameeyey arrin xaq ah11 maahee, Sidaa buu idinku farad yeelay, bal inaad fahantaan
Surah Al-Anaam, Verse 151
وَلَا تَقۡرَبُواْ مَالَ ٱلۡيَتِيمِ إِلَّا بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ أَشُدَّهُۥۚ وَأَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَٱلۡمِيزَانَ بِٱلۡقِسۡطِۖ لَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۖ وَإِذَا قُلۡتُمۡ فَٱعۡدِلُواْ وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰۖ وَبِعَهۡدِ ٱللَّهِ أَوۡفُواْۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
Oo ha u dhowaannina maalka agoonta sida u fiican maahee, jeer uu gaaro da’diisa tabar galka iyo xoogga; oo u oofiya si dhan beeggidda iyo miisaanka oo caddaalad ah - Ma saarno nafna waxaan ahayn karaankeeda; oo markaad hadleysaan haddaba ahaada caadil haba ahaatee qaraabo dhow (lidkeed), oo oofiya Axdiga Ilaahay; (arrin)kani buu idinku farad yeelay, bal inaad xusuusataan
Surah Al-Anaam, Verse 152
وَأَنَّ هَٰذَا صِرَٰطِي مُسۡتَقِيمٗا فَٱتَّبِعُوهُۖ وَلَا تَتَّبِعُواْ ٱلسُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمۡ عَن سَبِيلِهِۦۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ
Oo (ogow) in kani yahay Jidkayga midka toosan ee raaca, oo ha raacina jidadka kale, oo idinka duwi Jidkiisa. (arrin)kani buu idinku faral yeelay si aad uga dhowrsataan (xumaha)
Surah Al-Anaam, Verse 153
ثُمَّ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ تَمَامًا عَلَى ٱلَّذِيٓ أَحۡسَنَ وَتَفۡصِيلٗا لِّكُلِّ شَيۡءٖ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لَّعَلَّهُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمۡ يُؤۡمِنُونَ
Misna, Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay, kaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan
Surah Al-Anaam, Verse 154
وَهَٰذَا كِتَٰبٌ أَنزَلۡنَٰهُ مُبَارَكٞ فَٱتَّبِعُوهُ وَٱتَّقُواْ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
Oo kani waa Kitaab (Qur’aan) aan soo waxyoonnay, barakeysan ee raaca oo iska jira (xumaha), si la idiinku naxariisto
Surah Al-Anaam, Verse 155
أَن تَقُولُوٓاْ إِنَّمَآ أُنزِلَ ٱلۡكِتَٰبُ عَلَىٰ طَآئِفَتَيۡنِ مِن قَبۡلِنَا وَإِن كُنَّا عَن دِرَاسَتِهِمۡ لَغَٰفِلِينَ
Si aydaan u odhan: Waxaa uun Kitaab loo soo waxyooday labo qolo oo naga horreeyay, oo innagu waxaan aheyn run ahaan kuwo moog waxa ay akhristeen
Surah Al-Anaam, Verse 156
أَوۡ تَقُولُواْ لَوۡ أَنَّآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا ٱلۡكِتَٰبُ لَكُنَّآ أَهۡدَىٰ مِنۡهُمۡۚ فَقَدۡ جَآءَكُم بَيِّنَةٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞۚ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَصَدَفَ عَنۡهَاۗ سَنَجۡزِي ٱلَّذِينَ يَصۡدِفُونَ عَنۡ ءَايَٰتِنَا سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ بِمَا كَانُواْ يَصۡدِفُونَ
Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo waxyoon lahaa, waxaan hubaal ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan xaqiiq waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin, iyo hanuun iyo naxariis. Ee yaa ka gef badan mid beeniya Aayadaha Ilaahay oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed
Surah Al-Anaam, Verse 157
هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ أَوۡ يَأۡتِيَ رَبُّكَ أَوۡ يَأۡتِيَ بَعۡضُ ءَايَٰتِ رَبِّكَۗ يَوۡمَ يَأۡتِي بَعۡضُ ءَايَٰتِ رَبِّكَ لَا يَنفَعُ نَفۡسًا إِيمَٰنُهَا لَمۡ تَكُنۡ ءَامَنَتۡ مِن قَبۡلُ أَوۡ كَسَبَتۡ فِيٓ إِيمَٰنِهَا خَيۡرٗاۗ قُلِ ٱنتَظِرُوٓاْ إِنَّا مُنتَظِرُونَ
Ma waxay haddaba sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku, innaguna (sidoo kale) waan sugaynaa
Surah Al-Anaam, Verse 158
إِنَّ ٱلَّذِينَ فَرَّقُواْ دِينَهُمۡ وَكَانُواْ شِيَعٗا لَّسۡتَ مِنۡهُمۡ فِي شَيۡءٍۚ إِنَّمَآ أَمۡرُهُمۡ إِلَى ٱللَّهِ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ
Hubaal, kuwa u qaybshay diintooda firqooyin oo noqday dariiqooyin (kala duwan) , waxba isuma kiin gelin. Arrinkoodu wuxuu uun la jiraa Allaah, markaasuu wuxuu u sheegi waxay faleen
Surah Al-Anaam, Verse 159
مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ عَشۡرُ أَمۡثَالِهَاۖ وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَلَا يُجۡزَىٰٓ إِلَّا مِثۡلَهَا وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
Qofkii la yimaada camal san, wuxuu mudan toban laabkeed wax la mid ah, oo qofkii la yimaada camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah, iyagoo aan lagu gardarroon doonin
Surah Al-Anaam, Verse 160
قُلۡ إِنَّنِي هَدَىٰنِي رَبِّيٓ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ دِينٗا قِيَمٗا مِّلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۚ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
Dheh: Hubaal, aniga Rabbigay wuxuu igu hanuuniyey Jid(ka) Toosan, (xagga) diin aad u sugan, diintii Ibraahiim, toosnihii. oo kama mid aheyn mushrikiinta
Surah Al-Anaam, Verse 161
قُلۡ إِنَّ صَلَاتِي وَنُسُكِي وَمَحۡيَايَ وَمَمَاتِي لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Dheh: Hubaal salaaddayda, gowracayga, hannaanka noolaanshaheyga, iyo geeridaydaba waxaa (dhammaan) iska leh Allaah, Rabbiga uunanka
Surah Al-Anaam, Verse 162
لَا شَرِيكَ لَهُۥۖ وَبِذَٰلِكَ أُمِرۡتُ وَأَنَا۠ أَوَّلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ
Ma leh wax shariik ah. Oo (arrin)kan baa la I amray, oo Waxaan ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Allaah)
Surah Al-Anaam, Verse 163
قُلۡ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَبۡغِي رَبّٗا وَهُوَ رَبُّ كُلِّ شَيۡءٖۚ وَلَا تَكۡسِبُ كُلُّ نَفۡسٍ إِلَّا عَلَيۡهَاۚ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُم مَّرۡجِعُكُمۡ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ
Dheh: Waa la yaabe! Ma waxaan doontaa Rabbi aan aheyn Allaah? Isagoo ah Rabbiga wax walba; oo naf walba waxa ay kasbato (oo dembi ah) waa dusheeda, oo qof culaabi saaran tahay ma qaadi doono culaabta qof kale. misna waa xagga Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu wuxuu idiin sheegi waxaad isku khilaafteen
Surah Al-Anaam, Verse 164
وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَكُمۡ خَلَـٰٓئِفَ ٱلۡأَرۡضِ وَرَفَعَ بَعۡضَكُمۡ فَوۡقَ بَعۡضٖ دَرَجَٰتٖ لِّيَبۡلُوَكُمۡ فِي مَآ ءَاتَىٰكُمۡۗ إِنَّ رَبَّكَ سَرِيعُ ٱلۡعِقَابِ وَإِنَّهُۥ لَغَفُورٞ رَّحِيمُۢ
Oo Isaga weeye Kan idinka yeelay kuwo u hara oo isu xigsada dhulka oo ka taliya, oo ka sare mariyey qaarkiinba qaar derejooyin, si uu idiinku imtixaamo waxa uu idin siiyey. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhaqso badan yahay Ciqaabka, oo waa Isaga hubaal Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
Surah Al-Anaam, Verse 165